Culimada Magaalada Boosaaso oo si kulul uga hadaly nin loo gacan galiyay Itoobiya

Published on October 27, 2009 by   ·   40 Comments   ·   print

boosaaso

Culimada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay nin ka soo jeeda Dhulka Soomaali galbeed oo uu Maamulka Puntland sida la xaqiijiyay u gacan galaiyay Gumeysiga Itoobiya, ninkaasi oo  ka  mid ahaa shan nin oo dhulkaa ka soo jeeda oo maalmo ka hor laga qabtay Dekada Magaalada Boosaaso xiligaas oo ay ka soo dagayeen Dooni ay ka soo raacen dalka Yemen. 

 

Culimada Kala ah Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Xasan Xuseen Axmed iyo Sheekh Fu’aad maxamuud xaaji nuur  ayaa Salaadii makhrib kadib hadlo kukul oo ay arintaas uga soo horjeedaan waxa ay ka jeediyeen Masaajidda kala ah Al-Rashiid, Ramadaan, Iyo Al- aqsaa waxayna culimdu tibaaxeen in waxa dhacay uu yahay wax aad u xun diin ahaan iyo caqli ahaanba mana bannaana in qof muslim ah loo gacan galiyo cadow gaal ah , arintaasna ay ka dhalanayaan dhibaatooyin aduun iyo kuwo aakhiroba loona baahan yahay in laga hortago waxa la sameynayo ee dhibka ku ah Bulshada jiritaankeeda, amnigeeda , madaxbanaanideeda iyo nolosheedaba. 

 

Sheekh Axmed Daahir oo ka haldlay Masjidka Ramadaan ayaa xusay in waxa dhacayaa ay yihiin wax aad looga xumaado runtii diin ahaan iyo dhaqan ahaanna aysan babaanaynna ayna ka dhalanayaan dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin wuxuuna yiri Sheekh Axmed oo ka hadlaya ninka la dhiibay  “ waxaa ka dhacay meeshaan Dekadda ah maalin dhaweyd niman walaalaheen ah oo dadka la dhashay oo magaca la wadaaga oo la abritis ah oo la dagaan ah ayaa ka soo dagay , sidaad ogtihiin waxaa loo gudbiyay Jeelka teer iyo shalay iyo habeen hore waxaa nagu soo dhacaysay nimanka waa la dhiibayaa hadda waxaa dhacday nin ka mid ah ayaa la gudbiyay waxaana loo dhiibay Itoobiya waa loo soo qabtay waa loo keenay gacantaa loo galiyay ninkaas sidaa ayuu ku tagay … nimankaa walalaheen ah inagaa dooranay oo maamulka ku maamuusnay baarlamaan baynu dooranay iyagii ayaa inoo dooray kan ugu sareeya in kan ugu hooseeya saas ayay u taxan yihiin dadkey la dhasheen” 

 

Sheekha waxa uu sidoo kale xusay in dadku ay leeyihiin dhaqan iyo dad wax garad u ah mar walbana loo baahan yahay in la eego talada iyo hadalada waxgaradka wuxuuna yidhi “dadku waxay leeyihiin isimo waxay leeyihiin Nabadoono waxay leeyihiin Samadoono waxay leeyihiin Culimo waxay leeyihiin Baa’ic mushtar waxay leeyihiin wax wax ku ool ah arintu haday xuntahay waxaa ka dhiidhiya dadkaa dagaanka ah …dadka xilku qabanayo oo wanaaga laga rabo oo nabad galyada laga rabo oo ilaalinta dalkooda iyo dadkooda laga rabo oo diintooda inay ilaaliyaan laga rabo oo wanaaga laga doonayo oo magaca inay ilaaliyaan laga doonayo oo inay dhahaan ma dooneyno wixii khalad ah dadkaan weeye” 

 

Sheekha oo sidoo kale ka hadlaya dadka la dhiibayo iyo bulshada waxa ay arintaa ka qaban karto ayaa yidhi “ma waxaynu raali ku noqonay in dadkii la inaku dul dhiibo raalina ma saas ayaynu uga noqonay waxaynu noqoneynaa hadaynu saas raali ku noqono oo aynaan hadii iyagii aan talo ugu gudbin karin hadayna talo ahayn intaas .. waxaa suurtoobi karta in inta khaladkaa sameyaysay ay yar tahay waxaan dad weynaha kula talinayaa marka hore diintiina marka xiga dadnimadiina marka xiga dalkina wanaagiisa idinkaa la idinka doonayaa”

 

Sheekh axmad daahir marka uu hadalladaas soo jedinayay masjidka waxaa is qabsaday sawaxan ay dadku ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin ficilka foosha xun ee dhacay, markii u sheekhi yidhi war ma sidaaseynu raalli ku noqoneynaa waxay si cod dheer dadka ugaga jawaabeen maya oo ay hal mar wada yidhaahdeen. 

 

Dhinaca kale Sheekh Xasan Xuseen Axmed oo ka hadlay Masjidka al Rashiid ayaa sheegay in arintu aysan ahayn mid waafaqsan dhaqanka iyo sharciga xisigana uu dareemayo in ay tahay mid wax u dhimaysa diinta iyo dhaqanka arintaasna ay ka dhalanayaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay , Amni xumo , colaado soo kala dhex gala dadka walalaha ee wada daga, Mustabalka oo ay saameyn ku yeelato, 

 

Sheekh Xasan xuseen ayaa si adag u yidhi ma haboona in dad sadex sano joogaya u munaasib ma ahan in ay dhibaato u soo jiidaan Mustabalka Umadda , waxaanu Sheekhu dhinaca kale ku baaqay uuna Cuqaasha iyo Waxgaradka ku booriyay in ay arinta ka hadlaan una istaagaan wax ka qabadkeeda waa sida uu hadalka u dhigay Sheekhuye.

 

Waxa uu sidoo kale Sheekh Xasan xuseen carababay in diin ahaan ay mamnuuc tahay in qof muslim ah loo gacan galiyo gaalo isla markaana gaalka arintaa lagala shaqeeyo, taasina ay noqoneyso in la fuliyo ujeedoyinkiisii. 

 

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur  oo isna ka hadlay Masjidka Al-aqsaa ayaa ugu horeyn bidhaamiyay in arintani ay diin ahaan tahay mid ay ka dhalanayaan cuqbooyin badan kuwaas oo isku jira kuwo aduun iyo kuwa aakhiro hadii aysanba soo deg deign kuwa aduunku, diinta islaamkuna ay sheegayso inaan la is dulmin la isku xoog sheegan la is dhibaateyn , in cadow la isku dhibaana ay tahay dhibaato weyn

 

Dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kala ayuu sheekhu ka xusay in ay ka mid noqon karaan in dadka walalaha ah ee wada daga in ay is dagaalaan ama is dilaan iyadoo taasina ay noqoneyso caqbad kala xidh xidha Bulshada wada dagta ee walalaha ah ,sidoo kalena ay keenayso in ay wiiqdo kalsoonidii iyo wada dagananashihii ka dhaxeeya dadka reer Soomaali galbeed iyo dadka halkan daga (Waqooyi Bari – Puntland) .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo P/and u soo gacan galiyay 9 Nin oo B/Badeeda ah.
  2. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  3. Faransiiska oo Puntland u gacan galiyay 8 Burcad badeeda ah
  4. Ciidamada Badda ee Faransiiska oo Maamulka Puntland u soo gacan galiyay 5 Budhcad badeed ah
  5. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya

Readers Comments (40)

  1. Sayful Islam says:

    Waa arin laga naxo. waxaa hubaal ah in maamulka puntland ay masuuliyadeeda qaadayaan oo mar ay ahaataba lala xisaabtami doono inshAllah. Waxaa iyana hubaal ah in shacabka reer puntland intooda badan aysan raali ka aheyn arintaan foosha xun ee waxshinimada ah. Balse waxaa iyana meesha kujirta ay ay saameyn kuyeelaneyso wada noolaashada iyo dariswanaaga dadka walaalada ah. Ilaah umada soomaaliyeed balaayadaan ku habsatey haka badbaadiyo. aamiiiiin

  2. Cabdirashid says:

    As wr wb
    Raali iga ahaado waa markii iigu horaysay ee aan bogani ku soo qoro arintani waan ka aamusi waayay.
    Waxaan wax laga xumaado ah in qof soomaali ah, oo wadankiisa jooga laga afduubo oo loo dhiibo cadow soo jireen ah, maxaa xiga doona in culamada deeganka ah in lagu xijiyo haddii arintani aan laga hor tagin sida ay kus socta.
    Waxaa qabaa inay culamada iyo dadka wax garadka ah inay arintani ka dhiidhiyaa waxa hadda loo baahan yahay in lalla xisaabtamo nidaamka meesha ka jira oo u fadhiyo kaliya inuu lacag canshuur ku sheeg ah ka qaato islaamaha yaanyada gado oo masaariifta caruurtooda oga raadiyo, haddii kale ay bulshada meeshaa joogtaa masiirkooda u daayaan haday wax qaban karin arimahan soo noq noqanyo oo ceeb aduun iyo ciqaab illaahay lagala kulmi karo.

  3. Cusmaan janan says:

    Gun weeye ee culimo ma ahan kuwa orahnahaya mooryaan baan dooranay ee haddii aad doorateen danbiga ayaad wax kuleedihiin culimana matiihine socda kakeena gaalada ragga ay kaxaysteen

  4. Bashiir says:

    culimada Putland waligood afka oo keliya miyay ka cambaareenayaan mise ficil ay arrintaan oo kale looga hor tago in aysan dhicin baa la gudboon inay sameeyaan?.

    markii qabqablayaasha Muqdisho loo taag waayay oo ay arrinkaan oo kale sameen jireen culimadda iyo shacabka ayaa ka hor tagay fiditaanka arrinkaan marka sidaas oo kale ha sameeyaan haddii kale waxay noqonayaan Aarbiitare oo kale oo meesha ka qey qeyliya un.

    waxaan idiin rajeyanayaa kheyr dhammaantiis.

  5. Berberaawi. says:

    Walaalayaal waxa dhacaya waad aragtaan, in maanta qof Muslim ah, Soomaali ah weliba Hayb ahaan aan ka fogeyn qolada wax dhiibbaysaa !!! Taasi waxa ay ku tusinaysaa Xisaabtii jajabka ahayd (4.5) ee dadka lagu seexshaa in aanay waxba ka jirin ee Cadowgeenu mar hore inaka samaystay qaar magaca, Midadbka iyo Haybtaba inaka mid ah Gumeysigase u adeega. Haddiise dadka reer Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ah labada meelood ee maanta ugubadan ee lagu dhiibo ama laayo dadkaa Walaalaheena ee Soomaali-Galbeed aysan arrintaa wax kaqaban in ay u diyaargaroobaan Cuqubada aan xalka weli loo helin ee maanta Muqdisho kasocota. Waxaadna dadweynoow ogaataan in labadan maamul ee S/Land iyo P/Land Beri hore Itoobiya qabsatay oo aanay ubaahnayn in ay ciidan u soo dirtaan balse Taleefoon keliya haddii loosoo diro ay Labeeyka Itoobiya wa Labeeyka Adissababa ay kusoo xajaan, Udxiyaduna waa Soomaali-Galbeed iyo dhiiga Culimadda !!!!

  6. Ahmed Nogob says:

    Ascww,

    Salaan dabadeed Reer Puntland ama majeerteen hadday run idinka tahay inaad ka xun tihiin wiilka xabashida loo gacan galiyey dhiidhiya oo kasii daaya kuwa wali u xidhan ee sugaya in iyagana la dhiibo. Hadal looma baahna waxaa loo baahan yahay Ficil, haddii kale waad ku taageersan tihiin dawalada Faroole ficilka ay ku kacday idin kaana xilka u dhiibtay.

    salaama

  7. abdirizak columbus says:

    a/c/w waxaa la yaab sida ay reer buntland ay ugu dhiiranayaan waxyaabaha alle iyo rasuulkiisa xarimeen oo qof muslim ah loo dhiibo gaalo, hadana arintaa u sameeynayaan ku celcelinayaan camal ah alle muu wax naga qaado lakiin waxay ilooween in alle cadaabkiisa ka fogeen, waxa ka dhacaayo hareerahooda inay ku imaan karaan,dagaalami karaan ,qixi karaan la arki cajaa ibta alle,
    dadka aad ku cayaareysaan weygaajeysan yihiin waad dheragsan tihiin,argagax iyo cabsi ayeey kunool yihiin nabad ayaad ku nooshihiin,waxaa isku darantay abaar colaad joogto ah soo maleegeen gaalo oo dhan marka idinkana ma gaaladaad ula safteen alle oo ah gadgadiyaha aduunka idin daawan,waxaan idin lee yahay markaa aad indho iyo dhago tirtaan qoys u soo baxsadey wiil oo nolol u raadinaayo xalada aan soo sharaxay ama mid kadran oo cadawga aad u dhiibtaan ma weydaan ka baqeen inuu cadaabka gobolka dulmiga lagu sameeyey ku soo dadajiyo,
    haduu alle cadaab so dajiyo ma jirto kanaa dulmi sameeyey kana ma sameeynin waxaad wada saaran tihiin doontii uu nabiga uu sheegay hadaad gacmaha ka qabtaan ninmanka tirada yar ee dhibka wada waad badbaadeen hadii waad wada halagsameeysaan,
    tan kale danta laga leeyahay waa in soomali lakal dilo sokeeye iyo shisheeyaba si qabiilna qabiil ugu gudbin hareerihisana ay colaad u hayaan qabiil kasta meeshiisa godoon ku ahaado marka reer puntland ashiin ……

  8. yaasiin says:

    Culimooy iska aamusa yaanay qeylo idin dilin Faroole itoobiyaan ayuu idink jecelyahay taasi waala hubaa.
    Hadda maxaa idinka qeylasiiyey waa adinkii lahaa itoobiyaanka dagaalka lagula jira jihaad ma aha.
    Adinkaa ku raali noqday inaad dhaaghuud ku hoos nolaataan.

  9. Mr malayko says:

    Asc haa culimadu waymahadsanyihiin &somalimirorba lkn xaalku intaas wuukawayn yahay oo 5 ninba waaladhiibay anigu warkaan hayo midakale waxaajira niman kale oo qaybna ladhiibay qaybna lagulaayay magaalada gaalkacayo saxaafaduna wayqarisay dadkaas hore midakale ninka kumagacaaban madaxwaynaha pld mrfaroole waxaajira hadalo aflagaado ah oo uu ugaystay 5 nin ee udanbaysay iyo dhaqanna xunxun oo lagula dhaqmay intii laguhayay boosaaso midakale dadka hada kahadlaya arintan maxay uhadli waayeen? Intaanladhiibin muday xidhnaayeene ok waxay ilatahay itopia kuguulaysatay dantaylahayd oo ah in ay iskudirto soomaali wixii hada kadanbeeyana xaalka magaran hayo waalagabad badiyay ee alowsahal dab nin aan hurin ayaakugubta

  10. Faysal says:

    Xasbunallaahu wanicmal wakiil.

    Culumo meel hoo u baahan hadal waxba kama taro…Arinku Ficil buu u baahanyahaye amaad qalabka qaadanaysaan…hadii kale hana daalinina.

    Maamulka Pugland waa shaqdooda inay ilaaliyaan Amaanka wadanka itoobiya..macnaha waxay ma mid yihiin gobolada ay Itoobiya maamusho.

    ILaahay Mujaahidiinta ha guuleeyo..kagadaal insha’allaah kheyr farabadan baan rajeyneynaa.

  11. haaji carab says:

    Walaahi Qadiyaddan soo noqnoqonaysaa waa wax laga xumaado arintan somaliland iyo putland labaduba way isticmaalan islaamnimana maaha waxaan ku talin lahaa in laga waantoobo waayo xerada muslimnimadda in laga baxo ayaa laga yaabo waayo rasuulku scw waxaa uu yidhi markuu muslimka sificaynaayey ee uu sheegayey waxa muslim yahay cid walba iskama sheegatee waxaa uu yidhi (muslimku waa qofka mulimiintu ka nabadgalaan carabkiisa iyo gacantiisa ) allahu akbar muslimiintu ma inaga nabad galaan inaga
    cafa allaahu camaa salaf

  12. SOMALILANDER says:

    BEREBERWAAWI WIILK KU QORTAYI MEESH ADEER SOMALILAND MA AHAA BAYDHABO IYO XAMAR IYO DHULKA DULUMIIGA ADEER WAAN NAQAN NIN MAGACA MEEL LEDAHAY ISKA JECELDAYI EE MAGACA MAGALAD NOO DHAAF WASAAKHA AYAAD TAHAY MAXAA NAAG GALAY CIID LA DHIBAYO MA YAAG NOO NIXI JIRAYI ADEER ANAAGU SOMALIBA MA NIHIIN QAAT SOAMALIB MAGACAI XAAT MA WADAAGAN SUURAD IYO MIDAABTANO ADEER SOMALILAND WAA UMAAD JIRTA SOMALIN WAXAAB NAAGM GALIIN LABAT AYAAD KA JECELTAY BERBERAAWIYE MAGACA WAAD ISKA JECELATAYI ISKA DHAF ADEER RAAG LAH BERBERA AYAA KU LEH WAAN NAQAN INAAN YAR XAMAR KA SOO BADHACAYE

  13. faarax says:

    S/c/w/w. salaan kadib waxaan layaabay oo aan garanwaayey dad muslin ah soomaali ah oo aan wadan ka denbi kagelin xaqna uleh inayjoogaan oo ku noolaadaan wadanka sababta loogu dhiibayo wadan gaalo ah miyaa la iibsadaa mise baqdin baa ugeysey madaxda puntland oo waa ku khasbanyihiin.
    waxaan leeyahay waa inlootgaa oo laweydii yaa su aalahaa. in maalinkasta lataxaabo nin soomaali ah aad baan ugaxunahay.
    waa mahad santihiin.

  14. beerlula says:

    walaalayaalow lagamana reebi karo waana diloodeen

  15. Hadal nooma eka Hadaa nahay reer Puntland

    ceebi sidaa nooga hari mayso

    walaaltinimaduna sidaas maaha

    in afka laga hadlo deedna layska aamuso
    dadka waxaas gaysanayana ay yihiin dad layska qaban karo
    oo awood loo leeyahay balse dadkii la hortaaganyahay

    DADKU YAY KA AMAR QAATAAN ? !!

    dadka xun xun iyo ku sufahada ah markii laga reebo
    dadka intiisa kale sida

    isimada shacabka le damiirka muslinimada aqoonta siyaasadda dhaqaalaha dhamaan way eegtaan CULUMADU sida ay umeel mariso Xilka kasaaran Diinta islaamka iyo Awaamirta ay usoo jeediyaan Shacabka Qaybihiisa kala duwan iyo meel marinta diinta iyo dhaqanka Suuban

    waxaa haboon in aysan KA hadlin afka CULUMADU ISIMADU CUQAASHU IYO DHAMAAN INTA DAMIIRKALE

    maxaa yeelay arinta dhaaftey afka waxay maraysaa ficil

    dadka been haw sheegina ama iska aamusa

  16. M)garbo says:

    A/c gartay macusba arintani in soomaalida qaarna cadowga ladagaalamo qaarna sooraaco wayjirtay ilaa iyo xiligii sayid maxamed markaad raadraacdo taariikhda marka tanna waatii,uun ee waxaan kulatalin lahaa shacabka soomaaliyeed ee lagumaysto adkaysta waad guulaysandoontaan ishaa,allaah (gobi) wayliicdaa ee majabto waxaana filayaa sidii horay udhacday arintu waxay kaynaysaakaliya midnimo iyo mintit nimankaas dhiigyacabka,ah waxaygaysteen yaan loodhibin dad aan waxba galabsan hada ha hilmaamina danbiga la,idinkagalay iyaah dadkuwaysku dade ma,iskudadanimaa??? Dadka reer boosaasow dhibka aad noogaysateen xabadka soodhaafye maxaa inagadhaxayn kara (tigree)baad udhurateene!! Allaahu,akbar

  17. abu ahmed says:

    war qoriga qaatata oo tuura daba dhilifka u shaqayna ya itoobiyaanka masaaidlaga hadlaa waxba tari mayso e raga halayska dhiciyo
    sida koonfur looga safeeyay ashahaado ladirirka somaliland iyo puntlandba hala rido

  18. abu ahmed says:

    kaagan wanifayay bebera ma adaaleh xishoo arinku berbera ka weyne somali maba tihid waxaanba filayaa dqamasha la aantaada in aad tahay israaiili

  19. jimcale says:

    BERBERAAWI

    AAD AYAAD U SAX SAN TAHAY, WAXA REER KOFUR KA DAGALAMAYAAAN WAA IN AMXAARO GUMAYSATO WALAAHI TAS WAXAAN KA XIGNAA GEERI

  20. Abdullaahi (daacad) says:

    walaalayaal waa fajiciso iyo amankaag in pudland oo looga bartay deriswanaag dad soo dhoweyn maanta la yiraahdo dawladeedii baa dad gacanta u gelisay amxaaro arrintaasi haday tahay mid jirta waa in talaabo laga qaado maamulkaas oo waxgaradku u kacaan wax u sheegida iyo in ninkaas si deg deg ah loo soo celiyo.

  21. Abdullaahi (daacad) says:

    culumaada waxaan leeyahay idinkaa dadka ku tiraahdeen dawladaan waa dawlad fiican ee dadweynow la shaqeeya marka cabaadka ha joojiyaan culamadu ama dadka warkii ay horey ugu sheegeen ha ka noqdaan oo hayiraahdaan anagu pudland beribaan ka nahay iyo waxa ay sameynayso dadweynoooow. marka culumooy dadka idinkaa horay u hoday oo waraaabe marabi nooga dhiga ee ilaahay intaad ka baqdaan naftu marbay godaaye xaqu ku dhinta si aad alle raali ahaanshihiisa u gaartaan aakhiro iyo adduunba.Hana ilaawina murtidii oranaysay ‘NIN ABEESO KORIYOOW ADIGAA U AAYAYEE’

  22. faras cadde says:

    doqonimada iyo aflagaadada joojiya hadi culimadu ficil qaadan hada hal qof ba dhintay lakin kun baa dhimanaysa dalka waxa ladoonaysan waa fidno ilaahay fidnadi dadka haka badbaadiyo .

    waxaa ay culimadu xaq uleeyihin inay ka hadlaan dhibka dadka lakin inay dadka maamulaan cidna uma idman marka yaan wax laisku qaldan hadii qofku uu wadaad yahay khasab maahan inu hadana noqdo qof dad ka hogaamiya.

    fidnada aad koonfur ku gubteen ha isku dayina inaad waqooyi barina geysaan.

  23. Cali Yare says:

    Waa dhaqan Reer Puntlanad ineey waligood Ithiopia ku xirnaadaan oo walaalahood soomaliyeed ka fogaadaan,.

    lakin waxaan aad uga xanuunsanayaa nimanka culumo ayaan nahay leh hadana oranaya inaa maamulka sameynay hade hadii aad maamulka sameyseen danbigii maamulkaas geysto oo dhan qayb baad ku leedihiin alle hortiisna waa la idin weydiinayaa ee sida walaalkeey osman janan sheegay orda nimanka reer tolkiin cadowga manaxa ah u dhiibeen ka keena ama Somali ha idin aragteen sidii reer Muqdisho ashaahaado la dirirka ku yaaca oo sidii maxkamadihii shacabka horkaca.

  24. Daacad says:

    Bacda salaan, Waxaan idiin xaqiijinayaa Ama Puntland ku sheega Ama Somaliland wixii la doono hala idinku maaweeliyo, nidaamyada meeshaa ka jira waa nidaam hoostaga Melezawi.
    lamaba yaabani Ragga shaqaalaha ah ee meesha la geystay.
    Balse inta kale ee goboladaa deggen ee ay culimadu ku jirto waxaan leeyahay.

    waa iga su,aale:
    Aaway ISLAANIMADII?
    Aaway CASHIIRANIMADII?
    Aaway DERISNIMADII?
    Aaway SOOMAALINIMADII?

    war xitaa nimankaa cumulada ah maka dhaadhicin waayeen, ianay yiraahdaan war dadkaan muslimiinta ah gaalo ha u gacan gelinina,e ee u sheega inayan halkan aamaan ku heleynin ee ay iska aadan meelihii kale ee ay amni ku heli karaan, ilaa siba sibay dhaantaaye.
    ILAAHAAYOW adaa ILAAH ahe Muslimiintaa la dulminaya u gargaaar, oo RABIYOOW naga qabo Gaalo iyo Gaalo ushaqeeye.

  25. Korneyl Haragweyne says:

    asc, wr,dhamaan muslimiinta, walaalayaal waxaad mooodaa in badan oo dadka ah wax ma fahan sana, maxaa yeelay dadka madaxda sheeganaya, puntland iyo somland yaakeensaday meesha? waxaa magacawday nijaaskii zanawi ahaa. markay saas tahay in aad xabeebataan ma ahan. waxbana ha is daalinina,

    meesha wax aad sheegeesaan mayaalo labadan maamul ee daba dhilifka ah waxaa amar lagu siyayn in ay dagaalka itoobiya kujihaysan sanooyin badan ee ay kalib keeni weyday laweeciyaa laguna jeediiyaa shucuubta walaalaha ah ee dhabaato aynan dhex oolin

    tusaale ahaan in dagaalka kusii fidahaya deegaanada high landka itoobiya waana dhulka ay sika galaan somalida iyo qoomiyadaha etiibiya in lakala dhantaalo oo uu ujihaystaa puntland iyo somaliland

    ilaa hada inkasta oo itoobiyo dadaal badan kubixisay daba dhilif madax iskusheegeeysa adeegsatay way guulaysan la,dahay

    ayadoo kadulaysa meel ay soomali dagto oo dhan in gumaca rasaastu wiif layso cidkastaba hariideee si umada somaliyeed dhamaantood ay utabar dhigaan kadibna hee cadaawuhu uraqo

    laakiin dulqaadka aadama il laga qaado aa arin aad uxun ilaa hadda waxaad moodaa in ay ku baraarug sanyihiin shacabka reer somali galbeed hogaankooduna aad ayuu isu iloowsiinayaa waxa ay ku adeeganayaan daba qoodhiga ka arimiya puntlan iyo somland waana arin shaqsi kasta in yar oo garaadle uu dareemayo

    hadii aan lakala roonaan robku ma da,o somalidaa ku maah maahda.waxaan dareensan nahay in culay iyi hagar daamoouyin badan oo dhinacyo badan le ay kaga imanayaan waxaan kula talinayaa yuusan idinka lumin koontaroolku si aynan umeel marin dabinka cadaawuhu dhigayo…,

  26. wacane says:

    bismilaah

    intaas culimadu ka hadashay miyaanay idin deeqin a hadal baa hadhay anaa hadhay looma hadlo ,,,,

    waa run cuqubaa ka dhalanaysa waana mid hubaal ah ,,,,,,,

    waxyaabahan oo kale mudaharaad ayaa laga dhigaa culimadu waxay ahayd in dadka salaadaha ka dib gaar ahaan salaada jimacaha kadib la isu soo baxo oo xumaantan iyo heerka bulshadu ka taagan tahay iyo sida ay u diidan yihiin ugana dhiidhinayaan ,,,,,,,,,,,,,,,,,

    NIMANYOW bal dib u akhriya taariikhda dowladii islaamiga ahayd ee DAALIBAAN waxay diiday inay soo dhiibto hal nin oo waliba aan ahayn AFGANISTANI wadankana aan u dhalan waa NINKA SIDA WANAAGSAN AAD U WADA TAQAANAAN EE USAMA BINU-LADAN wey diideen HALKAASNA wixii ka dhacay iyo dulaankii gaalo isu habarwacatay ilaa hadana socda ayaa ka dhacay ,,,, maantana PUTLAND dad nasab ah ooo waliba tol iyo qaarabo iyo xigaal ah ayaa amxaar gaal ah loo gacan galinayaa war nimankan madaxda sheeganayaa miyaanay taariikhda waxba kala socon oo wax la qoroyo oo meel yaal noqonaya inay tahay miyaanay ogayn waana lagula xisaabtabi maalin ay noqotoba ,,,,,,,

    DIB U RAACA DAALIBAAN WAXAY DOWLANIMADII IYO RAG U HAREEN USAMA BINU-LADEN ,,,,,,

  27. Somali-boy says:

    Somaliland And Putland And Kilil-five=5 Waa isku mid Soomaali Calooshood ushaqeysta yaalla oo Zinawi Naago u-ah ayaa Maamulka uhaya Sadex-daasi Gobolna Waxay ubaahan yihiin in Tigreega Laga Xoreeyo

    Mohamed

  28. Run-sheeg says:

    TO Culimada Puntland
    walaalayaaloow arintaan waa in aad wax ka qabataan dowlada aad doorateena ma aha dowlad islaam ah, oo tii shariif ee la durayey waxaaba ka darran tii aad doorateen, haddii aadan wax ka qaban waxa ka dhalan doona cuqubo aduun ee degdegta iyo mid aakhiro.
    Sida rasuulkeena yiri(( qoom haddi aysan reebin munkarka RABBI waxa uu ku camimaa ciqaabta timaada))
    mahadsanidiin

  29. abu ahmed says:

    faras cade naftaa la difaaciye fidno ma taalo meesha xabashiga wax qaadanaya ee wadankeena dadka ka bililiqaysanaaya min dhaa kuuma muuqdo nin yohow xishoo

  30. lasanod says:

    fidno aya dhhacaysa ayy kuleyihin somalidu dad noolba ma ah oo fidnada manta tagan ta kawayn haday dhacado tolay see la noqonay fidno tan kadarani maba jirto ee dadka yan been looshegin fidno am ahadhacado ama yaysan dhicin dadku wa xisaabtami donan dadka somaliyedna way ka argudan donan dadka dhibaya hadhowna mawaxad odhan dontan fidno aya nalgu xukumay marka surka laga gooyo kuwa maleshiyadkina hogamiye kuwasi wa kuwa dadka somalida cadowga ugacangalinaya

  31. inlibaaxo says:

    ABU AXMED SXB AAD AYAAD UU KHALADAN TAHAY SOMALILAND YAAAAAAAA LEH HORTA SXB HAAAAAAAAA ISKA RIYAANO SOMALILAND DAD TASHADAYI AYAA ISKA LEH WAA MAXAYI SOMALILAN ISKA DHICIIYA ADEER SOMALI HORE AYEEY KHALAAD NOOG GASHAYE MA WAXAAD DOONAYIIS INAAN XAMAR IYO GAROW IYO INTA SOMALI TAGATAB NIMAADAN ALSHABAAB WAAD OGATAHAY AMIIRKUU WAA ANAAG DEEEEEE SIDA LOO DAGALMA WAANU NAQAN INTA SOMALILANDER DHAB NAFATU KU JIRTAN U MALEEN MAYO HADHIIGII FAQASHT INU DHULKAYAG CAGO SOO DHIGAYO ADEER KA JEEDAYA SOMALILAND AFKIIN QADHAMUUN CIID MA DHIBAT LAKIIN MA JECEL IN CIID GALO LO DHIBO LAKIIN OGADEN WAA DAD XUN SEE MA AHAA IN GALAAD LO DHIBO LAKIIN ANAAG OGADEN NAXARIIS NAAG MA DHEXEYIISO WAA NIMAANKII DADKAYAG XASUUQAYI AAD AYAAN UGU XUMAHAY HADDII GALO IYO DAD XUN LO DHIBO

  32. abu asad says:

    abu axmed abu abu damer ayaad tahay berber waayo adeer see ka tahay mar somali ayaad naagu sheegayiis mar aan yuhud ma ahaa waxaa idiinku cusub in aad naagu sheegatn yuhud lakiin alle ayaa idiin kal xisaabatamay inshalaha waayo dad islaam ayaanu nahay sxb sow adiigan naagu sheegay yuhud maxa ka khaladan dadkasi aad yuhud ku sheegat ayaa berbera iska leh ee ka jeed afk xun ee aan aad la dhafayiin guriga waan ku naqan kolayii waa lagu dhala

  33. Wiilmalayko says:

    Salaamulaahi calaykum inta muslimka ah kadib waxaan lahadlayaa ninka le waxaan uhadlayaa reer hargaysa horta waxaan filayaa adigu matihid reer hargaysa hadaatahayna mamatashid ee waxaadkatahay shakhsi maangaab ah markaan fiiriyo hadalada aad kuhadlayso waana adiga ookale kuwa cadowgu kushaqayso dadka reer hargaysa anigu marabo in aan waxkawada sheego waxayna leeyihiin dad aad uwanaagsan oo muslimiin ah marka waa walaahay lkn wayjiraan dad xunxun oo ushaqeeya cadowga midakale waxaa lagahadlayay arin sare oo facwayn adna waxaad kahadlaysaa ama aad u,hadashay sida ciyaalka marka toos waad hurudaaye midaka ogaden waaqaran qaran na uma baahna inla jeclaado ama lanoco dad reer soomaali qarbi ama ogaden allaah ee cidnakale uma baahna hadaad isleedahay itopia ugafaa,iidayso war macal israa,iil sookaxayso bakhtiyohow

  34. xaaji qawdhan says:

    waxaan layaabanay ninkan laanderlaynaya xagee buu kahadlaya,yaa soo dhex galiyey sheekada somalinimada ah, nijaaskaas xuun ee somali diidka ah tariikh buu u leeyahay kabaqaadnimada gaalada,in uu kadhexhalo dad somaliyeed ma astaahilo,qoraalkiisuna qiimo ma laha haduu boqoljeer soo qoro yaan lalahadlin lagana hoosqaadin (egnoorgareeya)tariikhdiisana u sheega.

  35. Uma-Cabdallaah says:

    Ascwrwb,Reer Bosasow hadad sidaa rali ku noqten in walalaha musliminta ah malin wabaaa gaalo gaalo dhashay loo dhiboo Walleh cadhoo illahay (sw)waa idinkuso dagi dontaa haadi la iska qaban mamulka gaalada u shaqesaa ama ka amra qadataa. Xasbunalaahu wanicmal waakil

  36. Abu Suleymaan says:

    ascww

    Dhib male weligeed ayaa la arki jiray ragga gumeysi la dirira oo gacanta loo geliyo gumeysi, lakiin waxaan la yaabanahay wax ay reer puntland uga dhiidhiyi la yihiin arrintaan oo ay raali uga noqdeen oo ay culumada isu garab istagi la yihiin.

    wax ilaa hadder aan arko oo dhaq dhaqaaq ah ma jirto ama ficil ah oo arrintaan lagaga soo horjeedo.

    Bulshadda reer puntaland waxaan fari lahaa haddii aydaan raggan dabodhilifyada ah iska qaban maalinta ay waayaan cid kale idinkaa kawaanka saaran ee ogaad.

    wabilaahi towfiiq

  37. Cawil says:

    A/W/W PUNTLAND IYO SOMALILAND IN SHAREECADA ISLAAMKA LAGUSOO DABAALO AYEY U BAAHAN’YAHIIN.

    OO MEESHA LAGA SOORO QODOBADA GAALADA IYO GAALO RAACYADU QOREEN EE SHAREECADII ISLAAMKA BOOS KEEDII LAGALIYEY.

    HADII AAN TAAS LA HELINA ANIGU WAXAAN AAMINSANAHAY IN AAN WALIGEED NABAD IYO KHAYRTOONA LA HELAYN.

    INTA KITAABKII ALLE IN LAYSKU XUKUMO LADIIDANYAHAY.

    WAXAANA OGAHAY IN BULSHADA SOOMAALIYEED GUUD AHAANBA 80% AY DOONAYAAN IN KITAABKII ALLE LAGU XUKUMO 18% KHALAD DIINTII LAGA FAHANSIIYEY SIDA AYADA OO LAYIRI DIINTA IYO XUKUNKA KALASAAR!!!!!!! INTA SOOO HARTA OO AH 2% WAXAY ILAASHANAYAAN SADANADA AY MARKAA AYAAN OO NIN GAAL AH KU ILAALINAAYO WAXAYNA AAMIN SANYAHIIN HADII AYSAN RAALI GALIN NINKAAS GAALKAA IN AY WAAYAYAAN SADANA AY HAYAAN!!!!!!!

    BOQOLKIIBA LABADAAS NIN EE AAN SOO SHEEGNAY AYAGAA XUKUMA SADEXDA MAAMUL KU SHEEG EE SOMALIA KA JIRA WAXAYNA KALA YIHIIN SADEXDAAS MAAMUL KU SHEEG.

    1. SOMALILAND.
    2. PUNTLAND.
    3. DAWLADDA KMG.

  38. nasrullaahi says:

    dadka gaajeeysan oo colaat kufurantahay intaasoo qarni oo gumeeysi heeysto hedeey puntland ganacsi kadhiga tay ilaahaa joogo maxaan kaloo sheekna laakiin dadka culumada ah iyo shacabka muslinmka ah hadeey cabaat ilaaheey soo dagto nilama kala soocaayo isku si aya la idiin cadaawaa ogaada ilaheyan dhib aat dadka kagasheen nilgama saamaxaayao ilahareerihina uu imaado

  39. nasrullaahi says:

    war putland waat ceewoowdeen walaalahiina dhinacwalbo ayat itobiyaan udhiibeeysaan cabsida intaan la ik intee idiinka imaatay itopia mageeri ayeey idinka celin maya risaaqeey idi siineeysaa sababta aat oga cabsaneeysan maxeey tahay mise saasawa aamin santihin ineey wanaak tahay

  40. nasrullaahi says:

    maxey tahay faroole waxaga kadareeywaayee lacakta tiihoroo lagu suu gutbin ayaat kiikale kadawageeyneysaa dadka hal markeey dhiibaan ooxooghaa lahilmaameey mitkale kudarijireena adiga waawa kas cat bishiikaliya meeqa waawa iska dawasaar waxaagee walkee maanta maalin aan aheen ayaa lagula xisaabtami itipiana majookto maalin taas oogadaal ufiirineeysit ilaaheey idin qabay kuwa falkaan ku kacayoow sagalkii nin nabiga NNKH util maamay jabriil inuu kaqabanaayoi ilaahey ha idin kudaro ilaaheey ha idin qabto ilaaheey ha iinqabto ilaaheey ha idinqabto ilaaheey ha idinqabto ilaaheey ha idinqabto




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo P/and u soo gacan galiyay 9 Nin oo B/Badeeda ah.
  2. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  3. Faransiiska oo Puntland u gacan galiyay 8 Burcad badeeda ah
  4. Ciidamada Badda ee Faransiiska oo Maamulka Puntland u soo gacan galiyay 5 Budhcad badeed ah
  5. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya

Latest Headlines