maamulka Xarakada Al-Shabaab ee gobolka banaadir ayaa Maanta Xukun Xad ah ku riday 4 Dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay Ahaayeen Qaadicul Dariqiin Dadka Isbaareysta Xiliyada Habeenkii ah.( Daawo Sawiradda)
Kumanaan Dad ah ayaa isugu soo baxay Xerada Maslax oo uu ka dhacayey Xukunka Xadka ah Gaar ahaan Xadka loo yaqaano Fiqhi ahaan Xadul Xiraabah(حدّالحرابة), waxa uuna ahaa Jawiga Goobta Ragan lagu Xukumayey Mid Degan.
Dhalinyarada Xukunka Xadka ah lagu riday ayaa kala ahaa:-
1. Cali Max’ud Cali Geedi
2. Jeylaani Max’ed Xaaji
3. Ismaaciil Khaliif C/lle
4. C/Qaadir Cadow Hiiraale.
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay Hub lasheegay in ay Wax ku Isbaareysan Dhalinyaradan la soo Xiray iyo Waliba Moobilo iyo Baastoolado la sheegay in ay Dadka ka soo dhaceen.
Waxa Fagaaraha Xukunku ka dhacayey kahadley Ma’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaas oo kala ahaa Sh.Fu’aad Max’ed Khalaf, Waaliga Gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.Cali Max’ud Xuseen, iyo Qaadiga Maxkamadii Xukunka Riday oo lagu Magacaabo Cabdul Xaq.
Ugu horeyntii waxa goobta ka hadlay Sh Fu’aad waxa uuna Faahfaahiyey Faa’iida kujirto in Xuduuda Alle Seytahay loo oogo waxa uuna Sheegay Xadka ay fulinayaan in uu yahay mid ku yimid Kitaabka Alle iyo Sunada Rasuulka S.C.W. waxa una yiri:”waxaan Maanta isugu nimid in aan oofino Xad Ilaahey Xuduudiisa kamid ah, Ilaahey S.W markii aan Islaamnay oo aan u hogaansanay wuxuu nagula balamay oo uu nagu adoonsaday in aan Xukuno oo aan Fulino Ilaah baana Mahad iska leh, Xadka aan Maanta Qaadeyno waa Xad Ilaahey Kitaabkiisa & Sunada Nabigana kuyimid Xadkaasna waxaa loo Sharciyeeyey Dadka Dariiqa Dadka u joogsada oo Maalkooda Xaqdarada ku qaata oo Naftooda Aaminka ka saara kuwaas ayuu Ilaahey u Sharciyeeyey”.
Sh.Fu’aad ayaa intaa ku daray inaysan Gaaladu ogoleyn in Dadka Islaamka ah Kitaabkooda isku Xukumaan iyo in uu Kutaabka Alle kornoqdo, Waxa uuna Sheegay in ay Gaaladu iyo kuwa Munaafaqiinta ah ay ka Faafiyeen Xukunkii Rajminta ah ee Kismaayo ka dhacay Warar been ah oo suurad Xumeyn ah iyaga oo Diida isla markaana Biininaya Aayadaha Alle.
Sh.Fu’aad oo arinkaa ka hadalyo ayaa yiri: “Ragbaa Muslimiinta Jidka u galay Maalkoodiibey Xaqdaro ku Qaateen Bastooladooyin bey u Qaateen Dariiqii baa Aanim noqon waayey Naftii Muslimada aheydna Amaanibey noqon Weyday sidaa Daraadee Ilaahey Xukunkiisi baa la Qaadayaan, Waxaan Rabaab in aan idin Tilmaamo Gaaladu Ma’ogola Dadka Muslimiinta Shareecada Ilaahey in ay isku Xukumaan gaaladu ma’ogola Kitaabka Ilaahey in uu kornoqdo Ilaahey baa inoo Sheegay (kuwa Gaaloobay CadawCad bey idiin yihiin)”.
Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Sh.Cali max’ud Xuseen oo ah Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u Qaabisan Gobolka Banaadir waxa uuna Digniin u jeediyey Dadka Isbaarada Dhigta ee Umada Dhiba waxa uuna sidoo kale u digay Dadka Shacabka ku dhaca Mujaahidiinta Magacooda, isaga oo sidoo kale Digniin Culus u jeeddiyey Ganacsatada Soo dajiya oo Dadka ka Iibiya Raashiinka iyo Dawooyinka Dacay.
Gabagabadii Waxaa ka hadalay Goobta Qaadigii Maxkamadii Xukunka Riday oo lagu Magacaabo Cabdi Xaq oo ku dhawaaqay go’aanka Xunkunka ay rdiday oo ahaa sida tan.
1. waxaay Maxkamadu Xukuntay Afartaasi Nin inay yihiin (قطاع الطريق)
2. in laga gooyo Gacanta Midig iyo Lugta Bidix si isdhaaf ah (Mid walba).
3. Waxaa kale oo Maxkamadu Xukuntay in loo Celiyo Xoolihii Dadkii ay ka dhaceen.
4. Waxaa kale oo Maxkamadu Xukuntay in lagala wareego Hubkii ay Dadka ku dhici jireen, si Fasaadkooda loo Xakameeyo.
Raga la Xukumay oo Saxaafada la hadalyey ayaa Sheegay in ay Geysteen Danbiga lagu soo eedeeyey isla markaana ay ku Qanacsan yihiin Xukunka lagu riday.
Ugu Danbeyntii waxa ay Sheegeen Ma’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab in Qoraxda oo aad u kululaatay Dadrteed iyo iyadoo ladoonayo in Labaaro Cafimaadka Dadka laxukumay ay Dib u dhigeen Fulinta Xukunkii la riday, balse ay Dib ka soo Sheegi doonaan Waqtiga la fulinayo Xukunkii Maanta la riday.


















Related posts:
ASCWR WALAALAYAAL MARKA HORE ILLAAH AYAY MAHADI USUGNAATAY THUMA MUJAAHIDIINTA UTAAGAN HIRGALINTA DIINTA ISLAAMKA LAAKIIN WAXAAN UGADIGAYNAA WALAALAHA INAY ISKA ILLAALIYAAN DGE DEGA WAAYO WAA CAMALKA SHADHANKA MIDA KALE DHALINYARADAAN WAA INAAN LUGULA DEG DEGIIN XUDUUDA MIDEEDA CULUS EE HADIIBA LUGUFULANAYO WAA IN TEEDA FUDUDU LUGU QAADAA OO AH IN MUQDISHO LAGA TARXIILO WAAYO CUMAR BINU QADHAAB WUU JOOJIYAY XILIGA MAJAACADU AYJIDHAY XADKA MARKA WALAAL QAATA DIINTA MIKEEDA FUDUD OO AH YASIRUU WALAA TUCASIRUU WAA HADAD WARMAQLASAAN
a.s walalayaal marka hore ma jirto cid diidi karto xukunka ILaah soo dajiyay lakin xamar waxaa ka taliyo shababka iyo dowlada labadaba waxay i dhaqmaan dinta islamka sida ay sheegtaan marka hadii uu idnku jiro qof cilmi u leh!! labo dowlad oo diin isla sheganayo meel ay jogaan xukun islami ka malaga fulin karaa tan kale ninkii wax ka soo xado dowlada xukunka islamiga ma qabanayaa?
asalaamu caleeykum
waxa is waydiinle shareeca islaamiya ma waxay ku koobantahay Xuduuda kaliya?
meeyay umadan difaaceedii iyo ximaayadee? mise nin isagiiba afka duubtay oo dhuumasho ku jira ayaa wax difaaci kara waxna hogaamin kara.
meeyay umadan culimadeedii ,cuqaasheedii,(Ahlul xali wal caqdi) mise wiilal yar yar oo sida qoriga loo rido kaliya yaqaana ayaa booskasta buuxin kara
- meeyay umadan midnimadeedii iyo wuxdadeedii mise al-shabaab kaliya ayaa afkaartooda iyo rabitaankooda qori caaradii ku meelmarin kara
waxaan aad uga biqi siyaasada ay al shabaab ku dhaqmaysaa inay umadan masaakiinta ah ku keento shareeco nacayb iyo inay khalad ka fahmaan ku dhaqankeeda.
Allow dadka xaqa tus, War ma waalantihiin mise waad u socotaan… War aaway ragii shalay shiikh Cali dheere gacanta iyo lugta ka gooyay intee ku dambeeyeen?
Inaa ilaah wa inaa ilaah raajucuun, war 19-sano dadka dhibaato ku jireen, Muxuu yahay qof xukunkiisa aananba waligiis waxbarasho helin, iskaba dhaafe shaqo.
Allow na badbaadi… .
bismillaah runti waxan jeclahay dowlad islami ah oo dadkeda iyo dalkeda iyo dinteeda jecel inaan arko waana tilaaba aad iyo aad aan usoo dhaweynayo isku xukumida sharecada islamka madama dad islam ah ilahey naga dhigay sc wr wb
waan idiin salaamey dhaman inta wadininimada iyo somali nimada wali ku jirto iyo dhalin yarada aqoonta illaahay siiyey…….
all shabaab waxaan aamin sanahay in ay dhamaantooda ahlu naaar… waayo waadareemi kartaan ujeedka ka banbeeyo waxa dalkeena kadhaayo qax haraad cudur gaajo cagabararr kifaayo allshabaab kifaayo markaan magaca allshabaab maqllo wallaahi waan huqaacaa
ee rayidka dhibaato kufilay waad u geysateen bis kadhahaa illaahay ha idin cafiyo ee towbad keena ramadaankan fadligiisa
hadii kale alle ha idinka jaasiyo si dag dag ah insha allaaaaaaah
MARKA HORE ASALAAMU CALEYKUM DHAMAAN AHLU TOWXIIDKA MUSLIMIINTA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN.
SIDAAN WADA OGSOONAHAY ADUUNKANI WALIGIISBA DADKU WAY KU KALA QEYBSANAYEEN WAX LALA YAABANA MA AHAN HADAAD ARAGTID QOF KASOO HORJEEDA FULINTA XUDUUDAHA ALLE(SHARCIGA) WAAYO HORAY AYAA LOSOO ARKAY IN AY JIRI JIREEN DAD LID KU AH SHAREECADA ISLAAMKA.
XASUUSTA KUFAARTII QUREYSH,SUJUUDA AYAA DHIBI JIRTAY MARKAY ARKAAN MUSLIMIINTA OO SUJUUDEYSA WAY KALA BADBADAN JIREEN XANAAQ DARTIIS.
WAXAAS OO DHAN WAXAY CADEYNAYAAN IN XAQU MAR KASTA UU LEEYAHAY MUCAARAD AAN CIIDA KA YAREYN DA, WALBA LEH
(?????? ????? ??? ??? ???? ?? ????????:???? ???????
WAQTIGAN AAN JOOGNO OO AH WAQTIGII UU NABIGU INOOGA DIGAY FITNOOYINKA SOO BIXI DOONA WALIBA KUMA SII JIRO WAXAAD ARKEYSAA INTA BADAN DADKII IN AY LA SAFTEEN XIZBIGA SHEYDAANKA’ WALCIYAADU BILAAH.
WAXAAN LEEYAHAY DADKA AY DHIBEYSO FULINTA XUDUUDA SIDA ‘ JARIDA GACANTA IYO LUGTA ISDHAAFKA EE TUUGA , JEEDLINTA SAANIGA’RAJMINTA SAANIGA GUURKA SOO MARAY IWM ,KU FARXA AMA KA NAXA XADKA ILAHEY WAA LA FULINYAA INTA AY JOGAAN DHULKAN DADKA AY KU NAQSHADEYSANTAHAY CAQIIDADA TOOSAN EE TOWXIIDKA. OGAADA OO KU SEEXDA KUSOO JEEDA ‘WAA WAA WAAJID ILAA AY SAACADA QIYAAMO KA ISTAAGTO.
KUWA AY DHIBEYSO ARGAGAXINTA GAALADA IYO DABA DHILIFKOODA WAXAAN IDIN LEEYAHAY WAA AMAR ILAHEY SIIYAY CIIDANKIISA ADOOMADIISA RUMEEYAY.
???? ????(????? ??? ???????? ?? ??? ??? ???? ????? ?????? ?? ??? ???? ?????
ASALAMU CALEYKUM.