Warbixin: – Heshiiska Badda: – Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

Published on April 27, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa warbixin ay ka diyaarisay Heshiiskii ku saabsan xadaynta Badda ee dhexmaray DKMG ah & Kenya kaas oo 07 Bishan ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Warbixinta waxa ay ka koobantahay 

-          Hordhac

-          Nuquladii Heshiiska oo Tarjuman

-          Cumar C/rashiid oo Muran Galiyay Badda Soomaaliya.

-           Maxaa ka Muuqda Heshiiska?

-          Nuxurka Heshiiska

-          Khatarta ka dhalan karta Heshiiskan

-          Kenya iyo u diyaar garawgeeda Balaarsiga Khanqaaradeedka

-          Damaca Shidaal ee Kenya iyo Xiriirka uu la leeyahay Isfahnkan

-          Aragtida Garabyada Siyaasadda & Aqoonka Soomaaliyeed

-          Sidee baddeena u badbaadsanaa ama u soo ceshannaa? 

DKMG ah oo Kenya u saxiixaysa Qoraal ay Muran ku galinayso Qeyb ka mid ah Badda Somalia

DKMG ah oo Kenya u saxiixaysa Qoraal ay Muran ku galinayso Qeyb ka mid ah Badda Somalia

Hordhac 

07/April/2009, Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa ka dhacey heshiis is afgarad ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya & Kenya kaas oo ku saabsan xadaynta Badda u dhaxaysa labada dal. DKMG ah waxaa dhankeeda u saxiixey C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ugu qaabilsan Arimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah halka Kenya uu heshiiskan u xasiixey Wasiirkeeda Arimaha Dibada Moses Wetang’ula. 

 

Goobta uu Saxiixa heshiisku ka dhacay waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Norway oo lagu tiriyo inay ka mid tahey Dalalka ugu aqoonta dheer xaga Macdanta Dhulka hoosiisa ku jirta iyo soo Saarkeedaba, waxaana u joogey Goobta heshiisku ka dhacayey Longve Hans Wilhelm oo ah la taliyaha gaar ah ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xubin ka mid ah Safaaradooda Kenya oo lagu magacaabo Rina Kristmoen. 

 

Heshiiskan oo la sheego inuu dhacey Xilliga la soo bandhiyey Todobaadyo ka hor ayaa laga yaabaa in Dowlada Norway horeyba howsha u sii bilowdey oo goor horeba ay diyaar u aheyd. Waxaana la ogsoon yahey in Dhulbadeedka Soomaaliyeed ee Kenya loo saxiixey ay ku yaaliin Ceelal Shidaal.  

 

Nuquladii Heshiiskii ay kala saxiixdeen Kenya & DKMG ah

 

QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH

OO DHEXMARAY

DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

IYO

DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA

OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA’AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED

 

Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la’aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. 

 

Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan Rasmiga ah ee Is-fahamka.

 

Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”).

 

Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED”.

 

Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.” 

 

Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in  samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan  caqabad ku ahayn (ama ka hor imanayn) su’aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal.

 

Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya).

 

Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go’an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta  cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed. 

 

Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed.

 

Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka mid tahay aagga lagu muran san yahay.

 

Taas (macluumaad gudbinta) waxa KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha (UNCLOS).

 

Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal (Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda  xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed. 

 

Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Guddiga”),  marka  Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta  la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. 

 

Calaamadinta xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed. 

 

Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la saxiixo

WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka. 

 

OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 7, 2009), waa

 

laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba isku si loo saxiixay. 

 

Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah

 

Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya

Mudane. Moses Wetang’ula , EGH, MP
Wasiirka Arrimaha Didabadda 

 

Tan iyo markii uu soo Shaac baxey Heshiiskii dhex marey DKMG ah & Kenya ee ku aadanaa Dhul Badeedka Soomaaliya waxaa sidoo kale soo baxayey Documents arintaa ka tarjumayey oo DKMG ah ku saxiixan tahey. 

 

Sidoo kale waxaa jira Nuqul uu ku saxiixnaa Cumar C/rashiid oo uu direy Q.M uuna ku sheegayo inuu jiro Muran Soomaaliya & Kenya u dhaxeeya oo ku aadan dhanka Badda, una baahan in arintaas xal loo helo, sida uu qoraalkiisa oo uu ku saxiixan yahey ku sheegay. 

 

Qoraalkaas oo lagu faafiyay Website-yada Q.M ee ka faalooda Arimaha Badaha oo uu soo xigtey Website-ka Somalitalka.com, una rogtey Soomaali ayaa u qornaa sidatan ee Lifaaqa hoose kaga bogo.

Cumar C/rashiid oo Muran Galiyay Badda Soomaaliya

 

Xukuumadda Federaaliga KMG ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisull Wasaaraha

 
Warqadda oo weyn (English Version)


XRW/0065/06/09    Muqdisho 8dii April 2009

Mudane;

Ayadoo la tixraacayo qodobka article 76 ee Xeerka Qarammada Midoobay (QM) ee Sharciga Badaha (oo qoraalkan hakan kaddib aan ugu yeeri doon “Xeerka”), iyo qodobka 4aad ee Lifaaqiisa Annex II, iyo sidoo kale go’aamadii ka soo baxay kullamadii  kow-iyo-tobnaad iyo siddeed-iyo-tobnaad ee dawladaha qaybta ka ah ee ku qoran xeerka SPLOS/72, farqadda (a) iyo SPLOS/183, farqadda 1 (a) siday u kala horreeyaan, ayaa Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay Xoghayaha-Guud ee Qarammada Midoobay u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa cabbirka qalfoofka qaaradda ee ka durugsan fogaan dhan 200 mayl badeed iyo sharraxaad ku saabsan halka ay marayso diyaarinta iyo waqtiga loo qasday in la keeno (xogta) oo la waafajinayo sida uu dhigayo qodobka article 76 ee Xeerka (QM) iyo qaanuunka loo deyjiyay iyo iyadoo la raacayo farsamada sayniska iyo teknoolojiyada ay dejiyeen Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo qoraalkan wixii halkan ka dambeeya aan ugu yeeri doono “Guddiga”).

(Akhbaarta) hadda la soo gudbiyey waxaa la waafajiyay SPLOS/183, farqadda 1 (a). Ujeedadiisuna waa xaqiijinta in Soomaaliya ay ajiibto waqtiga ku astaysan qodobka Article 4 ee Annex II ee Xeerka (QM) iyo go’aanka ku qoran SPLOS/72. (Akhbaarta) hadda la gudbiyey waa mid aan caqabad ku noqonayn Soomaaliya mustaqbalka akhbaarta ay geyn doonto (QM) ee waafaqsan sida uu dhigayo qodobka article 76 ee Xeerka (QM) iyo qaanuunka u deggan (keenista xogta) iyo Qaabka ay tahay in la raaco farsamada sayniska iyo teknoolojiyada ee Guddiga (QM) iyo mustaqbalka tixgelinta ay samayn doonaan Guddiga (QM).

Xogta la socota akhbaarta aan halkan kusoo gudbinayno waxay muujinaysaa in Soomaaliya tijaabadii (baaritaan) ee arrintan ku saabsanayn ay waafaaqday sida ku qeexan farsamada sayniska iyo farsamada teknoolojiya ee ay dejiyeen Guddiga (QM). Meesha ay dhacaan Sideeda (meelood oo la calaamadiyey oo ah) Cagta (ama asaaska) Baraha Janjeerka waxay muujinayaan in janjeerka qaaradda ee Soomaaliya ay si cad u qeexayaan in Qalfoofka Qaaradda ee Soomaaliya ay kasii durugsan tahay 200 mayl badeed oo cabirka laga soo bilaabayo xeebta. Ayadoo la waafaqayo SPLOS/183, farqadda 1 (d), waxaa la weydiistey Xoghayaha-Guud (QM) in uu la socodsiiyo Guddiga (QM) iyo dalalka xubnaha ka ah marka uu helo akhbaarta hordhaca ah ee Soomaaliya sida uu dhigayo SPLOS/183, farqadda 1 (a), iyo in akhbaartan la faafiyo, oo meelaha lagu faafinayo uu ku jiro website-ka Guddiga (QM).

Fadlan aqbal mudane, tixgalinta ugu saraysa.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha

Mudane Ban Ki Moon
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay
New York, USA.

Maxaa ka Muuqda Heshiiska ? 

 

Axmed Cali M. Khayre oo ah Garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah oo wax ka qoray arinta Heshiiskan ayaa ku Macneeyay Isfahamka sida tan:-

 

Macnaha Heshiiska Isfahamka

Marka la raaco qawaaniinta caalamiga ah muhiim ma aha magaca loo isticmaalo heshiiska ay kala saxiixdaan laba dowladood. Tusaale ahaan DKMG waxa ay ku doodaysaa waxa aan galnay heshiis (agreement, treaty)  ma ahayn ee waxa uu ahaa Isfaham (Memorandum of Understanding). Halkaas waxaa laga dhadhansankaraa in ay aaminsan yihiin in ay khalad ahayd in heshiis lala galo Kenya oo bad Soomaaliya leedahay ku sheegtay mid lagu muransanyahay.Su’aashu waxa ay tahay haddii la caddeeyo in waxa la kala saxiixday ay heshiis ahaayeen oo magaca loogu hoos geliyey, maxay samaynayaan? Ma ka noqonayaan heshiiskaas? Doodda meesha ay u dhacayso ma ahan in ay dowladdu heshiis gashay iyo in kale ee waxaa weeye heshiiskaasi ma yahay mid sharci ahaan qabanaya labada dal oo laysku isticlaami haro mustaqbalka?

Marka la tixgalinayo qawaaniinta caalamiga ah, magaca heshiiska loo bixiyo ma sugo in heshiisku yahay mid qabanaya sharci ahaan waddamada kala saxiixday heshiiska (binding) iyo in kale ee waxaa la fiirinayaa waxa ku qoran heshiiska iyo masuuliyiinta saxiixday. Marka la fiiriyo kalmadaha loo adeegsaday heshiiskan iyo saxiixa ay saxiixeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa muuqata in uu yahay mid loogu talo galay heshiis labada dalba qabanaya. In heshiiskan Soomaaliya loo isticmaali karo iyo in kale waxa ay ku xirnaan doontaa in heshiiskaan laga diiwaan geliyo xoghaynta qaramada midoobay waaxda aruurinta heshiisyada. Waxaa jira heshiisyo badan oo cinwaankoodu yahay isfaham oo loo diiwaangeliyey xeer ahaan iyo kuwo kale oo isfaham ahaan loo qaatay. Xiriir aan la sameeyey waaxdaas waxaa ay ii sheegeen in aanay illaa maanta oo taariikhdu tahay 15ka April ayna soo gaarin heshiiskaas, arinkanna waan lasocon doonnaa.

Haddii heshiiskan laga qoro Qaramada Madoobay oo Kenya ama Soomaaliya midkood diinwaangeliyo waxa uu noqonayaa mid qabanaya labada dal oo Soomaaliya loo isticmaali karo haddii mustaqbalka dacwo arinkan ku saabsan timaaddo. Maxkamadda adduunka ayaa arinkan caddaysay  sida ku cad dacwad ay maxkamadda gaysteen dalaka Qatar iyo Bahrain oo dhul badeed iyo jasiirado isku haystay. Waxa ay u egtahay in Kenya magaca isfahamka u bixisay heshiiskan si Soomaalida loogu qaldo. Bogga internetka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya waxa ay heshiiskan ugu yeertay ‘Heshiis Xadka Badda’ sida ku qoran boggooda internetka. In ayna jirin sinnaan labada dal waxa ay ka muuqataa,  marka heshiiska la saxiixayey waxa dhinaca Kenya goobjoog ahaa dad badan oo ay kamid ahaayeen Xoghayaha Joogtada ah  ee Wasaaradda Arimaha Dibadda, Madaxa Qaybta Sharciga. Halka Soomaaliya uu socday hal wasiir oo keligiis ah. Waxa kale oo muuqata in Kenya heshiiska soo qoratay oo ayna jirin wadahadal lagala galay waxa lagu qorayo heshiiska. Tan kale, maadaama nuqul heshiiskan ah ay Soomaaliya u gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda Badaha, wey adkaanaysaa in aan ku doodno waxa uu ahaa isfaham oo keli ah

Nuxurka Heshiiska 

 

Axmed Cali M. Khayre ayaa sidoo kale ka hadlay Nuxurka Heshiiska wuxuuna ka yiri sida tan:-

 

Marka aad fiiriso qodobbada heshiisku daboolayo waxaa kuu soo baxaysa in qaar layskaga daray kuwana muhiim yihiin. Marka hadda waxaan u falanqaynayaa heshiiska qodob qodob. 

 

1.  Tan koowaad, heshiisku waxa uu leeyahay labada dal waxba kama qabaan in mid walba gudubsato codsigeeda ku aaddan kororsiga qalfoofka baddeeda. Marka la raaco xeerka baddaha adduunka iyo lifaaqyadiisa iyo weliba xeer hoosaadka guddiga arinkan u xilsaaran dalna uma baahna in uu helo ogolaashaha mid kale si uu u sameeyo codsigiisa. Dalwalbana waaba ku qasbanyahay in uu soo gudbin sameeyo. Marka qodobkaan looma baahnayn in laba dal heshiis ku xusaan.Waxaa kali ah oo dhib ah in aan ogolaanay inaan waxba ka qabin in Kenya wax gudubsato anaga oo aan ogayn waxa ay gudubsanayso. Waxa uu heshiiskaanu ishaarayaa in aan ognahay oo aan aragnay waxa Kenya gudubsanayso- taas oo aan sax ahayn. 

 

2.  Heshiisku waxa uu qirayaa in ay jirto bad laysku haysto oo u dhaxaysa labada dal. Somaaliya waxa ay adduunka u gudbisay xadka badeeda oo qayaxan xilligii dowladdii milatariga dalka ka talinaysay mana jirin dowlad muran ka keentay. Kenya waa la socotay xadka Soomaaliya doodna kama qabin.Waxaa khalad aan laga soo waaqsan ah in Soomaaliya hadda qirto in uu jiro bad laysku haysto. Waxaa ka sii daran ma aanan arag maabka Kenya wadato oo maba ogin dhulka ay leedahay waa lasyku haystaa. Marka la eego macluumaadka dowladda Kenya (hordhac ahaan u) gudbisay, waxa ay sheeganaysaa bad aad u weyn oo Soomaaliya lahayd oo baaxaddeeda lagu qiyaasay 38,000 km2. 

 

3.  Heshiiska waxaa kale oo ku qoran in xadaynta qalfoofka badda uuna shaqo ku lahayn muranka labada dal u dhexeeya. Tan looma baahna in lagu qoro heshiis sababtoo ah xeerka badda iyo lifaaqa la socda ayaa qoresya in muran wadamada deriska ah u dhexeeya ayna wax shaqo ah ku lahayn xadaynta. Guddiga xadayntuna shaqo kuma laha muranka dowladaha u dhexeeya. Waxaad moodaa Kenya in ay rabtay in ay caddayso in bad laysku haysto ay jirto. 

 

4.  Heshiisku waxa uu qirayaa in Somalia iyo Kenya ay gudubsanayaan sheegashadooda ka hor 13 May 2009. Arinkanna looma baahna in laga heshiiyo sababtoo ah waxaa amraya xeerka badda. 

 

5.  Waxaa  kale oo heshiiska ku jira in labada dal ay guddiga siiyeen ogolaasho in uu talo bixintiisa tixgalin siiyo dhulka laysku haysto. Arinkan ayaa dhibkeeda leh.  Kenya waxaa ay samaysay diyaar garow weyn oo waxa ay soo bandhigaysaa macluumaad badan oo ay ku taageerayso sheegashadeeda.

 

Soomaaliya awood uma laha in ay markaan is difaacdo, marka waa khalad weyn in ogolaashahaas la bixiyo, sababtoo ah haddii aan ogolaashaha la bixin waxa ay ahaanaysaa arin taagan oo markii aan awood u yeelanno aan u soo jeesan karno. 

 

6.  Qodobka kale oo xasaasiga ah oo ku jira heshiiska uguna dambeeya waxaa weeye in aan qirnay in aan annaga iyo Kenya marka gudigu talo soo jeedinta bixiyo ka heshiinayno ‘badda laysku hayo’.Hadda oo aanan tabar lahayn oo aanan haysan khubaro iyo aqoon aan isku difaacno wax heshiis ah lama gaari karno Kenya oo diyaar garow badan samaysay.

 

Sida muuqata ujeedada Kenya waxa ay tahay marka guddiga xadayntu talo bixinta bixiyo in ay heshiis la gaarto xubno matalaya Soomaaliya. Haddii qaabkaas lagu xadeeyo badda waxa ay noqonaysaa mid kama dambays ah oo aan laga noqon Karin.

 

Marka waxaa muhiim ah in aan wax heshiis ah aanan Kenya la galin inta aan tabarteeda ka yeelanayno oo aan awoodayno in aan xaqayaga soo dhacsanno.

 

Dhanka kale Sheekh Maxamed Idriis ayaa isna ka hadlay

waxa ka Muuqda Heshiiska wuxuuna ka yiri sida tan:-

 

  1. Heshiiska waxaa ka muuqata Dokumentiga la saxiixay in ay tahay qoraal sida ay rabto dowlada keenya ay u soo diyaarsatay oo loogadii astaantii dawlada Kenya uu ku hoos saxiixay Abdiraxman Abdi shakuur asagoo kaligiis ah oo sawirka marka uu heshiiska saxiixayo ay ku hareeraysan yahiin masuuliyiin ka socota dowlada Kenya halka uu isagu kaligii yahay.
  2. sidoo kale Sheekh Max’ed Idriis oo Qoraal uu soo gaarsiiyay Shabakadda Somalimirror ayaa isa arintani Bidhaamiyay wuxuuna ku sheegay Qoraalkiisa sida tan:- Ugu horrayn Dawladdan Kumeelgaarka sida mageceeda ka muuqda, ama xaalkeeduba yahay, maaha Dawlad Joogta ah, mana aha, mid awood dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya la oran jirey ku hanatay ama loogu aqoonsaday, Sidaa darted waxaa ku habboon, mar walba iney xaqiiqdaas ogaato, ummuuraha wixii qaranka Soomaaliyeed Saamayn ku lehna, la sugto inta ay Dawlad Dalkii Jamhuuriyadda Hanata noqoneyso, lugtii jeeni dhaaftaa wey jabtaaye, haddey Dawlad dhaba noqotana waa sidii la rabayoo waa khayr, haddey noqon weydana, inaaney Jamhuuriyaddii Soomaaliya dhib u kordhin. Laakiin waxaa muuqata nimanku ineyba deg degsanyihiin, taasina wax badan ayey ka bi’ineysaa.
  3.  Midda labaad: Dawladdan Ku meel gaarka ah, waxaa ku habboonaa iney horta ka shaqayso sidii Badda Soomaaliya khayraadkeeda wixii haray loo daba qaban lahaa, ee maahayn, hawla aan (awoodeedu) weli gaarin iney gasho. Waxaa la sugayey iney isku dayaan iney wax ka qabtaan, Burcadda Adduunka ee yurub leh, ee Asia leh, ee Carb leh, ee Afrikaan leh, ee Badaha Soomaaliya 19 sano boobayey khayraadkeeda. EU da keliya waxaa lagu qiyaasay iney sanad walba in ka badan (300,000,000) oo EURO, oo kalluuna baddeena ka gurtaan, halka sanadkii 2007 ay Hay’adda FAO sheegtay sanadkii (2007) oo qudha in ka badan (700) oo markab oo si sharci darra ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaliya hal mar ku kulmeen! Burcad nimada heerkaas gaartay ee waxa loo yaqaan (Beesha Caalamka) ay ka aamusanatahy, waxaa lagu daboolaa in la buun buuniyo (Burcad Badeedda) wiilal Soomaaliyeed oo yar yar ee gaajo ama dhib u geeyey iney xeebohooda waxa laga guranayo qayb ka helaan, inagoo aan difaacayn qalaadaadkooda. Sow kuma habboonayn Cumar Cabdirashiid iyo Cabdishakur iney arrintaan Deg  Dega ah, ugu yaraan, ka qayliyaan, ka shaqeeyaan, sidii loo daba qaban lahaa, inta ay, ku hadaaqi lahaayeen, ku cel celinta (Riwaayadda) Burcad Badeedda, ee lagu daboolayo (Burcad Badeedka) waaweyn ee dal dhan dhacaya, dadna xaalufinaya!
  4. Heshiiska Is afgaradka Keenya lala saxiixay marka la akhriyo Nuqulkiisa Afka Ingiriisiga Ku qoran ee la shaaciyey, wuxuu garan karaa qof kasta oo wuxuun Maamul ama Dawladnimo wax kasoo arkay inuu yahay, Is afgarad, lafaha looga jebiyey Soomaaliya,mindina dhuunta loogaga dhuftay. Qofka Saxiixay ama ansixiyeyna waa laba kala daran midkood:

a.      Inuusan qiimayn Karin ama garan Karin Masuuliyadda hadalada uu saxiixayo iyo culayskooda iyo caaqibadooda berrito iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Qaranka Soomaaliyeed, iyo in waqtigeedi la joogo, ama looba baahanyahay iyo in kale, taasina waa dhib dhib dhaafay.

b.      Inuu intaasoo dhan ogyahay, si bareerana ugu dhiiradey inuu saxiixo waxa meesha ku qoran, Soomaaliyoo dhan oo indhiheedu shan yihiinna u babac dhigo oo ku indha adaygo, wixii ku bixiyaaba haku bixiyeen, taasina waa dhib dhib dhaafay dhib ka daran.

  1. Maqsuudka ugu weyn ee Is afgaradku qeexayo waa: in labada dhinac isla garteen oo isla qireen in: Xuduuda Badda aan Horay loo Xaallin!! Ayna tahay mandiqad lagu muransanyahay!! Arrinkaas oo ah Ujeedka Keenya sida muuqata, Is afgaradka waa lagu soo cel celiyey, warqad laba boga, ayaa 14 jeer lagusoo cel celiyey, qoraalada qaanuuniga ahna macneheedu waa (14 xarig oo mas’aladaas lagu guntey) si aaney marnaba u fakan!! Ninka Soomaaligaa ee heshiiskan saxiixay hadduusan ogayn waa hoog!! Hadduu ogyahayna waa hoog iyo ba’.!! 
  2. Sida la ogsoon yahayna: Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Keenya, waxaa ka dhexeeya arrima badan, jilaafooyin badan, wax badanna bad iyo berri ilaa iyo qarnigan lasoo dhaafay wey isku hayeen, welina xaajadu ma dhammaan. Xuduudda Badda ee Soomaaliyana Jamhuuriyaddii Soomaaliya Dawlddii ugu dambeysey (Dawladnimo & Qaranimo) adduunku wuu u aqoonsanaa, Muranna kama jirin, Keenyana masoo hawaysan marna iney tiraahdo (Mandiqa muran ka jiro) ama sida heshiiska loogu cel celiyey (Area Under Dispute) – cibaaradaas sagaal goor ayey ku timi heshiiskan – Maxaa ku kalifey Dawladdan weli aan salkaba dhigin, dalkiina weli aan gacan ku hayn, iney hawsha (baaxaddaas iyo khatartaas leh) gasho! 
  3. Heshiisku wuxuu dhex maray Jamhuuriyadda Kenya iyo Dawladda kumeel Gaarka ah, laakiin wuxuu khuseeyaa: Xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Su’aasha qof kasta oo miyirkiisu joogo is weydiin karaa wexey tahay: Dawladda Kumeel Gaarka ah ee dhinac ka ah heshiiskan, Awood iyo Gacan maku leedahay oo wax ma u saxiixi kartaa – Jamhuuriyaddii Soomaaliya? Wexey Ila tahay Jawaabtu iney iska caddahay. Dawladaan Ku Meel Gaarka ahi Jamhuuriyaddii Soomaaliya mexey ka haysaa? Wexey ka haysaa ilaa hadda Muqdisha qayba ka mida, Jawhar iyo Qayb Beledweyne!! Waan u rajayneynaa iney inta kale hanato, laakiin hadda intaas ayey joogtaa, haddeey intaa wax ka saxiixdo, waa la garaysan kari lahaa, laakiin Jamhuuriyaddii Soomaaliya – Sida ku qoran Heshiiska – waa xad gudub! Midda kale, Haddii heshiiska ay ku qorantahay Kenya iyo DFKG, maxaa dhulka ay khuseysana loo oran waayey – Dhulka ay haysato – DFKM – si cadaalad arrinku u noqdo, Soomaalida kalena aan dhib loogu soo jiidin, DKMG ay u hesho qiil, ineyan saxiixin heshiiskan oo tiraahdo, (War Dee Dhulkii Jamhuuriyadaba Weli Ma hayee Bal Isuga intaan Qabsanayo ama Inta aan Hadda ka taliyo Waxaad Rabtaan aan idiin ka saxiixo), Tan kale, Haddii (Wasiirka) Heshiiska Saxiixay, iyo Ra’isul Wasaaraha u Ansixiyey, ay doonaanba (kaba soo qaad) iney soo kormeeraan, dhulka ama Badda Heshiisku ka hadlaayo, masoo kormeeri karaan Tolow? Waxaan ka codsan lahaa (Wasiir Cabdishakur) isagoo raalliya, bal inuu soo eego meesha heshiiska uu saxiixay ka hadlaayo!.

Khatarta ka dhalan karta Heshiiskan 

Sida uu qabo xeerka Q.M ee Badaha United Nations Convention of the Law of the Sea (UNCLOS) waxaa 19 bisha May 2009 ku eg xilliga looga baahan yahay dalalka Xeebaha leh ee raba inay ka faa’iidaystaan khayraadka Aagga ka shisheya 200 oo Mile Badeed ama raba inay balaariyaan khan qaaradeedkooda (Continental Shelf) waxaa lagama maarmaan u ah anay Q.M u soo gudbiyaan Xog cilmiyeed sax ah oo xambaarsan hydrographic, geologic iyo geophysics si loogu ogolaado 350 mile badeed inay ka faa’iidaystaan, haddii ay ku soo gudbin waayaan Xilligaas Waxaa Aagga Economic Zone-ka dalkaas la hoos gaynayaa International Sea Bed Authority (ISA) ee Q.M taas oo u ogolaanaysa dal kasta oo leh awood maaliyadeed iyo Technology oo ka codsada in uu ka faa’iidaysto khayraadkaas.

 

Dawladda Kenya waxay ilaa sanadkii 2005 waday Sahan xagga Badda ay uga baadi goobayso Gaas & Shidaal taas oo ay ku guul daraysatay inay ka hesho Badda ku jirta Khan qaaradeedka ( Kenya’s continental Shelf ) ay ayadu leedahay waxayna badalkeeda ka heleen Shidaal aag soo galaya Qanqaaradeedka Dalka Soomaaliya. 

 

Haddaba waxaa is weydiin leh ayada oo dal walba laga rabo in uu si gooni ah u soo gudbisto khan Qaaradeedkiisa waxa Kenya ku khasbay in ay hesho Muwaafaqada DKMG ah inta aysan gudbisan Bayaanka ay goonida u samaysatay. Waxa Kenya ku qasbay inay hesho saxiixa DKMG ah waxaa lagu soo koobi karaa 2 qodob:

 

  1. Damac ku aadan Dhulbadeedkan Soomaaliyeed ee Baylahda ah iyo ayada oo u aragtay xilligan fursaddii ugu muhiimsanayd ee ay u suuroobi lahayd maadaama aysan Soomaaliya mudadan ku soo gudbisankarin Xog cilmiyaysan oo ku aadan dhulbadeedkeeda.
  2. inay sharciyad u hesho khilaafka Xuduudda ee soojireenka ah kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya Dawladihii hore ee soomaaliya soo maray dhamaan ma aqoonsanayn Xuduudda Barriga ee kala dhaxeysa Kenya maadaama Gobolka NFD uu yahay dhul Soomaaliyeed wuxuuna is afgaradkan qaanuun ahaan Kenya u noqon karaa Meel ay u cuskato xalaalaysiga Dhulka ay Soomaaliya ka haysato. 

Khataraha uu xanbaarsan yahay is heshiiskan ay kala saxiixdeen DKMG ah iyo Kenya ee sida cad u muuqda waxaa ka mid ah in Xuduudda Badda ee soomaaliya ay si sahlan u qadato Kenya maadaama ay DKMG ah saxiixday in dhulkan lagu muransan yahay isla markaana uusan horay u jirin Calaamadayn sax ah oo lagu kala teeday Xuduudda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ku qeexan Isafgaradkan in DKMG ah aysan waxba ka qabin Macluumaadka iyo Qariidadaha ay Kenya  u gudbisanayso Q.M, waxaana intaa sii dheer oo ku qeexan Bayaankan in Xogta ay Soomaaliya Q.M u gudbisan doonto Bisha May ay tahay oo kaliya mid hor u dhaca ah ee aan ku qotomin Xariidad dhamaystiran oo ay ku cadahay Xuduudda Soomaaliya. 

 

Sidoo kale waxaa khatarta ka unkamaysa Heshiiskan ka mid ah in Kenya Xalaalaysato Gobolka NFD ee ay gumaysato taas oo hadii qaanuun ahaan ay ugu guulayso ku dabaqmaysa dhamaan dhulalka ka maqan soomaaliya ee ay haystaan dalalka Dariska ah eek ala ah itoobiya, Kenya iyo Yaman. 

 

Kenya iyo u diyaar garawgeeda Balaarsiga Khanqaaradeedka 

 

Dhul Baddeedka Somalia ee ay kenya ku darsatay Badeeda

Dhul Baddeedka Somalia ee ay kenya ku darsatay Badeeda

Cabirka ay kenya sameysatay

Cabirka ay kenya sameysatay

Dawladda Kenya waxay sanadkii 2006-da dhistay guddi khubara ah oo ku xeeldheer Dhinacyada Qaanuunka Caalamiga ah iyo culuumta Hydrographic, Geologic, Geophysics kuwaas oo loo xilsaaray inay Sharci ahaan dajiyaan Sheegashooyinka Kenya ee Khan Qaaradeedkeeda ayna soo diyaariyaan khariidadda xuduudda badda ee dalka waxaana guddigaas loogu magacdaray “Task Force on the delineation of Kenya’s outer continental Shelf. 

 

Guddigan ayaa waxaa uu ka kooban yahay gudoomiye lagu magacaabo Juster Nkoroi, 13 xubnood iyo 3 Xoghayn oo lagu kala magacaabo John K. Kagasi, Stella K. Orina & Robert Kibiwot waxaana guddigan warbixintoodii ay ku qeexayeen Khan qaaradeedka Kenya iyo khariidadda Xuduud Badeedka cusub soo gudbiyeen bishii November sanadkii 2007 taas oo farta laga saaray Wasiiru dawlaha Maamulka Gobollada iyo Amniga Gudaha iyo madaxa Hawlaha Guud ee Qaranka waxaana waafaqay Golaha Xukuumadda Kenya Warbixintan taas oo Kenya doonayso inay u gudbiso Q.M inta ka horaysa 19, Bisha May si ay uga faa’iidaysato Dhulbadeedka ay sheeganayso kadib marka loo Xukumo.

Damaca Shidaal ee Kenya iyo Xiriirka uu la leeyahay Isfahnkan

Wasiirka Tamarta Dalka Kenya Kiraitu Murungi ayaa 31 bishii March ee sanadkan aan ku guda jirno sheegay in dalkiisu dadaal balaaran u galay baadigoobka Shidaal laga qodo dalkiisa wuxuuna Wargayska dalka Kenya ka soo baxa ee ka faalooda arrimaha Ganacsiga Business Daily u xaqiijiyay in ay ku guuldaraystee 30 ceel oo ay qodeen kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo qalalan, waxaana baaritaankaas laga sameeyay Dhulbadeedka la ologga ah Gobolka Laamu ee dhaca Xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Arrintan Shidaal baarista ah ee laga samaynayo dalka Kenay ayaa waxaa ku lug leh 11 Sharikadood oo laga kala leeyahay Dalalka Reer galbeedka gaar ahaan Dalalka Norway iyo Germany wuxuuna Kiraitu Murungi eedda ku saabsan helitaan la’aanta Ceelasha shidaalka Dusha ka saaray ayada oo ay yaryihiin Maalgashada Yaasha Ajnabiga ah ee Shidaalka ka baadi goobaya dalkiisa.

Dawladda Kenya ayaa aad isha ugu haysay Xuduudda dhinaca badda eek ala dhaxaysa Soomaaliya waxaana tilaabooyinkeeda Sahaminta Shidaalku u soo tilabeen Biyaha Raacsan Khanqaaradeedka Soomaaliya taas oo ay khuburo madax banan sheegeen in aaggaas uu ku duugan yahay Macaadinta Shidaalku ka mid ayahay ee Kenya ka wayday in badan oo ka mid ah Xuduuddeeda.

Isafgarashada ay wada saxiixdeen DKMG ah iyo Kenya ee muranka dhalisay Aagga lagu xusay in uu yahay mid lagu muransan yahay wuxuu dhamaantiis hoos yimaadaa Biyaha khanqaaradeedka Kenya mana jirin wax Dood ah oo ka timid dhinaca Soomaaliya ama DKMG ah oo ku aadan Dhulbadeed Soomaaliya ka maqan oo jira dhinaca Kenya, balse Kenya ayaa soo gudbisatay codsi in Xuduudbadeedka u dhaxaysa labada dal loo aqoonsado Caalami ahaan mid muran ka taagan yahay markaa kadibna dal walba uu sheegadshadiisa u gudbisto Hay’adda Q.M u qaabilsan Arrimaha Badda taas oo Xukumaysa Cidda leh Aaggaas iyo Sida look ala leeyahay kadib marka ay qiimayso Xogcilmiyeedka iyo khariiddada ay soo kala gudbisteen labada dal.  

Aragtida Garabyada Siyaasadda & Aqoonka Soomaaliyeed

DKMG ah

Xisbul Islaam

Al-Shabaab

Aqoonyahano

1.      DKMG ah

a.      Sheekh Shariif “waxaa jira kaliya heshiis is-afgarad”

Raage Cusman oo ka tirsan Wakalada Horna ayaa waraysi la yeeshay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, April 24, 2009, xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dhanka arinta hishiiska badda ayaa waxaa laga waydiiyay Su’aal oo jawaabtiisuna ay ahayd mid ku eg (Kuwa ka soo horjeeda hishiiska haba yaraatee maba ayan akhrin). 

 

Honrafriconline.net  Mudane Madaxwayne waxaan doonaynaa inaan ogaano ra’yigaaga ku aadan arrin xasaasi ah oo warbaahintu kala qaadanaysan, waa heshiiska badda ee Kenya lala saxiixday, ama Heshiiska is afgarad, maxaa yeelay dad badan waxay aaminsanyihiin in Kenya looga taanaasulay qayb kamid ah Biya Badda Soomaaliyeed, ama la dayacay. (la is moogaysiinayo) 

Shariif: Waxaa dhab ah inay arintaas cadayn u tahay kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin, maxaa yeelay ma dhicin wax heshiis ah oo ku saabsan kala xadaynta badda ee Kenya lala galay, waxaa jira kaliya heshiis is-afgarad oo oronaya dowlad kasta waxay xaq u leedahay inay u gudbisato xogteeda la xiriirta xeebaheeda Qaramada midoobay, anaguna nama hayso wax duruuf ah oo nagu riixaysa inaan saxiixno mucaahado dayacaysa lahaansha xeebaha Soomaaliyeed . 

 

Hornafriconline: Mudane Madaxwayne:Laakiin waxaase jirta inay leeyihiin majirto baahi keenaysa in heshiiskaas lagalo. 

 

Shariif: Taasi sax ma’ahan 

 

Hornafriconline.net: Mudane Madaxwayne : Laakiin khatartu waxay kujirtaa inay Kenya sheeganayso wax kamid ah biyaha ay Soomaaliya leedahay, heshiiskaana uu siinayo fursad ku haboon inay horay u dhaqaaqdo. 

 

Shariif: Xaalada waxaan ula soconaa si hoos ah, uma ogolaanayno qofna inuu qaato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya, wax kasta oo xujo laga dhigto, waxaan aaminsanahay qofkasta inuu xaq u leeyahay inuu walwal kamuujiyo, laakin Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay arinta ka shaqayso iyadoo kaashanaysa khubaro iyo Soomaali takhasus u leh. 

 

Hornafriconline.net : Mudane Madaxwayne: Shacabka Soomaaliyeed waxuu walwal ka qabaa in heshiiskan Kenya lala galay ku furay furimo cusub oo ay Kenya awoodi karto inay ka faa’iidaysato, sidee shacabka ku dajin kartaa. (ku canqinkartaa)

 

Shariif: Magaranayo meesha walwalku ka jiro? Waxaan leeyahay anagu kama aanaan tanaasulin hal-taako oo kamida xuduudeena, waxaan rajaynayaa inay intaas ku filantahay.

 

b.     Xukuumada

-          Cumar C/rashiid “waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku heyno Xuduudka Biyaha”

Cumar C/Rashiid oo Shir Jaraa’id 8 Apr, 2009 ku Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay waxa macnihiisu yahay Heshiiskii ay DKMG la gashay Dalka Kenya, wuxuuna yiri “Waxaa jirtay ilaa iyo Dowladihii 60-kii waxaa jirtay wax layiraahdo hadba wadan kasto Dhulkiisa inta uu Bada hoosteeda gaaro waxey aheyd wax caadi ah oo Dowladii hore ay sheegteen in Dhulkoodu oo gaaro ilaa 200 Mile waxaa la soo ogaaday in Soomaaliya Dhulkeeda ka shisheeyo 200 Nautical Mile waxa la yiraahdo, Sidaas Darteed waqtigii waxaa lagaaray anaga aan codsan laheyd in aan fiirino Dhulkaas baaxada weyn ee Biyaha ku Fadhiya , sharciga waxa uu dhigayaa in hadii ay jiraan wax Dowlada ah oo Xudoodadoodu isgaaraan oo in  Dowladuhu ay isu ogolaadaan in ay wadasheegtaan Dhulkaas 200 mile iyo wixii ka shisheeya laakiin taas aysan aheyn in anaga Xuduudkeena iyo Dhulkeena Taako intaas la’egba Alaha ka dhigee inaanu bixino ama u siideyno Qofna, Dowlad kastoo tiraahdaana Maanta Soomaaliya xoogaa waaliidataa ama waa idinka tabardarantahay ee halaga Faa’ideysto Qofaan ka yeeleyno majirto Qof aan taako uga tageyno maleh, waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku heyno Xuduudka Biyaha Hoose ee aanu gudi u saari doono hadii Alle yiraahdo laguna kala bixidoono Maxkamadaha aduunka, laakiin arinta aan saxiixanay taa shaqo kuma laha arinta aan saxiixanay waxa weeye inaan Badaha wixii Sharcigii horey loo cuskan jiray ahaa intaasaan aanu leenahay wixii ka shisheeyo inaan Dib u codsano maadaama wadankan Xuduudeheenu isu soo gaaraan aanu u sheegno aduunku waxa naga dhexeeyo anaga inaan kula baxeyno si Sharci ah”

-          Jangali “Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya”

Cali Axmed Jaamac Jangali oo DKMG ah u Qaabilsan Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ka hadlayey heshiiska Muranka wey dhaliyey ee ku saabsan Marinbiyoodka Soomaaliya ee ay kala saxiixdeen DKMG ah iyo Dowlada Kenya, Jangali oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri:”Qasab hadaan la cusbooneyn wax Danta Soomaaliyeed kulumeysey aheyd, waxaan anagu hadda Xaqiijinay kii Dowladii Max’ed Siyaad Dhulkii ay Barigaa Qoronay kii baan dib u ayidnay kiibaan dib u gudbinay oo aan Aduunka ugudbiney Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya waa is afgarasho in lagu kala aragti Duwanyahay Xadka Bada halka uu Marayo , Xadka Badda waa wax Sharci  u baahan Hay’ado UN ah ayaanan ugudbinay waxeyna geleysaa hadii leysku qabsado dhedhexaadin Hay’ado Aduunka ah baa kala Dhexdhexaadiyo oo Cilmiyan Sharcigaas Aduunka ee loo qasisay siduu u dhigay ayaa loo kala baxayaaye Xoog iyo lagu kala biximaayo anaa kaa Xoog weyn iyo anaa kaa xoog yar Ma noqonayeso waana Xuquuq Soomaliyeed si aynan u dayacmin ayaa hada tan loo gudbiyey”. 

  Baarlamaanka “mana loo soo marin Qodobkaasi Sharciga” 

 

Max’ed Cumar (Dalxa) ku xigeen Aadan Madoobe oo u waramay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdishio 11, April,2009 ayaa ku tilmaamay Heshiiska Xuduuda Dhanka Badda ee DKMG ah u saxiixday Kenya Mid Qabyo ah maadaama aan la marsiin Baarlamaanka si uu u ansixiyo, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri  “Ma Dhici karto wax Qabyo ah in laga Aqoonsado Caalamka, mana loo soo marin Qodobkaasi Sharciga” ayuu yiri Isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi, Max’ed Cumar (Dalxa) Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka. 

 

2.      Xisbul Islaam “wuxuuna u arkaan inay tahay Khiyaamo Diimeed” 

 

Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Dr. Cumar Imaan Abuu baker oo aanu wax ka weydiinay siday u arkaan Heshiiskan ayaa yiri “anagu waxaan u aragnaa waxyaalo badan oo aan u aaminsanahay, maadaama ay Dadkani yihiin Dad Qandaraas Qaatayaal ah, in lagu sasabtay Dhaqaalo iyo Dano gaar in loo fuliyo oo Umadda Soomaaliyeedna laga qariyo oo Been loo sheego, arintaasna waxay qeyb ka tahay wixii ay Sheegeen inay ku heshiiyeen inay Dowlada Kenya ay u qaado Canshuurta, waligeedna wax dhacay ma aha, ula jeedadana waxay tahay in iyadana arin Muqaabil u ah u fuliyaan, marka masaalix hoose oo Dad gaar ah ay leeyihiin in loo fuliyo awgeed in arintaasi ka danbeyso ogolaanshadeed ayaan dareemi karaa haddii arintu sax ahaan lahayd wax Shacabiga Soomaaliyeed uu ogyahay Baarlamaankii ay xaataa iyagu sameysteen oo wax ka ogyahay, Dad Khubaro ah loo diyaariyo oo ay fiiriyaan ayay ku imaan lahayd haddii ay yihiin wax sifadii iyo jidkii loogu talo ku socda, laakiin waxaa weeyaan wax lool jeedo dano gaar ah in lagu fushado Dowladaan sii dhacayso in hantida Soomaaliyeed lagu Boobo inta wakhtigeeda ah ee aysan Saaxadda ka bixin, intaas unbaan anigu u fahmay.

Somalimirror: – Ka Xisbi ahaan Muxuu yahay Mowqifkiina ku aadan Heshiiskan, Jawaab Nooceese ayaad ka bixinaysaan? 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaan ka bixinaynaa waxay tahay in wax meesha lagu saxiixay waxbo kama jiraan ay yihiin oo Baadil ay yihiin, Cidii wax saxiixday, waxay ka mid tahay wax iyada gacanta ugu jirin inay Bixisay بيع مالا يملك  baa la yiraahdaa, qofka wax uusan lahayna ma gadi karo, Xisbul Islaami mana Ogolaan karo, Mana Ogolaanayo, wuxuuna u arkaan inay tahay Khiyaamo Diimeed, Umaddii Soomaaliyeed in Dhulkeedii awalba ay gaalo horey u boobtay intii kalana in sidaas lagu bixiyo waa ayaan daro runtii aad iyo aad, waxaana aaminsanahay inaan arintaasi diidayno aanu ogolayn, aana ka bixin doono Jawaab wakhtiga ugu Munaasabsan Insha Allaah. 

 

Sheekh Xasan Turki 

 

Sidoo kale Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) oo 10 Apr, 2009 dadweynaha magaalada Kismaayo kala hadlay beerta xoriyada ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay Dawladda uu hogaamiyo Sh.Shariif Sh.Axmed mid ka daran tii C/laahi Yuusuf asaga oo sheegay inay si toos ah u fashilantay maadaama ay tilaabooyinkeedii ugu horeeyaya ka bilawday Dhulkii oo ay bixisay wuxuuna yiri “waligeed tan oo kale lama arag dawladda Shariifku way ka dartay maxaa yeelay C/laahi yuusuf sida kale ayuu noola dagaalamayayn, laakiin iskumuusan dayin in uu dhul gato waxaan aragnayna maaha”. wuxuuna Xoogagga Islaamiyiinta ugu baaqay inay la dagaalamaan Kenya ilaa ay ka qoomamayso tilaabadan wuxuuna Yiri “Awalba dagaal ayaan ku jirnay waa inaan labanalaabno Jihaadkeena haddii ay Kenya isku daydo inay ku soo xadgudubto Xuduudda Soomaaliya. Waa inay ka qoomamayso oo ay dhahdo Shariifku wuu nooga daray”. 

3.      Al-Shabaab “Waa arin badda qeyb ka mid Kenya loogu gooyay”

Afahayeenka Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay Heshiiska Badda loogu saxiixay Kenya wuxuuna ka yiri “Heshiiska Dowlad ku sheega ay la galeen Kenya ee loogu gooynaayey dhul ay leeeyihiin Umada Soomaaliyeed dhulkaas oo bad iyo bariba isugu jira taas ayaa runtii waxa ay keentay inaan umada baraarujiro oo ka hadalno, dad badan oo muslimiin ah amaba mujaahidiin ah ama culimo ah ayaa ka Hadley ilaahey ajar abadan ka siiyo, arinkasna waa arinka badda qeyb ka mid Kenya loogu gooyay iyada oo ninka la yiraahdo C/raxmaan C/shakuur oo Dowlada ku sheega ugu qaabilsan Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo midka kenyaatiga ee Wasaarada khaarijiga u jooga iyo Cadow kale oo walaalahooda ah ee Mu’aamaradaas wax ka dajiyeyba ay go’aan ku gaareen  dhulkaas inay qaataan, arintaas aad baan uga soo horjeednaa, inshaa Allah, umada waxaan leenahey dagaalama oo la dagaalama ilaahey cadowgiisa”

 “Waxay u ordeyso Dowladda Kenya waa in ay si fudud ku hesho shidaalka ku aasan badaha koonfureed ee Soomaaliya,waxaana leenahay ka waantooba goobahaasi waxaa ku sugan Mujaadihiinta, haddii aad isku daydaan inaad ka faa`ideysataan heshiiskaasi been abuurka ah shidaalka aad dooneysid waa laguugu gubayaa” ayuu sii raaciyay Abuu Mansuur.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “waxaa Soomaali kalumaya Masaaxad ama Baaxad la’eg Jubada Hoose oo dhan oo Bad ah”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka waramey Heshiiska lagu Boobayo Dhulbadeedka Soomaaliya ee ay DKMG ah Shalay la saxiixatay Dowlada Keyna ayaa sheegay hadii uu Heshiis kaasu Dhaqan Galo ay Suura galtahay in Dhulweyn oo ay Soomaaliyu leedahay ay  si fudud ku qaadato Dowlada Keyna. 

Cabdi Ismaaciil Smatar oo ka warameyey Heshiiska lagu Boobabayo Bada Soomaaliya waxa uu yiri:“Haday Dadnimada ay Sheeganayaan iyo Qaranimada ay sheeganayaan ka Daacad yihiin oo ay Diintey sheeganayaan ka Daacad Yihiin wax yaabahan Cusub ee Maalin walba Sanka laga Soo gelinayo ee la Saxiixayo inay Dib uga joogasadaan oo ay Gudi Joogta ah oo farsamo yaqaan ah oo waxaan ka baaraandaga Marka Hore loo sameeyo, iminkana Warqad laga Daba geeyo oo la yiraahdo Baarlamaankuna waxaan in uu ogolaado Maahan Dowladuna in ay ogolaato Maahan, taana waxaa ka siiweyn Dadweynuhu in uu ogolaado Maahan, waayo waxa weeyaan hadii  Xadkaan  Cusub ee Maanta meesha la dhigay hadii lagu soo heshiiyo waxaa Soomaali kalumaya Masaaxad ama Baaxad la’eg Jubada Hoose oo dhan oo Bad ah ayaa lumeysa walaal, markaa Dowladani waxa weeyaan hadeyleeyihiin Dadkii baanu dib u heshiisiineynaa Dowlad Islaam ku dhisan oo wanaagsan Baanu dhiseynaa markaa laga wanaagsan Farsama Xumidan iyo dhaqan Xumidan lagu dhaqmayaa, in dib looga noqdo oo Gudi la sameeyo”. 

 

Sidee baddeena u badbaadsanaa ama u soo ceshannaa? 

 

Sheekh Axmed Cabdi Samad oo ka mid ah Culimada iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa Qoraal uu soo gaarsiiyay Shabakadda Somalimirror uga hadlay arintna wuxuuna ku yiri:- 

 

Hawl kasta ama arrin walba waxay leedahay aqoon-gaarrayaal looga dambeeyo oo aqoon iyo khibradba u leh. Qaddiyadda hadda taagana waxaa jira dad farsamo ahaan u fara-dhuuban, waxaanse muujinaynaa tilmaamo guud oo arrinta wax looga qaban karo: 

 

1.    Ma haysano dawlad xoog leh, oo awood siyaasadeed ama mid millatari wax ku meel marsan karta, mana jiraan dawlado laga haybaysanayo oo ina garabtaagan, mana yara cadaadiska iyo caalcaalinta ku imaan karta DFKMG, umana sahlana inay kaligeed is hortaagto cadaadiskaas; sidaa darteed waa in Soomaaliweyn 100% u kacdo badbaadinta badda Soomaaliyeed. 

2.    In culimadu soo saarto fatwo ay ku caddaynayso xukunka shareecada ee bixinta dhulka muslimiinta. 

3.    In ay aqoon-gaarayaasha Soomaaliyeed ee cilmiga baduhu u caddeeyaan bulshada Soomaaliyeed xadka badda ee inoo dhexeeya innaga iyo Kenya, iyo habka loo cabbirayo, isla markaana ay sameeyaan guddi arrintaa kala shaqeeya cid kastoo ay khusayso. 

4.    In ay soo saaraan maamulada kalee dalka ka jira mowqif rasmi ah oo ay uga soo horjeedaan boobka badaha Soomaaliyeed. 

5.    In ay salaadiinta iyo oday dhaqameedyada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ka hadlaan arrintaan, ayna si buuxda uga horyimaadaan balalaysiga badaha Soomaaliyeed. Waxaa kaloo muhiim ah inay kiciyaan bulshada oo ay mudaaharaadyo shacbi ah horkacaan. 

6.    In ururada islaamiga, kuwa muqaawamada, kuwa siyaasiga iyo ururada bulshadu mawaaqif cadcad ka soo saaraan qaadashada ama hunguriyaynta dhulkeena. 

7.    In madaxdii hore ee dawladihii Soomaaliyeed iyo halgamayaashii xorriyadda wixii ka nooli caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan dhacdadaan. 

8.    In aqoonyahanka Soomaaliyeed si joogto ah ugu wacyigaliyaan dadweynaha qaddiyaddaan, ayna kala hadlaan qalabka warbaahinta. 

9.    In wariyeyaasha, qoraaga iyo abwaanadu qaadaan olole ballaaran oo arrintaan lagu falanqaynayo; si dhabta bulshadu u wada ogaato, una wada dareento khatarta ku soo fool leh. 

10.                       In jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibaduhu sameeyaan mudaaharaadyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan damaca Kenya ku doonayso badaha Soomaaliya. 

11.                       In qoraallo arrintaan ku saabsan si toos ah loogu gudbiyo Q.M, Midowga Yurub, Maryakanka, Carabta, Afrika, Ururka islaamka iwm, loona qabto siyaasiyiin iyo qareeno arrinta kaga hadla maxaafisha dawliga ah. Waxaa kaloo muhiim ah in la kiciyo cid kastoo arrintaan ka gaysan karta hadal ama hoo. 

12.                       In qareeno Soomaaliyeed dacwo geeyaan maxkamadda sare ee Soomaaliyeed; si ay u eegto heshiiska lala galay Kenya, ayna u buriso hadduu noqdo mid ina ku xadgudbaya. 

13.                       In markii kacdoonkaas la sameeyo uu deg deg u fariisto baarlamaanku oo uu soo saaro qaraar uu ku diidayo heshiiskii ay saxiixday DFKMG-ku. 

14.                       Waxaa iyana muhiim ah in dowladda Kenya la gaarsiiyo mowqifka rasmiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo digniin kama dambays ah. 

15.                       Magac iyo masiibaba maalin bay baxaan, raq walbana waa ku raggeeda, meel walbana yaa joogay bay leedahay. Haddaba jiilka Soomaaliyeed ee maanta nool xil weyn baa saran, gaar ahaan dadka masuuliyadda u haya bulshada ama indhaha u ah xag aqooneed iyo xag waaya-aragnimo. Nin walbana taariikhdu way qori doontaa mawqifkiisa, aakhirana warbaa jira ee dhankay ka baxdaa waa bakayle qaleen. 

16.                       Haddii ay caddaato inay DFKMG-ku u goysay Kenya qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, oo markii la tusaaleeyay khatarta heshiiskaasna ay ka dabatagi waydo ama ay difaacdo waxay noqon kartaa gunaanadkii dawladda; maxaa yeelay dadku waxay doonayeen dowlad nafci u soo kordhisa ee ninna uma baahna dowlad ku qancisa in la gumaysto ama dalkeeda ku tabarrucda. 

17.                       Gabagabadii qormadaani waxay u socotaa in khatar ina ku soo fool leh laga hortago, hadday dhab ahaan ina ku dhacday la buriyo. Haddii aysan labadaas midna jirina waa baraarujin iyo khayr wax kuma yeelee shar u tooghay. Waxaa kaloo mudan in laga digo in kacdoonka bulshadu arrintaan ka samaysay lagu marinhabaabiyo arrimo kaloo aan loo socon ee indha carra kaga shub ah. In aan dhib loo gaysan Diinta, Dalka iyo Dadka ayaana ka muhiimsan Waxqabadka hadduuba dhab yahay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warbixin:- Sidee looga Arkay Bisha Ramadaan loogana Sooman yahay Maanta Gobolada Dalka Soomaaliya?
  2. Warbixin:- Sidee loo fasiran karaa bixitaanka Ethiopia?
  3. Yaa wada halganka lagu xoraynaayo dalka hooyo, Muxuse ka badali karaa heshiiska Djibouti?
  4. Sidee looga Ciiday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho?
  5. C/raxmaan C/shakuur “Heshiiskaasna waa mid lagu difaacayo Xuduuda Badda Soomaaliyeed, Baarlamaankana waan horkeeni doonaa”.

Readers Comments (12)

  1. salad says:

    masha alaah jazakumu Alaahu khayraa sida cad ee aad noogu bayaanioseen wax walba oo ku tacluqa arimahaan
    waxaan rajayn inay umada ku baraarugaan sida qorshaysan ee bad iyo beriba loo iib gaynayo.

  2. mohamed Hassan says:

    ilaa hada magaran sababta loo buunbuuniyo, arintaa.Somaaliya badeeda ayaaba ku filane ee naga daaya tashuushka dhamaan. Sida ey doladu sheegtey ayaan qabaa in lagu qaco, hadii kale wa dhibaato inteeda la eg, ee Soomaaliyeed adii weyneed oo leynku hesanin ayaad ba ka aa ‘iidaneysan weysee sidee uga hadashaan dhul lagu muran anynah.

    mahadsanidiin.

  3. nabaddoon says:

    1. Waa hadal aan documenti la socon oo la iska qoray. Maswirkaan aad soo galiseen waa google map, wax laga soo jaray oo lines loo yeelay. Documentiga sharciga ah oo kenya oo arrintaan support gareynaya aaway?

    Agreementiga wax dhul la bixiyey iyo wax u eg midna kuma qorna. waxa kaliya oo lugu dhagganyahay waa arrinta Muran inuu jiro maxaa la iskula fahmay? Haddii ay Kenya muran keento soo anakuba ma keeni karno. Illaa heshiiska kuma qorna cidda muranka qabtaa waa kenya un kaliya. Ok, Maxaa ayadoo cad loo heli waayey meesha uu muranku ka jiro. Ilaa hadda waa kutiri kuteen. Cid wax cad heysa oo ah meesha ay kenya ku muransantahay ma aragno. Arrintaan ilaa hadda kenya kama hadlin. Dadku waxay la yaaban yihiin aqoon darradeenna iyo caqli xumadeenna, waxaan jirin ayaan isku heysannaa!
    Arrintaan waxaa la ogaa karaa un in Kenya ay sheegto meesha u muranku ka jiro waxay tahay?
    Midda kale maxaa loo waayey khariiradda somalia ay qora tahay, meeshaas ayaa laga ogaa karaa in dhulkii oo dhan ku jiro iyo in ay wax ka tageen iyo in ay dhulkeenya iska leedahay ku darsadeen.

  4. runsheeg says:

    Ascww.Arrinta ugu daran oo argagaxa lihi waa raggaanadawladdasheeganayamadaxweyne,raiisulwasaare wasiir,dhammaantood markaad fiiriso siday u hadlayaan waxaad mooddaa waxa laga hadlayaba inaysan fahamsanayn.Marka sidee uga filnaa inay khaladkooda qirtaan ka dibna saxaan.

  5. Ahmed Ali says:

    Su’aasha meesha taali waxay tahay Dawladda Ku Meel Gaarka ahi awood sharci ma u leedahay in ay saxiixdo arrin joogto ah (Permanent Agreement) ayadoo ayada Dawlad ahaanteedu aaney joogto ahayn ee tahay Ku Meel Gaar (Transitional Government)?

  6. Engineer C/llahi Cabas says:

    SC WR WB

    Wallaayaal, waa qoraal aad u dheer oo maan dhamayn akhriskiisa, waxaanse ka bibixinayaa tibaax aragtidayda ku aadan tibaaxdan laga qoray dawlada (kumelgaarka ah/ Midnimo qaran)iyo heshiiska ay lagashay dawlada kenya.
    sida aynu wada ogsoonahay heshiis caalamiya dawladadahu waxay kala saxiixdaan marka laga helo arimahan.
    Inay dawlad walbaa kasoo baaraan degatay kalana soo tashatay cida khibrad uleh waxay shesiika kugalayso.
    Hadaba aan dib u eegno Dawlada Kenya iyo ciday heshiiska kala saxiix deen.
    Dawlada Kenya waa dawlad dhisan oo leh na wax kasta oo Qaran leeyahay siyaasad iyo goolna leh.
    Dawlada (kumeelgaarka/midnimo qaran)! maleedahay intaas ! Jawaabtu waa maya , oo waan ognahay waxa ay kusugan tahay, sidaas daraadeed heshiiskaas waxba kama jiraan waana baadil waana khayaamo qaran.

    Waxaase idinla gudboon inaad heshiiska kanoqotaan oo sidaacad nimo ah dadka soomaaliyeed ku dhibaataysan debed iyo gudaba aad u hagarbaxdaan , oo laba sano ayaad haysataane mucaaradkuna labo kaliya ayuu kusoo ururaye , intaad iska daysaan hadalada media yaha lays kudhaafsanayo ee idin sii kala fogaynaya, nimanya how billacaleeg, wasiir nimadu iyo madaxweyna nimadu waxba matarayso haday kamaqantahay meesha cadaaladii iyo asxaan falkii, iyo isu debecsanaantii, waxaan qabaa in mucaaradku uu yahay muraayadii kusixi lahayd dawlada ee aanu ahayn kaliya mid xukunka ku haysta. hadalak waxaan ku soo gaba gabaynayaa Sheekh Maxamed Idriiss ayaa waxuu ku qoray HALGAN.NET 27/4/2009 Talo iyo xikmad aad iyo aad baliiq u ah oo uu idiin soo jeediyay dawlad ahaan iyo mucaarad ba, kafaa’iidaysta waqtiga iyo wallaha islaam ah ee jecel inay idin saxaan, ogaadana in aan Reer galbeed iyo Carab iyo ethiopian waalaa cidkale aanay xal uheli karin soomaaliya hadaynaan inagu xal iyo isu tanaasul keenin waxaad kaloo ogaataan in aad dhimanaysaan qof qof la idiin soo taaga maxkama RABI laydina waydiinayo xilka aad qadeen iyo waxaad xukunteen

  7. Garaad Salaad says:

    Assalaamu CAleykum

    Walaan salaanta kadib, waan u mahadcelinayaa bahda Somalimirror.com, intaaska dibna waxaan leeyahay walaalayaal isku daya inaad dadka u fahasansiisaan arrintu in haddiiba uu qalad ku jiro aanu aheyn mid ku talo gal ah, balse uu yahay AQOONYARI.

    SABABTOO AH QOFKU MARKA UU WAX XADAYO MA YIRAAHDO KAALAYA I ARKA WAXBAAN XADAYAAYE, MACNAHEEDU WAXA WEEYE, DOWLADDU MARKII AY HESHIISKAN SAXIIXAYSAY WAXAY KU SAXIIXDAY MEEL MAXFALA H OO WARBAAHINTA CAALAMKUNA JOOGTAY, MARKA WEY AWOODAY INAY QARSADAAN HESHIISKOODA, BASLE UMA AANEY FAHAMSANEYN INAY DHUL SOOMAALIYEED BIXINAYAAN.

    MAHAD SANIDIIN.

  8. samadoon says:

    Qoraal dukumiinti wata Nabadoon ka eeg webka qaramad midowga link http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/DEPOSIT/ken_mzn58_2006.pdf

  9. Mubaarak Faarax jirde says:

    ASC WRXMAH
    Walaalayaal waxaa arin argagax iyo ayaandaraba ah in rag aan runtii wadaniyiin aheyn ay maanta dhulkii qaaliga ahaa ee kumanaan naftii hurayaal ahi dhiigooda u daadsheen ay kuwan dawlad ku sheega ahi si fudud u siinayaan Kenya.
    Walaalayaal waxaa ugu wacan arintan sadex waxyaalood,
    1- wadaniyad la,aa,
    2-iimaan la,aan
    3-aqoon la,aan
    Ugu danbeyn soomaalaay ruux walba masuuliyadda difaaca dhulkeennu waa ina wada saaranyahay ee walaalayaal aynu ka dhiidhinno.

  10. in gaarane says:

    asaamu calaykum akhyaarta sharafta leh

    salaan kadib walaalayaal arintaan kadib markaan baaray waxaan goaansadan in aan wax kajirin oo dad bunbuuninayaan. anoo wadani somaliyed ah waan walwalsanaa lakiin ilaahay waxuu caqliga kuu siiya in aad wax ku baartid.

    hadaba arima ii xaqiijiyay waa sidatan:
    maabka ay leeyihiin kenya aa bad ku goosatay
    wax saxiixa oo kenya maleh.

    map ka qof walbaa suubin kara asagoo isticamaalaya windows excel iyo google earth

    wax proof ah ma haystaan habayaraatee mahaystaan.

    kadib waxaan u arkay in ay yihiin dad sii hurinaya dagaalka sokeeye. siina fageeynayadowladii ilaalin lahayd badaha ay kashar qaminayaan.

    say iskugo hawleen may iskugu hawlaan in soomnaaliya dowlad kadhalato na ilaalisa.

  11. Maxamud Dirir says:

    asc
    marka hore somalitalk aad baan ugu mahad celinayaa waana
    dhalinyarada ka hawl gashaana waa muwaadiniin xalaal ah
    guul baana u rajeyanayaa

    waxa meesha yaallaa waa khayaano qaran
    waxaana cadaynaya ninka saxiixay heshiiska,raisal wasaraha,madaxweynaha iyo dhamaanba inta dawlada kula jirtaa ma doonayaanba in laga hadlo oo waxaad moodaa inay iayaga keligood wax yaqanaan ama aanba lala hadli karin waayo way is xanaajinayaan

    anigu waxaan aqaanaa xuduuda beriga ee kismaayo ilaa kenya
    kambooni waxay xuduudka u jirtaa 9 km

    dawladaan waxaa laga rabaa in ay u deyso ama u magacoowdo guddi heer qaran ah oo aqoon u leh badda iyo arimaheeda

    ma aha inay baarlamaan horgeysoba
    guddigaasi waa inay soo baaraan arintaan
    jawaabna ka bixiyaan

    lakiin intay uu leeyahay yarkaan wasiirka ah ee nacas nimadu ka muuqataa waa IS FAHAN

    waa reer ninkii dhicin lahaa dhacayo

    waxayna u bahan tahay dadka somaliyeed inay mudahaaryo ka sameeyaan shirarna laga yeesho

    yaana lagana aamusin arintaan halista leh

  12. hajir says:

    runtii anniga fikirkeyga aad oo weyn ayaan ooga soo horjeedaa arrintaa hishiiska bada marka hore dowlada somaliya ayida oo aan la,heyn ciidankii dhulka,ciidankii bada.ciidankii cirka,ciidankii noocyada kala duwanaay la,haay maxaa noo keenay in aan la,galno wax la,yiraahdo is,faham macnihiisa wax ayaa ku aasan ilaahay ha,fahansiiyo dowlada somaliya anniga waxaan hayaa qoraalkii la,saxiixay oo orginal ah waxaana tusay nin kenyan ah oo saaxiibkey ah oo jaamici ah oo runtii macalinkeygana ah marka aan wada akhrinay oo aan wada fahanay waxa uu iigu jawaabay warqadaan kenya waxey dooneysaa hishiiskii hore in ay shaki galiso oo ay ka,soo qaado wax kama jiraan si mar kale loo dhigo xad cusub oo cadeenayo in labada dal aysan jirin hada xad toos ah oo u dhaxeeya marka sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in ay qaramada midoobay kala dhaxgasho oo marlaa loo sameeyo xad cusub,xadkaas ayaa waxaa lagayaabaa in ay kenya ku hesho biyo cusub.ama somaliya ku hesho biyo cusub,marka labada dal waxa ay cadeeyeen in xad jirin hada anaga ka,somali ahaan muran kama qabno in xadkii hore ee dowlada somaliya sameessay iyo kenya why ay hada kenya u keentay xad cusub? waxaan leeyahay dan ayeey leedahay ? allow dowlad naga qabato noo sahal ,waa hajir oo jooga nairobi oo idiin leh qof kastow maanka ku haay in badaada aad dhacsato byy




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warbixin:- Sidee looga Arkay Bisha Ramadaan loogana Sooman yahay Maanta Gobolada Dalka Soomaaliya?
  2. Warbixin:- Sidee loo fasiran karaa bixitaanka Ethiopia?
  3. Yaa wada halganka lagu xoraynaayo dalka hooyo, Muxuse ka badali karaa heshiiska Djibouti?
  4. Sidee looga Ciiday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho?
  5. C/raxmaan C/shakuur “Heshiiskaasna waa mid lagu difaacayo Xuduuda Badda Soomaaliyeed, Baarlamaankana waan horkeeni doonaa”.

Latest Headlines