Waxaa Caawa si toos ah loo guda galay ka hadlida Muwcooyada nawada waxaana Darsiga koowaad caawa ku qoraan Dr Saadaq Eenow wuxuuna ka hadlayay ciwaanka ah ” Soomaaliya Ahmiyada ay leedahay marka laga eego meesha ay dhacdo iyo waxa ay ledahay iyo raadka ay arintaasi ku leedahay mushkilada Soomaaliya” (Daawo Sawirada )
Dr Saadaq Eenow waxa uu ugu horay u mahad celiyay qaban qaabiyayaasha Nadwada.wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay wakhti xaadirkan si aad ah loogu baahnaa kana hadlaya mushkilada dhabta ah ee Soomaaliya heysta xiligan .
Dr Saadaq waxa uu sharaxaad ka bixiyay meesha ay Soomaaliya kaga taalo Khariirada Caalamka wuxuuna bidhaamiyay in meesha ay dhacdo Soomaaliya ay tahay meesha aduunka ugu muhiimsan wuxuuna sheegtay in deegaanka lagu qiimeeyo labo waxyaabood oo oo kala Geo Policy iyo Geo Economic labaad qiimeyna ay Soomaaliya Safka hore kaga jirto
Dr waxa uu Xusay in uu Ilaahay Aduunka ugu talagay xeerar ma guuraan ah ilaahayna uu dadka kala fadliy, waayahuna uu dadka wax kala baray, wxuuna sheegay in waxa lagu kala horeyaa uu yahay dadaalka la sameeyaa hadba inta uu la eg yahay
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dr waxa uu Sheegay in dadkii aduunka ugu caansana ay yimaaden Soomaaliya ayna u yimaadeeen siyaabo kala duwan wuxuuna sheegay in dagaalo lagu soo qaday Puntland ayna soo qaaden reer Fircoon xiligii ay jireen sababta dagaalkoodu uu ahaa in ay dhacaan hantida ma guurtada ee Dhulkaa ku jirtay , sidoo kalenay ay weerar soo qaadeen Reer yurub ujeedkeeduna uu ahaa in ay qaataan Maroodiga iyo xayawaano kale oo aan dalkooda laga helin Dr-ku waxa uu xusay in boobka lagu hayo macdanta iyo kheyraadka Soomaaliya uu oo bilowday quruumo hore balse uusan ahayn mid hadda bilowday.
Waxa uu sheegay in Dowladii Romanka ay shan doonyood oo ay ciidamo saran yihiin ay u soo diren Soomaaliya Doonyahaasina ay dabeylo ku kaceen markii ay Marayeen Magaalada Togora oo hadda ka tirsan Dalka Jabuuti halkaasina ay ku rogmadeen 5 Dooni Baddana ay ku qaraqmeen Askartii saarayed Doonyaha .
Dr waxa uu sheegay in intaas kadib ay Dalka Soomaaliya soo gaadhay Caqidada Islaamiga ah wuxuna xusay in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay hoos tagi jirtay Shariifka oo ka arimin jiray Magaalada Barakeysan ee Makkaka halka Gobolada Waqooyi sida Saylac ay hoos tagi jiren Dowladii Cuthmaaniyiinta.
Intaas kadib waxa uu sheegay in Richard Bolton oo u dhashay Ingiriiska uu ahaa ninka kaliya ee isku maray Somaaliya goboladeedka kala duwan ninkaas gaalka ahina uu la baxay Magaca Sheekh Cabdalla markii uu ka soo dadka degayay magaalada Berbera ay soo dhaweeyeen dadkii ku dhaqnaa Magaalada kana dhageysten tafsiirka Quraanka kariimka ah , Dr-ku waxa uu sheegay in ninkaas Ingiriiska uu dadaal dheer u galay sidii uu u baran lahaa Diinta Islaamka iyo Culuumtiisaba taasi ay keentay in dadku aaminaan dhagartaas uu sameeyayna ay u keentay in si nabad ah dalka Soomaaliya isku maro gaadhana ilaa Magaalada Harar
Dr-ku waxa uu sheegay in gumeysigii Ingiriisku uu Magaalada Berbara ka dhisay Madaar iyo Deked caalami ah sidoo kalena uu ku rakibay Raadaaro sheegaya dhamaan wixii Maraakiib ah maraya badda Cas ujeedka uu kalahaana ay tahay sidii uu ula socon lahaa dhaq dhaqaayada Caalamka Umada Soomaaliyeedka uu ugu qancin lahaa in uu wax u qabanayo ujeedadiisa qarsoona ay ahayd ayuu yidhi Dr-ku sidii uu fursad balaadhan ugu heli lahaa boobka uu ku hayo Kheyraadka kala duwan ee Soomaaliya wuxuu doonaba ha noqdee
Dr-ku waxa uu Sheegay in hantida ugu qaalisan ee ay Ummadi leedahay ay tahay Dhulka Dadka Soomaalida ahina aysan la socon muhiimada uu dhulka uu leeyahay waxa uu sheegay in dadka Soomaaliya dagan sanadkii 1995 lagu qiyaasay 9 Milyan oo qof badka Dhulka Soomaaliyana uu yahay 637657 KM2 marka Dhulka iyo dadka la isku fiirinaya 11 qof ee Soomaali ahba ay ku soo aadayso hal kiiloo mitir oo laba jibaaran,
Dr-ku waxa uu Shegay in dhulka ay leedahay Dowlada Bangladesh iyo Gobolka Puntland ay isla eg yihiin dhulkaas yar “Bangladesh” ay ku noolyihiin dad kor u dhaafaya boqol iyo konton kun oo Milyan oo qof wuxuuna si fudud u bidhaamiyay in dadka Soomaaliya tira koob la sameeyay u qosykiiba ka kooban yahay 9 Qof oo ay ku jiraan labada Waalid marka tiradaas lagu qiimeeyo 9 milyan ee tirada dadku ay so baxayso hal milyan oo aabe iyo hal milyan oo hooyo iyo todobo Milyan oo Caruur ah tiradaasna ay si kale u noqoneyso in ragu ay Dumarku ka bataan, 53% marka loo fiiriyo 9 Milyan dadka Soomaaliyada ahi ay yihiid dadka ay da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 65 sano, halka 50% kii ay yihiin Caruur halka 2% kiiba ay dadka da’doodu ka weyntahay 65 sano
D-ku waxa u sheegay in dadka Caalamka marka la fiiriyo dadka wax soo saarka lihi ay yihiin dadka shaqeeya oo dadkaas ka noqonaya Rubuc ama afar meelood meel Rubucaas hadi ay yihin dad wanaagsana ay noqonayaan dad dadkooda iyo dalkooda Hormar u horseeda nasiib darana ay Somaalidu arintaas ku baraarugsaneyn
D-rku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada aduunka ugu Biyaha Badan wuxuuna Dr-ku xusay in dadka Soomaalida ah laga dhaadhacsiiyay in ay yihiin dal Biyo yar , waxa uu intaas ku daray in hadi aysan dadka Soomaalida ah ee hadda jira aysan awood u lahay in ay soo saartaan Biyaha dhulkooda ku jira looga baahan yahay in ay baraan jiilka soo koraya si uu uga faa’iidaysto,
Dr Saadaq waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu hodansan xaga Xoolaha wuxuuna bidhmaamiyay in Dalka Soomaaliya oo kaliya uu ku nool yahay Sadex melood Meel Geelka Caalamka ku nool wuxuuna Dr-ku xusay in dadka Soomaaliya marka loo qeybiyo Xoolaha ay leyihiin qoskiisaba ay ku soo aadayso 9 neef oo Geel ah 8 Lo’ ah 18 Ido ah iyo 24 Riyo ah.
Dr-ku waxa uu sheegay in Soomaaliya Cimolo ahaan ay ku taalo dhul aad u wanaagsan aanan lahayn qabow badan iyo kulaylba taasina ay ka mid tahay waxyaabaha uu ilaahay ku maneystay sidoo kalena ay leeyihiin dhul beereed aad u weyn , waxuuna Drku xusay in wadamada Caalamka kuwooda ugu badan ay labo xili oo kaliya wax beertaan halka Dadka Soomaalida ahi ay 4 xili wax beran karaan wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in aan dhul beeraadkaas laga faa’iidaysan.
Dr-ku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay leedahay bad aad u weyn masaafo ahaan badaasina ay leedahay Muhiimad gaar ah oo ah in ay tahay bada isku xidha ganacsiga caalamka ee xaga badda wuxuuna Dr-ku sheegay in maalin kasta badaha Soomaaliya ay maraan 130 Markab, Maraakiibtaasina hadii qaab gacansi loga faa’iisan lahaa ay Soomaalidu noqon lahaayeen dad xaga gacasiga ku hor mara balse badalkas taasi ay qaateen in ay Qafaashaan Markaabiibtaas kana qaataan madax furasho.
Dr saadaq waxa uu Sheegay in bada Soomaaliya xaalufin lagu hayo Maraakiibta Kaluunka Xaalufinaysa uu Isbuucii jilaabto kaluun ka badan 20 tan, wuxuuna Dr-ku intaas ku daray in Budhcad badeda ka jirtaa Soomaaliya ay Caalamka 30% hoos u dhigtay Kaluunka la cuno ee Tunaha halka 50 % ay hoos u dhigeen Tunada laga cuni jiray dalalka Faransiiska iyo Spain halka Shirkadaha soo saara Tunada ay khasaareen sanadkii tagay oo kaliya sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya ay leedahay labo wabi oo mara dhulkooda balse aan laga faa’iidaysan sidoo kalena ay ledahay Macdan kala duwan taasina ay keentay in wadamada Calamku ay soomaliya ku sheegaan in ay tahay Wadan dhaxda ku xidhan Suun Macdan ah .
Waxa uu shegay Dr Saadaq Eenow in dadka calamka ay ku soo food leedahay Tamar la’aan xaga awooda ah arintaasina lagu ilaaliyo sadex waxyaabood oo kala ah Amni Tamar iyo Xuquuq badalka taasina ay Wadamada reer Galbeedku u jeedsaden in ay ku gabadaan erayo ka baxan waxyaabahaas u jeedkooduna uu yahay sidii ay dadka kheyraadkooda u boobi lahaayeen.
Darsi uu Caawa jeediyay Dr Saadaq Eenow ayaa ahaaa mid aad u muhiim ah wuxuuna Dr-ku isticmaalayay Projector si uu dadka darsiga dhageysanayaa ay si sahlan u fahmaan waxa uu ka hadlayo una socdaan Mowduuca
Fiiro Gaar Ah :: wixii Su’aal ah ee aad Qato ee aad dooneyso in ay Culimada Nawada ka qeyb galaysa ay kaaga Jawaabaan ku soo hagaaji E-mailkan

Dr Saadaq Eenow oo isku diyaarinaya Jeedinta Darsiga Caawa

fadhiga Culimada ee Caawa

Related posts:
Assallaamu Caleykum wr wbr
Diktoorka Alle ka abaal mariyo, baraarujinta uu ummadda ku baraarujiyey kheyraadkooda. Waxaana iminka la soo gaaray xilligii ninkii waxtarka ahaa uu hadlo oo banaanka usoo baxo.
Waqtigan la joogo cid walba in ay iska hadashaa ma haboona. Waayo wadankeenii iyo dadkeenii ayaaba la doonayaa in la boobo, intii aan anagu isku jeednay.
Waxaan rajeynayaa in markaan dadkii waxgaradka ahaa iyo aqoonyahankii ummadda soomaaliyeed ay banaanka soo istaagan oo wadanka badbaadiyaan. Illaahay baa wax badbaadiyee.
Wabillaahi towfeeq
Mohamad Yusuf Muse
ASC,
Bahda SMirror. waad mahadsantihiin, laakiin qoraal qarax ah baad nagala daasheen. mararka qaar waxaan u baahannahay inaad noo suugeysaan oo aad maqal noogu dadhaan illeyn waad na taqaannaan oo waxaan nahay bulsho hadasha waxna aan akhriyine. Adeerayaalow sida noo dhaama qoodhiin iyo xeradiin.
Nabaadiino.
Wassalaamu caleykum.
çok faydal? bir yaz? olmu?, kesinlikle herkese tavsiye ediyorum. ve bu tarz konular?n devam?n? bekliyoruz … ellerinize sa?l?k
[...] somaliya, kana mid ahayd nadwadii april 2009 ee lagu qabtay Masjidka Rawda ee magaalada boosaaso. halkan ka dhegayso ama [...]
[...] somaliya, kana mid ahayd nadwadii april 2009 ee lagu qabtay Masjidka Rawda ee magaalada boosaaso. halkan ka dhegayso ama [...]
[...] somaliya, kana mid ahayd nadwadii april 2009 ee lagu qabtay Masjidka Rawda ee magaalada boosaaso. halkan ka dhegayso ama [...]
[...] somaliya, kana mid ahayd nadwadii april 2009 ee lagu qabtay Masjidka Rawda ee magaalada boosaaso. halkan ka dhegayso [...]