Deeq
KA QAYB QAADO DIB- DHISKA MASJIDKA WEYN EE AL-ROWDA

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم " من بنى لله بيتا، بنى الله له بيتا في الجنة"

Masjidka ِِAl-Rowda waa hoyga ugu weyn ee dacwada ee Puntland. Waxaana si joogto ah uga socda duruus ay bixiyaan culimada waaweyn. AL-Rowda waa Masjidka ugu weyn ee martigaliya Sanad walba Nadwooyin Cilmiyeedka sida weyn looga faaiideysto meel walba oo aay joogaan dadka Afsoomaaliga ku hadlaa,Isagoo Ilaahay fadligiis Nadwadii 8-aad aay dhawaan soo gabagabowday. Nadwooyinkan ayaa waxaa kasoo qayb gala Culimo Waawayn waxaana si mug leh loogu lafaguraa sanadba qadiyad muhiim ah oo dadka diintooda wax wayn ka tarta.
Masjidku wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada Boosaaso waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay Masjidka ugu jamaacada badan deegaannada waqooyi bari,iyadoo marar badanna uu ka buuxsamo dadwenaha waxaana lagu tukadaa bannaanadiisa.

Masjidka waxaa la dhisay wakhti hore oo baahidu intan ka yareyd dhismihiisna janjeer aan badnayn ayaa qiblada kaga jira markii la cabbiray muddadan danbena waxaa loo sameeyay layman loo jeediyay qibladii taasoo aay adag tahay in si sax ah loo simo safafka maadaama qaabka dhismaha iyo dadka oo aad u badan awgeed.

Arrimahaas oo is biirsaday waxay keeneen in loo baahdo in Masjidka ladumiyo oo dib loo dhiso isaga oo laga dhigayo saddex dabaq. Si uu ugu filnaado Muslimiinta ku xiran kheyrka iyo cilmiga ka socdana si wanaagsan looga faaiideysto.


Haddaba walaal ka qayb qaado dhismihiisa waa camal khayri ah waana sadaqo jaari ah,wax ku darso waalidkaana wax ugu dar iyo inta aad jeceshahayba.
XISAABAADKA WAX LAGU SOO DIRI KARO:
Account-ka Dib u dhiska Masjid Al-Rowda:
Amal boosaaso Acc.no:10124
Dahabshiil Bosaso AccNo: D001608
Qaran Bosaso Acc No: 215




Guddiga Dib u dhiska Masjidka Al-Rowda Bosaso
Kala xiriir Guddiga
Rowdamasjid@gmail.com
Teleefanadan:-
Tel: 25290-798048
Tel: 25290- 796972
Tel: 25290 -796883

Bosaso, Somalia