Somali Mirror » Xadgudubyada

Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaadda ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)
Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

Sh. Cali Warsame

Somalimirror.com/halgan.net

Ha u nixin!. W/Q: Xasan Maxamed Ibraahim (Abu xassaan)
Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ku tilmaamay inay yihiin dad isu diir naxa oo isu dabacsan, isuna naxariista, gaaladana ku ad-adag ( ( محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم. Dhaqan ahaanna muslimiinta waxaa lagu yaqaannay inay isu damqadaan haddii qayb iyaga ka mid ah dhibaato soo gaadho, ama cadow ka taag-rooni dulmiyo ama duruufo qallafsani la soo gudboonaadaan, sida: abaaro iyo macaluul ku habsatay.

Dareenka noocaas ah wali wax badan baa ka dhaqan, dadka muslimiinta ah quluubtooduna way la jirtaa muslim kasta oo meel ku dulman ama ku dhibaateysan, waxaana tusaale kuugu filan sida muslimiintu naf iyo maalba ugu bixiyaan qadiyadda Falastiin iyo qadiyadaha kale ee muslimiinta.

Abaarihii ugu danbeeyay ee soomaaliya ka dhacay dad badan oo muslimiin ah oo aan soomaali aheyn ayey damqiyeen oo baad iyo biyaba u dhadhami waayeen ilaa ay walaalohooda tabaaleysan xaaladdooda soo arkaan, waxa ay kari karaan ee taageero ahna gaadhsiiyaan.

Qof walba oo soomaali ah oo damiirkiisu noolyahayna in badan ayuu qalbiga ka ooyaa ama ilmaduba indhihiisa soo dhaaftaa marka uu arko darxumada, gaajada, qaxa iyo baaba’a aan ka soo reynta laheyn ee shacabka soomaaliyeed haysta, dad badan oo wax garad ahina waxay aad uga xanuunsadaan, ugana ooyaan heerka aadka u hooseeya ee ay gaadhay karaamadii qofka muslimka ah ee soomaaliyeed.

Sh. C/qaadir Nuur faarax ( Alle ha xafidee) ayaa xajkii dhowaa ka sheekeeyay sida ay hay’adaha reer galbeed ee dhaqan xumida faafinaya dadkii soomaaliyeed u dulleysteen. Wuxuu ka hadlay siminaarada rag iyo dumarba la isugu keeno iyada oo ay ku jiraan dadkii indhaha bulshada u ahaa oo ayna juuq ka odhneynin waxa la qasayo iyaga oo u xilanaya dhowr Dollar oo marka siminaarku dhammaado la siinayo. Sheekhu isaga oo aan wada sheegin dhibkii uu arkay ayuu oohin is-hayn waayay isaga oo maanta da’ todobaatanaad ku jira!.

Xanuunka intaas baaxad le’eg ee muslim oo dhami ka gam’i waayay waxaa si  aan caad saarneyn u soo baxday in ururka shabaab uu ka noxo iska daaye uu ku faraxsanyahay inuu sii dhaawac-tiro xoogaagii yaraa ee ka hadhay dagaalkii ahliga ahaa.

Horraantii bishii Oktoobar ee sannadkii tagay waxaan goob joog u ahaa qarixii ururka Al-shabaab uu la beegsaday Xarunta Hargaha iyo Saamaha, waliba waxaan joogay xilligaas qaruxu dhacayey xafiis ay leedahay jamciyad islaami ah oo dhismaha la qarxiyay qiyaastii 40 mitir ka xiga dhinaca koonfureed. Qaraxa dhacay wuxuu ahaa mid aan la sifeyn Karin baaxadda uu lahaa, rag badan oo aan halkaas wada joognayna waxey ka wada marag fureen inayna waligood qarax awooddaas  oo kale leh maqlin.

Waxaa nagu soo daatay muraayadihii qolkii aan ku jirnay iyo katabaannadii dharku saarnaa. Qalabkii xafiisyada ee jamciyadduna inta badan dhulka ayey ku soo daateen wax jabay iyo wax aan jabinba. Xafiiskii daqiiqado ka hor shaqada ballaadhani ka socotay wuxuu isu baddalay meel aamusan, shaqadayadiina waxey noqontay inaan raadinno yaa dhintay? yaa nool dadkii aan wada joognay.

Dadkii xafiiska joogay qaarkood waxay moodeen in xafiiska laftiisa la qarxiyay, wax yar ka dibna waxaan xafiiska barxadiisa ku aragnay walxo badan oo ka soo duulay qarixii argagaxa lahaa. Dad kale oo xafiis nagu dhowaa nooga soo doolayna waxey noo sheegeen inay agtooda ku soo dhacday lug ka go’an anqowga hoostiisa oo ka soo  duushay goobtii qaruxu ka dhacay!. Sidoo kale waxey noo sheegeen in xafiisyada iyo guryaha agagaarkii qaruxu ka dhacay dhammaantood muraayadihii ka daateen, ka dibna annaga ayaa indhahaya ku aragnay markii aan booqannay qaar ka mid ah jamciyadihii halkaas ka ag dhowaa.

Wakhti yar ka dib waxaa na soo gaadhay saaxiibbo xilligaas wax yar ka hor naga tagay oo joogay meel u muuqata goobta qaruxu ka dhacay. Waxay noo sheegeen inay mitirro aan badneyn u jireen qaraxa, cidhiidhi ka jiray gaadiidkii waddada xilligaas marayay dartiisna ay gaadhigooda u joojiyeen, waxeyna sheegeen in qaruxu dhacay iyaga oo saf dheer oo gawaadhi ahi ka horreeyo, waxeyna tilmaameen inay ku war heleen holac iyo uuro samada mar qudha isku shareertay, waxeyna noo sheegeen inay indhohooda ku arkayeen dad ololaya oo nafbaastii marba dhinac u cararaya!.

Raggaasi waxey noo sheegeen in argagaxa dadkii aaggaas ka ag dhowaa qabsaday aan la sifeyn Karin, qof walbana uu cagihiisa maalay bal si uu meel ammaan ah u gaadho ama nafta kula cararay meel uu is leeyahay armay gabbaad kaaga noqotaa balaayada dhacday. Raggaas nin ka mid ahi wuxuu noo sheegay inay kala lumeen isaga iyo saaxiibkiis oo ay markii qaruxu dhacayay isku gaadhi saarnaayeen, midkoodbana uu dhinac u ambaday!.

Argagaxa uu qaraxaaxi dhaliyay ma aheyn mid qoraal lagu sifeyn karo ama hadal lagu cabbiri karo, waxaanse ogahay inay dad badan muuqaallo laga soo qabtay daawadeen, oo ay arkeen sida makhluuqii halkaas joogay nolol uga quustay naxariis iskaba daaye, muuqaalada dareenkayga ka go’i waayay waxaa ka mid ahaa nin Soodaani ah oo xilligaas shaqo u joogay xafiiskii aan joognay oo cir iyo dhulba qaban waayay. Waxaa ku adkaatay inuu nasto oo meel fadhiisto, mar dabaqa ayuu kor u fuulaa marna wuu ka soo dagaa, mar wuu fadhiistaa marna wuu istaagaa, afkiisuna hadalba wuu gabay. Waxaan is idhi tolow haddii argagax iyo cabsi loo dhinto malaha mar hore ayeyba naftu ka bixi laheyd.

Dadka qaar waxey iyana  noo sheegeen inay arkeen nin soomaali ah oo la socday jamciyadihii islaamiga ahaa ee soo gurmaday oo xilligii qaruxu dhacayay ku sugnaa Hotel Saxafi oo aan ka fogeyn Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo argagixii ku dhacay dartii banaanka mar qudha u soo booday, ka dibna hoteelka hortiisa taksi ka qabsaday oo ku yidhi madaarka ( airprt-ka ) ii kexee. Haddii uu madaarkii geeyayna ku yihdi duullimaad barrito ka horreeya ma jiree ilaa xilligaas aniga ayaad ii kireysantahay, gaadhigaaga ayaana dhex seexanayaa, wuxuuna kula heshiiyay lacaga dhan $150.

Argagixii qaruxu dhaliyay oo wali taagan waxaa billowday in la isweydiiyo khasaarihii qaruxu dhaliyay iyo dadka ku dhaawacmay ama ku dhintay, waxaana goobtii qaruxu ka dhacay ku soo qulqulay dad iyo gaadiid badan oo doonayay inay u gurmadaan dadka masiibadu ku habsatay, wixii noolna ay isku dayaan inay samato-bixiyaan. Wararkii hordhaca ahaa ee soo baxayna waxey sheegeen in dadka qaraxaas ku dhintay ay kor u dhaafeen 80 qof oo dhammaantood soomaali ah!. Dhaawacana waxaa la sheegay inuu gaadhay ilaa 200 qof.

Isla markiiba waxaa haddana la is weydiiyay tolow dadkaas meesha ku halaagsamay maxey ahaayeen oo ay arxandarrada intaas la’eg ku muteysteen?, ka dibna waxaa soo baxday in dadka halkaas ku nafwaayay badankoodu ay ahaayeen arday deeq wax barasho ka heshay waddanka Turkiga oo goobta qaruxu ka dhacay xilligaas howlo ka dhammeysanayay iyo dad kale oo xilligaas waddada qaruxu ka dhacayay marayay ama gaadiidkii marayay saarnaa, iyo tiro aan badneyn oo ka mid ah askarta iyo sahqaalaha DFKG.

Naxdin iyo xanuun badanaa waa baaqigii ka hadhay da’yartii dagaalada ehliga ahi sahaydeen, meel xunna uma socdaane waddan muslim ah ayey waxbarasho u aadayaan, marka ay wax soo bartaanna dadkooda iyo dalkooda ayay anfacayaan?.

Isma laheyn qof ashahaata oo maqlay ama wax ka ogaaday dhacdadaas tiiraanyada iyo xanuunka aan la illaawi doonin reebtay  ayaan naxdini qalbigiisa saaqeynin ama aan tiiraanyo iyo ciil la madoobaaneynin, waxaanse quustay markii uu saxaafadda la hadlay nin af hayeen u ah ururka Alshabaab oo uu xaqiijiyay in ururukiisu ka danbeeyay qaraxa dadka badani ku halaagsamay!.

Intaas kuma joojine wuxuu sii raaciyay in aanu qaraxaas qof muslim ahi ku dhiman?. Waxaa taas ka sii foolxumeyd markii wiilkii is qarxiyay codkiisii la soo daayay oo uu sheegay inuu ogaa in meesha uu qarxinayo ay dhallinyaro arday ahi joogaan!. Waxaa musiibo aan la fasiri Karin iyana noqotay markii wiilku intii aanu isqarxinin uu madaxdiisii taleefanka ugu sheegay in gaadiid ay ciidamada AMISOM leeyihiin waddada ka xidheen ee lagu yidhi halkaagii ku sii soco!. Sow iskama cadda in afrikaanka laga naxayo ee aan soomaalida laga naxeynin?.

Oo tolow meesha ma wax aan soomaali aheyn ayaa ku dhintay? Soomaaliduse goormay gaalowday? Haddii gaalo aan isqarineynin loo baahanyahayse maxaa gaalo madowda meel walba muqdihso ka joogta loo raadsan waayay? Mise haddiiba aan qaddarno in dadka la gumaaday ay gaalo ayaan daran oo nasiibkoodu goobta qarax xilligaas joojiyay ahayeen, ma gaalada taagta daran ee aan hubeysneyn uunbuu ururkani layn karaa?.

Hammigii gumaadkaas arxandarrada ahi igu abuuray waxaan iiga hammi yareyn ragga waaweyn ee intay dadka masaakiinta ah gumaadeen haddana ku sii dhaatay ee gaalnimada ku sii suntay!, Waxaan is idhi miyaan ururkaas madax iyo minjoba ku jirin qof wali damiirkiisu dhaqanyahay oo ay damaqdo ardaydii yaryaraa ee iyaga oo qumuday dhismihii burburay hoostiisa laga soo qufay!. Sow ururkan kuma jiro qof ay la walaalo yihiin wiilal iyo gabdho la da’ ah kuwa maanta la gumaaday ama isaguba dhalay oo ka xanuunsan lahaa haddii geeridooda loo soo sheego?. Maxaa loo waayay qof ururkaas ka mid ah oo ka naxa carruurta qaraxaasi agoonteeyay ee aabbayaashood iyaga oo aan waxba galabsanin la dilay?. Maxaa loo arkiwaayay qof ururkaas ah oo ka naxa carruurta hooyadood oo suuqa uga soo adeegeysay geerideedii loo soo sheegay?. Haddii aakhiro sidaas loo moogyahay oo Alle ka cabsi dhiigga macsuumka ah idinka celin waayay miyaanu jirin qof nabsi ka baqanaya iyo in ciqaabta ficilkaasi adduunka idiinku soo dagdagto?.

Maxaa ururkaas looga waayay koox ama qof nabarkaas xanuunka badani damqiyo oo ka bari noqda foolxumada Alshabaab qirteen inay u badheedheen?. Tolow dhammaantood naxdin la’aantan miyay wada qabaan?. Waan hubaa inay jiraan rag badan oo aan khayr ku aqaannay oo gumaadkan ka xanuunsaday, waxaanse garwaaqsanin inay aamus laasimaan iyaga oo og in ceeb iyo cadaab waxa ay yeelataba ay qayb ku leeyihiin haddii ay ku raalli noqdaan.

Markii aan aad u walaacay waxaan is idhi soomaali waligeed baa la laynayay hal qaraxna ma dhammeyn karo ee ha u nixin!. Inta badan iyo baaqigaa hadhiye, waxaan is idhi wixii hanti lumay ama dhismayaal burburay ee qaraxaasi sababay iska illow oo ha u nixin! illeyn soomaali naf iyo maalba awalba baylah bay aheyde inta soo hadhana meel ay gasho iyo wax ay quudato ma waayi doontee.

Waxaa xanuun gaara iyo naxdinba igu aheyd in qaraxani ku soo beegmay xilli dadkii abaaruhu soo qixiyeen meel walba daadsanaayeen oo ku dayacnaayeen, jamciyadihii u soo gurmadayna annaga oo arkeyna ay qolo walba wufuuddii maalmahaas soo beegneyd joojisay, qoladii aan u tagnana waxay nagu dhahdaa wafdi noo iman lahaa ayaan markii qaruxu dhacay baajinnay. Waxaan is laheyn uga mahadceliya dadkiinna ay u soo gurmadeen, kuna dhiirrigaliya inay dadaalkooda sii labanlaabaan, waxaase na afxidhay in waxa mashaqada sii kordhinaya ee aan dadka u naxeynin ay soomaali yihiin, markaasaan is idhi abaar looma dhamaan jirin, dadkanna Ilaahay baa iska leh oo kaaga naxariis badane ha u dardaarwarin jamciyad la’aanba isagaa irsaaqi jiraye haddiiba ay jamciyaduhu wada qaxaan xataa ha u nixin!

Waxaan is idhi argagaxa dadka ku dhacay u adkeyso oo ha u nuglaanin maalmo ka bib waa la iska illaawi doonaa, Heeroshiima iyo Naagasaakiba maanta sheeko uunbaa ka hadhay, dadka halkii dagganna nabad iyo argagax la’aan bay ku noolyihiin, balaayana goor walba ma taagnaato, qabqablayaashii iyo dagaalkii beelahaba laga soo kabay.

Waxaan is idhi inta dhimatay iyo inta dhaawacantayba Ilaahay bay leeyihiin oo maxkamad caddaalad ah oo aan eex aqoonin ayaa loogu xaqsoori doonaa dadkii gardarrada ku laayay daalimkuna  in yarbuu sii warraaqi karaa dabinka uu qoolayna isagaa ku danbeyn doona dad badan oo odhan jiray anigaa wax dila waana nooleeyana laftoodii dhinte sharafna kama ayna tagin.

Waxaan iyana aad ula murugooday wiilka soomaaliyeed ee laga dhaadhiciyay walaalahaa baabi’i jannaad ku galeysaaye, ee naftiisii loo qoonsaday, ummad badan dhiigeediina dusha loo saaray. Waxaan is idhi war tolow wiilkan ururkooda ah xataa ma ka nixi waayeen haddiiba dad weynaha kale ayna dan ka laheyn, waxaanse isugu jawaabay ninka wiilkan soo diray isagu ma dhalin, waalidkiina ma dhalin, qaraabo kale oo uu ka naxayana ma aha. Haddaba isaga iyo dadka kale miyay u kala duwanyihiin?. Lafo gari sow iyaga la iskuma jabiyo, meesha ma dad naxaya ama naxariisanaya ayaa kuu jooga?.

Waxaas oo dhan haddii aan is moodsiis ahaan iskula haasaaway waxaa  iga soo hadhi waayay hadal xumada iyo aflagaaddada laga sii daba tuuray dadkii xaqdarrada lagu xasuuqay iyo been abuurka Ilaahay loola badheedhay ee diintiisii raxmadda badneyd dadkii looga dhigay aalad wax  lagu gumaado. Sidoo kale waxyaabaha aan illaawi waayay waxaa ka mid ah dad aan is idhi malaha kuwanba iyagaa ka shar badan oo meel walba la taagan inay ka marag furaan in Alshabaab uu ceeb ka saliim yahay, dadka uu baabi’iyayna ay iyagu gardarnaayeen!.

Adeer garannay inaadan dadkan la gumaadayo u damqanin, una diir nixin aaafo kugu jirta awgeed maxaadse dad daalimiin ah oo iyagiiba qirsan ugu dacwiyeysaa?. Haddii aad odhan laheydeen shabaab dadkaas ma xasuuqin iyagii ayaa ku addimay. Haddii aad ibtilo aydaan waxba xusuusan Karin qabtaanna sheekh google waydiiya wixii ay dhacdadan ka dheheen isagaa shar iyo khayrba uruuriyee.

Sidoo kale waxaa iga soo hadhi waayay wiilashan dhallinyarada ah ee qaarna sidii banbaanadii la qarxinayo, qaarna dabkii la rabo lagu shubayo ee haddana sidaas raalliga ku ah!. Miyayna laheyn caqli ama cilmi ay xumaanta iyo samaanta ku kala gartaan, ama ay waddada jannada iyo jahannamo ku kala fahmaan.

Goormay muslim la gumaado ama hantidiisa la burburiyo camal janno lagu galo noqotay?. Ma Qur’aan kale ayaa soo dagay? mise cadan baa laga heesayaa siday soomaalidu dhihi jirtay?.

Haddii dhacdadan iyo middii ka horreysay ee Hotel Shaamowba ay si marag ma doonto ah u sugtay in ururka shabaab aanu u naxeynin dadka soomaaliyeed ee awalba mashaqada la il darnaa, sahqada uu hayona ay tahay inuu inta ka hadhay sii dhaawac tiro soo wax aad loola yaabo ma aha inay haddana ina dhahaan waxaan hubka u sidannaa inaan dalka iyo dadka soomaaliyeed difaacno?.

Nabarka ka xun ama ka xoog badan midka iyagu ay dadka Soomaaliyeed ku dhufanayaan ee ay ka difaacayaan waa mid sidee ah?. Soomaalida afrikaanku laynayo ee ay inoo muujinayaan inay u naxayaan iyo midda iyagu ay gumaadayaan maxey kala yihiin?. Maxey kuwa afrikaanku dilo muslim u noqonayaan oo loogu naxayaa kuwa shabaab dilana gaalo u noqonayaan oo aan loogu naxeynin?.

Waxa ay ka difaacayaan muxuu yahay mar haddii ay intii nooleyd gumaadayaan?. Wixii xabbaddooda ka badbaadayna ay gaalo u galinayaan oo dartood ay deegaannadoodii uga qaxayaan?. Maxeyse tahay diinta ay u naxayaan ee ay u daneynayaan haddiiba ay dadkii haystay sheekh iyo shariifba isku si u laynayaan?.

Sow lama gaadhin xilligii la kala garan lahaa afka macaan iyo ficilka arxan darrada ah?. Sow lama joogo wakhtigii lakala fahmi lahaa dicaayadaha iyo xaqiiqada dhabta ah?. Waxay ila tahay waa la joogaa wakhtigii inta soomaali ka naxeysa ay meel uga soo wada jeedsan lahayd dadka soomaali gumaadaya: Shabaab, Afrikaan iyo cid kaleba, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu dadka soomaaliyeed ee muslimka ah baaqiga ka hadhay caymiyo; si wanaagsanna uu u dooro dhulkoodana ammaan uga dhigo, diintooda inay ku dhaqmaanna uu makaniyo.

Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’usuu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil. W/Q: Sh. Ahmednuur Macalim C/qaadir
Waayadan danbe waxaan maqalaa erayo ay kamid yihiin culumaa rabaaniyiin iyo culama’usuu (culimo rabigeed u hogaansan iyo culimo xun) oo loola jeedo in culumada iyo cilmigoodaba lagu dhaawaco, waxaan halkan ku soo ban dhigi doonaa inshaa allah qaar ka mid ah tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah iyo tilmaamaha culumaa’ usuu, kadibna waxaan is waydiin doonnaa yaa culuma’usuu ah? maxaase lagu kala gartaa? gabagabadana waxaan xusi doonaa maxaa ka dhalan eraygan culuma’usuu iyo kuwo la mid ah hadii loo adeegsado culumadii waa wayneed ee lagu yaqiinay caqiido toosan iyo camal wanaagsan. Sumadda aad ku kala garan karto caalimka wanaagsan iyo kan xun waa manhajka iyo wadada uu ku taagan yahay, ma tahay wadaddii dadkii hore ee salafkii umadan. (Nabiga –scw- iyo Saxaabaddii iyo intii ka ag dhawayd)

Tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah:

Sheekha magaciisu yahay bakar binu Cabdullahi Abu-Zeed alle ha u naxariistee,  mar uu ka hadlayay caalimka rabaaniga ah kitaabkiisa xilyatu dhaalibil-cilmi, wuxuu yiri; “waxaad laazimtaa cabsida Allah mar walba, dadkana waxaa u kheyr badan qofka Allah kabaqa, kamana baqo Allah ilaa qof caalim ah mooyee, hadaba dadka waxaa ugu kheyr badan caalimka, lamana oran karo caalim rabaani ah ilaa inuu ku camal falo cilmigiisa mooyee, caalimkuna kuma camal falo cilmigiisa ilaa in cabsida Allah uu daa imo mooyee”.

Runtii hadalkaasi waa hadal weyn mana aha wax qof waliba iska dhihi karo hebal waa rabaani hebelna waa culumaa’usuu. Culumada rabaaniyiintu waa kuwa raaca kitaabka Allah ,sunada iyo manhajka dadkii hore oraah iyo dhaqanba, waa dadka ilaaliya diinta iyo manhajka saxda ah, waa kuwa nabigeenu yiri scw xadiis macnihiisu ahaa, sheikh Al albaanina saxiixiyay; “cilmiga waxaa xanbaari jiil walba ama xili walba dadka toosan ee cadaalada ku dhaqma, waxay ka

ilaalin kuwa xad gudubka sameyn, kuwa soo dhex galin waxaan diinta ka mid ahayn iyo kuwa nusuusta awilaya oo macnahooda leexin”

waana meesha ay ku dhumeen kooxaha tirada badan ee qaloocu galay, waligoodna culumadu way ku dadaali jireen siday u toosin lahaayeen qaloocaas,  iyo in diinta ay cadeeyaan cilmigana aysan qarinin. Culumada rabaaniyiintu waxay ka gaareen cilmiga meel sare , tilmaamahoodana waxaa kamid ah;

1- Cilmi iyo aqoon: Waxay bartaan cilmiga, wayna ku dhaqmaan, dadkana way baraan xaga alle ayayna dadka ugu yeeraan, allahna wuxuu yiri; noqda rabaaniyiin. Imaamu Zuhri alle ha u naxriistee wuxuu yiri; “Allah laguma caabudo wax ka fadli badan cilmi”, imaamu thowrina wuxuu yiri; “ma garanayo nabinimada ka dib wax ka fadli badan cilmi” hadaba tilmaanta aqoontu waa mid ay leeyihiin culumada rabaaniyiintu.

2- Ikhlaas: Cilmigooda iyo camalkoodaba allah dartiis bay ula jeedaan, sheikh Bakar abuu-Zeed wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay „At-Tacaalum‟ macnihiisuna yahay caalim iska yeel, wuxuu sheegay mas’alo uu u bixiyay „dhubuuliyaat‟ micnaheedu waa nin aan caalim aheyn oo soo bartay dhoor mas’alo si fiicanna u soo baaray oo raba inuu umada u tuso inuu caalim yahay oo marba meel ku boodi, marba sheikh xag xagan oo ka gar suran si loo yiraahdo waa caalim, u jeedadiisuna tahay in labarto.

3- Raacida Nabiga scw: Suura gal ma’aha inuu rabaani noqdo nin waddo qaloocan haya, imam Ibnu Rajab alle ha u naxariistee wuxuu yiri; “cilmiga naafica ah waa midka ku kooban kitaabka allah ,sunada nabiga scw iyo fahamkii salafka”.

4- Sharafta cilmiga iyo culimada oo la dareemo: Suura gal ma aha inuu rabaani noqdo qof aan culimada qadarinin, sheikh

la yiraahdo Al-jurjaani allah ha u naxariistee wuxuu yiri;, “waxay i leeyihiin waxaad tahay nin dadka dhaxgalkooda iska uruurin, waxay arkeen nin aan meelaha duliga tagayn (goob xun aan istaagayn), haday dadka ahlu cilmigu ilaalin lahaayeen cilmiga isaguna wuu ilaalin lahaa , hadii naftooda uu ku waynaan lahaa cilmigu dadkuna way wayneyn lahaayeen”.

5- Akhlaaq Wanaagsan: Rabaanigu waa ka dhaxgala dadka, waxa fiicanna usheega, kulana dhaqma akhlaaq wanaagsan, cilmigiisa ayaa dhaxalsiin inuu u naxariisto dadka una dhimriyo.

6- Nafta oo lagu dahiro acmaasha fiican: Camalku waa miraha cilmiga, cilmi aan camal fiican wadanna wuxuu ku noqon saaxiibkiisa hoog, halaag iyo xujo maalinta qiyaamo. Qaybahan aan kor ku soo xusay waxay ka mid yihiin tilmaamaha culimada rabaaniyiinta, waxayna leeyihiin tilmaamo intaas ka siibadan, oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Qormada xigta waxaan ka hadli doonaa inshaa allah tilmaamaha culumaa’usuu, yaa culimaa’usuu ah, maxaa lagu kala gartaa iyo Natiijida laga dhaxlayo? muxuu yahay hadafka ka danbeeya?, maxayse tahay natiijada ka dhalan?

Lasoco Qaybta labaad insha allaah

Waxaa qoray Sh.  Ahmednuur macalim c/qaadir

Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center

Seattle, Washington

midnimo114@hotmail.com

Resource: somalitalk.com

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax
Desember 06, 2011

QORMADA 1waad

“Dowladaha adduunkow, maxaad nugu dilaysaan?

Ma diinteen Islaamkaa, waxaad nugu dilaysaan?

Barwaaqada dalkaan taal miyaad nugu dilaysaan?

Ma degaanka isteraatiiji ayaad nugu dilaysaan?

Ma dadkeenna firfircoon ayaad nugu dilaysaan?”

(Abwaan Soomaaliyeed, Somalitalk.com, 22/12/08)

“Kenya iyo Itoobiya waa inay jarjaraan Soomaaliya ka dibna labadooda midba jeex qaataa. Mid waliba waxay qayb u heli doontaa 300,000 sq

kilomitir oo ay dhulkeeda ku ballaadhsato iyo ilaa shan million oo qof oo raaciye cusub u noqda. Marka labdayada ciidan qabsadaa dhulka

Soomaaliya, ee aanu ku dhawaaqno inuu ka mid yahay dhulkayaga, xulafadayada Reer Galbeedku way nugu taageeri doonaan, iyagoo u arki

doona arrin iska dhammaatay … Jiboutina Sooma fara galin karto qorshaha lagu gunaanadayo aayaha Soomaalida.”

(Daily Nation [Wargeys-qarameedka Keenya], 4/10/ 2008).

Saddex sano ayaa laga joogaa markii la faafiyey hindisaha kor ku qoran. Maantana waxaa i xasuusiyey waxa imminka dhacaya. Mowduuca qoraalkani ku saabsan yahay waa u fiirsi dhacdooyinkan maalmahaan socda – ee u muuqda ku-tallaabsi qorshihii ay saddex sano ka hor daaha ka rogtey Dhaily Nation. Waxaa igu baraarujiyey iftiimin ay isla maalmaahaan qorshahaas iyo arrimaha socdaba ka qoreen indheer-garad ajnabi

ah, kuwaas oo hadalkaygu u badan doono xigashada iyo iftiiminta wixii ay qoreen oo aan jeclaystay inaan la socodsiiyo Soomaalida aan akhrin afka Ingiriiska, ama ku baraarugsanayn waxa agtooda ka dhacaya ee khuseeya aayohooda dambe.

Balse an ku horreeyo sii-yare iftiiminta qaar ka mid ah qodobbadii hindisaha Daily Nation, hindisahaas oo uu ku saxiixnaa qareen (lawyer) Kenyan ah oo lagu magacaabo Donald Kipkorir. Cinwaanku wuxuu ahaa “Kenya iyo Itoobiya waa inay kala jarjaraan Soonmaaliya mid walibana qaybteeda qaadataa”. Waa hadal cad. Faahfaahintii lagu sababeeyey waxaa ka mid ahaa weedhahaan soo socda:

“Soomaaliya ma aha dowlad maanta jirta oo leh xuduud ay ilaashadto. Keliya waa magac weli isaga dhex qoran khariiddada dunida”.

“Kenya iyo Itoobiya maanta ilbiriqsi way uga fududdahay inay saacadday doonaan madaxda soomaalida ka saxiixdaan dalkiinnii annagaa qaadannaye noo ansixiya. Waqti kasta madaxda iyo xeer-dajiyeyaasha Soomaaliya waxay dhooban yihiin Nairobi. Waqtigii aan doonno ayaan isugu keeni karaynaa hotel Nairobi ku yaal. Halkaas ayaan uga saxiixanaynaa sharciga aan dalkooda ku kala qaybsanayno annaga iyo Itoobiya.” “kharashka nooga baxa hawlgalka aan ku qabsanayno dhulka Soomaalida waxaa bixin doonta Soomaaliya. Waxay la mid noqon doontaa sida berigii xulufado qabsadeen Germany kharashkiina ku dallaceen Jarmalka – Soomaaliya waa dhul hodon ah oo ay ka buuxaan batrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan, iyo weliba khayraadka badda oo aan xisaab lahayn. Isla marka aan la wareegnaba waxaan ku marti-qaadi doonnaa saaxiibbadayada istratejiga ah inay noo soo saaraan khayraadkaas oo aan ka wada faai’deysanno”.

“Maraykanka iyo Ruushku way farxi doonaan wayna noo abaal-gudi doonaan haddaan Soomaaliya qabsanno oo dalkayaga ku darsanno.”

Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa faahfaahintii ay Daily Nation ka bixisay sida ay muhiim u tahay isla markaana u fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya xoog ku qabsadaan Soomaaliya ka dibna ku dhawaaqaan inay kala qaybsadeen.

Markii qoraalkaas la faafiyey dad badan oo Soomaali ah ayaa ka dhiidhiyey. Rag baa uga jawaabey qoraallo caraysan. Haseyeeshee waxay noqotay xumbo kacday haddana iska shuuqday, sida nalaku yaqaan haddaan Soomaali nahay. Haddaan qolo kale ahaan lahayn waxaan isku dayi lahayn tallaabooyin looga gaashaanto musiibada soo guuxaysa. Xitaa raggii damqaday ee jawaabay (oo dabcan intayada kale na dhaamey) jawaabtoodu waxay u badnayd wax u eg ‘bootayn’ aan sii qodnayn oo lagula murmayo nin shakhsi ah oo ay u arkayeen inuu iska bootaynayo ama iska hadlayo. Kuwii madaxda ahaa ee sida aad aragtaan sharafta looga qaaday midkoodna lagama maqal eray uu xitaa asagu isku difaacayo, qaran hadalkiis daaye. Iyagoo maalin walba warbaahinta Keenya waxaas ka qorayso ayay weli ka waantoobi la’yihiin inay u yaacaan oo si fool xun u tubnaadaan Nairobi oo marba qaar laga tarxiilayo, qaar lagu xirxirayo, si joogta ah loo bahdilayo, marba go’aan laga saxiixanayo, iyaguna maalin kasta lacag wixii ay haystaan ku shubayaan jeebabka dal aan abaal ugu hayn. Arrintii iyada ahayd dhawr sano ayaa cagta loo yar-dhigay. Waxaa lagu hoosaasinayey shirar marin-habaabis ah. Waxaa la sugayey inta burburka iyo quusta Soomaalidu sii gaarayaan meel ayan is-difaac haweysan Karin. Hadda ayay muuqataa in la gaarey halkii la sugayey.

Gulufka Cusub

Dhawr toddobaad ka hor ayay warbaahinta Keenya waxay dib u bilowday olole cusub, kaas oo gogol-xaadh iyo garabgal u ah hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya. Tusaale ahaan jariidadda afka dheer, The East African, tirsigeedii 30 Oktoobar waxaa lagu shaaciyey wax lagu magacaabay Qorshe-weynaha (Grand strategy) ay wataan dowladaha Soomaaliya la dariska ah. Jariidaddu waxay tilmaan cad ka bixinaysaa xogtaas muhiimka ah in ay ka heshay ilo xagga sir-doonka iyo diblomaasiyadda ah. Waxay soo bandhigaysaa qorshe nuxur ahaan beegsanaya isla bar-tilmaameeddii maqaalkii hore ee Daily Nation, bartilmaameeddaas oo ahayd in Soomaaliya la kala jarjaro, ka dibna ay kala qaybsadaan labadaas dowladood. Hayeeshee waxaa halka loogu soo bandhigay hab aan u qaawaneyn sidii maqaalkii hore. Wuxuu isticmaalayaa af ka asluubaysan kana cilmiyaysan, taas oo muujinaysa in dhab ahaan laga soo qaatay ilaha diblomaasiyadda iyo sir-doonka ee wargeysku tilmaamay.

Qorshe-weynahaan oo loo fulinayo hab tallaabo-tallaabo ah, tallaabada koowaad waa in gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya loo kala jaro saddex qaybood:

qaybta koowaad waa gobollada bartamaha Soomaaliya, waxayna hoos iman doontaa Itoobiya, sida qorshaha ku qoran; qaybta labaad waa dhulka gobollada koofureed intiisa badan waxaana saami u heli doonta Kenya; qaybta saddexaadna waa Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana gacanta ku hayn doona ciidammada UNISOM. Saddexda qolo ee ajnabiga ah mid waliba qaybta ay gacanta ku qabato waxay maamulkeeda u dhiibi doontaa dad Soomaaliyeed oo iyaga daacad u ah. Intaa waxaa la raacinayaa odhaah ay cid waliba iska fahmi karto inay tahay xeelad hoosaasin ah, taas oo ay leeyihiin, saddexda qaybood mustaqbalka fog waxay ka tirsanaan doonaan “dowlad Soomaaliyeed oo federal ah”. Waa xeelad diblomasiyadeed. Meel kale qorshuhu wuxuu leeyahay, saddexdaas qaybood ee dhulka Soomaalida loo kala gooyey waxay noqon doonaan wax lagu magacaabay “buffer zones” ama aagag lagu ilaaliyo ammaanka Kenya iyo Itobiya.

Daah-furka qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida

Haddaba , gulufka cusub ee ay Keenya ku gashay Soomaaliya, galintaanka Itoobiya iyana soo gashay gobollada dhexe (AFP, 19 Nov. 2011), ansixinta ururka IGAD ay labaduba ka dhammaysteen inuu u sharciyeeyo soo galidda dhulka Soomaaliya (shirkii Addis 25 Nov. 11), Soo dhaweynta Midowga Afrika asna ugu deeqay inay ku gabbadaan koofiyaddiisa (New York Times 18 November, 2011) iyo duulduulka aan ka maqlayno quwadaha waaweyn, intaas oo dhan isu geyntoodu waxay si cad u muujinaysaa qorshahe-weynihii ay shaaca ka qaadday saxaafadda Kenya, mar hore iyo mar dambeba, in aanu ahayn aftahammo warbaahineed ama male-awaal war-fidiyeen, balse uu yahay qorshe beri hore la go’aansaday, sannado badan loo soo gogolxaadhayey, Soomaalida lagu marin-habaabinayey shirar hoosaasin ah, lagu mintidayey in ayan dib u hana-qaadin dowlad Soomaaliyeed oo caqabad ku noqota qorshahaas, la curyaaminayey markii la unkaba, laga ilaalinayey hoggaan hagaagsan, laga takhallusayey masuulkii laga dareemo karti ama waddaniyad, marba hoos ahaan loo abuurayey laba dhinac oo dagaalka sii wadda. Cidda qorshahaan ka dambaysa ee daaha shishadiisa ka hoggaaminaysaana dabcan way ka weyntahay kana diirad fogtahay Kenya iyo Itobiya (eeg Pmbazuka News, Issue 557, 10 Nov. 2011). Cidda ay yihiin iyo ujeeddooyinka ay u adeegsanayaan labadaan dal, waxaa na fahamsiinaya xeel-dheerayaal ajnabi ah oo weliba reer Galbeed u badan.

Qofkii uu ku adagyahay fahamka qorshahaan kor ku xusan, iyo cawaaqibka uu dhaxalsiin doono aayaha dambe ee ubadka Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaa ku filan inuu indho furan ku akhriyo falanqaynta iyo fasiraadda uu ku sameeyey Dr. Michael Weinstein oo ah khabiir caalami ah, barfasoor culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Purdue University ee ku taal Chicago, USA. Waa diraasad uu soo saaray 14 Novmber, 2011 (ka eeg Kenya News 24, iyo shabakado Soomaaliyeed oo dib u daabacay, sida Hiiraanonline, Garoowe Online.) Halkudhegga qoraalku waa Kenya’s Political Failure in Sothern Somalia (Fashal-siyaasadeedka Kenya ee Kofurta Soomaaliya). Markase aad u fiirsato nuxurka qoraalka waxaa kuu muuqanaysa cinwaanka ku habboon inuu ahaan lahaa “Qorshaha Qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida” (ka dib kii Berlin, 1884 -85). Erayga “partition” (qaybin ama qaybsi) ayaa aad u soo noqnoqonaya oo ah udub-dhexaadka qoraalkani ku saynsaabanyahay. Sidaa awgeed, hadduu qoruhu ahaan lahaa qof ay aragtida hoggaaminaysaa tahay aqbalidla’aanta dambiga laga galayo iyo dulmiga dhawr qarni lala daba socdo ummad aan waxba galabsan, hadday fikraddiisu taas ahaan lahayd ayuu cinwaanka ka dhigi lahaa sida aan kor ku sheegay, haseyeeshee taa baddelkeeda Dr. Weinstein, in kastoo uu yahay caalim tilmaamaya xaqiiqda jirta, haddana ugu dambaynta waa nin ka soo jeeda dhinaca kale, dhinaca ay ahayd in si cad loogu yiraahdo ‘waxa aad samaynaysaan waa godob weyn, ee Ilaahiina ka baqa, ama taariikhda ka baqa!’ . Qofka fiirada dheer ee akhriya sadarrada dhexdooda wuxuu fahmi karaa Dr. Weinsteinhaliilo waaweyn u soo jeedinayo Dowladda Keenya, dulucda dhambaalkiisu inay tahay ‘Keenya ma leh karti ay keligeed guul uga soo hoyso hawgalkaan culus, ee yaan lagu hallayn. Gacan ha lala gaadho inta aaney fashilin qorshahe-weynahaas istraatiijiga ah ee lagaga talagalay aayaha Soomaalida’!.

Dr. Weistein wuxuu qoraalkiisa ku bilaabayaa tuduc (paragraph) war oo dhammi ku idil yahay. Wuxuu u qoranyahay sidaan (tarjumad):

“Hawlgalka militari ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya waa calaamad dadka Soomaaliyeed uga digaysa inay ku baraarugaan halka uu ku dambayn doono mustaqbalkooda siyaasadeed: halkaas oo ah qaybin la kala googoyn doono dhulkii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliyeed xornimada ka dib. Waxaa loo kala googoyn doonaa maamullo yaryar oo itaal daran oo kala hoos taga dowladaha dariska ah ee kala ah Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u adeegsan doona danohooda gaar ahaaneed, isla markaana dillaal ama wakiil uga noqon doona quwadaha dibadeed ee waaweyn,

Maraykanka, waddammada Yurubta galbeed iyo waliba Shiinaha oo faragalinteedu isa soo tarayso.”

Cutubka ku xiga Michael Weinstein wuxuu ku sii qeexayaa qota-dheerida qorshahaan iyo sida ay aarintani u tahay kala-bayr taariikhi ah (historical cross-roads) raad-reebkiisu socon doono qarniyo badan oo soo socda. Wuxuu u qoranyahay sida soo socota:

“Muddadii ka dambeysey burburkii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre 1991, waa markii ugu horreysey oo si buuxda loo gaarey go’aan meel cad lagu gunaanadayo halka uu ku dambayn doono dhismaha siyaasadeed (political organization) ee “Soomaaliya” ka dib markii muddo labaatan sano ah la ag marmarayey oo dib loo dhiganayey go’aankan. Gunaanadka aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid ay dusha kaga keenaan quwadaha dibadda oo isticmaalaya xeeladdii ahayd ‘ qaybi oo xukun’, taas oo ku iman doonta inay abuuraan maamullo yaryar oo lagu adeegto, kuwaas oo mid waliba ku dhisan yahay qabiilka u badan degaankaas.”

Qorshaha noocaan ah inuu jiro iyo inuu yahay mid ay muddo ka soo shaqaynayeen una soo gogol-xaadhayeen Maraykanka iyo xulafadiisu ciddii aan hore u fahmi kareyn amase uu weli mugdi kaga jirey waxaan filayaa inuu ku filan yahay marag-furkaan cad ee barfasoorka Maraykanka ah iyo qaar kaloo aan arki doonno. Tan labaad ee muhiimka ah, haddii uu qorshahani hore u ahaa mid lagu ilaaliyo khaanadaha sirdoonka, maanta way caddahay in laga soo saaray lana bilaabay fulintiisii, ka dib mrkii la hubiyey in loo bisleeyey xaaladda Soomaaliya. Weli si rasmi ah looma shaacin,

gunaanadkiina laguma tallaabsan, haseyeeshee, sida uu caddaynayo Dr Weistein, waxaa la qaaday tallaabo wixii wax garan karaa fahmi karaan inay tahay tii ku xigtey ee u gogol-xaadheysey tallaabada gunaanadka iyo ku dhawaaqidda in qabri lagu hubsaday qaranimo Soomaaliyeed. Barfasoorku wuxuu intaa sii raacinayaa eraymurtiyeed farta ku fiiqaya halaagga ay tallaabadani Soomaalida dhaxalsiin doonto. Wuxuu leeyahay,

“Way iska caddahay tallaabadani inay noqon doonto mid si kama-dambays ah god ugu ridda isku day kasta oo ay dadka Soomaaliyeed mustaqbalka haweysan lahaayeen inay aayohooda ka taliyaan (self-determination) ama inay yeeshaan awood ay danohooda kaga difaacdaan fagaarayaasha caalamamka…. Taa micneheedu wuxuu yahay dadka Soomaaliyeed inay noqon doonaan kuwo laga dabar gooyey wax tabar iyo taag ah; dib dambe iyaga uma noqon doonto cidda gaaraysa go’aannada khuseeya aayatiinkooda dambe. … Qaybsigan [Soomaalida la qaybsanayo] micnihiisu waa gumeysi hor leh.”

Ummad DIL lagu Xukumay iyaguna Dareemi la’ – Ila Dhuuxa Erayadan

Xog-warranka iyo falanqaynta cilmiyaysan ee Dr. Weinstein waxaa jira erayo mudan in hoosta laga xarriiqo ama si gaar ah loogu fiirsado. Waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

A) Digniinta Weinstein:

“It is the first time since the collapse of Siyad barre’s dictatorship in 1991, there is a strong possibility that “Somalia” which has existed in political limbo, with decisions on its political organization on hold and deferred will take a more settled political definition.That settlement will be imposed by external powers using the tactic of divide and rule, to create dependent client states loosely based on dominant clans in Somalia’s regions. …[that] scenario … would spell any possibility that the Somali people could regain their self-determination and be able to defend their own  interests on the international stage … the Somali people would be permanently weakened and they would not make the decisions determining their fate.”.

Tuducan kooban erayadiisa an hoosta ka xarriiqay waxay noo tilmaamayaa shan arrimood oo aad u culus:

1. Kow, In labaatankii sano ee dalkan burburku ka socdey aan laga sii jeedin (sida dadku yiraahdaan) balse lagu soo jeedey (si qarsoodi ah) lagu maqnaa, loo tashanayey, la diiddanaa inay Soomaaliya ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, iyadoo dib loo dhiganayey “on hold” fulinta go’aan SIR ah oo meel la dhigtay, kaas oo fulintiisa lala sugayey “deferred” xilli ku habboon, xilli ay Soomaalidu quusatay, lagana dhammeeyey cid caqabad ku noqon karta go’aankan asaga ah ee ah in lagu dhawaaqo soo afjaridda dowladnimo Soomaaliyeed, in Soomaalida laga xayuubiyo

xaqa aaya-ka-talinta “their self-determination” iyo in la kala qaybsado dhulkooda ‘partition:” Tan micneheedu waa DIL tartiib-tartiib ah (gradual killing) oo lagu xukumay ummad dhan oo ah qaran madax bannaan oo xubin buuxda ka ah Qarammada Midoobey. Waa ku-tumasho bareer ah laba qodob oo ka mid ah qodobbada asaasiga ah ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmiga (Universal Declaration of Human Rights), xaqa cid waliba u leedahay go’aaminta aayeheeda iyo nolol sharaf leh. Waa tallaabo ugub ah. Waa halis aan hore loo arag oo ku soo fool yeelatay, Soomaalida uunn ma ahee, idil ahaanba ummadaha xornimada jecel.

2. Arrinta labaad waa yoolka la bar-tilmaameedsaday inuu yahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo maxaysato aan dib dambe awood u yeelan Karin, haweysanna Karin inay ka arrimiyaan aayatiinkoodu waxa uu noqon doono. Taasi waxay ku caddahay erayadaan khabiirku leeyahay: “the Somali people would be permanently weakened and they would NOT make the decisions determining their fate”. Micnhu wuxuu yahay, quwadaha waaweyn oo ay is xulufaysanayaan Keenya iyo Itoobiya ayaa waxay hoos ahaan u go’aansadeen in la DULLEEYO Soomaalida, si dhulkooda hodonka ah loogu tagri-falo sidii la doono. Imminkaba calankii oo weli taagan, labaatankan sano ee u dambeysey cidda ka talinaysey Soomaaliya waxay ahayd huwantaas dulmiga isu gaashaanbuursatey oo ku hoos gabbanaysey koofiyadda Qarammada Midoobedy, ilaa imminka.

3. Arrinta saddexaad, hadalka khabiirku wuxuu daaha ka qaadayaa in fulinta hadafkan loo adeegsanayo xeeshii caanka ahayd ee isticmaarka “devide and rule” (qaybi oo xukun), taas oo Soomaalida lagu kala qaybinayo qabyaaladda la ogaadey inay addoon u yihiin, “loosely based on dominant clans”.

4. Tan afraad wuxuu na tusayaa waxa loo bixiyey “dowlad-goboleedyada” ee beryahaan dambe sida daacuunka u faafaya in ay tahay arrin halkaas ka socota oo qayb ka ah qorshe-weynahaas qaran-burburinta iyo qaybsiga dalka. Xqiiqdaas si cad ayuu u muujinayaa Dr. Weinstein marka uu leeyahay “…external powers using the tactic of divide and rule to create dependent client states, loosely based on dominant clans inhabiting Somalia’s regions”. Tan ka sii daran, waxaa hoos ahaan loo qorshaynayaa maamul-ku-sheegyadaas gumeysteyaashu dhisteen inay noqdaan murashixiinta cusub ee la wareegi doona xilka is-dilka Soomaalida iy joogtaynta dagaalka sokeeye, markii la arkay inay isla sii bas-beelayaan Al Shabaab iyo DKMG ah.

5. Arrinta shanaad, Michael Weinstein wuxuu si aan toos ahayn ugu doodayaa Soomaaliya in ayan imminkaba ahayn dal jira. Taas wuxuu si dadban ugu soo dhigayaa: a) hadalka uu leeyahay “ qaybinta geyigii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliya…” Wuxuu isticmaalayaa erayga “territories”, halkii uu oran lahaa Soomaaliya. b) way jirtaa mar uu isticmaalayo magaca Somalia, laakiinse wuxuu dhex galinayaa bilo rogan (“Somalia”), taas oo micneheedu yahay “waxa lagu sheego Soomaaliya” ama so-called Somalia. Halkan waxaa la yaab leh, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ajnabiga uga xag-jirsan qodobkan ah qiima-tirka magaca “Soomaaliya” iyo weliba diidmada magaca guud ee “Soomaali”. Dad badan oo bilowgii hore u badnaa dhanka Somaliland, haddase cid walba yeeshay ayaad idaacadaha maalin kasta ka maqlaysaa iyagoo leh “wixii la odhan jirey Soomaaliya” ama, tan ka sii daran “dadka af Soomaaliga ku hadla”, iyagoo afka ka dhawraya inay ku tiraabaan “umadda Soomaaliyeed” ama xitaa “Soomaalida”. Heerkaas ayaa durba la gaarsiiyey! Soddon iyo afartan sano ka dib maxaad filaysaa!

B) Jees-jeeskii Kipkorir iyo “madaxda Soomaaliya” ee u marag-furtay:

“For Kenya and Ethiopia, having the Somali legislature to endorse the annexation will be cakewalk. At any given time, most, if not all, Somali legislators are in Nairobi. We will have them convene in one of our hotels and to pass the appropriate statutes dividing their country”.

Saddex sano ka hor ayay ahayd markii uu Kipkorir sidaa qaawan Soomaalida ugu jeesjeesay, madaxdeedana u bahdilay. Dadka Soomaaliyeed berigaas way ka damqadeen. Qaar badan ayaa Kipkorir si kulul ugu jawaabeey, sidaan hore u sheegay.

Waxay is lahaayeen waxa uu ku hadlayaa waa af-la-gaaddo aan dhab noqon karin. Nasiib-darro, manta ah, “meel-ku-gaarka” aad maqlaysaan meesha loogu tala galay in “lagu gaaro”, ma aha (sida dadka loo sheego) dhisme dowlad dhab ah oo dastuuri ah oo ay yeelato Soomaaliya. Meesha dhabta ah ee la doonayo in lagu “gaadho” waa waqtiga si rasmi ah loogu tallaabsan doono go’aanka kama-d ayaan indhahayaga ku aragnaa wixii ninkaasi saddex sano ka hor shaagay oo hortayada ka dhacaya: madaxdii ugu sarreysey Dowladda KMG oo si is daba-joog ah inta marba lagu amro inay iska soo xaadiriyaan Nairobi ama A ddis Ababa lagaga saxiixanayo in lala wareego dalkii ay masuulka ka ahaayeen!! Kolkaa, yaa maanta eray ku celin kara Mr. Kipkorir? Waa wax laga xanuunsado, la-yaabse ma leh.Nimanka Muqdishu midba mar looga yeeranayo cidda saxiixa ku amraysaa waa ciddii markoodii horeba meesha dhigatay, tanina waa ujeeddadii loo dhigtay ee daraaddeed looga takhallusay masuuliintii lagu tuhmay inay ka dhega adaygi karaan waxa kuwani saxiixayaan. Asalkaba waxaan lagu magacaabo TFG ama Dowladda ku- meel-gaarka Soomaalida: xilligaas ayaa loo baahan doonaa cid shaabbad la aqoonsanyahay haysata oo magaca Soomaaliya looga saxiixdo go’aanka lagu aasayo qaranimada Soomaalida. Inta taa ka horraysana waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kale: kow, in Soomaalida lagu sii maaweeliyo; laba, dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa la kala boobayo in in-yar-in-yar hoos-hoos iyo kor-korba looga saxiixdo, berritona saxiixaas lala soo baxo. Waa intaas uun muraadka laga leeyahay DKMG.

Waa sababta muddada dheer loogu hayo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Waa sababta loo leeyahay waa la citiraafsanyaha aqoonsanyahay, haddana hoosta looga curyaaminayo. Waa sababta loo siinayo san-dareerto nafta ku sii haysa loona oggolayn taakulayn iyo gergaar run ah oo ay ku yeelato awood dowlad dhab ah oo dalka hanata. Maalinta laga saxiixdo warqadda ugu dambaysa ayaa sandareertada laga goosan doonaa si ay u qudhbaxdo, sidii qof sakaraad ah oo laga goostay faleebbihii ama lifemachine-kii nafta ku hayey. Maalintaasi aad ayay u soo dhawaatey! Sidaa awgeed, madaxda DKMG waxaan leenahay, kolley waad dhimanaysaane, ma sii joogi doontaane iska ilaaliya inaad ku dhimataan sharaf-darro iyo khiyaano qaran oo inta noloshiinna ka hadhay idinku noqota cambaar aan go’in! Ku dhaqma murtida Soomaaliyeed: “haddaad dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa.”

C) Hoosaasinta UN: Dr. Michael Weinstein dabayaaqada warbixintiisa wuxuu qorayaa falanqayn ka marag-kacaysa hadalka kor ku sheeggan.

Wuxuu leeyahay: “ As it looks ever less probable that the U.N.-managed “transition” of Somalia to a permanent constitutional state will succeed, the alternative remains partition, balkanization,cantonization. Kenya’s operation in Somalia might have been the beginning of thepartition process had it not been for Nairobi’s political incompetence”.

Khabiirku wuxuu qeexayaa, anna aan la qabaa, waxa lagu magacaabo “transition” ama kala-guur, ama u-gudbid dhisme dowlad joogtaysan oo xeer ku dhisan, inay tahay wax ayan ka dhabayn doonin haya’dda Qarammada Midoobey ee arrinta maamulaysa. Marka taasi fashal ku dhammaato, muddo sannad ka yar dhexdeed, waxa lagu beddeli doono ayuu Weinstein tilmaamayaa inay noqon doonaan in si rasmi ah loogu tallaabsan

doono go’aankii qaybsiga dhulka “partition”, “balkanization”, “cantonisation”. Way iska caddahay inay taas gogol-xaadh u tahay tallaabadan cusub ee la-yaabka leh, gulufkan military ee huwanta ah iyo ansixinta magaca IGAD iyo AU lagu sharciyeeyey inay dhulka Soomaaliya qabsadaan ciidammada Keenya iyo Itoobia – waa kan khabiirku ku tilmaamaya hawlgalka Keenya “the beginning of the partition process “ (bilowgii geeddisocodka qaybsiga dhulka). Wuxuu raacinayaa sida keliya ee uu hawlgalkani sidaa ku noqon waayi karaa inay noqon karto uun karti-darro siyaasadeed oo ka timaadda xagga Keenya. (Xilliga warbixintan la qorayey wuxuu ahaa waqti aan weli la shaacin soo galitaanka Itoobiya).

Halkan waxaa muhiim ah inay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Keenya iyo Itoobiya intuba fahmaan tallaabadani inay tahay mid liddi ku ah, Soomaalida keliya ma ahee,

xitaa danaha dhabta ah ee dadka Keenya iyo Itoobiya. Waxay u soo jiidaysa dhibaato hor leh. Waxay ka jeedinaysaa kana curyaaminaysaa wax badan oo tan uga muhiimsan oo uu ka mid yahay geeddi-socdkii bilwga ahaa ee dimoqraaddiyaynta bulshada Keenya. Dadyowgan walaalaha ah ee ku wada nool gayigan Geeska Afrika midkoodna dan uma aha in lagu mashquuliyo colaad joogta ah oo marba kii wax isbidaa kan kale u xoog sheegto. Dantooda dhabta ah waxay ku jirtaa nabad iyo iskaashi walaalnimo oo u dhigma kan ay yeesheen dalalka Yurub, ka dib markay ka koreen qarniyo badan oo ay is dili jireen. Cidda isku kaaya dilaysa, tallaabadan cusubna ka dambaysaa waa quwadaha waaweyn ee gumeysi-doonka ah, kuwaas oo dagaalkan cusub u adeegsanaya danohooda gaarka ah.

D) La-dagaallanka Ashabaab: xaq baaddil loogu gabbanayo: arrin kale oo soo raacaysa arrimaha kore, duullaanka cusub ee Keenya iyo Itoobiya marmarsiinyaha loogu soo gabbaday wuxuu ahaa “waxaan la dagaallamaynaa Ashabaab oo halis ku ah amniga labadan dal”. Keenya taas waxaa u dheer dadka gobollada koofure oo la isku dayayo in lagu sasabo ama lagu seexiyo “aammusa dhulkiina ayaa la idiin barwaaqayn doonaaye!” Waa muran-ma-doonto inuu dal kastaa xaq u leeyahay difaaca amnigiisa. Muran-ma-doonto kalena waa Ashabaab inay yihiin aafo dhibaato culus ku haysa guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed oo ay soo kartay dhibaatada shar-wadeenkan, way jeclaan lahaayeen inay mar uun arkaan Ashabaab oo laga xoreeyey dhulka ay xoogga ku haystaan. Haseyeeshee run ma tahay ujeeddada gulufkani inay tahay in dadka Soomaaliyeed laga xoreeyo Ashabaab? Miyay run ahaan doonayaa in Ashabaab laga takhalluso? Jawaabtu waa maya, ma doonayaan iyaga iyo xulufadooduba, sababtuna aad ayay u fududdahay.

Xarakada Ashabaab waxay qayb ka tahay qorshe-weynaha kor ku tilmaaman ee qarantirka Soomaalida iyo dulleynta dadka Soomaaliyeed. Waxay kaga jirtaa dhinacyo aad muhiim u ah oo ay cid kastoo kale kaga firfircoon yihiin, ugana fara dhuudhuuban yihiin, maadaama ay Soomaalida ku qaldi karaan oo ku beerlaxawsan karaan caaddifadda diinta iyo tan qabiilka. Ashabaab waxaa loogu talagalay, oo Carab nacab ah iyo cafaariiddan kaleba u soo direen, inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah (five combined missions), kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida, iyo laba ujeeddo oo iyana si dadban ugu adeegaya isla qorshahaas. Shanta tooska ah:

1. Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya;

2. Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo (national identity), sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm;

3. Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeehsaan wacyi qaranimo;

4. Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah;

5. Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin.

Qodobkan u dambeeya waxaa Ashabaab la wadaaga ama la fuliya burcad-badeedda oo qudhooda hoos ahaan loo dhiirri-galiyo.

Labadan qolaba waxaa hoos ahaan loogu kobciyaa si looga dhigto sabab loogu soo gabbado qabsashada dhulka Soomaalida, bad iyo berriba.

Maxay ku dhacday in Ashabaab dagaalkan huwanta shisheeye lagu soo qaado xilli ay wiiqmeen ee sii dhimanayeen, waqti ciiddu soo tuftay, dadka Soomaaliyeed karheen, carruurtoodii kala bexeen, meel cidla’ ah dhigeen, ay ku dhex noolaan kari waayeen, wixii ajnabi ahaa lafohooda la baxsadeen, dhexdooda iska horyimaadeen oo kala daateen, ay muuqatey inaan waqti u harsanayn? Iyagoo sidaa u sii burburaya ayaa waxaa soo nooleeyey weerarkii ajnabigu ku soo qaaday. Markaas ayay heleen taageero iyo gurmad xooog leh oo hub, dhaqaale iyo ciidan shisheeye intaba leh, waana sidii la filayey ee lagu talagalay. Dowladahan ajnabigu hadday daacad ka ahaan lahaayeen la-dagaallanka Ashabaab waxay u soo mari lahaayeen waddadii saxdea ahayd ee la wada fahmi karey, taas oo ah in la awoodeeyo ciidanka Dowladda Soomaaliyeed. Wixii ka harsanaa ciidammada Ashabaab waxaa muddo gaaban dalka uga nadiifin karey ciidammada DGMG oo kaashanaya kuwii AMISON ee hore u joogey.

Hayeeshee arrintu waa “oohin orgiga ka weyn”! Waxa loo socdaa ma aha Ashabaab, balse waa bilowgii fulinta qorshe-weynaha qaybsiga dhulka Soomaalida, sidii uu qeexay Dr. Weinstein, horena ay daaha uga rogtey saxaafadda Keenya. Ashabaab iyo DKMG labadaba waa la sii hayn doonaa inta la diyaarinayo laba dhinac oo cusub oo lagu wareejiyo qoriga dabka dagaalka Sokeeye. Waa taas xaqiiqdu.

Maxay ku Dambayn doontaa Durriyadda Soomaalidu?

Haddaba su’aasha weyn ee na hor imanaysa, muxuu ku dambayn doonaa aayatiinka dambe ee dadka maanta loo yaqaan “Soomaali”? Dhawr su’aalood oo soo raaci kara:

Ka sokow inta kor ku qeexan, maxaa kale oo caddaynaya inuu dhab ahaan jiro qorsheweynahan “grand strategy” lagu talagay in la burburiyo qaranimada Soomaalida, dhulkayagana lala wareego? Waa maxay sababaha keenay in Soomaalida si gaar ah loola beegsado shirqoolkan cadowtinimo? Waxa ku dhacay Soomaalida iyo waxa ka daran ee ku soo socda Yaa ka masuul ah, ma Soomaali baa ka masuul ah, mise quwado shisheeye oo ka awood weyn, mise labadaba? Hadday jawaabtu tahay labadaba, waa maxay qaybta mid waliba ku leeyahay? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay gashay ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Daba-qabad ma leeyihiin? Dawo ma yeelan karaan? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo wixii weli harsan?

Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ku falanqayn doonnaa qormada labaad ee gunaanadka ah.

La soco.

M. D. Afrax

Email: Inadaahir2004@hotmail.com

Taliye Ibliis iyo Taajkiisa. W/Q: Suleymaan Maxamuud
Shacabka Soomaaliyeed waxaa haystay dhib aad u farabadan, lagasoo bilaabo burburkii dawladdii dhexe,haseyeeshee, dhibaatooyinka haystay maalinba waji bay lahaayeen, oo kulligood isku wada mid ma ahayn, mid walibana middii ay ka horreysay ayaa ka fududayd, hase ahaatee waxay iska waafaqsan yihiin labo arimood, tan hore, dhibbanuhu mar walba  wuxuu ahaa shacabka, tan kalana waxay tahay mar walba waxa loo adeegaa hal Taliye Ibliis.

Maanta marxaladdii  ugu dhibka badnayd intii la arkay bay maraysaa  hagardaamadii lagu waday dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay jabsatay xuduud kasta oo la yaqaaney, Taliye Ibliiska maanta joogaa waa mid aan waxba xeerinayn.

Mucjisaduse waxay tahay, qolyaha shacabka laynayaa, barakicinayaa, gaajaysiinaya, hantidooda dhacayaa qaarna burburinayaa,  qolo waliba magac ay ku dagaal gasho bay leedahay, taliye Ibliis u gaarana waa leedahay, balse miraha kasoo baxa howsha ay qabanayaan   hal dhinac baa faa,iidadeeda iska leh waa dhinaca loo wada adeegayo oo ah taliyaha guud ee ciidamadan soo dirsaday.

Waxaa jira xaddiis saxiis ah oo imaam AL-MUSLIM wariyay, duruq kaladuwanna ku yimid macnihiisa guud oo la isu keenay wuxuu ahaa, Ibliis ayaa ciidamadiisa diraya inay dadka soo fasahaadiyaan, fidneeyaan, dhibaateeyaan, kharibaan, iyo wax walba khasaaro nafeed iyo maaleedba keeni kara, Ibliis wuxuu ka dhagaysanayaa warbixin ku saabsan wixii nin waliba soo qabtay, markay shaqadii soo dhammeeyaan . Midbaa oranaya anigu maanta labo qof baan isku diray ilaa ay kala go,een, Taliyuhu(ibliis) wuxuu  ugu jawaabayaa waxba maadan soo qaban. Midkalaa soo boodaya wuxuu leeyahay kama tagin ilaa uu waalidii ku caasiyoobey, Ibliis wuxu leeyahay waxba maadan soo qaban, inuu baarri u noqdo ayaa la arkaa, mid kasta oo ciidanka kamida  markuu sheego shaqadii uu soo qabtay, Taliyaha jawaabtiisu waxa uun ay noqotaa waxba maadan soo kordhin.

Mid kalaa yiri maanta ina aadan(yacni dadka) kama tagin ilaa aan isaga iyo xaaskiisii kala furay, Taliyihii (ibliiskii waynaa) aad buu u farxay waana soo dhaweeyay sababtu waxay tahay,haddii  uu burburo qoysku waxaa imaanaya dayac farabadan, waxayna saamayn iyo dhibba ku keenaysaa mujtamaca guud. Midbaa yiri anigu kama tagin ilaa aan shirki galiyey waa farxay Taliye ibliis wuxuuna yiri: Anta..Anta.

Markii danbe ayaa mid ciidamada ka mid ahi wuxu  yiri anigu kama tagin ilaa uu mid kale oo muslim ah diley..Taliyahii aad buu u farxay wuxuuna ku yiri ninkaan rabay oo howsha aan jeclahay soo qabtay waa adiga, wuuna soo dhaweeyay taajkiina waa guddoonsiiyay.

Taajka wuxuu ku mutaystay sababtoo ah dilka qofka muslim ka ah waxa ka imaanaya dunuub  waaweyn, marka hore dilkiisu isagaaba ah jariimo weyn ah, tan kale waxa ka dhalanaya riximka ama ehelka oo kala go’a oo iyaduna ah Jariimo. Mid kalena waa in quluubta dadka lagu abuuro nacayb kanaa diley kaasaa diley. Jariimo kale waa albaabka fasaadka iyo fidnada oo la furo markii qofkii qisaasta lahaa uu markiisa dulmiyo mid aan wax danbi ah geysan oo ay noqoto silsilad aan meel la qabto lahayn. Cidkasta oo wax ka geysata dilkaasna waa sunne uu jideeyey kii markii hore bilaabay (qisadii qaabiil iyo haabiil ku garo).

Hadaba bal aynu eegno ciidamada shacabka laynaya dalkiina burburinaya  sida ay u kala dhibbadan yihiin uguna kala dhaw yihiin, Taliyaha guud ee ay u adeegayaan.

Ciidamada Ugandha: warbixintoodu waxay noqotay, Taliye madaafiic aan loo meel dayin baan ku garaacnay,naf iyo maal midna maanan badbadin. Taliyuhu wuxuu ku jawaabay waxba maadan soo kordhin sababtoo ah awalba gaalbaad ahayd dadkaanina  waa muslimiin wixii aad gaarsiisid gaalo uunba na laysay bay leeyiin waana iska sabrayaan.

Burundi sidoo kale waxay helayaan isku jawaab iyaga Ugaandiisku. Amxaarada, Taliye wadankii gees dhan baan xoraynay, suufiyadii waa hubaynay, AHLU SUNNA WALJAMACA waliba waxaan  shardi kula galnay inaysan dowladda la heshiin ee ay madaxbanaanaadaan, hadda kahorna waad ogeyd sidaan ula shaqeeyey qabqablayaalkii dagaalka ee joog iyo jiifba shacabka u diidey,Maxaakiimtii waa taariikh lama illaawaan ah wacdarahaan ka muujinay ,  marka taliye nin sahlan ma ahi, Taliyuhu wuxuu ugu jawaabi awalba xabashi baad ahayd dhib kasta oo aad u gaysatid soomaali taariikhdii

hore uunbay raaci waxba maadan soo kordhin cidna ku aamini mayso. Kenya,Taliye anigu diyaarado ayaan ku garaacay beerihii waa gubay dadkiina waa xasuuqay yaa iga fiican, Taliyuhu wuxuu ugu jawaabi gaalnimada waxaa kuu dheer horay baad  dadkani  dhul ay leeyihiin u boobtay marka cadownimadaadii uunbaad sii cadaysay.

Dowladda ku meel gaarka ah, Taliye anagaa idiin ogolaanay oo tiimbaraha idiinku dhufanay inaad wadanka soo gashaan, mar kastana anagaa idin difaacna oo niraahna anagaa u yeeranay waana na caawinayaan ee iyagu wadanka dan kale kama laha, waxaanu nahay  qolada kaliya ee fududaysay inaad soomaaliya waxaad doontaan ka samaysaan, oo weliba waxaan lahayn waa (international community) Beesha Caalamka, oo dhiba ma laha dheef mooyee.

Taliyu wuxuu ku leeyahay waxba maydaan soo kordhin cid idin taageersan iyo cid dawlad idiin aqoonsan  midna ma jirto waxaana la  idiin fahamsan yahay inaan annagu meesha idiin dhiibanay markaan doonana idinka qaadayno kii aan doonnana badalayno,midda kale  idinkoon joogin baanu wadankaan ka shaqaysan jirnay waxba maydaan soo kordhin abaalna idiinkuma hayno sababtoo ah waxaad noo diidi kartaanba ma jirto.

AL-SHABAAB, Taliye annagu, dadkaan kuma jiro, muslimnimo ayaan sheeganay  diintii islaamkaan ku gabbanay, jihaad baan iclaaminay, quraanbaan daliilsanay, axaadiithtiina waan ku daba gadiney caamadii iyo wax magaradkii, waa iska jidboodeen waana nala aaminay, oo inaan cadowga dadka horjoogno baa la mooday, kaddibna waad aragtaa intaan cadow hoosta ku haysano,(Muhaajiriin) iyo waxa shacab qaylo kayeeraysa, qof aan badbaadinayna maba jiro sheikh iyo shariif, arday, oday, iyo culimo, waxgarad , aqoon yahan iyo siyaasi,mid ciidankii Soomaaliya ahaan jirey, ganacsade,suldaan iyo hantiile meeye?

Sow ma ogid   inaan masaajiddii  dadkii ka waalinay, laba isu timaadana la waayay, culimadii dadka baraarujin jirtayna aan u samaysannay culimo ibliiseed noo banaysay dhiiggooda, oo waxaa laga qaaday karaamadii waxa lagu sheegay culimaa’ suu’ , wax la dilo iyo wax wadanka ka cararay baan ka dhignay. Waxaanu kale oo haysanaa tiimbare ay ku qoran tahay “MURTAD” daqiiqad naguma qaadato inaan qofkaan doonno diinta bannaanka ka dhigno si aan dhiiggiisa u xalaalaysanno.

Taliye,meel aan ciidamadaada kale gaarin baan dadka ka soo ugaaranaa, wadanka meel aanan dhib ka gaysan ma jirto, xataa waxaan ay sheegaan ee “BIRI MA GEYDO”, qaamuuska nooguma taal, waxna kama waabano, Caalimkii aad ogeyd ee aad ka seexan weydey Sh/Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan biyo uma aanan kabban,  liis kalana waa haysanaa, oo fari kama qodna. Waxaa taas kasii daran  soomali danbe oo la maqashiin karo diin baa lagugu xukumi ma jirto annagaa u dacaraynay, tan kale waxay tahay taliye annaga ceebi ima karto, xishoodna iskaba daa, sababtu waxay tahay nalama yaqaan caawa allaale waxaan nahay oo madaxaa noo duuban markaan falka fulinayno,marka kalena intaaan iska furo baan dadkayga dhex mushaaxnaa oo shaaha la cabnaa. Taliye xaqiiqadu waxay tahay haddaan la iska abaal dhacayn anagaa sabab u ah inaad wadanka soo gashaan oo idiin sahalnay, ee taajka nagu wareeji.

Taliyihii aad buu u farxay wuxuu yiri ninka ragga ku jira hadaan caddaalada laga boodayn  ayaad tahay (ANTA …ANTA YACNI ADIGA …ADIGA) waa AL-SHABAAB waana soo dhaweeyay , taajkiina waa u xiray.

Waxaan la dafiri karin ,meesha dad isu cadow ahi ku dagaalami maayaan,ee waxaa lala dagaalamayaa dad cadow loo wada yahay nin walibana geeskiisa ka cunayo, maadaama loo adeegayo hal TALIYE(USA) oo fadhiya xeebta Jasiira.

Waxaa kuugu daliila, labaatankii sano ee lasoo dhaafay ee dadka dulmiga iyo dilka lagu hayay, kooxaha ku hardamayay dalka wax kala adkaada waa la waayay. Tusaale ahaan, kuwa hadda joogaa laftigoodu wax kala adkaada waa lala,yahay Shabaabku ciidamada huwanka kama adkaan karaan, ciidamada huwantuna shabaab kama adkaan karaan magacaa kala duwan ee taliyuhu waa mid.

Waxyaalaha iga cajabiyay waxa kamida,Ururka al-shabaab uma dhisna qaab xisbi ama ma laha nidaam u dhisan hab maamuleed, waa urur uu xukumo hal nin kaliya oo cid ka daba hadli kartaa aysan jirin,ama wax u sheegi karta,ama khalad ka qaban karta, ama wax la wadaagi karta. Haday tahay maamul, haday tahay dhaqaale, haday tahay ciidan, ninkaas oo kaliya bay gacanta ugu jiraan,ciddii kadaba hadashaa waa dil kooxdiisaba ha ahaadee.

Waxaa dad badani ogsoon yihiin in ninkaani wadanka ka maqnaado sanad walba sadexbilood, kolley waa la hubiyay inuu dubay gaaro oo xaas u deggen yahay, lama yaqaan inuu meel kale kasii aado iyo inuu iyada kasoo noqdo. Waa yaabe basaaboorkee buu ku dhoofaa? Madaarkee ka dhoofaa oo kasoo degaa? Miyuusan ahayn ninku kii gaaladu raadinaysay? Sidee u dhici kartaa inuu meeshuu doono u dhoofo? Arimahaani iyo kuwo kale oo farabadan waxay ka mid yihiin shakiyada lixaadka leh ee ku hareeraysan Amiirka Xarakada Al-shabaab AXMED GODANE. Haddii intaas oo dhammi jirto ma caddahay inuu yahay mid kamida taliyaasha hoosyimaada taliyaha guud ee wadanka kor kahaysta.(USA)

Ninkaasi wuxuu awoodda ku haystaa ciidan ka gaara(Amniyaadka) oo ka madax banaan ciidanka guud oo aan maya aqoon, intooda badanina  codkiisa iyo humaaggiisa mooyee aan dadka ka aqoon, sidaa oo ay tahay hadana aan waydiinayn sababta ay u qabanayaan hawlahan,weliba intaa waxaa u dheer inay si fiican ugu tababaran yihiin inay kasoo baxaan howshii loo xilsaaray. Layaab ma leh kaligii talis kasta wuxuu samaystaa ciidankaan oo kale si uu xukunka baaqi ugu noqdo, laakiin badanaa waxaa la arkaa dad kagoostay oo mucaarad ku noqda markay arkaan dulmiga ninkaasi wado, ma aha inaysan jirin kuwo la yaaban sida ninka Xarakada Shabaab xukumaa uu wax u wado, way jiraan oo waa badan yihiin iyagoo nooc walba leh balse  su,aashu waxay tahay maxay u cadayn waayeen mowqifkooda iyo figraddooda, oo ninkan maxay isaga beri yeeli waayeen? Waxay ila tahay arimo dhawr ah.

1-  Ugu horrayn in la la,yahay qofkii bilaabi lahaa oo geesiga ahaa,arintuna aysan ka duwanayn sidii sadexdii nin ee ninkii Wiilwaal la oran jiray damcay inay ku yiraahdaan Wiilwaal labada cad iskuma heshid , ee markay horyimadeen ka baqay ee yiri “Wiilwaal labada cad,leg laguugu dar”.

2-  Waxay quudaraynayaan in meel alle u dhaafiyo oo iyagu meesha qabsadaan gadaashiis.

3-  Kuwa mucaaradka ahi iskuma kalsoona oo figrad iskuma raaci karaan nin walbaa armaa lagaaga baxaa oo kaligaa bahal ku cunaa ayay leeyihiin

4-  Waxay aaminsan yihiin inaysan heli Karin ciidan u gaara iyo dhaqaale sidaa darteed aysan waxba wadi Karin.

5-  Waxay aaminsan yihiin inaysan meel kale aadi Karin sababtoo ah dad badan bay laftigoodu qudha ka jareen oo ma jirto meel ay isku aamini karaan xataa haday isaga tagi lahaayeen meesha.

Ugu danbayntii waxaan dadka inta la khalday ee ujeedadoodu ahayd diin jacayl iyo ikhlaas ee aan ku jirin, waxna ogayn mashruuca socda iyo dhab ahaan cidda uu u adeegayo, ee ilaahay dartiis dagaalka ugu jira,  kula talinayaa una sheegayaa, ugu horrayn inay hoos wax u fiiriyaan amarka ay ku shaqaynayaan kama soo fulin Nebi ilaahay u waxyoodo, waxaa waajib ku ah inay iska hubiyaan waxa ay samaynayaan qof walibana wuuxu gaysto isagaa lagala xisaabtamayaa, laakiin  ma jiro Ilaahay agtiisa danbi aan toobad lahayn inta ay furan tahay towbaddu, marka waxaan leeyahay is daba qabta oo haku dhimanina jariimooyinka aad diinta, dadka iyo dalkaba ka galaysaan oo gacmo iyo lugo ha u noqonina  “Taliyeyaal ibliis “,oo iyagu ujeeddooyin gaara ugu jira shaqada noocan ah, hana ka quusanina raxmadda ilaahay ee waasica ah,inaad hadda kasoo noqotaan waxa aad ku sii socotaan waxay badbaadin kartaa dad aad u farabdan….

Ilaahay xaqa ha ina tuso oo dariiqa toosan ha inagu duwo.

Suleymaan Maxamuud

ciid111@hotmail.com

Ciidanka cirka ee Maraykanka oo xoog ku soo furtay Shaqaalihii Hay,adda DDG
Ciidanka cirka ee dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay weerar ku ekeeyey degaan lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Cadaado iyo Gellinsoor, ciidan ka cirka Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha loo yaqaan Helicopterska ayaa xoog ku soo furtay 2-bo shaqaale oo u shaqaynayey Hay,adda DDG  oo ah Hay,adda miino-baaris ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidanka Maraykanka ayaa dilay ilaa 9 burcad badeed ah waxaan ay qabteen ilaa 5 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Burcad badeedka kana mid ahaa koox burcadbadeedah oo afduub u haystay labadaan shaqaale oo magacooda la yiraahdo, Jessica Buchanan oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka iyo Poul Thisted oo ah haweeney u dhalatay wadanka Denmark iyo nin dhalinyaro ah oo u shaqaynayey Hay,adda miino-baarista ee DDG.

Ciidanka Maraykanka ee howl galka fuliyey ayaa labaddii shaqaale oo bad qaba  iyo kooxdii buracdbadeedka ahaa ku soo qaaday diyaarada Helicopter ah , Ciidanka Marykanka ayaa waxaa la sheegayaa in 2-da shaqaale ee ay soo furteen ay geeyeen saldhig weyn oo ay ciidanka Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Labadaan shaqaale ee ka tirsanaa Hay,adda miino-baarista ee DDG ayaaa waxaa 25-kii bishii Oktoobar 2011 waxaa laga afduubay Koonfurta magaalada Gaalkacyo xili ay ku jireen howlahooda shaqo.Odayaasha ,culimada iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ay dhowr jeer ugu baaqeen dhalinyaradii burcadbadeedka ahaa ee afduubka u geystay 2-da shaqaale ee Hay,adda DDG in ay iska soo daayaan balse arrinkaas waa ay diideen.

Somalimirror.com/halgan.net

Dad salaad cishe tukanaya oo xalay bam lagu weerayay Muqdisho
Dad salaad tukanaya ayaa  xalay bam-gacmeed dhimasho iyo dhaawac geystay lagu weerarray magaalada Muqdisho.

Xili salaaddii cishe lagu jiray masaajid ku yaala xaafadda Abogedo ee degmada Dharkeynley, ayaa kooxa aan heybtooda la aqoonsan ay bam nooca gacanta laga tuuro ah waxay ku soo rideen gudaha masaajidka.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas, halka dhaawacyo ay soo gaareen ilaa 5 qof oo ka mid ahaa dadka Masaajidka u soo aaday si ay salaadda cishaha u tukadaan, waxaana falkaasi uu baqdin ku beeray dadka deegaanka.

Lama aqoonsan kooxda falkaas foosha xun geysatay, sidoo kale waxaan la garaneyn ujeedada ay ka lahaayeen, iyagoona ay u suuragashay inay nabad ku baxsadaan.

Arintan ayaa waxa ay muujineysaa sida xaalka dalku uu u sii qasmayo, haddiiba aan meel loo irkadaa jirin oo Masaajiddii Illaahay muslimiintii lagu dhex leynayo, waxaana falkaan foosha xun uu mudan yahay in la cambaareeyo ciddii geysatayna meel looga soo wada jeedsado.

Xigasho: Somalireal.com

Maxaa Culimada Soomaaliyeed Loola Colaytamay?
Culimadu waa dadkii dhaxlay risaaladii iyo fariintii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaatee uu la yimid. Waa iftiinka iyo ilayska wax lagu ifsado, xaqa iyo baadilkana way kala cadee yaan, waxaase xusid mudan in ay yihiin adoomo ilaahay oo gafaya asiibayana, wixii ay ka waa faqaan kitaabka iyo sunnada waa lagu raacayaa, wixii ka khaldamase lagu raaci mayo. Wixii ka qaloocda culimada, waxaa gudboon si hufan oo cilmi iyo xujo ku dheehantahay  inay u iftiimiyaan culimada kale oo lamajaalka ah, caamase boos ugama banaana sixitaanka culimada.

Halkan ka akhri: http://somalitalk.com/2012/01/24/maxaa-culimada-soomaaliyeed-loola-colaytamay/

Iska dheh!. W/Q: C/risaaq Sugulle
Iyadoo aad moodo in qoraaladii ka dhashay dilkii Allaha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan ay isa soo tarayaan, dadkii xaq difaaca ahaana ay qalinkoodii la kala baxeen, ayaa haddana waxaa ay ishaydu qabatay oo aan aad ula dhacay laba maqaal oo kala duwan oo ay qoreen rag aan aad u jeclahay qoraaladooda, oo aanba is iri war nimanku suxufiyiin qarsoon bayba ahaayeen oo dowrkii culinimo waxay ku darsadeen mid qoraal ( Wa Sheekh Xasan ( Abuu xasaan) iyo Sh. Axmed C/samad e), waxaana ay qoraaladaasi kala ahaayeen ” Is ka dil ” iyo ”Si walba u dil”. Aniguna markaasaan is iri Alleylahe waxaa qoraaladaas dhamaystir u noqon kara maqaalkaan ah ” Iska dheh”  oo aan is leeyahay, kuwii dhagarta qabay ee dilay Diktoorka, waxayaabaha ay falkaasi u tiigsadeen waxaa ka mid ahaa hadalo ”Iska dheh ah”.

Waxaa kaloo maqaalku uu jawaab u yahay maqaal qiimo badan oo ay soo qortay Cubtan Yuusuf oo cinwankiisu ahaa ”Dhalinyarada baraarugu ma jihaadayaan mise xoriyadda saxaafadda ayay ku kadsoomeen”.

Haddanse hordhaca intaa uga haro oo dulucda maqaalka u daadago, hadalka duuban ee warbaahinta laga sii daayaa ayaa qolada suxufiyuuntu waxaa ay u yaqaanaan inuu yahay mid ummad dhan oo taagneyd baabi’in karaa haddaan laga fiirsan. Sidaa awgeed ayaa ay dhinaca saxaafadda marka la joogo, gaar ahaan raadiyaha iyo TV-ga, waxaa lama huraan ah inta aanu warku bixin inuu maro dhowr qaybood oo kala duwan, taasoo looga gol leeyahay sidii loo hubin lahaa oo uu war sugan mooyaane wax kale u bixi lahayn. Waliba waagaas sidaas loo taxadarayay ma jirin  horumarka tikniloojiyada ee hadda aadka u tagtay, oo hadda wixii baxaa xitaa ka daba tag ma lahan oo DR Google ayaaba kaydinaya. Maxaad u malaynaysaa marka arinku uu yahay diin?!! soow kuma haboona inaan ”iska dheh” lagu wadin ee aad looga fiirsado waxa lagu hadlayo. Waxaan aad ula yaabay in la yiraahdo waxaa soo baxay bayaan lagu inkiriyo eeddii ay beesha Leelkase u tiirisay in Aminyaadka ina godane ay ka danbeeyeen dilkii diktoorka!! Bayaankuna horta kuma caddayn inuu yahay mid si rasmi ah u soo baxay, ee waxaaba iska cadayd inuu u ekaa mid qolyaha internetka ee aad mooddo in ay iyaguba afhayeen u yihiin cida la eedeynayo ay soo dhoodhoobeen. Maxaase haddii ay diidmadadaasi dhab tahay ay u hadli waayeen nimanka gaamuray ee godinta salkeeda hayaa?!,  Sideese lagu aqbalayaa cudurdaar mar haddiiba hadaladii ”Iska dheh” ahaa ay hormareen, si looga dabatagaana ay adag tahay oo haddii la tiritri lahaana Dr google uu hayo. Waxaana taa kaba sii daran in hadaladaasi ”iska dhehda ahaa” wali lagu dhiiran yahay oo ragga qaarkood ayba mar kale ku celiyeen in ay wali la soo taagan yihiin ”iska dhehda ”, waxaana ka mid  ahaa hadalkii oranaayay ” Ragga Culimada ah ee jihaadka hortaagan (waa sida ay iyagu aaminsan yihiin ama u yiraahdeene) ha la dhaafiyo dunida, oo kii dilaana waa mujaahid, shiikhii la dilaana waa shahiid”, sidoo kale hadalkii ahaa ” Keybkaa inoo dhexeeya” , ” Waxaa ay barakeeyeen culimadu Ugaandha iyo Kenya”, ” Waa la garanayaa raggii dilay oo galgaduud bay joogaan Iyo kuwo la mid ah.

Waxaan leeyahay maanta dunidu  ” iska dheh way dhaaftay, hadal la iska yirina wax aan ceeb ahayn oo uu ka dheefayaa ma jirto kii yiri, waana arin muhiim ah  inuu qof walbaa ogaado sida Allaahba quraanka uu noogu sheegay in wax kasta oo afkaaga ka soo baxaa la xisaabinayo. Dhalintuna ha ogaadaan in aanay ku daba lumin fataawayaal  iska dheh ah oo aan loo meel dayin.

Haddaba qormadan gaaban oo degdega ah waxaan ku soo afjari lahaa: Dhalinta wax qoraysaa ha iska daayaan iska dhehda ay caadaysteen oo aan ku salaysneen qawaaniin diin iyo mid saxaafadeed toona, haddiise ay dayn waayaan waxaan ku celinayaa mar kale oo aan leeyahay ha ogaadaan in ay u shaqaynayaan cadowgii umadda haddii anayba la shaqaynin!!!  sidii aan horeba ugu sheegay qoraalkaygii ahaa ”Timir laf baa ku jirta ”, waayo saxaafad xor ahi ma jirto ee waxaa saxaafaddu ay xor u tahay wixii laga raalli yahay. waagii aan kuliyadda saxaafadda dhiganaynayna waxyaabihii aan ka baranay waxaa ka mid ahaa  in saxaafad xor ahi aanay jirin, oo saxaafad walbaa waxaay ilaalisaa dano gaar ah, haddii ay khadka cagaaran soo dhaaftana qoortaa loo gaabiyaa. Sidaas awgeed haddii aaney waxyaabaha ay dhalinta isku magacowday ” baraaruga islaamku” qorayaan reer galbeed iyo xulufadoodu ka raalli ahayn, mar horaa la aamusin lahaa, kuwa qoraaya ee london iyo Washigton dhex mushaaxayaana guaantanamo loo diri lahaa, balse arinku waa sidii aan hore u iriyoo ”Timir laf baa ku jirta ”:

Qarax is-Miidaamin ah oo Alshabaab saaka ka fuliyeen Beledweyne
Gaari bas ah gaar ahaan kuwa yaryar ee rakaabka qaada oo walxaha qarxa lagu soo miineeyay ayaa saaka nin naftii hure ah iskula qarxiyay xafiiska degmada xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyn.

Xafiiska degmada magaalada oo ah halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay fariin u aheyd ciidamada DFKMG iyo kuwa ay xulufada yihiin ee Itoobiya.

Ilaa iyo hadda ma cadda xajmiga waxyeellada ee uu qaraxaasi geystay, waxaana qaraxa ka dib ka bilowday magaalada Beledweyne gaar ahaan agagaarka halkii qaruxu ka dhacay howlgallo ciidan oo ay si wadajir ah isula wadaan ciidamada DFKMG iyo ciidamada Itoobiya ee halkaa ku sugan. Waxaa kale oo aanan tafaasiil dhab ah laga heyn halka qaruxu ka dhacay in ay aheyd gudaha xarunta iyo dibaddeeda toona.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ismiidaaminta ah ee saaka ka dhacay xafiiska degmada magaalada Beledweyne.

Xarakada Alshabaab ayaa tan iyo bishii siddeedaad ee sanadkii tegay 2011 xilligaas oo laga saaray magaalada Muqdisho waxay bilaabeen in ay qaadaan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo aan loo meel dayin oo dad badan oo rayid ahi ku nafwaayeen, iyagoo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay qarax la beegsaday arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga iyo dadweyne kale oo tirsiga dhimashadoodu ay 70 ruux kor u dhaaftay.

Wixii war ah ee ka soo kordha qaraxan kala socda somalimirror haddii Alle idmo.