Somali Mirror » Siyaasadda

Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaadda ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)
Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

Sh. Cali Warsame

Somalimirror.com/halgan.net

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax
Desember 06, 2011

QORMADA 1waad

“Dowladaha adduunkow, maxaad nugu dilaysaan?

Ma diinteen Islaamkaa, waxaad nugu dilaysaan?

Barwaaqada dalkaan taal miyaad nugu dilaysaan?

Ma degaanka isteraatiiji ayaad nugu dilaysaan?

Ma dadkeenna firfircoon ayaad nugu dilaysaan?”

(Abwaan Soomaaliyeed, Somalitalk.com, 22/12/08)

“Kenya iyo Itoobiya waa inay jarjaraan Soomaaliya ka dibna labadooda midba jeex qaataa. Mid waliba waxay qayb u heli doontaa 300,000 sq

kilomitir oo ay dhulkeeda ku ballaadhsato iyo ilaa shan million oo qof oo raaciye cusub u noqda. Marka labdayada ciidan qabsadaa dhulka

Soomaaliya, ee aanu ku dhawaaqno inuu ka mid yahay dhulkayaga, xulafadayada Reer Galbeedku way nugu taageeri doonaan, iyagoo u arki

doona arrin iska dhammaatay … Jiboutina Sooma fara galin karto qorshaha lagu gunaanadayo aayaha Soomaalida.”

(Daily Nation [Wargeys-qarameedka Keenya], 4/10/ 2008).

Saddex sano ayaa laga joogaa markii la faafiyey hindisaha kor ku qoran. Maantana waxaa i xasuusiyey waxa imminka dhacaya. Mowduuca qoraalkani ku saabsan yahay waa u fiirsi dhacdooyinkan maalmahaan socda – ee u muuqda ku-tallaabsi qorshihii ay saddex sano ka hor daaha ka rogtey Dhaily Nation. Waxaa igu baraarujiyey iftiimin ay isla maalmaahaan qorshahaas iyo arrimaha socdaba ka qoreen indheer-garad ajnabi

ah, kuwaas oo hadalkaygu u badan doono xigashada iyo iftiiminta wixii ay qoreen oo aan jeclaystay inaan la socodsiiyo Soomaalida aan akhrin afka Ingiriiska, ama ku baraarugsanayn waxa agtooda ka dhacaya ee khuseeya aayohooda dambe.

Balse an ku horreeyo sii-yare iftiiminta qaar ka mid ah qodobbadii hindisaha Daily Nation, hindisahaas oo uu ku saxiixnaa qareen (lawyer) Kenyan ah oo lagu magacaabo Donald Kipkorir. Cinwaanku wuxuu ahaa “Kenya iyo Itoobiya waa inay kala jarjaraan Soonmaaliya mid walibana qaybteeda qaadataa”. Waa hadal cad. Faahfaahintii lagu sababeeyey waxaa ka mid ahaa weedhahaan soo socda:

“Soomaaliya ma aha dowlad maanta jirta oo leh xuduud ay ilaashadto. Keliya waa magac weli isaga dhex qoran khariiddada dunida”.

“Kenya iyo Itoobiya maanta ilbiriqsi way uga fududdahay inay saacadday doonaan madaxda soomaalida ka saxiixdaan dalkiinnii annagaa qaadannaye noo ansixiya. Waqti kasta madaxda iyo xeer-dajiyeyaasha Soomaaliya waxay dhooban yihiin Nairobi. Waqtigii aan doonno ayaan isugu keeni karaynaa hotel Nairobi ku yaal. Halkaas ayaan uga saxiixanaynaa sharciga aan dalkooda ku kala qaybsanayno annaga iyo Itoobiya.” “kharashka nooga baxa hawlgalka aan ku qabsanayno dhulka Soomaalida waxaa bixin doonta Soomaaliya. Waxay la mid noqon doontaa sida berigii xulufado qabsadeen Germany kharashkiina ku dallaceen Jarmalka – Soomaaliya waa dhul hodon ah oo ay ka buuxaan batrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan, iyo weliba khayraadka badda oo aan xisaab lahayn. Isla marka aan la wareegnaba waxaan ku marti-qaadi doonnaa saaxiibbadayada istratejiga ah inay noo soo saaraan khayraadkaas oo aan ka wada faai’deysanno”.

“Maraykanka iyo Ruushku way farxi doonaan wayna noo abaal-gudi doonaan haddaan Soomaaliya qabsanno oo dalkayaga ku darsanno.”

Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa faahfaahintii ay Daily Nation ka bixisay sida ay muhiim u tahay isla markaana u fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya xoog ku qabsadaan Soomaaliya ka dibna ku dhawaaqaan inay kala qaybsadeen.

Markii qoraalkaas la faafiyey dad badan oo Soomaali ah ayaa ka dhiidhiyey. Rag baa uga jawaabey qoraallo caraysan. Haseyeeshee waxay noqotay xumbo kacday haddana iska shuuqday, sida nalaku yaqaan haddaan Soomaali nahay. Haddaan qolo kale ahaan lahayn waxaan isku dayi lahayn tallaabooyin looga gaashaanto musiibada soo guuxaysa. Xitaa raggii damqaday ee jawaabay (oo dabcan intayada kale na dhaamey) jawaabtoodu waxay u badnayd wax u eg ‘bootayn’ aan sii qodnayn oo lagula murmayo nin shakhsi ah oo ay u arkayeen inuu iska bootaynayo ama iska hadlayo. Kuwii madaxda ahaa ee sida aad aragtaan sharafta looga qaaday midkoodna lagama maqal eray uu xitaa asagu isku difaacayo, qaran hadalkiis daaye. Iyagoo maalin walba warbaahinta Keenya waxaas ka qorayso ayay weli ka waantoobi la’yihiin inay u yaacaan oo si fool xun u tubnaadaan Nairobi oo marba qaar laga tarxiilayo, qaar lagu xirxirayo, si joogta ah loo bahdilayo, marba go’aan laga saxiixanayo, iyaguna maalin kasta lacag wixii ay haystaan ku shubayaan jeebabka dal aan abaal ugu hayn. Arrintii iyada ahayd dhawr sano ayaa cagta loo yar-dhigay. Waxaa lagu hoosaasinayey shirar marin-habaabis ah. Waxaa la sugayey inta burburka iyo quusta Soomaalidu sii gaarayaan meel ayan is-difaac haweysan Karin. Hadda ayay muuqataa in la gaarey halkii la sugayey.

Gulufka Cusub

Dhawr toddobaad ka hor ayay warbaahinta Keenya waxay dib u bilowday olole cusub, kaas oo gogol-xaadh iyo garabgal u ah hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya. Tusaale ahaan jariidadda afka dheer, The East African, tirsigeedii 30 Oktoobar waxaa lagu shaaciyey wax lagu magacaabay Qorshe-weynaha (Grand strategy) ay wataan dowladaha Soomaaliya la dariska ah. Jariidaddu waxay tilmaan cad ka bixinaysaa xogtaas muhiimka ah in ay ka heshay ilo xagga sir-doonka iyo diblomaasiyadda ah. Waxay soo bandhigaysaa qorshe nuxur ahaan beegsanaya isla bar-tilmaameeddii maqaalkii hore ee Daily Nation, bartilmaameeddaas oo ahayd in Soomaaliya la kala jarjaro, ka dibna ay kala qaybsadaan labadaas dowladood. Hayeeshee waxaa halka loogu soo bandhigay hab aan u qaawaneyn sidii maqaalkii hore. Wuxuu isticmaalayaa af ka asluubaysan kana cilmiyaysan, taas oo muujinaysa in dhab ahaan laga soo qaatay ilaha diblomaasiyadda iyo sir-doonka ee wargeysku tilmaamay.

Qorshe-weynahaan oo loo fulinayo hab tallaabo-tallaabo ah, tallaabada koowaad waa in gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya loo kala jaro saddex qaybood:

qaybta koowaad waa gobollada bartamaha Soomaaliya, waxayna hoos iman doontaa Itoobiya, sida qorshaha ku qoran; qaybta labaad waa dhulka gobollada koofureed intiisa badan waxaana saami u heli doonta Kenya; qaybta saddexaadna waa Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana gacanta ku hayn doona ciidammada UNISOM. Saddexda qolo ee ajnabiga ah mid waliba qaybta ay gacanta ku qabato waxay maamulkeeda u dhiibi doontaa dad Soomaaliyeed oo iyaga daacad u ah. Intaa waxaa la raacinayaa odhaah ay cid waliba iska fahmi karto inay tahay xeelad hoosaasin ah, taas oo ay leeyihiin, saddexda qaybood mustaqbalka fog waxay ka tirsanaan doonaan “dowlad Soomaaliyeed oo federal ah”. Waa xeelad diblomasiyadeed. Meel kale qorshuhu wuxuu leeyahay, saddexdaas qaybood ee dhulka Soomaalida loo kala gooyey waxay noqon doonaan wax lagu magacaabay “buffer zones” ama aagag lagu ilaaliyo ammaanka Kenya iyo Itobiya.

Daah-furka qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida

Haddaba , gulufka cusub ee ay Keenya ku gashay Soomaaliya, galintaanka Itoobiya iyana soo gashay gobollada dhexe (AFP, 19 Nov. 2011), ansixinta ururka IGAD ay labaduba ka dhammaysteen inuu u sharciyeeyo soo galidda dhulka Soomaaliya (shirkii Addis 25 Nov. 11), Soo dhaweynta Midowga Afrika asna ugu deeqay inay ku gabbadaan koofiyaddiisa (New York Times 18 November, 2011) iyo duulduulka aan ka maqlayno quwadaha waaweyn, intaas oo dhan isu geyntoodu waxay si cad u muujinaysaa qorshahe-weynihii ay shaaca ka qaadday saxaafadda Kenya, mar hore iyo mar dambeba, in aanu ahayn aftahammo warbaahineed ama male-awaal war-fidiyeen, balse uu yahay qorshe beri hore la go’aansaday, sannado badan loo soo gogolxaadhayey, Soomaalida lagu marin-habaabinayey shirar hoosaasin ah, lagu mintidayey in ayan dib u hana-qaadin dowlad Soomaaliyeed oo caqabad ku noqota qorshahaas, la curyaaminayey markii la unkaba, laga ilaalinayey hoggaan hagaagsan, laga takhallusayey masuulkii laga dareemo karti ama waddaniyad, marba hoos ahaan loo abuurayey laba dhinac oo dagaalka sii wadda. Cidda qorshahaan ka dambaysa ee daaha shishadiisa ka hoggaaminaysaana dabcan way ka weyntahay kana diirad fogtahay Kenya iyo Itobiya (eeg Pmbazuka News, Issue 557, 10 Nov. 2011). Cidda ay yihiin iyo ujeeddooyinka ay u adeegsanayaan labadaan dal, waxaa na fahamsiinaya xeel-dheerayaal ajnabi ah oo weliba reer Galbeed u badan.

Qofkii uu ku adagyahay fahamka qorshahaan kor ku xusan, iyo cawaaqibka uu dhaxalsiin doono aayaha dambe ee ubadka Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaa ku filan inuu indho furan ku akhriyo falanqaynta iyo fasiraadda uu ku sameeyey Dr. Michael Weinstein oo ah khabiir caalami ah, barfasoor culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Purdue University ee ku taal Chicago, USA. Waa diraasad uu soo saaray 14 Novmber, 2011 (ka eeg Kenya News 24, iyo shabakado Soomaaliyeed oo dib u daabacay, sida Hiiraanonline, Garoowe Online.) Halkudhegga qoraalku waa Kenya’s Political Failure in Sothern Somalia (Fashal-siyaasadeedka Kenya ee Kofurta Soomaaliya). Markase aad u fiirsato nuxurka qoraalka waxaa kuu muuqanaysa cinwaanka ku habboon inuu ahaan lahaa “Qorshaha Qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida” (ka dib kii Berlin, 1884 -85). Erayga “partition” (qaybin ama qaybsi) ayaa aad u soo noqnoqonaya oo ah udub-dhexaadka qoraalkani ku saynsaabanyahay. Sidaa awgeed, hadduu qoruhu ahaan lahaa qof ay aragtida hoggaaminaysaa tahay aqbalidla’aanta dambiga laga galayo iyo dulmiga dhawr qarni lala daba socdo ummad aan waxba galabsan, hadday fikraddiisu taas ahaan lahayd ayuu cinwaanka ka dhigi lahaa sida aan kor ku sheegay, haseyeeshee taa baddelkeeda Dr. Weinstein, in kastoo uu yahay caalim tilmaamaya xaqiiqda jirta, haddana ugu dambaynta waa nin ka soo jeeda dhinaca kale, dhinaca ay ahayd in si cad loogu yiraahdo ‘waxa aad samaynaysaan waa godob weyn, ee Ilaahiina ka baqa, ama taariikhda ka baqa!’ . Qofka fiirada dheer ee akhriya sadarrada dhexdooda wuxuu fahmi karaa Dr. Weinsteinhaliilo waaweyn u soo jeedinayo Dowladda Keenya, dulucda dhambaalkiisu inay tahay ‘Keenya ma leh karti ay keligeed guul uga soo hoyso hawgalkaan culus, ee yaan lagu hallayn. Gacan ha lala gaadho inta aaney fashilin qorshahe-weynahaas istraatiijiga ah ee lagaga talagalay aayaha Soomaalida’!.

Dr. Weistein wuxuu qoraalkiisa ku bilaabayaa tuduc (paragraph) war oo dhammi ku idil yahay. Wuxuu u qoranyahay sidaan (tarjumad):

“Hawlgalka militari ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya waa calaamad dadka Soomaaliyeed uga digaysa inay ku baraarugaan halka uu ku dambayn doono mustaqbalkooda siyaasadeed: halkaas oo ah qaybin la kala googoyn doono dhulkii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliyeed xornimada ka dib. Waxaa loo kala googoyn doonaa maamullo yaryar oo itaal daran oo kala hoos taga dowladaha dariska ah ee kala ah Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u adeegsan doona danohooda gaar ahaaneed, isla markaana dillaal ama wakiil uga noqon doona quwadaha dibadeed ee waaweyn,

Maraykanka, waddammada Yurubta galbeed iyo waliba Shiinaha oo faragalinteedu isa soo tarayso.”

Cutubka ku xiga Michael Weinstein wuxuu ku sii qeexayaa qota-dheerida qorshahaan iyo sida ay aarintani u tahay kala-bayr taariikhi ah (historical cross-roads) raad-reebkiisu socon doono qarniyo badan oo soo socda. Wuxuu u qoranyahay sida soo socota:

“Muddadii ka dambeysey burburkii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre 1991, waa markii ugu horreysey oo si buuxda loo gaarey go’aan meel cad lagu gunaanadayo halka uu ku dambayn doono dhismaha siyaasadeed (political organization) ee “Soomaaliya” ka dib markii muddo labaatan sano ah la ag marmarayey oo dib loo dhiganayey go’aankan. Gunaanadka aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid ay dusha kaga keenaan quwadaha dibadda oo isticmaalaya xeeladdii ahayd ‘ qaybi oo xukun’, taas oo ku iman doonta inay abuuraan maamullo yaryar oo lagu adeegto, kuwaas oo mid waliba ku dhisan yahay qabiilka u badan degaankaas.”

Qorshaha noocaan ah inuu jiro iyo inuu yahay mid ay muddo ka soo shaqaynayeen una soo gogol-xaadhayeen Maraykanka iyo xulafadiisu ciddii aan hore u fahmi kareyn amase uu weli mugdi kaga jirey waxaan filayaa inuu ku filan yahay marag-furkaan cad ee barfasoorka Maraykanka ah iyo qaar kaloo aan arki doonno. Tan labaad ee muhiimka ah, haddii uu qorshahani hore u ahaa mid lagu ilaaliyo khaanadaha sirdoonka, maanta way caddahay in laga soo saaray lana bilaabay fulintiisii, ka dib mrkii la hubiyey in loo bisleeyey xaaladda Soomaaliya. Weli si rasmi ah looma shaacin,

gunaanadkiina laguma tallaabsan, haseyeeshee, sida uu caddaynayo Dr Weistein, waxaa la qaaday tallaabo wixii wax garan karaa fahmi karaan inay tahay tii ku xigtey ee u gogol-xaadheysey tallaabada gunaanadka iyo ku dhawaaqidda in qabri lagu hubsaday qaranimo Soomaaliyeed. Barfasoorku wuxuu intaa sii raacinayaa eraymurtiyeed farta ku fiiqaya halaagga ay tallaabadani Soomaalida dhaxalsiin doonto. Wuxuu leeyahay,

“Way iska caddahay tallaabadani inay noqon doonto mid si kama-dambays ah god ugu ridda isku day kasta oo ay dadka Soomaaliyeed mustaqbalka haweysan lahaayeen inay aayohooda ka taliyaan (self-determination) ama inay yeeshaan awood ay danohooda kaga difaacdaan fagaarayaasha caalamamka…. Taa micneheedu wuxuu yahay dadka Soomaaliyeed inay noqon doonaan kuwo laga dabar gooyey wax tabar iyo taag ah; dib dambe iyaga uma noqon doonto cidda gaaraysa go’aannada khuseeya aayatiinkooda dambe. … Qaybsigan [Soomaalida la qaybsanayo] micnihiisu waa gumeysi hor leh.”

Ummad DIL lagu Xukumay iyaguna Dareemi la’ – Ila Dhuuxa Erayadan

Xog-warranka iyo falanqaynta cilmiyaysan ee Dr. Weinstein waxaa jira erayo mudan in hoosta laga xarriiqo ama si gaar ah loogu fiirsado. Waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

A) Digniinta Weinstein:

“It is the first time since the collapse of Siyad barre’s dictatorship in 1991, there is a strong possibility that “Somalia” which has existed in political limbo, with decisions on its political organization on hold and deferred will take a more settled political definition.That settlement will be imposed by external powers using the tactic of divide and rule, to create dependent client states loosely based on dominant clans in Somalia’s regions. …[that] scenario … would spell any possibility that the Somali people could regain their self-determination and be able to defend their own  interests on the international stage … the Somali people would be permanently weakened and they would not make the decisions determining their fate.”.

Tuducan kooban erayadiisa an hoosta ka xarriiqay waxay noo tilmaamayaa shan arrimood oo aad u culus:

1. Kow, In labaatankii sano ee dalkan burburku ka socdey aan laga sii jeedin (sida dadku yiraahdaan) balse lagu soo jeedey (si qarsoodi ah) lagu maqnaa, loo tashanayey, la diiddanaa inay Soomaaliya ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, iyadoo dib loo dhiganayey “on hold” fulinta go’aan SIR ah oo meel la dhigtay, kaas oo fulintiisa lala sugayey “deferred” xilli ku habboon, xilli ay Soomaalidu quusatay, lagana dhammeeyey cid caqabad ku noqon karta go’aankan asaga ah ee ah in lagu dhawaaqo soo afjaridda dowladnimo Soomaaliyeed, in Soomaalida laga xayuubiyo

xaqa aaya-ka-talinta “their self-determination” iyo in la kala qaybsado dhulkooda ‘partition:” Tan micneheedu waa DIL tartiib-tartiib ah (gradual killing) oo lagu xukumay ummad dhan oo ah qaran madax bannaan oo xubin buuxda ka ah Qarammada Midoobey. Waa ku-tumasho bareer ah laba qodob oo ka mid ah qodobbada asaasiga ah ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmiga (Universal Declaration of Human Rights), xaqa cid waliba u leedahay go’aaminta aayeheeda iyo nolol sharaf leh. Waa tallaabo ugub ah. Waa halis aan hore loo arag oo ku soo fool yeelatay, Soomaalida uunn ma ahee, idil ahaanba ummadaha xornimada jecel.

2. Arrinta labaad waa yoolka la bar-tilmaameedsaday inuu yahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo maxaysato aan dib dambe awood u yeelan Karin, haweysanna Karin inay ka arrimiyaan aayatiinkoodu waxa uu noqon doono. Taasi waxay ku caddahay erayadaan khabiirku leeyahay: “the Somali people would be permanently weakened and they would NOT make the decisions determining their fate”. Micnhu wuxuu yahay, quwadaha waaweyn oo ay is xulufaysanayaan Keenya iyo Itoobiya ayaa waxay hoos ahaan u go’aansadeen in la DULLEEYO Soomaalida, si dhulkooda hodonka ah loogu tagri-falo sidii la doono. Imminkaba calankii oo weli taagan, labaatankan sano ee u dambeysey cidda ka talinaysey Soomaaliya waxay ahayd huwantaas dulmiga isu gaashaanbuursatey oo ku hoos gabbanaysey koofiyadda Qarammada Midoobedy, ilaa imminka.

3. Arrinta saddexaad, hadalka khabiirku wuxuu daaha ka qaadayaa in fulinta hadafkan loo adeegsanayo xeeshii caanka ahayd ee isticmaarka “devide and rule” (qaybi oo xukun), taas oo Soomaalida lagu kala qaybinayo qabyaaladda la ogaadey inay addoon u yihiin, “loosely based on dominant clans”.

4. Tan afraad wuxuu na tusayaa waxa loo bixiyey “dowlad-goboleedyada” ee beryahaan dambe sida daacuunka u faafaya in ay tahay arrin halkaas ka socota oo qayb ka ah qorshe-weynahaas qaran-burburinta iyo qaybsiga dalka. Xqiiqdaas si cad ayuu u muujinayaa Dr. Weinstein marka uu leeyahay “…external powers using the tactic of divide and rule to create dependent client states, loosely based on dominant clans inhabiting Somalia’s regions”. Tan ka sii daran, waxaa hoos ahaan loo qorshaynayaa maamul-ku-sheegyadaas gumeysteyaashu dhisteen inay noqdaan murashixiinta cusub ee la wareegi doona xilka is-dilka Soomaalida iy joogtaynta dagaalka sokeeye, markii la arkay inay isla sii bas-beelayaan Al Shabaab iyo DKMG ah.

5. Arrinta shanaad, Michael Weinstein wuxuu si aan toos ahayn ugu doodayaa Soomaaliya in ayan imminkaba ahayn dal jira. Taas wuxuu si dadban ugu soo dhigayaa: a) hadalka uu leeyahay “ qaybinta geyigii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliya…” Wuxuu isticmaalayaa erayga “territories”, halkii uu oran lahaa Soomaaliya. b) way jirtaa mar uu isticmaalayo magaca Somalia, laakiinse wuxuu dhex galinayaa bilo rogan (“Somalia”), taas oo micneheedu yahay “waxa lagu sheego Soomaaliya” ama so-called Somalia. Halkan waxaa la yaab leh, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ajnabiga uga xag-jirsan qodobkan ah qiima-tirka magaca “Soomaaliya” iyo weliba diidmada magaca guud ee “Soomaali”. Dad badan oo bilowgii hore u badnaa dhanka Somaliland, haddase cid walba yeeshay ayaad idaacadaha maalin kasta ka maqlaysaa iyagoo leh “wixii la odhan jirey Soomaaliya” ama, tan ka sii daran “dadka af Soomaaliga ku hadla”, iyagoo afka ka dhawraya inay ku tiraabaan “umadda Soomaaliyeed” ama xitaa “Soomaalida”. Heerkaas ayaa durba la gaarsiiyey! Soddon iyo afartan sano ka dib maxaad filaysaa!

B) Jees-jeeskii Kipkorir iyo “madaxda Soomaaliya” ee u marag-furtay:

“For Kenya and Ethiopia, having the Somali legislature to endorse the annexation will be cakewalk. At any given time, most, if not all, Somali legislators are in Nairobi. We will have them convene in one of our hotels and to pass the appropriate statutes dividing their country”.

Saddex sano ka hor ayay ahayd markii uu Kipkorir sidaa qaawan Soomaalida ugu jeesjeesay, madaxdeedana u bahdilay. Dadka Soomaaliyeed berigaas way ka damqadeen. Qaar badan ayaa Kipkorir si kulul ugu jawaabeey, sidaan hore u sheegay.

Waxay is lahaayeen waxa uu ku hadlayaa waa af-la-gaaddo aan dhab noqon karin. Nasiib-darro, manta ah, “meel-ku-gaarka” aad maqlaysaan meesha loogu tala galay in “lagu gaaro”, ma aha (sida dadka loo sheego) dhisme dowlad dhab ah oo dastuuri ah oo ay yeelato Soomaaliya. Meesha dhabta ah ee la doonayo in lagu “gaadho” waa waqtiga si rasmi ah loogu tallaabsan doono go’aanka kama-d ayaan indhahayaga ku aragnaa wixii ninkaasi saddex sano ka hor shaagay oo hortayada ka dhacaya: madaxdii ugu sarreysey Dowladda KMG oo si is daba-joog ah inta marba lagu amro inay iska soo xaadiriyaan Nairobi ama A ddis Ababa lagaga saxiixanayo in lala wareego dalkii ay masuulka ka ahaayeen!! Kolkaa, yaa maanta eray ku celin kara Mr. Kipkorir? Waa wax laga xanuunsado, la-yaabse ma leh.Nimanka Muqdishu midba mar looga yeeranayo cidda saxiixa ku amraysaa waa ciddii markoodii horeba meesha dhigatay, tanina waa ujeeddadii loo dhigtay ee daraaddeed looga takhallusay masuuliintii lagu tuhmay inay ka dhega adaygi karaan waxa kuwani saxiixayaan. Asalkaba waxaan lagu magacaabo TFG ama Dowladda ku- meel-gaarka Soomaalida: xilligaas ayaa loo baahan doonaa cid shaabbad la aqoonsanyahay haysata oo magaca Soomaaliya looga saxiixdo go’aanka lagu aasayo qaranimada Soomaalida. Inta taa ka horraysana waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kale: kow, in Soomaalida lagu sii maaweeliyo; laba, dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa la kala boobayo in in-yar-in-yar hoos-hoos iyo kor-korba looga saxiixdo, berritona saxiixaas lala soo baxo. Waa intaas uun muraadka laga leeyahay DKMG.

Waa sababta muddada dheer loogu hayo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Waa sababta loo leeyahay waa la citiraafsanyaha aqoonsanyahay, haddana hoosta looga curyaaminayo. Waa sababta loo siinayo san-dareerto nafta ku sii haysa loona oggolayn taakulayn iyo gergaar run ah oo ay ku yeelato awood dowlad dhab ah oo dalka hanata. Maalinta laga saxiixdo warqadda ugu dambaysa ayaa sandareertada laga goosan doonaa si ay u qudhbaxdo, sidii qof sakaraad ah oo laga goostay faleebbihii ama lifemachine-kii nafta ku hayey. Maalintaasi aad ayay u soo dhawaatey! Sidaa awgeed, madaxda DKMG waxaan leenahay, kolley waad dhimanaysaane, ma sii joogi doontaane iska ilaaliya inaad ku dhimataan sharaf-darro iyo khiyaano qaran oo inta noloshiinna ka hadhay idinku noqota cambaar aan go’in! Ku dhaqma murtida Soomaaliyeed: “haddaad dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa.”

C) Hoosaasinta UN: Dr. Michael Weinstein dabayaaqada warbixintiisa wuxuu qorayaa falanqayn ka marag-kacaysa hadalka kor ku sheeggan.

Wuxuu leeyahay: “ As it looks ever less probable that the U.N.-managed “transition” of Somalia to a permanent constitutional state will succeed, the alternative remains partition, balkanization,cantonization. Kenya’s operation in Somalia might have been the beginning of thepartition process had it not been for Nairobi’s political incompetence”.

Khabiirku wuxuu qeexayaa, anna aan la qabaa, waxa lagu magacaabo “transition” ama kala-guur, ama u-gudbid dhisme dowlad joogtaysan oo xeer ku dhisan, inay tahay wax ayan ka dhabayn doonin haya’dda Qarammada Midoobey ee arrinta maamulaysa. Marka taasi fashal ku dhammaato, muddo sannad ka yar dhexdeed, waxa lagu beddeli doono ayuu Weinstein tilmaamayaa inay noqon doonaan in si rasmi ah loogu tallaabsan

doono go’aankii qaybsiga dhulka “partition”, “balkanization”, “cantonisation”. Way iska caddahay inay taas gogol-xaadh u tahay tallaabadan cusub ee la-yaabka leh, gulufkan military ee huwanta ah iyo ansixinta magaca IGAD iyo AU lagu sharciyeeyey inay dhulka Soomaaliya qabsadaan ciidammada Keenya iyo Itoobia – waa kan khabiirku ku tilmaamaya hawlgalka Keenya “the beginning of the partition process “ (bilowgii geeddisocodka qaybsiga dhulka). Wuxuu raacinayaa sida keliya ee uu hawlgalkani sidaa ku noqon waayi karaa inay noqon karto uun karti-darro siyaasadeed oo ka timaadda xagga Keenya. (Xilliga warbixintan la qorayey wuxuu ahaa waqti aan weli la shaacin soo galitaanka Itoobiya).

Halkan waxaa muhiim ah inay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Keenya iyo Itoobiya intuba fahmaan tallaabadani inay tahay mid liddi ku ah, Soomaalida keliya ma ahee,

xitaa danaha dhabta ah ee dadka Keenya iyo Itoobiya. Waxay u soo jiidaysa dhibaato hor leh. Waxay ka jeedinaysaa kana curyaaminaysaa wax badan oo tan uga muhiimsan oo uu ka mid yahay geeddi-socdkii bilwga ahaa ee dimoqraaddiyaynta bulshada Keenya. Dadyowgan walaalaha ah ee ku wada nool gayigan Geeska Afrika midkoodna dan uma aha in lagu mashquuliyo colaad joogta ah oo marba kii wax isbidaa kan kale u xoog sheegto. Dantooda dhabta ah waxay ku jirtaa nabad iyo iskaashi walaalnimo oo u dhigma kan ay yeesheen dalalka Yurub, ka dib markay ka koreen qarniyo badan oo ay is dili jireen. Cidda isku kaaya dilaysa, tallaabadan cusubna ka dambaysaa waa quwadaha waaweyn ee gumeysi-doonka ah, kuwaas oo dagaalkan cusub u adeegsanaya danohooda gaarka ah.

D) La-dagaallanka Ashabaab: xaq baaddil loogu gabbanayo: arrin kale oo soo raacaysa arrimaha kore, duullaanka cusub ee Keenya iyo Itoobiya marmarsiinyaha loogu soo gabbaday wuxuu ahaa “waxaan la dagaallamaynaa Ashabaab oo halis ku ah amniga labadan dal”. Keenya taas waxaa u dheer dadka gobollada koofure oo la isku dayayo in lagu sasabo ama lagu seexiyo “aammusa dhulkiina ayaa la idiin barwaaqayn doonaaye!” Waa muran-ma-doonto inuu dal kastaa xaq u leeyahay difaaca amnigiisa. Muran-ma-doonto kalena waa Ashabaab inay yihiin aafo dhibaato culus ku haysa guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed oo ay soo kartay dhibaatada shar-wadeenkan, way jeclaan lahaayeen inay mar uun arkaan Ashabaab oo laga xoreeyey dhulka ay xoogga ku haystaan. Haseyeeshee run ma tahay ujeeddada gulufkani inay tahay in dadka Soomaaliyeed laga xoreeyo Ashabaab? Miyay run ahaan doonayaa in Ashabaab laga takhalluso? Jawaabtu waa maya, ma doonayaan iyaga iyo xulufadooduba, sababtuna aad ayay u fududdahay.

Xarakada Ashabaab waxay qayb ka tahay qorshe-weynaha kor ku tilmaaman ee qarantirka Soomaalida iyo dulleynta dadka Soomaaliyeed. Waxay kaga jirtaa dhinacyo aad muhiim u ah oo ay cid kastoo kale kaga firfircoon yihiin, ugana fara dhuudhuuban yihiin, maadaama ay Soomaalida ku qaldi karaan oo ku beerlaxawsan karaan caaddifadda diinta iyo tan qabiilka. Ashabaab waxaa loogu talagalay, oo Carab nacab ah iyo cafaariiddan kaleba u soo direen, inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah (five combined missions), kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida, iyo laba ujeeddo oo iyana si dadban ugu adeegaya isla qorshahaas. Shanta tooska ah:

1. Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya;

2. Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo (national identity), sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm;

3. Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeehsaan wacyi qaranimo;

4. Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah;

5. Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin.

Qodobkan u dambeeya waxaa Ashabaab la wadaaga ama la fuliya burcad-badeedda oo qudhooda hoos ahaan loo dhiirri-galiyo.

Labadan qolaba waxaa hoos ahaan loogu kobciyaa si looga dhigto sabab loogu soo gabbado qabsashada dhulka Soomaalida, bad iyo berriba.

Maxay ku dhacday in Ashabaab dagaalkan huwanta shisheeye lagu soo qaado xilli ay wiiqmeen ee sii dhimanayeen, waqti ciiddu soo tuftay, dadka Soomaaliyeed karheen, carruurtoodii kala bexeen, meel cidla’ ah dhigeen, ay ku dhex noolaan kari waayeen, wixii ajnabi ahaa lafohooda la baxsadeen, dhexdooda iska horyimaadeen oo kala daateen, ay muuqatey inaan waqti u harsanayn? Iyagoo sidaa u sii burburaya ayaa waxaa soo nooleeyey weerarkii ajnabigu ku soo qaaday. Markaas ayay heleen taageero iyo gurmad xooog leh oo hub, dhaqaale iyo ciidan shisheeye intaba leh, waana sidii la filayey ee lagu talagalay. Dowladahan ajnabigu hadday daacad ka ahaan lahaayeen la-dagaallanka Ashabaab waxay u soo mari lahaayeen waddadii saxdea ahayd ee la wada fahmi karey, taas oo ah in la awoodeeyo ciidanka Dowladda Soomaaliyeed. Wixii ka harsanaa ciidammada Ashabaab waxaa muddo gaaban dalka uga nadiifin karey ciidammada DGMG oo kaashanaya kuwii AMISON ee hore u joogey.

Hayeeshee arrintu waa “oohin orgiga ka weyn”! Waxa loo socdaa ma aha Ashabaab, balse waa bilowgii fulinta qorshe-weynaha qaybsiga dhulka Soomaalida, sidii uu qeexay Dr. Weinstein, horena ay daaha uga rogtey saxaafadda Keenya. Ashabaab iyo DKMG labadaba waa la sii hayn doonaa inta la diyaarinayo laba dhinac oo cusub oo lagu wareejiyo qoriga dabka dagaalka Sokeeye. Waa taas xaqiiqdu.

Maxay ku Dambayn doontaa Durriyadda Soomaalidu?

Haddaba su’aasha weyn ee na hor imanaysa, muxuu ku dambayn doonaa aayatiinka dambe ee dadka maanta loo yaqaan “Soomaali”? Dhawr su’aalood oo soo raaci kara:

Ka sokow inta kor ku qeexan, maxaa kale oo caddaynaya inuu dhab ahaan jiro qorsheweynahan “grand strategy” lagu talagay in la burburiyo qaranimada Soomaalida, dhulkayagana lala wareego? Waa maxay sababaha keenay in Soomaalida si gaar ah loola beegsado shirqoolkan cadowtinimo? Waxa ku dhacay Soomaalida iyo waxa ka daran ee ku soo socda Yaa ka masuul ah, ma Soomaali baa ka masuul ah, mise quwado shisheeye oo ka awood weyn, mise labadaba? Hadday jawaabtu tahay labadaba, waa maxay qaybta mid waliba ku leeyahay? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay gashay ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Daba-qabad ma leeyihiin? Dawo ma yeelan karaan? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo wixii weli harsan?

Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ku falanqayn doonnaa qormada labaad ee gunaanadka ah.

La soco.

M. D. Afrax

Email: Inadaahir2004@hotmail.com

Madaxwaynaha Suudaan oo ka baaqdey ka qeybgalka Caleemosaarka madaxwaynaha Ugaandha
Afhayeenka Wasaarada arimaha dibeda Suudaan Khaalid Musa ayaa sheegay in madaxwaynaha Suudaan Gen Cumar Xasan al-Bashiir uu ka joogey ka qeybgalka caleemasaarka madaxwaynaha Ugaandha oo maanta oo khamiis ah ka dhici lahayd magaalada Kampala.

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxwaynuhu u baaqdey arimo la xiriirahawlihiisa shaqada dalka Suudaan iyo sidoo kale eedeymo hore uga yimid wadamada reer Galbeedka oo doonaya inay qabtaan Cumar al-Bashiir.

Afhayeenka ayaa cadeeyey maanta in ka qeybgalka caleemasaarka Yuweri Musefeni uu madaxwaynaha Suudaan u wakiishey  labo nin oo la taliyaashiisa, maadama uu isaga ka baaqdey inuu tago wadanka Yugaandha.

Arintan ayaa la xiriirta reer galbeedka oo mudooyinkii u danbeeyey ku haminayey inay qabtaan Cumar al-Bshiir oo ay u heystaan dagaaladii ka dhacay koofurta Suudaan oo ay sheegtaan in dad kirishtan ah lagu laayey. laakiin Madaxwaynaha Suudaan ayaa usbuucii hore tegey wadanka Jabuuti oo uu kaga qeybgaley caleemasaarka madaxwaynaha wadankaasi Ismaaciil Cumar Geele.

Sidoo kale madaxweyne al-Bashiir ayaa safaro fara badan ku tegey wadamo kala gedisan taasoo reer galbeedka ilaa hada ay ka careysan yihiin.

Pakistan oo ku hanjabtay inay xiriirka ka goosaneyso Mareykanka Kadib markii ay ka Weysay Abaalmarintii ay ka filaysay in lagu siiyo geerida Sheekh Usaama
Waxaa markale muran iyo is eedeyn ay ka dhex abuurantey maamulka Pakistan oo mar horaba reer galbeedka daacad u ahaa iyo xukuumada Maraykanka ka dib markii Pakistan ay ogaatay inaan wax abaalmarin ah Obama u soo wadin madaama sida Maraykanka sheegteen ay dileen hogaamiyihii ururka Qaacida Sheekh Usaama Binu Laadin.

Iyadoo maalmahanba maamulka cilmaaniga ee Pakistan ka taliya uu qarsanayey ceeb iyo fadeexad kaga timid shacabkeeda oo ku eedeyey inay qaranimadii dhuleed ee Pakistan ku xadgudbeen oo sida dhacday diyaaradaha Maraykanka ay iska maamulanayaan arlada Pakistan xilli ciidankeeda uu joogo ayaa waxaa hadda afkii furtey Wasiirka arimaha dibada Pakistan ninka lagu magacaabo Salmaan Bashiir.

Hadal wargeysyada ka soo tabiyeen ayuu Salmaan Bashiir ku sheegay in Maamulka Pakistan mar danbe u ogolaan doonin Mareykanka inuu iska maamusho wadanka ayna ceyrinayaan sirdoonka CIA ee meel walba oo wadanka ka mid ah jooga, wuxuuna taa u sababeeyey kadib eedeyn iyo jaa’ifeyn kaga timid xukuumada Washington oo ku tilmaantey maamulka Pakistan mid aan dalkiisa waxba ka ogeyn.

Laakiin arinta sida wasiirku u sheegay waa ay ka duwan tahay, waayo saraakiisha kale ee sirdoonka iyo kuwa ciidamada ee maamulka Pakistan ayaa arinta dhabta ah bannaanka soo dhigey, waxayna rajeynayeen in mar hadii Mareykanku diley Sheekh Usaama oo in badan ay baadi goob ugu jireen horeyna Mareykanku ugu sheekeeyey in Usaama maahane inta kale ay saaxiibada Mareykanka yihiin in abaalmarin lacageed iyo mid afeedba kiishashka looga buuxiyo saraakiisha Pakistan.

Laakiin arintii sidaa waa ay noqon weyday oo madaxweynaha Mareykanka Obama ayaaba ku bilaabey eedeyn uu u soo jeediyey maamulka Pakistan iyadoo saraakiisha kale ee Mareykankuna ayba ku sheegeen wadanka Pakistan meel aan amni iyo xasilooni ka jirin isla markaan l isku isku haleyn karin halkii ay ‘bravo’ ka sugayeen maamulayaasha cilmaaniga ee Pakistan.

Haddaba wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa caalamka qaarkood ayaa saaka arinta bogagooda hore ku soo qorey, waxayna arintu timid xili saxaafada iyo dadweynaha caalamka ay ka  war dhowrayeen bal waxa, maamulayaasha Pakistan ee ciidooda iyo dhulkooda sida cad loogu xafudbey ee haddana qosolka iyo farxada ku daray, abaalmarinta loo siin doono- malaha waxaa la sugayey Assif Cali Sardari (madaxweynaha Pakistan) oo Washington looga yeero kadibna shaashadaha telefishanada laga daawado isagoo Obama gacan qaadaya boorso Doolar ahna loo dhiibayo. Laakiin taaso mey dhicin ee waxaa loogu bedelay eedeyn iyo in la yiraahdo ‘waa maamul u janjeera Al-Qaacida oo iyagaaba wadankooda ku qarinayey” bal ee waxaaba lagu tilmaamay kuwo aan wadankooda war u heyn.

Hadaba sheekada xiisaha leh ee meesha ku jirta ayaa ah tusaalaha wanaagsan ee aan ka baraneyno dhacdooyinka caalamka ka jira kuwaasoo u baahan il taxadar leh inaynu ku fiirino, taasoo ah in gaalada aysan cadaawad u heyn qeyb gaar ah oo Muslimiinta ka mid ah balse ay u kala horeeyaan oo inta qolo laga soo takhalisayo qolada kale waa loo sii madax salaaxayaa.

Arinta kalase waxay tahay haddii dhiiga ruux Muslim ah wax lagu helayo oo abaalmarin iyo dalacsiin iyo mahadsanid lagu heli karo, xagey ku danbeeyeen raggii 30ka sano saaxiibka la ahaa Mareykanka iyo reer Galbeedka oo danahooda u fulin jirey mabda’a ay wataana ku raaci jirey? Xagee ku danbeeyey Xusni Mubaarakak aaweyse Seynal Caabidiin Bin Cali?

Muhimadu waxay tahay tusaalahaasi ma garteen Sardari iyo maamulkiisu?

Shaarica Falastiin oo farxad iyo reynreyn ku qaabiley heshiiskii Qaahira [SAWIRRO]
Dadweynaha reer Falastiin ee ku nool magaalooyinka wadanka Falastiin ayaa farxad iyo rerynreyn ku qaabilay heshiiska maalintii shaley madaxda Falastiiniyiinta ku saxiixeen magaalada Qaahira ee wadanka Masar. [DAAWO SAWIRADA]

Kumaan dadweyne ah oo ku faraxsan heshiiska nabadeed ee walaalaha Farax iyo Xamaas ay wada gaareen ayaa soo buuxiyey shaaracyada waaweyn ee guud ahaan magaalooyin kuwaasoo muujinayey dareenkooda farxadeed uu ku wajahan heshiiska laga gaarey qadiyada reer Falastiin dhexdooda.

Dadweynaha ayaa ruxayey calamada Falastiin iyo raayada tawxiidka iyagoo ku dhawaaqaya hadalo ay ku taageerayaan heshiiska ay madaxdooda ay wada gaareen kaasoo si abadi ah logu soo afjarey khilaafkii Fatax iyo Xamaas la iskuna waafaqey dhisme dowlad Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus taasoo Yuhuuda ka careysiisay.

Waxay dadku ku baaqayeen midnimo, walaaltinimo iyo dowladnimo ka madax banaan gumetysi iyo cadowga Yuhuusa iyo inaan taako dhul ah looga tanaasulin Yuhuuda taasoo dadka ay ku adkeeyeen madaxda siyaasada ee Falastiin.

Waxay sidoo kale dadweynaha Faastiin oo rag, dumar, ardey iyo waayeelba isu soo bexeen ay codsanayeen in laga dhabeeyo fulinta heshiiska lana gudo galo in si walaaltinimo ah loo dhameeyo waxyaabaha dhiman oo ay ka mid yihiin qeybsiga jagooyinka iyo isku darida ciidamada.

Xafladahan ayaa socey ilaa xaley waxaana laga dheehan karey sida midnimada leh ee shacabka reer Faastiin dareenkooda u muujiyeen iyo wajhada cusub ee ay qaadatey qadiyada bariga dhexe taasoo ah in maanta umada reer Falastiin ay leedahay cadow guud oo ay tahay inay u wadajeestaanuna qalab qaataan sidii ay isaga kicin lahaayeen heeryada cadaawaha ku habsadey mudada 50 sano ku dhow.

Heshiiskii Nabada Falastiin oo la saxiixay, Dawlad midnimo-qaran oo la dhisayo iyo Yuhuuda oo ka Carootey
Waxaa si rasmi ah qalinka loogu duugay heshiiskii nabada ee dhinacyada reer Falastiin kaasoo mudooyinkanba si weyn looga sugayey natiijadiisa gudaha iyo dibada dunida Muslimka oo dhan iyadoo qodobo muhim ah oo la xiriira mustaqbalka ummada reer Falastiin la isku waafaqay.

Heshiiskan oo qeexaya midnimo qaran oo dhexmarta mujaahidiinta Xamaas iyo dowlada Fatax ay hogaamiso ee Maxamuud Cabaas Abuu Maazin ayaa lagu saxiixey magaalada Qaahira ee caasimada Masar iyadoo dhinacyo kala duwan ka qeybqaateen munaasbadii lagu saxiixey.

Saxiixa heshiiska oo si weyn loogu farxay gudaha Falastiin ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey dhamaan garabyada siyaasada ee reer Falastiin iyagoo sheegay in heshiiska uu fursad u yahay midnimada walaalala reer Falastiin uuna abuurayo xaalad loogu diyaar garoobo iska dhicinta cadowga ummada mudada dheer haystey ee Yuhuud iyo reer galbeed oo gadaal ka soo riixaya.

Raysul wasaarre Ismaaciil Haaniya ayaa dhinaciisa sheegay inay ka go’an tahay ambaqaadista iyo aas aas u dhigida dowlad midnimo qaran oo kulmisa dhamaan reer Falastiin una jiheysa sidii dadka reer Falastiin iyo dhulka Qudus ee barakeysan u noqon lahaayeen meel Yuhuuda ka caagan.

Haaniya wuxuu carabaabay baahida loo qabey inay walaalaha midoobaan ayna ka gudbaan kala qeybsanaanta mudada dheer ku dhex jirtey isagoo sheegay in cadowgu uu dhegaha wax ugu kala sheegi jirey walaalaha reer Falastiin.

Sidaasi oo kale Maxamuud Cabaas abuu Maazin oo ah madaxweynaha Falastiin ayaa isaguna sheegay inFatax ay u aragto heshiiska guul qaran oo ay heshey ummada reer Falastiin iyadoo meesha laga saarey dalabkii Yuhuuda oo ay ku dalbaneysay in la aqoonsado dowladnimada Israaiil balse si buuxda gaashaanka loogu dhuftey.

Waxaa sidoo kale heshiisku uu shuruud adag ku xirey wada hadal lala yeesho cadowga ummada ee Yuhuuda oo lagu shuruuday tan iyo inta Yuhuuda isaga baxayso kana joojineyso deegaameynta ay ka wado Dhulka Bariga Qudus ee ay Yuhuudu xooga ku joogto.

Dhanka kale waxaa markii heshiiska la saxiixay ee ay soo baxday in la soo dhisayo dowlad midnimo qaran oo mideyneysa reer Falastiin waxaa durbadiibada ka caroodey Yuhuuda iyadoo raysul wasaarahooda uu ka sheegay idaacada Israaiil in aysan aqbali karin midnimo dhexmarta Fatax iyo Xamaas oo uu ku sifeeyey urur Islaami ah oo ku xagjira diinta sidaasi darteedna aan waxba lagu darsan karin.

Laakiin dadka siyaasada odorasa ayaa ku tilmaamay hadalka Israaiil mid ciil kaambi ah oo ay ka niyadjabtay heshiisk ummada walaalaha reer Falastiin ay gaaretey oo marnaba aysan Yuhuudu raali ka ahayn.

Al-Ictisaam:“Waxay diidan tahay Jamaacadu dhammaan faragelinta shisheeye ee lagu hayo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed”
Warmurtiyeedkii Shirweynaha Jamaacada Al-Ictisaam

Waxaa1-8/5/1431 – 15- 22/4/2010 ku qabsoomay magaalada garoowe shirweynihii guud ee jamaacada al-ictisaam bilkitaabi wassunnah, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen golaha shuurada, guddiga cilmibaarista iyo xubno ka mida maamulada jamaacada ee gobolada dalka iyo kuwa dibadda, waxaana shirweynuhu xoogga saaray qodobada soo socda :-

1- Dibu eegida hawlaha dacwo, waxbarasho iyo xallinta mashaakilka shacabka soomaaliyeed iyo sidii hawlahaas iwm kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa waxqabadka jamaacada iyo xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya qaybaha bulshada gaar ahaan jamaacooyinka islaamiga iyo maamulada ka dhisan qaybaha kala duwan ee dalka.

2- In laga baaraandago aragtiyaha jamaacada ee ku aaddan arrimaha ka taagan caalamka gaar ahaan dalweynaha soomaaliyeed.

3- Mawqifka jamaacada ee ku aaddan dhinacyada ku loolamaya talada geyiga soomaliyeed.

Dood dheer iyo falanqayn ku aaddan arrimaha kor ku xusan ka dib waxaa shirweynuhu go’aamiyey arrimahan soo socda:

dhibaatada soomaliya iyo sidii looga bixi lahaa:

A- Waxay jamaacadu u aragtaa in ay soomaaliya ka jirto dhibaato muddo dheer soo socotey welina sii jirta, taasoo ka dhalatay colaadihii siyaasadeed, burburkii dawladda iyo nidaam la,aantii badashay, dagaaladii ahliga, faragelintii iyo duulaamadii shisheeye, kuwaas oo keenay inay soomaaliya ka dhacdo dhibaato bini-aadanimo tii ugu darayd, dhibaatadaas oo ah dil, dhac , barakicin iyo burburin hanti ummadeed; sidaa darteed waxay jamaacadu aragtaa in mushkiladdaas looga bixi karo:

B- In loo noqdo kitaabka alle, lana sameeyo dibu-heshiisiin shacabka qaybihiisu u dhanyihiin, kuna dhistaan dawlad ay raalli ka wadayihiin; si looga boxo mushkiladda gaamurtay ee dadkeena iyo dalkeena haysata.

Gaalaysiinta:

A- Waxay caqiidaysan tahay jamaacadu in ay xaaraan tahay in lagu rido xukun gaalnimo amaba riddo ciddii kaa ra’yi duwan ee muslim ah, gaalaysiintaas oo aan cuskanayn fadwo diini ah oo ka soo baxday culumada cilmiga ku xeeldheer ama xukun maxkamadeed oo sharci ah; sidaa darteed waxay jamaacadu ka soo horjeeddaa dagaalada iyo falalka kale ee ku salaysan fikirka gaalaysiinta ee aan sharciga waafaqsanayn, sida: dilka, qarxinta iyo shirqoolka.

Faragelinta shisheeye:

B- Waxay diidan tahay jamaacadu dhammaan faragelinta shisheeye ee lagu hayo dalka iyo dadka soomaaliyeed , ha ahaato mid diimeed, mid siyaasadeed ama mid dhaqaale’e, faragalintaas oo ah tan sababtay in ay sii socoto dhibaatada haysata dalka iyo dadka soomaaliyeed .

C- Waxay kaloo caddaynaysaa in cid kastoo isku dayda faragelin ka dhan ah danta diimeed iyo adduunyo ee shacabka soomaaliyeed, in dhibaatada ka dhalataa aysan ku ekaan doonin soomaalida kaliya ee ay ciddii shirqoolkaas maleegtayna ku gubandoonto.

Burcad badeedda soomaaliyeed iyo mida caalamiga ah:-

A- Waxay jamaacadu caddaynaysaa in burcad badeednimadu tahay fal foolxun oo xaaraam ah, aysana bannaanayn in hanti laga kasbo,

Waxaana ka mida raadadka xunxun ee laga dhaxlay kooxaha burcad badeedda: faafinta macsiyada, khamrada iyo maandooriyeyaasha, iyo dhaqanxumo kale.

B) Waxay kaloo jamaacadu cambaaraynaysaa burcad badeednimada caalamiga ee ay samaynayaan maraakiibta dagaal iyo kuwa kalluumaysi ee fadhiya badaha soomaaliya, iyaga oo ku madaxqarsanaya in ay ladagaalamayaan burcad badeeda soomaalida, balse xaalufinaya badaha dalka, kuna aasaya walxaha sunta ah, sida haraaga nugliyeerka iyo waxa la midka ah.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka :

A- Waxay caddaynaysaa jamacadu in dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya soomaaliya iyo isku dayga mid waliba isku dayayso inay ka takhalusto midda kale iyo heshiis diidnimadoodu inay tahay sababta ummadda burburisay, isla markaana sababtay faragelinta shisheeye, iyaga ayaana qaadaya eedda iyo masuuliyadda dhibaatada ka dhalatay ficilkooda .

B- Waxay caddaynaysaa jamaacadu in aysan dhinac ka ahayn dagaalada ka socda dalka iyo dagaal kasta oo muslimiin dhexmaraya, waxayna u aragtaa in dagaaladaasi yihiin dagaalo fidno ah, aysana bannaanayn in laga qaybqaato, waxayna ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalamaya inay naftooda, wadankooda iyo dadkoodaba ilaahay kaga baqaan, ayna dagaalka joojiyaan, kana heshiiyaan waxa dhexyaal .

Dibu-heshiisiin

A- Waxay jamaacadu go’aansatay inay dhexdhexaadin iyo wadahadal ka dhex bilowdo dhinacyada ku dagaalamaya dalka, waxayna ugu baaqaysaa inay dagaalka joojiyaan wada hadalna aqbalaan .

B- Waxay jamaacadu arrintaas u xushay guddi ka kooban culumo iyo aqoonyahan oo ka shaqeeya hirgalinta go’aankaan.

Baaq iyo Dardaaran:

1- Waxaa la isu dardaarmayaa cabsida ilaahay, ikhlaas iyo dardargelinta dacwada.

2- In la xoojiyo walaalnimada islaamka, lagana dheeraado waxyaabaha dhaawacaya, sida: qabyaaladda iwm .

3- In jaaliyadaha muslimiinta ee dibadaha ku nool ay xoogga ugu badan saaraan ilaalinta caqiidadooda iyo dhaqanka islaamka.

4- Waxaa loogu baaqayaa dawladaha reer galbeedka inay joojiyaan faragalinta arrimaha diinta ee jaaliyadaha muslimiinta.

Baaq degdeg ah;

Waxaa haysta shacabka soomaaliyeed duruufo adag oo ka dhashay dagaalada iyo barakaca, iyo abaaro keenay gaajo; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha samafalka iyo muslimiinta oo dhan inay gacan u fidiyaan walaalahooda dhibaataysan.

Guddoomiyaha Jamaacada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad,

Telefoon: 0025224319161.

Agoonkii Dulmane & awowgii Dagane
Maxamed C. Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com

Saddex sano ka hor ayay aheyd markii uu internetka ku faafay qoraal hal-abuur ah oo uu cinwaankiisu ahaa: Arligu waa dhaxalkeygee, hayga iibin awoowe. Qoraalkaas oo ahaa warqad furan, wuxuu ka socday agoon da’ yar oo magaciisu ahaa Dulmane , wuxuuna kula hadlayay odayaal uu ugu horreeyo awowgii Dagane oo xilligaas u ololeynayay sidii ciidamado shisheeye carrada loo keeni lahaa.

Nasiibdarro, walow duq Dagane iyo saaxiibbadiis aysan diif ma ahine duxi ka raacin dibindaabyadii ay sanado badan dadkooda ku sameynayeen, haddana, wali kama daalin in uu cadow dusha ka rarto, durriyadoodadana ay maalinba dabinno cusub u soo malegaan. Dooddu haddii ay shalay aheyd,ciidamo shacabka dabargooya ha la dalbado, si dano gaar ahaaneed loo fushado. Maanta tan taallaa waa dad ma jiree aan dalkan beylahan doollar siisanno iyo dalba ma jiro oo deegaankan Ilaahey lama kala lahan.

Badi laga diimoone, maxay dadka Soomaaliyeed kala socdaan halista ku soo fool leh 10ka Ogoosto 2009ka iyo heshiiska lagu boobayo baddeenna ee lala saxiixday waddanka Keyna? Heshiiskan oo ay Kenya ku hunguriyayneyso dhul-badeed uu bedkiisu ka badan yahay 100,000km2 (boqol kun oo kiilomitir oo labojibbaaran) waa mid ka mid ah heshiisyo dhagareed isdabataxan oo dhamaantood habeen mugdi lagu wada saxiixay.Heshiisyadan waxaa hareer socda hagardaamooyin kale oo la yaab leh. Calanka buluugga ahi waa calal ee ha la dajiyo. Dalka Soomaaliyeed lama kala laha, dowladnimana warkeedaba daa. Damaceyga ayaa diin ah ee Digtoooooonow!!

Ma aha wax lagu diimo in shaqsi damiirlaawe ahi uu dadkiisii iyo dalkiisii dufan yar siisto, waxayse dooddu ka joogtaa oo inta aan dammaneyn ka dagi la’, in dulmiga intaas la eg diinteenna sharfan qiil looga daydayo. Waxaa isweydiin mudan, duulalkan daliilka jaban oo ay ogyihiin iyo carrabka dalabta leh ku dikrinayaa ma waxay hilmaansanyihiin in uu Daa’in weyne dusha ka daalacanaayo, mise xisaabta dambeysaba dan kama lahan?

Kuwa tirada yar ee ay doonis-xumidu halista ula sii durkeyso , waxaa hubaal ah haddii ay sidan ku sii socdaan in ay doontu kula degi doonto badweyn aan laga dabaalan karin oo ay dib uga shallaayi doonaan. Waxaa habboon in ay dib u xisaabtamaan, oo haddii ay diin, damiir iyo damqasho yar leeyihiin ay qiimeeyaan duruufaha ku xeeran danyarta ay dusheeda ku dirirayaan, dhiiggeeda daadanaya ay deeqda iyo darajada ka raadinayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan qoraalka ku soo gabagabeynayaa geeraarkii uu agoonkii Dulmane u diray awowogii Dagane, anoo Rabbiga darajada weyn ka baryaya inuu danyarta dulman degdeg ugu hiilliyo, inta uu iimaanku dabeyshadayna dib noogu soo hanuuniyo.

Wuxuu geeraarku ku billaabmayaa:

Shimbirkeyga Abwaanow

Ugaaskii nabadeedow

Afhayeenka kan liitow

Abbaanduullaha khayrkow

Arraxmaan ha ku daayoo

Kaama waayo agteydee

Anigoon ixtiraamka

Edabtii wax u sheeggiyo

Asluubtiiba hilmaamin

Awoowahayga habaabiyo

Odayadaan nasan waayee

Cadowgu uu ajaraayoo

Arrinkii ka xumaaday

Erey yar oon u faraayiyo

Akhbaartaan degdeggaa

Orod saaxiib u geeyoo

Akhrisku kuu ku cuslaado

U higgaadi farriinta

Ku adkee fahamkeeda

Ula jeedka dhacsii

Inkirmaadna ma fiicnee

Ikhwaanow digiddaada

Shacabku suu ogaado

Idilkoodba ha gaartee

Ogeysiiska ka sheegoo

Isgaarsiinta ku faafi :

“ Waa iska xaalad adduunyee

Agoon baan ahay maanta

Aabbihii Abshir Daacad

Aadaanki salaadda

Asagoo kallahaayoo

U ordaaya Masaajid

Oo istaaqfurulleysan

Ashadaadna qiraaya

Qaar isbaaro u taallo

Oo Ibleysku hagaayo

Oo alaalax sakhraansan

Akee ay ku fureenoo

Afartankii ku dhammaatay

Amintiina xijaabtay

Hooyadiis Asli Caatana

Arbacadii kala haadka

Iyo maati xasuuqa

Iyadoo afar maalin

Aan afkeeda wax saarin

Ajasheedi dhamaatooy

Umul raacatay baahi

Alle how naxariisto.

Axaddii Madfac tuurkiyo

Isniintii ka dambeysee

Boqollaalka la aasay

Arabbikhi aan badnayn iyo

Ukun reerka u taallay

Isagoo mid acuuduye

Inkaar qabaa naga booboon

Gaajo sii engegeynoo

Ciddu oon haqaneyso

Walaalkey Axmeddey iyo

Inantii ka yareydba

Iyagoo biyo raadshay

Aroorkey u baxeen baa

Aragti iigu dambeysoo

Gantaalihii la afuufay

Iney unuunka jareenoo

Iilkii hoose la geeyoo

Ifka ay ka tageenba

Gadaal baan ka ogaaday

Alle how naxariisto.

Ehelkey markaan waayay

Arxan waaban ka quustay

Aroortii ma quraacdo

Ayaan ayaan ma qadeeyo

Cashana waaban illoobay

Adkeysi baan jiscintaayoo

Ilmada aan ku tiraa

Waxa aanse ogsoonay

Hadduu Eebbe yiraahdo

Mar inaan istareexiyoo

Aaggoo noo nabadoobay

Intifaacsan dhulkeygoo

Amaah looma baxshaaniyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga iibin Awoowe!

Ubad baan ahay yaabban

Adduunkii ku dhibtooday

Abaar tii u darneyd iyo

Cudur oofaha gooyay

Saan u aallo bal eeg

Itaalkeyga bal fiiri

Axe! meeyay damiirkii?

Aahe! waa ku sidee?

Aqligii ma dhammaaday?

Aawayey Naxariistii?

Miyaadan aadmi ahayn?

Jirro markey i asiibto

Aasbiriin wax i siiya

Abidkey uma jeedin

Oofwareenkan la taahi

Oohdimaa igu taagan

Araggu weyga xumaaday

Ma awoodo ciyaaroo

Istaaggaan ka dhacaa

Qufac baan uxu leeyay

Xanuunka meel an la aadiyo

Isbitaal ma aqaanno

Uskag shey lala tuuriyo

Calal markaan arki waayo

Arradkaan huwadaayoo

Asturaadba ma haysto

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Ixsaankii lagu diimiyo

Axaadiisti Rasuulka (SCW)

Mar baa aayadda diinta

Lagu oogi dastuurkoo

Aaran loo gudbayaaye

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin Awoowe!

Ileys waa mid aqoone

Ardadoon la sinnaado

Ama aan u horreeyoo

Aan abaalmarin qaato

Amiirkii berritooliyo

Ubax laygu misaalo

Waan jaclaa dugsi aadkoo

Alif aan ka billaabo

Illaa aan Injinneeriyo

Dhaqtar loo wada aayo

Ustaad faafin tacliintiyo

Noqdo Aw dhiga diintoo

Bulshadiisa iftiinsha

Waase ley eryayaayoo

Oggolaansho ma haysto

Waxyow soo urayaahi

Ka dhaqaaq agaheenniyo

Aflagaaddiyo caydaa

Ehbin laygu daraayoo

Ma niyeysto albaabka

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Aamiintaan ku duceyno

Intuu Weyne ajiiboo

Afmiishaarta la buubsho

Indheergarad la tilmaamiyo

Akhiyaartoo hageysa

Mar un bey umaddeydu

Xuquuqdeyda ogaanne

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Oogadeyda rafaadka

Indhahayga qarsoomay

Addimadaan qalqaloocdiyo

Ilkahaan kala jeestay

Horay looma arkaan iyo

Wax kalaan u ekaadoo

Marka aan ag maraayo

Dadku wey orriyaanoo

Waa ogaal li’idoode

Waa addoon xiska beeley

Yay intaa ku hayaanoo

Alaab saan ahay tood ah

Ababin qaar an lahayn iyo

Ilmahaa igu dheeloo

Uusey naaxay jugtiisiyo

Urug haddaan ka badbaado

Waa Alxamdu-Lillaahi

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Mar bey eeddiyo aayo

Abtigii an tabaayiyo

Adeeroo is xilqaamay

Asxaab khayrka u heellan

Is uruursanayaanoo

Sida Islaamka dhashooda

Aayaamaha carrafaad iyo

Iidda aan farxayaaye

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Afrika meeshan ku aallo

Inaan Soomaali ahaado

Waan ku faani abkeyga

Isirkeygii horeeto

Asaaggiis uma liidan

Ajnabi soo duldagaayoo

Oogadooda raraayiyo

Isticmaarki ma yeelin

Askarteenni difaaciyo

Waatii ciidan ammaanan

Shicibkeennu istaagay

Maantana waa imtixaane

Waxaan ciilka la ooyay

Uurku uu I bukooday

Argagaxoon filan waayay

Markii qaar ibtilooboo

Iimaankii laga siiboo

Akhlaaq maafiyo yeeshay

Qaar dhulkii bar ijaare

Qaarna uu sun ku aasay

Qaarna ay ololsheenba

Qaarna uu alalaasoo

Addoonsi baanu rabnaayoo

Aqbal weeye dheheeniyo

Indhosarcaadkiyo beenta

Ahbal sheekadu moogyay

Anfariir waxa taagan

Amakaaggiyo yaabka

Ayaxaa la wacaayo

Wuxu eel ka tagaayo

Aayatiinka dambeetiyo

Berri aafo dhigaaya

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Alle Aamin ma iishoo

Axad Weyne rumeeyay

Awood looguma faano

Ilaah baa I abuurtoo

Addeec waa igu waajib

Waa Islaam mabda’eygu

Sidii Imaamki Gurey iyo

Geesiyaashi adduunkee

Abley guusha ku keenay

Anoo Allaah ku takbiirsan

Ururradii Danabeed iyo

Guutooyin baan unkayaayoo

Axmaqii I haweysta

Inta aan ul u qaato

Anigaa eryan doonoo

Uuley waa is naqaanne

Intaan Abeeso na ruugin

Aan abaabul billaabee

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Arligu waa dhaxalkeygee

Hayga iibin Awoowe!

Rabbi baa wax arsaaqee

Hayga iibin awoowe!

Adigoo anfac raadin

Haygya iibin awoowe!

Ilaahaaga ka yaaboo

Hayga iibin Awoowe!

Aakhiraan la hureyne

Hayga iibin awoowe!

Hayga iibin Awoowe!

Hayga iibin Awoowe!

Hayga Iibin Awoowe!

Maxamed C. Cibaar

Mohamed_ebar@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Nin Labeeyey Ma Talin Q 2aad: Dawladda Midnimo Qaran (TFG2)
TFG-2

Ka hor inta aanan qiimayn madax bannaan ku samayn xaaladda Dawladda Midnimo Qaran(TFG-“),waxaan milicsanaynaa sida ay dadkii sanaacadeeda mas’uulka ka ahaa iyo dadka taageersani ay ugu soo bandhigeen ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamka.

Doodda u janjeerta inuu guul ku dhamaaday qorshihii Djabouti waxay oranaysaa waxaa la helay natiijo dhaxal gal ah:

1. Waa dawlad midnimo qaran, Islaami ah uu madaxweyne ka yahay gudoomiyihii fulinta ee maamulkii iyo saraakiishii maamulkaas;

2. waxay hanatay aqoonsi caalami ah;

3. waxay kalsooni gelisay dhammaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya ee weligood ka wel-welsanaa damaca lagu doonayo Soomaali-Weyn;

4. waxaa xulidda xubnaha dawladda iyo baarlamaankaba lagu tixgeliyey dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay ummadda Soomaaliyeed sida; culumaa’uddiinka, aqoonyahanada kale, mujaahidiinta, haweenka, qurbajoogta, iyo siyaasiyiinta;

5. waxaa la waafijiyey qaabkii Soomaalidu wax ku qaybsan jirtay(4.5);

6. waxay ku guulaysatay inay cadowgii Itoobiya dalka ka saarto haddana rabta inay saarto Ciidamada AMISON;

7. dawlad dib u heshiisiin ah gacanteedu u fidsan tahay ciddii doonaysa inay la heshiiso(hadday ku soo biirayso);

8. ka dhabaysay fulintii shareecada oo meel marisay sharci ahaan.

Waxaa intaa sii xoojiyey warbaahinta shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku baxda ee aad u shabahda Saxaratul-Fircoon iyo bogagga Soomaalida ah ee iyaga ka daba jiibiya (Baq-baqaa), oo jabhadihii halganka ka dhigay dad dhiig u ooman oo dano shisheeye fulinaya inta badanna magacaaba Eriteia iyo Al-qaacida.

Si aan u ogaanno waxa ay tahay TFG-2, waa in aan ku eegno aragti xor ah oo ka madax bannaan dajjaalka casrigan oo ah saxaafadda maanta (media).

Waxaan ka eegeynaa saddex arrimood oo kala ah:

1. Geedi socodkii qorshaha dawladdaani ka dhalatay, laga soo bilaabo imaatinkii shariifka ee Kenya kuna dhammaaday Jabuuti.

2. Natiijada Kasoo baxday ee loo bixiyey Dawlad Midnimo Qaran.

3. Hawl qabadkeeda tan iyo intii la dhisay.

I. Geeddi socodka

Arrintani waa midda inta badan tuhumada iyo is aaminaad la’aantu ka dhalatay sababtoo ah mugdi badan ayaa ku jira. Waxaan ognahay mu’aamaradu in aanay ka maarmi karin jawi mugdi ah oo ay ku dhex shaqayso maadaama aan iftiinka wax badan lagu qarin karin. Sida quraanku uga waramay qisadii ilma Nebi Yacquub (cs)

-( وجاؤوا أباهم عشاء يبكون. 16:Yusuf )

markay walaalkood nebi Yuusuf (cs) mu’aamarada u dhigeen habeennimo ayey isku soo aadiyeen aabahood si ay ilmada iyo himbiriirsiga beenta ah ugu dhex qariyaan.

Su’aalaha mugdigaas ka abuurmay oo in laga jawaabo u baahan ayaa waxaa ka mid ah:

Marxaladdii koowaad:

1- Sheekh Shariif markii ugu dambaysay saaxiibadiisii la socday maxay ka ogaayeen inuu Kenya u socdo.

2- Yaa Kenya keenay?

3- Yaa xiriirkaan soo xiray?

4- Intee beri ayaa u dhaxaysay markkii ugu horreysay ee si rasmi ah loo shaaciyey inuu Kenya soo galay iyo imaatinkiisii? Xaggee ayuu joogay mudadaas dhexe?.

5- Yaa la wadaagga akhbaarta dhammaan howlihii la qabtay mudadaas?.

Waxaan filayaa in raggii diiday inay aasaaskii Isbahaysigii Casmara ka mid noqdaan oo dadka badankiisu (anigu ku jiro) aad uga carooday, loona arkayey berigaa inay midnimada ummadda ka soo horjeedaan, ay ka biyo diidsanaayeen arrimahaas.

Marka lagu noqdo cidda xiriirka soo xirtay ama la ogayd shakigii ayey sii kordhinaysaa, waayo sida sheikh Shariif laftiisa aan ka dhegeystay, waxaa uu sheegay in xiriirkaan ay soo xireen “walaalaha Yemen joogay” oo aan u fahmay xoghayihii arrimaha dibadda ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa, taasoo keentay in mugdigii mugdi sii dhalay markii la maqlay in walaalkan laftiisu diyaarad maraykan ahi ka soo qaadday KM50 kadib markii ay ciidamdii Itoobiya Xamar gaareen, ahaana ninkii astaanta u ahaa madax adayggii lagu sheegi jiray maxaakimtii islaamiga, oo ay ka mid ahayd inuu quursan jiray ajaanibta marka ay soo booqdaan maxaakimta.

Waxaan ognahay in dad badan oo haystay dhalasha Yurub iyo Maraykanka laakiin aan la shaqayn jirin maxaakimta laga qab-qabtay xudduuddaha Kenya iyo garoonnada diyaaradaha. Kuwaas oo qayb ka mid ah dib loogu dhiibay ciidanka Uganda, Itoobiya ama Kenya lagu xiray. Dawladihii dhalashada siiyeyna aanay u gurmanin, balse kuwii soo noqday dabagal joogta ah lagu hayo iyadoo dambiga laga baarayaa uu yahay Itoobiya col ma u tahay mase kula dirirtay Soomaaliya.

Xog la isku hallayn karo waxay sheegeysaa in walaalkan laga soo eryey dalka Sudan isagoo macalin ka ahaa ka hor intaan maxaakimtu dhalan. Waxaa caddaatay inuu diiday marna inuu tago Eriteia xataa markii ay saldhigga u ahayd Sh. Shariif oo uu la taliye u ahaa Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Belaayadu iyadaa iska kaa taqaan).

Waxaa ka sii daran markii ay caddaatay inuu sii madadaalinayey garabka Casmara isagoo ku waafaqsanaa garabka Jabuuti howlihii deg-degga badnaa ee dhalay dawladda TFG-2 oo uu isaguna cad waafi ah ka qaatay.

Marxaladda Labaad iyo Mugdiga La xiriira:

Gaaritanka hadafkii Geeddiga nabadda ee Sh. Shariif waxaa door weyn ka soo qaatay inta badan xubniha golihii dhexe ee Isbahaysigii Dib-u xorreynta dalka laguna dhisay magaalada Casmara 2007-dii.

Mar kasta oo aan arko natiijada ka dhalatay Shirweynihii Casmara waxaan xasuustaa hadal uu yiri nin aan saaxiib nahay oo intuu Casmara tegay berigaas shirkii oo weli socda ka soo noqday, markii la weydiiyey sababta uu uga soo tegay waxuu ku jawabay:

“ Inta badan dadka meesha isugu tagey hal il ayey ka cawaran yihiin midda fayowna qof laba indhood qaba ayaa la isaga ilaalinayaa; oo macneheedu yahay damac shaqsi ah ayaa haya qofkii dan guud lagu yaqaanna waa la iska fogaynaya”.

Waxaa la ii xaqiijiyey in raggii lagu yaqiinnay hal adayg iyo dan guud weerar hoose oo lagu fogeynayo lagu qaaday si meesha loogu banneeyo qof dan dhow leh oo laga danaysan karo. Dadka hawlahaas u taagnaa raadkooda taariikheed markaad eegto waxaad arkaysaa inay ahaayeen:

Hawl-wadeenadii dagaal oogayaasha (Warlords’ Civil Servents) ee ololihii doorshada ee Nairobi lakala safnaa dagaal oogayaashii tar-tanka ku jiray, kadibna kuwii laga adkaaday ee TFG-1 ka horjeeday taageerayaal u noqday. Markii ay isu rogeen Ashahaada la-dirir, oo laga adkaadayna maxaakimtii dhexgalay, markii maxaakimtii la ridayna hor degay oo jeebka ku ritay dadaalkii bulshada Soomaaliyeed (dal iyo dibadba) ee ka soo horjeeday qabsashada wadankooda, waxay kasbadeen kalsoonida Sh.Shariif maadaama ay xaqiijiyeen guushiisa madaxnimada Ururkii Dib-u- Xoraynta Dalka.

Waxaan la hilmaami Karin in xubnahaas qaarkood ay habar-wacasho qabiil adeegsadeen si ay xil uga qabtaan Isbahaysigaas; ‘sida reerkannaga waa laga tegay’. Waxaa iyana xusid mudan mar haddii taladii Soomaaliya ay tahay albaab iska furan oo nin weliba sahal ku soo geli karo waxaan shaki lahayn in dawlad kasta oo rabtay inay sirdoonkeeda ku darsato golayaalkaas ay fursad qaali ah haysatay.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan xubno kale oo iyaga ay riixaysay diin, wadaniyad, aqoondheer oo ay u leeyihiin sida siyaasadda caalamku u shaqayso waana kuwa daba-qabtay hambadii Sh. Shariif ka tagey ee Isbahaysiga, miro fiicanna ka dhaliyey ilaa hadda.

Arrinta kale ee la dareensan karo inta qorshahaasi socday waa midda xawliga uu ku socday geeddigu oo muujinaysa in ay jirtay cid si ula kac ah looga tegayey.

Waxaa muuqatay in labada Shariif si ku tala-gal looga mashquuliyey in ay gadaal u soo dhugtaan saaxiibbadood, lana adeegsaday dhinac cambaarayn dawladda Eriteria oo ay qireen xubnaha Jabuuti aaday qaarkood inay gudday abaalkii Soomaalidu u gashay iyo dheeri dhinacna jadwal kulameed aad isugu dhow-dhow oo la qariyey waxa lagaga hadlayo si shakiga ku dhexjira Isbahaysiga u xoogeysto, kadibna khilaf isu rogo, kadibna kala-jab, kadibna dagaal oo runtii ahayd (aniga aragtidayda) goolka dhabta ah ee loogu tala-galay qorshahaan.

Inkastoo la isku dayey tallaabooyin dhexdhexaadin urarka dhexdiisa kaasoo ay isku dayeen culimo iyo Siyaasiyiin ka socday isbahaysigii iyo maxaakimtii waxaa si muuqata isaga indha tiray kooxda Jabuuti.

Laga soo bilaabo shirkii Magaalada Eldoret ee dalka Kenya, talada Soomaaliya cidda laga faquuqay ma ahayn oo kaliya wadaadada Soomaaliyeed, laakiin waxaa iyagana meel dheer looga soo haray qof kasta oo Soomaali ah oo loo arkay inuu ku haminayo Soomaali madax bannnaan oo danaheeda iyadu qabsata ama garan kara waxa meesha lagu hayo. Kuwaasi waxay isugu jiraan aqoon yahannada, siyaasiyiin rug caddaa ah sida ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabrisaaq Xaaji Xuseen. Taasina waxay muujinaysaa in aan horeba loo doonayn in dawlad loo sameeyo Soomaaliya.

Goob jooge shirkii Mbagati wuxuu ii caddeeeyey inuu maqlayey u qaybsanihii Itoobiya ee shirka oo koox Soomaali ah u sheegaya inuu liiska ergooyinka shirka ka saaray Sakariye Max’ud Xaaji Cabdi, sababtuna ay tahay in afkiisa laga saari waayey Itoobiya Itoobiya Itoobiya…………

II. Natiijada Ka Dhalatay

Aayaadka rabbaaniga ah oo koomka laga bartay waxaa ka mid ah noolayaalka jiritaankoodu in uu ku xiran yahay waddo sugan oo haddii laga bayro dabar go’ abaalkiisu yahay. Noole kasta oo ay iska dhalaan laba sinji oo aan is lahayn taran dambe ma yeesho. Tusaale sahlan oo dhaqanka Soomaalida laga helo waxaa ka mid ah haddii faras iyo dameer isu tagaan inay iska dhalaan nooc saddexaad oo ah baqal, hase yeeshee baqal aanu tafiir dambe gudbin . Sidaa waxaa iila muuqda isku darka ka kooban Dowladdii Islaamiga ahayd ee 2006 Muqdisho ka soo baxday iyo qorshihii safaaradda Maraykanka, horraantii 2007, ayna garwadeenka ka ahaayeen Jendaye Fraser iyo Axmed Walad Cabdallah.

Natiijada ka soo baxday Jabuuti, intaan la gaarin shareecada Islaamka, iyo qarannimada Soomaaliya, waxay jees-jees ku tahay xataa Dimoqraadiyada iyo qawaaniinta kale ee aadanuhu isku maamulo.

(Baarlamaankii Mbaghati oo laba lagu dhuftay, hal lagu daray, halna laga jaray = dawlad Gunnimo Qaran).

III. Hawlaha ay qabatay DawladdaTFG-2

Markaan eegno qaabka iyo tallaabo-qaadka ugu horreeya Dawladda TFG-2, waxaa laga helayaa, inta badan tabahii lagula dagaalamay muqaawamooyinka adduunka soo maray, hadday ahaan lahayd kuwo aad u horreyey iyo kuwo cusub. Si kale haddii loo dhigo, waxaa la dabaqay waaya aragninimadii laga bartay dagaalada jabhadaha iyo dowladaha ka dhaxayn jiray oo laga soo guuriyey raggii ka soo faltamay dhanka dawladaha iyo dhanka jabhadaha intaba, sida Thomas Edward Lawrence (Lawrence of Arabia (Al-Carab), MaoTse-Tungkii Shiinaha iyo Carol Von Clauwitz oo istratiijiyada dagaalka reer galbeedka u ah sida annaga Ibnu Taimia noo yahay oo kale.

Ujeedooyinka laga lahaa waxaa lagu soo koobi karaa:

1) Yaraynta guud ahaan cadaawadda shacbigu u hayo gumaysiga si, loo dilo isaga oo saaxiib lala yahay.

2) In la helo cid ku hadasho afka gumaysiga (mouth-piece) si ay uga dhaadhiciyaan shacabka in uu gumaysigu maslaxo u wado, ama ay iyagu heshiis ku keeneen kadibna haddii ay aqbalaan waxyaalaha laga rabo inay saarayaan.

3) In ay sumeeyaan halbowlayaalka umaddu ka dhiman weyday ee cadowgu jari waayey sida diinta oo lagu durayo bidco, wadaniyadda oo lagu durayo qabyaalad, geesinimada oo lagu durayo fulaynimo ama damac shakhsi ah, saaxiibada caawiya oo lagu bedelayo cadowga sida Eriteria oo lagu bedelo Itoobiya.

4) In la soo nooleeyo cuduradii ummadda soo daashaday kuwoodii la daaweeyey sida qabyaaladda lagu dilo wadaniyadda suufinimda oo lagu dilo towxiidka saxiixa ah.

Ilo xog ogaal ahi waxay soo wariyeen in maalmaha ay saraakiisha dawladda TFG-du bilaabeen inay buunka qabiilka tumaan, uu General Gabre Xamar soo gaaray.

Generaalka waxaa laga soo wariyey inuu yiri (guuritaankanaga ka dib xalku waa in aan soo noolayno dagaal oogayaashii oo qabiil waliba la yiraahdo gobalkaaga ka xorayso Shabaabka iyo Xisbul Islaam annaguna waa idin daba taagannahay hiil iyo hooba). Kadib waxuu Gabre ku adkaystay inay taasi ilaa hadda goballo badan ka hirgashay, balse ay dhimman tahay buu yiri in howgalladooda la isku xiro oo ay si wadajir isula jaan qaadaan, taas ayaa hadda noo taalla ayuu ku celiyey.

Fadeexadaha ilaa hadda dhacay ee Dawladda TFG-2 waxay si toos ah u kashifayaan hal haysyadii dusha ka quruxsanaa ee guntoodii jirranayd tusaale ahaan:

Hal ku dhigyadii iyo tallaabooyinkii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Shareecada Islaamka, ficilkeedii arrintaas ku wajahnaana waxaa lagu diiwaan geliyey, weerarkii Jimcaha dadkii oo salaadda ku jira.

Aqoonsigii caalamiga ahaana waxaa diiwaanka u galay in Madaxweynihii iyo wafdigiisu diyaaradda laga reebay, kaba sii daran haddii sababtu ahayd shaki qolada diyaaradda ka galay in is-xambaar jiray sida la isla dhex xulay.

Dawlad midnimo qaran waxaan marna looga fadhin u xalaalaynta badda Soomaaliya dalal weligood u heliilayey in mar uun fursad u helaan innay wax ku yeeshaan ama ka qaataan.

Aadanuhu sidiisaba waa gallad ma xajiye, Culamadii Soomaaliyeed oo ducaaddii salefiga ahaa ay horkacayaan oo ku hagoogan dowladda oo mujaahidiintu ay ku tuhmeen inay ka safteen ayey dawladdu si daandaansi iyo san-ka-taabasha ah u abaabulaysaa dad magacii duruqda suufiyada ku qaraabanaya oo ay caddahay in ay xiriir toos ah la leeyihiin dalal shisheeye oo u hubaynaya inay qaybtooda ka qaataan bur-burinta inta ka hartay soomaaliya.

Wax qabadka dowladda ee maalmahaan dambe aadka loo buunbuuniyey ayaa waxaa ka mid ahaa safaarado ama safiiro la magacaabay iyo deeqo wax barasho oo la helay. Runtu waxay tahay tan iyo intii bur-burku dhacay deeq wax barasho oo Soomaalida loogu deeqo waa ay jireen safaarado furnaana waa jireen laakiin, dadka safaaradaha jooga iyo ururo soomaali ah ayey deeqahaasi soo mari jireen dadkana waxaa lagu siin jiray nidaam ay dajiyeen qolada ay soo martay deeqdu.

Ururada qaarkood dad soomaaliyeed oo gobollo kala duwan ka yimid ayey siin jireen kharajka ticket-ka iyo fiisaha hay’ado kale ayey uga baryi jireen. Qaarna xubnaha xarakadooda ayey siin jireen halka ay safaaradaha raga jooga kharaj saaran jireen kaasoo u kala qiima badan sida maadooyinku u kala muhiimsan yihiin. Hadda waxa soo kordhay waa in ay qoladaan TFG-2 ayagu la keli noqdaan howlihii safaaradaha iyo ururradu hayeen waana nimankii Badda lagu ogaa sidii ay u maamuleen sidaa daraadeed sicirkii lagu heli jiray deeqaha iyo baasaboorada ayuunbaa kor noogu kacaya ee wax kale ma soo kordhin maxaa yeelay wax nin kaliya ahi uu hayo iyo wax dhowr meelood yaalla iibsashadoodu waa kal sahlan tahay.

Marka la soo gaabiyo dacaayadka borabugaandada tarwiijinta dawladaha oo dhami waa isticmaalaan, laakiin waxay wax taraan marka aad meel kale uga gudbayso intaad dadka hiyigiisa soo jiidato inaad meel kale ku dhaqaajiso oo caqabado ku hortaagan aad uga gudubto, haddiise aad dicaayadda hanti ma guurto ah iyada ka dhigato marka dambe adiga kaligaa ayaa beentaadii run u qaadanaya iyada oo dadkii oo dhami u jeedaan inay been tahay. Sidaas waxaa la mid ah markii xanuunkii shacabk hayey nabad loo sheegay oo culimadii naxariista badnayd ay mujaahidiintii ku dhiirradeen inaanay xabbad dambe la ridin meeshii ay taas dawladdu ku gudi lahayd tanasulaad iyo u nuglaansho xagga nabadda ayey ku mashquuleen inay ku faanaan inay yihiin dad caqli badan oo cid walba isticmaali kara kadibna iska tuura.

Xildhibaan Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) oo koox Soomaali ah kula kulmay jaamacadda SOAS ee London ayaa kulankii lagu weydiiyey mowqifka culimada sida ay u arkaan, si cara leh ayuu jawaabta u soo celiyey isaga oo leh laba maamul iskama garab shaqayn karto.

Xasan Fayooke Cali

fayooke@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Aa kay iska maamulanaayaa!
Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Waxaa lagu jirey salaadda, masjidkuna ciriiri ayuu ahaa. Markii la sujuuday baa ninkii ka dambeeyay cagihiisa dhinac isaga duway; si uu meesha ugu sujuudo. Iyadoo la sujuudsan yahay buu haraati madaxa kala dhacay ninkii ka dambeeyay!. Ninkii dan kama galine salaadiisii ayuu sii watay, wuxuuna u qaatay in uu waalan yahay, mar dambena iskuma taaban.

Markii salaadda laga baxay buu inta dib soo jalleecay wuxuu yiri: yaa cagahayga riixriixaayay?. Ninkii uu haraatida la dhacay baa yiri: aniga, isna war kaleba ma sugine kabihii hortiisa yaallay buu inta la booday ninkii madaxa kaga dhuftay!. Dadkii ayaa ku qayliyay oo yiri: waar maxaa dhacay?, markaasuu yiri: aa kay iska maamulanaayaa, lugahayguu marna xagga u dhigaayaa marna xagga u dhigaayaa!. Ninkii uu cagaha iyo kabahaba la dhacay baa yiri: waar iska daaya ninka!.

Kolkuu dibadda u baxay bay odayaashii masjidku ku dheheen waar maxaad ninka sheekha ah oo kaa xishoonaya kabaha ula dhacday?, see Alle kuu galay?, wuxuuna ugu jawaabay: aa kay iska maamulanaayaa, wallaahi aa dilaayaa!.

Dhaqan laga wacan yahay

Falka ninkaan sameeyay sharci ahaan, caqli ahaan iyo edeb ahaanba uma fiicnayn, gaar ahaan goobta uu ku sameeyay oo beyd Ilaahay ahayd, cidda uu ku sameeyay oo nin sujuudsan ahaa iyo isagoo laftiisu salaad ku jiray, waliba sujuudsanaa. Waxaa kaloo gef weyn ahayd inuu mar labaad isla masjidkii kabo kula dhaco ninkii uu horey sujuudda ugu cageeyay iyo inuu odayaashii u ergeeyay hadal qaballuus ugu jawaabay.

Kaaf iyo kala dheeri

Ninkaan caamada ah wuxuu u dulqaadan waayay in lugihiisa sidii la doono laga yeelo oo nin kale hadba dhinac u dhigo, taasina waxay ku kalliftay in uu isagoo salaad ku jira ka ficiltamo oo madaxa ka haraatiyo ninkii lugihiisa taabtay. Markuu salaama-naqsadayna hadalka ugu horreeyoo uu ku hadlay wuxuu noqday: yaa lugahayga riixriixaayay?, markuu ogaaday ninkii falka ku sameeyayna wax kale kama sugine kabihii horyaallay buu madaxa kala dhacay?. Markii odayaashu la hadleena wuxuuba ku dhaartay inuu dilayo ninka!.

Soomaalidu waxay ka mideysan tahay inay diido in la iska maamusho ama sidii la doono laga yeelo, waxayna liiddaa ninkii ama qoladii la arko iyagoo wax loo meerinayo ama afkiinna duu lagu leeyahay. Waxay kaloo dhahaan ninkii isagoon afti laga qaadin wax lagu guddoomiyo: ma gabar baa, iyadaa aamus lagu meherin jiraye?!. Waxaa isna arrintaa ka gabyay Cali dhuux oo labo qolo isku guubaabinayay, wuxuuna yiri:

Naagahaan dhankii loo dhigiyo              dhinac-na diidayne

Dhaddigaanshahaa lagu arkiyo              dhiigga caadada’e

Wax ka dhigan gobtii dhowrsatoon      ceeb ka dhiidhiyine

Haddaba waxaa is weydiin leh dadka waaweyn ee muslinimada sheegtay, kuna abtirsada Soomaali, isla markaana wata magaca dawladnimo (madaxnimo) oo iyagoon waxba la weydiin lagu yiri: maalin hebla isugu imaada meel hebla, waxa laga hadlayana annagaa idiin sheegi doonna, oo inay ka dhiidhiyaan iska daaye il-laawe iyo lug-laawe ku qamaamay meeshii looga gacan-haatiyey. Waxaa kaloo is weydiin leh sida ay u aqbaleen ihaanada intaa le’eg, isla markaana ay sal-muggi ugu dhageysteen dhaleecaynta iyo cayda ay u soo jeedinayeen nimanka MADMADOW ee MACATABLEY-da ah?, iyagoon wax hadal ah iyo wax jawaab ah midna ka bixin.

Ma is weydiinnaa sida ay nimankaas u yeeleen in la iska maamusho miskaxdooda, sharaftooda iyo sumcadda dalka ay masuuliyaddiisa sheegteen iyadoo ninkii caamada ahaa uu diiday in cagihiisa la iska maamusho?. Kolley lax walba shillalkay isdhigtaa lagu qalaaye waxay ila tahay inay raggaasi ka duulayeen: (ceebi ninkii isu goday wax ka dhintaa) iyo (ceebi waa labo af maroojis)!.

Gabagabadii qormadaan waxaan diyaariyay markii reer Imbagaati oo dhega-dhan ay IGAD ugu yeertay Nairobi oo madaxweyne, xukuumad iyo baarlamaanba ay u soo hogteen, ajande-na looga dhigay cay, ihaano iyo hanjabaad, iyaguna xataa ay oran waayeen war sidaani nama qabato. Waxaana yaab leh sida raggaasi dullinimada intaa le’eg uga aqbaleen dadkii Soomaali ka faani jirtay, iyagoo innaga is qaadqaad iyo santaag ina ku dilay!. La yaabse ma ahoo ninkii Alle dulleeyo ninna ma karaamayn karo, ninkaan naftiisa karaamayna lama karaameeyo. Si kastaba ha ahaatee waxay iyagu is badeen iyo waxay dadkooda badeenba waxaa ka sii khatarsan waxay nagu bareen gaalo madowda ay halaq mareenka u noqdeen, oo hadhow nin kastoo madaxnimo Soomaaliyeed sheegta sidii oo kale abjad iyo karbaash u soo qaadan doona, caynka iyo baydana ku adkayn doona, haddaan Alle rag cusuboo ceebtii ina ka mayra inoo soo saarin.

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan