Somali Mirror » Maqaallo

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qore: M’ed Daahir Afrax
QORMADII 2aad una dambaysay

“Soomaaliyeey ogow, isma leh sida aad moodi iyo waxa lagula damacsanyahay. … waxaa la rabaa gob adoo ahaan jirey oo garaad lahaan jirey in lagaa dhigo duunyo la ugaadhsado iyo midiidin lagu adeegto oo iyagu isa soo garba-duuba.”

(Dr. Cumar Cusmaan Raabe, Soomaaliyeey Halkee baad ku Socotaa?, Paris, 1989)

“Tulud geela oo dhacan baad

Toogasho u bareedhaane

Ma dhuklkaan dhan oo tagey baan ninna dhagax u tuurayn!”

(Cali Mire Cawaale, 1947)

“Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Anigaa damqanayee dheguhu uma daloolaane.”

(Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1966)

“Kama daalo qayr-sheeg dadkuma igama qaataane.”

(Abshir Nuur Faarax (Bacadle, 1993)

Afeef

An ku bilaabo eray afeef ah. Nin saaxiiibkay ah oo akhriyey qormadii koowaad ee qoraalkan ayaa shakhsi ahaan wuxuu ii soo gaarsiiyey (Allaha ka abaal-mariyee) falcelis  uu igu dhaliilayo qoraalkayga inuu ka muuqdo xanaaq ama caro badan iyo qiiro waddaniyadeed oo beri hore Soomaalidu ka wada tagtay. Waan fahmay inuu i leeyahay waxaad tahay hor-u-jeed aan waqtiga la socon ama dantiisa aqoon! Waxaan malaynayaa in badan oo idinka mid ah inaad saaxiibkay dhaliishaas la qabtaan. Anna maba dafirayo ee waan qirsanahay. Hayeeshee wax bay i xasuusisay.  Dhaliishaas la leeyahay maxaad caro u muujisay waxay i xasuusisay buug-yare caraysan oo aan beri dhaweyd akhriyey. Waa buug dunida gilgilay sannadkii dhammaaday (2011), raad-reebkiisiina weli meelo badan ka socdo. Magiciisu waa Indignez-vous! Waa af Faransiis micnihiisu af-Soomaali ku noqonayo “Ka kaca oo ka Damqada waxa Dhacaya!”. Waxaa qoray Stephane Hessel oo ah waayeel Fransiis ah, 93-jir ka mid ah dadkii u soo halgamay xoraynta Faransiiska dagaalkii labaad ee dunida, ka dibna noqday diblomaasi sare. Buug-yaraha Hessel (dhawr iyo soddon bog) wuxuu xambaarsan yahay dhambaal aad u xanaaqsan. Wuxuu ku kicinayaa dhallinyarada Faransiiska Iyaguna markiiba way la boodeen kuna hawlgaleen. Waxay ku tallaabsadeen bannaanbaxyo waaweyn oo dalka wada gilgilay. Faransiiska kuma koobnaan balse caradii dhambaalka Hessel waqti yar gudihiis ayay waxay dunida  ugu fidday sidii caws dab galay. Dhawr iyo tobankii bilood ee u dambesey dalal badan oo ku yaal Yurub iyo Ameerika ayaa waxaa gilgilay dibad-baxyo caraysan oo dhallinyaradu hormuud ka ahayd. Dalalkaas waxaa ka mid ah Faransa, UK, Spain, Giriig iyo Maraykanka. Waxaa is qabsaday gadood aan kala go’ lahayn oo lagaga horjeedo gabood-falka maal-qabeenka iyo shirkadohooda jaheeya go’aannada dowladaha. Tusaale waxaa ah Maraykanka oo ay cirka isku shareertay xarakadda la magac-baxday “Occupay Wall Street – OWS” (Qabsada Wall Street!”, taas oo kumaankun oo caraysan ay qabsadeen New York xaafaddeeda Wall Street ee ah saldhigga ugu weyn ee lacagta adduunka. Kacdoonka taariikhiga ah ee ka qarxay dunida Carabta, wajigeediina beddelay, ayaa asna qayb ka ah, weliba qaybta ugu weyn ka ah, kacdoon-weynahaas caraysan ee dadyowga dunidu ku muujiyeen inuu ka dhammaaday dulqaadkii ay ugu dhabar-adaygayeen xaaladaha jira (status quo).

Buug-yarihii la magac-baxay Indignez-vous (Ka Damqada!)  muddo aad u gaaban ayuu wuxuu safka hore ka galay buugaagta dunida loogu iibsiga badanyahay (best sellers). Faransiiska oo keliya ayaa bilo kooban gudohood waxaa lagu iibsadey wax ku dhow laba milyan oo nuqul. Durba waxaa lagu tarjumey in ka badan afartan luqadood, ilaa afafka Shiinaha iyo Jabbaan. Yaan loo qaadan inaan leeyahay kacdoonnadaas oo dhan buuggan ayaa ka dambeeyey. Dabcan kama wada dambeyne sababo kalay lahaayeen, qayb ayuuse ka qaatay.

Buuggan yar dhambaalkiisu in kastoo uu kululyahay haddana aad buu u kooban yahay: dhallinyarada ayuu ku leeyahay, ha iska daawanina ee ka damqada oo diida dulmiga iyo gabood-falka ay ku kacayaan waxa uu ku magacaabayo maal-qabeenka damaca waalan ee awoodda ku keliyeystey, kuwaas oo aan cidna u arxamayn, kuna tumanaya qiyamkii aadminimo ee ay seeska u dhigeen facii hore. Waxa uu ka xanaaqsan yahay waa arrintaas oo ula muuqatay inay mustaqbalka halis ku tahay xasilloonida dalkiisa. Dhallinyarada ayuu wuxuu kala dagaallamayaa is-moogeysiinta (indifference), micnaha inuu qofku marka uu arko wax laga xumaado iska ag maro asagoo ku fekeraya “waxba kama qaban kartide danahaaga ka raaco!” Galka buugga waxaa ku sawiran oday aad u da’weyn, umal iyo ciil la qarxaya, kor u haya oo la ordaya calanka Faransiiska oo ushii ka dhacday. Dalkiisa ka sokow, Hessel asagoo Yuhuudi ah, da’daasna jooga ayuu wuxuu ka gubanayaa, oo si caro badan ay ku jirto farta ugu fiiqayaa dulmiga Dowaldda Israaii’l ku hayso dadka reer Falasdiin.

Arrintan waxaa i xasuusiyey is-garab-dhig uur-gobyo leh: waxaa igu soo dhacday is-weyddiintan:, damqashada damiirka nool haddii ay fadhi iyo aamus u diiddey saddex-iyo-sagaashan-jir Faransiis ah, ku abtirsada quwad caalami ah oo awood badan (Yuhuud), ka dhashay dal weyn oo hore u maray, shakhsi ahaan aan wax welwel ah ka qabin inta yar ee noloshiisa ka hadhay, waxa keliya ee uu u baahan yahay ay ahayd inuu iska nasto; ninka da’daas jooga, duruuftaasna ku sugan haddii uu damiirkiisu ku dhaqaajiyey inuu “damqado”, inuu ka dhiidhiyo wax asaga dulmi ugu muuqday, inuu caro la qarxo, furka tuuro, dadkiisa kiciyo, da’yarta u qayla-dhaamiyo, dhawaaq dheer ku yiraahdo “Indignez-vous – Ka kaca oo ka Damqada waxa Dhacaya!”;

ninka caynkaas ah – waxa uu ka gilgishayna ay noqonayaan wax yar marka la garab dhigo waxa annaga na haysta – haddii laga garaystay inuu caro la qarxo, haddii dadkii uu la hadlayey ay dhambaalkiisii dhabarka u riteen, dhakhso ugu hawl-galeen, la dhiidhiyeen, ku dhiirrigaliyeen, ku abaal-mariyeen magac can-baxay iyo maal uusan fileyn; halka ilaa xadkaas laga garaabay caradii ninka tilmaantaas leh, tolow xaq ma tahay in la garaysan waayo ama lalaba yaabo carada yar ee laga dhadhansaday qoraalkayga, anigoo ah Soomaali maanta jooga? Gar ma tahay in la igula yaabo maxaad uga xanuunsatay gurracnaanta iyo gabood-falka sababay burburka iyo halaagga godka dheer ku ridey dalkii aad u dhatay iyo dadkii aad ka dhalatay? Hadduu Hessel ka aamusi kari waayey xaq-soorla’aanta inta awoodda lihi kula dhaqamayaan dadka intiisa kale, sidee Soomaali damiir damqada leh looga fili karaa inuu ka aamuso damiirlaaweyaal Soomaaliyeed iyo dulmi-ku-nool shisheeye oo isu kaashaday xuma-fal geeri iyo gunimo dhaxalsiiyey ummad ahaan jirtey qaran dowlad ah oo dunida sharaf ku leh!  Soomaali iska daaye sidee  bini-aadmi damiir leh uga damqan waayaa ummad dhan oo dil lagu xukumay, qori la isugu dhiibay, waagii beryaba kumaan-kun xabbad iyo silic u dhimanayaan, dhallaankeedii mustaqbal-la’aan la dhigay, magaceedii la dilay, dhulkeedii la kala googoostay, khayraadkii ku jirey la xaalufiyey, bad iyo birriba si arxandarro ah loo bililiqaystay, wixii harsan la sumeeyey, iimaanlaawihii fursad helaa ka  iibinayo cadow soo qamaamay, intii kale iska daawanayso, iska qoslayso, TIIH iyo walaahow ku maqantahay, kii hadla afka la goosanayo, hadduu yiraahdo “naf-difaacu waa xaq” lagu qoslayo. la oranayo dan kaluu ka leeyahay!  Waa nasiibdarro  aan dunida meel kale ka dhicin!

Haddaba, waa afeeftiiye, waxaan ku afeefanayaa, yaan qalad la iga fahmin. Yaan loo qaadan ujeeddada qoraalkani inay tahay kicin, sida buugga odayga Faransiiska ah. Asagu wax buu isku hallaynayey. Wuxuu sii garanayey inay dadkiisu si fudud ula fahmi doonaan waxa uu ka hadlayo. Qoraalkan yar ee aan halka ku xar-xarriqayo ujeedkiisu ma aha Kicin balse waa ku-baraarujin. Waa xog-tabin iyo xanuun-cabbir aan u arko xaq iyo waajib, xaq aan u leeyahay naf-difaaca ummaddayda iyo waajib-gudasho an ku yar-qaboojinayo dareenkayga holcaya iyo damiirkayga i hawlaya. Ujeeddada saddexaad waa u-hiillin xaqiiqda dadka laga indha-saabayo. Mid afraad, oo taa saddexaad ku lammaan, waa ka-run-sheegga taariikhda ay berri akhrin doonaan da’da soo koraysa, da’daas oo u baahan, xaqna u leh inay fahmaan xaqiiqda wixii ku dhacay dalkii ay u dhasheen iyo dadkii ay ka dhasheen, in lagu caawiyo inay helaan xaqiiq ay ka tilmaan-qaataan; xaqiiq ka badbaadisa taariikh la been-abuuray oo ka sii lumisa tubtii ay ku badbaadi lahaayeen.

Abwaannada an erayadooda kor ku xusay ayaan waxaan la wadaagaa dareenkaas ay waqti dheer ka hor kaga cabanayeen adduun-aragga dadkeenna oo weliba waayadaas si weyn uga sarreeyey halka uu maanta yaal. Waa dareen ku dabraya. Waxaa dabraya tuhun an malaynayo dadka Soomaaliyeed ee akhrin doona ama ka war heli doona qoraalkan in ayan tiro ahaan badnaan doonin tayo ahaanna badantahay inta maskaxda laga haysto. Dhinac waxaa ka haysta marin-habaabinta lagu hoosaasinayey muddo ka badan 20 sano. Dhanka kalena kalena waxay u af-duuban yihiin adduun-arag ay hagayso caaddifad qabyaaladeed oo dabool weyn saartay diiraddi caqliga iyo dareenkii waddaninimo. Halka dadka kale akhriyaan, qiimeeyaanna xogta iyo fikradaha, annaga Soomaalida ah waxaan akhrinaa oo keliya qofka qoray waa qolamma? Nasiib-darro, Soomaaliyi maanta waxay maraysa heer faragalinta ajnabiga iyo duullaanka ciidammada shisheeye  loogu kala qaybsamo dareen qabyaaladeed, qolo soo dhaweysa iyo qolo ka qaylisa oo labadaba waxa hoggaaminayaa ayan ahayn shucuur waddaniaydeed balse ay tahay xintan qabyaaladeed! Marka loo gashado muraayadda noocaas ah maqaalkan iyo qorihiisu waxay noqon doonaan “hal laba-midigle dheelmay dhanna uma fayooba”. Balse an rajeeyo inuu noqdo mid dood fura, dood ka soo maaxatey maskax fayow iyo indho furan, indho u fiirsaday wixii hareereheenna ka dhacayey labaatankan sano, dood diiradda saaraysa sama-talis iyo xal-doon. Waan ogahay inaan qaldami karo waana soo dhaweynayaa wixii sixitaan iyo toosin ah.

Qayla-dhaan

Qormadii 1aa  ee qoraalkan waxay xambaarsanayd xog-warran bixinaya digniin culus. Xog-warran dadka Soomaaliyeed ku baraarujinaya inuu farahooda ka sii baxayo dhulkii ay lahaan jireen. In laga gaarey go’aan ah “tashan mayside waa laguu talin!”. Talada laguu hayaana waa xukun dil ah oo laguu qariyey. Dil lagu xukumay qaranimadii Soomaaliya iyo gobanimadii Soomaalida!  Waa xukun si qarsoodi ah loo gaarey in khariidadda ama maabka quruumaha laga saaro dalkii loo yiqiin Soomaaliya. Dadka “Soomaali” loo yaqaanna cawaaqibkoodu ku dambeeyo tilmaantii uu rubuc-qarni ka hor sii oddorosay filosoofka reer Jibuuti Dr. Cumar Cusmaan Raabe, tilmaantaas oo ahyd “midiidin lagu adeegto oo iyagu isa soo garba-duuba” (kor ka eeg).

Digniintaasi ma ahayn belo-sheeg aan anigu iska male-awaalay. Waxay ahyd xaqiiq ka dhex bidhaantay xog fara badan oo aan soo ururiyey, ka dibna soo bandhigay. Qormadaas koowaad waxaan ku soo bandhigay qoraallo xog-ogaal ajnabi ah iyo caddayno muujinaya inuu jiro go’aan sir ah oo ay mar hore meel dhigteen quwado shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa ay maanta gacanta ugu jirto taladii Soomaaliya ee mar hore ka baxday gacanta Soomaalida.

Xogtaas iyo qoraalladaas ay ku caddahay qorshahani inuu yahay mid dhab ah oo jira, waxaan tusaale uga soo qaadannay dhawr lagu faafiyey saxaafadda Keenya ayna qoreen aqoonyahanno iyo xog-ogaal isugu jira Maraykan iyo Keenyan. Waxaan soo xiganey qoraalkii ay jariidadda afka dheer, The East African (30 October 2011 ) ku magacawday “Grand Strategy”, qorshe-weynaha ay Soomaaliya ku qaybsanayaan dalalka la dariska ah oo ah Keenya iyo Itoobiya (eeg qormo 1). Waxaan kaloo qormadii koowaad ku soo bandhignay faahfaahin qayaxan oo ay isla qorshahaan hore uga bixisay jariidad-qarameedda Keenya, Daily Nation (4 October 2008). Waxaan tilmaannay maqaalkii qareenka reer Keenya Donald Kipkorir uu ku tiiq-tiiqsanayey sida ay muhiim u tahay una fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya kala googooyaan ka dibna kala qaybsadaan dhulka Soomaaliya, marka ay gacanta ku dhigaanna iyaga iyo quwadaha waaweyn ee la saaxiibka ah inay iska kaashadaan la-soo-bixidda iyo ka-faai’deysiga khayraadka dabiiciga ah ee uu hodonka ku yahay dhulka Soomaaliyeed. Quwadaha uu tilmaamay, sheegayna inay arrintan gacan ku siinayaan waxaa hormuud ka ah Maraykanka.

Qoraal kale oo aan tix-raacnay wuxuu ahaa kii qorshe-weynahan iyo cawaaqibka ka dhalan doona uu ku falanqaynayey Prof. Michael Weinstein (Kenya News 24, 14/11/11) oo ah hormuudka khubarada Maraykanka ee dasa siyaasadda Soomaaliya, ahna barfasoor culuunta siyaasada ka dhiga JaamPurdue ee Maraaykanka. Warbixintaas Dr. Weinsten wuxuu hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya (Itoobiyana ka daba gashay) ku tilmaamay inuu yahay bilowgii fulinta qorshahaas lagu qaybsanayo dhulka Soomaaliya, laguna soo af-jarayo qaranimadii Soomaalida. Wu

Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta. W/Q: Maxamed Nuur Shire
Horudhac

Towxiidka waa kalmadda furaha u ah Islaamnimada, macnaheeduna waa, in cid xaq lagu caabudo ayan jirin Illaaha weyn  maahee, qeybta kalena waa, in Nabi Muxamad loo qiro inuu yahay rasuulkiisa. qofku marka uu intaas ku dhawaaqana waa qof  Muslim ah oo Illaahay rumeeyey, wixii intaas ka dambeeyana waxaa laga rabaa inuu la yimaado ficiladii kale ee Muslimiinta laga rabay, sida Salaadda, Zakada, “ciddii awoodda” Soonka, iyo Xajka, qofkii intaas la yimaadana waa Muslim dhiiggiisa iyo maalkiisa in la nabad galiyo la doonayo.

Shareecada Islaamka waa qaanuun dhameystiran oo Illaahay ugu talagalay inay aadanuhu weheshadaan inta ay adduunka saaran yihiin, iskuna dhaqaan, isla markaasna ay ku jirto danta aadanaha adduun iyo aakhiroba.

Muslimiintu waa dadka qiray kalmadda Towxiidka, ka dibna ku daray falalkii kale ee Islaamku amray, sida Salaadda iyo Soonka, Zakada iyo Xajka ciddii awoodda, 5 taas tiirna waa kuwa ay ku taagan tahay Islaamnimada.

Al-Shabaab iyo Taageerayaashoodu Kalmadahaasi sidee u isticmaalaan?

1- Towxiidka

Kalmadda Towxiidka ee furaha u ah Islaamnimada, sidaas waa u yaqaanaan, laakiin waxaa jira macnayaal kale oo ay si gaar ah ugu adeegsadaan, taasoo cidda aan ku raacin ay  ku sheegaan cid aan fahmin towxiidka, waaba haddii ayan diinta Islaamka ka saarine, waxaana ka mid ah:

A- jihaadka

Jiritaanka Jihaadka , ma ‘ahan mid ay doodi ka taagan tahay Muslimiinta dhexdooda, balse waxa muranka ugu badan ka jiraa ee Al-Shabaab iyo ururada la aragtida ah lagu diiddan yahay ayaa ah, noociyadda Jihaadka iyo shuruudihiisa.

Haddii aan taas isla fahanno,   Al-Shabaab  iyo inta ku aragtida ah ayaa waxa ay qabaan, ciddii arimahaasi kala doodda ama ku diidda, in ayan Towxiidka fahmin, marka aad maqashid hebel towxiid ma fahmin ama koox hebla, yeyan kaa hoos bixin Towxiidka la fahmayo ma ahan kii caadiga ahaa ee aad taqaanay ee waa, sida ay Towxiidka u fahansan yihiin  oo ah, noociyada Jihaadka aan lagu raacsaneyn ciddii aan ula fahmin sida ay rabaan.

Sheikh Jaamac C/salaam oo ka mid ah culimada hadda la dhacsan fikirka aan ka hadlayo, ayaa bisihii 4-aad ee sanadkii 2010-kii, mar uu ka hadlayey masaajid ku yaala magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in culimada Ictisaam ayan fahmin towxiidka. isaguna uusan horey u fahansaneyn, taas macnaheeda waxaan filayaa inay caddahay waxa uu Towxiidka ka wado.

B-Col iyo Saaxiib

Marka ay halkaan joogto, Al-Shabaab  iyo ururada la halmaala, mar kale ayey isticmaalaan ereyga ah ” Towxiidka lama fahmin” waxay ka wadaan :ciddii aan col la nahay la colow, ciddii aan saaxiib la nahayna la saaxiib, haddii kale towxiidka ma aadan fahmin: macnahan oo dhameystiran qodobka kale ee Muslimiinta baan ugu tagi  doonaa.

2- Shareecada

Shareecada Islaamka ee aan kor ku soo sharraxnay, taasoo muslimiinta laga rabo inay hirgeliyaan, waa mid dhameystiran, mana ahan shareecada Islaamka in lagu koobo waxyaabo dhowr ah.  Soomaalidu waa Muslimiin waa ku dhasheen shareecada, kuna dhaqmaan in badan, waxna waa ka dhiman yihiin u baahan in la dhaqan geliyo.

Shareecada ay Al-Shabaab u dagaalamayaan hirgelinteeda, waa shareeco ay shuruudo laba ah ku xiran yihiin, waxayna kala yihiin labada shardi:

1- In Shareecada loo hirgaliyo sida ay u fahansan yihiin, looguna dhaqmo.

2- In cidda hirgelineysa ay iyagu noqdaan oo cid kale ayan shareecada wax ku maamulin.

In Shareecada loo hirgeliyo sida ay u fahansan yihiin waxaan ka wadaa, dadka Muslimiinta ah waxaa jira aragtiyo u dhexeysa, gaar ahaan furuucda, ama fahanka, sidaas daraadeed waxaa jira madaahib iyo aaraa culimadu kala qabaan kuwii hore iyo kuwa dambe, mas’alo ijtihaadi ah ayaa noocyo kala duwan loo kala arkaa, marka iyagu waxa ay doonayaan in aragtidooda ay noqoto midda lagu saleynayo Shareecada Islaamka, taas xagga u tuur.

Midda kale Al-Shabaab cid kale lama doonayaan inay Shareecada hirgeliso, waxaana  tusaale u ah:

Xarakada Al-Shabaab cid aan iyaga aheyn ma dooneyso inay Shareeco wax ku maamusho, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa ururkii Xisbul Islaam ee ay arimaha badan isku raacsanaayeen inay ula dagaalameen meelo badan in ay Shabaab ku soo biiraan oo shareecada cidda wax ku xukumeysa ay noqoto oo kaliya Al-Shabaab, haddii la dhaho midnimaa la raadinayey, sax  Muslimiinta waa laga rabaa inay mid ahaadaane maxaa loola dagaalamay iyagaaba diyaar u ahaa midnimada oo ku baaqayaye? haddii la yiraahdo dagaalkii Kismaayo waxaa lala galay Axmed Madoobe oo hadda Kenya la socda, kii Buurhakaba yaa lala galay, mase C/qaadir Kumaandoos baa asna meel kale ku xirnaa?.

3-Muslimiinta

Bulsho ama qof marka Muslim la dhahayo, waan soo marnay oo kuma laabanayo, inta badanna dadku waa yaqaanaan,  balse halka aan u socda adna aad iga dhowreyso waa qolyaha aan ka hadleyno Muslimiin yey ka wadaan? si aad jawaabta su’aashaas iila wadaagto wax yar u dul qaado qormadan:

Ma maqashay ereyadan?

Muslimiintii baa la baabi’iyey.

Muslimiintii baa la dhibaa

Ahlu Towxiidkii baa baxsan la’

Macnaha waxaa weeye iyagaa isku wada, dabcan iyagu Muslimiinta ayey ka mid yihiin, in muslinimadooda loo dhibana sax maaha, balse meel ay muslimiin iyaga ka badan ku nool yihiin oo dhul islaam ah, wax dhib ahna ay muslimiinta guud ku qabin inay dhahaan Muslimiin baa lagu dhibaa macno kale u garan maayo aan ka aheyn in Muslimiinta ay sheegayaan ay iyaga iska wadaan, gaar ahaan  marka loo dhibo arimaha  ay muslimiinta guud isku diiddanaayeen. waxaaba halkaas laga yaabaa in kali-muslinnimo ay  muuqato, laakiin hadda macnahaas uma jeedo, iyagana walow ay ka muuqato haddana waxay sheegaan inayan sidaas aaminsaneyn, in loo tixgeliyana waa ila wanaagsan tahay.

Al-Shabaab, iyagu shareecadii maaha oo ciddii iyaga la colowda shareecada inay col la tahaykamadhalaneyso. sidoo kale iyaga Muslimiinta oo dhan ma matalaan, meel iyaga lagu doortay oo umadda inay hoggaamiyaan loogu wakiishayna majirto, waa dad muslimiinta ka mid ah, sax iyo qaladna leh, su’aalo badanna waxaa ay ka furan yihiin halka ay umadda ku wadaan, wax yar su’aalahan ila fiiri.

1- Koox muslimiinta ka mid ah ma u babac dhigi kartaa gaalo oo dhan iyo inta badan muslimiinta?

2- Gar miyaa in Soomaalida  lagu tijaabiyo arimo culculus oo ayan ka bixi karin,  inta badan dadkuna  ay fashil u arkaan?

3- Intii 20 sano iyo ka badan ka dib laga shalaayi lahaa falal aan faa’iido badneyn, sow gar maaha in marka la nabad qabo aan lagu dhaqaaqin?

4- Haddii dadka diinta bartay badankoodu diinta xagal-daacinayaan yey yihiin dadka koryeelaya?

5- Haddii dhulkii kale ee Soomaalidu deggeneyd la leeyahay halaga soo Hijroodo dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaana ay doodi ka taagan tahay xukunkooda, yey kooxdani dartood u baaba’ayaan ma cid ay gaalo u arkaan iyo dhul ay waddan gaalo u arkaan bay daraadood u dhamaanayaan?

6- Haddii xiligan la leeyahay inta badan umaddu  maanta Towxiid ma fahmin goorma ayaa dadku towxiidka fahmayaan, dad intiisa badan ayan towxiid fahansaneyna sidee Jihaad looga dhaadhicin karaa?

7- Haddii intii saaxiibada ahaa ay isku haystaan arimahaasi masiiriga ah goorma ayaa bulshadii kale sida aad wax u dooneyso uga gadeysaa, goorma ayaase caalam kale u gudubtaa?

8- Qofkii su’aalahaasi keena ma murtad baa, mase waa mufsid dil mudan?

9-Haddii Nabi Muxamad (SCW) kabarinoqonayey qaar ka mid ah ficiladii ay saaxiibadii sameeyeen, maxaa loo maqli waayey Al-Shabaab oo ka cudur daaranaya wax ay haleeyeen?

10- Akhristaha qormadanow waligaa ma maqashay ficil hebel oo ay Al-Shabaab sameeyeen oo ay cambaareynayaan madaxda xarakadu, mase 5 sano iyo ka badan ururku maba qaldamin weli?

11- Qof mulim ah wax ka sheegiis ma lagu gaaloobaa?

12- Koox muslimiinta ka mid ah wax ka sheegeed malagu gaaloobaa?

13- Muxuu yahay waxa u dhexeeya qof muslim ah iyo koox muslimiinta ka mid ah?

Gunaanad

Towxiidku waa albaabkii laga soo galayey Islaamnimada, cid gaar u leh oo gooni uga sheegan karta dadka kalena majirto, Musliinta oo dhan ayuuna u dhexeeyaa haba kala badiyaane, haddii ay sidaas tahay, sax ma ahan in koox gaar ah si ay u fahansan tahay laga dhigo sidii saxda aheyd ee aan la khilaafi karin.

Shareecada Islaamka waa wax laga rabo qof walba inuu isagu ku dhaqmo, waxaana ka mid ah ku dhaqankeeda, salaadda oo la toosiyo, soonka, zakada iyo Xajka oo la guto ciddii awoodda, dhiiga muslimka oo la dhowro, xanta oo laga tago, muslimiinta oo loo turo, cilmiga oo la barto, waaliddiinta oo baarri loo noqdo, wanaagga oo dadka si xikmad leh loogu sheego xumaanta oo dadka laga reebo, “haddii xumaanta la reebayo ayan ka dhalaneynin xumaan ka badan”, dalka oo si guud ay uga muuqato sharaa’irta Islaamka, masaakiinta oo la caawiyo, dadka waaweyn oo la ixtiraamo, dariska oo xaqooda la ilaaliyo, in lagu dadaalo  intii ciqaab laga baqi lahaa in dadku xumaanta qanaacadooda isaga dhaafaan, ka dib marka lagu wacyi geliyo , ciddii intaas oo dhan wax ku qaadan weyda oo sidii shareecadu tiri garab-marta, lana timaadda wax xad keensanayana sidii shareecadu tiri la mariyo, iyadoo aan xadka loo fulineynin anaa kaa xoog weyn, ee maxkamad iyo cadaalad la marayo, loona fulinayo xadka si weliba waafaqsan wanaagga iyo naseexada ee aan  la coleytan iyo ku xumeyn aan laga wadin. arimahaasi iyo kuwa kale oo badan ayaa ka mid ah Shareecada Islaamka ee wanaagga  badan.

Muslimiintana, waa kuwa  intaas rumeysan kuna dhaqma, cid walba meel ha u joogtee, waxaa ka mid ah: mid naftiisa dulmiyey, mid dhexdhexeysta, iyo mid u hormara kheyraadka, Muslimiintuna ma ahan koox gaar ah.

Haddaba akhristaha mudnaanta lahow, waxaan filayaa inaan isla fahannay macnaha laga wado 3-da erey ee aan jeexjeexnay, anigoo ku kalsoon in dad badan oo qormadan akhrin doona ay ku baraarugsanaayeen aniga hortay.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

UURDOOX: Qaybta 5aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya

Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto.

Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah.

Haddii aad culays ka dareemeeyso qoraalladayda ha la yaabin sababtoo ah waa noloshaydii iyo waaya aragnimada qof ahaaneed ee aan soo maray. Waxaa horay loo yidhi: oohinta qofka laga dhintay iyo mida qofka la soo kiraystay ooynayso isku mid ma aha, (waa dhaqan carabtu lahayd in dumarka laga dhintay soo kiraysaan dumar kale oo la ooya) Waxaa ii muuqda meesha ummaddaan u dhimanayso in ay tahay diin la’aanta iyo in aan la qiimayn waxa la haysto iyo waxa maqan ee la rabo in la doono. Maxaa fiican oo qofkii kaa horreeyay qabtay oo u baahan sii wadid, maxaa lagaa rabaa in aad ku kordhiso oo ka dhiman.

Lafoole

Kulliyadda waxbarashada ee lafoole waxay leedahay taariikh gaar ah oo mudan in la xuso sababtoo ah waa kulliyaddii ay kasoo baxeen macallimiin badan oo wax baray facyaalkii wax bartay ee dalka qaybihiisa kala geddisan maamulka u qabtay. Waxaa la furay lafoole Octobar 1963, waxaa dhismaha iyo meesha laga dhisayba fuliyay maraykanka, wuxuu ka dhex dhisay masjid leh minaarad quruxbadan, waxaa lagu billaabay 5 macallin oo maraykan ah oo kayimidEasternMichiganUniversitymid kamid ah ayaana madax u noqday iyo 2 macallin oo masaari ah oo midna dhigo luqadda carabiga midna diinta.

Dr. ismaciil Samatar oo kamid ahaa 50-kii arday ee lagu furay),waxaa la dhihi jiray NTEC (National Teacher Education Center), waxay ku xirnayd jaamacadaha maraykanka ,raga kasoo baxa waxay ahaayeen rag aad ay u saamaysay ilbaxnimada galbeedka, afka wax lagu barto wuxuu ahaa afka ingriiska, oo ninka ku hadlaa laba jumladood uu ahaa nin la jeclaysto in la noqdo isagoo kale waxbaba yaanay u wehlinin hadduu rabee. Sidoo kale waxaa lamid ahaa qofka talyaaniga ku hadla,sababtuna waxay ahayd waa afka qolada dadka dunida qabsatay.

Macallin kamid ah macallimiintii wax ka dhigaysay Dugsiga sare ee Axmed Warsame ee magaalada Beledwayne, maamulana nooga ahaa cismaan Badawi ayaa maalin wuxuu noo dhigayay taarikhda aadanaha wuxuu aad nooga dhaadhiciyay in dadka daanyeer kayimaadeen (evolution), dood culus ayaa na dhexmartay laakin waa ku adkaystay ardaydiina qaar ayaa ku raacay, waxaan noqday wadaad diin duqoowday ku dheggan, ciil darted waxaan doondoontay wax burrinaya nadariyaddaan cilmi ahaan si aan uga horgeeyo isagana dhiciyo macallinka waana waayay, tusaalahan aan kuu sheegayo waxay haystaa arday walba oo iskuul dhigta intaa iyo kabadanna waa ku dhacayaan.

Ogoow akhristoow ardada waa dadka ay fiirsanayaan dadka oo dhan, dugsiga sare waxaan ku dhiganaynay markaas 27 arday. Macallimiinta kale waxay kasoo bixi jireen dugsiga Maccestrale oo lagu dhigi jiray afka talyaaniga. Macallimiinta inta tukato waa nadir xataakandiinta dhiga ma tukado. Waddamo badan ayaa waxaa ugu horreeyn laga furay kulliyadaha waxbarashada ujeedada waxay ahayd in la helo macallimiin xambaarsan fikirka galbeedka oo soo saaro hoggaamiyayaashii barrito, waase usoo noqon doona ujeeddo ayaan kaleeyahay xusiddan.

Mashruuca islamka iyo kacaanka:

Sida aan kuu soo sheegay waxaan u wareegnay beesha hantiwadaagga ee uu hogaaminayo USSR (United Soviet Socialist Republics) ,madaxweeynihii dalka ayaa ku dhawaaqay in la qaatay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan (scientific Socialism) oo aabbayaal u yihiin Karl Marx iyo Lenin. Gumeeysigii wuxuu ka tagay maxkamado lagu xukumo shareecada islaamka gaar ahaan waxa la xidhiidha arrimaha qoyska sida; dhaxalka ,guurka furriinka iwm, oo uu fadhiyo qaaddi diinta islamka yaqaan.

Janaayo 11, 1975 ayaa kacaanka soo saaray sharcigii xeerka qoyska ee”sinnaanta ragga iyo dumarka” Jan 1 7,1975 maalin jimce ah ayaa wadaad ka istaagay masjidka Sh. Cabdulqaadir magaciisana ahaa sheikh Maxamad Axmed wuxuuna gacanta bidix ku qabtay wargayskii lagu qoray go’aankii xeerka qoyska, gacanta midigna quraanka isagoo leh makanaa cadaalad ah misekan. Shiikh kale oo magaciisa la dhihi jiray Sh. Muuse yusuf oo masjid kale ka hadlayayaa tilmaamay in aan Ruush wax naga dhexeeya jirin ee shartiisa allaha na dhaafiyo , nin kale oo sheikh masaari ahna waa ka hadlay oo markii dambe dalka laga musaafuriyay. Waxay culimada ka hadlayaan axkaamtii qoyska ee yarayd ee uu talyaaniga ka tagay oo ka haray shareecadii islaamka oo dhan maxaa loo bedalayaa?. Waxaa dhacay kacdoon bulsheed oo xoog badan kuna sigtay kacaanka inuu dhaco. Kaddib waxaa la xidhxidhay dad aad u farabadan kadibna waxaa lasoo joojiyay maxkamad,xukunkii wuxuu u dhacay sida tan;

Subax Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay. Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin;

1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2-Sheekh Muuse Yuusuf

3-Sheekh Axmed Iimaan

4-Cali Xasan Warsame

5-Xasan Ciise Iley

6-Maxamed Siyaad Xirsi

7-Cali Jaamac Xirsi

8-Aadan Cali Xirsi

9-Saleebaan Jaamac Maxamed

10-Yaasiin Cilmi Cawil

Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10-kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970ki”(1) Xukunka waxaa ridday Maxkamadda Badbaadada Dalka oo aan laga qaadan Karin racfaan.

Xilligaa in badan oo saxwada ah waxay ku maqnaayeen ololihii baridda afka soomaaliga,kacdoonkan wuxuu ahaa mid shacbi ah oogilgilay dowladda. Fulintii dilkana waxay farriin xooggan u dirtay ciddii istitraahada waxaad ka hortagi kartaan mabda’ hantiwadaagga ee wadiidiisa cagta saaray. Raga kacaanka hoggaaminayo waa saraakiil kasoo wada baxay inta badan kulliyadaha dalka Talyaaniga sida Modena iyo kuwa ingriiska sida Sanders iyo kuwa carabta sida Masar, waxaa lagu sheegaa inay tukadaan labo nin Cismaan Maxamad Jeelle iyo Axmed Xassan Muuse, diintaa wax lagu dhaqi karaa iyo fahamkeeda aad iyo aad ayay uga fogyihiin, waa rag ay ka go’antahay in ay waddankooda horay u mariyaan, kana saaraan dib u dhaca, laakin shareecada in wax lagu xukumi karo xagga iska dhig oo waxay kala midyihiin madax badan oo ah kuwa ka taliyo dunida muslimka.

Madaxtooyada masaajid maleh, iskuulaadka ,jaamacadaha waa sidoo kale, kulliyadda jaalle siyaad ee saraakiisha kasoo baxaan masjid ma lahan, ninka yidhaahda waa tukanaa waxaa ku adkaanaya in uu helo waqti uu ku tukado iyo meel uu ku tukado. Welwelka ugu wayn waa sidee u tukataa ama diintaada u haysataa adigoo waxbaranaya ama shaqaynaya.

Tusaale ahaan waxaan xusi karaa, Lix gabdhood ayaa laga raacdeeyay kulliyadda lafoole, waxaa la yidhi kala doorta qaadashada xijaabka iyo waxbarashadiinna aad soo waddeen, waxay doorteen in aanay dhigin xijaabka alle ku faradyeelay/waajibiyey, gabdhaha waa gabdho soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare oo aad u adkayd, waxaa dhibka cayrinta ka daran waalidka oo dhan oo u arkayo qof dhintay oo ku ciyaaray mustaqbalkiisii, dadaalkii waalidkana kadhigay halbacaad lagu lisay, ma aha gabdho akhlaaq xun sababta lagu cayrinayo, kaliya waa qaadashada xijaabka oo ahaa wax lala yaabo waqtigaa, waad garankartaa culayska gabdhahaa fuulay iyo waxa ay u adkaysteen,waxaad ku qaboowsataan maanta in aan Iskoolaadka soomaaliya dhamaantood ama in badan oo kamid ah aan la aqbalayn gabar aan xijaabnayn, waxaan rajaynayaa gabar kasta oo Xijaaban oo Soomaali ah ama xijaaban doonto in uu ajar idikaga socdo, abaalka aakhirana waa kasii wayn yahay bi idni laah.

Gabdhahaas waxay kala ahaayeen;

1. Caasho Salad oo hadda yemenjoogta (xaaska Cali Muuse Ciise)

2. Khadiijo Garwayne kuna nool Toronto (Marwada Sh. Maxamuud foodcadde Allaha jannadii ha ka waraabiyee ka geeriyooday)

3. Qaali Maxamed Cabdi (allaha u naxariisto)

Iyo saddex gabdhood oo kale. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu naarta ka xijaabo, xariirta Janadana labis uga dhigo, idinka waxaan idinka rajayanayaa inaad u ducayn doontaan. Akhristoow amaad istiraahdaa wadaadka ma dhul gaaluu ka sheekaynayaa, maya ii sug wax yar. Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya raggeedii waxay go’aansadeen in ay marka ugu horraysa is dhisaan oo ay soo saaraan rag kun nin u dhigma iyo in arddada soo dhamaysata dugsiyada sare loo jiheeyo laba qeeybood:

b- Milateriga

t- Waxbarashada

Labadaan mu’asaso waa labada laga fasahaadiyo dunida muslimka, tan hore waa xoogga loo adeegsado fulinta mabda’ kasta oo xun iyadoo isla markaana ah awoodda lagu caburiyo shucuubta muslimka ah. Tan dambe waa midda barbaarisa facyaalka soo kacayo oo dhan waxa wax barbaarinayana waa macallimiinta kasoo baxday kulliyadda waxbarashada lafoole.Ardada kasoo baxaysa waxbarashada, reerahoodu waxay u sugayaan sida reer sabool ah oo hal neef oo dhalaya leh sida ay u sugaan, waxaa lasii qorsheeynayaa meesha waxbarasho ka gali lahaa iyo shaqada uu qaban lahaa si reerka u soo galiyo dhaqaale fiican, haddii uu ardayga yahay wadaad waxaa in badan iska horimaanayo qorshihii reerka iyo kii xarakada islaamka, waxay ku qaadanaysaa waqti in uu ka qanciyo reerka meesha loo dooray, sidaa daraadeed waa inuu reerka qorshahooda raacaa haday u diraan labada kuliyadood ee aan soo xusnay meel aan ahayn, oo uu markaas jabiyaa istraatijiyadii dhaqdhaqaaqa islaamka.

Waxaad ogaataa ardada wadaaddada ah inay yihiin ardada xagga aqoonta ugu sarraysa iskuulaadka, taasoo meesha ka saartay in hoos loo fiiriyo wadaadka, waa la yaqaannay fagaarayaasha waxbarashada marjica waxay ahaayeen wadaadada. Walaaha waxdada waxay ka fureen Hargaysa iskuullo gaar ah oo laba ujeeddo kalahaayeen,in ay raggooda ku dhisaan aqoon ahaan iyo in ku kasbadaan ardada kale waxaana kasoo baxay rag waawayn oo dacwada wax wayn ka taray. Mararka qaarkood waxay nafta iigu sheekayn jirtay war xaggee ka iman nasriga Kooxdii u horraysay waxay aadeenRussia, kooxdii labaad waxay ku xaroodeen kulliyadda Jaalle Siyaad.

Waxay ahaayeen 5 nin, waxaa maalmihii koobaadba lasoo cayriyay saddex kamid ah, maxaa lagu soo ceeyriyay? Sheekadan waa taariikh yaanay ku dhaafin, layli saraakiishii ayaa waxay ku jireen hoolka shirarka waxaa khudbad u jeedinayay sarkaal sare, waxaa soo gashay salaaddii maqrib, wadaaddadii waa kuurkuursadeen war see yeelnaa salaaddii waa joogtaa? Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto? markuu dhowr jeer gacanta taagay oo salaaddii loo diiday ayaa saddexdoodi midna imam noqday labana ku xirteen meel hoolkii dhexdiisa ah, iyagoo sujuudsan ayaa askar lagu dalbaday lug iyo gacan isu qabteen waxaana lagu tuuray xabsiga iyagoo aan dhammmaysan salaaddii kadibna waxaa laga tiriyay dirayskii waana la cayriyay, maanta waa joogaan.

Magacyada raggaas waxay ahaayeen;

1- Xasan Afrax Guure

2- Axmed Ducaale

3- Mahdi Jimcaale.

4- Sh. Cabdinasir Xaaji Axmed oo ragga ka mid ahaa ayaa warka faahfaahintiisa ka heli kartaa.

Ragaas ilaahay waxaan uga baryayaa in xabsiga aakhiro ilaahay ka badbaadiyo, khaa’iqda dhexdoodana uu ku sharfo maalinta ummaduhu aruman yihiin. Halkaas ha inoo joogto lasoco qoraalka danbe insha allaah. Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan inta ducada iyo dhiira galinta qoray ama ila soo xiriiray, Jazaakumu laahu khayran.

Waa inoo qormada soo socota insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

burdhinle@yahoo.com

Ma gar bay idin la tahay? 1aad Qalinkii: Murriyo Cali Max’ud
Ugu horrayn waxaan idiin sheegayaa waxaan ahay qof  soomaaliyeed oo ku nool gobolka bari, waxaan aalaaba akhriyaa qoraallada la soo galiyo mareegaha ku ab tirsada baraarugga islaamka soomaaliya, waxaan in badan is waydiiyay dadka mareegaha  qaarkood wax ku qoraa waa ilma ayo, yaa dhalay, xagee lagu dhalay?, dhalmada ulama jeedo tii dhabta ahayd iyo haybtii abtirka aabayaal iyo awoowayaal, waxa aanse ula jeedaa goormay wadaaddo noqdeen, madarasadee ayay ku abtirsadaan, yayse hadda u shaqeeyaan?.

Dhab ahaan intuba waa su’aalo u baahan in si fiican loo dhuuxo, aad iyo aadna loo lafo guro, loona helo jawaabo ku filan in la ogaado dunta iyo  macdanta dadkaas iyaga ah, waxay culimdu yiraahdaan لولا السند لقال من شاء ما شاء ) ( haddaan sanadku jirin qof walbaa wuxuu oran lahaa waxa uu doono, sanadkuna waa abtirka cidda hadalka oranaysa si loo kala hufo warka dadku ay sheegayaan oo midna u noqdo mid nabad galay oo caafimaad qaba midna mid balaysan oo xanuun ka muuqdo, waa wax ay aad u yaqaannaan Culimada xadiisku.

Waxaan is waydiiyaa dadkaani waa summad laawayaal astaan ka dhigtay Abu-hebel, waa waxa luqadda afka carbeed loo yaqaan (كنيه) oo ah in la yiraahdo hebel ama heblaayo aabihiis/aabeheed ama hooyadiis/hooyadeed, waa halka soomaalidu ka jeceshahay ina hebel ama ina´hebel oo gabar ah, laakiin haddii kunyada aan soo sheegay oo ay carabtu jeclayd, Islaamkuna sunneeyay ma lagu kaaftoomi karaa haddaan la aqoon abuugaas ama ummudaas haddii aan la helin aqoon dhamays tiran oo ah mid haybeed, mid dhaqan iyo akhlaaqeed iyo waliba mid caqiidaba, waxay ila tahay in qof walba oo aqoon leh mid diineed iyo mid kaleba in ay jawaabtu tahay maya laguma kaaf toomi karo.

Waxaa intaa ka sii daran waxay ka warramayaan taariikh waxayna oranayaan anigu goob-joog ma ahayne saas ayaa warku igu soo gaaray, haddaan khaldanahayna waa lay sixi karaa, hadalkaas waxaa yiraahda dad badan oo nooca aan ka warramaya ah waxaase la yiri mayd maxaa u dambeeyay saa la yeen kaas la sii sido bal oraahdaan ka eega awga isku naanaysay Abu-Ibraahim ee leh qormada uu ugu gar naqayo Culimo uu u kala bixiyay Culimada Al-shabaab iyo Culimada Al-ictisaam, oo waa yaabe haddii aanay hubin warka ay sheegayaan may soo hubsadaan illeyn Hubsiino hal baa la siistaaye, (كفى بالمرء إثما أن يقول بكل ما سمع) waa oraah laga soo guuriyay Nabigeenna Muxamad ah Salawaatullaahi wa salaamuhu calayhi, macnaheeduna yahay waxaa qofka dambi ugu filan inuu sheego wax walba oo uu maqlo, waxa aanse is leeyahay waxaanu waa baroortu orgiga ka wayn, una malayn maayo  xitaa haddii la saxo in qaarkood ay qaadanayaan.

Sidoo kale waxa ugu horreeya ee ay duminayaan waa Culimadii laga soo aflaxay ee dadka soomaalida ah baray Tawxiidka, ku dhaqanka Qur’aanka iyo Sunnaha, Xijaabka, Akhlaaqda toosan iyo u hardanka in loo hardamo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, gaar ahaan waxay aad ugu dadaalaan inay maryaha ka dhigaan madarasada Salafiga ah Culimadeeda.

Waa yaabe waxay wax walba ka dhalaalinayaan cayda culimada. Waa yaab iyo amakaag markaad akhridid iyagoo mareegahooda ku soo qoraya “gaal fahmay dhagarta lagu hayo muslimiinta iyo Culimada Ictisaam oo gaalada wali daba ordaya”, waxa aan anigu u qaatay in ay tahay hawl ay ka wada shaqaynayaan qofaf, kooxo iyo dawlado, maxaa yeelay kuwaan aan ka hadlayo iyo Gaalada kuwooda sameeya ra’yiga waxay isku waafqsan yihiin in madarasada Salafiga ah ama waxa ay ku naanayseen wahaabiisimka in ay isku si ula wada dagaallamaan.

Waa yaabe maxaa isku hawl ka dhigay ayagoo isu muujinaya inay dirirsan yihiin! bal adba, hadii aysan ahayn sidii ninkii habartu lagaddey ee yiri anoo gunti xun, meeshoo sibsib ahayd iyo habartoo sinsaaryo taqaannay ayaa kulmaye habartu ima lagaddeen, hadda gaaladii oo wahaabiisimka la dirirsan iyo abuuyada oo wahaabiisimka mujaahidiinta ka difaacaya ayaa kulmay malaha.

Intaba waxaa igala yaab badan Abuuyadu iyagoo Halkable miiran ah ayay suugaan isla soo mutuxaan ay gabay u wada baxsheen bal dhagayso mid yiri saar baan tirinayaa laakiin bayd toosani uusan ku jirin marka laga reebo baydka rakaadda ah ama dhextaalka ee ah ma maqasheen maalmahaan, ma aragtay Abuu-Faadumo oo isna yiri tixbaan tirinayaa mise waa mid jaban iyo mid jiis ah, laakiin Cubtan ayaa intay samada ka keentay laf dhabar, biixi iyo addin is dhaaf ah jabisay, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa loola  jeedaa Halkable, Halkable waa eray soomaali guun ah ka haray oo ah kan aan maanso ruugga ahayn laakiin is ka dhiga maansayahan birta calashaday.

Illeen af laba daan lihi hadal kama daalo, waxaa saacad walba la soo qoryaa ama giraan lagu soo qabanayaa hadal aan nuxur lahayn oo iga gee ah, laakiin loo ekaysiinayo loo qaateen inta loo sameeyo cinwaan dhiigu ka da’yo, waxaa lagu soo cayiliyaa war aan la hubin mid been ah oo iska cad haddii aynaan is yeelyeelayn waa wax qof walba oo caqli in yar ka lihi uu garan karo laakiin waxaad mooddaa in aynu noqonay dhagaystayaal iyo waliba akhristyaal diimoon oo ah mooganayaal aan dareen iyo dadnimo lagu ogayn, waayo Abuuyada aan la hayb aqoon iyo Culimada waawayn ee aynu cilmiga ka baranay ee hebellada  aad wada taqaanaan ah ayaynu u nahay dhexdhexaad amaba Abuuyada aynaan aqoon tolow ma caddaan baa mise waa madow ayaynuba la safanahay.

Garta abuuyadu fureen

Gorfaynaayaan ilmuhu

Gabgabta iyo orodka iyo

Hadba geed fuulka iyo

Garnaqsiga kali ahaan

Go’aankay gaarayaan

Gargayrtay caayayaan

Ma gar bay idin la tahay?

Anaa gaylamahayoo

Diintana gargaarayoo

Gaalada hor jooga oo

Gaashaan aan jabin marnaba

Waxaan ahay geesi wayn

Muslinkii i gees marana

Inaan gawracahayoo

Unuunkana aan goyn

Masjidkaba haba galee

Akhyaareey waa gamuur

Ogow mana aan galdi’in

Ma gar bay idin la tahay?

Culimadii waa gaftoo

Dhulkay wada  gooshayaan

Qamiisyay gashan yihiin

Mana gaagaab sadaan

Gaaladay jecel yihiin

Annagana gaaladaa

Garaamahayaga qabtoo

Gurboodkana noo hayoo

Guryo wacan noo dhigoo

Gacal bay noo yihiin

Mana aanaan gafine

Gar baannu ku taagan nahay

Ma gar bay idin la tahay?

La soco qormada xigta.

Murriyo Cali Max’ud

murriyo2@hotmail.com

Boosaaso Somaaliya

Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta koowaad
Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsan yahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamullada jamaacada ee dalka iyo dibaddaba.

FG: Waxaa jirey qoraal maamulka guud ee jamaacadu u qaybiyey maamullada jamaacada ee dalka iyo dibadda 21kii Feb 2006 oo ahayd seddex beri ka dib markuu dagaalku qarxay; si loogu gudbiya xubnaha jamaacada, dadweynahana loogu wacyigaliyo. Haddii aan qoraalkaas helo waan soo galin doonaa, in shaa’ Allaah.

Sh. Axmed C/samad

Qoraalkii waa kan:

بسم الله الرحمن الرحيم

warbixin kooban iyo soo jeedin

Salaamun calaykum

Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiin rajaynaynaa idinka, ahalka iyo walaalahaba khayr, annaguna – Alle ayaa mahad lehe – aad baan u ladan nahay.

Walaalayaal qoraalkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan dhacdooyinkii Muqdisho labadii usbuuc ee la soo dhaafay, ka dibna waxaan soo jeedinaynaa talooyin ku aaddan arrimahaas.

Warbixin:

Maalintii sabtida ee 18/02/06 ayaa lagaga dhawaaqay deegaanka Dayniile isbahaysi loogu magacdaray Isbahaysiga Nabadda iyo La dagaallanka Argagaixisada oo ay xubno ka yihiin toban nin oo sagaal ka mid ah la shaaciyay magacyadooda, waxaana ka mid ahaa:

1.     Max’ed Qanyare Afrax (wasiirka amniga qaranka)

2.      Muuse Suudi Yalaxaw (wasiirka ganacsiga)

3.      Cumar Filish (wasiirka diinta iyo awqaafta)

4.     Xaaraan ku naax (wasiirka dhaqan celinta maleeshiyada)

5.      Bashiir Raage ( ganacsade xiriir weyn la leh hay’adaha sirdoonka gaalada)

6.     Cabdi waal (oo ka mid ah raga dadka gaalada u dhoofin jiray, kuna tiirsan Qanyare)

7.      C/rashiid Ilqayte (ganacsade). Waxaa kale oo ku jira laba nin oo midna yahay Abgaal, kan kalena Sacad oo aan ahayn dad caan ah. Ka dib waxaa si deg deg ah ugu biiray Maxamed Dheere (guddoomiyaha Jawhar) oo isagu naqdi kulul u jeediyay nimankaas markii hore, ka dibna jeediyay hadal ayidaad iyo kala qaybgal ah, taas oo loo fahmay in amar sare u yimid.

Cidda ay la dirirayaan waxay ku sheegeen:

1.     Maxaakimta islaamiga ah

2.      dadka doonaya in ay dalka ku soo rogaan xukunka shareecada islaamka

3.      argagixiso shisheeye ah oo ku dhuumaalaysanaya Muqdisho

4.     dadka qarinaya nimanka argagixisada ah.

5.      niman ku soo tababartay dibadda oo argagixiso ah

6.      nimanka afka duubta oo dadka saraakiisha iyo aqoonyahanka ah dila

7.      nimanka WAHAABIYADA ah oo iyagu la yimid manhaj ka soo horjeeda kan soomaalidu haysato oo ah Shaaficiya suufiyo ah

8.      mar kale waxay sheegeen in ay la dagaallameen ONLF iyo Oromo

Isla maalintii lagu dhawaaqay isbahaysiga ayaa lagu soo qaaday duullaan fadhiyo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha islaamiga ah. Ka dib waxaa halkaa ka qarxay dagaal dhexmaray labada dhinac oo si buuxda loogaga adkaaday isbahaysigii duullaanka soo qaaday dhinac millatari iyo dhinac siyaasadeedba. Waxaa ka dhashay dagaalkaas in uu xirmo garoonkii diyaaradaha Dayniile oo uu haystay Max’ed Qanyare, laguna durko deegaanadii ay joogeen isaga iyo Cabdi waal. Dagaalkaas waxaa si buuxda uga qayb qaatay bulshadii ku dhaqnayd Muqdisho gaar ahaan dadkii ehlu diinka ahaa oo xiray waddooyinkii, lana istaagay qoryo si aan gurmadka isbahaysigu isugu gudbin, waxay kale oo mawqifkooda ku muujiyeen xamaas, kaalmo, xagga ciidankana dad badan oo mutadawiciin ah ayaa goobihii soo dhoobtay. Waxaa Rabbi dadka tusay cawradooda, waxaa kale oo jabkooda ka qayb qaatay qalabka warbaahinta oo si wacan ceebohooda u soo bandhigay, waxaana ka hadlayay arrimahaas Culimada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kalaba.

Asbaabta keentay in sidaa looga horyimaado nimanka waxaa ka mid ahaa:

1.     Iyagoo si cad u sheegay in ay la dirirayaan diinta iyo dadkeeda, isla markaana bilaabay duullaan hubaysan iyo duqayn ku wajahan magaalada.

2.     iyaga oo aan awalba la jeclayn.

3.     cidda lala dirirayo oo ahayd maxkamadihii amniga ka shaqaynayay.

4.     iyadoo isbahaysiga ay ka maqan yihiin rag muhiim ah oo ay ahayd in QANDARAASKA wax laga siiyo, sida Caato, Xuseen Caydiid iyo Gen. Galaal oo iyaguna mawqif adag ka istaagay isbahaysiga. Maxaa yeelay haddii diin la dirir kaliya wuxu yihiin maxaa annaga nalooka booday.

5.     iyada oo qabaa’ilka Habar gidir u fahmeen in isbahaysiga loo samaystay in iyaga lagula diriro, taas oo keentay in ay si weyn uga hor yimaadaan is bahaysiga.

6.     iyada oo duullaanka lagu soo qaaday deegaanka Habar gidir degto, taas oo keentay in ay caddaato tuhmadii ahayd in iyaga iyo diinta loo wada jeedo, illeyn haddii dagaalku diin kaliya yahay may xaafadaha ay haystaan ka bilaabaan.

Waxaa soo baxay in qabiilka Murusade oo deegaankooda laga soo qaaday duullaanka ay iyaguna u qaataan in dagaalakaan ay Habar gidir ku qabsanayso deegaankooda iyo hubkooda; sidaa darteed waxay u gurmadeen Qanyare ka dib markii la jabiyay ciidankii isbahaysiga. Waxay kale oo ka dalbadeen Midawga maxaakimta in dagaalka la joojiyo; maxaa yeelay waxaa ku baaba’aya, kuna barakacaya dadka rayadka ah. Waxay kale oo sheegeen in aysan taageersanayn isbahaysiga, isla markaana aysan ka reebi karin Qanyare isbahaysigiisa, isna uusan oggolayn in uu la xaajaysto maxaakimta, laakiin odayaashu waxay ballanqaadayaan in aan deegaankooda mar kale laga soo weerarin, ugu dambayntiina sidaas ayaa dagaalkii lagu joojiyay iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo dareenka qoyskaas. Waxaa kale oo aad u muuqday in qabiilka Habargidir gaar ahaan Cayr si buuxda ugu jiro dagaalka iyagoo la saftay maxaakimta, waxaana ka yimid Kismaayo iyo inta ka sokaysa gurmad ciidan oo Cayr ah, taas oo keentay in dad badani ku doodaan in dagaalku mid qabiil yahay, waxaase si cad u beeniyay arrintaas labadii dhinac ee dagaalku dhex maray (maxkamadaha iyo isbahaysiga), sidaas oo ay tahay ayaa maxkamadda Murusade sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka, uuna yahay mid la marin habaabiyay isniintii ka dib oo ujeeddoooyin kale lagu wato (Fiqi tolki kama janno tago), waxaanse filayaa in aysan saamayn weyn ku yeelan bulshada.

Waxyaabaha kale ee ay tahay in la soo qaado waxaa ka mid ah in ay maxkamadaha ku daaban yihiin dad kale oo ay is hayaan qolayaha isbahaysiga, sida X. Abuukar Cumar Caddaan oo Bashiir Raage uu ka qabsaday hub iyo fadhiyo uu ku lahaa dariiqa dekadda Ceel-macaan. Waxaa kale oo ka mid ah Yuusuf Indha cadde iyo Cayr-ka kale oo doonaya in ay difaacdaan gobolka Sh/hoose gaar ahaan airport-ka Balli doogle oo wararka qaar sheegayaan in isbahaysigu doonayo in uu ka qabsado intaba, sidaa darteed waxaa muuqata in dagaalku si ballaaran u soccon doono, ayna isu hub uruursanayaan labada dhinacba.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ay madaxda isbahaysigu u amababaxayaan Adis ababa, hadda ka horna waxaa u yimid saraakiil xabashi ah, waxaa kale oo si is daba joog ah u imaanaya qaar ak mid ah hay’adaha sirdoonka ee gaalada, magaaladana waxaa dul heehaabaya dayuurado, inta badan maalinta jimcaha ah yimaada, dadka qaarkoodna ay u fasirayaan in uu xilligaas joogo madaxa ciidanka Maraykanka ee Geeska Afrika .

Xagga mawaaqifta aan ka istaagnay dhacdooyinkaan:

1.     In cadawgeennu yahay Gaalada oo isku dayaysa inay bulshada muslinka ah iyo diinteeda waxyeelayso, ayna adeegsanayso wasiilo kasta oo ay ku gaarayso arrintaas oo ay ka mid tahay in ay adeegsato dad calooshood u shaqaystayaal ah oo guushooda iyo guul darradooduba iyaga u noqonayso guul.

2.     In isbahaysigaani yahay mid u adeegaya cadawgaas, waxa socdana uu yahay XARBI BIL WAKAALA oo ay duullaankaan ku matalayaan Gaalada ay Qandaraaska ka qaateen.

3.     In aysan xikmad ahayn in aynu dagaal ku dhammaano iyada oo cadawgii aan waxba gaarin ee uu ina daawanayo.

4.     Sidoo kale in aysan xikmad ahayn in aynu isku baaba’no dad wax ma garato ah oo Qandaraaslayaashu soo uruursadeen, ugu dambayntana ay gaaladu isku jimlaynayso inta ka dhimata labada dhinac.

5.     In ay guul darro weyn inaku tahay in aynu isku dhammaano dadkii aynu iyaga cadawga ka horgayn lahayn.

6.     In ay lagama maarmaan tahay in la hor istaago duullaanka gaalada loogu adeegayo oo bareerka ah af iyo addinba, laakiin ay lagama maarmaan tahay in loo dhaqmo ( see xeego loo xagtaa ilakana ku nabad galaan).

7.     Sidaa darteed waxaan ku tashanay in la qaado tillaabooyinkaan:

a)    in laga shaqeeyo sidii dagaalka loo joojin lahaa, oo cid kasta oo lug ku leh loogu qancin lahaa arrintaas.

b)    In aannu samayno duruus iyo baraamij ka baxaysa idaacadaha oo aan ku wacyigalinayno bulshada oo ay ka mid yihiin Maxaakimta, qabaa’ilka, Mooryaanta dagaalamaysa iyo kuwa galay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

c)     In aan tafniidino shubhooyinka iyo sheegashooyinka isbahaysigaas ku gabbanayo, dadkana loo tawjiihiyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxaddooda.

d)    In la siiyo maxaakimta iyo dadka kale oo ku hawlan arrimahaan talooyin iyo taageero kalaba oo macnawi u badan.

e)     In looga digo bulshada dhagarta loo maleegayo, loona muujiyo khataraha soo fool leh iyo meelaha dadka laga dagi karo ee ay tahay in la iska awdo.

8.     Mustaqbalka sidii laga yeeli lahaa hawlahaan oo kale gaar ahaan deegaanadaan waxaan la sugaynay in ay isu yimaadaan duqow badan oo qaar ku mashquuleen GURMADkii abaaraha, qaarna safaro jireen, kulankaas ka dibna waxaa la soo saari doonaa sida loola dhaqmayo arrimahaan oo kale.

9.     Waxaan u soo jeedinaynaa maamulada mandiqadaha iyo aqaaliimta:

a)    in ay qaadaan tillabooyin ay kaga gaashaamanayaan dhacdooyinka noocaan oo kale ah illeyn qaylo warmo kama tunmaane.

b)     Waxaan u soo jeedinaynaa manaadiqdu in ay si rasmi ah u caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan waxyaabaha noocaan oo kale ah, taas oo looga hortagayo in dad aan inala talo ahayn ku dhaqaaqaan falal aan sharciga ama maslaxadda waafaqsanayn dabadeedna loo saariyo dacwadeenna wax aysan lug ku lahayn.

c)      In dadweynaha la wacyigaliyo, dhalinyarda iyo dumarkana la siiyo wacyigalin gaar ah oo ku aaddan arrimahaan, loona sharxo mawqifka rasmiga ah ee aynu ka leenahay. Sidoo kale in bulshada la tuso xumaanta falalkaas.

d)    in la hubiyo dhaqdhaqaaqyada laga dhex samaynayo dhalinyarada saxwada, lana joojiyo wixii aan waafaqsanayn sharciga iyo maslaxadda diinta iyo dadka.

e)     In dhalinyarada dacwada looga digo dad ku soo dhex dhuunta oo muuqaalkooda isu yeela, ka dibna fuliya ama ka dhaadhiciya shabaabka waxyaabo u adeegaya cadawga ummadda iyo diinteeda.

f)      In aad loogu adkeeyo dadka in ay ka dambeeyaan kuna kalsoonaadaan culimada, aysanna ku dhaqaaqin wax ficil ah oo raad ku yeelan kara dacwada iyo maslaxada bulshada iyagoon talo ka haysan culimada.

g)    In aan culimada iyo hoggaanka dacwadu iska indha tirin dhacdooyinka khuseeya diinta iyo bulshada, haddii ay sida xaqa waafaqsan iyagu dadka u sheegi waayaanna dad kale ayaa si qaldan ugu fasiraya dhacdooyinka.

10.                         In ay ku talagalaan masuuliyiinta dacwadu in guusha laga gaaray dagaalka ay soo qaadeen kuwa cumalada ahi ay keeni karto in dhallinyaro xamaasaysani qaadato talo ah meel kasta oo ay joogaan aynu sidaa oo kale yeelno oo ay markaas khalal amni ah u gaystaan bulshada muslinka ah.

11.                         In si wanaagsan looga dhaadhiciyo duqowda, maamulka iyo waxgaradka dalka waxa aan doonayno, mawaaqifteena ku aaddan arrimahaan oo kale, laguna wacyigaliyo sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in loo adeegsado sida kuwa Xamar jooga.

Waxaan codsanaynaa in naloo soo gudbiyo wixii talooyin ah, ducadana ha naloo badiyo, idinkana waxaan idiin rajaynaynaa khayr oo dhan. Marka kulanka aan qabanona waan idan la soo socodsiinaynaa ajandayaasha, idinkoo nagu saacidi doona talo iyo waxqabadba.

Xafiiska guud ee maamulka jamaacada Ictisaam

Muqdisho 04/03/2006

Culumada Dhibkooda Sharaf Laguma Gaaro W/Q: Abdinasir Ahmed Aden ( Garweyne)
Mahad idilkeed Allaah ayaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna nabigeena Allaah dushiisa ha yeelo. Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo dareen Islaamnimo ku jirto uu dareemay xanuun aan la soo koobi karin dilkii dhagar qabayaashu u gaysteen Dr.Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan  Ilaahay janatul firdows al aclaa ha geeyee.

Waxaa sidoo kale dhib weyn oo nagu taagan noqotay aflaagaddada aan loo aabayeelin oo loo gaysanayo culumadeenna Ilaahay ha noo xifdiyee meel kasta oo ay joogaan.

Runtii dadkaan shaqada ka dhigtay culumada waxaan ku arkay in badan oo ka mid ah been aan meel loogu soo gabban. Waxay u dhaqmayaan ayaad mooddaa Ilaahay ayaa xaalka oge sidii qof aysan xisaabtaba ugu jirin aakhiro iyo cabsideeda.

Waxaan la yaabay sida ay nashaadka ugu leeyihiin internetka dhexdiisa ayagoo la baxaya magacyo aan kuwooda ahayn.

Dhacdo la yaab leh ayaan waxaan ku arkay mareegta aadka hadda loo isticmaalo oo facebook, waxay ahayd walaal ayaa wuxuu soo galiyay muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo qiima badan oo uu soo jeedinayo Sh.Maxamad Cabdi Umal xafidahullaah oo ka hadlaysa al walaa’ wal baraa’.  Nin ayaa markaas cay ugu dhaqaaqay sheekhii oo ku leh walaalkii noo soo galiyay khayrkaas war ka saar waxa meesha asagoo isticmaalaya hadallo aflagaaddo ah oo aanan iminka jeclayn dib u qoridooda. Aad ayaan runtii uga xanaaqay waana is hayn waayay oo waxaan usoo qoray hadal runtii habaar ah oo sidaan ahaa”Ilaahay waxaan ka baryaynaa ninkaas Abuu la baxayow in Ilaahay musiibo kaa Muujiyo adiga iyo waxa kula fikirka ah haduusan hanuun la doonin, kollay waxaad ka mid tahay kuwii dilay Dr.Axmed xaaji Abdiraxmaan, sheekh Umalna sidaas oo kale ayaad la jeclaan lahayd. Ilaahow noo xifdi sheek Maxmad Macalin Abdi Umal cilmigiisana nagu anfac. Ilaahow qofka muslimka iyo Islaamka xumaan la doona naftiisa ku mashquuli oo musiibo dag daga ka muuji, aamiin “.

Waxaan kale oo aan ku arkay kuwo sidoo kale culimada aflagaadaynaya oo ku tilmaamay culumaa’u suu’, waan u naseexeeyay, waxayse iigu jawaabeen maxaa daba dhigay mujaahidiinta, oo ay u hilmaansan yihiin gaalada dadka laynaysa oo diyaaradaha ku garaacaysa? Waxaan ku iri Culumadu dadka way u naseexaynayaan oo khaladaadkooda ayay sheegayaan maadama ay Muslim yihiin  oo hadana khaladaad badanna ka galay Muslimkii kale. Waxay Culimadu  ogyihiin in mar kastaba gaal aan khayr laga filayn, balse waxaa la yaab ku noqotay nin Muslim ah oo Muslim kale hagar daamaynaya.

Nin kale oo dhalin yaro ah ayaan si toos ah u wada hadalnay anoo dan ka lahaa, markaas ayuu igu furay mashruuc ah anigu waa necbahay dadka mujaahidiinta neceb asagoo runtii ka baxay wixii aan markaas ka wada hadlaynay oo ila aaday wax aan meesha oolin. Waxaan markaas iska hilmaamay dantii aan ka lahaa oo waxaan go’aansaday inaan tan kala hadlo danta aan ka lahaana ay meesha ku baaba’do.

Waxaan ku iri nimankaas aad sheegayso khaladaad badan ayaa lagu hayaa ee ka warran?

wuxuu iigu jawaabay oo muxuu yahay?

waxaan ku iri qof hal meel ku dilay dad boqol ku dhawaada oo Muslim ah bal ka warran see kula yahay?

Wuxuu ku jawaabay qof walba niyaddiisa ayaa lagu soo bixin, balse ka warran ayuu yiri kufrul acyaan?

Waxaan ku iri horta anigu fatwo ma bixiyo oo aqoonteeda ma gaarin adiguna ma lihid aqoonteeda oo waa arrin culumadu ka jawaabi karto, tan kale  waa run oo qof walba Allaah niyadiisuu kusoo bixin laakiin ka warran kii asagu gaystay dilkaas?

Wuxuu yiri waa Mujaahid. Ka warran ayaan ku iri nimankaas hadday Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan dileen?

Wuxuu igu yiri ma jirto, waxaan ku iri Beeshii sheekhu ka dhashay oo aniga iyo adiguba aan ka dhalanay waxay soo saareen cadayn ay ku cadaynayaa in nimankaas ka dambeeyeen.

Wuxuu igu yiri waa laga soo jawaabay.

Waxaan ku iri qoraal marka la soo qorayo oo la isku bari yeelayo waa inay soo qortaa cidii lagu eedeeyay ee qoraal aan saxiix lahayn oo qof qoray aan la aqoon ayuu ahaa.

Wuxuu igu yiri rumaysan mayno oo waa wax uu isku soo uruuriyay Axmed C/samad oo uu ka wado Sh.Axmed C/samad C/lle xafidahullaah.

Waxaan ku iri oo ma taqaanaa? waa ogaa inuusan waligiis arag oo uusan xataa hadda ka hor maqal.

Wuxuu ku jawaabay haa dad ayaa iiga sheekeeyay.

Waxaan ku iri , qof aadan aqoon see ilaa heerkaas u gaarsiin kartaa?

Wuxu igu yiri qoraal baa jira uu ku soo qoray halgan.net oo uu ku leeyahay maanta waa fursade hadaan reer ictisaam nahay aan dilka sheekha saarno nimankaas(Ashabaab).

Waxaan ugu jawaabay Sh.Axmed maqaalladiisa waan akhriyaa tan iyo xiligii uu bilaabay, hadana wax arintaas ku saabsan halgan kuma jiraan oo anaa og. Waxay ka mid ahaayeen asaga iyo Dr.A/razaaq Maxamuud Takar Ilaahay ha dhowree raggii yiri dilkii sheekha Ilaahay baa oge yaan lagu dagdagin in meel la isaga tuuro, anoo markaas ka waday inuusan xataa qorin xilligaas maqaal nimankaas toos ugu eedaynaya dilka sheekha.

Markuu ogaaday inaan akhriyo maqaaladiisa ayuu yiri sabqu lisaan ayuu ahaa(carrabkaa iga xaday) ee waxaan ka waday email ayuu kusoo qoray, waxaan ku iri email macna maleh oo inta magacaaga wax lagu samaysto ayaa la iska kaa dhigi karaa.

Ugu dambayn ninkaas wuu aamusay oo wuxuu ku hadlo ayuu waayay.

Hadaan usoo noqdo ujeedka qoraalkayga, dadkaani waa dad maanta meel kasta jooga oo maangaabnimo badan hayso. Nin saaxiibkay ah ayaa wuxuu ii sheegay in Shariif Cabdinuur xafidahullaah wiil yar oo aflaagaaddadiisa meel kasta la taagnaan jiray uu hadda wadamadan galbeedka khamriga ku cabo.

Marka dhibka Culumada sharaf lagu gaari mayee waxay ku dhaxalsiin dullinimo iyo habow. Waayo marka aad qof Culuma ah aad dhibayso oo aad wax ka sheegayso ogow in arintaas aysan ku koobnaanayn isaga kaliya ee ay ugudbayso risaalada uu wado.

Ilaahay kaa yeeli mayo marka qof risaaladiisii u khidmaynaya inaad dulmintiisa ku guulaysato, ayaamo ayaad iska had hadli kadibna Allaah ayaa ku qaban hadaadan ka toobad keenin.

Labo qolo ayaa Allaah dagaal u iclaamsaday, qolo waa kuwa ribada cuna oo uu quraanka ku sheegay. Qolada kale waa kuwa la colaytama awliyada Ilaahay, Awliyo wuxuu Alle ku tilmaamay” Kuwii Allaah rumeeyay islamarkaasna ka cabsada” aayad kale ayuu Alle ku tilmaamay”Waxaa Allaah ka cabsada oo kaliya adoomadiisa cilmiga leh” Marka waxaan dhihi lahaa nimankaas war sharaf ku gaari maysaan aflagaaddada iyo dhibka culumadee Ilaahay ka cabsada oo usoo toobad keena.

Wallaahi waxaan marag ka ahay oo aan anigu arkay in wiil kasta oo culumada ku ad adkaa uu ku dambeeyay meel xun oo aan la mahadin.  Waxaan ku noolahay Minneapolis, gabar aan adeer u ahay oo ka mid ah gabdhaha diinta ka barta oo ku xiran Masjidka Abuubakar Assidiiq ee Minneapolis, ayaan habeen ka sheekaysanay Sh.C/raxmaan Sh.Cumar xafidahullaah oo ah sheekhayaga Minneapolis, waxaan u sheegay inaan muxaadaro ka dhagaysan jiray waagii barisamaadkii wadankeennii, waxay la yaabtay hadalkaygii oo aad ayay ugu faraxday waayo dad beenlow yaala ayaa ka siiyay sheekha warbixin khaldan.

Waxaan gabadhaas siday ufaraxday soo xusuustay, maalin Rasuulku scw uu ku farxay ninkii firsooca yaqaanay oo Zeyd ibnu Xaarith iyo Usaama ibnu Zeyd yiri allay lehe Labadaan gomadood way kala ahaadeen. Kuwaas Culumada dhibaya meel xillay ku dambayn doonaan Ilaahay idankiis haduusan khayr la doonin.

Gabagabadii, Dhibka inaku dhacay ee dilka Sheekheennii runtii waa mid xanuun leh balse aan rajaynayo in nasri xagga Rabbi uu ka dambayn doono Ilaahay idankiisa.

Waxaa waxyaalaha aad aan  u dareemay ay ahayd inay soo celisay jacaylkii culumada iyo dadka dacwada loo hayay ee waayo waayo oo boorka laga jafay. Waxaan ku toosnay baraarujin iyo qayladhaan is qabsatay aduunka guudkiisa, taas oo hurdada ka toosisay intayadii hurdada dheer gashay oo dib ugu soo celisay la rafiiqa Culumada iyo dadka diinta jecel.

Khasaarase wuxuu haystaa kuwa meesha looga tagay oo ku caasiyay culumadii la rabay maanta inay u khidmeeyaan oo ay agjoogooda Ilaahay ugu dhawaadaan.

Waxaan ugu dambayntii caddaynayaa in wixii aan asiibay Ilaahay mahadeeda leeyahay, wixii aan gafayna waa naftayda iyo shaydaan oo Ilaahay ayaan ka dambi dhaaf weydiisanayaa. Sidoo kale diyaar ayaan u ahay in la saxo khalad kasta oo ku jira maqaalkaygan.

Abdinasir Ahmed  Aden ( Garweyne)

Minneapolis,Minnesota

contact @:abdinasir-1@hotmail.com

Dhaqanka Islaamka. W/Q: Sh. Axmed C/samad
Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka  oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu:

Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture)

Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga

– Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى الله عليه وسلم in uu Ilaahay cilmi kordhin weydiisto

( وقل رب زدني علما)

Zheekh Qurdubi wuxuu yiri: hadduu jiri lahaa shay cilmiga ka sharaf badan Ilaahay wuxuu nabigiisa صلى الله عليه وسلم ku amri lahaa in uu kororsiiyo u weydiisto sida uu cilmiga kororsiiyo ii weydiiso u yiri oo kale.

-  Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri: qofkii Ilaahay kahyr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa

( من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين)

-  Wuxuu kaloo yiri: aadanuhu hadduu dhinto camalkiisu wuu go’aa seddex mooyee ( sadaqo joogto ah, cilmi laga faa’iidaysanayo iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya

(إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له)

-  Wuxuu yiri nabigu صلى الله عليه وسلم: waxaa idiin imaan doona qolyo cilmi doon ah ee markaad aragtaan ku dhaha: ku soo dhawaada dardaarankii rasuulka صلى الله عليه وسلم, waxna bara

(سيأتيكم أقوام يطلبون العلم ، فإذا رأيتموهم فقولوا لهم : مرحبًا بوصية رسول الله وأقنوهم ـ علموهم)

Baraarujin:

Barashada cilmiga diintu waa camal wanaagsan si Ilaahay ajar kaaga siiyo, kuuguna anfaco waxaad u baahantahay in aad Ilaahay dartiis u baratid, qasadkaaguna wanaagsan yahay ama aadan dan adduunyo ku doonayn.

Cilmiga diinta iyo tarbiyada islaamku qiime weyn bay ugu fadhiyaan ardayga, hadduu dhinacaas ku liitana waxaa dhici karta aqoonta kale inay uga sii darto oo uu u adeegsado wax dhibaya naftiisa, qoyskiisa iyo ummaddaba; sidaa darteed waa in macallimiintu ilmohooda iyo ardaydoodaba kula dadaalaan barashada diinta iyo tarbiyada islaamka.

Waa in la dareemo xilka weyn ee saaran macallinka iyo kaalinta weyn ee uu kaga jiro barbaarinta jiilalka dambe iyo horumarinta bulshada.

Waa in macallinka Soomaaliyeed dareemo in uu xambaarsan yahay xil labanlaab ah; waayo waxaa meesha ka maqan kaalintii hay’adaha waxbarashada dawladda, xilkii waalidkuna ma xoogbadna. Waxaa kale oo xilka ku sii cuslaynaya dhaqanxumada iyo duulaan miskexeedka lagu hayo dadkeena gaar ahaan da’yarta oo la doonayo in uu macallinku ka hortago.

Macallimiintu maadaama ay qabtaan shaqo qiimo badan, dadaal iyo waqti badana ay ku bixiyaan waxaa ku habboon in ay shaqadaas Alle ugu dhawaadaan oo ajar iyo janno ku doontaan. Taas waxay u baahantahay in niyad wanaagsan lala yimaado, shaqadana sida ugu wanaagsan loo qabto.

Qeexid iyo ujeedooyin

Thaqaafa (Culture) waxaa looga jeedaa: wadarta culuumta (Science), funuunta (Arts) iyo aqoonta guud (general Knowledge) ee la doonayo in lagu xeeldheeraado.

Thaqaafa islaamiya waxaa lagu qeexaa: in si wacyi leh loo ogaado tiirarka ay ku taagantahay ummadda muslimka ah oo ay weheliso falgalkeedii hore iyokanhadda, tiirarkaas oo leh diin, luqad, taariikh, xadaarad, qiyam iyo ujeeddooyin mideeya.

Ujeeddooyinka loo darsayo thaqaafada islaamka:

In la caddeeyo macnaha guud ee thaqaafada islaamka, dhinacyada ay taabanayso, waxyaabaha ay kaga duwan tahay thaqaafadaha kale iyo meelaha laga soo qaatay; si uu u muuqdo faraqa u dhexeeya iyada iyo thaqaafadaha kale.

In macallinku awood u yeesho in uu kala sooci karo thaqaafada asalka ah iyo tan inoo soo dhuumatay, sunnada iyo bidcada, wixii islaamka ka soo jeeda iyo wixii jaahiliyada ka soo jeeda.

In thaqaafada islaamka loo soo bandhigo sidii ay u badali lahayd thaqaafadaha gaalo ee dunida lagu faafiyey.

In macallinku awood u yeesho in uu ka hortago duullaanka thaqaafadeed ee la inagu soo qaaday, uuna awood u yeesho gudbinta thaqaafada islaamka.

In la xoojiyo dareenka xiriir iyo walaalnimo ee ina kala dhexeeya muslimiinta kale, fartana lagu fiiqo ahmiyadda xiriirkaas walaanimo; si muslimku u dareemo ciso, isku kalsooni iyo inuu ka mid yahay ummad aadanaha hoggaamiye u ah.

In aynu aqoonteena iyo afkaarteena diineed u rogno dhaqan iyo akhlaaq; si aynu u cusboonaysiino xiriirka aynu diinta la leenahay.

In aynu muujino mawqifka diinteenu ka taagantahay culuumta aragtiyaha ah iyo tan tajribada ah (Theoretical and Applied Science), iyo in islaamka lagu kala hufo.

In la soxo fikradda qaldan ee hoos u dhaca muslimiinta ku sababaynaysa haysashada diinta; si loo caddeeyo in dibudhaca muslimiintu ka yimid ka tagista diinta ee aanu ka imaan qabsashadeeda.

Meelaha laga qaatay thaqaafada islaamka (masaadirta)

Masaadir Sharci ah:

Qur’aanka kariimka

Sunnada rasuulka صلى الله عليه وسلم (axaadiistiisa).

Axkaamta ay isku raaceen culumada muslimiintu (Ijmaac).

Qiyaaska ( masalo aan xugunkeeda la caddayn oo masalo kale oo xugunkeeda la caddeeyay lala wadaajiyey xugunka, cillada xugunka oo ay ka midaysan yihiin darteed).

Masaadir aqooneed:

Taariikhda islaamka oo ah weelka lagu kaydiyey acmaashii wanaagsanayd ee muslimiintu qabteen taariikhdii dheerayd ee ay diinta ku dhaqmayeen, isla markaana lagu kaydiyey mashaakilkii iyo caqabadihii ka horyimid intii ay jidkaa dheer hayeen iyo hababkii ay u xalliyeen mashaakilka ama uga tillaabsadeen caqabadihii ka horyimid.

Luqada carabiga oo ah luqada Qur’aanka kariimku ku soo degay, axaadiista rasuulkuna ku timid, culuumta diinta iyo taariikhda ummadduna ku xafidantahay. Taas oo ah luqadii xadaaradda, aqoonta iyo suugaanta muslimiinta.

Luqada carabiga iyo Soomalida:

Luqada carabigu marka laga soo tago arrimaha aynu kor ku soo xusnay:

a)     waxay ka mid tahay luqadaha rasmiga ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

b)    Waa luqad aynu u dhalanay oo ku abtirsano

c)     Waxay inoo tahay luqad aqooneed; waayo waxbarashada diineed ka sokow ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ka bartaan dalal carbeed.

d)    Waa luqad ganacsi; waayo tijaarada ugu badan waxay Soomaalida kala dhexaysaa dalalka carabta.

e)     Intaasoo dhan waxaa ka sii daran inta ay ceebtahay nin madax ah ama aqoonyahan ah ama isim ah oo carbeed, isla markaana laga tarjumayo ama walaalihiis kula hadlaya luqado shisheeye.

f)      Ragga dhibsanaya luqada carabiga iyo magacyada carbeed, isla markaana luqado shisheeye ku hadaaqaya ama doonaya in carabiga la fogeeyo, luqadaha kalena la soo dhaweysto waxaa habboon in raggaas su’aalo badan la weydiiyo. Ka hortagga duullaan miskexeedkaasna macallimiinta waxaa ka saaran xilweyn.

Khibradaha aadanaha ee waxtarka leh; waayo muslimiintu wixii ay iyagu xadaarada ku soo kordhiyeen ka sokow waxay ka qaateen xadaaradihii kale ee jirey wixii waxtar u leh aadanaha; taas oo caddaynaysa in aysan iska hor imaanayn diinta islaamka iyo waxyaabaha aadanaha waxtaraya.

Waxyaabaha thaqaafada islaamku kaga duwan tahay thaqaafadaha kale:

Waxay ka timid xagga Rabbi, dadkuna wax lug ah kuma laha jideynteeda. Taas waxaa ka dhalanaya arrimahaan:

a)     waa thaqaafad cilmi ku qotonta; waayo waxay ka timid Allihii dadkaan abuuray oo og wax kasta oo ay u baahanyihiin xilli kasta, meel kasta iyo xaalad walba, mana jidho cid uga xog-ogaalsan waxa addoomadiisu u baahanayihiin. Eeg warshaddu markay soo samayso qalab waxay soo raacisaa bug ka hadlaya sida loo isticmaalayo, waxyaabaha laga ilaalinayo iwm, dadkuna cidda qalabkaas soo samaysay way uga dambeeyaan oo laguma qabsado, lagumana khilaafo, garna maaha in kitaabkii Ilaahay soo raaciyey addoomadii uu abuurtay loo diido oo lagu dhaqo buug aadanaha qaarkood dajiyeen!.

b)    Waxay ku taagantahay caddaalad; waayo Rabbi cid kasta iyo shay walba waxa uu mudan yahay buu ogyahay, mana u kala eexanayo addoomadiisa.

c)     Waa la ixtiramayaa, waana laga haybaysanayaa; waayo muslimiintu waxay ogyihiin in Rabbigood sharcigaan dajiyey ee aan aadanuhu lug ku lahayn.

d)    Waxaa jira abaalmarin aakhiro oo qofka muslimka ah ku xambaaraysa in uu fuliyo waxa lagu amro, uuna iska ilaaliyo khilaafisteeda; waayo wuxuu ogyahay hadduu khilaafo oo ka baxsado ciqaabta adduunka in aakhiro lagu ciqaabi doono, halka qaanuunka aadanaha khilaafiddiisa aan dadku aakhiro uga baqayn ee ay iska ilaalinayaan ciddii markaas ku shaqada lahayd.

e)     Thaqaafada islaamku waxay waafaqsantahay fidrada aadanaha iyo caqliga toosan, mana laha wax iska soo horjeeda iyo wax is burinaya midna.

f)      Waa wax fudud oo iska cad, cid walibana ay fahmi karto, lana falgali karto.

Waxay koobaysaa wax walba oo khuseeya nolosha addoomada:

a)     adduun kaliya kuma saabsana ee waxay xambaarsantahay danaha adduun iyo aakhiro ee addoomada, waxayna ka hortageysaa waxyaabaha dhibaya adduun iyo aakhiroba.

b)    Dhinaca axkaamta iyo qawaaniinta kuma gaar aha ee waxay xamabaarsantahay caqiidadii qofku aamini lahaa, cibaadadii uu Alle kula xiriiri lahaa, akhlaaqdii iyo dhaqankii wacnaa ee uu kula dhaqmi lahaa Rabbigiis, naftiisa iyo aadanahaba.

c)     Waxaa kaloo ku jira qaybihii qawaaniinta oo dhan, sida: xeerka qoyska, xeerka madaniga, xeerka dawliga, xeerka distuuriga, xeerka maamulka, xeerka ciqaabta, xeerka ganacsiga iwm.

d)    Waxay koobaysaa waqtiyada oo dhan (laga bilaabo markii ay soo degtay ilaa qiyaamaha) ee kuma gaar aha xilligii ay soo degtay kaliya. Dadka ku doodaya in diintu duugowdayna waxaa habboon in la weydiiyo: Yuhuuda iyo Kirishtaanka ayaa noogu yeera diimohooda, waxaana hubaal ah in nabiyadii loo soo diray ka horreeyeen nabigayaga ee haddii horrayn diin looga tagayo marka hore labadaas qolo ayaa naga diin horreeyaye iyagu kuwooda ha iska dhaafeen, ka dibna annaga iska dhaafa ha na dheheen, laakiin iyagoo diimo taayada kasii horreeyey haysta inay taayada duug ku sheegaan, tii ka horreyseyna noogu yeeraan ma garbaa?.

Tan kale dadka ku andacoonaya waa la hormaray aynu weydiino diintu ma waxay la hadashaa dadka mise walxaha dadku isticmaalo?. Haddii horumar la sameeyeyse waxa hormaray ma dadkaa mise waa walxaha?. Haddii walxaha iyo qalabkii la siticmaalayey la hormariyey dadkuna miyuu isu badalay sida alaabooyinka la isticmaalayo isu badaleen?, mise dadku waa sidii Alle u abuuray?. Tan kale waatan wax kastoo xasri ah la isugu bishaaraynayo wixii horena la durayee wax kastoo cusub ma wada fiicanyihiin?, wax kastoo horase ma wada xunyihiin?.

e)     Waxay koobaysaa goobaha oo dhan ee kuma gaar aha deegaankii carbeed ee ay ku soo degtay.

f)      Waxay koobaysaa aadanaha oo dhan ee kuma gaar aha rasuulka صلى الله عليه وسلم qawmkiisii kaliya, waana waxyaabaha rasuulkeenu kaga duwanaa rusushii hore oo iyaga qowmkooda kaliya loo diri jirey.

Tilmaamo:

macallimiinta sharafta leh waxaa laga doonayaa fahamka iyo macnaha guud ee duruusta thaqaafada ee ay qaateen.

su’alaha waxaa ku jiri doona kuwo afkaar guud ah oo ugu yaraan 10% noqon kara.

cinwaan kasta waxaa ka imaan kara su’aal.

su’aaluhu kuma koobna qoraalkaan ee daruusta macluumaadkii ku jiray way soo wada galayaan.

duruusta thaqaafada faa’iidadeedu maaha in imtixaanka darajo lagu qaato ee waa in ay faham ahaan iyo dhaqan ahaanba uga muuqato macallinka iyo ardaydiisaba.

Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo horumar adduun iyo mid aakhiro.

Ha u nixin!. W/Q: Xasan Maxamed Ibraahim (Abu xassaan)
Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ku tilmaamay inay yihiin dad isu diir naxa oo isu dabacsan, isuna naxariista, gaaladana ku ad-adag ( ( محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم. Dhaqan ahaanna muslimiinta waxaa lagu yaqaannay inay isu damqadaan haddii qayb iyaga ka mid ah dhibaato soo gaadho, ama cadow ka taag-rooni dulmiyo ama duruufo qallafsani la soo gudboonaadaan, sida: abaaro iyo macaluul ku habsatay.

Dareenka noocaas ah wali wax badan baa ka dhaqan, dadka muslimiinta ah quluubtooduna way la jirtaa muslim kasta oo meel ku dulman ama ku dhibaateysan, waxaana tusaale kuugu filan sida muslimiintu naf iyo maalba ugu bixiyaan qadiyadda Falastiin iyo qadiyadaha kale ee muslimiinta.

Abaarihii ugu danbeeyay ee soomaaliya ka dhacay dad badan oo muslimiin ah oo aan soomaali aheyn ayey damqiyeen oo baad iyo biyaba u dhadhami waayeen ilaa ay walaalohooda tabaaleysan xaaladdooda soo arkaan, waxa ay kari karaan ee taageero ahna gaadhsiiyaan.

Qof walba oo soomaali ah oo damiirkiisu noolyahayna in badan ayuu qalbiga ka ooyaa ama ilmaduba indhihiisa soo dhaaftaa marka uu arko darxumada, gaajada, qaxa iyo baaba’a aan ka soo reynta laheyn ee shacabka soomaaliyeed haysta, dad badan oo wax garad ahina waxay aad uga xanuunsadaan, ugana ooyaan heerka aadka u hooseeya ee ay gaadhay karaamadii qofka muslimka ah ee soomaaliyeed.

Sh. C/qaadir Nuur faarax ( Alle ha xafidee) ayaa xajkii dhowaa ka sheekeeyay sida ay hay’adaha reer galbeed ee dhaqan xumida faafinaya dadkii soomaaliyeed u dulleysteen. Wuxuu ka hadlay siminaarada rag iyo dumarba la isugu keeno iyada oo ay ku jiraan dadkii indhaha bulshada u ahaa oo ayna juuq ka odhneynin waxa la qasayo iyaga oo u xilanaya dhowr Dollar oo marka siminaarku dhammaado la siinayo. Sheekhu isaga oo aan wada sheegin dhibkii uu arkay ayuu oohin is-hayn waayay isaga oo maanta da’ todobaatanaad ku jira!.

Xanuunka intaas baaxad le’eg ee muslim oo dhami ka gam’i waayay waxaa si  aan caad saarneyn u soo baxday in ururka shabaab uu ka noxo iska daaye uu ku faraxsanyahay inuu sii dhaawac-tiro xoogaagii yaraa ee ka hadhay dagaalkii ahliga ahaa.

Horraantii bishii Oktoobar ee sannadkii tagay waxaan goob joog u ahaa qarixii ururka Al-shabaab uu la beegsaday Xarunta Hargaha iyo Saamaha, waliba waxaan joogay xilligaas qaruxu dhacayey xafiis ay leedahay jamciyad islaami ah oo dhismaha la qarxiyay qiyaastii 40 mitir ka xiga dhinaca koonfureed. Qaraxa dhacay wuxuu ahaa mid aan la sifeyn Karin baaxadda uu lahaa, rag badan oo aan halkaas wada joognayna waxey ka wada marag fureen inayna waligood qarax awooddaas  oo kale leh maqlin.

Waxaa nagu soo daatay muraayadihii qolkii aan ku jirnay iyo katabaannadii dharku saarnaa. Qalabkii xafiisyada ee jamciyadduna inta badan dhulka ayey ku soo daateen wax jabay iyo wax aan jabinba. Xafiiskii daqiiqado ka hor shaqada ballaadhani ka socotay wuxuu isu baddalay meel aamusan, shaqadayadiina waxey noqontay inaan raadinno yaa dhintay? yaa nool dadkii aan wada joognay.

Dadkii xafiiska joogay qaarkood waxay moodeen in xafiiska laftiisa la qarxiyay, wax yar ka dibna waxaan xafiiska barxadiisa ku aragnay walxo badan oo ka soo duulay qarixii argagaxa lahaa. Dad kale oo xafiis nagu dhowaa nooga soo doolayna waxey noo sheegeen inay agtooda ku soo dhacday lug ka go’an anqowga hoostiisa oo ka soo  duushay goobtii qaruxu ka dhacay!. Sidoo kale waxey noo sheegeen in xafiisyada iyo guryaha agagaarkii qaruxu ka dhacay dhammaantood muraayadihii ka daateen, ka dibna annaga ayaa indhahaya ku aragnay markii aan booqannay qaar ka mid ah jamciyadihii halkaas ka ag dhowaa.

Wakhti yar ka dib waxaa na soo gaadhay saaxiibbo xilligaas wax yar ka hor naga tagay oo joogay meel u muuqata goobta qaruxu ka dhacay. Waxay noo sheegeen inay mitirro aan badneyn u jireen qaraxa, cidhiidhi ka jiray gaadiidkii waddada xilligaas marayay dartiisna ay gaadhigooda u joojiyeen, waxeyna sheegeen in qaruxu dhacay iyaga oo saf dheer oo gawaadhi ahi ka horreeyo, waxeyna tilmaameen inay ku war heleen holac iyo uuro samada mar qudha isku shareertay, waxeyna noo sheegeen inay indhohooda ku arkayeen dad ololaya oo nafbaastii marba dhinac u cararaya!.

Raggaasi waxey noo sheegeen in argagaxa dadkii aaggaas ka ag dhowaa qabsaday aan la sifeyn Karin, qof walbana uu cagihiisa maalay bal si uu meel ammaan ah u gaadho ama nafta kula cararay meel uu is leeyahay armay gabbaad kaaga noqotaa balaayada dhacday. Raggaas nin ka mid ahi wuxuu noo sheegay inay kala lumeen isaga iyo saaxiibkiis oo ay markii qaruxu dhacayay isku gaadhi saarnaayeen, midkoodbana uu dhinac u ambaday!.

Argagaxa uu qaraxaaxi dhaliyay ma aheyn mid qoraal lagu sifeyn karo ama hadal lagu cabbiri karo, waxaanse ogahay inay dad badan muuqaallo laga soo qabtay daawadeen, oo ay arkeen sida makhluuqii halkaas joogay nolol uga quustay naxariis iskaba daaye, muuqaalada dareenkayga ka go’i waayay waxaa ka mid ahaa nin Soodaani ah oo xilligaas shaqo u joogay xafiiskii aan joognay oo cir iyo dhulba qaban waayay. Waxaa ku adkaatay inuu nasto oo meel fadhiisto, mar dabaqa ayuu kor u fuulaa marna wuu ka soo dagaa, mar wuu fadhiistaa marna wuu istaagaa, afkiisuna hadalba wuu gabay. Waxaan is idhi tolow haddii argagax iyo cabsi loo dhinto malaha mar hore ayeyba naftu ka bixi laheyd.

Dadka qaar waxey iyana  noo sheegeen inay arkeen nin soomaali ah oo la socday jamciyadihii islaamiga ahaa ee soo gurmaday oo xilligii qaruxu dhacayay ku sugnaa Hotel Saxafi oo aan ka fogeyn Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo argagixii ku dhacay dartii banaanka mar qudha u soo booday, ka dibna hoteelka hortiisa taksi ka qabsaday oo ku yidhi madaarka ( airprt-ka ) ii kexee. Haddii uu madaarkii geeyayna ku yihdi duullimaad barrito ka horreeya ma jiree ilaa xilligaas aniga ayaad ii kireysantahay, gaadhigaaga ayaana dhex seexanayaa, wuxuuna kula heshiiyay lacaga dhan $150.

Argagixii qaruxu dhaliyay oo wali taagan waxaa billowday in la isweydiiyo khasaarihii qaruxu dhaliyay iyo dadka ku dhaawacmay ama ku dhintay, waxaana goobtii qaruxu ka dhacay ku soo qulqulay dad iyo gaadiid badan oo doonayay inay u gurmadaan dadka masiibadu ku habsatay, wixii noolna ay isku dayaan inay samato-bixiyaan. Wararkii hordhaca ahaa ee soo baxayna waxey sheegeen in dadka qaraxaas ku dhintay ay kor u dhaafeen 80 qof oo dhammaantood soomaali ah!. Dhaawacana waxaa la sheegay inuu gaadhay ilaa 200 qof.

Isla markiiba waxaa haddana la is weydiiyay tolow dadkaas meesha ku halaagsamay maxey ahaayeen oo ay arxandarrada intaas la’eg ku muteysteen?, ka dibna waxaa soo baxday in dadka halkaas ku nafwaayay badankoodu ay ahaayeen arday deeq wax barasho ka heshay waddanka Turkiga oo goobta qaruxu ka dhacay xilligaas howlo ka dhammeysanayay iyo dad kale oo xilligaas waddada qaruxu ka dhacayay marayay ama gaadiidkii marayay saarnaa, iyo tiro aan badneyn oo ka mid ah askarta iyo sahqaalaha DFKG.

Naxdin iyo xanuun badanaa waa baaqigii ka hadhay da’yartii dagaalada ehliga ahi sahaydeen, meel xunna uma socdaane waddan muslim ah ayey waxbarasho u aadayaan, marka ay wax soo bartaanna dadkooda iyo dalkooda ayay anfacayaan?.

Isma laheyn qof ashahaata oo maqlay ama wax ka ogaaday dhacdadaas tiiraanyada iyo xanuunka aan la illaawi doonin reebtay  ayaan naxdini qalbigiisa saaqeynin ama aan tiiraanyo iyo ciil la madoobaaneynin, waxaanse quustay markii uu saxaafadda la hadlay nin af hayeen u ah ururka Alshabaab oo uu xaqiijiyay in ururukiisu ka danbeeyay qaraxa dadka badani ku halaagsamay!.

Intaas kuma joojine wuxuu sii raaciyay in aanu qaraxaas qof muslim ahi ku dhiman?. Waxaa taas ka sii foolxumeyd markii wiilkii is qarxiyay codkiisii la soo daayay oo uu sheegay inuu ogaa in meesha uu qarxinayo ay dhallinyaro arday ahi joogaan!. Waxaa musiibo aan la fasiri Karin iyana noqotay markii wiilku intii aanu isqarxinin uu madaxdiisii taleefanka ugu sheegay in gaadiid ay ciidamada AMISOM leeyihiin waddada ka xidheen ee lagu yidhi halkaagii ku sii soco!. Sow iskama cadda in afrikaanka laga naxayo ee aan soomaalida laga naxeynin?.

Oo tolow meesha ma wax aan soomaali aheyn ayaa ku dhintay? Soomaaliduse goormay gaalowday? Haddii gaalo aan isqarineynin loo baahanyahayse maxaa gaalo madowda meel walba muqdihso ka joogta loo raadsan waayay? Mise haddiiba aan qaddarno in dadka la gumaaday ay gaalo ayaan daran oo nasiibkoodu goobta qarax xilligaas joojiyay ahayeen, ma gaalada taagta daran ee aan hubeysneyn uunbuu ururkani layn karaa?.

Hammigii gumaadkaas arxandarrada ahi igu abuuray waxaan iiga hammi yareyn ragga waaweyn ee intay dadka masaakiinta ah gumaadeen haddana ku sii dhaatay ee gaalnimada ku sii suntay!, Waxaan is idhi miyaan ururkaas madax iyo minjoba ku jirin qof wali damiirkiisu dhaqanyahay oo ay damaqdo ardaydii yaryaraa ee iyaga oo qumuday dhismihii burburay hoostiisa laga soo qufay!. Sow ururkan kuma jiro qof ay la walaalo yihiin wiilal iyo gabdho la da’ ah kuwa maanta la gumaaday ama isaguba dhalay oo ka xanuunsan lahaa haddii geeridooda loo soo sheego?. Maxaa loo waayay qof ururkaas ka mid ah oo ka naxa carruurta qaraxaasi agoonteeyay ee aabbayaashood iyaga oo aan waxba galabsanin la dilay?. Maxaa loo arkiwaayay qof ururkaas ah oo ka naxa carruurta hooyadood oo suuqa uga soo adeegeysay geerideedii loo soo sheegay?. Haddii aakhiro sidaas loo moogyahay oo Alle ka cabsi dhiigga macsuumka ah idinka celin waayay miyaanu jirin qof nabsi ka baqanaya iyo in ciqaabta ficilkaasi adduunka idiinku soo dagdagto?.

Maxaa ururkaas looga waayay koox ama qof nabarkaas xanuunka badani damqiyo oo ka bari noqda foolxumada Alshabaab qirteen inay u badheedheen?. Tolow dhammaantood naxdin la’aantan miyay wada qabaan?. Waan hubaa inay jiraan rag badan oo aan khayr ku aqaannay oo gumaadkan ka xanuunsaday, waxaanse garwaaqsanin inay aamus laasimaan iyaga oo og in ceeb iyo cadaab waxa ay yeelataba ay qayb ku leeyihiin haddii ay ku raalli noqdaan.

Markii aan aad u walaacay waxaan is idhi soomaali waligeed baa la laynayay hal qaraxna ma dhammeyn karo ee ha u nixin!. Inta badan iyo baaqigaa hadhiye, waxaan is idhi wixii hanti lumay ama dhismayaal burburay ee qaraxaasi sababay iska illow oo ha u nixin! illeyn soomaali naf iyo maalba awalba baylah bay aheyde inta soo hadhana meel ay gasho iyo wax ay quudato ma waayi doontee.

Waxaa xanuun gaara iyo naxdinba igu aheyd in qaraxani ku soo beegmay xilli dadkii abaaruhu soo qixiyeen meel walba daadsanaayeen oo ku dayacnaayeen, jamciyadihii u soo gurmadayna annaga oo arkeyna ay qolo walba wufuuddii maalmahaas soo beegneyd joojisay, qoladii aan u tagnana waxay nagu dhahdaa wafdi noo iman lahaa ayaan markii qaruxu dhacay baajinnay. Waxaan is laheyn uga mahadceliya dadkiinna ay u soo gurmadeen, kuna dhiirrigaliya inay dadaalkooda sii labanlaabaan, waxaase na afxidhay in waxa mashaqada sii kordhinaya ee aan dadka u naxeynin ay soomaali yihiin, markaasaan is idhi abaar looma dhamaan jirin, dadkanna Ilaahay baa iska leh oo kaaga naxariis badane ha u dardaarwarin jamciyad la’aanba isagaa irsaaqi jiraye haddiiba ay jamciyaduhu wada qaxaan xataa ha u nixin!

Waxaan is idhi argagaxa dadka ku dhacay u adkeyso oo ha u nuglaanin maalmo ka bib waa la iska illaawi doonaa, Heeroshiima iyo Naagasaakiba maanta sheeko uunbaa ka hadhay, dadka halkii dagganna nabad iyo argagax la’aan bay ku noolyihiin, balaayana goor walba ma taagnaato, qabqablayaashii iyo dagaalkii beelahaba laga soo kabay.

Waxaan is idhi inta dhimatay iyo inta dhaawacantayba Ilaahay bay leeyihiin oo maxkamad caddaalad ah oo aan eex aqoonin ayaa loogu xaqsoori doonaa dadkii gardarrada ku laayay daalimkuna  in yarbuu sii warraaqi karaa dabinka uu qoolayna isagaa ku danbeyn doona dad badan oo odhan jiray anigaa wax dila waana nooleeyana laftoodii dhinte sharafna kama ayna tagin.

Waxaan iyana aad ula murugooday wiilka soomaaliyeed ee laga dhaadhiciyay walaalahaa baabi’i jannaad ku galeysaaye, ee naftiisii loo qoonsaday, ummad badan dhiigeediina dusha loo saaray. Waxaan is idhi war tolow wiilkan ururkooda ah xataa ma ka nixi waayeen haddiiba dad weynaha kale ayna dan ka laheyn, waxaanse isugu jawaabay ninka wiilkan soo diray isagu ma dhalin, waalidkiina ma dhalin, qaraabo kale oo uu ka naxayana ma aha. Haddaba isaga iyo dadka kale miyay u kala duwanyihiin?. Lafo gari sow iyaga la iskuma jabiyo, meesha ma dad naxaya ama naxariisanaya ayaa kuu jooga?.

Waxaas oo dhan haddii aan is moodsiis ahaan iskula haasaaway waxaa  iga soo hadhi waayay hadal xumada iyo aflagaaddada laga sii daba tuuray dadkii xaqdarrada lagu xasuuqay iyo been abuurka Ilaahay loola badheedhay ee diintiisii raxmadda badneyd dadkii looga dhigay aalad wax  lagu gumaado. Sidoo kale waxyaabaha aan illaawi waayay waxaa ka mid ah dad aan is idhi malaha kuwanba iyagaa ka shar badan oo meel walba la taagan inay ka marag furaan in Alshabaab uu ceeb ka saliim yahay, dadka uu baabi’iyayna ay iyagu gardarnaayeen!.

Adeer garannay inaadan dadkan la gumaadayo u damqanin, una diir nixin aaafo kugu jirta awgeed maxaadse dad daalimiin ah oo iyagiiba qirsan ugu dacwiyeysaa?. Haddii aad odhan laheydeen shabaab dadkaas ma xasuuqin iyagii ayaa ku addimay. Haddii aad ibtilo aydaan waxba xusuusan Karin qabtaanna sheekh google waydiiya wixii ay dhacdadan ka dheheen isagaa shar iyo khayrba uruuriyee.

Sidoo kale waxaa iga soo hadhi waayay wiilashan dhallinyarada ah ee qaarna sidii banbaanadii la qarxinayo, qaarna dabkii la rabo lagu shubayo ee haddana sidaas raalliga ku ah!. Miyayna laheyn caqli ama cilmi ay xumaanta iyo samaanta ku kala gartaan, ama ay waddada jannada iyo jahannamo ku kala fahmaan.

Goormay muslim la gumaado ama hantidiisa la burburiyo camal janno lagu galo noqotay?. Ma Qur’aan kale ayaa soo dagay? mise cadan baa laga heesayaa siday soomaalidu dhihi jirtay?.

Haddii dhacdadan iyo middii ka horreysay ee Hotel Shaamowba ay si marag ma doonto ah u sugtay in ururka shabaab aanu u naxeynin dadka soomaaliyeed ee awalba mashaqada la il darnaa, sahqada uu hayona ay tahay inuu inta ka hadhay sii dhaawac tiro soo wax aad loola yaabo ma aha inay haddana ina dhahaan waxaan hubka u sidannaa inaan dalka iyo dadka soomaaliyeed difaacno?.

Nabarka ka xun ama ka xoog badan midka iyagu ay dadka Soomaaliyeed ku dhufanayaan ee ay ka difaacayaan waa mid sidee ah?. Soomaalida afrikaanku laynayo ee ay inoo muujinayaan inay u naxayaan iyo midda iyagu ay gumaadayaan maxey kala yihiin?. Maxey kuwa afrikaanku dilo muslim u noqonayaan oo loogu naxayaa kuwa shabaab dilana gaalo u noqonayaan oo aan loogu naxeynin?.

Waxa ay ka difaacayaan muxuu yahay mar haddii ay intii nooleyd gumaadayaan?. Wixii xabbaddooda ka badbaadayna ay gaalo u galinayaan oo dartood ay deegaannadoodii uga qaxayaan?. Maxeyse tahay diinta ay u naxayaan ee ay u daneynayaan haddiiba ay dadkii haystay sheekh iyo shariifba isku si u laynayaan?.

Sow lama gaadhin xilligii la kala garan lahaa afka macaan iyo ficilka arxan darrada ah?. Sow lama joogo wakhtigii lakala fahmi lahaa dicaayadaha iyo xaqiiqada dhabta ah?. Waxay ila tahay waa la joogaa wakhtigii inta soomaali ka naxeysa ay meel uga soo wada jeedsan lahayd dadka soomaali gumaadaya: Shabaab, Afrikaan iyo cid kaleba, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu dadka soomaaliyeed ee muslimka ah baaqiga ka hadhay caymiyo; si wanaagsanna uu u dooro dhulkoodana ammaan uga dhigo, diintooda inay ku dhaqmaanna uu makaniyo.

Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’usuu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil. W/Q: Sh. Ahmednuur Macalim C/qaadir
Waayadan danbe waxaan maqalaa erayo ay kamid yihiin culumaa rabaaniyiin iyo culama’usuu (culimo rabigeed u hogaansan iyo culimo xun) oo loola jeedo in culumada iyo cilmigoodaba lagu dhaawaco, waxaan halkan ku soo ban dhigi doonaa inshaa allah qaar ka mid ah tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah iyo tilmaamaha culumaa’ usuu, kadibna waxaan is waydiin doonnaa yaa culuma’usuu ah? maxaase lagu kala gartaa? gabagabadana waxaan xusi doonaa maxaa ka dhalan eraygan culuma’usuu iyo kuwo la mid ah hadii loo adeegsado culumadii waa wayneed ee lagu yaqiinay caqiido toosan iyo camal wanaagsan. Sumadda aad ku kala garan karto caalimka wanaagsan iyo kan xun waa manhajka iyo wadada uu ku taagan yahay, ma tahay wadaddii dadkii hore ee salafkii umadan. (Nabiga –scw- iyo Saxaabaddii iyo intii ka ag dhawayd)

Tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah:

Sheekha magaciisu yahay bakar binu Cabdullahi Abu-Zeed alle ha u naxariistee,  mar uu ka hadlayay caalimka rabaaniga ah kitaabkiisa xilyatu dhaalibil-cilmi, wuxuu yiri; “waxaad laazimtaa cabsida Allah mar walba, dadkana waxaa u kheyr badan qofka Allah kabaqa, kamana baqo Allah ilaa qof caalim ah mooyee, hadaba dadka waxaa ugu kheyr badan caalimka, lamana oran karo caalim rabaani ah ilaa inuu ku camal falo cilmigiisa mooyee, caalimkuna kuma camal falo cilmigiisa ilaa in cabsida Allah uu daa imo mooyee”.

Runtii hadalkaasi waa hadal weyn mana aha wax qof waliba iska dhihi karo hebal waa rabaani hebelna waa culumaa’usuu. Culumada rabaaniyiintu waa kuwa raaca kitaabka Allah ,sunada iyo manhajka dadkii hore oraah iyo dhaqanba, waa dadka ilaaliya diinta iyo manhajka saxda ah, waa kuwa nabigeenu yiri scw xadiis macnihiisu ahaa, sheikh Al albaanina saxiixiyay; “cilmiga waxaa xanbaari jiil walba ama xili walba dadka toosan ee cadaalada ku dhaqma, waxay ka

ilaalin kuwa xad gudubka sameyn, kuwa soo dhex galin waxaan diinta ka mid ahayn iyo kuwa nusuusta awilaya oo macnahooda leexin”

waana meesha ay ku dhumeen kooxaha tirada badan ee qaloocu galay, waligoodna culumadu way ku dadaali jireen siday u toosin lahaayeen qaloocaas,  iyo in diinta ay cadeeyaan cilmigana aysan qarinin. Culumada rabaaniyiintu waxay ka gaareen cilmiga meel sare , tilmaamahoodana waxaa kamid ah;

1- Cilmi iyo aqoon: Waxay bartaan cilmiga, wayna ku dhaqmaan, dadkana way baraan xaga alle ayayna dadka ugu yeeraan, allahna wuxuu yiri; noqda rabaaniyiin. Imaamu Zuhri alle ha u naxriistee wuxuu yiri; “Allah laguma caabudo wax ka fadli badan cilmi”, imaamu thowrina wuxuu yiri; “ma garanayo nabinimada ka dib wax ka fadli badan cilmi” hadaba tilmaanta aqoontu waa mid ay leeyihiin culumada rabaaniyiintu.

2- Ikhlaas: Cilmigooda iyo camalkoodaba allah dartiis bay ula jeedaan, sheikh Bakar abuu-Zeed wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay „At-Tacaalum‟ macnihiisuna yahay caalim iska yeel, wuxuu sheegay mas’alo uu u bixiyay „dhubuuliyaat‟ micnaheedu waa nin aan caalim aheyn oo soo bartay dhoor mas’alo si fiicanna u soo baaray oo raba inuu umada u tuso inuu caalim yahay oo marba meel ku boodi, marba sheikh xag xagan oo ka gar suran si loo yiraahdo waa caalim, u jeedadiisuna tahay in labarto.

3- Raacida Nabiga scw: Suura gal ma’aha inuu rabaani noqdo nin waddo qaloocan haya, imam Ibnu Rajab alle ha u naxariistee wuxuu yiri; “cilmiga naafica ah waa midka ku kooban kitaabka allah ,sunada nabiga scw iyo fahamkii salafka”.

4- Sharafta cilmiga iyo culimada oo la dareemo: Suura gal ma aha inuu rabaani noqdo qof aan culimada qadarinin, sheikh

la yiraahdo Al-jurjaani allah ha u naxariistee wuxuu yiri;, “waxay i leeyihiin waxaad tahay nin dadka dhaxgalkooda iska uruurin, waxay arkeen nin aan meelaha duliga tagayn (goob xun aan istaagayn), haday dadka ahlu cilmigu ilaalin lahaayeen cilmiga isaguna wuu ilaalin lahaa , hadii naftooda uu ku waynaan lahaa cilmigu dadkuna way wayneyn lahaayeen”.

5- Akhlaaq Wanaagsan: Rabaanigu waa ka dhaxgala dadka, waxa fiicanna usheega, kulana dhaqma akhlaaq wanaagsan, cilmigiisa ayaa dhaxalsiin inuu u naxariisto dadka una dhimriyo.

6- Nafta oo lagu dahiro acmaasha fiican: Camalku waa miraha cilmiga, cilmi aan camal fiican wadanna wuxuu ku noqon saaxiibkiisa hoog, halaag iyo xujo maalinta qiyaamo. Qaybahan aan kor ku soo xusay waxay ka mid yihiin tilmaamaha culimada rabaaniyiinta, waxayna leeyihiin tilmaamo intaas ka siibadan, oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Qormada xigta waxaan ka hadli doonaa inshaa allah tilmaamaha culumaa’usuu, yaa culimaa’usuu ah, maxaa lagu kala gartaa iyo Natiijida laga dhaxlayo? muxuu yahay hadafka ka danbeeya?, maxayse tahay natiijada ka dhalan?

Lasoco Qaybta labaad insha allaah

Waxaa qoray Sh.  Ahmednuur macalim c/qaadir

Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center

Seattle, Washington

midnimo114@hotmail.com

Resource: somalitalk.com

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax
Desember 06, 2011

QORMADA 1waad

“Dowladaha adduunkow, maxaad nugu dilaysaan?

Ma diinteen Islaamkaa, waxaad nugu dilaysaan?

Barwaaqada dalkaan taal miyaad nugu dilaysaan?

Ma degaanka isteraatiiji ayaad nugu dilaysaan?

Ma dadkeenna firfircoon ayaad nugu dilaysaan?”

(Abwaan Soomaaliyeed, Somalitalk.com, 22/12/08)

“Kenya iyo Itoobiya waa inay jarjaraan Soomaaliya ka dibna labadooda midba jeex qaataa. Mid waliba waxay qayb u heli doontaa 300,000 sq

kilomitir oo ay dhulkeeda ku ballaadhsato iyo ilaa shan million oo qof oo raaciye cusub u noqda. Marka labdayada ciidan qabsadaa dhulka

Soomaaliya, ee aanu ku dhawaaqno inuu ka mid yahay dhulkayaga, xulafadayada Reer Galbeedku way nugu taageeri doonaan, iyagoo u arki

doona arrin iska dhammaatay … Jiboutina Sooma fara galin karto qorshaha lagu gunaanadayo aayaha Soomaalida.”

(Daily Nation [Wargeys-qarameedka Keenya], 4/10/ 2008).

Saddex sano ayaa laga joogaa markii la faafiyey hindisaha kor ku qoran. Maantana waxaa i xasuusiyey waxa imminka dhacaya. Mowduuca qoraalkani ku saabsan yahay waa u fiirsi dhacdooyinkan maalmahaan socda – ee u muuqda ku-tallaabsi qorshihii ay saddex sano ka hor daaha ka rogtey Dhaily Nation. Waxaa igu baraarujiyey iftiimin ay isla maalmaahaan qorshahaas iyo arrimaha socdaba ka qoreen indheer-garad ajnabi

ah, kuwaas oo hadalkaygu u badan doono xigashada iyo iftiiminta wixii ay qoreen oo aan jeclaystay inaan la socodsiiyo Soomaalida aan akhrin afka Ingiriiska, ama ku baraarugsanayn waxa agtooda ka dhacaya ee khuseeya aayohooda dambe.

Balse an ku horreeyo sii-yare iftiiminta qaar ka mid ah qodobbadii hindisaha Daily Nation, hindisahaas oo uu ku saxiixnaa qareen (lawyer) Kenyan ah oo lagu magacaabo Donald Kipkorir. Cinwaanku wuxuu ahaa “Kenya iyo Itoobiya waa inay kala jarjaraan Soonmaaliya mid walibana qaybteeda qaadataa”. Waa hadal cad. Faahfaahintii lagu sababeeyey waxaa ka mid ahaa weedhahaan soo socda:

“Soomaaliya ma aha dowlad maanta jirta oo leh xuduud ay ilaashadto. Keliya waa magac weli isaga dhex qoran khariiddada dunida”.

“Kenya iyo Itoobiya maanta ilbiriqsi way uga fududdahay inay saacadday doonaan madaxda soomaalida ka saxiixdaan dalkiinnii annagaa qaadannaye noo ansixiya. Waqti kasta madaxda iyo xeer-dajiyeyaasha Soomaaliya waxay dhooban yihiin Nairobi. Waqtigii aan doonno ayaan isugu keeni karaynaa hotel Nairobi ku yaal. Halkaas ayaan uga saxiixanaynaa sharciga aan dalkooda ku kala qaybsanayno annaga iyo Itoobiya.” “kharashka nooga baxa hawlgalka aan ku qabsanayno dhulka Soomaalida waxaa bixin doonta Soomaaliya. Waxay la mid noqon doontaa sida berigii xulufado qabsadeen Germany kharashkiina ku dallaceen Jarmalka – Soomaaliya waa dhul hodon ah oo ay ka buuxaan batrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan, iyo weliba khayraadka badda oo aan xisaab lahayn. Isla marka aan la wareegnaba waxaan ku marti-qaadi doonnaa saaxiibbadayada istratejiga ah inay noo soo saaraan khayraadkaas oo aan ka wada faai’deysanno”.

“Maraykanka iyo Ruushku way farxi doonaan wayna noo abaal-gudi doonaan haddaan Soomaaliya qabsanno oo dalkayaga ku darsanno.”

Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa faahfaahintii ay Daily Nation ka bixisay sida ay muhiim u tahay isla markaana u fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya xoog ku qabsadaan Soomaaliya ka dibna ku dhawaaqaan inay kala qaybsadeen.

Markii qoraalkaas la faafiyey dad badan oo Soomaali ah ayaa ka dhiidhiyey. Rag baa uga jawaabey qoraallo caraysan. Haseyeeshee waxay noqotay xumbo kacday haddana iska shuuqday, sida nalaku yaqaan haddaan Soomaali nahay. Haddaan qolo kale ahaan lahayn waxaan isku dayi lahayn tallaabooyin looga gaashaanto musiibada soo guuxaysa. Xitaa raggii damqaday ee jawaabay (oo dabcan intayada kale na dhaamey) jawaabtoodu waxay u badnayd wax u eg ‘bootayn’ aan sii qodnayn oo lagula murmayo nin shakhsi ah oo ay u arkayeen inuu iska bootaynayo ama iska hadlayo. Kuwii madaxda ahaa ee sida aad aragtaan sharafta looga qaaday midkoodna lagama maqal eray uu xitaa asagu isku difaacayo, qaran hadalkiis daaye. Iyagoo maalin walba warbaahinta Keenya waxaas ka qorayso ayay weli ka waantoobi la’yihiin inay u yaacaan oo si fool xun u tubnaadaan Nairobi oo marba qaar laga tarxiilayo, qaar lagu xirxirayo, si joogta ah loo bahdilayo, marba go’aan laga saxiixanayo, iyaguna maalin kasta lacag wixii ay haystaan ku shubayaan jeebabka dal aan abaal ugu hayn. Arrintii iyada ahayd dhawr sano ayaa cagta loo yar-dhigay. Waxaa lagu hoosaasinayey shirar marin-habaabis ah. Waxaa la sugayey inta burburka iyo quusta Soomaalidu sii gaarayaan meel ayan is-difaac haweysan Karin. Hadda ayay muuqataa in la gaarey halkii la sugayey.

Gulufka Cusub

Dhawr toddobaad ka hor ayay warbaahinta Keenya waxay dib u bilowday olole cusub, kaas oo gogol-xaadh iyo garabgal u ah hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya. Tusaale ahaan jariidadda afka dheer, The East African, tirsigeedii 30 Oktoobar waxaa lagu shaaciyey wax lagu magacaabay Qorshe-weynaha (Grand strategy) ay wataan dowladaha Soomaaliya la dariska ah. Jariidaddu waxay tilmaan cad ka bixinaysaa xogtaas muhiimka ah in ay ka heshay ilo xagga sir-doonka iyo diblomaasiyadda ah. Waxay soo bandhigaysaa qorshe nuxur ahaan beegsanaya isla bar-tilmaameeddii maqaalkii hore ee Daily Nation, bartilmaameeddaas oo ahayd in Soomaaliya la kala jarjaro, ka dibna ay kala qaybsadaan labadaas dowladood. Hayeeshee waxaa halka loogu soo bandhigay hab aan u qaawaneyn sidii maqaalkii hore. Wuxuu isticmaalayaa af ka asluubaysan kana cilmiyaysan, taas oo muujinaysa in dhab ahaan laga soo qaatay ilaha diblomaasiyadda iyo sir-doonka ee wargeysku tilmaamay.

Qorshe-weynahaan oo loo fulinayo hab tallaabo-tallaabo ah, tallaabada koowaad waa in gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya loo kala jaro saddex qaybood:

qaybta koowaad waa gobollada bartamaha Soomaaliya, waxayna hoos iman doontaa Itoobiya, sida qorshaha ku qoran; qaybta labaad waa dhulka gobollada koofureed intiisa badan waxaana saami u heli doonta Kenya; qaybta saddexaadna waa Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana gacanta ku hayn doona ciidammada UNISOM. Saddexda qolo ee ajnabiga ah mid waliba qaybta ay gacanta ku qabato waxay maamulkeeda u dhiibi doontaa dad Soomaaliyeed oo iyaga daacad u ah. Intaa waxaa la raacinayaa odhaah ay cid waliba iska fahmi karto inay tahay xeelad hoosaasin ah, taas oo ay leeyihiin, saddexda qaybood mustaqbalka fog waxay ka tirsanaan doonaan “dowlad Soomaaliyeed oo federal ah”. Waa xeelad diblomasiyadeed. Meel kale qorshuhu wuxuu leeyahay, saddexdaas qaybood ee dhulka Soomaalida loo kala gooyey waxay noqon doonaan wax lagu magacaabay “buffer zones” ama aagag lagu ilaaliyo ammaanka Kenya iyo Itobiya.

Daah-furka qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida

Haddaba , gulufka cusub ee ay Keenya ku gashay Soomaaliya, galintaanka Itoobiya iyana soo gashay gobollada dhexe (AFP, 19 Nov. 2011), ansixinta ururka IGAD ay labaduba ka dhammaysteen inuu u sharciyeeyo soo galidda dhulka Soomaaliya (shirkii Addis 25 Nov. 11), Soo dhaweynta Midowga Afrika asna ugu deeqay inay ku gabbadaan koofiyaddiisa (New York Times 18 November, 2011) iyo duulduulka aan ka maqlayno quwadaha waaweyn, intaas oo dhan isu geyntoodu waxay si cad u muujinaysaa qorshahe-weynihii ay shaaca ka qaadday saxaafadda Kenya, mar hore iyo mar dambeba, in aanu ahayn aftahammo warbaahineed ama male-awaal war-fidiyeen, balse uu yahay qorshe beri hore la go’aansaday, sannado badan loo soo gogolxaadhayey, Soomaalida lagu marin-habaabinayey shirar hoosaasin ah, lagu mintidayey in ayan dib u hana-qaadin dowlad Soomaaliyeed oo caqabad ku noqota qorshahaas, la curyaaminayey markii la unkaba, laga ilaalinayey hoggaan hagaagsan, laga takhallusayey masuulkii laga dareemo karti ama waddaniyad, marba hoos ahaan loo abuurayey laba dhinac oo dagaalka sii wadda. Cidda qorshahaan ka dambaysa ee daaha shishadiisa ka hoggaaminaysaana dabcan way ka weyntahay kana diirad fogtahay Kenya iyo Itobiya (eeg Pmbazuka News, Issue 557, 10 Nov. 2011). Cidda ay yihiin iyo ujeeddooyinka ay u adeegsanayaan labadaan dal, waxaa na fahamsiinaya xeel-dheerayaal ajnabi ah oo weliba reer Galbeed u badan.

Qofkii uu ku adagyahay fahamka qorshahaan kor ku xusan, iyo cawaaqibka uu dhaxalsiin doono aayaha dambe ee ubadka Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaa ku filan inuu indho furan ku akhriyo falanqaynta iyo fasiraadda uu ku sameeyey Dr. Michael Weinstein oo ah khabiir caalami ah, barfasoor culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Purdue University ee ku taal Chicago, USA. Waa diraasad uu soo saaray 14 Novmber, 2011 (ka eeg Kenya News 24, iyo shabakado Soomaaliyeed oo dib u daabacay, sida Hiiraanonline, Garoowe Online.) Halkudhegga qoraalku waa Kenya’s Political Failure in Sothern Somalia (Fashal-siyaasadeedka Kenya ee Kofurta Soomaaliya). Markase aad u fiirsato nuxurka qoraalka waxaa kuu muuqanaysa cinwaanka ku habboon inuu ahaan lahaa “Qorshaha Qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida” (ka dib kii Berlin, 1884 -85). Erayga “partition” (qaybin ama qaybsi) ayaa aad u soo noqnoqonaya oo ah udub-dhexaadka qoraalkani ku saynsaabanyahay. Sidaa awgeed, hadduu qoruhu ahaan lahaa qof ay aragtida hoggaaminaysaa tahay aqbalidla’aanta dambiga laga galayo iyo dulmiga dhawr qarni lala daba socdo ummad aan waxba galabsan, hadday fikraddiisu taas ahaan lahayd ayuu cinwaanka ka dhigi lahaa sida aan kor ku sheegay, haseyeeshee taa baddelkeeda Dr. Weinstein, in kastoo uu yahay caalim tilmaamaya xaqiiqda jirta, haddana ugu dambaynta waa nin ka soo jeeda dhinaca kale, dhinaca ay ahayd in si cad loogu yiraahdo ‘waxa aad samaynaysaan waa godob weyn, ee Ilaahiina ka baqa, ama taariikhda ka baqa!’ . Qofka fiirada dheer ee akhriya sadarrada dhexdooda wuxuu fahmi karaa Dr. Weinsteinhaliilo waaweyn u soo jeedinayo Dowladda Keenya, dulucda dhambaalkiisu inay tahay ‘Keenya ma leh karti ay keligeed guul uga soo hoyso hawgalkaan culus, ee yaan lagu hallayn. Gacan ha lala gaadho inta aaney fashilin qorshahe-weynahaas istraatiijiga ah ee lagaga talagalay aayaha Soomaalida’!.

Dr. Weistein wuxuu qoraalkiisa ku bilaabayaa tuduc (paragraph) war oo dhammi ku idil yahay. Wuxuu u qoranyahay sidaan (tarjumad):

“Hawlgalka militari ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya waa calaamad dadka Soomaaliyeed uga digaysa inay ku baraarugaan halka uu ku dambayn doono mustaqbalkooda siyaasadeed: halkaas oo ah qaybin la kala googoyn doono dhulkii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliyeed xornimada ka dib. Waxaa loo kala googoyn doonaa maamullo yaryar oo itaal daran oo kala hoos taga dowladaha dariska ah ee kala ah Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u adeegsan doona danohooda gaar ahaaneed, isla markaana dillaal ama wakiil uga noqon doona quwadaha dibadeed ee waaweyn,

Maraykanka, waddammada Yurubta galbeed iyo waliba Shiinaha oo faragalinteedu isa soo tarayso.”

Cutubka ku xiga Michael Weinstein wuxuu ku sii qeexayaa qota-dheerida qorshahaan iyo sida ay aarintani u tahay kala-bayr taariikhi ah (historical cross-roads) raad-reebkiisu socon doono qarniyo badan oo soo socda. Wuxuu u qoranyahay sida soo socota:

“Muddadii ka dambeysey burburkii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre 1991, waa markii ugu horreysey oo si buuxda loo gaarey go’aan meel cad lagu gunaanadayo halka uu ku dambayn doono dhismaha siyaasadeed (political organization) ee “Soomaaliya” ka dib markii muddo labaatan sano ah la ag marmarayey oo dib loo dhiganayey go’aankan. Gunaanadka aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid ay dusha kaga keenaan quwadaha dibadda oo isticmaalaya xeeladdii ahayd ‘ qaybi oo xukun’, taas oo ku iman doonta inay abuuraan maamullo yaryar oo lagu adeegto, kuwaas oo mid waliba ku dhisan yahay qabiilka u badan degaankaas.”

Qorshaha noocaan ah inuu jiro iyo inuu yahay mid ay muddo ka soo shaqaynayeen una soo gogol-xaadhayeen Maraykanka iyo xulafadiisu ciddii aan hore u fahmi kareyn amase uu weli mugdi kaga jirey waxaan filayaa inuu ku filan yahay marag-furkaan cad ee barfasoorka Maraykanka ah iyo qaar kaloo aan arki doonno. Tan labaad ee muhiimka ah, haddii uu qorshahani hore u ahaa mid lagu ilaaliyo khaanadaha sirdoonka, maanta way caddahay in laga soo saaray lana bilaabay fulintiisii, ka dib mrkii la hubiyey in loo bisleeyey xaaladda Soomaaliya. Weli si rasmi ah looma shaacin,

gunaanadkiina laguma tallaabsan, haseyeeshee, sida uu caddaynayo Dr Weistein, waxaa la qaaday tallaabo wixii wax garan karaa fahmi karaan inay tahay tii ku xigtey ee u gogol-xaadheysey tallaabada gunaanadka iyo ku dhawaaqidda in qabri lagu hubsaday qaranimo Soomaaliyeed. Barfasoorku wuxuu intaa sii raacinayaa eraymurtiyeed farta ku fiiqaya halaagga ay tallaabadani Soomaalida dhaxalsiin doonto. Wuxuu leeyahay,

“Way iska caddahay tallaabadani inay noqon doonto mid si kama-dambays ah god ugu ridda isku day kasta oo ay dadka Soomaaliyeed mustaqbalka haweysan lahaayeen inay aayohooda ka taliyaan (self-determination) ama inay yeeshaan awood ay danohooda kaga difaacdaan fagaarayaasha caalamamka…. Taa micneheedu wuxuu yahay dadka Soomaaliyeed inay noqon doonaan kuwo laga dabar gooyey wax tabar iyo taag ah; dib dambe iyaga uma noqon doonto cidda gaaraysa go’aannada khuseeya aayatiinkooda dambe. … Qaybsigan [Soomaalida la qaybsanayo] micnihiisu waa gumeysi hor leh.”

Ummad DIL lagu Xukumay iyaguna Dareemi la’ – Ila Dhuuxa Erayadan

Xog-warranka iyo falanqaynta cilmiyaysan ee Dr. Weinstein waxaa jira erayo mudan in hoosta laga xarriiqo ama si gaar ah loogu fiirsado. Waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

A) Digniinta Weinstein:

“It is the first time since the collapse of Siyad barre’s dictatorship in 1991, there is a strong possibility that “Somalia” which has existed in political limbo, with decisions on its political organization on hold and deferred will take a more settled political definition.That settlement will be imposed by external powers using the tactic of divide and rule, to create dependent client states loosely based on dominant clans in Somalia’s regions. …[that] scenario … would spell any possibility that the Somali people could regain their self-determination and be able to defend their own  interests on the international stage … the Somali people would be permanently weakened and they would not make the decisions determining their fate.”.

Tuducan kooban erayadiisa an hoosta ka xarriiqay waxay noo tilmaamayaa shan arrimood oo aad u culus:

1. Kow, In labaatankii sano ee dalkan burburku ka socdey aan laga sii jeedin (sida dadku yiraahdaan) balse lagu soo jeedey (si qarsoodi ah) lagu maqnaa, loo tashanayey, la diiddanaa inay Soomaaliya ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, iyadoo dib loo dhiganayey “on hold” fulinta go’aan SIR ah oo meel la dhigtay, kaas oo fulintiisa lala sugayey “deferred” xilli ku habboon, xilli ay Soomaalidu quusatay, lagana dhammeeyey cid caqabad ku noqon karta go’aankan asaga ah ee ah in lagu dhawaaqo soo afjaridda dowladnimo Soomaaliyeed, in Soomaalida laga xayuubiyo

xaqa aaya-ka-talinta “their self-determination” iyo in la kala qaybsado dhulkooda ‘partition:” Tan micneheedu waa DIL tartiib-tartiib ah (gradual killing) oo lagu xukumay ummad dhan oo ah qaran madax bannaan oo xubin buuxda ka ah Qarammada Midoobey. Waa ku-tumasho bareer ah laba qodob oo ka mid ah qodobbada asaasiga ah ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmiga (Universal Declaration of Human Rights), xaqa cid waliba u leedahay go’aaminta aayeheeda iyo nolol sharaf leh. Waa tallaabo ugub ah. Waa halis aan hore loo arag oo ku soo fool yeelatay, Soomaalida uunn ma ahee, idil ahaanba ummadaha xornimada jecel.

2. Arrinta labaad waa yoolka la bar-tilmaameedsaday inuu yahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo maxaysato aan dib dambe awood u yeelan Karin, haweysanna Karin inay ka arrimiyaan aayatiinkoodu waxa uu noqon doono. Taasi waxay ku caddahay erayadaan khabiirku leeyahay: “the Somali people would be permanently weakened and they would NOT make the decisions determining their fate”. Micnhu wuxuu yahay, quwadaha waaweyn oo ay is xulufaysanayaan Keenya iyo Itoobiya ayaa waxay hoos ahaan u go’aansadeen in la DULLEEYO Soomaalida, si dhulkooda hodonka ah loogu tagri-falo sidii la doono. Imminkaba calankii oo weli taagan, labaatankan sano ee u dambeysey cidda ka talinaysey Soomaaliya waxay ahayd huwantaas dulmiga isu gaashaanbuursatey oo ku hoos gabbanaysey koofiyadda Qarammada Midoobedy, ilaa imminka.

3. Arrinta saddexaad, hadalka khabiirku wuxuu daaha ka qaadayaa in fulinta hadafkan loo adeegsanayo xeeshii caanka ahayd ee isticmaarka “devide and rule” (qaybi oo xukun), taas oo Soomaalida lagu kala qaybinayo qabyaaladda la ogaadey inay addoon u yihiin, “loosely based on dominant clans”.

4. Tan afraad wuxuu na tusayaa waxa loo bixiyey “dowlad-goboleedyada” ee beryahaan dambe sida daacuunka u faafaya in ay tahay arrin halkaas ka socota oo qayb ka ah qorshe-weynahaas qaran-burburinta iyo qaybsiga dalka. Xqiiqdaas si cad ayuu u muujinayaa Dr. Weinstein marka uu leeyahay “…external powers using the tactic of divide and rule to create dependent client states, loosely based on dominant clans inhabiting Somalia’s regions”. Tan ka sii daran, waxaa hoos ahaan loo qorshaynayaa maamul-ku-sheegyadaas gumeysteyaashu dhisteen inay noqdaan murashixiinta cusub ee la wareegi doona xilka is-dilka Soomaalida iy joogtaynta dagaalka sokeeye, markii la arkay inay isla sii bas-beelayaan Al Shabaab iyo DKMG ah.

5. Arrinta shanaad, Michael Weinstein wuxuu si aan toos ahayn ugu doodayaa Soomaaliya in ayan imminkaba ahayn dal jira. Taas wuxuu si dadban ugu soo dhigayaa: a) hadalka uu leeyahay “ qaybinta geyigii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliya…” Wuxuu isticmaalayaa erayga “territories”, halkii uu oran lahaa Soomaaliya. b) way jirtaa mar uu isticmaalayo magaca Somalia, laakiinse wuxuu dhex galinayaa bilo rogan (“Somalia”), taas oo micneheedu yahay “waxa lagu sheego Soomaaliya” ama so-called Somalia. Halkan waxaa la yaab leh, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ajnabiga uga xag-jirsan qodobkan ah qiima-tirka magaca “Soomaaliya” iyo weliba diidmada magaca guud ee “Soomaali”. Dad badan oo bilowgii hore u badnaa dhanka Somaliland, haddase cid walba yeeshay ayaad idaacadaha maalin kasta ka maqlaysaa iyagoo leh “wixii la odhan jirey Soomaaliya” ama, tan ka sii daran “dadka af Soomaaliga ku hadla”, iyagoo afka ka dhawraya inay ku tiraabaan “umadda Soomaaliyeed” ama xitaa “Soomaalida”. Heerkaas ayaa durba la gaarsiiyey! Soddon iyo afartan sano ka dib maxaad filaysaa!

B) Jees-jeeskii Kipkorir iyo “madaxda Soomaaliya” ee u marag-furtay:

“For Kenya and Ethiopia, having the Somali legislature to endorse the annexation will be cakewalk. At any given time, most, if not all, Somali legislators are in Nairobi. We will have them convene in one of our hotels and to pass the appropriate statutes dividing their country”.

Saddex sano ka hor ayay ahayd markii uu Kipkorir sidaa qaawan Soomaalida ugu jeesjeesay, madaxdeedana u bahdilay. Dadka Soomaaliyeed berigaas way ka damqadeen. Qaar badan ayaa Kipkorir si kulul ugu jawaabeey, sidaan hore u sheegay.

Waxay is lahaayeen waxa uu ku hadlayaa waa af-la-gaaddo aan dhab noqon karin. Nasiib-darro, manta ah, “meel-ku-gaarka” aad maqlaysaan meesha loogu tala galay in “lagu gaaro”, ma aha (sida dadka loo sheego) dhisme dowlad dhab ah oo dastuuri ah oo ay yeelato Soomaaliya. Meesha dhabta ah ee la doonayo in lagu “gaadho” waa waqtiga si rasmi ah loogu tallaabsan doono go’aanka kama-d ayaan indhahayaga ku aragnaa wixii ninkaasi saddex sano ka hor shaagay oo hortayada ka dhacaya: madaxdii ugu sarreysey Dowladda KMG oo si is daba-joog ah inta marba lagu amro inay iska soo xaadiriyaan Nairobi ama A ddis Ababa lagaga saxiixanayo in lala wareego dalkii ay masuulka ka ahaayeen!! Kolkaa, yaa maanta eray ku celin kara Mr. Kipkorir? Waa wax laga xanuunsado, la-yaabse ma leh.Nimanka Muqdishu midba mar looga yeeranayo cidda saxiixa ku amraysaa waa ciddii markoodii horeba meesha dhigatay, tanina waa ujeeddadii loo dhigtay ee daraaddeed looga takhallusay masuuliintii lagu tuhmay inay ka dhega adaygi karaan waxa kuwani saxiixayaan. Asalkaba waxaan lagu magacaabo TFG ama Dowladda ku- meel-gaarka Soomaalida: xilligaas ayaa loo baahan doonaa cid shaabbad la aqoonsanyahay haysata oo magaca Soomaaliya looga saxiixdo go’aanka lagu aasayo qaranimada Soomaalida. Inta taa ka horraysana waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kale: kow, in Soomaalida lagu sii maaweeliyo; laba, dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa la kala boobayo in in-yar-in-yar hoos-hoos iyo kor-korba looga saxiixdo, berritona saxiixaas lala soo baxo. Waa intaas uun muraadka laga leeyahay DKMG.

Waa sababta muddada dheer loogu hayo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Waa sababta loo leeyahay waa la citiraafsanyaha aqoonsanyahay, haddana hoosta looga curyaaminayo. Waa sababta loo siinayo san-dareerto nafta ku sii haysa loona oggolayn taakulayn iyo gergaar run ah oo ay ku yeelato awood dowlad dhab ah oo dalka hanata. Maalinta laga saxiixdo warqadda ugu dambaysa ayaa sandareertada laga goosan doonaa si ay u qudhbaxdo, sidii qof sakaraad ah oo laga goostay faleebbihii ama lifemachine-kii nafta ku hayey. Maalintaasi aad ayay u soo dhawaatey! Sidaa awgeed, madaxda DKMG waxaan leenahay, kolley waad dhimanaysaane, ma sii joogi doontaane iska ilaaliya inaad ku dhimataan sharaf-darro iyo khiyaano qaran oo inta noloshiinna ka hadhay idinku noqota cambaar aan go’in! Ku dhaqma murtida Soomaaliyeed: “haddaad dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa.”

C) Hoosaasinta UN: Dr. Michael Weinstein dabayaaqada warbixintiisa wuxuu qorayaa falanqayn ka marag-kacaysa hadalka kor ku sheeggan.

Wuxuu leeyahay: “ As it looks ever less probable that the U.N.-managed “transition” of Somalia to a permanent constitutional state will succeed, the alternative remains partition, balkanization,cantonization. Kenya’s operation in Somalia might have been the beginning of thepartition process had it not been for Nairobi’s political incompetence”.

Khabiirku wuxuu qeexayaa, anna aan la qabaa, waxa lagu magacaabo “transition” ama kala-guur, ama u-gudbid dhisme dowlad joogtaysan oo xeer ku dhisan, inay tahay wax ayan ka dhabayn doonin haya’dda Qarammada Midoobey ee arrinta maamulaysa. Marka taasi fashal ku dhammaato, muddo sannad ka yar dhexdeed, waxa lagu beddeli doono ayuu Weinstein tilmaamayaa inay noqon doonaan in si rasmi ah loogu tallaabsan

doono go’aankii qaybsiga dhulka “partition”, “balkanization”, “cantonisation”. Way iska caddahay inay taas gogol-xaadh u tahay tallaabadan cusub ee la-yaabka leh, gulufkan military ee huwanta ah iyo ansixinta magaca IGAD iyo AU lagu sharciyeeyey inay dhulka Soomaaliya qabsadaan ciidammada Keenya iyo Itoobia – waa kan khabiirku ku tilmaamaya hawlgalka Keenya “the beginning of the partition process “ (bilowgii geeddisocodka qaybsiga dhulka). Wuxuu raacinayaa sida keliya ee uu hawlgalkani sidaa ku noqon waayi karaa inay noqon karto uun karti-darro siyaasadeed oo ka timaadda xagga Keenya. (Xilliga warbixintan la qorayey wuxuu ahaa waqti aan weli la shaacin soo galitaanka Itoobiya).

Halkan waxaa muhiim ah inay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Keenya iyo Itoobiya intuba fahmaan tallaabadani inay tahay mid liddi ku ah, Soomaalida keliya ma ahee,

xitaa danaha dhabta ah ee dadka Keenya iyo Itoobiya. Waxay u soo jiidaysa dhibaato hor leh. Waxay ka jeedinaysaa kana curyaaminaysaa wax badan oo tan uga muhiimsan oo uu ka mid yahay geeddi-socdkii bilwga ahaa ee dimoqraaddiyaynta bulshada Keenya. Dadyowgan walaalaha ah ee ku wada nool gayigan Geeska Afrika midkoodna dan uma aha in lagu mashquuliyo colaad joogta ah oo marba kii wax isbidaa kan kale u xoog sheegto. Dantooda dhabta ah waxay ku jirtaa nabad iyo iskaashi walaalnimo oo u dhigma kan ay yeesheen dalalka Yurub, ka dib markay ka koreen qarniyo badan oo ay is dili jireen. Cidda isku kaaya dilaysa, tallaabadan cusubna ka dambaysaa waa quwadaha waaweyn ee gumeysi-doonka ah, kuwaas oo dagaalkan cusub u adeegsanaya danohooda gaarka ah.

D) La-dagaallanka Ashabaab: xaq baaddil loogu gabbanayo: arrin kale oo soo raacaysa arrimaha kore, duullaanka cusub ee Keenya iyo Itoobiya marmarsiinyaha loogu soo gabbaday wuxuu ahaa “waxaan la dagaallamaynaa Ashabaab oo halis ku ah amniga labadan dal”. Keenya taas waxaa u dheer dadka gobollada koofure oo la isku dayayo in lagu sasabo ama lagu seexiyo “aammusa dhulkiina ayaa la idiin barwaaqayn doonaaye!” Waa muran-ma-doonto inuu dal kastaa xaq u leeyahay difaaca amnigiisa. Muran-ma-doonto kalena waa Ashabaab inay yihiin aafo dhibaato culus ku haysa guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed oo ay soo kartay dhibaatada shar-wadeenkan, way jeclaan lahaayeen inay mar uun arkaan Ashabaab oo laga xoreeyey dhulka ay xoogga ku haystaan. Haseyeeshee run ma tahay ujeeddada gulufkani inay tahay in dadka Soomaaliyeed laga xoreeyo Ashabaab? Miyay run ahaan doonayaa in Ashabaab laga takhalluso? Jawaabtu waa maya, ma doonayaan iyaga iyo xulufadooduba, sababtuna aad ayay u fududdahay.

Xarakada Ashabaab waxay qayb ka tahay qorshe-weynaha kor ku tilmaaman ee qarantirka Soomaalida iyo dulleynta dadka Soomaaliyeed. Waxay kaga jirtaa dhinacyo aad muhiim u ah oo ay cid kastoo kale kaga firfircoon yihiin, ugana fara dhuudhuuban yihiin, maadaama ay Soomaalida ku qaldi karaan oo ku beerlaxawsan karaan caaddifadda diinta iyo tan qabiilka. Ashabaab waxaa loogu talagalay, oo Carab nacab ah iyo cafaariiddan kaleba u soo direen, inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah (five combined missions), kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida, iyo laba ujeeddo oo iyana si dadban ugu adeegaya isla qorshahaas. Shanta tooska ah:

1. Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya;

2. Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo (national identity), sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm;

3. Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeehsaan wacyi qaranimo;

4. Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah;

5. Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin.

Qodobkan u dambeeya waxaa Ashabaab la wadaaga ama la fuliya burcad-badeedda oo qudhooda hoos ahaan loo dhiirri-galiyo.

Labadan qolaba waxaa hoos ahaan loogu kobciyaa si looga dhigto sabab loogu soo gabbado qabsashada dhulka Soomaalida, bad iyo berriba.

Maxay ku dhacday in Ashabaab dagaalkan huwanta shisheeye lagu soo qaado xilli ay wiiqmeen ee sii dhimanayeen, waqti ciiddu soo tuftay, dadka Soomaaliyeed karheen, carruurtoodii kala bexeen, meel cidla’ ah dhigeen, ay ku dhex noolaan kari waayeen, wixii ajnabi ahaa lafohooda la baxsadeen, dhexdooda iska horyimaadeen oo kala daateen, ay muuqatey inaan waqti u harsanayn? Iyagoo sidaa u sii burburaya ayaa waxaa soo nooleeyey weerarkii ajnabigu ku soo qaaday. Markaas ayay heleen taageero iyo gurmad xooog leh oo hub, dhaqaale iyo ciidan shisheeye intaba leh, waana sidii la filayey ee lagu talagalay. Dowladahan ajnabigu hadday daacad ka ahaan lahaayeen la-dagaallanka Ashabaab waxay u soo mari lahaayeen waddadii saxdea ahayd ee la wada fahmi karey, taas oo ah in la awoodeeyo ciidanka Dowladda Soomaaliyeed. Wixii ka harsanaa ciidammada Ashabaab waxaa muddo gaaban dalka uga nadiifin karey ciidammada DGMG oo kaashanaya kuwii AMISON ee hore u joogey.

Hayeeshee arrintu waa “oohin orgiga ka weyn”! Waxa loo socdaa ma aha Ashabaab, balse waa bilowgii fulinta qorshe-weynaha qaybsiga dhulka Soomaalida, sidii uu qeexay Dr. Weinstein, horena ay daaha uga rogtey saxaafadda Keenya. Ashabaab iyo DKMG labadaba waa la sii hayn doonaa inta la diyaarinayo laba dhinac oo cusub oo lagu wareejiyo qoriga dabka dagaalka Sokeeye. Waa taas xaqiiqdu.

Maxay ku Dambayn doontaa Durriyadda Soomaalidu?

Haddaba su’aasha weyn ee na hor imanaysa, muxuu ku dambayn doonaa aayatiinka dambe ee dadka maanta loo yaqaan “Soomaali”? Dhawr su’aalood oo soo raaci kara:

Ka sokow inta kor ku qeexan, maxaa kale oo caddaynaya inuu dhab ahaan jiro qorsheweynahan “grand strategy” lagu talagay in la burburiyo qaranimada Soomaalida, dhulkayagana lala wareego? Waa maxay sababaha keenay in Soomaalida si gaar ah loola beegsado shirqoolkan cadowtinimo? Waxa ku dhacay Soomaalida iyo waxa ka daran ee ku soo socda Yaa ka masuul ah, ma Soomaali baa ka masuul ah, mise quwado shisheeye oo ka awood weyn, mise labadaba? Hadday jawaabtu tahay labadaba, waa maxay qaybta mid waliba ku leeyahay? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay gashay ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Daba-qabad ma leeyihiin? Dawo ma yeelan karaan? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo wixii weli harsan?

Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ku falanqayn doonnaa qormada labaad ee gunaanadka ah.

La soco.

M. D. Afrax

Email: Inadaahir2004@hotmail.com