Qaybaha Dadka iyo sida loola dhqamo. »
By Somalimirror on 7 Mar, 2010 9:09 AM in Maqaallo | 0 Comments
Qaybta 1aad Sii akhri »
Wax walba oo khuseeya Soomaaliya & Soomaalida
By Somalimirror on 7 Mar, 2010 9:09 AM in Maqaallo | 0 Comments
Qaybta 1aad Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Mar, 2010 1:27 PM in Maqaallo | 1 Comment
By Somalimirror on 9 Feb, 2010 11:26 AM in Maqaallo | 1 Comment
By Somalimirror on 9 Feb, 2010 11:18 AM in Maqaallo | 3 Comments
By Somalimirror on 8 Feb, 2010 12:49 PM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 4 Feb, 2010 5:50 PM in Maqaallo | 4 Comments
By Somalimirror on 3 Feb, 2010 5:58 PM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 29 Jan, 2010 8:46 PM in Maqaallo | 7 Comments
By Somalimirror on 6 Jan, 2010 10:59 AM in Maqaallo | 8 Comments
By Somalimirror on 4 Jan, 2010 12:07 PM in Maqaallo | 2 Comments
By Somalimirror on 22 Dec, 2009 10:34 AM in Maqaallo | 2 Comments
By SomaliMirror on 4 Dec, 2009 5:14 PM in Maqaallo | 5 Comments
Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?
Jaamac C/llaahi Caydiid
Haa, waa ka bixi karnaa weliba si fudud ayaa looga bixi kara waxaanse u baahannahay marka hore inaan ka jawaabno su’aalahan:
1. Wahsiga inagu dhacay intee le’eg yahay?
2. Xaggee la inooga yimi?
3. Xaggee la inooga badanyahay?
4. Goorma ayaa inoogu horaysey wahsiga?
5. Calaamado lagu garto ma leeyahay?
Haddii su’aalahan aynu uga jawaabno si dhab ah oo qayaxan oo aynaan waxba qarin, kana xishoon inaynu sheegno meesha ceebtu ka jirto waxaynu helaynaa dawada wahsiga aynu kaga baxayno.
Tusaale sahlan: Ka soo qaad haddii aad xanuun ku haya dhakhtar ugu tagtid shaki ma leh inuu ku waydiinayo su’aalaha kor ku xusan, haddii aad qaar ka mid ah ka xishootid ama kala baqdid inaad dhakhtarka u sheegtid waxaa dhici karta in dawo khaldan oo wax ku yeesha laguu qoro iska daa inaad heshid dawadii kugu munaasibka ahayde!!
Dareenka wahsigu waa jiraa hase ahaatee qof kasta oo ay ku jirto qiiro islaamnimo iyo isxilqaan waxqabad markaad kala sheekaysatid arintan wuxuu ku salaynayaa xalka uu kuu sheegayo sida uu u arko jawaabaha su’aalaha kor ku xusan.
Shirkii dardar gelinta dacwada
Shirka waxaa ka soo qayb galay culimo waaweyn, dhalinyaro dacwada ku soo biiray qaxii ka dib iyo rag ducaad hore ahaa oo shirkan oo kale ay ugu dambaysey sanadkii 2000 ka hor:
Shirku wuxuu ku furmay jawi diiran iyo niyad ay ku dheehantahay xamaasad iyo isbedel-doon, ragga badankoodu suuqa iyo masaajidda waa la isku salaamaa laakiin wada tashi iyo isu imaad noocan oo kale ah goor isugu dambaysey lama xusuusto.
Shirku haddii u furmayba waxaa la guda galay qodobadii ugu muhiimsanaa oo ay ka mid ahayd su’aasha qormadan aan cinwaanka uga dhignay:
Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?
“Xamaasaddii dacwada dhalinyaradu u hayeen ayaa meesha ka baxday” nin culimada waaweyn ka mid ah ayaa ku sababeeyey wahsiga.
“Aduun iyo xaasas iyo caruur baa lagu mashquulay” waxay ahayd fekrad rag badani cilladda ku sheegeen.
Qaar kale waxay qabeen in khilaafka fikirka iyo manhajka ku salaysan sababay hoos u dhaca xawaarihii dacwadu ku socotay.
“Cadow baa nagu soo duulay, hay’ado iyo gacmo shisheeye ayaa umadda qasaya” waa fikrad laga yaabo in loo badanyahay.
“Meeshan waa la caajisay shiikh, ninkii aad ugu tagtaa kaalay oo dersi ama muxaadaro dad u soo jeedi waa kaa cudur daaranayaa, kulay ku tahay khudbaddii jimcaha ayaa laga soo taaganyahay” waxaa shirka ku darsaday nin dhalinyaro ah oo isagu raggii dambe ah.
Waxaa kaloo iyadana rag badani tibaaxeen in isku xidhnaantii iyo wadatashigii inay meesha ka baxay.
Maxay ku dhacday in shirkadaheena ganacsigu najaxaan maraakista dacwaduna fashilmaan? Waxaa shirka waydiiyey Sh. Axmed oo ka mid ah ragga weli iyagu ku mashquulsan dacwada.
Shirku haddiiba uu mudo si fiican u socday waxaa la soo gaadhay xilli dambe oo ragga qaarkood ku andacoodeen in shirka la soo gabagebeeyo maadaama laga sugayo inay furaan meherado ay furahooda iyaga keliya hayaan, kuwo kalana waxay sheegteen in xiisado laga sugayo jaamacadaha iyo iskuulada.
Guddoonkii shirka way ku adkaatay inuu shirka sii wado waxaase si degdeg ku jiro la isugu raacay in guddi laga xulo raggii shirka fadhiyey si ay uga soo talo bixiyaan arimihii shirka lagaga dooday.
Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan
By Somalimirror on 30 Nov, 2009 11:12 AM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 26 Nov, 2009 9:40 AM in Maqaallo | 1 Comment
By Somalimirror on 26 Nov, 2009 9:30 AM in Maqaallo | 0 Comments
Wxaan Qeytaan Afaraad kaga Hadleynaa Fadliga Maalinta Carafo iyo Fursadaha ku jira Maalinkaas.
Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
1- Maalinka Carafo waa maalintii Diinka la Dhameestiray iyo Nicmada Allaah ku Maneestay Muslimiinta.
ففي الصحيحين عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه أن رجلا من اليهود قال له : يا أمير المؤمنين ، آية في كتابكم تقرءونها ، لو علينا معشر اليهود نزلت لاتخذنا ذلك اليوم عيدا . قال أي آية ؟ قال : ” اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا ” المائدة :3 . قال عمر : قد عرفنا ذلك اليوم والمكان الذي نزلت فيه على النبي صلى الله عليه وسلم : وهو قائم بعرفة يوم الجمعة .
Xadiiskan waxaa uu Tilmaamayaa Qiimaha iyo maamuuska Maalintan : Nin Yahuud ah ayaa ku yiuri Amiirkii Mu’miniinta Cumar: Aayad Kitaabkiina ku jirta hadii ay anaga Yuhuudaa nagu soo dagan lahaeyd waxaan ka dhigan laheyn Maalinkaas Ciid, markaasuu Cumar Ibnu KHadaab Su’aalay oo yiri: waa Aayadee? waxaa Yuhuudigii ku Jawaabay waa Aayada Qr’aanka ah
{اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دين}
Cumar waxaa uu yiri: waan Naqaan Maalinkaas iyo Meesha ay kula soo dagatay Nabiga Suuban [Naxariis iyo Nabad alaha Yeelee]: Aasaga oo taagan Carafa, weliba Maalin Jimca ah.
Marka Xadiiskaan waxaa laga qaadanayaa in Maalinka Carafo yahay Maalinkii mUslimiinta illaah u yaboohay inuu u kamilay Nicmadii Diinka Islaamka ee uu Illaah uga Raali Noqday Muslimiinta, taasoo tuseysa in Maalinkaan yahay maalin Barakeysan.
2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan:
قال صلى الله عليه وسلم : ” يوم عرفة ويوم النحر وأيام التشريق عيدنا أهل الإسلام ، وهي أيام أكل وشرب ” رواه أهل السنن .
Waxaa kaloo Cumar Ibnu KHadaab laga wariyay inuu yiri waxe Soo dagatay Aayadaan ah { اليوم أكملت } Maalin Jimco ah ahna Maalin Carafo ah , waxaa uuna yiri: Labada Maalinba waa noo Ciid Illaah Mahadii
وقد روي عن عمر بن الخطاب أنه قال : ” نزلت – أي آية ( اليوم أكملت ) – في يوم الجمعة ويوم عرفة ، وكلاهما بحمد الله لنا عيد “
3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, Sida ku Cad Aayadan
:{فهو اليوم المشهود في قوله تعالى : ” وشاهد ومشهود ” البروج :3}.
Waxaa Sidoo kale abuu Hureyra tilmaamay Maalinta
فعن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” اليوم الموعود يوم القيامة ، واليوم المشهود يوم عرفة ، … ” رواه الترمذي وحسنه الألباني
Waana Witirka uu Illaah ku Dhaartay Sida ku cad Aayadan:
{ في قوله : ” والشفع والوتر ” الفجر :3}
Ibnu Cabaas [Allaaha ka Raali Noqdee] waxaa uu ku macneeyay Shfacu inuu yahay Maalinta Ciidda Udxaha, Witirkana waxaa uu ku Macneeyay Maalinta Carfo, sidaasoo kalan waxaa ku macneeyay Rag badan oo Culimadii Salafka ka mid ah, taasoo tyuseysa Maalinka Carafo Qiimaha iyo Qadarka uu leeyahay.
قال ابن عباس : الشفع يوم الأضحى ، والوتر يوم عرفة . وهو قول عكرمة والضحاك .
4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, Sida Nabiga Suuban Tilmamay{Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo sanadka soo socda},
فقد ورد عن أبي قتادة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم سئل عن صوم يوم عرفة فقال : ” يكفر السنة الماضية والسنة القابلة ” رواه مسلم
Xadiiskaan Dembi Dhaafka Yabooyaha waxaa uu nagu Baraarujinayaa Soonka Maalinta Carafo iyo Fadliga uu leeyahay si aan uga Faaiideysano.
5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen
{قالوا بلى شهدنا} arinkaasoo oo dhacay ka dib markii la dhameestiray Abuuristii Nabi Aadam, sidaasna waxaa Cadeeyay Xadiiskan Soo Socda:
فعن ابن عباس رضي الله عنهما قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” إن الله أخذ الميثاق من ظهر آدم بنعمان – يعني عرفة – وأخرج من صلبه كل ذرية ذرأها ، فنثرهم بين يديه كالذر ، ثم كلمهم قبلا ، قال : ” ألست بربكم قالوا بلى شهدنا أن تقولوا يوم القيامة إنا كنا عن هذا غافلين , أو تقولوا إنما أشرك آباؤنا من قبل وكنا ذرية من يعدهم أفتهلكنا بما فعل المبطلون ” الأعراف :172-173 ، رواه أحمد وصححه الألباني ، فما أعظمه من يوم وما أعظمه من ميثاق .
Marka waxaa nala gudboon inaan Cumrigeena yar uga afaaiideysanio Munaasabadaha waa weyn ee uu illaah noogu talagalay inaan weax badan kaga faaiidno si Cumrigeena u Barakoobo, oo waqti yar aan u helno Ajaro fara badan oo waa weyn.
6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaah Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
ففي صحيح مسلم عن عائشة رضي الله عنها عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة ، وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة فيقول : ما أراد هؤلاء ؟ ”
وعن ابن عمر أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” إن الله تعالى يباهي ملائكته عشية عرفة بأهل عرفة ، فيقول : انظروا إلى عبادي أتوني شعثا غبرا ” رواه أحمد وصححه الألباني .
Hadaba waxaan isu dardaarmeynaa inaan ka Faaiideysano Maalinkaas Carfo si gaar ah ugu Dadaalno Soonkiisa iyo inaan illaah weydiisano inuu naga Dhaafo Dembiyada faraha badan ee aan goor walba gacmahata kula jirno, Naartana naga badbaadiyo isagaa wax walba awoodee.
Waxaa Diyaariyay Calinuur Xaoogsade
calixoogsade@hotmail.com
By Somalimirror on 22 Nov, 2009 10:17 AM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 22 Nov, 2009 10:02 AM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 18 Nov, 2009 1:01 PM in Maqaallo | 0 Comments
By Somalimirror on 17 Nov, 2009 12:24 PM in Maqaallo, Qoyska | 2 Comments
By Somalimirror on 10 Nov, 2009 8:01 PM in Maqaallo | 0 Comments