Category: Madadaalo

Waar ka baxa!! »

Xasan Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com

Imaamkii dadka tukinayay ayaa ogaaday inuu weyso la’aan salaadda galay markaasuu intuu salaaddii ka baxay gacanta qabtay oo mixraabka galiyay mid ka mid ah dadkii gadaashiisa ku tukanayay.


haddii uu imaamkii baxay oo weyso doontay imaamkii cusbaa ee mixraabka la galiyay talaa ku caddaatay si uu yeelana wuu garan waayay haddii uu cabbaar aamusnaana intuu dadkii ka soo horjeestay ayauu kor ugu dhawaaqay waar kabaxa, dadkii ku daba tukanayayna waxay u qaybsameen qayb qosol la daadata iyo qayb argagaxda oo isla markiiba bannaanka u booday oo mooday in masjidka dhib ka dhex jiro.

Sheekadani waa dhacdo dhab ah oo ka dhacday masjid ku yaalla magaalo ka mid ah magaalooyinka soomaaliya dadkii goobjoogga ahaana way noolyihiin oo wakhti badanba kama soo wareegin, waxayna ina tusinaysaa arrimo badan oo loo baahanyahay in lagu baraarugsanaado waxaana ka mid ah arrimahaas:

1. Imaamka waxaa habboon inay ku soo xigsadaan dadka cilmiga leh sida axaadiista ku sugan si mashaqadan oo kale looga badbaado.

2. Haddii imaamka waysadu ka burto ama uu xusuuto inuu weyso la’aan ahaa waa inuu salaadda ka boxo ka dibna dadka u dhow mid soo qabtaa oo u tilaamaa inuu dadka tukiyo, imaamka cusub ee imaamkii hore baddalayana salaaddu halkii ay maraeysay ayaau ka sii wadaayaa ee dib uma soo billaaabayo kamana baxayo.

3. Waxaa habboon in dadka ummadda horgalaya ama hoggaanka isu dhigaya nooca uu doonaba ha ahaadee ay dad u cilmi leh yihiin haddii kale dadka oodan bay ku furayaan markii ay meel ay u dhaqaajiyaan waayaanna dadka ayay ka soo horjeedsanayaan goor ay xeedho iyo fandhaal kale dheceen.

4. Qofka cilmi la’aan howl gala inta badan sida adag ayuu moodaa inay sahlantahay tusaale ahaan imaaka hadda dadka ku yidhi salaadda ka ka baxa waxaa lasahlanaatay oola saxnaatay inuu kow ka soo billaabo wuxuuna ka tagay tii sahlaneyd ee ahayed inuu salaadda halkii ay mreysay ka siiwdo oo uu sii dhammaystiro.

5. Qofkii howl aanu aqoon u laheyn gala inuu hagaajiyo iska daaye inta badan wuu uga daraa oo sii kharribaa.

6. Waxaa habboon howl walba ina aqoonteeda la yeesho ama loo diyaar garoobo inta aan lagu dhaqaaqin mana haboona in la iska sugo inta ay ku qabsanayso ama la yidhaahdo waan ku dhex barbaranayaa, horaana loo yidhi qaylo warmo kama tunmaan bukhaarina wuxuu sheegay in cilmigu ka horreeyo qawlka iyo ficilkaba.

7. Waxaa habboon inaad howshii ka horreysay ka faa’iidesato oo aad wax ku dul dhisto intii aad dumin lahayd oo aad ebar ka soo billaabi lahayd waxaana kuu baaqanaya xoog , xoolo, wakhti badan oo horay loo soo bixiyay , haddii dumintu kula sahlanaatona waxay u badantahay inaadan sooba gaadhsiin karin halkii aad ka dumisay, arrintaasna waxaa maanta daliil ugu filan madhammaatoda soomaaliya ka taagan.

Dayuxu kabax kabax badanaa ma kabuu qabaa? »

 

       Labo nin oo gabraarato ah ayaa maalin qaraabkii la dheeraday. Saq dhexe iyaga oo daal la il daran ayay dhinaca dhulka dhigeen. Midkood (Qandhuufo) ayaa daymooday cirka oo daruur leh, dayuxuna naylo qaad yahay, waxayna la noqotay in dayuxu si aad ah u ordayo, kolkaas ayuu isaga oo yaab iyo amakaag la hilmaamay daalkii hayay waxa uu ku yiri saaxiibkiis Qallooc: dayuxu kabax kabax badanaa ma kabuu qabaa?.

  

Qallooc ayaa isna la soo booday: oo hadduu kabo qabo ma ka qaadan lahayd?.

  

Qandhuufo ayaa hadalkii ku noqday oo yiri: oo haddaan ka qaato ma ii qoonsan lahayd?.

  

Qallooc ayaa yiri: oo haddaan kuu qoonsado ma I quursan lahayd?.

  

Qandhuufo ayaa ku noqday oo yiri : oo haddaan ku quursado ma bahaladaan qalan jiray?.

  

Qallooc ayaa soo ritay oo yiri: oo haddaad qalatid ma kugu qabsan jiray?

  

Qandhuufo: oo haddaad igu qabsatid ma iga qaadi kartaa?

  

Qallooc: oo haddaan kaa qaado maxaad qaban kartaa?.

  

Qandhuufo: maan qaansada qurqurka kaaga bixiyo?.

  

Qallooc: maan amba qaansadayda qurqurka kaaga baxsho?

  

Ugu dambayntii waxaa la is dhaafsaday labo gamuun oo aan midna seeroobin, labadii ninna aan midna lala soo rogin!!!. 

  

Sheeka xariirtaan waxay ka turjumaysaa wax ka mid ah hab nololeedka iyo hab dhaqanka Soomaalida; maxaa yeelay bulsho walba waxay ku soo bandhigtaa  waxa ay aaminsan tahay, sida ay u fakarto iyo sida ay u dhaqantaba suugaanteeda. Bulshadu waxay ku muujisaa qeybaha kala duwan ee suugaanta waxa ay jeceshahay ama ay nicibtahay.  Taa macneheedu ma aha in fakarka iyo dhaqanka dadkeenu sidaa wada ahaa ee waxay tusaysaa in uu bulshada ka dhex jirey dhaqan muuqaalkaan oo kale leh oo lagu soo bandhigay sheeka xariirtaan oo ah nooc ka mid ah noocyada suugaanta, waxaana laga fahmayaa in la isaga digayo hab dhaqankaan, lana dhaleecaynayo ciddii ku tillaabsata.

  

Dhaqamada laga habboon yahay ee ay sheekadaani muujinayso

  

1.      waxaa ka muuqata sheekada dhibta iyo rafaadka ay bulshada Soomaalidu ku noolayd.

2.      jahliga ay kaga sugnaayeen wax badan oo noloshooda khuseeya.

3.      hadalkooda oo u qallafsanaa sida noloshoodu u qallafsanayd oo aan xambaarsanayn wax ixtiraam iyo qadarin ah midna. Qof kasta in uu ku dhoho kay is-hayaan hadalka u adag ama ugu xun ee uu heli karo.

4.      in hadalka la marin habaabiyo oo loo yeelo tafaasiir aad uga fog waxa laga hadlayay.

5.      sida ay awood ugu lahaayeen in ay isku rakibaan wax aan shaqo iyo xiriir midna ka dhexayn, sida: haddaan ku quursado ma bahaladaan qalan jirey. Bal maxaa iska khuseeya in nin ku quursado iyo bahalo qalasho?. Sheekooyinkii carabtii jaahiliga ayaa lagu sheegay in “ gabar madaxa ku sidata roodhi nin ka qaatay xabbad roodhi ah, deetana ay tiri: waxaad uga jeeddaa in aad hebel ku ihaanaysid!!!, ka dibna hebelkii ayaa diley ninkii roodhida qaatay, dabadeedna waxaa ka dhexqarxay labadii reer dagaallo waaweyn oo lagu hoobtay!!”.

6.      sida ay uga doodaan ama isugu qabtaan wax liita oo aan macno lahayn, dantoodana ay ugu seegaan.

7.      dhibta haysata waxaa hilmaansiiya wax aan qiimo lahayn. Eeg innaga oo dalkeenii, dadkeenii, diinteenii iyo sharafteeniiba lagu tuntay ayaan isku haysanaa, iskuna dilnaa wax aan sagaaro ka cabbin!!!.

8.      waxaa qisadu tilmaamaysaa in aysan Soomaalidu kala roonaan ee middi middi ku taag xaalkeedu yahay.

9.      in laga ficilqaato wixii dhinaca kale ka yimaada ee aan la eegin faa’iidada iyo natiijada laga gaarayo ama dhibta uga imaanaysa midna.

10. in aan la joojin caraatanka ama colaadda in aad nabarka ama hadalka dambe yeelatid mooyee. Taas waxay keentaa in aan dagaalka ama isu naqsigu dhaqso u joogsan.

11. walaalnimadooda oo ay si dhib yar ama wax liita ku burburiyaan. Bal maxaa laga helayaa in lagu colloobo ama lagu doodo dayaxa kabihiisa?, maxaase dhib ah oo looga baxayaa?.

12. xalka ugu sahlan Soomaalida waa in la is dilo; maxaa yeelay fakar badan uma baahna, waxaana kaa xiga in wiil asaaggaa ahi kaa xanaajiyo oo aad amleydaada kaga ciilbeeshid!!!, illeyn rag ciil cadaab ka dooraye!! (sida qaldan ee ay dheheen). Ka dibna magtiisa waa la taanataanaynayaa ama dagaal aad tolweyne ula simantahay ayaad galeysaa!!!.

  

Sheekadaan waxaan ka dhex fahmay sida nolosha Soomaalidu ku socoto in ay tahay midba mid ha dilo oo nin kasta isaga oo ka aarsaday kii uu u ciilqabay ha dhinto oo aynu saa ku dhammaano.

Axmed C/samed

 alwaqaar@hotmail.com 

 Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dacwadu way Inoogu Soconaysaa! »

 Nin Sheekh ah ayaa la waydiiyay dhulku ma wareegaa?, markaasuu ku jawaabay: hadduu wareego iyo haddaanu wareeginba innaga dacwadu way inoogu soconaysaa!.

 

 Way wanaagsan tahay in Culimada la waydiiyo wixii Qofka wax taraya Adduun ama Aakhiro oo uu jaahil ka yahay, Ilaahayna wuxuu yiri: su’aala dadka cilmiga leh haddydnaan wax garanayn. Waxaase laga wacan yahay in Culimada la waydiiyo Su’aalo aan waxba tarayn ama looga jeedo xujo ama qosol uun.

 

 Su’aashan waa Su’aal Cilmi ah oo mudan in la is weydiiyo, Sheekhuse wuxuu ka eegay in danta uun laga raaco oo maadaama dadka meesha fadhiya dacwo iyo diin isugu yimaadeen ay tahay in ay dhulka dantooda ku fushadaan ha wareego ama yaanu wareegine.

 

 Gabagabaii waxaa ina la gudboon in aynu ka shaqayno kaliya wixii inoo leh waxtar adduun ama mid aakhiro, taasina inoo diidi mayso in aynu mar mar xoogaa madadaalo ah samayno, waxaase muhiim ah in aysan noqon wax tiro badan ama sharciga khilaafsan.

 

 Axmed C/samed

 alwaqaar@hotmail.com 

Waar lacagta inoo qaybi »

Waa amin habeen ah, meeshuna waa Xamar Cadde, waxa hadlayaa waa TV-gii qaranka, barnaamijku khabar muhiim ah iyo maaddo cilmiya midna ma ahayn, wuxuuse jilayay dhalanteedka ay waqtiga isku dhaafiyaan kuwa waxay u hanqaltaagayeen haaban waayay ama hilinkiisii ka habaabay iyo kaaga darane sida intay hawo aan jirin u dhisaan, haddana ay darteed huf iyo qaraaban isugu noqdaan iyagoo hilmaansan In wuxuu huf beena iyo halaan jirin yahay.

Waxaa matalayay laba jile oo nimanka la caana-cabbay ama si aad ah ugu kuurgalay. Waxaa ku habsaday busaarad aan iyadoo kale la arag. Waxaa ka hor hillacaayay mar kasta hodontinimo degdeg ah oo aysan wadiiqeheedii hayn. Say u gaaraan waxay maamiyeen wax suuragal ah iyo waxaan suuragal ahaynba, har iyo habeen, iyo hurdo iyo soo jeedba hammi iyo hawo kale midna ma yeelan, waxse kumay helin halgankaas dayn iyo deeq kay doonto ha ahaatee.

Markii albaabkay garaacaanba isa sii xiray, meel damboo loo irkadana la waayay ayay iska soo horjeesteen oo midkood yiri:

waar haddaynu lacag helno ka waran?,

kolkaasuu kii kalena soo boodayoo yiri:

dee xaggaan ka helnaa?,

suuye: dee cirkaasay inooga soo dhacday!,

suuye haddana: dee waa immisa?,

isna ismaba lurine jawaab dhaw buu siiyay oo ye: dee waa malyuun iyo toddobo boqol oo kun.

Kii kale shakiba kama galin lacagtee wuxuu ku sii mashquulay sidii loo qaybsan lahaa, wuxuuna yiri: dee inoo qaybi, kanina in lacagta la wada leeyahay waa ogaaye qayb buu ku dhuftoo wuxuu yiri:

dee malyuunka shan boqol iyo shan boqol inoo kala sii, suuye haye.

Wuu ku noqdoo haddana wuxuu yiri: toddobada boqol seddex boqol iyo seddex boqol inoo kala sii, wuuna yara aamusay.

Saaxiibki isagoo waxa dhimman in la qaybsho ka dhursugayuu yiri:

dee boqolkana inoo qaybi, suuye:

dee boqolku waa xaquuqalqalin!.

Kii kale iskama samrin mar haddii ninku lacagtii badankeedii qaybshay, awalna uu fikradda lacagta lagu helay lahaa oo waxaa u cuntami weyday inuu boqol kun oo waagaas joogtay yiraahdo: qaybintaa yarbaan xaquuqalqalin ahaan ugu qaadanayaa, isagoo hunguriga saaxiibki la yaaban buu yiri:

waar ma boqol kunoo dhan baad xaquuqalqalin u qaadanaysaa?,

ka dibna meeshii ayaa la isugu gacanqaadayoo raggii lagu kala qabtay!.

Waar maxaad isku dilaysaan?,

dee lacag.

Oo meeday lacagtu?.

Dee waa lacag uun.

Nimankii iyagoo isu naqsanaya, nin walbana isla gar leeyahay ayaa waagii ku baryay markii la dhexdhigay su’aasha ah: meeday lacagtu!, mise waa maxaad ii dhiibatay?,

maxaadse saaxiibkaa isku seegteen ama isku disheenba?!.

Axmed C/samad

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Page 1 of 11