Somali Mirror » Kulanka ducaadda

UURDOOX: Qaybta 5aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya

Alloow Naga Aqbal Dadaalkeenna iyo Camalkeenna oo Raad Fiican naga reeb (aamiin). Qoraalladan ilaa iyo markaan billaabay waxaa isoo gujinaya xoog aanan garaneeyn halka uu ka imanayo anigoo filaya in Allaha caadilka ah uu ka imanayo xaggiisa, kaasoo I leh “horray u soco wad qoraalada” Sidaan horay u sheegay ujeeddooyinka qoraalladan waxaa kamid ahaa in la ogaado waxa lasoo qabtay si aan loo lumin wax la qabtay ama aan loo doondoonin wax la haysto.

Mashruuca Islaamkana halka uu marayo ay kasii wadaan facyaalka soo kacayo insha allaah.

Haddii aad culays ka dareemeeyso qoraalladayda ha la yaabin sababtoo ah waa noloshaydii iyo waaya aragnimada qof ahaaneed ee aan soo maray. Waxaa horay loo yidhi: oohinta qofka laga dhintay iyo mida qofka la soo kiraystay ooynayso isku mid ma aha, (waa dhaqan carabtu lahayd in dumarka laga dhintay soo kiraysaan dumar kale oo la ooya) Waxaa ii muuqda meesha ummaddaan u dhimanayso in ay tahay diin la’aanta iyo in aan la qiimayn waxa la haysto iyo waxa maqan ee la rabo in la doono. Maxaa fiican oo qofkii kaa horreeyay qabtay oo u baahan sii wadid, maxaa lagaa rabaa in aad ku kordhiso oo ka dhiman.

Lafoole

Kulliyadda waxbarashada ee lafoole waxay leedahay taariikh gaar ah oo mudan in la xuso sababtoo ah waa kulliyaddii ay kasoo baxeen macallimiin badan oo wax baray facyaalkii wax bartay ee dalka qaybihiisa kala geddisan maamulka u qabtay. Waxaa la furay lafoole Octobar 1963, waxaa dhismaha iyo meesha laga dhisayba fuliyay maraykanka, wuxuu ka dhex dhisay masjid leh minaarad quruxbadan, waxaa lagu billaabay 5 macallin oo maraykan ah oo kayimidEasternMichiganUniversitymid kamid ah ayaana madax u noqday iyo 2 macallin oo masaari ah oo midna dhigo luqadda carabiga midna diinta.

Dr. ismaciil Samatar oo kamid ahaa 50-kii arday ee lagu furay),waxaa la dhihi jiray NTEC (National Teacher Education Center), waxay ku xirnayd jaamacadaha maraykanka ,raga kasoo baxa waxay ahaayeen rag aad ay u saamaysay ilbaxnimada galbeedka, afka wax lagu barto wuxuu ahaa afka ingriiska, oo ninka ku hadlaa laba jumladood uu ahaa nin la jeclaysto in la noqdo isagoo kale waxbaba yaanay u wehlinin hadduu rabee. Sidoo kale waxaa lamid ahaa qofka talyaaniga ku hadla,sababtuna waxay ahayd waa afka qolada dadka dunida qabsatay.

Macallin kamid ah macallimiintii wax ka dhigaysay Dugsiga sare ee Axmed Warsame ee magaalada Beledwayne, maamulana nooga ahaa cismaan Badawi ayaa maalin wuxuu noo dhigayay taarikhda aadanaha wuxuu aad nooga dhaadhiciyay in dadka daanyeer kayimaadeen (evolution), dood culus ayaa na dhexmartay laakin waa ku adkaystay ardaydiina qaar ayaa ku raacay, waxaan noqday wadaad diin duqoowday ku dheggan, ciil darted waxaan doondoontay wax burrinaya nadariyaddaan cilmi ahaan si aan uga horgeeyo isagana dhiciyo macallinka waana waayay, tusaalahan aan kuu sheegayo waxay haystaa arday walba oo iskuul dhigta intaa iyo kabadanna waa ku dhacayaan.

Ogoow akhristoow ardada waa dadka ay fiirsanayaan dadka oo dhan, dugsiga sare waxaan ku dhiganaynay markaas 27 arday. Macallimiinta kale waxay kasoo bixi jireen dugsiga Maccestrale oo lagu dhigi jiray afka talyaaniga. Macallimiinta inta tukato waa nadir xataakandiinta dhiga ma tukado. Waddamo badan ayaa waxaa ugu horreeyn laga furay kulliyadaha waxbarashada ujeedada waxay ahayd in la helo macallimiin xambaarsan fikirka galbeedka oo soo saaro hoggaamiyayaashii barrito, waase usoo noqon doona ujeeddo ayaan kaleeyahay xusiddan.

Mashruuca islamka iyo kacaanka:

Sida aan kuu soo sheegay waxaan u wareegnay beesha hantiwadaagga ee uu hogaaminayo USSR (United Soviet Socialist Republics) ,madaxweeynihii dalka ayaa ku dhawaaqay in la qaatay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan (scientific Socialism) oo aabbayaal u yihiin Karl Marx iyo Lenin. Gumeeysigii wuxuu ka tagay maxkamado lagu xukumo shareecada islaamka gaar ahaan waxa la xidhiidha arrimaha qoyska sida; dhaxalka ,guurka furriinka iwm, oo uu fadhiyo qaaddi diinta islamka yaqaan.

Janaayo 11, 1975 ayaa kacaanka soo saaray sharcigii xeerka qoyska ee”sinnaanta ragga iyo dumarka” Jan 1 7,1975 maalin jimce ah ayaa wadaad ka istaagay masjidka Sh. Cabdulqaadir magaciisana ahaa sheikh Maxamad Axmed wuxuuna gacanta bidix ku qabtay wargayskii lagu qoray go’aankii xeerka qoyska, gacanta midigna quraanka isagoo leh makanaa cadaalad ah misekan. Shiikh kale oo magaciisa la dhihi jiray Sh. Muuse yusuf oo masjid kale ka hadlayayaa tilmaamay in aan Ruush wax naga dhexeeya jirin ee shartiisa allaha na dhaafiyo , nin kale oo sheikh masaari ahna waa ka hadlay oo markii dambe dalka laga musaafuriyay. Waxay culimada ka hadlayaan axkaamtii qoyska ee yarayd ee uu talyaaniga ka tagay oo ka haray shareecadii islaamka oo dhan maxaa loo bedalayaa?. Waxaa dhacay kacdoon bulsheed oo xoog badan kuna sigtay kacaanka inuu dhaco. Kaddib waxaa la xidhxidhay dad aad u farabadan kadibna waxaa lasoo joojiyay maxkamad,xukunkii wuxuu u dhacay sida tan;

Subax Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay. Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin;

1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2-Sheekh Muuse Yuusuf

3-Sheekh Axmed Iimaan

4-Cali Xasan Warsame

5-Xasan Ciise Iley

6-Maxamed Siyaad Xirsi

7-Cali Jaamac Xirsi

8-Aadan Cali Xirsi

9-Saleebaan Jaamac Maxamed

10-Yaasiin Cilmi Cawil

Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10-kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970ki”(1) Xukunka waxaa ridday Maxkamadda Badbaadada Dalka oo aan laga qaadan Karin racfaan.

Xilligaa in badan oo saxwada ah waxay ku maqnaayeen ololihii baridda afka soomaaliga,kacdoonkan wuxuu ahaa mid shacbi ah oogilgilay dowladda. Fulintii dilkana waxay farriin xooggan u dirtay ciddii istitraahada waxaad ka hortagi kartaan mabda’ hantiwadaagga ee wadiidiisa cagta saaray. Raga kacaanka hoggaaminayo waa saraakiil kasoo wada baxay inta badan kulliyadaha dalka Talyaaniga sida Modena iyo kuwa ingriiska sida Sanders iyo kuwa carabta sida Masar, waxaa lagu sheegaa inay tukadaan labo nin Cismaan Maxamad Jeelle iyo Axmed Xassan Muuse, diintaa wax lagu dhaqi karaa iyo fahamkeeda aad iyo aad ayay uga fogyihiin, waa rag ay ka go’antahay in ay waddankooda horay u mariyaan, kana saaraan dib u dhaca, laakin shareecada in wax lagu xukumi karo xagga iska dhig oo waxay kala midyihiin madax badan oo ah kuwa ka taliyo dunida muslimka.

Madaxtooyada masaajid maleh, iskuulaadka ,jaamacadaha waa sidoo kale, kulliyadda jaalle siyaad ee saraakiisha kasoo baxaan masjid ma lahan, ninka yidhaahda waa tukanaa waxaa ku adkaanaya in uu helo waqti uu ku tukado iyo meel uu ku tukado. Welwelka ugu wayn waa sidee u tukataa ama diintaada u haysataa adigoo waxbaranaya ama shaqaynaya.

Tusaale ahaan waxaan xusi karaa, Lix gabdhood ayaa laga raacdeeyay kulliyadda lafoole, waxaa la yidhi kala doorta qaadashada xijaabka iyo waxbarashadiinna aad soo waddeen, waxay doorteen in aanay dhigin xijaabka alle ku faradyeelay/waajibiyey, gabdhaha waa gabdho soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare oo aad u adkayd, waxaa dhibka cayrinta ka daran waalidka oo dhan oo u arkayo qof dhintay oo ku ciyaaray mustaqbalkiisii, dadaalkii waalidkana kadhigay halbacaad lagu lisay, ma aha gabdho akhlaaq xun sababta lagu cayrinayo, kaliya waa qaadashada xijaabka oo ahaa wax lala yaabo waqtigaa, waad garankartaa culayska gabdhahaa fuulay iyo waxa ay u adkaysteen,waxaad ku qaboowsataan maanta in aan Iskoolaadka soomaaliya dhamaantood ama in badan oo kamid ah aan la aqbalayn gabar aan xijaabnayn, waxaan rajaynayaa gabar kasta oo Xijaaban oo Soomaali ah ama xijaaban doonto in uu ajar idikaga socdo, abaalka aakhirana waa kasii wayn yahay bi idni laah.

Gabdhahaas waxay kala ahaayeen;

1. Caasho Salad oo hadda yemenjoogta (xaaska Cali Muuse Ciise)

2. Khadiijo Garwayne kuna nool Toronto (Marwada Sh. Maxamuud foodcadde Allaha jannadii ha ka waraabiyee ka geeriyooday)

3. Qaali Maxamed Cabdi (allaha u naxariisto)

Iyo saddex gabdhood oo kale. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu naarta ka xijaabo, xariirta Janadana labis uga dhigo, idinka waxaan idinka rajayanayaa inaad u ducayn doontaan. Akhristoow amaad istiraahdaa wadaadka ma dhul gaaluu ka sheekaynayaa, maya ii sug wax yar. Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya raggeedii waxay go’aansadeen in ay marka ugu horraysa is dhisaan oo ay soo saaraan rag kun nin u dhigma iyo in arddada soo dhamaysata dugsiyada sare loo jiheeyo laba qeeybood:

b- Milateriga

t- Waxbarashada

Labadaan mu’asaso waa labada laga fasahaadiyo dunida muslimka, tan hore waa xoogga loo adeegsado fulinta mabda’ kasta oo xun iyadoo isla markaana ah awoodda lagu caburiyo shucuubta muslimka ah. Tan dambe waa midda barbaarisa facyaalka soo kacayo oo dhan waxa wax barbaarinayana waa macallimiinta kasoo baxday kulliyadda waxbarashada lafoole.Ardada kasoo baxaysa waxbarashada, reerahoodu waxay u sugayaan sida reer sabool ah oo hal neef oo dhalaya leh sida ay u sugaan, waxaa lasii qorsheeynayaa meesha waxbarasho ka gali lahaa iyo shaqada uu qaban lahaa si reerka u soo galiyo dhaqaale fiican, haddii uu ardayga yahay wadaad waxaa in badan iska horimaanayo qorshihii reerka iyo kii xarakada islaamka, waxay ku qaadanaysaa waqti in uu ka qanciyo reerka meesha loo dooray, sidaa daraadeed waa inuu reerka qorshahooda raacaa haday u diraan labada kuliyadood ee aan soo xusnay meel aan ahayn, oo uu markaas jabiyaa istraatijiyadii dhaqdhaqaaqa islaamka.

Waxaad ogaataa ardada wadaaddada ah inay yihiin ardada xagga aqoonta ugu sarraysa iskuulaadka, taasoo meesha ka saartay in hoos loo fiiriyo wadaadka, waa la yaqaannay fagaarayaasha waxbarashada marjica waxay ahaayeen wadaadada. Walaaha waxdada waxay ka fureen Hargaysa iskuullo gaar ah oo laba ujeeddo kalahaayeen,in ay raggooda ku dhisaan aqoon ahaan iyo in ku kasbadaan ardada kale waxaana kasoo baxay rag waawayn oo dacwada wax wayn ka taray. Mararka qaarkood waxay nafta iigu sheekayn jirtay war xaggee ka iman nasriga Kooxdii u horraysay waxay aadeenRussia, kooxdii labaad waxay ku xaroodeen kulliyadda Jaalle Siyaad.

Waxay ahaayeen 5 nin, waxaa maalmihii koobaadba lasoo cayriyay saddex kamid ah, maxaa lagu soo ceeyriyay? Sheekadan waa taariikh yaanay ku dhaafin, layli saraakiishii ayaa waxay ku jireen hoolka shirarka waxaa khudbad u jeedinayay sarkaal sare, waxaa soo gashay salaaddii maqrib, wadaaddadii waa kuurkuursadeen war see yeelnaa salaaddii waa joogtaa? Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto? markuu dhowr jeer gacanta taagay oo salaaddii loo diiday ayaa saddexdoodi midna imam noqday labana ku xirteen meel hoolkii dhexdiisa ah, iyagoo sujuudsan ayaa askar lagu dalbaday lug iyo gacan isu qabteen waxaana lagu tuuray xabsiga iyagoo aan dhammmaysan salaaddii kadibna waxaa laga tiriyay dirayskii waana la cayriyay, maanta waa joogaan.

Magacyada raggaas waxay ahaayeen;

1- Xasan Afrax Guure

2- Axmed Ducaale

3- Mahdi Jimcaale.

4- Sh. Cabdinasir Xaaji Axmed oo ragga ka mid ahaa ayaa warka faahfaahintiisa ka heli kartaa.

Ragaas ilaahay waxaan uga baryayaa in xabsiga aakhiro ilaahay ka badbaadiyo, khaa’iqda dhexdoodana uu ku sharfo maalinta ummaduhu aruman yihiin. Halkaas ha inoo joogto lasoco qoraalka danbe insha allaah. Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan inta ducada iyo dhiira galinta qoray ama ila soo xiriiray, Jazaakumu laahu khayran.

Waa inoo qormada soo socota insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

burdhinle@yahoo.com

Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaadda ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)
Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

Sh. Cali Warsame

Somalimirror.com/halgan.net

Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta koowaad
Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsan yahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamullada jamaacada ee dalka iyo dibaddaba.

FG: Waxaa jirey qoraal maamulka guud ee jamaacadu u qaybiyey maamullada jamaacada ee dalka iyo dibadda 21kii Feb 2006 oo ahayd seddex beri ka dib markuu dagaalku qarxay; si loogu gudbiya xubnaha jamaacada, dadweynahana loogu wacyigaliyo. Haddii aan qoraalkaas helo waan soo galin doonaa, in shaa’ Allaah.

Sh. Axmed C/samad

Qoraalkii waa kan:

بسم الله الرحمن الرحيم

warbixin kooban iyo soo jeedin

Salaamun calaykum

Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiin rajaynaynaa idinka, ahalka iyo walaalahaba khayr, annaguna – Alle ayaa mahad lehe – aad baan u ladan nahay.

Walaalayaal qoraalkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan dhacdooyinkii Muqdisho labadii usbuuc ee la soo dhaafay, ka dibna waxaan soo jeedinaynaa talooyin ku aaddan arrimahaas.

Warbixin:

Maalintii sabtida ee 18/02/06 ayaa lagaga dhawaaqay deegaanka Dayniile isbahaysi loogu magacdaray Isbahaysiga Nabadda iyo La dagaallanka Argagaixisada oo ay xubno ka yihiin toban nin oo sagaal ka mid ah la shaaciyay magacyadooda, waxaana ka mid ahaa:

1.     Max’ed Qanyare Afrax (wasiirka amniga qaranka)

2.      Muuse Suudi Yalaxaw (wasiirka ganacsiga)

3.      Cumar Filish (wasiirka diinta iyo awqaafta)

4.     Xaaraan ku naax (wasiirka dhaqan celinta maleeshiyada)

5.      Bashiir Raage ( ganacsade xiriir weyn la leh hay’adaha sirdoonka gaalada)

6.     Cabdi waal (oo ka mid ah raga dadka gaalada u dhoofin jiray, kuna tiirsan Qanyare)

7.      C/rashiid Ilqayte (ganacsade). Waxaa kale oo ku jira laba nin oo midna yahay Abgaal, kan kalena Sacad oo aan ahayn dad caan ah. Ka dib waxaa si deg deg ah ugu biiray Maxamed Dheere (guddoomiyaha Jawhar) oo isagu naqdi kulul u jeediyay nimankaas markii hore, ka dibna jeediyay hadal ayidaad iyo kala qaybgal ah, taas oo loo fahmay in amar sare u yimid.

Cidda ay la dirirayaan waxay ku sheegeen:

1.     Maxaakimta islaamiga ah

2.      dadka doonaya in ay dalka ku soo rogaan xukunka shareecada islaamka

3.      argagixiso shisheeye ah oo ku dhuumaalaysanaya Muqdisho

4.     dadka qarinaya nimanka argagixisada ah.

5.      niman ku soo tababartay dibadda oo argagixiso ah

6.      nimanka afka duubta oo dadka saraakiisha iyo aqoonyahanka ah dila

7.      nimanka WAHAABIYADA ah oo iyagu la yimid manhaj ka soo horjeeda kan soomaalidu haysato oo ah Shaaficiya suufiyo ah

8.      mar kale waxay sheegeen in ay la dagaallameen ONLF iyo Oromo

Isla maalintii lagu dhawaaqay isbahaysiga ayaa lagu soo qaaday duullaan fadhiyo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha islaamiga ah. Ka dib waxaa halkaa ka qarxay dagaal dhexmaray labada dhinac oo si buuxda loogaga adkaaday isbahaysigii duullaanka soo qaaday dhinac millatari iyo dhinac siyaasadeedba. Waxaa ka dhashay dagaalkaas in uu xirmo garoonkii diyaaradaha Dayniile oo uu haystay Max’ed Qanyare, laguna durko deegaanadii ay joogeen isaga iyo Cabdi waal. Dagaalkaas waxaa si buuxda uga qayb qaatay bulshadii ku dhaqnayd Muqdisho gaar ahaan dadkii ehlu diinka ahaa oo xiray waddooyinkii, lana istaagay qoryo si aan gurmadka isbahaysigu isugu gudbin, waxay kale oo mawqifkooda ku muujiyeen xamaas, kaalmo, xagga ciidankana dad badan oo mutadawiciin ah ayaa goobihii soo dhoobtay. Waxaa Rabbi dadka tusay cawradooda, waxaa kale oo jabkooda ka qayb qaatay qalabka warbaahinta oo si wacan ceebohooda u soo bandhigay, waxaana ka hadlayay arrimahaas Culimada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kalaba.

Asbaabta keentay in sidaa looga horyimaado nimanka waxaa ka mid ahaa:

1.     Iyagoo si cad u sheegay in ay la dirirayaan diinta iyo dadkeeda, isla markaana bilaabay duullaan hubaysan iyo duqayn ku wajahan magaalada.

2.     iyaga oo aan awalba la jeclayn.

3.     cidda lala dirirayo oo ahayd maxkamadihii amniga ka shaqaynayay.

4.     iyadoo isbahaysiga ay ka maqan yihiin rag muhiim ah oo ay ahayd in QANDARAASKA wax laga siiyo, sida Caato, Xuseen Caydiid iyo Gen. Galaal oo iyaguna mawqif adag ka istaagay isbahaysiga. Maxaa yeelay haddii diin la dirir kaliya wuxu yihiin maxaa annaga nalooka booday.

5.     iyada oo qabaa’ilka Habar gidir u fahmeen in isbahaysiga loo samaystay in iyaga lagula diriro, taas oo keentay in ay si weyn uga hor yimaadaan is bahaysiga.

6.     iyada oo duullaanka lagu soo qaaday deegaanka Habar gidir degto, taas oo keentay in ay caddaato tuhmadii ahayd in iyaga iyo diinta loo wada jeedo, illeyn haddii dagaalku diin kaliya yahay may xaafadaha ay haystaan ka bilaabaan.

Waxaa soo baxay in qabiilka Murusade oo deegaankooda laga soo qaaday duullaanka ay iyaguna u qaataan in dagaalakaan ay Habar gidir ku qabsanayso deegaankooda iyo hubkooda; sidaa darteed waxay u gurmadeen Qanyare ka dib markii la jabiyay ciidankii isbahaysiga. Waxay kale oo ka dalbadeen Midawga maxaakimta in dagaalka la joojiyo; maxaa yeelay waxaa ku baaba’aya, kuna barakacaya dadka rayadka ah. Waxay kale oo sheegeen in aysan taageersanayn isbahaysiga, isla markaana aysan ka reebi karin Qanyare isbahaysigiisa, isna uusan oggolayn in uu la xaajaysto maxaakimta, laakiin odayaashu waxay ballanqaadayaan in aan deegaankooda mar kale laga soo weerarin, ugu dambayntiina sidaas ayaa dagaalkii lagu joojiyay iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo dareenka qoyskaas. Waxaa kale oo aad u muuqday in qabiilka Habargidir gaar ahaan Cayr si buuxda ugu jiro dagaalka iyagoo la saftay maxaakimta, waxaana ka yimid Kismaayo iyo inta ka sokaysa gurmad ciidan oo Cayr ah, taas oo keentay in dad badani ku doodaan in dagaalku mid qabiil yahay, waxaase si cad u beeniyay arrintaas labadii dhinac ee dagaalku dhex maray (maxkamadaha iyo isbahaysiga), sidaas oo ay tahay ayaa maxkamadda Murusade sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka, uuna yahay mid la marin habaabiyay isniintii ka dib oo ujeeddoooyin kale lagu wato (Fiqi tolki kama janno tago), waxaanse filayaa in aysan saamayn weyn ku yeelan bulshada.

Waxyaabaha kale ee ay tahay in la soo qaado waxaa ka mid ah in ay maxkamadaha ku daaban yihiin dad kale oo ay is hayaan qolayaha isbahaysiga, sida X. Abuukar Cumar Caddaan oo Bashiir Raage uu ka qabsaday hub iyo fadhiyo uu ku lahaa dariiqa dekadda Ceel-macaan. Waxaa kale oo ka mid ah Yuusuf Indha cadde iyo Cayr-ka kale oo doonaya in ay difaacdaan gobolka Sh/hoose gaar ahaan airport-ka Balli doogle oo wararka qaar sheegayaan in isbahaysigu doonayo in uu ka qabsado intaba, sidaa darteed waxaa muuqata in dagaalku si ballaaran u soccon doono, ayna isu hub uruursanayaan labada dhinacba.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ay madaxda isbahaysigu u amababaxayaan Adis ababa, hadda ka horna waxaa u yimid saraakiil xabashi ah, waxaa kale oo si is daba joog ah u imaanaya qaar ak mid ah hay’adaha sirdoonka ee gaalada, magaaladana waxaa dul heehaabaya dayuurado, inta badan maalinta jimcaha ah yimaada, dadka qaarkoodna ay u fasirayaan in uu xilligaas joogo madaxa ciidanka Maraykanka ee Geeska Afrika .

Xagga mawaaqifta aan ka istaagnay dhacdooyinkaan:

1.     In cadawgeennu yahay Gaalada oo isku dayaysa inay bulshada muslinka ah iyo diinteeda waxyeelayso, ayna adeegsanayso wasiilo kasta oo ay ku gaarayso arrintaas oo ay ka mid tahay in ay adeegsato dad calooshood u shaqaystayaal ah oo guushooda iyo guul darradooduba iyaga u noqonayso guul.

2.     In isbahaysigaani yahay mid u adeegaya cadawgaas, waxa socdana uu yahay XARBI BIL WAKAALA oo ay duullaankaan ku matalayaan Gaalada ay Qandaraaska ka qaateen.

3.     In aysan xikmad ahayn in aynu dagaal ku dhammaano iyada oo cadawgii aan waxba gaarin ee uu ina daawanayo.

4.     Sidoo kale in aysan xikmad ahayn in aynu isku baaba’no dad wax ma garato ah oo Qandaraaslayaashu soo uruursadeen, ugu dambayntana ay gaaladu isku jimlaynayso inta ka dhimata labada dhinac.

5.     In ay guul darro weyn inaku tahay in aynu isku dhammaano dadkii aynu iyaga cadawga ka horgayn lahayn.

6.     In ay lagama maarmaan tahay in la hor istaago duullaanka gaalada loogu adeegayo oo bareerka ah af iyo addinba, laakiin ay lagama maarmaan tahay in loo dhaqmo ( see xeego loo xagtaa ilakana ku nabad galaan).

7.     Sidaa darteed waxaan ku tashanay in la qaado tillaabooyinkaan:

a)    in laga shaqeeyo sidii dagaalka loo joojin lahaa, oo cid kasta oo lug ku leh loogu qancin lahaa arrintaas.

b)    In aannu samayno duruus iyo baraamij ka baxaysa idaacadaha oo aan ku wacyigalinayno bulshada oo ay ka mid yihiin Maxaakimta, qabaa’ilka, Mooryaanta dagaalamaysa iyo kuwa galay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

c)     In aan tafniidino shubhooyinka iyo sheegashooyinka isbahaysigaas ku gabbanayo, dadkana loo tawjiihiyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxaddooda.

d)    In la siiyo maxaakimta iyo dadka kale oo ku hawlan arrimahaan talooyin iyo taageero kalaba oo macnawi u badan.

e)     In looga digo bulshada dhagarta loo maleegayo, loona muujiyo khataraha soo fool leh iyo meelaha dadka laga dagi karo ee ay tahay in la iska awdo.

8.     Mustaqbalka sidii laga yeeli lahaa hawlahaan oo kale gaar ahaan deegaanadaan waxaan la sugaynay in ay isu yimaadaan duqow badan oo qaar ku mashquuleen GURMADkii abaaraha, qaarna safaro jireen, kulankaas ka dibna waxaa la soo saari doonaa sida loola dhaqmayo arrimahaan oo kale.

9.     Waxaan u soo jeedinaynaa maamulada mandiqadaha iyo aqaaliimta:

a)    in ay qaadaan tillabooyin ay kaga gaashaamanayaan dhacdooyinka noocaan oo kale ah illeyn qaylo warmo kama tunmaane.

b)     Waxaan u soo jeedinaynaa manaadiqdu in ay si rasmi ah u caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan waxyaabaha noocaan oo kale ah, taas oo looga hortagayo in dad aan inala talo ahayn ku dhaqaaqaan falal aan sharciga ama maslaxadda waafaqsanayn dabadeedna loo saariyo dacwadeenna wax aysan lug ku lahayn.

c)      In dadweynaha la wacyigaliyo, dhalinyarda iyo dumarkana la siiyo wacyigalin gaar ah oo ku aaddan arrimahaan, loona sharxo mawqifka rasmiga ah ee aynu ka leenahay. Sidoo kale in bulshada la tuso xumaanta falalkaas.

d)    in la hubiyo dhaqdhaqaaqyada laga dhex samaynayo dhalinyarada saxwada, lana joojiyo wixii aan waafaqsanayn sharciga iyo maslaxadda diinta iyo dadka.

e)     In dhalinyarada dacwada looga digo dad ku soo dhex dhuunta oo muuqaalkooda isu yeela, ka dibna fuliya ama ka dhaadhiciya shabaabka waxyaabo u adeegaya cadawga ummadda iyo diinteeda.

f)      In aad loogu adkeeyo dadka in ay ka dambeeyaan kuna kalsoonaadaan culimada, aysanna ku dhaqaaqin wax ficil ah oo raad ku yeelan kara dacwada iyo maslaxada bulshada iyagoon talo ka haysan culimada.

g)    In aan culimada iyo hoggaanka dacwadu iska indha tirin dhacdooyinka khuseeya diinta iyo bulshada, haddii ay sida xaqa waafaqsan iyagu dadka u sheegi waayaanna dad kale ayaa si qaldan ugu fasiraya dhacdooyinka.

10.                         In ay ku talagalaan masuuliyiinta dacwadu in guusha laga gaaray dagaalka ay soo qaadeen kuwa cumalada ahi ay keeni karto in dhallinyaro xamaasaysani qaadato talo ah meel kasta oo ay joogaan aynu sidaa oo kale yeelno oo ay markaas khalal amni ah u gaystaan bulshada muslinka ah.

11.                         In si wanaagsan looga dhaadhiciyo duqowda, maamulka iyo waxgaradka dalka waxa aan doonayno, mawaaqifteena ku aaddan arrimahaan oo kale, laguna wacyigaliyo sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in loo adeegsado sida kuwa Xamar jooga.

Waxaan codsanaynaa in naloo soo gudbiyo wixii talooyin ah, ducadana ha naloo badiyo, idinkana waxaan idiin rajaynaynaa khayr oo dhan. Marka kulanka aan qabanona waan idan la soo socodsiinaynaa ajandayaasha, idinkoo nagu saacidi doona talo iyo waxqabadba.

Xafiiska guud ee maamulka jamaacada Ictisaam

Muqdisho 04/03/2006

Dhaqanka Islaamka. W/Q: Sh. Axmed C/samad
Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka  oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu:

Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture)

Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga

– Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى الله عليه وسلم in uu Ilaahay cilmi kordhin weydiisto

( وقل رب زدني علما)

Zheekh Qurdubi wuxuu yiri: hadduu jiri lahaa shay cilmiga ka sharaf badan Ilaahay wuxuu nabigiisa صلى الله عليه وسلم ku amri lahaa in uu kororsiiyo u weydiisto sida uu cilmiga kororsiiyo ii weydiiso u yiri oo kale.

-  Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri: qofkii Ilaahay kahyr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa

( من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين)

-  Wuxuu kaloo yiri: aadanuhu hadduu dhinto camalkiisu wuu go’aa seddex mooyee ( sadaqo joogto ah, cilmi laga faa’iidaysanayo iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya

(إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له)

-  Wuxuu yiri nabigu صلى الله عليه وسلم: waxaa idiin imaan doona qolyo cilmi doon ah ee markaad aragtaan ku dhaha: ku soo dhawaada dardaarankii rasuulka صلى الله عليه وسلم, waxna bara

(سيأتيكم أقوام يطلبون العلم ، فإذا رأيتموهم فقولوا لهم : مرحبًا بوصية رسول الله وأقنوهم ـ علموهم)

Baraarujin:

Barashada cilmiga diintu waa camal wanaagsan si Ilaahay ajar kaaga siiyo, kuuguna anfaco waxaad u baahantahay in aad Ilaahay dartiis u baratid, qasadkaaguna wanaagsan yahay ama aadan dan adduunyo ku doonayn.

Cilmiga diinta iyo tarbiyada islaamku qiime weyn bay ugu fadhiyaan ardayga, hadduu dhinacaas ku liitana waxaa dhici karta aqoonta kale inay uga sii darto oo uu u adeegsado wax dhibaya naftiisa, qoyskiisa iyo ummaddaba; sidaa darteed waa in macallimiintu ilmohooda iyo ardaydoodaba kula dadaalaan barashada diinta iyo tarbiyada islaamka.

Waa in la dareemo xilka weyn ee saaran macallinka iyo kaalinta weyn ee uu kaga jiro barbaarinta jiilalka dambe iyo horumarinta bulshada.

Waa in macallinka Soomaaliyeed dareemo in uu xambaarsan yahay xil labanlaab ah; waayo waxaa meesha ka maqan kaalintii hay’adaha waxbarashada dawladda, xilkii waalidkuna ma xoogbadna. Waxaa kale oo xilka ku sii cuslaynaya dhaqanxumada iyo duulaan miskexeedka lagu hayo dadkeena gaar ahaan da’yarta oo la doonayo in uu macallinku ka hortago.

Macallimiintu maadaama ay qabtaan shaqo qiimo badan, dadaal iyo waqti badana ay ku bixiyaan waxaa ku habboon in ay shaqadaas Alle ugu dhawaadaan oo ajar iyo janno ku doontaan. Taas waxay u baahantahay in niyad wanaagsan lala yimaado, shaqadana sida ugu wanaagsan loo qabto.

Qeexid iyo ujeedooyin

Thaqaafa (Culture) waxaa looga jeedaa: wadarta culuumta (Science), funuunta (Arts) iyo aqoonta guud (general Knowledge) ee la doonayo in lagu xeeldheeraado.

Thaqaafa islaamiya waxaa lagu qeexaa: in si wacyi leh loo ogaado tiirarka ay ku taagantahay ummadda muslimka ah oo ay weheliso falgalkeedii hore iyokanhadda, tiirarkaas oo leh diin, luqad, taariikh, xadaarad, qiyam iyo ujeeddooyin mideeya.

Ujeeddooyinka loo darsayo thaqaafada islaamka:

In la caddeeyo macnaha guud ee thaqaafada islaamka, dhinacyada ay taabanayso, waxyaabaha ay kaga duwan tahay thaqaafadaha kale iyo meelaha laga soo qaatay; si uu u muuqdo faraqa u dhexeeya iyada iyo thaqaafadaha kale.

In macallinku awood u yeesho in uu kala sooci karo thaqaafada asalka ah iyo tan inoo soo dhuumatay, sunnada iyo bidcada, wixii islaamka ka soo jeeda iyo wixii jaahiliyada ka soo jeeda.

In thaqaafada islaamka loo soo bandhigo sidii ay u badali lahayd thaqaafadaha gaalo ee dunida lagu faafiyey.

In macallinku awood u yeesho in uu ka hortago duullaanka thaqaafadeed ee la inagu soo qaaday, uuna awood u yeesho gudbinta thaqaafada islaamka.

In la xoojiyo dareenka xiriir iyo walaalnimo ee ina kala dhexeeya muslimiinta kale, fartana lagu fiiqo ahmiyadda xiriirkaas walaanimo; si muslimku u dareemo ciso, isku kalsooni iyo inuu ka mid yahay ummad aadanaha hoggaamiye u ah.

In aynu aqoonteena iyo afkaarteena diineed u rogno dhaqan iyo akhlaaq; si aynu u cusboonaysiino xiriirka aynu diinta la leenahay.

In aynu muujino mawqifka diinteenu ka taagantahay culuumta aragtiyaha ah iyo tan tajribada ah (Theoretical and Applied Science), iyo in islaamka lagu kala hufo.

In la soxo fikradda qaldan ee hoos u dhaca muslimiinta ku sababaynaysa haysashada diinta; si loo caddeeyo in dibudhaca muslimiintu ka yimid ka tagista diinta ee aanu ka imaan qabsashadeeda.

Meelaha laga qaatay thaqaafada islaamka (masaadirta)

Masaadir Sharci ah:

Qur’aanka kariimka

Sunnada rasuulka صلى الله عليه وسلم (axaadiistiisa).

Axkaamta ay isku raaceen culumada muslimiintu (Ijmaac).

Qiyaaska ( masalo aan xugunkeeda la caddayn oo masalo kale oo xugunkeeda la caddeeyay lala wadaajiyey xugunka, cillada xugunka oo ay ka midaysan yihiin darteed).

Masaadir aqooneed:

Taariikhda islaamka oo ah weelka lagu kaydiyey acmaashii wanaagsanayd ee muslimiintu qabteen taariikhdii dheerayd ee ay diinta ku dhaqmayeen, isla markaana lagu kaydiyey mashaakilkii iyo caqabadihii ka horyimid intii ay jidkaa dheer hayeen iyo hababkii ay u xalliyeen mashaakilka ama uga tillaabsadeen caqabadihii ka horyimid.

Luqada carabiga oo ah luqada Qur’aanka kariimku ku soo degay, axaadiista rasuulkuna ku timid, culuumta diinta iyo taariikhda ummadduna ku xafidantahay. Taas oo ah luqadii xadaaradda, aqoonta iyo suugaanta muslimiinta.

Luqada carabiga iyo Soomalida:

Luqada carabigu marka laga soo tago arrimaha aynu kor ku soo xusnay:

a)     waxay ka mid tahay luqadaha rasmiga ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

b)    Waa luqad aynu u dhalanay oo ku abtirsano

c)     Waxay inoo tahay luqad aqooneed; waayo waxbarashada diineed ka sokow ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ka bartaan dalal carbeed.

d)    Waa luqad ganacsi; waayo tijaarada ugu badan waxay Soomaalida kala dhexaysaa dalalka carabta.

e)     Intaasoo dhan waxaa ka sii daran inta ay ceebtahay nin madax ah ama aqoonyahan ah ama isim ah oo carbeed, isla markaana laga tarjumayo ama walaalihiis kula hadlaya luqado shisheeye.

f)      Ragga dhibsanaya luqada carabiga iyo magacyada carbeed, isla markaana luqado shisheeye ku hadaaqaya ama doonaya in carabiga la fogeeyo, luqadaha kalena la soo dhaweysto waxaa habboon in raggaas su’aalo badan la weydiiyo. Ka hortagga duullaan miskexeedkaasna macallimiinta waxaa ka saaran xilweyn.

Khibradaha aadanaha ee waxtarka leh; waayo muslimiintu wixii ay iyagu xadaarada ku soo kordhiyeen ka sokow waxay ka qaateen xadaaradihii kale ee jirey wixii waxtar u leh aadanaha; taas oo caddaynaysa in aysan iska hor imaanayn diinta islaamka iyo waxyaabaha aadanaha waxtaraya.

Waxyaabaha thaqaafada islaamku kaga duwan tahay thaqaafadaha kale:

Waxay ka timid xagga Rabbi, dadkuna wax lug ah kuma laha jideynteeda. Taas waxaa ka dhalanaya arrimahaan:

a)     waa thaqaafad cilmi ku qotonta; waayo waxay ka timid Allihii dadkaan abuuray oo og wax kasta oo ay u baahanyihiin xilli kasta, meel kasta iyo xaalad walba, mana jidho cid uga xog-ogaalsan waxa addoomadiisu u baahanayihiin. Eeg warshaddu markay soo samayso qalab waxay soo raacisaa bug ka hadlaya sida loo isticmaalayo, waxyaabaha laga ilaalinayo iwm, dadkuna cidda qalabkaas soo samaysay way uga dambeeyaan oo laguma qabsado, lagumana khilaafo, garna maaha in kitaabkii Ilaahay soo raaciyey addoomadii uu abuurtay loo diido oo lagu dhaqo buug aadanaha qaarkood dajiyeen!.

b)    Waxay ku taagantahay caddaalad; waayo Rabbi cid kasta iyo shay walba waxa uu mudan yahay buu ogyahay, mana u kala eexanayo addoomadiisa.

c)     Waa la ixtiramayaa, waana laga haybaysanayaa; waayo muslimiintu waxay ogyihiin in Rabbigood sharcigaan dajiyey ee aan aadanuhu lug ku lahayn.

d)    Waxaa jira abaalmarin aakhiro oo qofka muslimka ah ku xambaaraysa in uu fuliyo waxa lagu amro, uuna iska ilaaliyo khilaafisteeda; waayo wuxuu ogyahay hadduu khilaafo oo ka baxsado ciqaabta adduunka in aakhiro lagu ciqaabi doono, halka qaanuunka aadanaha khilaafiddiisa aan dadku aakhiro uga baqayn ee ay iska ilaalinayaan ciddii markaas ku shaqada lahayd.

e)     Thaqaafada islaamku waxay waafaqsantahay fidrada aadanaha iyo caqliga toosan, mana laha wax iska soo horjeeda iyo wax is burinaya midna.

f)      Waa wax fudud oo iska cad, cid walibana ay fahmi karto, lana falgali karto.

Waxay koobaysaa wax walba oo khuseeya nolosha addoomada:

a)     adduun kaliya kuma saabsana ee waxay xambaarsantahay danaha adduun iyo aakhiro ee addoomada, waxayna ka hortageysaa waxyaabaha dhibaya adduun iyo aakhiroba.

b)    Dhinaca axkaamta iyo qawaaniinta kuma gaar aha ee waxay xamabaarsantahay caqiidadii qofku aamini lahaa, cibaadadii uu Alle kula xiriiri lahaa, akhlaaqdii iyo dhaqankii wacnaa ee uu kula dhaqmi lahaa Rabbigiis, naftiisa iyo aadanahaba.

c)     Waxaa kaloo ku jira qaybihii qawaaniinta oo dhan, sida: xeerka qoyska, xeerka madaniga, xeerka dawliga, xeerka distuuriga, xeerka maamulka, xeerka ciqaabta, xeerka ganacsiga iwm.

d)    Waxay koobaysaa waqtiyada oo dhan (laga bilaabo markii ay soo degtay ilaa qiyaamaha) ee kuma gaar aha xilligii ay soo degtay kaliya. Dadka ku doodaya in diintu duugowdayna waxaa habboon in la weydiiyo: Yuhuuda iyo Kirishtaanka ayaa noogu yeera diimohooda, waxaana hubaal ah in nabiyadii loo soo diray ka horreeyeen nabigayaga ee haddii horrayn diin looga tagayo marka hore labadaas qolo ayaa naga diin horreeyaye iyagu kuwooda ha iska dhaafeen, ka dibna annaga iska dhaafa ha na dheheen, laakiin iyagoo diimo taayada kasii horreeyey haysta inay taayada duug ku sheegaan, tii ka horreyseyna noogu yeeraan ma garbaa?.

Tan kale dadka ku andacoonaya waa la hormaray aynu weydiino diintu ma waxay la hadashaa dadka mise walxaha dadku isticmaalo?. Haddii horumar la sameeyeyse waxa hormaray ma dadkaa mise waa walxaha?. Haddii walxaha iyo qalabkii la siticmaalayey la hormariyey dadkuna miyuu isu badalay sida alaabooyinka la isticmaalayo isu badaleen?, mise dadku waa sidii Alle u abuuray?. Tan kale waatan wax kastoo xasri ah la isugu bishaaraynayo wixii horena la durayee wax kastoo cusub ma wada fiicanyihiin?, wax kastoo horase ma wada xunyihiin?.

e)     Waxay koobaysaa goobaha oo dhan ee kuma gaar aha deegaankii carbeed ee ay ku soo degtay.

f)      Waxay koobaysaa aadanaha oo dhan ee kuma gaar aha rasuulka صلى الله عليه وسلم qawmkiisii kaliya, waana waxyaabaha rasuulkeenu kaga duwanaa rusushii hore oo iyaga qowmkooda kaliya loo diri jirey.

Tilmaamo:

macallimiinta sharafta leh waxaa laga doonayaa fahamka iyo macnaha guud ee duruusta thaqaafada ee ay qaateen.

su’alaha waxaa ku jiri doona kuwo afkaar guud ah oo ugu yaraan 10% noqon kara.

cinwaan kasta waxaa ka imaan kara su’aal.

su’aaluhu kuma koobna qoraalkaan ee daruusta macluumaadkii ku jiray way soo wada galayaan.

duruusta thaqaafada faa’iidadeedu maaha in imtixaanka darajo lagu qaato ee waa in ay faham ahaan iyo dhaqan ahaanba uga muuqato macallinka iyo ardaydiisaba.

Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo horumar adduun iyo mid aakhiro.

Talooyinka beeshu ma anfacayaan tolweynaha. W/Q: Sh. Axmed C/samad
Waxaan dhawaan dib u akhriyey qoraallo farabadan (oo aan la faafin) oo aan dad kala duwan u diray sagaalkii sano ee ugu dambaysey. Waxaan si gaara u danaynayey waxyaabihii aan ka qoray dhacdooyinkii ka soo bilowday 18/02/2006. Laakiin waxyaabaha aan helay waxaa ka mid noqday baaq talobixin ah oo ay rag soo xajiyey u direen beesha ay ka dhasheen, waana xajkii ku beegnaa 1426/2005. Qoraalka waxaa magaalada Makka laga diray talaada 26 Dulxijja 1426 oo ku beegnayd 01/26/06 6:36 PM .

Baaqaas waxaa soo saaray rag isku qoys ah, waxayna si gaara ugu jeediyeen beeshii ay ka dhasheen, laakiin markaan akhriyey waxaa ila qummanaatay inaan sidiisa ku faafiyo; waayo waxa uu ka hadlayo waa wax dadkeenu u wada baahanyahay. Culumada tafsiirku markay ka hadlayeen nas-ka ku soo daga dhacdo gaar ah laakiin si guud u hadlaya, waxay dheheen: “waxaa tixgalinta leh macnaha guud ee eraygu xambaarsanyahay ee tixgalinta ma leh sababta gaarka ah ee uu ku soo dagay” , waana hubaa inaan rag beelo kale ah u gudbiyey afkaarta baaqaan ku jirta qaar badan oo ka mida; si ay beelohooda ugu gudbiyaan. Ragga aan xusuusnahay in aan u gudbiyey waxaa ka mida Alle ha u naxariistee Maxamed Tahliil Warsame oo dadaal badan ku bixin jirey siduu xigtadiisa iyo ummaddoo dhan wax ugu qaban lahaa. Waxaan rajeynayaa in raggii afkaartaan soo jeediyey Ilaahay ajar ka siiyo cid kasta oo afkaartooda ka faa’iidaysata.

Baaqii xujeyduna sidaan ayuu u qornaa:

بــــسم اللَّـــــــه الرَّحـمــــــن الرَّحـيـــــم

Mawduuca: Baaq Xujaydu ka soo saareen Makka Al- Mukarrama

Ku: Dhammaan Isimada iyo Nabadoonada Leelkase

Ku: Dhamaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Leelkase

Ku: Dhammaan maalqabeenka iyo jaaliyadaha Leelkase

Og: Dhammaan waxgaradka Leelkase

Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiinku hambalyaynaynaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Al-Adxaa, waxaana  Alle ka baryaynaa in uu inaka aqbalo camalka suubban, sannadkaan kiisa kalena uu inaku gaarsiiyo khayr iyo baraare, muslimiintana dhamaan uu xafido, sarena u qaado adduun iyo aakhiroba.

Walaalayaal waxay u suurta gashay inay kulan ku yeeshaan magaalada barakaysan ee Makka Al- Mukarrama Xujaydii Leelkase ee sannadkaan timid Xajka, xujaydaasi oo ka kala yimid: Soomaaliya, Careebiya, East Africa, Yurub iyo W/America. Xujaydu waxay is waraysi ka dib kulankoodaas ku falanqeeyeen amuuro farabadan oo khuseeya danta iyo horumarka beesha Leelkase meel kasta oo ay joogaanba, waxayna si gaar ah xoogga u saareen deegaannada beesha ee asalka ah, ugu dambayntiina waxay xujaydu shirkoodaas ka soo saareen baaq iyo talooyin ay u jeediyeen bulshada reer Leelkase, waana kan qodobadiisii:

Baaqa Xujayda:

1.    Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan waxgaradka beesha in laga hortago qaxa aan qorshaysnayn ee dhallinyarada beeshu u qaxayso dibadda, taas oo keenaysa dabargo’ weyn oo ku yimaada dadkeenna. Waxaan soo jeedinaynaa in dhallinyarada loo diro meelo ay wax ka bartaan ama lagu maalgaliyo xoolaha lagu dhoofinayo; si ay dalkooda wax uga qabsadaan ee aan loogu kaalmayn u hayaanka dibadda. Waxaan si gaara ugu baaqaynaa ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee deggan Nairobi in ay isu xilqaamaan jihaynta iyo waxbarista dhallinyarada faraha badan ee dhoofka ku sugaysa magaalada, ayna geeyaan masaajidda iyo goobaha kale ee waxbarasho, maxaa yeelay qaar badan oo ka mid ah ayaa ku marinhabaaba muddada ay joogaan iyagoo barta QAAD iyo waxyaabo kale oo aan habboonayn.

2.    Waxaan ugu baaqaynaa dadkayaga ku maqan qurbaha in ay dalalka Islaamka ku soo ceshaan qoysaska iyo ubadka, kuwa hadda ka dib guursanayana in ay qoysakooda dagsadaan dhulka muslimiinta, maxaa yeelay ilmaha ku dhasha ama ku indha-kala-qaada qurbaha wuxuu la tol iyo dhaqan yahay dadka uu la dhaqmay, gaar ahaan waxaan boorrinaynaa dalka Soomaaliya.

3.    Waxaan dadkayaga guud ahaan ku boorrinaynaa in taranka (guurka) la badiyo, gaar ahaan dadka qurbaha ku nool, maxaa yeelay bulshooyinku waxay ku sii jiri karaan jiilashooda dambe tiro iyo tayaba, waana arrin nabigeennu (scw) ina faray, lagana doonayo muslimiinta oo dhan.

4.    Waxaan dadkayaga ugu baaqaynaa annagoo carrabka aad ugu adkaynayna in ay awooddooda isugu geeyaan sidii loo tayayn lahaa bulshada reer Leelkase gaar ahaan xagga aqoonta oo fure u ah qaybaha kala duwan ee horumarka. Dib u dhaca aqooneed dhibaatadiisuna waxay ka muuqanaysaa hoos u dhaca caafimaadka oo ilaa hadda dhakhaatiir loo la’yahay isbitaalkii Galdogob iyo hoos u dhaca dhinacyada maamulka iyo dhaqaalaha. waxbarashada si loo hormariyana waxaan soo jeedinaynaa talooyinkaan:

a)    In la xoojiyo kaalmaha loo fidiyo iskuullada ku yaal deegaanadeenna, sarena loo qaado tayadooda, isla markaana loo hawlgalo sidii iskuullo kale looga samayn lahaa deegaannada kale ee reerka.

b)    In laga furo deegaanada reerka Macaahid sare oo leh diini iyo farsamooyin.

c)    In  qof walba oo awood u leh uu ilmihiisa ama qofka uu mas’uulka ka yahay u diro waxbarasho jaamacadeed dalka ama dibadda.

d)    In jifo walba isu kaashato sidii ay dhawr ka mid ah dhallinyaradooda uga bixin lahaayeen kharashka jaamacadda.

e)    In dadka ehelkooda masaariifta siiyaa ku amraan ama ku dhiirrigaliyaan in ay xoolahaas ubadkooda wax ku baraan; si ay hadhaw isugu filnaan karaan.

f)     In miyiga iyo tuulooyinka laga soo uruuriyo dhallinyaro taqaan Qur’aanka, ka dibna magaalooyinka lagu siiyo waxbarasho sannad ama labo socota oo isugu jirta diini iyo maaddi, ka dibna lagu celiyo deegaamadoodii; si ay dadkooda wax u baraan. Kharashka loo baahan yahayna jifo walba ama waalid walba gaarkiisa ayuu ula baxayaa.

g)    In dhallinyarada saaqidday loo sameeyo barnamij dhaqan-celin ah oo lagu barayo Qur’aanka, kutub cilmi diini ah, far Soomaali, xisaab, luqadaha, kumbuyuutarka iyo farsamooyin kale. Barnaamijkaas waxaa looga jeedaa in dadkaas laga badbaadiyo habowga ay ku jiraan, in lagu xiro Rabbigood iyo in la baro farsamo ay ku shaqaysan karaan. Xagga fulinta waxaa iska kaashanaya guddiga waxbarashada iyo dadka hawshaas ka qayb qaadanaya oo ah in qof walba uu la boxo kharashka wiil ama ka badan oo qaraabadaiisa ah, ka dibna guddiga waxbarshadu habeeyaan deegaanka, macallimiinta iyo fulinta hawsha. Barnaamijku wuxuu soconayaa 12 bilood, qofkiiba waxaa uu u baahan yahay $ 40 bishiiba.

h)    In dadka daggan magaalooyinku ay kafaala qaadaan dhallinyarada qaraabadooda ah oo ay guryohooda ka cunteeyaan; si ay wax uga bartaan magaalooyinka, taas oo dad badan oo inaka mid ah u sahlan.

i)      In dadka aqoonyahanka ah ee beesha u dhashay ay baxshaan Seminaarro marka ay yimaadaan dalka, nin walbana uu dhigo waxa uu soo bartay, isagoo ku daraya waxa uu helay oo waayo-aragnimo iyo khibrad ah. Ragga aan aqoon gaar ah yeelan laftoodu waa inay dadka uga warramaan sida loo shaqaysto ama loo nool yahay, ayna ka saxaan dadka afkaarta qaldan ee ay ka haystaan nolosha iyo xoolo kasbashada, ayna la diriraan shaxaadka, shaqo ka faanka iyo wahsida.

j)      In deegaanada gudaha lagu qabto aqoon iswaydaarsiyo, Seminaarro, dood cilmiyeedyo, muxaadarooyin iyo tartan aqooneedyo kala duwan oo sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga bulshada.

5.    Dhanka dhaqaalaha waxaan ku baaqaynaa: a) in dadkeennu helaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, taas oo lagu suurtagalin karo in la siiyo Seminaarro ku saabsan dhaqaalaha, ganacsiga iyo shaqadaba. b) in bulshada lagu wacyigaliyo ahmiyadda dhaqaalaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xoog la saaro horumarinta dhaqaalaha. c)  in dadka wax qabsan kara la maalgaliyo ee aan la masruufin marka la tababaro ka dib. d) in dadka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh ganacsiga iyo dhaqaaluhu ay bulshada kala taliyaan xagga mashaariicda ganacsi iyo horumarineed ee munaasibka ah, sida warshado yar yar, beero, kalluumaysi iyo qaybaha ganacsiga. e) in bulshadu mawqif adag ka qaadato waxyaabaha naafaynaya dhaqaalaha, sida: qaadka iyo maandooriyayaasha kale, dayicista xoolaha nool iyo isu dheellitir la’aanta dakhliga iyo kharashka.

6.     In la sameeyo hay’ado samafal oo ka diiwaan gashan dalka iyo dibaddaba, kuwaas oo ka qaybqaadanaya horumarinta dadka iyo dalka, maalgalintoodana ka helaya xubnaha beesha ee bixin kara taageero dhaqaale, dawladaha iyo hay’adahaba.

7.    Waxaan ku baaqaynaa in maamulka, nidaamka iyo kala dambaynta xoog la saaro, taas oo keenaysa in dadku kala badbaadaan, muslimiinta kalena ka badbaadaan, dhanka kale dadku si ay u sameeyaan horumar wax ku ool ah waxay u baahann yihiin isku kalsooni, isku duubni iyo iskaashi buuxa oo aan maamul la’aan hirgali Karin.

8.    Waxaan si gaar ah mar labaad u boorrinaynaa, una codsanaynaa in si dhab ah loo walaaloobo, lagana fogaado wax kasta oo dhaawacaya walaalnimada iyo wadajirka, isla markaana la noqdo talo wadaag isu kaashada khayrka iyo Alle ka cabsiga, iskana celiya dambiga iyo xadgudubka.

9.    Waxaan u hambalyaynaynaa dhammaan beesha Leelkase, gaar ahaan Suldaan Subeyr oo aan rajaynayno in uu wax weyn ku soo kordhiyo beesha Leelkase meel kasta oo ay joogto.

10.                       Ugu dambayntii waxaan ku talinaynaa in aqoonyahanka beeeshu iska kaashadaan sidii loo samayn lahaa qorshe ballaaran oo lagu hormarinayo beesha meel kasta oo ay joogto, taana waxaa saldhig u ah in ay si buuxda wax isula fahmaan aqoonyahanka iyo hoggaanka beeshu.

Codsi: waxaan codsanaynaa in la gaarsiiyo baaqaan dhammaan jaaliyadaha beesha ee ku nool dibadda, isla markaana la isu kaashado sidii loo hirgalin lahaa.

Waxaa uruuriyey oo diiwaangaliyey: Sh. Axmed C/samed

Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?. W/Q: Axmed C/samad
Culumada iyo ducaadda jamaacada Ictisaam way dareensanaayeen in qallooc ku jiro fikirka iyo camalka aasaasayaashii kooxda Alshabaab tan iyo xilligii ay bilaabeen ololaha ay ku unkayaan ururkan markii dambe ku hirgalay magaca Xarakatu shabaab, wayna ka digeen fahamka leexsan ee ay xambaarsanyihiin. Sidaas oo ay tahay nina kuma fakareyn in raggaas ay ka suurtowdo qallooca iyo fasaadka ballaaran ee markii dambe summadda u noqday caqiidadooda, hab fakarkooda iyo hab dhaqankoodaba; sidaa darteed culumadu af-labadi ma yeerin ee si cilmi ah ayay uga hadli jireen marinhabowga kooxdaan iyo khatarta ay diinta iyo ummadda ku keeni karto ama ku hayso. Habka ay uga hadlayaan wuxuu ahaa “ maa baalu aqwaamin” iyo caddaynta xaqa ay barbar mareen, hoosna looguma daadagin daah ka feydista wax badan oo ay maro-diimeed huwinayeen.

Dhinaca kale dad badan oo ka mida culumadii iyo waxgaradkii ku sugnaa gobolada koonfureed gaar ahaan Muqdisho ayaa xilligii maxkamadaha ku baraarugay diinxumada kooxdaan iyo hagaardaamada ay diinta iyo ummadda ku hayso laakiin waxay ku soo beegantay xilli dadka xamaas badan hayey, lagana horjeeday cadowyo badan oo isbiirsaday oo ay xilligaas ducaadda iyo dadweynahaba la ahayd inay kooxdaani ka sharyartahay, taas oo keentay inay fursad u helaan inay ummadda daakhilka ka dumiyaan, madaxana isugu wada dhuftaan.

Dhawaan mar culumada iyo rag ducaadda ka mid ah ay ka hadleen xaqiiqada hawsha kooxdaani ummadda ka dhex wado, ayna soo bandhigeen tusaalayaal dadweynuhu ka marag-fureen ayaa aad la isu weydiiyey maxaa awal oo dhan naloo ku sheegi waayey xumaanta iyo khatarta kooxdaan?. Mar aan muxaadaro ka jeediyey Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Galdogob oo aan ardayda fikrad ka siiyey kooxdaan ayaa gabari i weydiisey: maxaad awal oo dhan noogu sheegi weydeen?. Waxaan ugu jawaabay anigu kama fakareyn dumarka iyo caamada ayaa raacaya, wiilashase bishii shanaad 2008 ayaan u sheegay in Jihaadkii dhamaaday oo hadda ka dib Soomaalidu is dili doonto, loona baahanyahay in nin walba uu diintiisa la gabbado, waliba waxaan ku iri: waligiin ma gasheen dagaal qabiil, kaalmase ma geysateen, haddase diyaar ma u tihiin inaad ka qaybgashaan?. Waxaan ku iri: ninkii Xamar u aadi lahaa inuu dadka lagu laynayo wax ka laayo dadka meelahaan dagan ha laayo muxuu xamarta fog isugu dhibayaa?. Wiilashiina arrintaas waa iiga maragfureen!.

Waxaa kale oo soo qaadis u baahan in aysan dadku marxaladaha qaarkood u bislayn in la siiyo xogta noocaan oo kale ah; waayo dad badan ayaa u qabey in kooxdaani diinta dan u hayso ama qabillkoodu ku meelgaari doono ama qolo ay u ciilqabaan kaga aarsan doonaan iwm. Laakiin hadda ninkii aan sharkoodu taaban wuxuu arkay ummad kale oo ay luufluufiyeen, wuuna ku qanacsanyahay in aysan cidna khayr u galayn ee ay yihiin DABAQALLOOC (hangarale) ninkii hoosta gashada isaga uun qaniinyada ka bilaabaya.

Haddaba markii aan maqlay dad kala duwan oo isku cilkaambiyaya maxaan xaqiiqadooda hadda ka hor u ogaan weynay ama u hadlaya in aan masiibadaan ummadda loo cadayn ayaan jeclaystay in aan soo bandhigo qoraallo badan oo arrintaan si toos ah ama si dadban uga hadlaya, in kastoo aan markii hore loogu talagalin in qoraal ahaan loo faafiyo. Waxaan horay u faafiyey qormo aan ugu magacdaray: Wadaadada is dilaya ma wada saxyihiin? Oo aan rag gaara oo talo i weydiiyey u qoray, haddana waxaan jeclaystay inaan ku xijiyo talooyin ay culumada iyo ducaadda Hargeysa ugu naseexeeyeen maxaakimtii islaamiga iyo dadweynaha reer Muqdisho bartamihii sannadkii 2006 ka dib markaan warbixin faahfaahsan ka siiyey xaaladdii meesha ka jirtey, su’aalihii ay i weydiiyeena aan uga jawaabay. Talooyinkaas waxaan u soo bandhigayaa sidii aan culumada afkooda uga qoray xilligaas. Ninka talooyinkaas maanta akhriyana wuxuu is oranayaa: culumada ma waxaan baa Ilaahay u sii daaliciyey oo ay ka hordagayeen!.

Axmed C/samad – Boosaaso

Naseexooyinka culumadu sidaan ayay u qornaayeen:

Talooyinka culimada iyo ducaadda Hargeysa

Waxaa lagu qabtay xarunta maamulka dacwada ee magaalada Hargeysa kulan ay isugu yimaadeen culumada iyo maamulka dacwada08/06/06. Kulankaas waxaa  warbixin ku saabsan xaaladda Muqdisho ka soo jeediyay Axmed C/samad oo socdaal dacwadeed ku yimid gobolada woqooyi,  ka dibna waxaa culumada iyo guddiga dacwadu soo jeediyeen hambalyo, duco iyo talooyin aad u qiima badan oo ay u soo jeediyeen maxaakimta islaamiga iyo guud ahaan dadweynaha reer Muqdisho. Talooyinkii, hambalyadii iyo ducadii ay walaaluhu soo jeediyeena waa kuwaan:

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay guusha weyn ee ay gaareen walaalahayo oo runtii guul u ah ummadda oo dhan. Waxaan mar kale ugu hambalyaynaynaa walaalaha guushaas ay gaareen, Allaahna waxaan ka baryaynaa in uu u taam yeelo, uuna u hiilliyo muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.

In la badiyo wadatashiga iyo isku xirnaanta, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho.

In xoogga la saaro sugidda amniga caasimadda iyo kala socodsiinta hawlaha bulshada.

In la is raaciyo haraaga isbahaysiga ka jooga magaalada, isla markaana la isku dayo in magaalooyinka kale lagu qabto si nabadgalyo iyo is faham ah.

In la dhiso maamul u gaar ah Muqdisho iyo mid dawlad goboleed ah.

In loo xulo maamulka dad ku habboon awoodna u leh inay isku wadaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhacdadaani waa imtixaan culus oo leh waxa ka dambeeya, waana arrin dad badan dhibaysa, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo xikmad iyo ka fiirsi badan oo aanay dhicin in markiiba la soo dadajiyo iska hor-imaadyo lala galo dawladda FKMG iyo quwadaha shisheeye.

In laga digtoonaado saamaynta ay camalka ku yeelan karto xinifta ka dhexaysa qabaa’ilku, lana hor-istaago tuhmooyinka imaan kara.

In aan la isku dayin in wax walba lagu xalliyo qaraaro deg deg ah ee wax badan loo daayo waqtiga, marar badanna lagu dhaqmo siyaasadda kasb alwaqt.

In la kaashado lana tixgaliyo dadka wax ka go’aan meel kasta oo laga hawlgalayo, isla markaana la soo dhaweeyo, lagana faa’iidaysto acyaanta qabaa’ilka.

In xoog la saaro wacyigalinta bulshada iyo warbaahinta guud ahaan.

In dawladda FKMG lala furo wada-hadal ku aaddan arrimaha dalka oo dhan wada khuseeya,  maxaakimtuna ay la gaar noqdaan arrimaha dawlad goboleedka koonfureed iyo maamulka Banaadir.

In aan marna laga tanaasulin fulinta shareecada, lagana baaraandago habka, maraaxisha iyo fursadaha iclaaninta iyo fulinta.

In deegaanka loo sameeyo maamul midaysan, isla markaana si buuxda maxkamaduhu gacanta ugu hayaan amniga, garsoorka iyo meelaha xasaasiga ah.

In la iska ilaaliyo dhagarta iyo hagardaamaynta dabadhilifyada iyo ururada ka fuliya ajandayaasha shisheeye.

In loo tanaasulo danta guud .

In laga digtoonaado iska-hor-imaad ka dhex dhaca maxaakimta iyo qabaa’ilka.

In bulshada lagu wacyigaliyo in guusha lagu gaaray shareecada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu mitido.

In loo dhiibo xarumaha danta guud dad xul ah.

In qabaa’ilka loo kaashado ka hortagga khataraha ku wajahan bulshada.

In wufuud loo diro dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, si loogu sharxo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, looguna qanciyo sida maslaxadda ummaddu ku jirto.

In qabaa’ilka oo dhan loo sameeyo maxkamado; si ay uga qaybqaataan difaaca diinta.

In madaalimta loo celiyo ahalkeedii, intii awood loo helo; si loo kasbado kalsoonida dadweynaha.

In la isku dayo in la kala jabiyo xubnaha dawladda FKMG, haddii ay isku daydo in ay ku dhaqaaqdo wax ka soo horjeea maslaxadda diinta iyo dalka.

In looga digo Maraykanka iyo Xabashida inay soo faragaliyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

In aan lagu hawlgalin xamaasadda ee caqliga, kaadsiiyaha iyo xikmadda la adeegsado.

In laga digtoonaado fashalka iyo asbaabtiisa.

In loo sameeyo ummadda maamul daacad ah.

In Allaah lagu kalsoonaado oo aan laga cabsan waxyaabo wahmi (ismoodsiis) ah.

In aan wadaaddadu si gaar ah u bixin ee ay dadkooda dhexda kaga jiraan. Waxaa kale oo muhiim ah in aan bulshada lagu dhex milmin oo aan hadafka laga lumin.

In la furo goobaha adeega bulshada, sida: dekadaha, madaarrada iyo waddooyinka.

In dadka aan maxkamadaha tooska ugu jirin, kuna laban si rasmi ah loogu daro; si aysan sumacadda wax u yeelin.

UUR-DOOX: Qaybtii 4aad
Alloow naga ilaali gefka iyo xumaha, oo noo hag xagga raalli-ahaanshahaaga (aamiin).

Xaaladdii Ka Taagnayd Caalamka Islaamka:

Waxaan idiin soo tarjumay ararta kitaabkii uu qoray Sh. Maxamad Qudub, oo uu ku sheegay ilbaxnimada Reer Galbeedka (Dimuqraadiyadda) iyo tan Reer Bariga (Shuuciyadda) in ay yihiin jaahilayad halis ah isagoo ku tilmaamay in ay qar iska xoorayaan aadamahana u wadaan meel lagu halaagsami doono.

Haddaad akhrido kitaabka uu qoray Abul-Aclaa Al-moowduudi (allaha u naxariistee) ee layiraahdo ”Annaga iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka”, iyo kitaabka Sh. Abul-Xasan An-Nadwi “Dunidu Maxay ku wayday Hoos u Dhacii Muslimiinta”, iyo kan kale ee uu u bixiyay “Islaamka aan Dib ugu Noqonno” kutubtaa ma aha kutub fiqi ah ama xadiis ama siiro ah, ee waa kutub la dagaallamaysa duullaan maskaxeedka lagu qabsaday Muslimiinta guud ahaan, iyo gaar ahaan inta wax baratay.

Kutubtani waxay diiradda saarayeen in ilbaxnimada Reer Galbeedka iyo Reer Bariga tahay qalfoof korka laga qurxiyay oo aan mutaysan in iyada darteed loo tuuro Diinteennii toosnayd ee Allah soo dejiyay. Waxa aad ugu soo noqnoqda kutubtaas ”islaamka waa waddo nololeed”. Taas waxa macnaheedu yahay in meesha laga saaro su’aasha ah (islaamka ma lagu dhaqmi karaa, mise waa diin aan u qalmin in lagu dhaqo Muslimiinta dhaqaalahooda, siyaasaddooda, iyo dhammaan waxa la xidhiidha noloshooda oo dhan?)

Nin kamid ah culimadii dalka Masar oo magaciisa la yiraahdo Sh. Cabdulqaadir Coowdah ayaa qoray kitaab uu u bixiyay “Islaamka oo Dhexyaalla Culimadiisii oo Tabardhigtay iyo Dadkiisii oo aan Aqoon” waana la dilay. Sh. Sayid Qudub waxaa loo daldalay in uu Islaamku yahay waddo nololeed. Xabsiyada dunida Muslimka waxaa laga buuxiyay wixii laga maqlo kalimaddaas. Xabsiga loo yaqaan Durrah ee ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa loo soo galay rag fara badan oo ka tirsan Xarakada Ikhaawnul-Muslimiin, markaas ayaa lagu bilbilay rasaas waxaana ku dhintay boqollaal, maydkoodiina cagaf ayaa godwayn loogu qoday waana lagu duugay. Dhacdooyinkaa iyo kuwo la mid ah waxaad ka akhrin kartaa kitaabka la yiraahdo “ikhwaanul-Muslimiin iyo Xabsiyadii Jamaal Cabdinasir”.

Taariikhahaa kooban waxaan uga jeednaa in ay kuu muuqato sida ay ahayd xaaladda waqtigaa ka taagnayd dunida Muslimka, Soomaaliyana waxba kama duwanayn.

Ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Ahal & Kacaankii 21-ka Oktoobar:

Waxaan soo sheegnay in mashruuca Islaamiga ah ee Soomaliya loo aasaasay dhaqdhqaaq uu madax ka yahay Sh. Cabdulqaadir Sh. Maxamuud, Sheekhna uu u yahay Sh. Maxamad Macallin Xasan (allaha u naxariistee). Dhaqdhaqaaqa waa “Al-Ahal”, waa magac tilmaamaya in ay dadka ka midka ah dhaqdhaqaaqaa ay qaraabo gaar ah yihiin, dadkana iska xigaan oo Allaah dartii walaalo u yihiin. Dhaqdhaqaaqyada iyo axsaabta waa la mamnuucay markuu Kacaanku curtay kaddib, ciddii lagu ogaadana waa la xidhi jiray, in la dilana waa ay dhici kartaa, sidaa darteed qofka lagu soo darayo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee “Al-Ahal” waxaa la hubin jiray in uu sir-xejis leeyahay oo haddii xattaa la ciqaabo aanu sheegayn xubnaha Ururka.

Dadwaynaha oo dhan waxay taageersanyihiin Kacaanka, sabatoo ah waxay dadku filayeen isbaddal ka saara wixii ay ku jireen oo ahayd qabyaalad, dib u dhac, faqri iyo cudurro, inkastoo la haystay xorriyad lagu cabbiri karo waxaad qabto, barlamaan dhisanyahay, doorasho xor ah ay jirtay. Kacaanku wuxuu ka buuxiyay xabsiyada siyaasiyiintii muuqatay iyo intii laga cabsi qabay in ay wax samayn karaan. Waxaa soo baxay hal-kudhaggii ahaa: ”Ama afkaaga Heeyso Ama Afgooye Aad”, Afgooye oo ahayd jihada la aado marka ragga xabsiga loo taxaabayo. Kacaanku wuxuu soo saaray xaashidii koowaad oo uu ku caddaynayo ujeeddooyinkiisa, iyadoo ay ku sawirantahay Kitaabka Quraanka, koofiya-bireed, iyo qori soodhka u taaganyahay. Waxaa lagu qaaday:

Deellakabiirow,

maa lasoo dayo,

Kuwii digirta xadeen

Suugaantan waxaa loola jeedaa nin wasiir ah oo dowladdii xorriyadda ka tirsanaa ayaa xaday digir loo keenay dad dhibaateeysan oo abaaro ku dhufteen, marka waxaa loo tiriyay hadalkan oo laga dhigay dhammaan dadkii dawladd u shaqaynayay kuwo aan ka xishoon xataa digir in ay xadaan. Waxaa la duugay (aasay) qabiilka oo laga soo dhigay Sanam madoow oo foolxun, iyadoo dad fara badan isugu soo baxeen fagaarahaas.

Wax allaala wixii Kacaanka ka horreeyay wax kasoo qaad malahayn, wax fiicanna kuma jirin, qofkii laga maqlo “waxaa fiicnaa” waa xabsi. Waxaa loo bixiyay doowladdii xorriyadda: Dawaladda Musuqmaasuqa. Waxaa laga sheekeeyaa har iyo habeen xumaantii ay lahayd iyo dalka sida ay u gashay, dadkii u shaqayn jirayna waxaa loo bixiyay: Xaaraan-quutayaal iwm. Waxaad raadiyaha ka maqlaysaa:

Xaaraan-quutayaashii,

Xaqiraayay shacabkee,

Xaabsaday waxeennii,

Kuwii naga xoreeyoow,

Xamdi baan idiin naqaynaa

Xitaa 1-da Luulyo oo ahayd maalinta xorriyadda la qaatay oo si wayn loogu dabaaldagi jiray waa la yareeyay. Dabaaldagga waddanka waxaa lagu soo uruuriyay 21-ka Oktoobar oo ah maalintuu Kacaanku curtay. 1972-kii wuxuu Kacaankii go’aansaday in la qaato wax loo bixiyay: “Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan” (Scientific Socialism). Soomaaliya waxay xubin buuxda ka noqotay Isbaheeysigii Bariga ee lagu magacaabi jiray Waarso (Warsaw Pact) oo uu madax u ahaa Midowgii Soofiyeeti (Soviet union), hay’adihii Maraykanka iyo Yurubta galbeed ee joogay Soomaaliyana waxaa loo qabtay in ay 48 saacadood waddanka kaga baxaan.

Waxaan xusuustaa in macallimiintii wax noo dhigaysay dusiga dhexe ee Sandhoor Guure ee magaalada Beledwayne in ay si halhaleel ah noogu yimaaddeen iyagoo na macasalaamaynaya noona sheegaya in labada doowladood xiriirkoodii xumaaday; sidaas darteedna ay ku noqonayaan dalkoodii.

Waddanka waxaa ku soo jihaystay fikradda Shuuciyadda oo magaca loo jilciyey si aan looga diidin (Allaahul Mustacaan), dadka Soomaaliyeed ee tiradoodaba tahay lix malyan oo lagu dhex tuuray badwaynta beesha hantiwadaagga maxaad u maleeynaysaa in uu ka soo hari doono?!

Waxaa soo degay Midowgii Soofiyeetka (Soviet Union) oo wata udbahiisii. Waxaa xafiis walba la taliye ka ah nin ka socda Midowga soviet-ka laga billaabo xafiiska madaxwaynaha ilaa kan u hooseeya, waxay macallimiin ka noqdeen dugsiyada sare, jaamacadaha, dugsiyada milatariga iyo meel walba. Maaddada Hantiwadaagga waxay muqarar (qasab) ku tahay qof kasta oo jaamacadda dhiganaya takhasus kasta oo uu baranayo, haddii uu ku dhaco Maaddada Hantiwadaagga ma qalin jabin karo.

Waxaa la abuuray ururka dhalinyarada hantiwadaagga oo xambaarsan fikradda hantiwadaagga, waxaa dadkaas qaybahooda kala geddisan loo qaaday waddan-waynaha hantiwadaagga ee Soviet-ka halkaas oo la tusinayo horumarka ay gaareen, kaddibna loogu sheekaynayo in ay horumarkaa gaareen markay diinta ka xoroobeen.

Saxwada (Baraarugga) Islaamka oo curdin ah ayaa waxay gashgay dagaal caqiido oo aan dheelli tirnayn, dagaal u dhexeeya iyaga iyo nidaam dowladeed oo ay gadaal ka riixayso dowladdii caalamka ugu xoogga badneeyd. Waxay dowladdu furtay xabsiyo waawayn oo lagu rido qofkii ka horyimaadda Kacaanka, wiilka yar e hantiwadaaggu madaxmaray wuxuu kari karaa in uu xabsiga ku geeyo saddex bilood oo dedeg ah. Markiiba waxaa la soo saaray xeerka qoyska oo simaya dhaxalka wiilka iyo gabadha. Culimadii ayaa ka hortimid iyagana toban kamid ah ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo la isku soo baxay, kaddibna waxaa la dhigay bannaanbax lagu taageerayo go’aankii dowladda. Waxaa dhacay cabsi aad u badan.

Ololaha Afka Soomaaliga iyo Ololaha Quraan Xifdinta iyo Salaad Baridda:

1974-kii Kacaankii wuxuu soo saaray go’aan ah in dadka in lagu qaado ololaha ciribtirka akhris-la’aanta iyo qoris-la’aanta. Markii hore waxaa laga billaabay magaalooyinka kaddibna baadiyaha. Xarakada waxaa kasoo baxay go’aan ah in xubnaha Xarakadu soo xifdiyaan Quraanka muddada ay ku maqanyihiin Ololaha, dadkana salaadda soo baraan. Waxaa Ololaha ka qayb qaadanayay warfaafinta, ciidammada, iyo shaqaalaha dowladda. Ololahu wuxuu ka dhacayaa laga bilaabo Raaskambooni ilaa Raascasayr, xubnaha Saxwada waa yaryihiin laakin waxay hayaan niyad, waxaana ku jira caziimad aan xad laheeyn.

Waxaan xusuustaa in aan tagey magaalada Buulaburde oo hoos imanaysay gobolka Hiiraan oo aan Xarakada mas’uul uga ahaa, si aan u gaarsiiyo farriintan ardayda degmadaas inta aanay bixin. waxaan tagay galab Khamiis ah, qofna kama aqaan magaalada. Waxaan ku tukaday masjid jaamaca wayn salaaddii maqrib, salaaddii kadib nin yamani ah ayaa foox shiday, shaah iyo qaxwe keenay, kaddibna bilaabay in uu akhriyo Barzanji (kitaab mawliid ah), markuu cisha soo dhawaaday dadkiina soo dhawaadeen ayaan kalimad ka idhi xalqadii. Markii cishaha la tukaday ayaa dhallinyaro ii timid, anna waa kuwaan raadinaayay, waxaan weeydiiyay in ay iskuul dhigtaan, mise intooda badan waa arday Ololaha aadaysa. Waxay ii soo jeediyeen in barri salaadda Jimce kaddib aan hadal ka jeediyo Masjidka,waa markii iigu horreeysay oo aan jamac intaa leeg aan hor istaago. Waxaan istaagay Jimcihii kaddib dadkiina qof ma kicin, waxaan soo qaatay xadiiskii macnihiisu ahaa “saddex ninkii laga helo wuxuu helaa macaanka iimaanka”. Qof dhaqaaqay ma jirin. Kaddib ayaan ardaydii kula kulmay Hotel Camaloow.

Waxaan ku boorriyay in ay Quraanka soo xifdiyaan dadkana salaadda iyo diinta soo baraan. Waxaan xusuustaa waxaa nala geeyay annagoo toban ah tuulo la yidhaa Buqkoosaar oo u dhexaysa Beledwayne iyo Ceel-Cali. Dadka markaan far-soomaliga u dhigno galinka hore, galinka dambe ayaan salaadda iyo diinta bari jirnay. Reer-guuraaga qaar ayaa u soo guuray tuulada agagaarkeeda si ay diinta u bartaan. Ardaydii nala socotayna waxaan ku afuufaynay dacwadda… (La soco qaybta 5aad inshaa Allaah)

“Waa kuwaanaa sawirada qayb ka mid ah dhalinyaradii mashruuca Islaamdoonka, hadana ah duqayda mashruuca Islaam doonka.”

1-   Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman (alle ha u naxariisto)

2-   Sh. Cali yusuf

3-   Sh. Maxamud Ciise

4-   Sh. Xuseen Cali Xaaji

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

burdhinle@yahoo.com

Iska dil. W/Q: Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)
Ciyaaraha aan ugu jecleyn yaraantii waxaa ugu muhiimsanaa laynta mulacyada, jiirka shinbiraha iwm. Sida badanna koox da’ ahaan isku dhow ayaan ahaanjirnay oo leeb iyo qaanso ley ah, inta badanna waxaa hoggaamiye noqon jiray ninka ugu laayaansan ama ugu firfircoonida badan.

Waxaa dhici jirtay in xooluhu naga lumaan sidaan mulac ama shinbir u eryaneyno, sida badanna howlahaas waan joojin jirnay markii gabbalku dhoco; maxaa yeelay waxaa adkaaneysa in la arko waxa la tooganayo ama in la helo leebkii la ganay, waxaase mararka qaar dhici jirtay inaan fiidka hore ku guurno meelaha ay habeenkii shinbirtu u hoyato, waxaana dhici jirtay in la toogto shinbirta buulka ku jirta, in lala helo way dhacdaa in lala waayo oo leebkii lagu riday lumana waa laga yaabaa.

Ciyaar xiiso leh ayay noo aheyd laynta nafleydaas aan waxba galabsanin, waxaana jeclaan jirnay inaan wixii dhaqaaqaba tooganno, sida: masaska, hangaralaha, caasha garaddaxda,calikacsadaha, malowga iyo noocyo kale oo noo ahaa il iyo aragti.

Laynta xayawaanadaas ujeeddo aan ciyaar aheyn kama aanaan laheyn marka lag reebo shinbirta oo aan u dili jirnay si aan baarrimeheeda leebta ugu baalanno, mana jirin cid naga weyneyd oo laynta noolayaashaas naga dhaadhicisay, waxaanse qaddarayaa in dadka naga waaweynaa laftoodu ay ciyaarta noocaas ah soo mareen.

Waxayaabaha yaabka leh ee aan ciyaartaas ka sii xusuusto waxaa ka mid ah inaan danbi weyn u haysannay in mulaca calooshiisa dhinaca cirka loo jeediyo ka dib markii la dilo!. Dilku dhib nalama laheyn, waxaase dhib weyn noola muuqday in barbarka cowrada loo rogo, haddii la arko mulaca oo calooshiisu samada u jeeddana isla markiiba waa la rogi jiray, hadda ma xusuusni wixii laga cabsanayay waxa uu ahaa ma inuu cirku soo dumo ayey aheyd mise Ilaahay baa ka cadhoonaya mooji, waxeyse ila tahay in dad badani arrinkaas xusuusanyahay.

Haddii aad is weydiiso mar haddiiba mulacii la dilay cir iyo dhul midka uu u jeedsanayo maxaa laga rabaa? Waa wax caqliga carruurta ka weyn, waase su’aal meesha ku jirta oo jawaab u baahan, waxa muhiimka nala ahaase wuxuu ahaa in mulaca la dilo sabab iyo sabab la’aanba.

Sidoo kale dadka waaweyn laftoodu waxay dhaqan u lahaayeen inay iska dilaan cidda ka dhalatay qabiilka ay is hayaan ama dakanuhu dhexyaallo, la isma weydiin jirin war ninkan maxaa lagu dilayaa?, ma naf buu gooyay?, ma siyaabo kale ayuu dil ku muteystay, waxaase caan aheyd in la iska dilo, ilaa ay gaadhay in qofkii laga shakiyo ee reer kale xataa sheegta oo aan aheyn kii la iska dili lahaa in la dilo, waxaana la dhihi jiray: intii uu reer hebal baxsaday noqon lahaa reer hebal ( midkii aan markan la dili laheyn) dhintay ha noqdo.

Markii qabaa’ilka colaaddu dhextaallo iska horyimaaddaan la isuma turi jirin, qoladii laga taag roonaadana waraabaha iyo haadda ayaa loo loogi jiray, waliba or iyo jiibna waa laga daba qaadi jiray, gabay mahadho reebana waa laga marin jiray oo lagu xusayo wacdarihii la mariyay iyo sida raggoodii loo warjeefay, waxaana dhici jirtay in heballadii goobta la dhigay la magac-dhabo si qabiilkii ay ka dhasheen loogu sii xanuujiyo.

Mararka qaarkood kooxo dooxato ah ayaa u guureyn jiray qolada markaas la damacsanyahay in laga soo aar-goosto ( la iska dilo), waxaana dhici jirtay in reer nabad ku soo galay geeri u soo hoyato, lagamana nixi jirin in ninka carruurtiisii iyo xaaskiisii lagu dhex dilo!. Haddii la rabo waaba lagu faani jiray ficilkaas foosha xun.

Mararka qaarna waxaa dhici jirtay in nin war ma qabto ah oo ka dhashay reerihii dilkoodu il iyo aragtida ahaa uu soo gacan galo isaga oo baadi ka luntay ku raad jooga ama dano kaleba u socda, haddii hayb ahaan loo aqoonsado ama rag waji yaqaannaba goobta joogaan lama hureynin in la iska dilo oo aan la bixinin, waxaase caado aheyd inaan towxiidka la seejinin oo la yidhaahdo: hebalow waad dhimaneysaaye ashahaado!.

Tolow maxay ashahaadada ugu laqinayaan haddiiba ay dilayaan?. Waxaan is idhi: kolley gaalnimo uma dilayaane waxay is dheheen mar haddii aad ninka adduunkii u qoonsateen aakhiro jannada ha u qoonsanina!, waana lexejeclo wanaagsan haddii ujeeddadu sidaas tahay.

Raggaas aan is caymineynin haddii ay meel dagan iska helaan ma dhici jirin inay ciyaalka iyo maatada iska xasuuqaan ha dhacdo in xoolaha la iska qaadi jiraye.

Ka dib markii qabiilka la siyaasadeeyayna waxaa soo baxday qaacido kale oo odhaneysa wixii reer hebalka inaga soo horjeeda ah ha la iska dilo, hantidoodana ha la biliqaysto, haweenka iyo carruurta xataa hoobiye ha lagu garaaco?. Laakiin sida dadka dhaqankooda ka muuqata in dumarka la fara-xumeeyo waa yara karaaho laga fiicanyahay, danbise ma aha!.

Haddana sidaas oo ay tahay dadkaas is xasuuqaya qolana qoloda kale wixii laga laayay inay ahlu naar yihiin uma ayna arkeynin, ha jirto in mararka qaar wadaad kitaab gaablow ahi dhoho: reer hebal waa gaalo, xoolohooduna way bannaanyihiin, laakiin haddana qofnakamadhaadhacsaneyn inay reer hebal ku gaaloobayaan inay reer hebal colloobeen.

Dilalkaas soomaalidu taqaanno haddii aad sii dhuuxdid waxyaabaha ay ku sababeyn jireen ee inta badan aan caqli fayoobi ku qanci Karin waxaa kuu soo baxeysa inayna layntoodu wax weyn ka duwaneyn layntii mulaca ee carruurtu ku ciyaari jirtay.

Xarakada Alshabaab maxay dhaqankaas ku soo kordhisay?

Xarakada Alshabaab iyadu waxay soo kordhisay in dadkii la leynayay la badiyo oo reer walba wixii laga helo la iska dilo ( awal qabaa’ilka is haya uunbaa is dili jiray qabaa’il magacooda lagu badbaadana way jiri jireen). Sidoo kale waxay soo kordhiyeen in qofka dakano iyo eed la’aan la iska dilo ( awal waxaa qofka loo dili jiray reer hebal oo aan col nahay ayuu ka dhashay), waxaana dhacday in qofka sababka loo dilay uu ahaa inuu xilliga wax la dilayay ama la qarxinayay meeshii lagu dilay marayay oo uu ayaan darnaa? Bal muu qaraxa ama xabbadda iskaga gudo?!!.

Waxaa kale oo ay soo kordhiyeen inayna jirin cid ayna birtoodu gayin: sheikh iyo shariif, wadaad iyo waranle, rag iyo dumar intaba. Sida ay u soo kordhiyeen in qofka towxiidka xataa la garab mariyo oo aan luu quudhin inuu ashahaato, haddii uu ashaatona waxaaba mararka qaar loogu jawaabay isaga oo la dilayo ashahaadadu wax ha kuu tarto!.

Waxaa kale oo ay iyana soo kordiyeen in qofkii la dilay naarta lagu hubsado oo la yidhaahdo in la dilo xaq bay aheyd waliab waa ahlu naar, tolow ma iyagaa abuurtay oo jannada iyo naartana iska leh?.

Dadka qaar waxay la tahay in shabaab ayna dadka sabab la’aan u dileynin, waxeyna sabab arrintaas uga dhigaan hadallada ka soo yeedha ee ah hebal waa murtad iyo ashahaado la dirir buu ahaa, waxayna moodaan in sababka dilku sidaas yahay, hase yeeshee dadkaasi waxayna is weydiinin haddii sababka dilku wax la garanayo yahay maxay ugu yaraan dadka ay ku laayaan dhulka ay ka taliyaan maxkamad u soo taagi waayeen oo ugu soo oogi waayeen danbiga lagu dilayo, maxeyse iyaga oo is qarinaya si qarsoodi ah wax ugu dilayaan?.

Sidoo kale haddii dilkoodu sabab ku dhisanyahay maxay u inkiraan dadkii ay dileen markii bulshadu ka kacdo ama ay is dhahaan sumcad xumo ayaa idinka soo gaadheysa? May ku adkeystaan inay iyagu hebal ama heballo dileen haddii ay sabab mashruuc ah ku dileen?.

Maxay u inkireen qarixii dadka badan ii qiimaha muslim iyo soomaaliba u lahaa ku dhinteen ee ay ka sameeyeen hotelka shaamow?, maxay sidoo kale u inkireen dilkii dr. axmad xaaji c/raxmaan ee sida qorraxda ugu caddaaday?,  maxey ku inkireen dilkii maxamad tahliil iyo c/kariim sh. Ibraahim?, maxey u inkireen dilkii Daa’uud Dirir oo ka mid ahaa dadka ay ku dileen dhulka ay iyagu ka taliyaan?, yayse aheyd baalaayada kale ee u soo dhuumatay ee aan iyaga aheyn? Maxey ku inkireen dadka aan xisaabta laheyn ee ay meel walba ku laayeen ee culimo iyo caamaba leh?.

Waan qabaa lafteydu in ay jirto asbaab shabaab dadka u leynayaan, waxaanse qabaa inayna aheyn midda ay afka ka sheegayaan, tusaale ahaan ragga culimada u ahi markii ay ku adkaatay inay helaan sabab wax qancin karta oo lagu laayo culimada soomaalyeed waxay ka badin waayeen inay dhahaan culimada ha la iska dilo, ka dibna sheekhii la dilay shahiid ayuu noqonayaa, kii wax dilayna mujaahid ayuu noqonayaa?.

Ma idinla tahay in taasi noqon karto xujo wax lagu dilo? Haddiibase ay qanciso ninka isagu iska yidhi ujeedada uu doonaba ha ka lahaadee ma idinla tahay inay qancineyso midka Dr. axmad oo uu yaqaanno oo sooman oo salaad subax ka soo baxay wadnaha iyo madaxa ka toogtay? Ma lagu qanci karaa in dilka noocaas ah uu fahan diineed keenay haba qalloocsanaadee?.

Dilalka qorsheysa ee ay al shabaab sameynayaan haddii ay yihiin wax ku dhisan qanaaco diineed waxaa la arki lahaa rag ka soo istaagay ugu yaraan dilalka loo dirayo qaarkood, waxaana la arki lahaa haba yaraadeene dad ka biyo diidaya dagaalladii  ay ururadii islaamiga ahaa ( maxkamadihii iyo al xisb al islaami) la galeen, sida ururradaas kaleba looga helay dad badan oo dagaalka diin ahaan u diiday oo yidhi wax aan ku dilo qof diin baan u socdaa leh garan maayo.

Dadka inta badan dilalka noocan oo kale ah sameeya waa dad aan haba yaraatee aakharo ka yaab ku jirin, ujeddooyinka ay wax u leynayaanna ay tahay mid qarsoon, mararka qaarna waxaa dhacda inay yihiin dad dilka caadeystay oo ayna ciyaartii mulac leyntaba uga duwaneyn.

Anigu lama yaabin ninka ajande uu doonayo inuu gaadho dadka u leynaya; maxaa yeelay waa la arki jiray nin dadka u laaya si uu isagu dano adduun u gaadho, waxaanse aad u la yaabay kuwa laga adeejinayo inay dadka laayaan ee aan iyagu magac iyo adduun midna ugu soo kordheynin, aakhirana loo haysto wixii uu naf xaq daro ku gooyay.

Marwaan Ibnul xakam ayaa ka dalbaday Ayman Ibnu Khureym (oo ay kutubta qaarkeed sheegaty inuu saxaabi ahaa) inuu u hiiliyo maadaama uu yahay nin qurash ah, markaasuu Ayman ugu jawaabay: aan kuu hiiliyee ma ii haysaa kaar ( warqad) aan naarta kaga badbaadayo?, markaasuu Marwaan fahmay waxa uu ka hadlayo, wuxuuna ku yidhi: hiilkaaga uma baahnin ee naga tag, markaasaa Ayman ku geeraaray tixdan:

ولست بقاتلٍ رجلا يصلي     على سلطان آخرَ من قريش

له سلطانه وعليَّ وزري          معاذ الله من سفهٍ وطيش

“Nin muslim ah u dili maayo; si uu mid kale oo reer qureysh ah xukun u helo, xukunkii uu helay isagaa iska leh, aniguna danbi baan xambaarsaday, Ilaahay baan doqonnimo iyo fudeyd ka magan galay”.

Dhallinyarada shaqada looga dhigay laynta dadka muslimiinta ah ee culimo iyo caamaba leh waxaa mudan inay is weydiiyaan war hebalka  aad amarkiisa ku shaqeyneysaan ee idinku odhanaya hebal iska soo dil ma isagaa aakhiro idinka qaadaya danbiga aad ka kasbaneysaan dilka dadka muslimiinta ah? Haddiise aad u gacan gashaan dadkii aad dadkooda disheen midkii idin soo diray ma diyaar buu u yahay inuu isagu qisaasta isu soo taago oo idinka la idin badbaadiyo? Mise markii aad gacan gashaan ayuu idin inkirayaa oo kuwo kale oo cusub raadsanayaa sida haddaba ku dhacday kuwii Dr. axmad dilay?.

Waa la hubaa aakhiro inayna danbi la’aan aheyn qof muslim ah oo isaga oo salaad ku sii socda ama ka soo socda la dilaye bal is weydiiya wax adduun ahaan aad ka helaysaan dilkaas.

Is weydiiya sida ay ku dhacday diintii dhiigga munaafiqiintii la hubay ee waxyigu sheegay badbaadisay in ay badbaadin weydo culimadii diinta faafinteeda dhib iyo cabsiba u soo maray sida Dr. axmad oo kale. Sow la idiinma sheegin inaanu nabi Maxammad waligii amrin in qof ashahaadanaya la dilo, madixii munaafiqiinta ee Cabdullaahi Ibnu Saluulna ha ahaadee?.

Haddii dilka muslimiinta ay rag idiin qurxiyeen oo shubuhaad iyo hawo idinka buuxiyeenna ogaada in dilka shahwada (adduun jaceylka ) ku dhisani uu ka dhib yaryahay xagga danbiga midka shubhada (is moodsiiska diiniga ah) ku dhisan, sidaasina hadalkayga ma ahee xaddiiska ayey ku sugantahay :

وعن عبادة بن الصامت رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال من قتل مؤمنا فاغتبط بقتله لم يقبل الله منه صرفا ولا عدلا رواه أبو داود. ثم روى عن خالد بن دهقان سألت يحيى بن يحيى الغساني عن قوله فاغتبط بقتله قال الذين يقاتلون في الفتنة فيقتل أحدهم فيرى أحدهم أنه على هدى لا يستغفر الله.

Xaddiisku waa saxiix, Sh. Albaani ayaana altarqiib wattarhiib ku saxiix yeelay, macnihiisuna waxaa weeye: qofkii dila qof muslim ah, ka dibna ku faxra dilkiisa ilaahay sunne iyo farad ( faral) midnakamaaqbalo!.

Ka dibna Yaxya Al Qassaani ayaa fasiray waxa loola jeedo ku farxitaanka dilka muslimka, wuxuuna yidhi: waa dadka dagaallada fitnada ah gala, midkood ayaa midka kale dili markaasuu ( kii wax dilay ) isu maleynayaa inuu saxanyahay ( hanuunsanyahay) Ilaahayna danbi dhaaf waydiisan mayo!

Haddii xaajadu idinla tahay ciyaartii mulac leynta oo yaraan iyo cilmi yari idiin geyneysana ogaada in dhiigga muslimku uu Ilaahay agtiisa kaga culusyahay adduunka oo dhan oo kharribma. Ragga dilka muslimiinta idiin sakhirayana ku dhaha war iska dil socon meyso e ha na aakhiro seejinin, waxa aad noo sheegeyso se armuu been noqdaa ood hadhow nooga baxdaa?.

Ilaahayow ha nagu ibtileynin daadinta dhiig qof muslim ah oo ashahaadanaya oo tukanaya, dadka ku ibtiloobayna ka samata bixi, intii xaqdarrada lagu dilayna Ilaahow kuwii ku gardarrooday uga aar-gud. Aamiin.

Timir Laf baa ku jirta. W/Q: Abdirazaak Sugulle Mohamed
Xaaladda aadka u murugsan ee ku habsatay umadda Soomaaliyeed ayaa waxay keentay in  wax walbaa is dhexyaacaan,bililiqaduna ay noqotay mid iska caam ah oo aan xitaa laga xishoon. Waxyaabaha ay bililiqadu saamaysayna waxaa ka mid ah dhinacyada kala duwan ee saxaafadda. Waxaa telefishan walbaa kaaga soo boodaya mid ku leh weriyaan ahay, xitaa wax kale iska daayoo aanba sixi karin luqaddii soomaaliga ahayd. Dhinaca bogaga shabakada internetkana waxaa ku soo batay qorayaal farabadan oo aan mas’uuliyad diineed iyo mid saxafiyadeed toona biya u kabbanaynin.

Hordhacaas yar waxaan uga gol leeyahay markii dhowaan ay isheeydu qabatay hadal aan aad ula yaabay oo lagu soo qoray mid ka mid ah bogaga internetka, kaasoo lagu been abuurtay in Allaha xifdiyee  Sh. C/qaadir Nuur Faarax uu kulankii Garoowe ka dhacay ee muxaadarada gaaban ka jeediyay uu ku soo dhaweeyay in gaalo madowdu ay soo galaan dalka Soomaaliya. Ishaydu markii ay ku dhacday arinkaasi aad baan u yaabay, way ii cadeyd anigoo aan meesha joogin amaba maqal kalmadda in ay been abuur cad tahay, waxaanse la yaabay  war nimanku ma waanay is ogayn in  caalamkii maanta uu noqday tuula yar, wax walboo la sheegaana ay kaydsan yihiin, oo aanayba ka baqayn in ay ceeboobaan oo warkooda laga daba yimaado halkaasna ay ku burhaan beelaan. Waxba kama soo wareegin markii ay walaalaha qoraa Halgan ( Allaha ka abaalmariyee) ay umadda u caddeeyeen oo soo gudbiyeen kalmaddii shiikha oo maqal iyo muuqaalba ah. Taasi waxay muujisay cadaawada iyo inxiraafka caabuqay ee muddo la qarsanaayay in uu soo daahirmay, oo xitaa  qofka muslimka ah, iskaba dhaaf culimada e, aan habayaratee wax xeerin iyo qadarin ah loo sameyneynin.

Haddaba arintaasi waxay igu dhalisay inaan isla rogrogno dhowr arimood:

Haddii la doonayay in tooshka lagu ifiyo ka qaybgalka uu shiikhu ka qaybgalay shirkaas, lagana dhigo arin diin ka bax ah, waa mid diinta iyo caqliga saliimka ahba ka fog, umana baahna daliil fara badan in loo doonto dhinaca diinta oo waa ku waadix arinkaas. Qofka muslimka ahina meel alla iy meeshii fursadi uga baanaan tahay inuu kalmad macruuf ah ka soo jeediyo wax u diidayaa ma jiraan.

Sh. C/qaadir tagistii uu tagay haddii la doonayay in dacaayad looga dhigo waa kursi doon, intaasoo sanadood oo dalku burbursanaa ayuu dacwada iyo islaaxinta bulshada hayay, waligiisna kursi kuma doonan madaxna kama noqon. Haddana howshiisii uu u taagnaa ee ahayd wanaagga oo la isfari iyo xumaanta oo la iska reebo ayuunbuu gudanayay, oo waliba ahayd mid munaasib ah si hadhoow ilaahay hortiisa cudurdaar loogu helo in raggaasi siyaasadda Soomaaliya u tafaxaytay xaqa loo caddeeyo.

Qof allaa qofkii dhagaystay kalmaddaasi waxaa ay u muujinaysaa sida ay muhiimka u ahayd, iyo sida uu Sheekhu xujada ugu oogay raggii halkaasi ku kulansanaa ee ku hardamaya masiirka ummadda soomaaliyeed. Haddii uu dareen yar oo wax fahmaa ku jiraana way ku filan tahay waana booskeedii ayaan leeyahay.

Been abuurku waa arin aad u xun, qofka muslimka ah oo la ceebeeyaana nusuus adag ayaaba ka taalla. waana midaa ku dhacday raggii isku dayay in ay sheekha been la dhoodhoobay dusha ka saaraan. Nabiguna (NNKH) arinkaas aad buu nooga digay oo wuxuu yiri :-

عَنْ أَبِي بَرْزَةَ الْأَسْلَمِيِّ رَضِيَ الله عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “يَا مَعْشَرَ مَنْ آمَنَ بِلِسَانِهِ وَلَمْ يَدْخُلِ الْإِيمَانُ قَلْبَهُ لَا تَغْتَابُوا الْمُسْلِمِينَ وَلَا تَتَّبِعُوا عَوْرَاتِهِمْ فَإِنَّهُ مَنْ يَتَّبِعْ عَوْرَاتِهِمْ يَتَّبِعْ اللَّهُ عَوْرَتَهُ وَمَنْ يَتَّبِعِ اللَّهُ عَوْرَتَهُ يَفْضَحْهُ فِي بَيْتِهِ”. أخرجه أحمد (4/420 ، رقم 19791) ، وأبو داود (4/270 ، رقم 4880) ، والبيهقي (10/247 ، رقم 20953) . وأخرجه أيضًا: ابن أبى الدنيا فى الصمت (ص 121 ، رقم 168) ، وأبو يعلى (13/419 ، رقم 7423) . وصححه الألباني (المشكاة ، 5044.

” Kuwa carrabka ka rumeeyoow, iimaankuna uusan qalbigooda galin ha xamanina muslimiinta, hana raac-raacina cawraadkooda, maxaa yeelay qofkii dabagalaa cawraadka muslimiinta, Allaah ayaa isaguna raacraacaya cowraadkiisa, qofkii uu Allaah cawraadkiisa raac-raacana wuxuu ku ceebeeynayaa gurigiisa”.

Soow ma ahan arin tusaale cad kuugu filan akhristoow nimankii shiikha been abuurka weyn dusha u saaray inuu Ilaahay shabakaddii internetka ahayd dhexdeeda uu ku ceebeeyay. Waliba taa waxaa ka sii darnaa in cudurdaarka la soo gudbiyayna uusan ahayn mid macquul ah, maxayse tari kun cudurdaar oo aad sheegtaa xilli waqtigiisii la dhaafay, sidii uu horeba ninka soomaaliga ah u yiri ” sanbuusa laga adimay”. Waxaa kaloo soomaalidu tiraahdaa ” wixii uurka kuugu qarsoon afkaa kaa xada ”, waa mid muujinaysa cadaawada caabuqday iyo tacasubka indha la’aanta ah ee la doonayo in culimadii diintan iyo dalkanba u soo dadaashay oo waqtigoodii ku qaatay islaaxinta dadka iyo dalkaba dhiigooda iyo cawraadkoodaa lagu bannaysto.

Haddaba waxaan leeyahay : war raggiinaan shaqada ka dhigtay arimahaas ogaada Allaah ayaa  naga danbeeya, oo maalin baa jirta qof walbaa kitaabkiisa qoorta loo suri doono, Nabiguna (NNKH) wuxuu yiri :

قال رسول الله  ( ومن قال في مؤمن ماليس فيه أسكنه الله ردغة الخبال حتى يخرج مما قال ) رواه الإمام أحمد وأبو داود .

”Qofkii ku sheega  qof mu’min ah wuxuusan ahayn, Ilaahay wuxuu dejinayaa ” Radqatu Al-khabaal” illaa uu ka baxo wixii uu yiri: Markaasay saxaabadu weydiiyeen maxaa laga wadaa Radqatu Al-khabaal?, wuxuuna nabigu (NNKH) ugu jawaabay : waa dhecaanka, dhididka iyo wasakhda ka baxaysa Ahlu naarka”. waxaa weriyay Imaam Axmed iyo Abuu Da’uud.

Ugu danbayntii Waxaan ku soo afjarayaa ”Timir Laf baa ku jirta ”, taasoo aan uga gol leeyahay, in maraykan iyo Ingiriis ay Al-qaacida iyo wixii afkaarteeda xanbaarsan ay kula dagaalamayaan meelo aad u fogfog sida Afgaanistaan iyo Ciraaq, haddana rag  isla afkaartaas  xanbaarsan ay bogag internet u furaan oo waliba wadadamooda ka howlgala, oo aanan marnaba wax talaabo ah laga qaadayn !!! toloow ma geesinimo ay raggaasi wax qorayaa leeyihiinbaa? mise ujeeddo kalaa jirta oo waa ” Timir laf baa ku jirta”.

Waxaan oran lahaa  waa waxaan marnaba macquul ahayn in arin noocaas oo kale ahi dhacdo  haddii aanay dani ugu jirin dalalka reer galbeedka ah. Ogaada amaba ha ogaanina waxaad haysaan shaqo muhiim ah oo ay ku raaxaysanayaan dadkii cadowga u ahaa diintan Islaamka. Inaad shaqo ka dhigataan in  dadkii xanbaarsanaa manhajkan saxiixa ah ee saafiga ah oo har iyo habeen u taagnaa sidii ay u ummaddan caqiidadooda u badbaadin lahaayeen la caayo, lagu been abuurto, sharaftoodana lagu xadgudbo,  waa arin qofkii caqli yar iyo xishood uu ku jiro uu ka sariiganayo., iska dhaaf qofkii  uu dareen diimeed ku jiree.

Waxaadse ogaataan in dicaayad iyo xumaan qof laga faafiyaa aanay cid kale oo aan ahayn kii qoray dhibaynin, waayo waxaa  kuu taala su’aal ah in aad ka jawaabto dhammaanba waxa aad qofkaa  muslimka ah ee walaalkaa ah aad ka samaysatay, haddii dadka la haystaana ay yihiin culimadii diinta, horaa loo arkay natiijada arinkaasi ka dhalnaya oo ah in dadka howshaas caadada ka dhigtay ay ku danbeeyaan addunkan dhexdiisa duf xumo aakhirana su’aal  iyo xisaab.

W.Q  Abdirazaak Sugulle Mohamed

Uur doox Qaybta 3-aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya

Xaaladda Dunida Muslinka

Allaa mahad leh, isagaan u cuskaneeynaa umuuraheenna oo dhan, waxaan rabaa qormadan in aan dib idinkugu celiyo todobaatameeyadii, sawir cadna ka siiyo dadkii aan joogin ,intii joogtayna aan xusuusiyo insha allaah.

Waxaa kaaga muuqda qoraaladii hore in muslimiinta soo mareen marxalado hoos u dhac ah sida qabsashadii Andulus, soo qixintii dadkii ku noolaa dhulkaas, rididdii khalaafadii u dambeeysay ee cuthmaaniyiinta, gumaysashadii dunida muslinka oo dhan, shucuubta muslimiinta oo dhinacwalba laga qabsaday, dhinac dhaqaale, siyaasad, tacliin, iyo dhinacyada nolosha oo dhan.

Waxaa soo baxay nimanka loo yaqaan “mustashriqiinta” kuwaas oo loo diray in ay bartaan diinta islaamka, luuqadda carabiga, dhaqanka muslimiinta, si iyaga ay u baraan diinta islaamka dadka kale, kutubaha ay ka qoraan islaamkana u noqdaan kuwa loo cuskado fahamka islaamka.

Waxaa aad u xamaaseeysnaa raga kiristaameeynta dunida muslinka waxaa shir lagu qabtay15/5/1978 magaalada Glenn Ary ee ku taal gobolka Colorado ee Mareeykanka, guddiga waxay qaybiyeen 40 qoraal oo lasoo diyaariyey, waxaana isugu yimid 150 gaaleeye oo khibrad weeyn u leh qaabka gaaleeysiinta muslimiinta, waxaa la isku raacay muslimiinta kiristaamayntooda in aanay sahlaneeyn, loona baahanyahay in machad gaar ah loo sameeyo oo lagu tababaro ducaadda aadeeysa dhulkaas,waxaana loogu magacdaray Samuel Zuwemer.

Wadaad u dhashay dalka oo lagu magacaabo Abuu Rayah una dhashay dalka Masar oo 20 sano jaamacadda Azhar wax ku baranayay ayaa loo diray in uu wax kasoo barto Germany waxaa gacanta ku dhigay mustashriq jamaacadda wax ka dhiga, markii uu soo noqday ayuu muxaadaro qabtay wuxuu muxaadaradii ku sheegay in labaatankii sano ee Azhar wax ku baranayay uusan fahmin diinta islaamka ee uu si dhab ah diinta u fahmay afartii sano ee waxbarashada Germalka uu’u tagay!!! Wuxuu dabadeed qoray buug uu ku caaynayo saxaabigii weeynaa ee Abuu hureyra Alla ka raalli noqdee wuxuu u bixiyey (al-mudayra Abiihureeyra oo uu ku tilmaamayo in uu hunguri badnaa kana cunteeyn jiray guriga mucaawiyah salaaddana la tukan jiray Cali binu abii daalib,in uu yahay nin aan akhlaaq laheeyn,in uu yahay nin aan dagaalka ku fiicneeyn oo fuley ah,dhaar been ah ku dhaarta, iyo Abuu Hureeyra Allaha ka raalli noqdee in uu ahaa beenloow intaan oo xadiis ah see u xifdin karaa. (kitaabka bogga 72).Ninkan wuxuu billaabay in uu wax ka dhigo jaamacadaha islaamka ee Masar si uu u soo saaro Mashaaikh la faham ah.

Mucjisada diinta islaamka waxaa kamid ah islamarkaana tusineeysa xaqnimadeeda sida ay ugu adkeeysato naqdiga iyo la dagaallanka, waxaa lala jaha wareeray ilbaxnimada galbeedka iyo tan bariga oo ka fog xagga diin naceeybka siduu yidhi Marxist odayaashii shuuciyada, oo aaminsanaa, “diinta waa daroogada dadweeynaha”.

Soomaaliya

Masaajidda inta ku hartay waa afartan jir iyo wax kawayn, culimada masaajidda wax ka akhriso waxaa fahmayo oo kali ah xertooda, qofka wuxuu u baahanyahay in uu waqti badan fadhiyo xalqada wadaadka si uu u fahmo lahjadiisa iskaba daa arday iskuul dhigata, dadwaynaha waxa aad u tiro badan inta aan tukanin oo waxaad arkaysaa marka la adamo qof qof ayaa ka kacaayo maqaaxi dhan oo la gabranyahay.

Xijaabka waxaa laga yaqaan shuko carbeedda, dumarka waxay sitaan guntiino iyo garbasaar tii dadaasha, waa caadi in haweeneeyda iyadoo hal guntiino xiran xaafadda iska wareegto ama gurigeeda hortiisa iska fariisato. Waxaad in badan maqasheen dacaayadaha lagu furi jiray wadaadada, sida (wadaadada beerka xeeyrta leh waa cunaane,ilaahay may ka yaabaan oo nasiiyaan,) (Ragga iyo dumarka yaa badan? Dumarkaa badan haddii wadaadada lagu daro).

Waxaa la sheegay niman dhallinyaro ah ayaa damcay in ay reer isaga dhigaan wadaaddo si loogu qalo xoolo , mid kamid ah ayaa yidhi anigaa aqaan sidaan reerka uga qalan laheeyn xoolo ee digri salaanta reeraha lagu galo ii qaada waxaadna ii tidhaahdaan (Allahuma salli calaa khayri khalqi sayidinaa) qasiidadii inteedi kale lama yaqaan: Markaasuu yidhi isagoo wax kasheegaya wadaadada iskana dhigayo in uu qasiidadii qaadayo: Marka wan la qalo wardiyoow marka kale wayso xumoow, Allamusalli calaa kheeyrikhalqi sayidinaa, markii Sac la qalo salaado badnoow marka kale seexad xumoow, Allaahuma salli calaa kheeyri khalqi saayidinaa, markii geel la qalo… iyo erayo badan oo muujinaayo wadaadnimada in ay tahay mid wax uun lagu cuno ama lagu qaraabto.

Sidoo kale waxaa jiray iska warqab la’aan dunida muslimka ama kalaqaybi oo xukun, Boqortooyada Sacuudiga oo isku xukunta shareecada islaamka waqtiga noocaan ah waxaa lagu suntay “wahaabiya” boqolaal war oo aan waxba ka jirin ayaa laga sameeyay, sida nabigeey diidanyihiin, waa gaalo, yahuud ayaa ka dambaysa, neeftooda hadday ku gaarto waa khalaas oo waad raacaysaa.

Nin saaxiibkay ah qaraabanna aan ahayn, xerna isla ahayn ayaan waxaan ku idhi ina keen aan u tagno sh. Cumar faaruuq ,allaha u naxariistee, oo kamid ahaa rag yar oo lagu sheegi jiray wahaabi kutubana ku akhrin jiray masaajidka Marwaas ee magaalada Muqdisho, aan kalasoo doodnee wahaabiyada oo aan ku dhahno kabax waxaan, una soo noqo wadaada ahlsunnaha, saaxiibkay wuxuu iigu jawaabay” a’aah ha inoo gaynin maxaa yeelay wuxuu ku hordhigaa aayad iyo xadiis markaa mana raaci kartid mana diidi kartid aayad iyo xadiis oo waad gaaloobeeysaa ee inaga dhaaf”

Wax allaale wixii kutubo ah oo xaggaa kayimaadda waa la isku maxkamadayn jiray, khuraafada dunida muslimka ka jirta waa xarko gooys. Dadka waxaa aad u dhex galay fikirka qalloocan ee loo yaqaan “irjaaga”oo ah in waxba kaa dhibayn macsiyada mar haddaad ashahaadato, sida aanay kuu anfacayn cibaadada adigoo gaal ah.

Dhaqdhaqaaqii Islaamka ee Ardada Somaaliya

Ardada jaamacadaha dhigta marka aad dhex istaagto waxaad moodaysaa in aad joogto Rooma ama London, iskuulaadka waa sidoo kale, waxaa ku socdo ummadda inteeda loo yaqaan waxgaradka iyo da’da soo kacaysa galbeedeeyn xoog leh, kaddib waxaa dhashay kacaankii 21 Oktoobar 1969 oo ay hogaaminayaan rag saraakiil ah oo ka kala yimid ciidamada qalabka sida qeeybahooda, taasoo ay keentay kadib markii lagu dilay shirqool madaxweeynihii dalka Cabdirashiid cali sharmaarke, waddankana uu galay xaalad adag, saraakiisha waxay kasoo kala baxeen kulliyadaha talyaaniga, Ingriiska iwm.

Duullaanka maskaxeedka ku socdo Muslimiinta waxuu gaaray qaybta ugu culus, maxaa yeelay waa dad loo diyaarinayay in ay noqdaan hoggaankii ummadda mustaqbalka. Dowladdi ka horraysay kacaanka waxay ahayd mid Dimoqoraadi ah ,oo waxaa la ogolaa xisbiyo fara badan laakin waxay noqotay axsaabtii oo dhan kuwo ku dhisan qabyaalad fowdo, dilkii oo batay ilaa madaxweeynihii wadanka la dilay.

Waxaan idaacadaha kala soconnay tartankii madaxweeynanimada ee Aden cabdulle cismaan iyo Cabdirashid cali sharmaarke, guushiina ay ku raacday Cabdirashid iyadoo Aden Caddana uu si qurux badan uga degay madaxtinnimada. Annagoo iskuullada u kallahnay ayaan waxaan ku waabariisannay ciidamo meelkasta qori kalasoo jeeda, xataa iskuulkeenna korkiisa, waxaa naloo sheegay in aan ku noqonno guryaha isbedelka waddankana raadiyaha kala soconno.

Afgambiyo noocaan ah ayaa ka dhacay dunida Muslimka sida Sudan oo uu qabsaday Jacfar Numeeri, Liibiya oo uu qabsaday Qadaafi, Masar oo uu qabsaday Jamaal Cabdinaasir. Waxay dunida u kala qaybsantahay labada dhinac ee bari oo uu hogaaminayo Soviet Union iyo galbeedka oo uu hogaaminayo Mareeykanka.

Shuuciyadda waa wiil xalaal ah oo uu dhalay hantigoosadka, kaddib markii ay u adkaysan waayeen dhiigmiiradkoodii, xagga diin la’aanta waa kasii fogyihiin reer galbeedka oo iyagu waxay leeyihiin Ilaah wax la yidhaahdo maba jiro, noloshuna waa maaddada.

Waxaan diiradda saaraynaa xarriiqa dhaqdhaqaaqa Islaamka ee Soomaaliya, waxaan soo sheegay In laba Sheikh Cabdulqaadir Allaha ka abaalmariyee ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo la magac baxay, AL-WAXDA iyo AL-AHAL, labada dhaqdhaqaaq inkastoo ay curdan yihiin haddana waa layaab waqtiga ay billaabmeen, dhiirranaanta, iyo kal adaygga, waxay dadka ugu yeerayaan in Islaamka uu yahay Manhaj nololeed, si kasta haddaan is idhaa u cabir ma cabiri karo, waxaana la yidhaahdaa kariwaaga cabbirka waa cabbir. Sidaan idiin soo sheegay waxaan ahaa waqtigaa xer-masjid iyo xer-iskool.

Waxaa aad iigu dhacayay culayska haysashada diinta islaamka ,magceeyga waxaa ka xoog badnaa magaca wadaad oo la doonayo in aad soo raacdo ilbaxnimada masallahana wabiga ku riddo, Allaahu Akbar.

Waxay gabar ii sheegtay  ku noolayd magaalada Burco, in dhallinyarada waxdada magaalada Burco la dhagaxyeeyn jiray marka la arko.

Waxaan xusuustaa macallinka in uu nagu khasbi jiray in aan qaadno heesaha, oo raadiye maba qabnee, fadhiisinta ardada fasalka dhexdiisa, gabadha waxaa la dhexfadhiisiyaa laba wiil , wiilkana laba gabadh. dhammaan waxaa la qabaa surwaal iyo shaati, gabdhaha madaxa masoo dadan karaan waa khasab haddayrabto gabadha in ay soo qaadato gambo, waa in ay soo qaadataa nooca loo yaqaan ilyarta madoow ee timaha muuqdaan.

Waxaa loo baahanyahay ardada haddii diinta loogu yeero oo Masjidka la keeno, wadaad kee loo gayn karaa oo habeen ka u horreeya soo jiidan kara, haddii kale hadduu fahmi waayo waxa la sheegaya waa kaa fakanaa,waxaa ilaahay fadligii la helay Sh. Maxamad Macallin oo kasoo baxay Azhar waxna kalasocda dhaqdhqaaqyada Islaamka ee caalamka, wuxuu wax ka billaabay Masjidka loo yiqiin maqaamka Sh. Cabdulqaadir, wuxuu noqday wadaadka ardada lagu soo uruurin karo waxna fahamsiinkara, maqribka markuu soo dhowyahay waxaa kayimaada xamar jihooyinkiisa kala duwan wixii arday ah ee casharka ku taxan.

Magaalada Beledwayn waa magaalo taariikh ku leh Somaaliya, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka (SYL) waxay ka mid ahayd meelihii xooga ay ku lahaayeen. Waxaa deggan dad kala duwan oo halqabiil aan ahayn, waxaa wax ka akhriya culimo kala geddisan oo aan ka xusuusto Sh. Jaamac Xirsi Allaha u naxariistee, Aabahay sheikh Cumar Sh. Axmediinle, Sh.Axmed saddiique, Sh. Muxumad yarrow, Sh. Maxamad Ture Sh.Cali Bood Allaha u wada naxariistee iyo culimo kale.

Waxaa masjidka aan ku kulannay nin caafimaadka shaqaale ka ahaa kana soo baxay machadkii sare ee caafimaadka ee Digfeer, loona soo bedelay Isbitaalka wayn ee magaalada Beledwayne, waxaa layaab ahayd in qof da’yar oo shaqaale u ah dowladda uu masjidka yimaado, laakin nin kaan waa raggii xamar lagu soo xiray masjidka maqaamka, wuxuu ogaaday in aan ahay arday iskoolka dhigto,waa is barannay wuxuu I weeydiiyay ardada iskuulka dhigata, waxaan baray inta masjidka timaadda wuxuu noo sameeyay casho, wuxuuna billaabay in dhaqdhaqaaqa noo sharxo in loo baahanyahay in muslimiinta loo celiyo islaamkooda iyo shareecada islaamka in la isku xukumo, loona baahanyahay in ardada diinta loogu yeero, magaciisu waa Aden Xaji Xuseen.

Wuxuu noo keenay kutubo ay qoreen ragga raca hore ee ku jira dagaalka sida rug caddaaga wayn ee Maxamad Qudub alla ha xifdiyee, Abuul Aclaa Al-moowduudi, Sh.Hassan Nadawi kutubtaa waa kutub xusuus gaar ah noo leh sababtoo ah annagoo duullaankii reer galbeedka na rajo tiray ayay naga dhiciyeen.

Ardadii xilligaa ayaa garanayo oo dareemaya dareenkayga, tusaale ahaan; Maxamad Qudub wuxuu qoray kitaabka uu u bixiyay Jaahilayada Qarniga labaatanaad, ararta kitaabka haddaad maanta akhriso

waqtigaasna aad joogtay yaabkaa kaa dhamaanayo, kitaabka magaciisa oo yaab leh marka uu ka sheekeeyo jaahilayadii islaamka ka horreeysay iyo astaamaheedii , wuxuu leeyahay:

“jaahiliyada casrigaan arrinteeda waa kasii qallafsantahay tii hore, waana ka xuntahay waana ka xoogbadantahay, waa jaahiliyada “cilmiyeeysan” jaahiliyada baaritaanka, iyo daraasaynta falsafooyinka”

“Jaahilayada nidaamyada xoogga badan ee xididaystay, jaahilayada horumarka ee ku fitnaysan waxay gaareen, jaahilayada shirqoollada iyo burburinta aadanaha, jaahiliyo aan taariikhda horay loo arag. Kitaabkan wuxuu daraaseeynaa muuqaalkan qarniga labaatanaad muuqaalkan jaahilnimo iyo sida ay u saamaysay aragtida aadanaha iyo dhaqankooda. Waxaa markhaati u soo qaadanaa in ay jaahiliyo tahay waxaan idinka tusi doonaa waaqica ka jira bari iyo galbeed, ujeedada aan ka leenahay daraasadan waa in aan marada ka faydno kuna saxno aragtiyada qalloocday iyo dhaqanka qalloocday kuna fitnaynaysan magaca horumar iyo ilbaxnimo, si aan ugu caddayno qarka ay kasii dhacayaan iyagoo isu maleeynayo in ay qumanyihiin. waxaa kaloo hadafkeennu yahay in ku bishaarayno mustaqbalka aadanaha, mustaqbalka aan rumaysannahay dadka marka ay ka baxaan mugdiyada gaalnimada una baxaan iftiinka islaamka, waxaan ogahay in arrinkan uusan ku filnayn hal kitaab ama kun kitaab, laakin halkan waxaan rabaa in aan diiwaan galiyo labo arrin:

1- Waxaan aaminsanahay in kalimadda aysan lumayn mudaba ha la iska dhagatiro haddii la rabee. 2- Isbadalkan dhab ahaan wuxuu ka iftiimay gudcur aad u madoow, iftiinkaa yar ayaan wax ku qorayaa.”

Kitaabkan markaan akhrinno run ahaantii waa ku diirsan jirnay wuxuu noo ahaa xoog aan isaga celino ardada iyo xoogagga calmaaniyada, oo markaa lahaa ha isku dayin in aad horistaagto ilbaxnimada haddii kale waxaa ku jiirayo cajaladda harumarka, waa in aad qaadataa xadaarada qarbiga dacdeeda iyo dooggeedaba. Suugaanta waxay ku socotaa khadkaas oo wuxuu nin gabay ku tiriyay:

“Bari hore waxaa jiray inan (gabadh) aan bil iyo labo hadal kaaga bixinoo bari arag ku weeydaa, wax badalay kuwii hore balo geeso dheero buul madaxa saartoo suuqa baratamaayee” Gabadh ayaa u jawaabtoo tiri. “Badayahoow dib ha u celin dadka soo baraarugay”

Sh. Maxamad Qudubi waxaa ka muuqda culayska ay leedahay xadaarada qarbiga waqtigaa, “dadkeennii waa lala tagay waa in aan galnaa dagaal maskaxeed oo lasoo dhiciyaa ummaddii islaamka wax garadkii ,haweenkii gabdhihii iyo siyaasiyiintii” Allah waxaan ka baryayaa Sh. Maxamed Qutub kitaabkaa in uu jannadiisa ku geeyo”

1973 Sh. Cabdulqaadir sh. Maxamuud waxaa marti galiyay Sh.Aden Xaji Xusseen ,wuxuu nagu soo booqday Beledwayne, wuxuu iisoo bandhigay in aan kamidnoqdo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ahalka, waxaan idhi tiro inteed dhantihiin wuxuu iyidhi ninkii soddon iyo afraad ayaad noqoneeysaa, wuxuu yidhi hadal yaab leh oo kasoo min guuriyey Cumar Binu khadaab mar uu weeydiiyey saxaabada nabiga scw oo uu ku yidhi: Maxaad jeclaan laheeyd qof walboow in gurigaan lagaaga buuxiyo? Raggii qaar waxay yidhaahdeen waxaan jeclaan lahaa Isago dahab ah si aan ugu bixiyo jidka Allah, ninba meel ayuu ku dhuftay, Cumar wuxuu yidhi anigu waxaan jeclaan lahaa gurigaan oo buuxa oo Abuu Cubayda Caamir ibnu Jarraax ah, waxaan u baahannahay rag waadna u jeeddaan dadkii Muslimiinta waa lala tagay waxaan kala galnay ballan in aan u shaqeeyno diinta islaamka, Allah dartiisna u walaaloowno.

Maxaa ka dambeeyay? Waa inoo qormada soo socota hadduu Alle Idmo.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar