Category: Kulanka ducaadda

Falanqaynta Jihaadka iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 4aad) »

Sheeekhu wuxuu qeybtii Saddexaad ee qormadan kaga soo hadlay Jihaadka xukunkiisa, qeybihiisa, iyo shuruudihiisa, Qeybtan Afaraadna wuxuu ku eegayaa Ujeedooyinka jihaadka.

 

 

CUTUBKA shanaad

Ujeedooyinka jihaadka

 

Islaamku dagaal jacayl iyo xiise uu u qabo inuu wax laayo uma jidayn jihaadka , isku dayasho iyo hebelba yeelye adna sameena uma dhigin jihaadka , dookhaaga ku buuxi iyo qiiqiyo dhiigaan ka helaana looma soo rogin . looma jihaado maamul jacayl , xukun raadis , hunguri iyo hanti beegsi . 

jihaadka islaamku rabaa waxa uu leeyahay ujeedooyin qiime wayn ku fadhiya :

* dano umadeed oo nafcigeeda la qaybsado .

* dhiidhi iyo karaamo daafac ka durugsan qof , koox iyo aragti madi ah

* ujeedooyin aayaha aakhiro lagu bad-baadinayo ayaanta danbana laysku furanayo .

* jihaadku waa doon ay rakaabsadeen macnayaasha : naxariis , baaq , raganimo , xaq-raadis , tudhaalo , hami aakhro , nolol quudhsi , edbin ,  iyo ilaalinta karaamada umadda .

* magaca loogu wan-qalay hawshan ayaa ku dareensiinaysa inay ka duwantahay hawlaha kale ee dagaal iyo dirir ku magacaaban , sida labada magac u kala duwanyihiin (jihaad – dagaal) ayay labada ujeedana u kala fogyihiin. Halkan aynu ku taxno dahwr ka mid ah ujeedooyinka jihaadka .

1-     faafinta baaqa islaamka : in dadka la gaadhsiiyo waxa diinta islaamku tahay , in la dhacsiiyo barnaamijka uu ugu talo galay aduunka , in la cadeeyo nuxurka shareecada iyo sida ay u aragto dadka , nolosha , wada noolaanshaha ay ogoshahay habka maamul IWM . sidan balaadhan ee ay ial noqotay si ka wanaagsan waxa u dhigay saxaabigii lagu magacaabayay ribci bin caamir isagoo ka jawaabaya su,aal uu waydiiyay rustum oo ahaa ninkii hogaaminayay gulufkii gaalada ahaa ee ka qayb galay dagaalkii qaadisiya . waxa uu rustum waydiiyay saxaabiga : maxaad naga rabtaan ee aad noosoo weerarteen ? waxaanu ugu jawaabay : (alle ayaa noo dirtay in aanu dadka ka saarno mugdiga gaalnimada una saarno iftiinka islaamka , inay ka baxaan cidhiidhiga aduunyo una baxaan faalalka if iyo aakhiro . inay ka xoroobaan dulmiga ay diimha samayska ahi ku hayaan si ay ugu nimcaystaan cadaalada islaamka). jihaadku waxa loo jideeyay inuu ilaaliyo mabda,a islaamka ee ku dhisan caqiidada saafiga ah , aqoonta qotada dheer , iyo xeerka fudud ee xaga alle ka yimi .

2-      in lasoo dhacsado xaqa ay gaaladu ka dhacaan muslimiinta marka ay laciifaan . iyo in la iska difaacno cidda isku dayda inay inaga xayuubiso karaamada alle  ina huwiyay .

3-     In gaalada lagu cadaadiyo inay si wacan ula dhaqmaan muslimiinta arligooda ku nool , lana tuso hadii ay ku tacadiyaan dacarta ay ka dhabaqsandoonaan , bal u fiirso aayadan quraanka ah ( maxaa idinku dhacay ? ee aad ugu dagaalamiwaydeen ilaahy dartii iyadoo maxastii haweenka iyo dhalaankaba ahayd ay ku cataabayaan allahayow naga saar magaaladan deegaankeedi nagu adyadoonayo oo xagaaga faraj nooga fur .) . lama dhawran karo – kolka awood loo hayo – hooyo iyo ubadkeedii oo yuhuudi hadidayo ama crestian qadaadka ka gujinayo sida maanta ogaan laynoogu tuso waxa ka dhacaya filastiin iyo ciraaq iyo…iyo…iyo ….( maxay kula tahay askariga guwantanama jooga ee musxafka ku kaajay iyadoo aanay qalabka warbaahintu ogayn waa maxay sababta loosoo tebiyay illayn markii horeba cidi may ogayne ?? ) waa daren dhawr iyo in la eego inta laga damqado ama laga dhiidhiyo . waxa lamid ah dadka jeelasha dhexdooda lagu jidh-dilo ( abu-qurayb) hadana TVyada laga soo dayayo ( ma xasuusataa qaabkii loo dilay sh.bashiirkii burco iyo qisadii ka horaysay ) . waxa qodobkan ku hoos jira in dulmiga iyo dullinimada laga fujiyo bulshooyinka gaalada ah ee ku hoos nool cadaadiska hogaamiyeyaashooda si loo xaqiijiyo naxariista alle ku sheegay (وما أرسلناك الا رحمة للعالمين ) oo macneheedu yahay         ( waxa keliya ee aan kuusoo dirnay inaad caalamkaba naxariis u noqoto ) kuwana waxay kamid yihiin cida naxariista aduunyo u baahan .  

4-     In dadka lakala reebo si loo kala ogaado ninka diintu ka dhabta tahay iyo ka iska sheeganaya ee aan laabta u siiddayn . waxa lagu kala garanayaa ninba intuu u huro iyo waxa uu u quudho caqiidadiisa iyo islaamnimadiisa … waxa jihaadka ku kala cadaada labada nin ee islaamku ninna la yahay waxwalba , waxwalbana u huraya iyo ninka sida kumeelgaadhka ah u haysta ee hadii uu berito uu laac kale u baxo ka dhaqaajinaya .                                      Jihaadku waa itixaan muslimiinta la mariyo qaarkoodna waa ay gudbaan qaarna waxa lagaga tagaa wadada badhtankeeda .alle waa uu awoodaa gaal oo dhan inoo habee ooda u rogo laakiin waxa loo daayay in innaga laynagu imtixaamo samirkeenna iyo dulqaadkeennana loo tijaabiyo , intaas dabadeed ruux kastaa waxa uu mudanyahay lagula dhaqmo if iyo aakhiro labadaba .

5-     Gees kale ayuu jihaadku imtixaan ka yahay : ruuxa waxa kala jiidanaya inuu aqbalo baaqa alle iyo inuu maqlo xiisaha nafta iyo xumo u jiidkeeda . mar kasta oo uu ku adkaysto inuu ta alle racana waxa u kordhaya iimaan iyo macnahan waxa si xeel dheeri leh u dhigtay aayada 141 ee suuratul aalu-cimraan .

6-     U danbayn jihaadku waxa loo jideeyaa in alle kalabaxo khalqgiisa markhaatiyo kuwaasoo hoyday iyagoo difaacaya kelmadda alle . waa shahiid macneheeduna waa markhaati nin nasiib iyo ayaan leh ayaa ku guulaysta kaalintan , mana aha sida manta loo baaba,saday kelmadan .waxaad moodaa hadii ruux filastiini ahi dhinto inay shaadadu ku lamaantahay . ururadii kala duwanaa ee ka midaysnaa diin la,aanta iyo kharibka umadda soomaaliyeed ayaan iyaguna ka daah-daahin inay dhinacooda ka bililiqaystaan mgaca mujaahid iyo shahiid . shahiidnimadu waa derejo shahaado alle bixiyo bugna laguma qaadan karo … imam muslim kitabkiisa saxiixa ah waxa uu kasoo tebiyay saxaabiga la yidhaado abuu-qataada in rasuulka alle uu malin ka sheekeeyay jihaadka iyo inuu ka qiimi badanyahay shaqooyinka kale oo dhan dabadeed nin dadkii meesha joogay kamid ah ayaa yidhi : rasuulkii allow ka waran hadii ilaahay dartii lay dilo dunuubtaydii oo dhan malayga dhaaayaa ? ( haa … hadii ilaahay daradii laguu dilo adigoo soo jeeda oon fakad ahayn lilaahina ay uu dagaalku kaa yahay )                              iyo ujeedooyin kale oo badan .

 

Isku soo wada qaadoo jihaadka waxa looga dan leeayahay :

·        ilaalinta nolosha ifka iyo ayaanta danbe .

·        baahinta islaamka iyo badbaadintiisa.

·        In la tabantaabiyo inta tabaalaysan dulimiga u taag sheegtayna laga toosiyo .

·        in loo jid maro janooyinka alle .

·        in laga xoroobo xayndaabka nafta , xanibaada aduunna laga xarago qaato .

 

W/Q: Sh. Khadar C/laahi Badeed

cagaarane@yahoo.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 

 

Nadwadii “Ka digitaanka Fidnada Q.2-aad” oo xalay ka dhacday Masjidka Abu-hureyra »

Waxaa Xalay mar labaad ka bilowday Masjidka Abuu-hureyra ee Magaalada Muqdisho Nadwo Diini ah oo Cinwaankeedu yahay “Ka digida Fidnada Qeybteedii 2-aad”. Sii akhri »

Nadwadii labaad ee Diini ah oo Caawa lagu qabtey Masjidka Aba-hureyra ee M/disho »

Nadwadii labaad oo Diini ah ayaa Caawa Salaadii Makhrib ka dib ee xilliga Muqdisho lagu qabtey Masjidka weyn ee Aba-Hureyra ee ku dhex yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u fara badan, kuwaas oo buux dhaafiyey qeybaha kala duwan ee Masjidka sidoo kale barxadaha Masjidka. Sii akhri »

Fadliga Saxaabada (Q.1aad) »

 (رضي اللّه عنهم) فضائل الصحابة                     

HORDHAC: 

Umad walba waxa ay leedahay madax iyo imaamyo ay xurmayso, qadariso, kuna dayato. Ummadda islaamkuna waxa ay ku dayataa oo u ah imaam   Nabi Maxamadصلى الله عليه وسلم, oo ah khalqiga Alle uumay ka ugu fadliga badan.  Rumayntiisa, ku dayashadiisa, adeecistiisa iyo  jacylkiisuna waa asal ka mida asalada diinta iyo asaaska caqiidada. 

قال الله سبحانه وتعالى: فَلاَ وَرَبّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِى أَنفُسِهِمْ حَرَجاً مّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلّمُواْ تَسْلِيماً [النساء:65].

{Rabigaa ayaan ku dhaartee iimaan yeelan maayaan illaa ay adiga ka yeeshaan  ka kala xukuma waxa dhex mara, ooyna wax dhiba u arag waxaad xukuntay( goysay), ooy waliba si dhamaystirana ugu hogaansamaan}. 

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ ٱلنَّاسِ بِمَا أَرَاكَ ٱللَّهُ وَلاَ تَكُنْ لّلْخَائِنِينَ خَصِيماً [النساء:105].

{ Anagaa si xaq ah kuugu soo dejinay Kitaabka, si aad dadka dhexdooda ugu kala xukunto waxuu Alle ku tusay, khaa’iniintna ha u noqon mid u dooda}.

وقال عز وجل: وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلاَ مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْراً أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَـٰلاً مُّبِيناً [الأحزاب:36].

{ Uma haboona ( uma banaana) nin mu’mina iyo haweenay mu’minada midna inay ikhtiyaar u yeeshaan arinkooda markay Alle iyo Rasuulkiisu wax xukumaan, qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisuna  waxa uu lumay lumid cad}.

قال تعالى: وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُواْ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلاَّ ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ [النور:54].

{ Haddaad addeecdaan (Nabiga) waydun hanuunaysaan, Rasuulkana ma saarna waxaan gaadhsiin cad ahayni}.

وقال سبحانه: مَّنْ يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ ٱللَّهَ [النساء:80].

{ Ruuxii adeeca Rasuulku waxa uu adeecay Ilaahay}.

وقال جل ذكره: وَمَا ءاتَـٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَـٰكُمْ عَنْهُ فَٱنتَهُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ [الحشر:7]. 

{ Waxa uu Rasuulku idin siiyo (faro) qaata, waxa uu idinka reebana ka dhawrsada ( reebma), Allana ka cabsada, maxaa yeelay Ilaahay ciqaabtiisu way darantahay}.

وقال تبارك اسمه: فَلْيَحْذَرِ ٱلَّذِينَ يُخَـٰلِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ [النور:63].

{Ha ka digtoonaadaan kuwa khilaafi amarka Nabigu in ay ku dhacdo fidmo ama uu ku dhaco cadaab darani}.

Nabiga صلى الله عليه وسلم ka dib waxa diinta madax ka ah asxaabadiisii , iyaga weeyi imaamyadeenu, iyaga weeyi culimadeeno, iyaga weeyi kuwa waxay isku waafaqeen yahay mid gaf iyo qalad ka ilaashan, iyaga weeyi kuwa caqiidadooda iyo manhajkoogu tusaale inoo yahay. Siday diinta u fahmeen ayaa inooga khayr badan sidaynu inagu u fahamno, hadaladooda ayaa inooga khayr badan kuweena, way inaga ra’yi toosnaayeen, way inaga diin wanaagsanaayeen, way inaga Alla ka cabsi badanyihiin, wayna inaga daacadsanyihiin. 

Ilaahay ayaa kala fadilay khalqigiisa, rusushiisa ayuu ka doortay shanta ulul cazmiga ah, shantaana waxa uu ka sii doortay Nabi Maxamad صلى الله عليه وسلم, oo ah ka ugu fadliga badan khalqiga Ilaahay uumay. Habeenka layla-tul Qadriga ayuu ka fadilay habeenada kale oo dhan, habeenkaasi waxa uu ka khayr badan yahay kun bilood. Tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dulxijah ayuu ka fadli yeelay maalmaha kale. Masjid  al-Xaramka ayaa laga fadilay arlada inteeda kale. Ummadda Nabi Maxamad صلى الله عليه وسلم ayaa iyana laga fadilay ummaddaha kale oo dhan, ummadana waxa ugu fadli badan saxaabadii Nabiga صلى الله عليه وسلم .

Saxaabadu رضي الله عنه waa qowmkii la saaxiibay Nabiga صلى الله عليه وسلم , waxa ay ahaayeen kuwii rumeeyay markay dadku beeneeyeen, waxa ay u gargaareen markii laga soo horjeedsaday, naf iyo xoolana waxa ay u hureen diinta, waxa ay sutida u qabteen cadowga doonayay in ay mijaxaabiyaan dacwada islaamka,   waxa ayna heegan u ahaayeen in ay u jeedsadaan xag walba oo nabigu u jeediyo , waxa ay diyaar u ahaayeen inay badwaynta jibaaxaan haddii Nabigu صلى الله عليه وسلم sidaa ku amro.

Waxay nasiib u yeesheen inay Nabigii صلى الله عليه وسلم arkeen , noloshana isaga la wadaageen, cilmigana ka barteen. Waxa ay ahaayeen qoom Ilaahay ku mannaystay khayr iyo barako badan. Bal adba qiyaas, oo sheeg khayrka ka wayn inuu Ilaahay u doortay in ay xer iyo asxaaba u noqdaan Nabigii صلى الله عليه وسلم, in ay ka qayb qaataan hirgalinta risaaladda Islaamka, iyo inay garab iyo gashaan u noqdaan Nabiga صلى الله عليه وسلم .

Yaa ku gaadhaya khayrkaa faraha badan ee ay cantoobsadeen?  Yaa helaya barakada ag jooga Nabi Alle صلى الله عليه وسلم? Yaase hawaysanaya inuu sheegto inuu ka khayr badanyahay saxaabadii رضي الله عنهم ?

Saacad kaliya oo qof ka mid ahi ag joogay Nabiga ayaa ka khayr badan afartan sanadood oo qof inaga mid ahi cibaadaystay, sida ibnu Cabbaas laga soo wariyay.

Allaahu akbar! Waa barakada ag-jooga Nabiga صلى الله عليه وسلم een lagu heli karayn zuhdi iyo cibaabdo badan, waxase ay tahay doorasho Rabi. Walaal, haddaad liibaan doonayso ha ka shakiyin fadliga saxaabada , una qir wanaag iyo daacadnimo, una ogolow inay yihiin imaamyadii diinta, una ictiraaf inay inooga dheereeyeen khayr oo dhan. Waa qoom Ilaahay doortaye, iska jir, kana digtoonow  inaad xistido, aflagaadayso ama dayacdo xaqooga. صلى الله عليه وسلم 

روىالإمام أحمد رحمه اللّه  عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: (إنّ الله نظر في قلوب العباد فوجد قلبَ محمّد صلى الله عليه وسلم خيرَ قلوب العباد، فاصطفاه لنفسه فابتعثه برسالته، ثمّ نظر في قلوب العباد بعدَ قلب محمّد صلى الله عليه وسلم فوجد قلوبَ أصحابه خيرَ قلوب العباد، فجعلهم وزراءَ نبيّه). 

Imaam Axmed ayaa  soo wariyay inuu Cabdullaahi ibnu  Masuud yidhi:

((Ilaahay ayaa eegay qalbiyada adoomaha, wuxuuna helay in qalbigaMaxamed صلى الله عليه وسلم  ugu khayr badan yahay qalbiyada adoomaha, dabeetana naftiisa ayuu u doortay, risaaladiisana wuu ku soo diray, hadana wuxuu eegay qalbiyada adoomaha intoodada kale, wuxuuna helay in quluubta saxaabadiisu ugu khayr badanthay qalbiyada dadka, dabeeto wasiiro ayuu uga dhigay Rasuulkiisa)) 

قال عبدالله بن مسعود رضي الله عنه: (من كان مستناً فليستن بمن قد مات فإن الحي لا تؤمن عليه الفتنة، أولئك أصحاب محمد كانوا أفضل هذه الأمة: أبرها قلوباً، وأعمقها علماً، وأقلها تكلفاً. اختارهم الله لصحبة نبيه ولإقامة دينه، فاعرفوا لهم فضلهم واتبعوهم على أثرهم وسيرتهم فإنهم كانوا على الهدى  المستقيم).

Cabdullahi ibnu Mascuud ayaa yidhi: ((kiina ku dayasho doonayaa ha ku daydo  kuwa dhintay, waayo kuwa nool waxaan looga aamin qabin fitno, kuwaasi –dhintay- waa saxaabadii Maxamad, iyagaa ugu fadli badnaa ummaddan, iyagaa ugu quluub wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa, uguna iskalifaad yaraa. Ilaahay ayaa u doortay inay saxaabo u noqdaan nabigiisa, iyo oogidda diintiisa, ee u ictiraafa fadligooga, kuna dayda raadkooga iyo hanaankooda, waxay ku sugnaayeen jid toosane)).

قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله  : ( وقول عبدالله بن مسعود : كانوا أبر هذه الأمة  قلوباً وأعمقها علماً وأقلها تكلفاً ؛ كلام جامع بيّنَ فيه حسن قصدهم ونياتهم ببر القلوب وبين فيه كمال المعرفة ودقتها بعمق العلم ، وبين فيه تيسر ذلك عليهم وامتناعهم من القول بلا علم بقلة التكلف  ) .[منهاج السنة: 2/79].

Ibnu Taymiye ayaa yidhi: (( Hadalka ibnu Mascuud ee ah: iyagaa ummadda ugu qalbi wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa uguna iskalifaad yaraa; waa hadal ballaadhan oo tilmaamaya in niyadooda iyo ujeedadooda toosane ka dhalatay quluubtoota oo wanaagsanayd, mug-waynida iyo hufnaanta aqoontooduna ay ka dhalatay cilmigooga oo qoto-dheeraa, iskalifaad la’aan awageedna ay taasi ugu fududaatay, isla markaan ay ka waabteen inay ku hadlaan wax aanay cilmi u lahayn)).  

Hadaba, in la xafido lana ilaaliyo sharafta iyo karaamada saxaabada, iyo in loo qiro qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiini waa mid waafaqsan taxanaha caqiidada Ehlu Sunna wal-Jamaaca. Sidaa awgeed ayeey culimadii salfku ku nuux nuuxsadeen caddaynta arinkan muhiimka ah, waxana adag inaad hesho buug Ehlu Sunnuhu ka qoreen caqiidada oo ka madhan tibaaxidda fadliga iyo wanaaga saxaabada. In la jeclaado, la maamuuso, Allena looga baryo raali-noqod iyo danbi-dhaafidi waa astaanta iyo sifada ehlusunaha. In ceeb laga sheego ama la quudhsado iyo in la naco saxaabdu iyana waa astaanta iyo calaamadda bidcoraaca iyo kuwa halaagsamay. 
 

أورد البيهقي عن الإمام الشافعي أنه قال : (( أثنى الله تبارك وتعالى على أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم في القرآن والتوراة والإنجيل وسيق لهم على لسان رسول الله صلى الله عليه وسلم من الفضل ما ليس لأحد بعدهم فرحمهم الله  )) .

((Ilaahay Tabaaraka wa tacaalaa, wuxuu saxaabada Rasuulka ku ammaanay Qur’aanka, Tawraad iyo Injiilba, carabka Rasuulkana wuxuu ku muujiyey fadli aan u sugnaan cid kaloo iyaga ka dambeysay, ee Alle ha unaxariisto) 

قال الإمام أحمد رحمه اللّه: )(إذا رأيت أحدا يذكر أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم بسوء فاتهمه على إسلامه)(.  

Imaam Axmed ayaa yidhi: (( Haddaad aragto qof xumaam ka sheegaya saxaabada Rasuulka صلى الله عليه وسلم , tuhun islaamnimadiisa)). 
 

قال الإمام أبو زرعة  رحمه الله : إذا رأيت الرجل ينتقص أحداً من أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلم –  فاعلم أنه  زنديق ، وذلك أن الرسول – صلى الله عليه وسلم –  عندنا حق والقرآن حق ، وإنما أدى إلينا هذا القرآن والسنن أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلموإنما يريدون أن يجرحوا شهودنا ليبطلوا الكتاب والسنة والجرح بهم أولى وهم زنـادقـة ).([ رواه الخطيب في الكفاية  ص97 ]. 

Abuu Zurca ayaa yidhi: (( haddaad aragto qof xaqiraya ruux ka mida saxaabadii Rasuulka Alleصلى الله عليه وسلم, ogow inuu yahay zindiiq, sababtuna waxay tahay inuu Rasuulku صلى الله عليه وسلم xaq yahay, Qur’aankuna xaq yahay, Qur’aanka iyo sunahana waxaa ina soo gaadhsiiyay saxaabadii Rasuulka Alleصلى الله عليه وسلم, kuwanina waxa ay doonayaan inay dhaleeceeyaan markhaatiyaasheena si ay u buriyaan kitaabka iyo sunnaha, iyagaana mudan in la dhaleeceeyo, waana zanaadiqo)). 

Odhaahdan Abu Zurca waa mid cuskan cilmi iyo xikmad badan, oo loo baahan yahay in loo fiirsado, lagana baaraan dego. Sababtu waxay tahay; kuwa bidcoraaca ah ee banaystay inay hujuumaan saxaabadu, waxa ay u danleeyihiin inay wareemaan ragii iyo dumarkii Nabiga صلى الله عليه وسلم ka wariyay kana  xambaaray cilmiga Qur’aanka iyo sunnaha.

Saxaabada oo laga aamin baxaa waxa ay la mid tahay in lagu dhawaaqo duminta shreecada Islaamka. Daacadnimadooda oo shaki la galiyaana waxay albaabada u furaysaa shar iyo fasahaad aan xad lahayn. 

قال الإمام الطحاوي رحمه الله في عقيدته: (( ونحب أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم. ولا نفرط في حب أحد منهم ولا نتبرأ من أحد منهم ونبغض من يبغضهم ولا نذكرهم إلا بخير. وحبهم دين وإيمان وإحسان وبغضهم كفر ونفاق وطغيان)) . 

Daxaawi ayaa yidhi: { Waanu jecelnahay saxaabada Rasuulkii Alle صلى الله عليه وسلم , ku gabood-falimayno jacaylka mid iyaga ka mida, iskana bari yeeli maynu mid iyaga ka mida. Waanu necebnahay qofkii iyaga neceb, waxaan khayr ahayna ka sheegi mayno. Jacaylkoogu waa diin, iimaan iyo ixsaan. Nacaybkooguna waa gaalnimo, nifaaq iyo xadgudub.} 

وقال الإمام ابن القيم رحمه الله في ميميته الشهيرة: 

أولئك أصحاب النبي وحزبُه  ولولاهم ما كان في الأرض مسلم  
ولولاهم كادت تميد بأهلها     ولكن رواسيها وأوتادُها هم 
ولولاهم كانت ظلاما بأهلها    ولكن هم فيها بدور وأنجم 

Inu Qayim ayaa isaguna ku yidhi gabeygiisa miimlayda ee caanka ah: 

“Kuwaasi waa saxaabadii Nabiga iyo xisbigiisii, iyaga la’aantoodna dhulka Muslin ma jireen”

“Iyaga la’aantood way la gariiri lahayd dadka, iyagaase buuro iyo dhidibo u ah”

“Iyaga l’aantoodna mugdi ayay ku noqon lahayd dadka, iyagaase dayaxyo iyo xidigo u ah” 
 

Hadaba anigoo dareemaya baahida aakhristaha af soomaaliga ku hadlaa u qabo inuu aqoon u yeesho mawduucan muhiimka ah, waxna ka ogaado fadliga ay saxaabada Rasuulkii Alle صلى الله عليه وسلم lahaayeen, ayaa waxaan go’aansaday inaan qalinka u qaado qoraalkan aan Ilaahay ka baryayo inuu noqdo mid laga dheegan karo lagana baran karo fadliga iyo wanaaga ay saxaabidii lahahaayeen, waxaan isla markaa Ilaahay ka baryayaa inuu ajar iyo abaal iga siiyo maalinta qiyaamaha hawshan aan uga danleeyahay inaan ku difaaco saxaabada Rasuulkiisa صلى الله عليه وسلم .

Qoraalkan waxaa looga jeedaa inuu xaqiijiyo dhowr arimood oo kala ah:

1.      Shaac bixinta fadliga wayn eey saxaabadii lahaayeen.

2.      In  laga difaaco aflagaadada ay Shiicada iyo kuwa la jaanqaadaa u gaystaan saxaabada Nabiga صلى الله عليه وسلم  .

3.      In la muujiyo inay ahaayeen madaxdii iyo imaamyadii diinta.

4.      In la cadeeyo in jacaylkoogu yahay  waajib diiniya.

5.      In wax laga sheego caqiidada Ehlu Sunnuhu ka qabaan saxaabada Nabiga صلى الله عليه وسلم .

 

Hadaba qoraalkan oo ahaan doona-hadduu Ilaahay idmo- mid taxane ah, waxa uu ka koobnaan doonaa seddex qaybood oo kala ah: 

     1- Fadliga saxaabada ee ku xusan Kitaabka iyo Sunnaha.

     2- Waxay Culimadii Salafku ka yidhaahdeen saxaabada رضي الله عنهم.

     3- Xukunka qofkii saxaabada رضي الله عنهم gaaleysiiya caaya ama aflagaadeeya.

W/Qoray:- Sheekh Maxamed Sheekh C/raxmaan

 

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Nadwo Diini ah oo Caawa lagu Qabtey Masjidka Aba-hureyra ee Muqdisho »

Cuimada Nadwada qaanaysa

Masjidka Aba-Hureyra ee Magaalada Muqdisho,Caawa Salaadu Makhrib ka dib waxaa ka dhacdey Nadwo Sharci ah taas oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Culimada ee Musaalaxada iyo Sixitaanka ee baryihii ugu danbeeyay socdaalka ku marayey qeybo ka mid ah Gobolada Dalka oo Magaalada Muqdisho ka mid tahey, Cinwaanka Nadwada oo aheyd”Xagee Iska Qaban La’dahey” ayey culimadii ka qeyb gashey oo…” Sii akhri »

Falanqaynta Jihaadka iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 3aad) »

Sheeekhu wuxuu qeybtii labaad ee qormadan kaga soo hadlay macnaha JIHAADka, iyo fadligiisa,. Qeybtan seddexaadna wuxuu ku eegayaa xukunkiisa, qeybihiisa, iyo shuruudihiisa.

Cutubka sadexaad

Xukunka jihaadka  & Qaybihiisa

(A)                       xukunka jihaadka

jihaadku waxa uu ku jiraa waajibaadka umadeed ee sida wadarta ah alle uga doonay inay inta magac islaamlihi u gutaan , waxaan suuroobin la baxsi iyo nin toocsi inuu jihaad ku meel maro . isku day kasta oo u dhigan in la qofeeyo ama la kooxeeyo waajibka jihaadka ayaan taabo gelin, lagana gaadhin ujeedooyinka loo jideeyay waajibkan culus . isagaa weecda dadkuna way ku riiqdaan  (lee,daan ) marka wadadiisa laga duwo , wadistiisana ay la fakadaan dad aan wadajirku wanaag ula muuqan . hadii ay sidaas tahay waxa lama huraan ah in jihaadku yeesho sawirkiisii hore, lagana nadiifiyo baal-roorka naanaysaha xun usoo jiidaya, muslinkuna nacam odhan karaan .

taas hadii aynu isla garanay waxaynu iswaydiinaynaa : jihaadka xukunkiisu waa maxay ?

jihaadka asalkiisu waa waajib umadda wada saaran, hadii qaarkeed ay ku filnaadaana intii hadhay aan waxba loo raacayn , xukunkaasi waxa uu ku qotomaa marka xuduuda muslimiintu ay suganyihiin, goob ay leeyihiina aan cadaw soo gelin, hadiise taasi dhacdo xukunki waa uu is bedelayaa waxaanaynu kaga hadli doonaa qaybaha jihaadka . kaasi waa xukunka guud ee jihaadka dabcan waxaynu u jeednaa gacan ka hadalka . waxa uu jihaadku cid gaar ah ku waajibaa afar xaaladod waxaanay kala yihiin :  

1-   marka hogaanka guud ama cidda uu idmaday ay cid gaar ah u magac-dhabaan si ay uga qayb qaadato dagaal gaar ah .

2-   marka deegaan muslimiintu ku ismanyihiin ay gaalo qabsato ciddii halkaas joogta ayay si gaar ah ugu waajibaysaa, haddii ay iska dul qaadi kariwaydo cidda ku xigta ayuu si gaar ah ugu waajibayaa jihaadku ilaa uu muslimiinta wada dhamaynayo .

3-    hadaad timaaado goobta dagaalka ama adigoo jooga uu dagaalki bilaabmo .

4-      Hadii loo baahdo aqoon jihaadku la,aanteed aanu socon Karin keligaana lagaaga marti yahay . ( sidaas waxa iska daba maray ibnu baaz cuthaymiin iyo intii ka horaysay )

raga qaarkood ayaa ku daray qodob shanaad oo ah : hadii uu gaaloobo ninkii muslimiinta arinkooda hayaa, waxaanay u cuskadeen hujuumkii uu abu-bakar ku qaaday kuwii gaaloobay markii nebigu scw geeriyooday laakiin waxa iska muuqda sida ay labada arin u kala duwanyihiin . waa sax oo in lala dagaalamaa waajib ayay tahay laakiin in lagu daro goobaha jihaadku fardul caynka noqonayo waxay u baahantahay in la helo cid inooga horaysay oo culimadii muslimiinta ah , la,aantood oo lagu dhiiradaana waa indha adayg iyo wax aan alle waajibin oo adoomaha la saaray .

 

(B)                      qaybaha jihaadka

jihaadku waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah

-         jihaad raadcaysi ah : ( raadcaysi macneheeu waa : baadi-goob iyo in gaalka halkiisa lagu doonto) muslimiinta oo dhulkooda haysta gaalkuna geyigiisa uu joogo waxa laynaga rabaa in gaalka deganaansho loo diido , waa in halka uu joogo loogu tago diintana la gaadhsiiyo , haduu qaadan waayo , maal-gobeed ayaa laga qaadyaa (الجزية) kolkuu taasna diido waxaan laga qarinayn in lagu soo maqanyahay , kana war-qabaan in fardaha muslinka xagooda loosoo heenseeyay . waxa hogaanka sare ee muslimiinta ku waajib ah inuu duulaan qorsheeyo ugu yaraan sanadkiiba hal mar sidii looga bartay markuu toosnaa habka maamul ee muslimiinta lagu dhaqaa . jihaadka noocan ahi sidaas aynu sheegnay waa waajib muslimiinta dhex yaal, hadii ay qaybi ka furatana inta kale ciqaab iyo canaan midna laguma laha . laakiin hadii uu imaamka muslimiintu qof gaar ah ama qolo gaar ah ka doono inaan baxaan dagaal raadcaysi ah iyaga waajib gaar ah ayuu ku noqonayaa sidii dhacday duulaankii tabuuk ee intii ka hadhay dembiilayaal la qoray waayo waa loo wacay iyaguna way maqli waayeen . jihaadka sidan u yaal waxa kaa dherginaya aayadahan suuradda anfaal 39 . tawba 5/36/41

-         jihaadka is difaaca ah : (wax iska caabin) : hadii ay gaalo qabsato arli islaam loo ogaa ama ay usoo diyaar-garoobaan inay qabsadaan halkaa markay marayso waxay ka dhigantahay wax dambeeyaa ma jiraan mar hadii ay sugnaatay in gaal soo hungureeyo geyigii islaamka waxay ka dhiganthay sidii abwaankii somaaliyeed yidhi:   

                  Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye   

               Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

               Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye

               Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

            Diinta iyo dadnimada la sheegtaaba waxay inagu waajibinayaan inaynu iska dhicino gaalka soo doolay . iyo cadawga soo duulay nafteena iyo nafci aduunyo oo walbana loo huro sidii quudhsi iyo qaran-jab looga fakan lahaa . warkaasi waa biyo kama dhibcaan waxaana isku waafaqsan culimada muslimiinta oo dhan . ruux kasta oo muslim ah halkiisa ayuu waajibku ugu imanayaa , xaddi iyo xoog badan midna kuma xidhna , alle isku halayn iyo hollashada dagaalka ayaa u asal ah halganka iska caabinta ah . raga qaarkood ayaa duray  jihaadka noocan ah oo tiro yarideena iyo tamarta cadwga soo duulay oo indha buuxis ah awgeed ku dhawaaqay in faraha la laabto dullinimana si kumeel gaadh ah loo qaato , laakiin waxaanay meesha soo dhigan inaanay hawshu ahayn xoog-xoog iyo is muquunine ay tahay waajib gudasho iyo karaamo ku dirir ku fadhida amar alle iyo rasuulkiisii innaga soo gaadhay , tiro yarina waxa lagaa yidhi :

Ninkii Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye

Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye

Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado

Waxa ka horeeyay hadalka alle uu yidhi ( badanaa inta koox yari “muuminiin” ka adkaatay ciidamo badan “gaalo” ) waxa halkan yaalla ballan-qaadkii alle ( colkan waa la jabinayaa, dhabarkana wuu jeedinayaa ) . qofka u baahan inuu masaladan ka dhergo haka akhriyo kitaabka tafsiirka ah ee uu qoray caalimkii macnaha Qur’aanku biyo-dhigay ( abu-c/laahi al-qurdubi) kitaabkiisa tafsiirka ah qaybta sideedaad baalka 15 aad . ama kitaabka lagu ururiyay jawaabihii uu bixiyay caalimkii islaamka ee mar la araga ahaa ( ibnu taymiya ) qayta 28aad oo iyadu arimaha jihaadka u gaar ah .

Jihaadkaa iska dhicinta iyo iska caabinta ah waxa maanta tusaale u ah xaaladaha ay ku jiraan dalal badan oo muslim ah sida : filastiin , afganistan , ciraaq , kashmiir , borma , shiishaan , iyo somalia . Waxaan beri dhawayd akhriyay fatwo uu soo saaray wadaadka loo caleemo saaray inuu u sareeyo culimada sucuudiga c/caziz aala sheekh oo ku dacwiyay inaan ciraaq raga joogaa la dagaalami karin gumaystaha maraykanka waxaanuu ku sababeeyay inaan loo babac-dhigi karin cududa gaalka wayn . lakiin lalama qabo wadaadka waxaanuu hadlay kaskiisa waanuu mahadsanyahay . Somaliya inay xaaladaa ku jirto waxaan isleeyahay caddayn uma baahna sida aanay iyaduna qancin ugu baahnayn waajibka maanta Somali saaran oo ah inay is difaacaan . hadiise laga tegiwaayo waxaan u tilmaamayaa ruuxii mad-madaw kaga jiro waxa la yeelayo fatwadii ay soo saareen culimada soomaalia 26/03/1428 - 14/04/2007 iyadoo ay ku saxeexanyihiin in ka badan 70 todobaatan caalim oo daafaha Somaaliya oo dhan laga yaqaan lagana xushmeeyo . magacyadoodiina waa kuwan :

Sh. Shariif C/nuur Shariif Xasan . Sh. Max’ed Nuur Qawi . Sh. Cali Warsame Xasan  Sh. Cumar Iimaan Abuubakar . Sh. C/laahi Cali Xaashi . Sh. Max’ud Ciise Max’ud Sh. Nuur Baaruud Gurxan . Sh. Nuur Macallin C/raxmaan . Sh. Jaamac C/salaam Warsame Sh. C/risaaq Aadan Macallin . Sh. Xasan Xuseen Axmed . Sh. Cilmi Dhuxulow Gacal Sh. Max’ud Macallin Nuur . Sh. C/laahi Max’ud Ciie .. Sh. C/laahi Daahir Jaamac Sh. Muuse M. Daahir Aweys . Sh. Xasan Max’ud Takar . Sh. Yuusuf Cabdi Cawad Sh. Cismaan Ibraahin Faarax . Sh. Bashiir Caddow Calasow . Sh. Max’ed Shukri Xasan Sh. C/laahi Cali Afrax .