Category: Duruusta Ramadaanka

Sagootinta Ramadaan Iyo Zakada Fidriga. »

Waxaa farxad iyo murugoba leh inaan ku dhaw nahay dhamaadkii Bishii Ramadaan iyo inay naga dhamaan rabto Bishii Barakeysneyd, maxaa yeelay waa farxad iyo bogaadin in uu ruux nasiib u yeesho inuu gaaro dhamaadka Bishaan, waayo waa bil wax badan oo wanaag ah Muslimiinta loogu dhex sharciyeeyay si ay isaga dhaqaan gafafkii iyo dembiyadii ka dhacay Sanadka oo dhan, waa bil qeyb walba oo ka mid ah lagu dhex diyaariyay Dembi dhaaf , Raxmad iyo Naarta oo leeska Xoreeyo, dhanka kalana waa murugo in ay dhamaato Bishaan ayadoo aan Damaanad loo heysan bal in markale la haleeli doono maxaa yeelay waxaa sanad walba aduunyada ka taga dad badan oo joogay Sanadihii horeeyay mana oga qofka maanta Soomay ee ka faa’iideystay ama aan ka faa’iidesan in ay soo mari doonto fursadaan oo kale.

Hadaba waxaa haboon inaan Bishaan Barakeysan ku sagootiino in ka badan sidii aan u soo dhaweynay, waa inaan u sagootinaa sidii aan u sagootin laheyn Saaxiib aad jeceshahay ama walaal kaa safri raba oo kale oo aadan mar dambe dib u arki doonin, waxa uu dhi jiray Ibnu Rajab Alxambali asaga oo sagootinta Ramadaanka ka hadlaaya (Ramadaanoow noo dhimri kuwii ku jeclaa ilintoodii wey dareereysaa, Qalbiyadooduna xanuunka tagitaankaaga ayay la dilaacayaan….) waxa uu arinkaas ula jeedaa inuu cabiro xanuunka uu leeyahay inuu ruux ka dhamaado Ramadaan.

Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay inaan is dareensiino qiimaha Martiga Bishaan nala jooga oo la sii jibaaro Dadaalkii iyo Cibaadooyinkii kala duwanaa ee la soo bilaabay markii uu yimid Ramadaanka, waxaana ku dayasho Mudan Nabiga Suuban(scw) oo waxaa Caado u aheyd weligiisba inuu ku dadaalo Cibaadooyinka gaar ahaan Bishaan Ramadaan Gaar ahaan Tobanka ugu dambeysa, maxaa yeelay Camalada waxaa ugu qiimo weyn dhamaadkooda, marka waa in la jibaaraa noocyada Cibaadada oo dhan sidii ay sameyn jireen oo kale Salafkii Suubanaa.

Waxyaabaha gaar haan dhamaadka Bishaan la jideeyay waxaa ka mid ah gudashada Zakada Fidriga maalinta uu dhamaado Ramadaanka oo ay Bisha Shawaal tahay Kow inta aan la tukan Salaada Ciida si midkii soona uu isaga kabo wixii gaabis ahaa ee ka gaaray Soonkiisa isla markaana loogu quudiyo Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta ah si ay Ciida farxadeeda uga qeyb galan.

Axkaamta Zakada Fidriga:-

 

Zakada Fidriga waa waajib sida uu cadeeyay Rasuulka Suuban (scw), waxa ayna ku waajibtaa qof walba oo Muslim ah oo heli kara xiliga ay waajibto wax ka badan Quudkiisa iyo Quudka kuwa uu Masruufo, waxa ay Culimada Diinta aqoonta u leh yiraahdeen Qofkii Deensada lacag si uu saga bixiyo Zakada Fidriga waa u banana tahay..

 

Yeey ku waajibtaa Zakada Fidriga:-

Waxa ay ku wajibtaa qof kasta oo Muslim ah, Xor ama Adoon, Lab ama Dhedig, Qof Weyn ama Qof Yar, hase yeeshee Dadka dhintay ka hor inta aysan waajibin lagama rabo ama Dadka dhasha xiliga ay Waajibtay ka dib.

 

 

Waqtiga ay Zakada Fidriga Waajibto ayna Dhamaato:-

 

Waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka la tukado Salaada Ciida, waxaana la bixin karaa Maalin ama laba Maalin ka hor Dhamaadka Bisha Ramadaan.

 

Qadarka la bixinayo:-

 

Waxaa la bixiyaa Suus Cunooyinka la Beego ah, ama 2,500kg oo Cunooyinka la Miizaamo ah sida ay Cadeeyeen Culimadii Diinka aqoonta sare u laheyd, waxaana laga bixin karaa Dhamaan noocyada Cunooyinka kala duwan oo dhan.

 


Xikamada loo Bixiyo:-

Ulajeedada loo bixiyi Zakada Fidriga waa in ay kabtaa wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay Ruuxii Muslimka ahaa ee soonaa, isla markaana in ay Quud u noqotaa Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta.

Sida loo bixiyaa Zakada Fidriga:-

 

Waxaa uu Ruuxa Zakadiisa ama tan Eheladiisa oo dhan siin karaa hal ruux ama waxa uu u kala qeybin karaa Dad fara badan, mana jirto hab gaar ah oo loo bixiya sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay Zakeeyaan, sidoo kalana Malaha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo marka Zakada Fidriga la bixinaayo.

 

 

Baraarujin:

 

 

-  Zakada Fidriga Ruux aan Muslim aheyn waxba lagama siin karo, laakiin waxaa wanagsan in Sadaqooyinka kale wax laga siiyo maadaama uu Miskiin yahay.

 

 

-_Zakada Fidriga lama siin karo Ruux uu Masruufkiisa kugu waajib yahay sida labadada Waalid iyo Caruurtaada iyo Xaaskaaga, waxaase uu ruuxa siin karaa eheladiisa waayo waa Sadaqo iyo Xariirin wax Qaraabada la siiyo.

- Ruuxii iloobaa bixinta Zakada waxaa uu gudayaa markuu soo Xasuusto wax dembiyana looma heesto,  Ruuxii si ula kac uga tagaa waa Dembiile laakiin Diinka ugama baxaayo sida Ruuxa haduu bixin waayo Zakada Maalka oo kale.

Waxaa diyaariyay Cali Nuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

 

 

 

 Aragtida Qaraalkan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay. 

Wax ka baddal Naftaada Bisha Ramadaan(Q 3aad) »

Qalbigaaga Nadiifi

Xasan Maxamad Ibraahim

xasanyare@msn.com

   

Qaybihii hore ee qarmadan waxaan kaga soo hadalnay fursadaha badan ee uu haysto qofka muslimka ah bisha ramdaan si uu naftiisa wax uga baddalo, sidoo kale waxaan ka soo hadalnay iska joojinta qaadka iyo sigaarka qaybatanna waxaan kaga hadlaynaa nadiifinta qalbiga.

  

 Qalbigu waa xubinta ugu muhiimsan xubnaha jidka insaanka nabigana waxaa laga wariyay inuu yidhi hadal macnihiisu yahay: “ jidhka waxaa ku jira xubin haddii uu wanaagsanaado jidhka oo dhami wanaagsanaado haddii uu xumaadana jidhka oo dhami wada xumaado waana qalbiga”.

  

Qalbigu waa meesha iimaanku ku jiro ilaahayna addoonkiisa ka eego aakharana waxaa badbaada qofkii qalbi fayow la taga ( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى اله بقلب سليم) qalbiyaduna waxay isugu jiraan kuwo buka iyo kuwo bad qaba sida xubnaha kaleba, sidoo kale waxaa jira qalbi nadiif ah iyo mid wasakhi buuxisay.

  Qofka muslimka ah waxaa la gudboon in uu bisha ramadaan qalbigiisa u guur galo oo uu ugu hormariyo meelaha uu nadiifinayo, sidoo kale qalbigu wuxuu mudanyahay in loo daaweeyo si ka muhiimsan daaweynta xubnaha kale marka ay jirradaan.           

Qalbigu wuxuu u baahanyahay in laga nadiifiyo caqiida xun iyo khurafaadka iyo sheeka baraalayda la moodayo inay diin tahay ee aan diinta ahayn, sida awliyo tuugga, qabri wax moodka,saarka, booranaha, jinni aaminaadda, rumaynta kitaab gaab lowyada iyo faaliyayaasha isku sheega inay maqanta( qaybka) wax ogyihiin.

  

Qalbiga cudurada noocaas ah wax ka qaba wuxuu u baahanyahy in si dhakhso ah loo dabiibo oo towxiidka lagu qulaamiyo si aafada shirkigu uga baxdo oo uu daahir u noqdo.

   Sidoo kale qalbigu wuxuu u baahanyahay in lagala tacaalo qasadka iyo niyada xun sida ikhlaas darrada, is tustuska, iyo ha lagaa sheegada, kuwaas oo camalka qofka ka dhiga waxba kama jiraan aan caaqibo lahayn, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu niyadiisa saxo bisha ramadaan ee qalbigu qoyanyahay, maxaa yeelay shay walba markuu qoyanyahay ee uu jilicsanyahay ayay toosintiisu sahlantahay marka uu qalalanyahay ama qalafsanyahayna waxaa dhacda inuu jabo haddii la damco in toosiyo.                  Cudurada halista ah ee qalbiga baabi’ya waxa ka mid ah xasadka,iyo xiqdiga loo qaado qofka muslimka ah kuma sii jirto haddii uu saaxiib ama qaraabo yahay, qofka mulimka ahna kuma habboona in qalbigiisu qashin qub noqdo lagu uruuriyo intii reer xumaysa, waana in lga ilaaliyaa inuu noqdo bahala galeen madow oo daxaleystay.                     Waa fool xumo in qofka muuqaal ahaan nadaafadi ka muuqato jidhkiisa iyo dharkiisaba, qalbigiisana aan waligii laga nadiifin wixii qashin ahaa ee galay ilaa waagii uu dhashay, waxaana mudan in colaadda, karaahada, ciilka iyo hurgumada sifiican maanta oo kale qalbiga looga tirtiro (delete) lana baabi’iyo dhammaanba faylashii ay qashinkaasi ku jireen, si qalbigu u iftiimo xaqana ugu fahmaysto.          Qofka muslimka ahi waa inuu laabtiisa dhaqaa bisha ramadaan oo uu iska cafiyaa ciddii ay wax dhex mareen ilaahayna waa inuu ku baryo ducadii nabigu ilaahay ku baryi jiray “ ilaahayoow qalbigayga huqdiga ( xiqdiga) ka siib”.         

Qalbi saafinamada iyo inaan qof muslim ah xumaan loo haynin waa camal ka mid acmaasha lagu helo jannada ilaahay, sida laga wariyay cbdullaahi ibnu camr ibnil caas nabiga ayaa sheegay صلى الله عليه وسلم in uu masjidka soo gali doono nin ahlu janno ah ka dib waxaa soo galay nin qoyaan weyso ka muuqdo, cabdullaahi ayaana ninkii gurigiisa habeenno ula hoyday bal si uu ugu kuur galo waxa uu jannada ku mutaystay, haddii uu u fiirsadayna kuma uusan arag soon ama salaad uu is yidhaahdo way badantahay markaasuu waydiiyay, waloolow nabiga ayaan maqlay isaga oo sheegay inaad ahlu janno tahay camal badanna iigama kaa muuqdoee maxaad ku heshay, markaasuu ugu jawaabay camal intaa aad aragtay ka badan ma hayo laakiin habeenkii waxaan hoydaa aniga oo aan qof muslim ah laabta waxba ugu haynin, cabdullaahi ayaa markaas yidhi waa taas midda aan la gaadhi Karin.

  

Si aad khayrkaas  u gaadhid xalay dhalay ka noqo wax alle wixii aad xumaan u kaydisay qof muslim ah o walaalkaa ah maantana fursad baad haysataaye yayna ku dhaafin oo qashinka iska qub.

 Aragtida Qaraalkan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay

Wax ka Baddal Naftaada Bisha Ramadaan (Q 2aad) »

Xasan Maxamad Ibraahim

 

xasanyare@msn.com

  

Iska daa Qiiqinta Sigaarka

  Qormadan qaybteedii 1aad waxaan kaga soo hadalnay in ilaahay qofka muslimka ah ku caawiyay Bisha Ramdaan waxyaabo u sahlaya inuu naftiisa wax ka baddalo ama uu iska saxo caadooyinka khaldan ee muddada badan la socday, Qormada Qaybteedii danbena waxaan kaga hadalnay iska joojinta maandooriyaha qaadka, qaybta labaadna waxaan kaga hadlaynaa iska daynta sigaarka. 

Sigaarku waa sun dilaa ah oo soo caan baxday qarnigii 16aad, wuxuuna sababaa cudurro ka badan 23 cudur oo halis ah oo ay ka mid yihiin:- kansarka sanbabada,midka hunguriga,bishimaha,carrabka, cirridka, bankariyaaska,iyo kaadi mareenka.

  

sidoo kale wuxuu sababaa qaar ka mid ah xanuunada halista ah ee wadnaha ku dhaca, wuxuuna keenaa inay ururaan ama qallafaan xididada dhiiggu.waxaa iyana sugan in sigaarku halis ku yahay ilmaha uurka ku jira ee ay hooyadii sigaarka cabto.

  

Sigaarka daraaddii waxaa sanad walba dunida ugu dhinta dad dhan 5 malyan oo sababsada xanuuno ka dhasha qiiqinta sigaarka,1.2 milyan oo dadkaas ka mid ah waxay ku dhintaan shiinaha oo 350 milyan ay sigaarka ka cabbaan, 500 oo kun oo kalena  waxay ku dhintaan maraykanka, xilligii kilintonna waxaa la isku dayay in shirkadaha sigaarka soo saara la cadaadiyo si dhibka sigaarka ka dhalanyo loo xakameeyo waase lagu guul darraysatay kilintonna wuxuu habeenkii Shirkakadaha Sigaarka danbi la’aanta laga dhigay ku sheegay inuu ahaa habeen madow Taariikhda Amerika.

  

War bixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in la filayo in qarnigan socda ay sigaar daraaddii u dhintaan dad gaadhaya hal bilyan (milyaar).

  

Daraasad kale oo uu soo saaray Midowga ka hortagga cudurada sanbabada ku dhaca waxaa isagana lagu sheegay in la filayo sanadkan 2008 in dadka sigaarka cudurada ka dhasha u dhimanaya gaadhi doonaan ilaa 6 malyan halka ay sanadkii 2000 ka ahaayeen 5 malyan.

  

Waxaan galay Isbitaal ku yaalla Dimishiq oo la yidhaahdo ( Almujtahid) oo lagu sameeyo qalliinada sanbabada dhammaan dadka jiifay ee la qalayay sigaar baa sababta lahaa marka laga reebo hal nin oo toorri la galiyay.

  

Khatarta caafimaad ee sigaarku leeyay ma aha sheeko qarsoon waana tan keentay in shirkadaha sameeya lagu khasbo inay si muuqata ugu qoraan baakidka dushiisa in sigaarku caafidkaaga halis ku yahay.

  

Dhaqaale ahaan sigaarku wuu gubaa xoolaha, qofka cabbana wuxuu badaa haddii dakhligiisu yaryahay inuu baryootamo si loogu sadaqeysto wax uu sigaar ku gato maalin walbana waxaa laga yaabaa inuu qiiqiyo lacag ugu filnaan lahayd inuu cunto kaga dhargo.

  

Waddan ahaan ama bulsho ahaanna sigaarku khasaare ballaadhan ayuu ku hayaa dadyowga cabba, cilmi baadhis laga sameeyay shiinaha sanadkii tagay 2007 waxaa lagu sheegay in cabbidda sigaarku si toos ah u khasirtay shiinaha lacag dhan 38 bilyan oo ayna ku jirin khasaarihii ka dhashay hoos u dhaca wax soo saarka iyo shaqada.

   

Waxaa intaa sii dheer sigaarku waa wax qudhmuun oo qofka caadiga ahi kahanayo dhadhan ahaanna sida la sheegay khadhaadh, haba yaraatee wax nacfi ahna aan lahayn, urka ka soo baxaya qofka cabbana waxaa dhibsada cid kasta oo uu la kulmo oo aan cabbin, masaajiddana wa lagaga eed sheegtaa.

  

Haddaba shayga sidaas u dhibka badan wax loogu xidho oo wax tar ahna aan lahayn wax shaki ah kuma jiro inuu xaaraan maqdac ah yahay sidaaseyna fatwoodeen culimacda hadalkooda la qaban karo ee caalamka islaamku.

  

Haddaba walaal haddii aad ka mid tahay dadka ku baloobay sigaarka maanta fursad ayaad haysataa aad kaga go’do oo aad naftaada ku badbaadiso aakhiro iyo adduunba ee yana ku dhaafin xabbaddii kuugu danbaysayna mid kale ha ku darin baaqiga kuu hadhayna jajabi oo gub, illeyn go’aan baa lagu meel maraaye.

  

Walaal haddii aad maalintii oo dhan ka Af xidhnayd oo aad naftaadii ka adkaatay adiga oo ilaahay arrintaas ku raalli galinaya ma habeenkii baad ku dari wayday ka dibna ma Ramdaan oo dhan baad is raacin wayday, haddiiba aad bil dhan ka maqnaydna maxaa sharkiisa dib kuugu celinaya maabad cowda u goysid oo lacnadna ka sii daba tuurtid?.

  

Walaal soo dhib iyo ciil kuguma hayso sida geedkan qudhmuuni kuu cabiidsaday sow isma nacdid  markaad meel walba ku aragto sigaar lama ogola, sowse aad isulama yaabtid markaad barafka ama roobka da’aya u baxdid inaad sigaar cabto darteed, maxaa dullinimadaas kugu qabtay maad naftaada cadaawahan ka xoreysid?.

  

Waxay ila tahay inaad ka nasatay maalinta soon qiiq hooggii aadna aragtay raaxada iyo sharafta ay leedahay iska daynta geed qaaqlahaas, sow haddaba kulama gudboona inaad laabta ka goyso, oo aad naftaada iyo ehelkaagaba uga turto suntiisa?

  

Gabagabadii aad baan ugu rajo weynahay inaad ka faa’iidaysan doonto Bisha Ramadaan oo dalaaq aan rujuc iyo rajacba lahayn ku furi doontid sigaarka Iyo Tubaako iyo Aabeheedba.

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.

Fadliga Habeenka Laylatulqadriga »

Allaah ayaa mahad iska leh bishan Ramadaan ka fadilay bilaha kale, walibana nagu galadaystay inuu ku khaas yeelay habeenka Qadriga oo ka khayr badan kun bilood, Nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Nabigeenii suubanaa Muxamed iyo dhamaanba asxaabtiisii …

  

Walaalhayga muslimka ahoow waxaan halkaan idiinku soo gudbin doonaa kalmado ku saabsan habeenkaas barakaysan ee Laylatul qadriga…

  

Allaah subxaanahu watacaalaa waxaa uu quraanka ku yiri  ” Waxaanu soo dejinay Quraanka habeen barakaysan, Anagoo abidba u digayna aadanaha ” Suuradda Al-dukhaan , aayada 3 aad.

  

Waxa kaloo Allaah suuradda Al-qadar  ku leeyahay ” Waxaan soo dejinay Quraanka habeenka Laylatul-qadriga,  oo maxaad ka ogtahay waxa uu habeenka qadarku yahay , Habeenka qadarku wuxuu ka khayr badan yahay Kun habeen, Waxaa soo dega habeenkaas Ogolaansho rabigood xagiisa ah  malaa’igta iyo Jibriil oo sida xukuno oo dhan, nabad iyo samaan xag Alle ka timid ayaa habeenkaas jirta illaa iyo inta waagu ka baryayo”.. Suuradda Al-Qadri

  

Qadriga waxaa loola jeedaa sharaf iyo waynayn, ama waxaa loola jeedaa qadarid iyo wax jaangoyn, maxaa yeelay habeenkaasi qadarku waa habeen sharaf leh oo weyn, Allaahna wuxuu qadaraa waxa ahaan doona sanadkaas, wuxuuna jangooyaa umuurihiisa xikmmadda ku salaysan.

  

Suuraddan waxay noo cadaysay fadliga faraha badan ee ku soo arooray habeenkan, kuwaasoo kala ah sidatan  :-

  

1.- In Allaah uu soo dejiyay habeenkaas Qur’aanka kariimka ah oo ah hanuun loogu talagay basharka, waana kii ay ku gaari lahaayeen liibaantooda Aakhiro iyo Adduunba.

  

2.-Isticmaalka la isticmaalay qaabka su’aasha iyo calaamada la yaabka oo muujinaysa qiimihiisa, ” Maxaad ka taqaan waxa uu yahay habeenka qadrigu?!!!!!

  

3.-In ay ka khayr badan tahay 1000 ( KUN )  habeen

  

4.-In malaa’igtu soo dagayso habeenkaas, iyagoo wada khayr, naxariis iyo barako

  

5.-In uu yahay habeen nabadgalyo, taasoo laga dheehanayo in addonka Allaah ee daacada si wacan u guta uu ka badbaadayo cadaabka iyo ciqaabta Allaah

  

6.- In Ilaahay uu ku khaas yeelay habeenkaas suurad dhan oo illaa qiyaamaha la akhrin doono.

  

Haddaba maxaa kula gudboon in aad samayso ?…

  

Walaalayaal waxaa arin haboon ah in qofka muslimka ahi ku dadaalo daacada iyo cibaadada Allaah habeenkaas gaar ahaan iyo guud ahaanba bishan barakaysan si uu fursadahaas qaaliga ah uga faa’iidaysto. Sida Abuu Hurayra ( ALLaha ka raali noqdee uu ka wernayo Nabigeena (NNKH) wuxuu yiri : Qofkii cibaado u istaaga habeenka qadriga, isagoo Alle ka cabsi iyo rumayn uu Allah rumaysan yahay u samaynaya, islamarkaana Allaah ajar ka dalbaya, waxaa loo dhaafaa dunuubtisii uu hormarsaday

  

Waa goorma habeenka Laylatul-qadriga ?

   

Habeenka uu yahay  waxaa ka jira dhowr qowl oo kala duwan, hase yeeshee sida ku cad axaadiista Nabiga (NNKH) waxaa uu ku jiraa 10ka habeen ee danbe, xikmadna looga qariyayna waxa weeye si aanay muslimiintu isu dhigan oo cibaada ku dadaalaan 10ka danbe ee  Ramadaan.

  

Nabiga(NNKH) waxaa uu yiri: ” Ka raadsha Laylatul qadriga 10ka danbe, ama sagaalka danbe” Waxaa weriayay Muslim.

 

Xadiis kale ayaa uu Nabigu (NNKH) ku yiri: ” Ka raadsha Laylatul-qadriga 10ka danbe, haddii hurdo idinka qaalib noqoto, yaysan kula tagain 7-da danbe” waxaa weriyay Imaamu Axmed, Sheekh Albaanina wuu saxiixiyay.

  

Waxaa jira sida uu werinayo Muslim in C/laahi Ibnu Cabaas uu sheegay in ay tahay 27ka, sidoo kale Ubay ibnu Kacab uu ku dhaaran jiray in ay tahay 27ka.

 

Sidoo kale waxaa jira aqwaasha qaar tilmaamaysa inuu guurguuro oo habeenada tirada isdheer midkood uu yahay.

  

Isku soo wada duub oo waxaa haboon in qofka muslimka ahi aanay dhaafin cibaada 10kaas habeen, waa fursad qaali ah, waana waqti kooban, Allaah mooyaane cid kale oo og ma jirto habenkaas uu ku beegan yahay ee saxda ah, sidaa awgeed ka faa’iidayso 10kaas habeenba oo yaanay ku dhaafin, waayo haddii Allaah ku waafajiyo waxaad la mid tahay qof cibaadaysanayay 1000 habeen oo u dhiganta 83 sano iyo afar Bilood.

  

Hadyigii Nabiga ee Cibaadada Habeenkaas :

  

1.- Sida Caa’isha(Allaha ka raali noqdee) warinayso , marka 10ka danbe la galo, Nabigu(NNKH) guntiguu giijisan jiray oo loola jeedo cibaada ayuu u diyaargaroobi jiray oo haweenkiisa wuu ka dheeraan jiray, si uu cibaadada ugu faaruqo.

  

2.-waxaa uu ku noolayn jiray habeenkiisa salaad (Tahajud ), adkaar, quraan akhris, danbidhaaf weydiisasho, iyo ducaba.

  

3.- Ehelkiisa iyo reerkiisaba wuu ka jafi jiray hurdada, taas oo ku tusinaysa qiimaha uu habeenkaas leeyahay iyo sidii uu Nabigu (NNKH) ugu dadaali jiray.

  

4.- Wuu ictikaafi jiray Nabigu (NNKH), asxaabtiisuna way la ictikaafeen isaga iyo gadaashiisaba ( Cashar gaar ah ayaan kaga hadlaynaa ictikaafka ).

  

Haddaba walaalaheyga muslimiinta ahoow ku dadaala ka faa’daysashada habeenkaas, wallaahi waa fursad qaali ah haddii uu Allaah ku gaarsiiyo, waana arin laga naxo in aad ka faa’idaysan wayso khayrkaas, qofkii laga xarimo khayrkeedana waa mid shalwaday oo ay u dhamaatay. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii uu gaarsiiyo habeenkaas , kana faa’iidaysta oo waafaqa hadyigii Nabiga(NNKH) ee uu habeenkaas samayn jiray.

  

waxaa soo diyaariyay Abuu C/raxmaan , C/rasaaq Sugulle Muxamed.

  

wixii nasteexo  ama sixid ah ku soo hagaaji.

  

Abdirazaks@hotmail.com     ama sugulle3@yahoo.com.

  

 Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.

  

Iska ilaali fataawaadka aan cilmiga ku salaysnayn »

Allaah aya mahad iska leh ,Nabigeenana  nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu noo fududeeyo cibadada Ramadaan, nagana dhigo kuwii ku dadala hadyiga Nabigooda NNKH ee cibadadan iyo qiimaha leh.

  

Ilaahay wuxuu nagu waajib yeelay inaan cilmiga diinta barano, waliba waxyaabaha daruuriga ah ee ku salaysan arkaanta Salaadda, iimaanka iyo dhamaan wixii ku xeeran nolosha qofka muslinka ah. Haddii waxyaabaha qaarkood uu ishkaal ama mugdi kaa galana ilaahay wuxuu nagu towjiihiyay qur’aankiisa inaan weydiino dadka uu ku tilmaamay ”Ahlu dikriga ” oo ah culimada rabaaniyiinta ah ee dadka u sheega wixii ku sugan kitaabka rabbi iyo sunada Nabiga NNKH.

  

Nabigu NNKH sida ku cad xadiis uu werinayo Muslim, wuxuu nooga digay fatwada ay soo tuurayaan dadaka juhaasha ah , wuxuuna yiri ” Ilaahay cilmiga diinta ah tirtiri maayo oo culimada laabteeda laga bixin maayo, ee cilmiga iyo culimadaba waa la isla qaadayaa ( yacnii culimadii baa dhiman ), illaa uusan ka soo harin wax caalim ah, dadkuna markaa ay culimo ka dhigtaan kuwo jaahiliin, oo ay markaa wax weydiiyaan , iyaguna ay ku fatwoodaan cilmi la’aan, oo markaa ay baadiyoobaan , dadkiina baadiyeeyan”!!!!.

  Waxaa baryahan soo baxay rag la maga baxay in ay wadaan ama ummaadda u sidaan manhaj ay u bixiyeen ”manhaju taysiir” ama manhajka wax fududeynaya. Kuwaasi waxaa ay fursad u noqdeen dad uu imaanku ku daciifay nafafyaalkooda oo donaya in diinta oo dhan loogu fatwoodo sida ay naftoodu jeceshahay. Walaalayaal diintaan wey fududahay oo Allaah baa fudueeyay sida uu noogu sheegay qur’aanka: ” Ilaahay wuxu idinla dooni fudayd, idinlama doonayo dhib ”, ” Ilaahay diinta wax dhib ah idiinkama yeelin”, haddaba haddii Allaah uu saas leeyahay maxaa dhiman oo la raadinayaa.

 

Haddaan mowduuca u soo daadego waxaa baryahan danbe soo baxay , waliba wadamadan galbedka iyo Yuruba in aad loo raadinayo in salaadihii, soonkii iyo cibaadadii la fuduaysto, iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo waan shaqaynaa, waqti uma hayno, xilligii salaadaha iyo afurka ee Ramadaanka ayaa dheer IWM. Sidoo kale waxaa iyana soo baxady su’aal caan ku noqotay afka dadka oo ah : Imtixaan dheer ayaan galayaa, markaa ma soomi karo.

  

Ilaah baan idinku dhaarshee ma khayr daro ka xun baa jirta oo qofka lagu imtixaano inuu adduunyo darteed aakhiradiisa u dhaawaco oo u kala dhantaalo?!! waxay ila tahay tani inaanay u baahnayn jawaab ee qofka muslinka laga doonayo inuu isdaba qabto oo naf iyo cadaowga shaydaan la dagaalamo.

  

Culimada islaamka ee rabaaniyiinta ah markii la weydiiyay suaasha hore ee ahayd see la yeelayaa xilliga Ramadaanku uu soo galo xagaaga oo wadamadan reer galbeedku  uu afurku dheeraanayo, waxay ku jawaabeen in la soomayo marba haddii la kala saari karo qoraxda dhicitaankeeda ama habeenka iyo maalinka. Sidaasina waxaa fatwooday lajnada daa’imka ah ee fataawaha ee Sucuudiga.

  Sidoo kale arinta oranaysa  : shaqo adag baan ku jiraa, imtiixan baangalayaa, wax xujo ah ma ahan, mar la weydiiyay Sheekh Cuthaymiyiin aad buu radiyay, wuxuu sheegay in aanay ahayn xujo , lana isku xiri karin cibaadada iyo waxyaabahaas oo kale.

 

Haddaba waxaan leenahay soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Nin tuur leh suu u seexdo isaga yaqaan”.. adigaa yimid dhulalakan reer galbeedka ah, Allaah wuxuu kaa donayaa cibaadadiisa inaad u gudato suu kuugu waajibiyay, markaa waa inaad u gutaa suu kuugu tala galay. iskana ilaali fataawaha ay soo tuurayaan dadaka qaarkood.

  

Ilaahay talo saaro , addunyo darteedna ha u dayacin aakhiradaada, inta aad awood hayso oo ilaahay ku siiyay caafimaad ka faa’iidayso waqtigaaga, kuna dadaal cibaadada Allaah.

  

Waxaa qoray: - C/rizaaq Sugulle M. (Abu-cabdirahman)

 

E-mail: abdirazaks@hotmail.com

 

Golaha Ducaada Soomaalieed

 

E-mail:daaciga@hotmail.com

  Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Ictikaafka »

Nabiga (NNKH) waxa hadyigiisa ka mid ahaa inuu ictikaafi jiray 10 maalmood oo ka mid ah Ramadaan, sida uu warinayo Muslim, Saxabiga la yiraahdo Abii saciid Al-khudari waxaa uu yiri : Nabigu wuxuu ictikaafay 10ka ugu horeeya ee Ramadaanka, haddana wuxuu ictikaafay 10ka dhexe markaa dabadeed ayuu Nabigu (NNKH) yiri : ”Waxaan ictikaafay 10ka hore anoo raadinaya habeenkaas Qadriga, markaasaan haddana ictikaafay 10ka dhex,markaasaa la ii yimid oo waxaa la igu yiri : Waxaa uu habeenkaasi ku jiraa 10 ka danbe, ee qofkii doonaya inuu ictikaafo ha ictikaafo 10kaas danbe”.

  

waxaa kaloo Bukhaariga ku sugan  in Sanadkii uu geeriyoonayay Nabigu ictikaafay 20 cisho.

  

Maxaa loola jeedaa Ictikaaf :

  

waa in qofku uu ka fogaado oo ka dhex baxo dadka si uu ugu firaaqoobo daacada Allaah, isagoo ku gudaya masjid ka mid ah masaajida Allaah, raadinayana fadligiisa iyo abaalmarintiisa iyo inuu haleelo habeenkaas Qadriga.

  

Maxaa la gudboon Qofka ictikaafka ku jira :-

  

Waxaa la gudboon qofka ictikaafka ku jira inuu ku mashquulo Qur’aan akhris, dikriga Allaah. salaad iyo cibaado oo dhan. waana inuu ka fogaado wax kasta oo aan qiimo ku fadhin oo sheeko addunyo ah, dhibse ma laha in uu wax xooga sheeko banaan la qaato ehelkiisa ama dadka kale, taasoo ah hadal maslaxo ku jirto. Safiya hooyadii Mu’miniinta (Allaha ka raali noqdee) waxay tiri : Nabigu (NNKH) wuxuu ahaa mid ictikaaf ku jira, markaasaan ku soo booqday masjidka habeen ka mid ah habeenadii uu ictikaafka ku jiray, cabaar baan u soo sheekeeyay, dabadeedna waan ka soo tagay oo u soo dhaqaaqay xaggii aqalkayga, nabiguna wuu ila istaagay ”. waa Mutafaq

  

Waxaase ka xaaraan ah qofka ictikaafka ku jira inuu u galmoodo xaaskiisa iyo wax kasta oo hordhac u ah arintaas, sida : dhunkashada, taa-taabasho shahwo ku dheehan tahay, waayo Allaah( Subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa ” Ha u galmoonina xaasaskiina, idinkoo ku jira ictikaafka ”.

  

Sidoo kale masaajidka kama bixi karo , laakiin haddii jirkiisa qaar uu ka bixiyo dhibi kuma jabna, waxaana u daliil ah xadiiskii Caa’isha(Allaha ka raali nodee) waxay tiri : Nabigu(NNKH) waxaa uu ahaa mid madaxiisa ka soo bixiya masjidka isagoo ictikaafsan, markaasaan u dhaqi jiray madaxa, anigoo caado qaba.

  

Sheekh Muxamed Al-cuthaymiyiin ( Allaha u naxariistee ) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa loogu magac daray ”MAJAALIS SHAHRI RAMADAN ” : Ka bixitaanka uu qofka muctakifka ahi ka bixayo masjidka dhamaan jirkiisa waxaa loo kala qaadayaa 3 qaybood:-

  

1.- U bixid arin lama huraan ah dabci iyo diin ahaanba, sida kaadi iyo saxaro. weeso, janaabo ka mayrasho IWM, ama sidoo kale cunto iyo cabitaan, arimahaas waa ay u banaan yihiin inuu u baxo, haddii uusan ka heleynin masjidka dhexdiisa, laakiin hadday u suuragal tahay inuu ka helo masjidka oo arimahaas oo dhan uu ku gudan karo masjidka dhexdiisa ma baxaayo, sida masjidka oo leh meelo lagu qubaysto ama weeseysto, ama uu heli karo cid cuntada ugu keeneysa masjidka, markaa bixitaan waa ka mamnuuc.

  

2.- U bixitaan arin daaco ah , aanse ku waajib ahayn sida : booqasho qof jiran, Jinaaso uu raaco IWM. arimahaas uma baxayo oo ma samaynayo illaa inuu ku shardiyay markuu ictikaafka bilaabayay mooyaane, tusaale ahaan: waxaa jira qof qaraabo ah oo xanuunsan , uuna qofkan muctakifka ahi aad u jecel yahay inuu soo booqdo, amaba uu ka baqayo in uu dhinto intuu ictikaafka ku jiro, markaa wuxuu shardinayaa marka uu bilaabayo ictikaafka inuu u bixi doono booqashada qofkaas, sidaa darteed wax dhib ahi kuma jabna bixitaankaas.