Somali Mirror » Baaqyada

Beesha Leelkase oo caddaysay in Alshabaab ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed bayaanna soo saartay
Salaaddii casar ka dib ayaa lagu qabtay guriga ugaaska beesha Leelkase ee magaalada Galdogob kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Isimada, cuqaasha, aqoonyahanka, culuma’udiinka, ganacsatada, dumarka, dhallinyarada iyo warbaahinta. Waxaana ugu horrayn goobta laga akhriyey bayaan ka kooban sagaal qodob oo beeshu ku soo bandhigtay natiijadii baaritaankii ay ka samaysay dilkii loo gaystay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan iyo mawqifkeeda arrintaas ku aadan.

Intaa ka dib waxaa golaha ka hadlay Ugaaska guud ee Beesha Leelkase Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Afhayeenka Ugaaska Sh. Ibraahim Xirsi Axmed, C/raxmaan Dr. Axmed oo ah curadkii Sheekha iyo tiro nabadoono ah. Bayaankuna wuxuu u qornaa sidan:

بسم الله الرحمن الرحيم

30/12/2011

Bayaan beesha Leelkase ee ku aadan Dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya waxaa maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 10/01/1433 oo ku beegan 05/12/2011 lagu dilay magaalada Boosaaso asaga oo sooman maalita Caashuuraa oo soo tukaday Salaadda subax meel u dhaxaysa Masaajidka Xassan bin Cali iyo Gurigiisa, sheekhu wuxuu maalmo ka hor ka yimid Xajka.

Beesha Leelkase waxay ka soo saartay dilkaas foosha xun bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

1)             Beeshu waxay uga tacsiyaynaysaa ummadda Soomaaliyeed dilkii foosha xumaa fuleynimadana ahaa ee loo geystay Dr. Sh/ Axmed Xaaji C/raxmaan, (Allaha u naxariisto) waxayna uga mahadcelinaysaa gurmadkii, garab istaagii iyo ducadii aan kala harka lahayn ee ay geysteen.

2)             Maamlintii Sheekha la dilay isla goobta duugta waxaa ka hadlay Dawladda Puntland iyo culumada labadubana waxay ku eedeeyeen dilkan ururka Al-shabaab, arintaas beeshu waxay u aragtay qodob lagu degdegay waxayna goa’aansatay inay beeshu samaysato guddi baaritaan oo madax banaan.

3)             Guddigu wuxuu baaritaan iyo dabagal dheer ku sameeyay cid kasta oo la tuhmi karo ama raad gali karo iyaga oo kaashanaya dadyaw kala duwan oo la biday inay wax ku biirin karaan baritaankan. Dadkaas oo kala jooga koonfurta Soomaaliya iyo waqooyigeeda, Si xaqiiqada loo gaarana baaritaanka waxaa la siiyey waqti ku filan. Ilaahay fadligii baaritaankii beeshu sida samirka iyo kaadsiiyaha leh u samaysay wuxuu ku dhamaaday guul.

4)             Sheekhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahaa dad fara badan oo aad u jecel oo ay ka mid yihiin rag ay wax wada barteen, rag wax ka bartay, qaraabo iyo asxaab kale oo fara badan oo aad uga wada murugooday dilkiisa. Dadkaas meel ay joogaanba waxay isku taxallujiyeen, kana qaybqaateen sidii loo aqoonsan lahaa dadkii sheekha dilay, loona soo qaban lahaa, Allaah ha ka abaalmariyo dadaalkoodii.

5)             Beesha Leelkase iyada oo shirqoolka Dr. Sh/ Axmed ku ahaa nabar aad u xanuun badan oo lama filaan ah, haddana waxay go’aansatay in ay is xakamayso, wax tillaabo ahna aysan qaadin ilaa ciddii fal dambiyeedkaas gaysatay laga helayo, waxayna ku dhaqaaqday siday arrintaas uga sal-gaari lahayd iyada oo Ilaahay la kaashanaysa waxayna beeshu hubsatay cidda Sheekha dishay iyada oo aan qadaf iyo xad-gudub kale midna ka dhicin.

6)             Beesha Leelkase waxay u caddaynaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan in dilkii dulmiga iyo bareerka ahaa ee loo gaystay Dr. Sh/ Axmed Xaaji C/raxmaan ay fulisey, kana dambaysey Xarakada Al-Shabaabul Al-mujaahidiin, gaarahaan garabkaAmniyaadka ee madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.

7)             Beesha Leelkase waxay go’aan wadajir ah ku gaartay in aysan dulmiga lagu dilay Dr. Sh/ Axmed Xaaji kaga jawaabin dulmi kale ee ay aqbasho, kuna raalli noqoto wixii Shareecada Islaamku ku xukunto dadkii maleegay dilka Sheekha, kuwii diley iyo kuwii ku caawiyeyba.

8)             Beeshu waxay u mahad celinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baarista iyo qabashada dambiilayaasha, waxayna ka codsanaysaa ciddii taageero ka gaysan karta qabashada dambiilayaasha dhiman inay arrintaas ka caawiyaan.

9)             Ugu dambeyntii Hogaanka Ururka al-shabaab beeshu waxay ka sugeysaa jawaab cad oo ku aadan falka ay geysteen.

Saxiixa Ugaaska,salaadiinta iyo cuqaasha beesha Leelkase

1.                 Ugaas Cali Ugaas Maxamed                                         _______________

2.                 Suldaan Zubeyr Maxamuud Xaaji Cali                         _______________

3.                 Sheekh Ibraahim Xirsi Axmed, Afhayeenka Ugaaska   _______________

4.                 Suldaan Jaamac Shire Geesood                                               _______________

5.                 Nabadoon Aadan Warsame Cismaan                                      _______________

6.                 Nabadoon C/laahi Liibaan Cabdi Xiddig                       _______________

7.                 Nabadoon Maxamed Axmed Faarax                                       _______________

8.                 Nabadoon Shaambilo Maxamuud Fiqi Faarax              _______________

9.                 Caaqil C/casiis Ismaaciil Cilmi gurey                                      _______________

10.            Nabadoon Bashiir Xaaji Cali Isxaaq                             _______________

11.            Nabdoon Axmed Cigaal Badhawo                                _______________

12.            Nabadoon Bashiir Xuseen Cumar (Bashir Carab)                  _______________

13.            Nabadoon Axmed Nuur Sheekh Xassan Nuux              _______________

14.            Caaqil Maxamuud Yuusuf Muuse                                 _______________

15.            Nabadoon Cismaan Maxamuud Takar                                   _______________

16.            Nabadoon Xuseen Axmed Af-cad                                 _______________

17.            Caaqil Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed                        _______________

18.            Nabadoon Sicciid Faarax NuuxCawdgale

19.            C/rasiid MaxamedFaarax (Garawaan)

20.            Maxamuud Axmed Maxamed (Ilkadheere).

21.            Nabdoon C/laahi Jaamac Roorshe

Wabillahi Tawfiiq,,,

jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika oo baaq u direysa dowladda Kenya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika waxeey  baaq  u direysaa dowladda Kenya kaas oo ku saabsan xaaladda dhabta ah eey marayaan qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee magaaladda dhadhaab. Runtii dhadhaab waxaa ku nool qaxootiga oogu badan dunida oo xero ku jira kuwaas oo u badan ummadda soomaaliyeed ee dowlad dhexe wayday  in ka badan 20 sanno,

Xeryaha  ku yaala magaaladda dhadhaab waxey soo mareen duruufo kala duwan oo iskugu jira :

1-cunto xumo

2-amni xumo

3-dawo yari

4- iyo daryeel  la,aan guud

Arimahaas aan kor ku soo xusay ma aheyn  wax lagu eedeeyo dowladda Kenya markii laga tago dhanka amniga oo dowladda Kenya eey mas,uul ka tahay waxii arin amaan ah ee dadka qaxootiga ah ku yimaada

Amni xumada xiligii hore waxeey aheyd tuugo iyo shufto taas ooy dowladu in badan la tacaali jirtay sidii loo xakameyn lahaa,

Taas oo xiliyadii danbe lahelay amni iyo amaan, qodobada kale ee sadexda ah waxaa mas,uul ka ahaa hay,adda arimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR taas oo waxii dhaliil iyo eed ah dusha looga tuuri jiray,

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika waxeey   walaac ka muujineysaa xaaladda hada ka jirta xeryahaas, taas ooy dowladda Kenya ku kacday falaal aad iyo aad looga xumaado oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo mida uu leeyahay ruuxa qaxootiga ah ,

Markey xeryaha qaxootiga  gaar ahaan xagardheer iyo ifo ka dhaceen qaraxyadda maxey sameyeen ciidamada  dowladda Kenya:

1-rasaas la iska furo ayadoon loo kala aabo yeeleynin  cida lagu ridayo iyo goobta lagu ridayo iyo qaabka loo ridayo intaba

2-in la garaaco cid kasta oo ciidamadu gaaraan  ama la arko

3-in raga si gaar ah looga tumo xiniinyaha

4-in dumarka la kufsado

5-in  boobo iyo raris la iskugu daro dukaamadda suuqa ifo lana jajabiyo alaabta ku hadha dukaamada  ee ciidamadu  qaadi waayaan

6- in xeryaha ifo iyo xagardheer laga jaro biyaha oo ah udub dhaxaadka nolosha ibnu aadamka

7-in la xiro cid kasta oo ciidanku qabtaan iwm.

Waxaan filayaa intaas aan kor ku soo sheegay iney tahay wax yar oo ka mid ah waxii ka dhacay shalay xeradda ifo,

Maxaa looga baahan yahay dowladda Kenya:

1-    Dowladda Kenya waxaa looga baahan yahay  iney sugto amnigeeda gudaha

2-    Iney sugto amniga dadka qaxootiga ah ee ku hoos nool

3-    Iney ilaaliso sumcadda guud ee dalka Kenya  iyo xuquuqda dadka qaxootiga ah

4-    Iney kala saarto danbiilaha iyo ruuxa aana wax danbi ah ka galin dalka

5-    In la kasbado qaxootiga xuquuqodana la ilaaliyo

Codsiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika:

Jaalliyadda soomaalida koonfur Afrika waxeey ka codsaneysaa dowladda Kenya arimahan hoos ku qoran;

1-in dadka qaxootiga ah loo sii daayo biyaha, maxaa yeelay biyuhu ma galaan cunaqabateen waana nolosha aadamaha

2-in boqolaalka ruux ee xabsiyada xeryaha iyo dhadhaab ku xiran  la sii daayo cidii aana lugu qabanin ayadoo fal danbiyeed gacanta kula jirta

3-in dowladu baadhitaan dhab ah ku sameyso boobkii  iyo raritaankii ciidamadu ku sameyen hantida dadka qaxootiga ah cadaaladdana la hor keeno cidii ka danbeeysay arintaas

4-in dowladu mag dhaw ka bixiso hantidii qaxootiga ee la boobay qaarna la rartay

5-in dowlada Kenya ka fogaato wax kasta oo beeri kara colaad labada shacab ee dariska ah dhax marta

6-In dowladda Kenya raali galin buuxda ka bixiso waxii eey sameeyeen ciidamadda booliska iyo mulatariga maalmihii la soo dhaafay.

C/Raxmaan Raabi

Gudoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed

Ee Dalka koonfur Afrika

Email:sasa.headoffice@gmail.com

Hay’adda culumada Soomaaliyeed oo ka hadashay faragalinta shisheeye iyo arrimo kale
بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله ، والصلاة والسلام على رسول الله ، وعلى آله وأصحابه ومن والاه ، وبعد؛

Bayaan saxaafadeed

Ayadoo la eegayo xaaladaha murugsan oo dalku marayo,sida faragalinta siyasadeed iyo tan malatari,taas oo mugdi sii galinaysa mustaqbalka ummadda soomaaliyeed ,hay’adda culimada soomaaliyeed,ayadoo gudanaysa waajibka ilaalinta danaha shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah,caddaynta xaqa, iyo waajibka isu-naseexaynta,waxay soo gudbinaysaa qodobadaan:

1-hay’addu waxay ka soo horjeedaa faragalinta siyaasadeed iyo tan malatari oo isasoo taraysa maalinba maalinta ka dambaysa,waxayna u aragtaa in ay khatar ku tahay madaxbanaanida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed, laguna cuuryaaminayo hay’adihii siyaasadeed ama ciidan ee dalku lahaa,waxaana caddaynaynaa in arinkaasu sii fogaynayo xal uhelidda mushkilada soomaaliyeed.

2-waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta dowladda in ay gutaan xilka kaga aadan ilaalinta diinta,dalka iyo danaha shacabka soomaaliyeed ,waxayna masuul ka yihiin dayacaadda iyo gaabiska ku baahsan dhammaan laamaha dowladda,nabiguna(scw)wuxuu yiri : masuulkii hantiya talada muslimiinta oo aanan u dadaalin una hagar bixin lama galo jannada(waxaa wariyay muslim)

3-hay’addu waxay caddaynaysaa in ururka al-shabaab uu sabab u yahay culuysyada siyaasadeed iyo faragalinta malatari ee dalka haysata ama kusoo fool leh ,taasina sharci ma aha ,sidaas darted ,waxaana ugu yeeraynaa in ay ilaahay u toobad keenaan, ummadoodana ku soo biiraan ,qaybna ka noqdaan xal u raadinta mushkiladda dalka haysata, ayna faraha kala baxaan ajandayaasha dibadeed oo aan u adeegayn ummadooda.

4-waxaan ugu baaqayna ummadda soomaaliyeed in aysan daba gelin shidaalna u noqon dabka ay hurineyso kooxdaas qar iska tuurka ah ee siyaasaddeedu diinta khilaafsantahay.

5- hay’addu waxay u aragtaa qabyo-qoraalka dastuurka inuu yahay mid aan ka tarjumeyn himilada ummadda soomaaliyeed,ayna ka muuqdaan daldaloollo farabadan, saas darteed waxay u saartay guddi khubaro ah oo kasoo diyaariya qoraal faahfaahsan

6- xalku wuxuu ku jiraa in loo gacan banneeyo ummadda soomaaliyeed xallinta mushkiladooda iyo dajinta qorshahooda,looguna kaalmeeyo dhismaha awoodda dowladooda.

7-waxaan ugu baaqaynaa dowladaha islaamka inay hormood ka noqdaan xallinta mushkiladda soomaaliya,oo aysan gacmaha ka laaban qadiyadda walaalahood oo ay cid kasta gacanta lasoo gashay.

8-waxay hay’addu bogaadinaysaa gurmadkii abaaraha,gaar ahaa kii hay’adaha iyo dowladaha islaamka ah,waxaana soo jeedinaynaa in loo soo jeesto howl cusub oo ah:dib u dajin,horumarin iyo sidii looga gaashaaman lahaa musiibadaas oo kale. Wabillaahitowfiiq Guddiga fulinta haya’dda culimada soomaaliyeed-muqdisho

Culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ee UK oo bayaan ka soo saaray dilkii Dr. axmad xaaji
Shir ay galabnimadii Sabtida, 10 Dec 2011, isugu yimaadeen culumada, ducaadda iyo masuuliinta masaajidda Somaliyed ee UK oo ka dhacay masjidka Daarussalaam ee galbeedka London ayaa looga dooday dhacdadii foosha xumayd ee dhowaan lagu khaarajiyey sh Axmed Xaaji Cabdurraxmaan, Alle ha u naxariistee.

Shirkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen waxgarad badan ayaa waxaa ka soo baxay bayaan wadajir ah oo u dhignaa sidan:

1.     Waxaanu, marka koowaad, tacsi u diraynaa eheladii, aqaaribtii, ardaydii, asxaabtii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee sheekhu ka geeriyoodey. Waxaanuna Ilaahay sheekha uga baryaynaa denbi dhaaf iyo derejo sare.

2.     Waxaanu cambaarayn iyo dhaleecayn u soo jeedinaynaa falalka foosha xun ee lagu ugaarsanayo laguna laynayo culumada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhammaan dadkii indhaha u ahaa bulshada.

3.     In shacabka iyo maamullada ka dhisan meelaha dadka lagu laynayo ay ilaaliyaan kuna hagoogtaan culumadooda iyo waxgaradka ay ugaarsanayaan dhagar-qabayaashu. Waxaa kaloo shacabka iyo maamulladaba ku waajib ah in ay isu kaashadaan sidii loo fashilin lahaa falalka noocan oo kale ahi inta aanay dhicin, haddii ay dhacaanna loo soo qabanlahaa denbiilayaashii falkaas geystey.

4.     In dadka magaca culumo xanbaarsan, ee soo saaraya fatwooyinka lagu bannaysanayo dhiigga shacabka iyo culumada iyo dadka wax-galka ah, ay Alle u toobad keenaan, kana laabtaan hadalladii horay uga soo baxay, ogaadaanna in ay iyagu qaadayaan masuuliyadda cid walba oo fatwadooda lagu dilo.

5.     In madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ay qaataan kaalintooda kaga aaddan islaaxinta iyo dhexdhexaadinta dhinacyada ku diriraya dalka, dhiigga daadanayana ay joojiyaan.

6.     In Qurba joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan reer UK, ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada dalkii ka taagan.

7.     Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay iyagu xalliyaan dhibaatooyinka dhexdooda ah, meeshana laga saaro faragelinta shisheeye, gaar ahaan waddammada deriska ah oo marwalba faragelintoodu dhibaatada sii kordhiso.

8.     Waxaan Allaah ka baryaynaa in uu addun iyo aakhiraba fadeexeeyo kuwii ka danbeeyey dilkii sheekha iyo culumadii iyo waxgaradkii ka horreeyey ee la laayey. Waxaanna Ilaahay ka baryaynaa in uusan cid sheekha ka danbaysa ku salladin.

9.     Ilaahay waxaanu Ummadda Soomaaliyeed uga baryaynaa inuu dhibaatada ka saaro, maslaxad iyo nabadna rabbu ku mannaysto.

culimida somaliland oo ka tacsiyeeyay dilka Dr. axmad xaaji
بسم الله الرحمن الرحيم

TAARIIKH: 06/12/2011

UJEEDO: BAAQ: TACSI IYO CAMBAARAYN

إنا لله وإنا إليه راجعون

ANNAGOO AH CULIMADA REER SOMALILAND EE MAGACYADOODU HOOS KU XUSANYIHIIN WAXAANU HALKAN KU SOO GUDBINAYNAA:

1. TACSI

WAXAANU UGA TACSIYAYNAYNAA EHALADII,QARAABADII, ASXAABTII,IYO UMADDA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE KU TIMID SHEEKH DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN, KAASOO SI FOOL XUN LOOGU DILAY MAGAALADA BOOSASO, ISAGOO KA SOO BAXAY SALAADDII SUBAX, SOOMAANAA, XAJKANA KA SOO NOQDAY. WAXAANAN ILAAHAY UGA BARYAYNAA INUU JANNADIISII FARDAWSA KU ABAAL MARIYO INTII UU KA BAXAYNA SABIR IYO IIMAAN KA SIIYO.

SHEEKHU WUXUU AHAA CAALIM WAYN OO KA MID AH CULIMADA SOOMALIYEED KUNA TILMAANAA ALLA KA CABSI, AKHLAAQ WANAAG IYO DHAWRSANAAN ISLA MARKAANA KAALIN MUUQATA KU LAHAA BAAHINTA AQOONTA ISLAAMKA, KANA MID AHAA AASAASAYAASHA, MACALIMIINTA IYO MADAXDA JAAMACADDA BARIGA AFRIKA.

2. CAMBAARAYN

WAXAANU SI KULUL U CAMBAARAYNAYNAA FALKAAS BAHALNIMADA IYO FULAYNIMADA LEH EE LAGULA KACAY SHEEKHA IYO DIINTA ISLAAMKA WAXAANAN ILAAHAY KA BARYAYNAA CIDII FALKAA GAYSATAY IYO CID KASTOO KU LUG LAHAYD AF IYO ADINBA IN ILAAHAY KASHIFO CIQAABKIISANA USOO DEDEJIYO.

3. BAAQ IYO BARAARUJIN

WAXAYNU WADA OGSOONAHAY KAALINTA CULIMADA IYO HALKA AY KAGA JIRAAN UMADDA, IYAGOO AH LAF DHABARTA UMADDA XAMBAARSANNA DHAXALKII NABIGA (N.N.K.H) , SIDAA DARAADEED DILALKA QORSHAYSAN EE LOO GAYSANAYO CULIMADU WAA DUMIN LA DUMINAYO DIINTA ISLAAMKA.

UGU DAMBAYN WAXAANU UGU BAAQAYNAA UMADDA GUUD AHAAN IN AY SI WADA JIR AH UGA HORTAGAAN CID KASTA OO BARTILMAAMEDSANAYSA HORMUUDKA UMADDA.

WAXA KALE OO AANU HALKAN SI KULUL UGA DHALEECAYNAYNAA FALKII FOOSHA XUMAA KA DHACAY TUULADA SAMEEL OO U DHEXEEYSA GEBILAY IYO BAKI, FALKAAS OO LAGU DILAY DAD BARI AH OO AAN WAXBA GALABSAN.

EHELADII IYO QARAABADII AY KA BAXEENNU WAXAANU ILAAHAY U WAYDIINAYNAA INUU SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO IYANA U NAXARIISTO.

DADKA DEEGAANKAASNA WAXA AANU UGU BAAQAYNAA INAY DULQAAD MUUJIYAAN OO ARINTA SI WADA JIR AH WAX LOOGA QABTO, SIDOO KALE WAXAANU UGU BAAQAYNAA DAWLADA INAY ARINTA GACAN BIR AH KU QABATO, GACAN KU DHIIGLAYAASHII XUMAANTAAS KA DANBEEYEYNA SI DEGDEG AH SHARCIGA LOO HOR KEENO.

Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
بسم الله الرحمن الرحيم

Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan

Taariikh: 10/Mux/1433

Ku aadan: 06/Dec/2011

Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed oo ahaa Caalim caan ka ah bulsha waynta Muslimka ah gaar ahaan Soomaalida ayaa waxaa loogu dilay magaalada Boosaaso si arxan darro ah asagoo salaadii subax ku soo tukaday masjidka Xasan binCaliisla markaasna soomanaa taasuucaa muxaram.

Haddaba culimada oo aad uga naxay dilkaas gardarro ayaa ka soo saaray baaq ay ku cambaaraynayaan dilkaas baaqaas oo u qornaa sida soo socota:

Waxay Culimadu cambaaraynayaan dilka loo gaystay Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed kaas oo ahaa dulmi iyo gabood fal wayn.

Waxay Culimadu u iftiiminayaan bulshada soomaaliyeed in dilka Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan uu xiriir toos ah la leeyahay shirkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee loogu magac daray badbaadada xarakada Shabaab, kaas oo ay ka qayb galeen Sh.Xasan Daahir Uways, Sh. Jaamac C/salaam Warsame, Sh.C/llaahi Raabi Kaahin, iyo Sh.xasan Max’ud Takar oo ahaa ninkii ugu hadal adkaa raggii halkaas ka hadlay sheegayna in Culimada Ictisaam ay mudanyihiin in umadda laga qabto maadaama Axmed Kayseba la dilay.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan guud ahaan bulshada soomaaliyeed in ay ka horyimaadaan dadka caadaystay dilka muslimiinta guud ahaan gaar ahaa dilka Culimada sida dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan umadda soomaaliyeed in ay garab istaagaan una gargaaraan Culimada wadda xaqa iyo maslaxadda Ummadda.

Waxay Culimadu uga tacsiyaynayaan guud ahaan ummadda gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii  dilkii Shiikh Axmed Xaaji C/raxmaan samir iyo iimaana kulligeen Allaah  ina ka siiyo.

Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuu ahaa la dagaallan cilmiga iyo xujada cad ee uu ku hubaysnaa, sidoo kale wuxuu ahaa dilkaasu indha ka ridid indhaha laga riday Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed in ay ka qunuudaan masaajidda oo la habaaro kuwii dilay, kuwii ka dambeeyay iyo cid walba oo xog ogaal ka ahayd in shiikha la dilo ama ka talisay  si ay if iyo aakhiroba u hoogaan.

Waxaan Allaah uga baryaynaa Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan in uu ka waraabiyo Jannada Firdawsa Qabrigana u waasiciyo, degaankiisana wanaajiyo Eheladii, qaraabadii iyo umaddaba uu baddal khayr qaba siiyo.

Ugu danbayn waxaan Allaah ka baryaynaa in kuwii soo abaaulay dilka shiikha iyo kuwii fuliyayba in  adduun iyo aakhiraba  Allaah uu ku ceebeeyo, ciqaab degdeg ahna  uu ka muujiyo.

Culimada saxiixay bayaanka.

Sh.C/qaadir Nuur Faarax

Sh.Daahir Aw-Cabdi

Sh.C/naasir Xaaji Axmed (Abu-Mux’ed)

Sh.Axmed-daahir Xasan Xuseyn

Sh.Xasan Xuseyn Axmed

Sh.Max’ud Xaaji Yusuf

Sh.Max’ed Macalim Axmed

Sh.Axmed C/samad Cabdulle

Sh.Xasan Max’ed Ibraahim (Abu-Xasaan)

10. Sh.Axmed Faarax Garaase

11. Sh.Yusuf C/casiis Max’ed

12. Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

13. Sh.Max’ed C/llaahi Xoosh

14. Dr.Max’ed Cabdi Aadan

15. Dr.C/qaadir Siciid Kawir

16. Dr.Jaamac Xaaji Warsame

17. Sh.Max’ed Jaamac Xaashi

18. Sh.Max’ud Faarax Bile

19. Sh.Dalmar Guureeye Kaarshe

20. Sh.Badar Xabiib X.Jaamac

21. Sh.Faarax Max’ed Cajab

22. Sh.C/raxmaan Aw-Ciise

23. Sh.Max’ed Max’ud Ciise

24. Sh.Max’ed Faahiye Ciise

25. Sh.Yaasiin C/llaahi Cali

26. Sh.C/raxmaan Max’ed C/llaahi

27. Sh.Axmed Cawaale Gaare

28. Sh.C/qaadir Yaasiin Max’ed

29. Sh. Cali Max’ed Cali

30. Sh.Axmed Yusuf Daad

31. Sh.Max’ed C/llahi Cabdulle

Culumada Kenya oo Bayaan Ka soo saaray dilkii Dr Axmed Xaaji
Shan iyo toban ka mida culumada Soomaaliyeed ee Kenya ayaa dilka Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan bayaan ka soo saaray. Culumadu waxay bayankooda ugu tacsiyeeyeen eheladii Sheekha, culmada iyo ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta oo dhan, waxayna sheegeen in Dr. Axmed lagu yaqaanay diin, dadnimo, fidinta diinta iyo daryeelka bulshada, Sheekhana waxay Ilaahay uga baryeen naxariis iyo janno. Dadkii gaystay falkaan fooshaxuna waxay ugu baaqeen toobad iyo inay isu soo dhibaan eheladii Sheekha inta aanay imaan qiyaamaha iyaga oo dhiig muslin qaba. Dadka u ololaynaya dilka culumada iyo waxgaradka ummaddana waxay ugu baaqeen inay Ilaahay ka baqaan, ayna joojiyaan marinhabaabinta dadka dambiyadaan gaysanaya. Bayaankii culumaduna wuxuu u qornaa sidaan:

Annagoo ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool waxaan qoyskii sheekha, culimada, ummada soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta uga tacsiyaynaynaa dilka xaq darrada ah ee loo gaystay Dr. Sh. Axmed X. C/Raxmaan. Sh. Axmed X. C/raxmaan waxuu ahaa nin lagu yaqaano diin iyo dadnimo, dadaal badanna ugu jiray fidinta dacwada iyo baridda cilimiga, iyo sidoo kale daryeelka bulshada.

Waxaan Allaah uga baryeynayaa inuu u naxariisto, Jannatul fardowsana ka waraabiyo, ehelkiisa iyo muslimiintana Sabir iyo iimaan ka siiyo.Waxaan ugu baaqaynaa dadkii ka dambeeyey dilkan foosha xun inay AIlaah u toobad keenaan isuna soo dhiibaan ehelka Sh Axmed X. C/Raxmaan inta aanay imaan

malinta qiyaamo ayagoo qaba dhiig Muslim.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dadka u ololeynaya ama fatwoonaya daadinta dhiigga culimada iyo waxgaradka ummada inay Allaah uga baqaan, joojiyaana marin habaabinta dadka dambiyadan gaysanaya.

Waxaan Shaki ku jirin in marnaba aan wanaag lagu helayn dabargoynta Culimada iyo waxgaradka dal iyo diin toonana aan loogu gargaarayni.Sidaas awgeed waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogto inay meel uga soo wada jeedsato ka hortaga falalka noocan ah iyo cid kasta oo wadataba meel kasta oo ay joogaan iyo magac kasta oo ay wataan.

Waxaa Bayaanka ku saxiixan culimada hoos ku xusan:

Sh. Maxamed Cabdi Umal

Sh. Maxamud Shible

Sh. Maxamed Cismaan

Sh. Maxamed Calasow

Sh. Shariif  Dawiil

Sh. M. Qaasim Maxamuud

Sh. C/Qaadir Boobe

Sh. Xasan Ashkir

Sh. Maxamed I Shakul

Sh. Maxamed Shaafici

Sh. Cabdi Mahad Maxamed

Sh. C/casiis Cajiib

Sh. C/Risaaq Adan (Jiir)

Sh. Adam Ahmed

Sh. Maxamed Nuur (Yamani)

Hay’adda culumada Soomaaliyeed oo tahniyad iyo baaq u dirtay ummadda
Hay’adda culumada Soomaaliyeed oo munaasabadda bilashada Ramadaan u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda muslimiinta ah tahniyad iyo baaq dhowr qodob ka kooban, tahniyadda iyo baaqa culumaduna wuxuu qornaa sidaan:

Tahniyad iyo baaq ku saabsan bisha ramadaan ee barakaysan

1- Hayadda culumada soomaaliyeed waxay shacabka soomaaliyeed iyo ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysaa bilashada bisha ramadaan ee barakaysan ,waxayna ilaahay ka baryaysaa in uu na waafajiyo dhammaan acmaasha uu raaliga ka yahay,gaar ahaan soonka maalintii iyo tukashada hebeenkii,nagana aqbalo.

2- Bisha ramadaan waa fursad qaali ah oo loogu tala galay in si fiican looga sahay qaato taqwada, naftana laga nadiifiyo waxa aan aakhiradeeda anfacayn,oo qabri iyo qiyaame dhibaya.

3- Waa bil, naxariista ilaahay fududeeyay, albaabadeedana furay marka hayaddu waxay soo jeedinaysaa in shacabka soomaaliyeed loo naxariisto lana soo af-jaro dhibka ay ka qayliyeen muslin iyo gaalba,oo ugu yaraan bishaan la siiyo fursad ay ilaahay ku caabudaan kuna baryaan, wixii mucaawano ahna ay helaan.

4- Ramadaankaan wuxuu ku soo aaday ayadoo ay jirto macluul baahsan,marka, Hayaddu waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo wax heli karta,gudaha iyo dibadaba,in kaalmo deg deg ah loo fidiyo shacabka soomaaliyeed ee musiibadu ku habsatay.

5- Hayaddu waxay soo dhawaynaysaa tillaabada ururka shabaabku ay ku aqbaleen in loo gargaaro shacabka soomaaliyeed, waxayna ka codsanaysaa in ay ku dhiiradaan tillaabada laga sugayo oo ah in ay u soo noqdaan ummadooda,kana qayb qaataan joojinta dabar-go’a ummadda ku socda .

6- Bishaan waa bishii towbadda iyo is-bedalka, waxaan isku dardaarmaynaa towbad hufan oo la xariirta xuquuqda Ilaahay iyo midda aadamiga.

7- Bishaan waxaa furan albaabada aqbalka ,marka waxaan soo jeedinaynaa in baryada la badiyo ilaahayna aad loo tuugo in uu faraj deg deg ah ummadda u furo.

Madaxa hayadda culumada soomaaliyeed

Sh. Bashiir Axmed Salaad

1/9/1432H-1/8/2011

Raabidada Macaahidda Sharciga oo muslimiinta u dirtay tahniyad iyo baaq
Raabidada Macaahidda Sharciga ee Soomaaliya iyada oo ku

faraxsan Ilaahayna uga mahadcelinaysa munaasabada bilashada Ramadaan ayay tahniyad

u diraysaa dhammaan ummadda muslimiinta ah meelay joogaanba, waxayna leedahay

muslimiineey noqda kuwii marba marka ka dambaysa Alle u sii dhawaada, khayrkana

u wada degdega, Ramadaana Ilaahay cibaadadiisa ha inoo ku dhammaystiro, sannadkaan

kiisa kalena khayr iyo barwaaqo ha ina ku wada gaarsiiyo.

Raabidada macaahidu iyada oo ka faa’iidaysanaysa munaasabaddaan

qiimaha badan waxay ugu yeeraysaa dhammaan muslimiinta gaar ahaan dadweynaha

Soomaaliyeed inay u wada kacaan kaalmaynta dadka walaalohood ah ee baahan gaar

ahaan dadka abaaruhu ku habsadeen, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa cid kasta oo

dadkaas gacansiisa inuu abaalmarin degdeg ah ku siiyo adduunka, aakhirana uu

ajarkeeda u laalaabo.

Munaasabada bilshada Ramadaan Raabidada Macaahidu waxay ugu

baaqaysaa culumada iyo ducaadda inay xoogsaaraan hanuuninta iyo wacyigalinta

dadweynaha gaar ahaan bisha Ramadaan oo ummadda quluubteedu xagga Alle u soo

jeedo, ayna si gaara ugu baahanyihiin cilmi iyo cibaado cilmi ku dhisan.

Si gaara Raabidadu waxay ugu dhiirrigalinaysaa maamulada, macallimiinta

iyo ardayda macaahida sharciga inay labanlaabaan dadaalkooda dacwadeed, xilgaarana

ay iska saaraan waxbarista iyo gacanqabashada dadka masaajidda aan horay u soo

galijirin ee Ramadaanka uun yimid iyo kuwa wali dibada ka joogaba.

Guddoomiyaha Raabidada Macaahida Sharciga Sh. Axmed Cabdisamad

01/09/1432 – 01/08/2011

Baaqa gunaanadka nadwada Gaalkacyo bisha Luulyo 2011
Cillad xagga internetka G/kacyo ah aawadeed,waxaa dhowaan soo gaaray shabakadda warbaahinta ee Somalimirror bayaan laga soo saaray nadwadii ka socotay masjidka Ramadaan ee magaalada G/kacyo oo lasoo gabagabeeyay habeenkii khamiisti dhoweyd ay soo galaysay, taariikhduna ahayd 20/07/2011 kaas oo ahaa kulancilmiyeedkii afraad ee cinwaankiisu ahaa: ”Ilaahay ka baqa oo waxa idin dhexyaal ka heshiiya”.

Muxaadarooyinka culimadu soo jeediyeen intii Kulancilmiyeedku socday waxaa ka mid ahaa: walaalnimada islaamka, khatarta qabyaaladda, xaaraanimada dhiigga muslimka, ka dheeraanshaha fitnada, islaaxa (heshiisiin) iyo qadarinta culimada.

Kulkancilmiyeedka oo muddo lix cisho ah ka socday masjidka weyn ee Ramadaan waxaa ka qaybqaatay qaar ka mida culimada magaalada iyo culimo ka timid magaalooyinka kale ee dalka iyo dibeddaba, waxaana ka mid ahaa Sh. C/qaadir Nuur faarax, Sh. Xasan Maxamed Ibraahim, Sh. Maxamuud Axmed xasan (Abu Sheyba), Sh. Axmed C/Samad iyo Sh. C/Qani Qorane Maxamed.

Intii kulan-cilmiyeedku socday culimadu waxay kulamo kala duwan la yeesheen ducaadda magaalada, maamulka gobolka iyo degmada Gaalkacyo, Isimada iyo cuqaasha, aqoonyahanka iyo qaar ka mida waxgaradka magaalada. Waxaa kale oo culimadu muxaadarooyin ka jeediyeen idaacadda Alxikma. Waxay kale oo ku qabteen masjidka Ramadaan dowro (Seminar) ku saabsan guurka iyo islaamka. Waxaa soo xaadiray duruusta dadweyne farabadan oo rag iyo dumarba leh, waxaana ka qaybqaatay baahinta duruusta kulancilmiyeedka seddex ka mida idaacadaha Gaalkacyo oo ay si toosa uga la socotay ciddii masjidka imaan kari weyday.

Gabagabadii kulancilmiyeedka culimadu waxay soo jeediyeen baaq ka kooban 20 qodob oo ay kaga hadleen arrimo farabadan oo aad muhiim u ah, wuxuuna u qornaa sidaan:

بسم الله الرحمن الرحيم

Baaqa gunaanadka kulancilmiyeedka Gaalkacyo 2011

Allaah baa mahad oo dhan iska leh, nabadgalyo iyo ammaanna nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ka raacda tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Intaa ka dib waxaan naftayada iyo dadkayagaba u dardaarmaynaa ka dhowrsashada Alle iyo cabsidiisa goor iyo ayaanba.

Ujeeddada kulankan

Ujeedooyinka kulan cilmiyeedkaan loo qabtay waxaa ka mid ah:

b) In culimadu gudato xilka weyn ee Ilaahay ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta ummadda.

t) In dadweynaha Soomaaliyeed loo soo bandhigo aragtiyo ku qotoma diinta Alle oo iftiiminaya sida loo xallin karo dhibaatooyinka haysta ee saameynta foosha xun ku yeeshay qaab nololeedka iyo hab fikirka bulshada intaba.

j) In dadka loo tilmaamo in ay yeeshaan doonis iyo rabitaan dhab ah oo ay ku doortaan sida wanaagsan ee Ilaahay la rabo ee ay ku jirto maslaxaddooda adduun iyo aakhiro.

• Baaq guud

1) Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay Ilaahay u noqoto, ayna ka toobad keento dhammaan danbiyadii sababay hoos ugu hoobashada heerka liita ee ay Soomaali maanta marayso.

2) Waxaan ugu baaqaynaa Soomaali inay midoobaan, si wadajir iyo kali kali ahna u qabsadaan xarigga Ilaahay oo ah kan kaliya ee ay ku badbaadi karaan, ayna xeer ka dhigtaan ku dhaqanka shareecada islaamka: heer qof, heer qoys, heer qabiil, heer bulsho iyo heer dawladeedba.

3) Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraynaa in ay ka waantoobaan dagaalada sokeeye ee halista ku ah diintooda, jiritaankooda, dadnimadooda iyo midnimadoodaba, dagaalladaas ha ahaadeen kuwo Siyaasadeed, kuwo Qabyaaladeed, annagoo bulshada ku adkeyneyna in ay ka korto dhaqanka is-gumaadista iyo is-barakicinta, khilaafaadka dhexyaalna ay ku xalliyaan wadahadal daacad la isaga yahay Islaamnimaduna saldhig u tahay, taas oo keeni doonta kalsooni, walaalnimo, iskaashi iyo midnimo.

4) Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa ilaalinta amniga iyo wax walba oo kaalmo u ah xasilloonida, annagoo ogeysiineyna in dhulku ku filan yahay haddii amni jiro, haddii la waayana aanan lagu wada noolaaneyn.

5) Waxaan ogeysiineynaa dadkeenna xuquuqda walaalnimo ee Ilaahay ka dhexeysiiyay, annagoo ugu baaqeyna in ay baadi doonaan walaalnimadoodi dhaawacantay, ayna garwaaqsadaan in la waayay wax loo dhigo in ay walaalo ahaadaan.

• Culimada

6) Waxaan ugu baaqeynaa culimada Soomaaliyeed in ay ku midoobaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. gutaanna xilka Ilaahay ka saaray bayaaninta xaqa iyo dhibaato ku xallintiisa, una weelqaadaan isu soo dhoweynta, dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta beelaha, kooxaha iyo maamullada dagaallamaya ee dhiilladu ka dhex aloosan tahay.

• Madaxda qabaa’ilka

7) Waxaan madax dhaqameedka qabaa’ilka ugu baaqeynaa Alle ka cabsi, iyo in ay si dhab ah qabaa’ilka ugu maamulaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara ka fogaanshaha Alle iyo ehelka ay deriska yihiin, deegaankana wadaagaan.

• Beelaha diriraya

Waxaan ugu baaqaynaa beelaha walaalaha ah ee is leynaya annagoo Ilaahay ku dhaarineyna in ay si deg deg ah ku joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay sida xaqdarrada ku daadinayaan, gaar ahaan qabaa’ilka ku dagaallamaya gobollada Koofurta Mudug & Galgaduud, Karkaar iyo Bari.

• Aqoonyahanka

9) Waxaan ugu baaqeynaa aqoonyahanka iyo qalinleyda Soomaaliyeed in ay aqoontooda wax ugu qabtaan dadkooda ee aysan noqonin gudin lagu jaro dadkooda iyo dalkooda, annagoo xasuusineyna in ummad walba ay wax ku tahay inta u kacda iyaguna ay yihiin ubadkii Soomaali u kacay.

• Ganacsatada

10) Ganacsatada iyo maalqabeenka waxaan ugu yeereynaa in ay dhaqaale muuqda ku bixiyaan danaha guud ee bulshadam sida: waxbarashada, caafimaadka, nabadgalyada iyo daryeelka danyarta iyo dadka tabaaleysan ee walaalahood ah, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo gaajada.

• Dhallinyarada

11) Dhallinyaradu waa awooddii ummadda, ummad walbana mustaqbalkeedu wuxuu ku xidhan yahay Alle ka sokow kaalinta wanaagsan ee dhallinyaradeedu qaadato, sidaa aawadeed waxaan dhallinyarada ugu baaqeynaa:

b) In ay ku dadaalaan barashada diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda iyagoo diinta ka qaadanaya culimada sida dhabta ah u taqaan, kuna dhaqanta

t) waa inay ka digtoonaadaan in ay qeyb ka noqdaan dagaallada sokeeye ee dalka rogay, haddey yihiin kuwo leh magac qabiil, magac kooxeed iyo magac diimeed

j) In ay ka dheeraadaan dhaqannada doolka ah ee duminaya dadnimadooda iyo anshaxa islaamnimo ee bulshadeennu ku dhaadato

• Dumarka

11) Dumarka Soomaaliyeed oo ah madrasada jiilasha oo duullaanno ad-adag oo meelo fog fog laga soo qaaday ay ku wajahan yihiin waxaan ugu baaqeynaa:

b) In ay Ilaahay ka baqaan diintoodana bartaan kuna dhaqmaan si ay u gaaraan raalli ahaanshaha Rabbi ee lagu helo harumar adduun iyo mid aakhiro intaba.

t) In ay ka digtoonaadaan shirqoollada cadowga Islaamku u maleegayaan dumarka ee loogu suurad xumeynayo diinteenna xaniifka ah ee uu Alle galiyay sharafteenna.

j) In ay xil adag iska saaraan barbaarinta iyo tarbiyeynta ubadka si ay berri u noqdaan kuwo qaada xilka diineed iyo ummadeed.

• Maamullada

12) Waxaan ugu baaqaynaa dadka masuuliyadda Ummadda haya in ay Ilaahay uga cabsadaan ummaddooda, danta ummadana ay ka hormariyaan danahooda gaar ahaaneed, ayna ogaadaan in aakhiro lagala xisaabtami doono xilalka ay hayaan.

• Dhinacyada isku maandhaafsan siyaasadda Soomaaliya

13) Maamullada dalka ka dhisan iyo ururrada hubeysan ee ay siyaasadda isku hayaan waxaan ugu baaqeynaa annagoo Alle ku dhaarineyna:-

b) In khilaafka ka dhexeeya ay ku dhammeeyaan wadahadal, is afgarad iyo isu tanaasul.

t) In dalku waa deeqaaye ay dad & deegaanba nabad u ogolaadaan, xil & xulquun wixii ay isku hayaanna ay si cadaalad ah u qeybsadaan, shacabkana xaqooda iska dhowraan.

j) In ay ka digtoonaadaan in loollankooda foosha xun uu sababo in lagu waayo jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

• Dilalka qorshaysan

14) Waxaan ka digeynaa dilalka qorsheysan ee halakeeyay amniga iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah, ha ahaado mid loogu marmarsooday diin, siyaasad ama qabiil, annagoo caddeyneyna in uusan dhaqan islaam iyo mid Soomaaliyeed toonna aheyn, Ilaahayna aan loogu dhowaan dilka qof muslim ah oo aan muteysan in la dilo, dadka falalkaas ku lugta lehna waxaan xusuusineynaa in Ilaahay weydiin doono waxa ay ku banneysteen xurmada kalimada tawxiidka.

• Burcad badeedda

15) Waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa ka hortagga burcad-badeedda dhibaatooyinka faraha badan u soo jiiday dalka, diinta, dadka iyo sharaftaba, lana hor istaago anshax xumada iyo fusuqa ay dalka keeneen burcaddaasi, sida: daroogada, zinada iyo dhaqandoorinta. Waxaa kaloon caddaynaynaa in ay xaaraan tahay in lagula macaamilo burcad-badeedda xoolaha boolida ah ee ay soo dheceen.

16) Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay dhinac uga soo wada jeedsato ilaalinta iyo badbaadinta dhulka, biyaha iyo kheyraadka dalka, cidkastaana ay xilkaas ballaaran ka qaadato kaalinta ay ku leedahay, annagoo si gaar ah farta ugu fiiqeyna in ay bulshadu ka feejignaato damac-xumada ay dowladda Kenya wali ku dooneyso in ay la wareegto qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed iyo kheyraadka ku jira intaba.

17) Waxaan bulshada uga digeynaa khataraha kasoo fool leh maraakiibta fadhida biyaha Soomaaliya ee marmarsiiyada ka dhiganaysa la dagaallanka burcad badeedda, geysateyna dhibaatooyin badan oo lasoo darsay bay’ada, isla markaana hordhac u ah mowjado cusub oo shirqool oo shisheeyuhu ku doonayaan in Soomaaliya aysan cagaheeda isku taagin.

• Mukhaadaraadka

18) Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u caddeyneynaa xaaraamnimada wax walba oo maanka dooriya, sida qaadka, khamriga, xashiishka iwm, annagoo ugu baaqeyna dadka ku ibtiloobay maandooriyeyaashaas in ay Ilaahay uga towbad keenaan iskana daayaan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maamullada dalka ka dhisan in ay mamnuucaan ka ganacsiga iyo isticmaalka mukhaadaraadkaas ay diintu xarrimtay.

• Gurmadka abaaraha

19) Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka Ilaahay ku galladystay maalka in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaraha ba’ani nugleeyeen ee kasoo qaxay deegaannadii ay ku dhaqnaayeen kadib markey xoolihii dhaafeen, gaar ahaan deegaannada aan helin roobabkii guga sida Bay, Bakool & shabeellaha hoose iyo kuwa la midka ah. Waxaan ku baaqeynaa in loo xoologooyo dadkaas qoys walbana biilkiisa bar ka siiyo dadka tabaaleysan.

20) Shucuubta muslimiinta waxaan ugu baaqeynaa inay walaalahooda Soomaaliyeed lasoo gaaraan gurmad isugu jira mid muuqda iyo mid mooral, iyagoo ugu turaya tixgalinayana walaalnimada diineed ee Ilaahay ka dhexeysiiyay iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed ee dabargo’a halista u ah.

Gabagabo

Waxaan Ilaahay ka tuugeynaa in uu ummadda Soomaaliyeed ka tawbad aqbalo kana dulqaado dhibaatooyinka ragaadiyay ee dad iyo duunyaba halakeeyay, isaga ayaa wax walba awoodee.

Culimada bayaanka saxiixday:

1. Sh. C/qaadir nuur Faarax

2. Sh. Maxamed Macallin Axmed

3. Sh. Maxamuud Axmed Xasan (Abu Sheyba)

4. Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu xassaan)

5. Sh. C/risaaq Warsame Fiqi

6. Sh. Mahad C/laahi Maxamed

7. Sh. C/qani Qorane Maxamed

8. Sh. C/wali Axmed Muuse

9. Sh. C/casiis M. Cali M. Axmed

10. Sh. Axmed C/samad