Somali Mirror » SomaliMirror

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qore: M’ed Daahir Afrax
QORMADII 2aad una dambaysay

“Soomaaliyeey ogow, isma leh sida aad moodi iyo waxa lagula damacsanyahay. … waxaa la rabaa gob adoo ahaan jirey oo garaad lahaan jirey in lagaa dhigo duunyo la ugaadhsado iyo midiidin lagu adeegto oo iyagu isa soo garba-duuba.”

(Dr. Cumar Cusmaan Raabe, Soomaaliyeey Halkee baad ku Socotaa?, Paris, 1989)

“Tulud geela oo dhacan baad

Toogasho u bareedhaane

Ma dhuklkaan dhan oo tagey baan ninna dhagax u tuurayn!”

(Cali Mire Cawaale, 1947)

“Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Anigaa damqanayee dheguhu uma daloolaane.”

(Cabdillaahi Suldaan Timacadde, 1966)

“Kama daalo qayr-sheeg dadkuma igama qaataane.”

(Abshir Nuur Faarax (Bacadle, 1993)

Afeef

An ku bilaabo eray afeef ah. Nin saaxiiibkay ah oo akhriyey qormadii koowaad ee qoraalkan ayaa shakhsi ahaan wuxuu ii soo gaarsiiyey (Allaha ka abaal-mariyee) falcelis  uu igu dhaliilayo qoraalkayga inuu ka muuqdo xanaaq ama caro badan iyo qiiro waddaniyadeed oo beri hore Soomaalidu ka wada tagtay. Waan fahmay inuu i leeyahay waxaad tahay hor-u-jeed aan waqtiga la socon ama dantiisa aqoon! Waxaan malaynayaa in badan oo idinka mid ah inaad saaxiibkay dhaliishaas la qabtaan. Anna maba dafirayo ee waan qirsanahay. Hayeeshee wax bay i xasuusisay.  Dhaliishaas la leeyahay maxaad caro u muujisay waxay i xasuusisay buug-yare caraysan oo aan beri dhaweyd akhriyey. Waa buug dunida gilgilay sannadkii dhammaaday (2011), raad-reebkiisiina weli meelo badan ka socdo. Magiciisu waa Indignez-vous! Waa af Faransiis micnihiisu af-Soomaali ku noqonayo “Ka kaca oo ka Damqada waxa Dhacaya!”. Waxaa qoray Stephane Hessel oo ah waayeel Fransiis ah, 93-jir ka mid ah dadkii u soo halgamay xoraynta Faransiiska dagaalkii labaad ee dunida, ka dibna noqday diblomaasi sare. Buug-yaraha Hessel (dhawr iyo soddon bog) wuxuu xambaarsan yahay dhambaal aad u xanaaqsan. Wuxuu ku kicinayaa dhallinyarada Faransiiska Iyaguna markiiba way la boodeen kuna hawlgaleen. Waxay ku tallaabsadeen bannaanbaxyo waaweyn oo dalka wada gilgilay. Faransiiska kuma koobnaan balse caradii dhambaalka Hessel waqti yar gudihiis ayay waxay dunida  ugu fidday sidii caws dab galay. Dhawr iyo tobankii bilood ee u dambesey dalal badan oo ku yaal Yurub iyo Ameerika ayaa waxaa gilgilay dibad-baxyo caraysan oo dhallinyaradu hormuud ka ahayd. Dalalkaas waxaa ka mid ah Faransa, UK, Spain, Giriig iyo Maraykanka. Waxaa is qabsaday gadood aan kala go’ lahayn oo lagaga horjeedo gabood-falka maal-qabeenka iyo shirkadohooda jaheeya go’aannada dowladaha. Tusaale waxaa ah Maraykanka oo ay cirka isku shareertay xarakadda la magac-baxday “Occupay Wall Street – OWS” (Qabsada Wall Street!”, taas oo kumaankun oo caraysan ay qabsadeen New York xaafaddeeda Wall Street ee ah saldhigga ugu weyn ee lacagta adduunka. Kacdoonka taariikhiga ah ee ka qarxay dunida Carabta, wajigeediina beddelay, ayaa asna qayb ka ah, weliba qaybta ugu weyn ka ah, kacdoon-weynahaas caraysan ee dadyowga dunidu ku muujiyeen inuu ka dhammaaday dulqaadkii ay ugu dhabar-adaygayeen xaaladaha jira (status quo).

Buug-yarihii la magac-baxay Indignez-vous (Ka Damqada!)  muddo aad u gaaban ayuu wuxuu safka hore ka galay buugaagta dunida loogu iibsiga badanyahay (best sellers). Faransiiska oo keliya ayaa bilo kooban gudohood waxaa lagu iibsadey wax ku dhow laba milyan oo nuqul. Durba waxaa lagu tarjumey in ka badan afartan luqadood, ilaa afafka Shiinaha iyo Jabbaan. Yaan loo qaadan inaan leeyahay kacdoonnadaas oo dhan buuggan ayaa ka dambeeyey. Dabcan kama wada dambeyne sababo kalay lahaayeen, qayb ayuuse ka qaatay.

Buuggan yar dhambaalkiisu in kastoo uu kululyahay haddana aad buu u kooban yahay: dhallinyarada ayuu ku leeyahay, ha iska daawanina ee ka damqada oo diida dulmiga iyo gabood-falka ay ku kacayaan waxa uu ku magacaabayo maal-qabeenka damaca waalan ee awoodda ku keliyeystey, kuwaas oo aan cidna u arxamayn, kuna tumanaya qiyamkii aadminimo ee ay seeska u dhigeen facii hore. Waxa uu ka xanaaqsan yahay waa arrintaas oo ula muuqatay inay mustaqbalka halis ku tahay xasilloonida dalkiisa. Dhallinyarada ayuu wuxuu kala dagaallamayaa is-moogeysiinta (indifference), micnaha inuu qofku marka uu arko wax laga xumaado iska ag maro asagoo ku fekeraya “waxba kama qaban kartide danahaaga ka raaco!” Galka buugga waxaa ku sawiran oday aad u da’weyn, umal iyo ciil la qarxaya, kor u haya oo la ordaya calanka Faransiiska oo ushii ka dhacday. Dalkiisa ka sokow, Hessel asagoo Yuhuudi ah, da’daasna jooga ayuu wuxuu ka gubanayaa, oo si caro badan ay ku jirto farta ugu fiiqayaa dulmiga Dowaldda Israaii’l ku hayso dadka reer Falasdiin.

Arrintan waxaa i xasuusiyey is-garab-dhig uur-gobyo leh: waxaa igu soo dhacday is-weyddiintan:, damqashada damiirka nool haddii ay fadhi iyo aamus u diiddey saddex-iyo-sagaashan-jir Faransiis ah, ku abtirsada quwad caalami ah oo awood badan (Yuhuud), ka dhashay dal weyn oo hore u maray, shakhsi ahaan aan wax welwel ah ka qabin inta yar ee noloshiisa ka hadhay, waxa keliya ee uu u baahan yahay ay ahayd inuu iska nasto; ninka da’daas jooga, duruuftaasna ku sugan haddii uu damiirkiisu ku dhaqaajiyey inuu “damqado”, inuu ka dhiidhiyo wax asaga dulmi ugu muuqday, inuu caro la qarxo, furka tuuro, dadkiisa kiciyo, da’yarta u qayla-dhaamiyo, dhawaaq dheer ku yiraahdo “Indignez-vous – Ka kaca oo ka Damqada waxa Dhacaya!”;

ninka caynkaas ah – waxa uu ka gilgishayna ay noqonayaan wax yar marka la garab dhigo waxa annaga na haysta – haddii laga garaystay inuu caro la qarxo, haddii dadkii uu la hadlayey ay dhambaalkiisii dhabarka u riteen, dhakhso ugu hawl-galeen, la dhiidhiyeen, ku dhiirrigaliyeen, ku abaal-mariyeen magac can-baxay iyo maal uusan fileyn; halka ilaa xadkaas laga garaabay caradii ninka tilmaantaas leh, tolow xaq ma tahay in la garaysan waayo ama lalaba yaabo carada yar ee laga dhadhansaday qoraalkayga, anigoo ah Soomaali maanta jooga? Gar ma tahay in la igula yaabo maxaad uga xanuunsatay gurracnaanta iyo gabood-falka sababay burburka iyo halaagga godka dheer ku ridey dalkii aad u dhatay iyo dadkii aad ka dhalatay? Hadduu Hessel ka aamusi kari waayey xaq-soorla’aanta inta awoodda lihi kula dhaqamayaan dadka intiisa kale, sidee Soomaali damiir damqada leh looga fili karaa inuu ka aamuso damiirlaaweyaal Soomaaliyeed iyo dulmi-ku-nool shisheeye oo isu kaashaday xuma-fal geeri iyo gunimo dhaxalsiiyey ummad ahaan jirtey qaran dowlad ah oo dunida sharaf ku leh!  Soomaali iska daaye sidee  bini-aadmi damiir leh uga damqan waayaa ummad dhan oo dil lagu xukumay, qori la isugu dhiibay, waagii beryaba kumaan-kun xabbad iyo silic u dhimanayaan, dhallaankeedii mustaqbal-la’aan la dhigay, magaceedii la dilay, dhulkeedii la kala googoostay, khayraadkii ku jirey la xaalufiyey, bad iyo birriba si arxandarro ah loo bililiqaystay, wixii harsan la sumeeyey, iimaanlaawihii fursad helaa ka  iibinayo cadow soo qamaamay, intii kale iska daawanayso, iska qoslayso, TIIH iyo walaahow ku maqantahay, kii hadla afka la goosanayo, hadduu yiraahdo “naf-difaacu waa xaq” lagu qoslayo. la oranayo dan kaluu ka leeyahay!  Waa nasiibdarro  aan dunida meel kale ka dhicin!

Haddaba, waa afeeftiiye, waxaan ku afeefanayaa, yaan qalad la iga fahmin. Yaan loo qaadan ujeeddada qoraalkani inay tahay kicin, sida buugga odayga Faransiiska ah. Asagu wax buu isku hallaynayey. Wuxuu sii garanayey inay dadkiisu si fudud ula fahmi doonaan waxa uu ka hadlayo. Qoraalkan yar ee aan halka ku xar-xarriqayo ujeedkiisu ma aha Kicin balse waa ku-baraarujin. Waa xog-tabin iyo xanuun-cabbir aan u arko xaq iyo waajib, xaq aan u leeyahay naf-difaaca ummaddayda iyo waajib-gudasho an ku yar-qaboojinayo dareenkayga holcaya iyo damiirkayga i hawlaya. Ujeeddada saddexaad waa u-hiillin xaqiiqda dadka laga indha-saabayo. Mid afraad, oo taa saddexaad ku lammaan, waa ka-run-sheegga taariikhda ay berri akhrin doonaan da’da soo koraysa, da’daas oo u baahan, xaqna u leh inay fahmaan xaqiiqda wixii ku dhacay dalkii ay u dhasheen iyo dadkii ay ka dhasheen, in lagu caawiyo inay helaan xaqiiq ay ka tilmaan-qaataan; xaqiiq ka badbaadisa taariikh la been-abuuray oo ka sii lumisa tubtii ay ku badbaadi lahaayeen.

Abwaannada an erayadooda kor ku xusay ayaan waxaan la wadaagaa dareenkaas ay waqti dheer ka hor kaga cabanayeen adduun-aragga dadkeenna oo weliba waayadaas si weyn uga sarreeyey halka uu maanta yaal. Waa dareen ku dabraya. Waxaa dabraya tuhun an malaynayo dadka Soomaaliyeed ee akhrin doona ama ka war heli doona qoraalkan in ayan tiro ahaan badnaan doonin tayo ahaanna badantahay inta maskaxda laga haysto. Dhinac waxaa ka haysta marin-habaabinta lagu hoosaasinayey muddo ka badan 20 sano. Dhanka kalena kalena waxay u af-duuban yihiin adduun-arag ay hagayso caaddifad qabyaaladeed oo dabool weyn saartay diiraddi caqliga iyo dareenkii waddaninimo. Halka dadka kale akhriyaan, qiimeeyaanna xogta iyo fikradaha, annaga Soomaalida ah waxaan akhrinaa oo keliya qofka qoray waa qolamma? Nasiib-darro, Soomaaliyi maanta waxay maraysa heer faragalinta ajnabiga iyo duullaanka ciidammada shisheeye  loogu kala qaybsamo dareen qabyaaladeed, qolo soo dhaweysa iyo qolo ka qaylisa oo labadaba waxa hoggaaminayaa ayan ahayn shucuur waddaniaydeed balse ay tahay xintan qabyaaladeed! Marka loo gashado muraayadda noocaas ah maqaalkan iyo qorihiisu waxay noqon doonaan “hal laba-midigle dheelmay dhanna uma fayooba”. Balse an rajeeyo inuu noqdo mid dood fura, dood ka soo maaxatey maskax fayow iyo indho furan, indho u fiirsaday wixii hareereheenna ka dhacayey labaatankan sano, dood diiradda saaraysa sama-talis iyo xal-doon. Waan ogahay inaan qaldami karo waana soo dhaweynayaa wixii sixitaan iyo toosin ah.

Qayla-dhaan

Qormadii 1aa  ee qoraalkan waxay xambaarsanayd xog-warran bixinaya digniin culus. Xog-warran dadka Soomaaliyeed ku baraarujinaya inuu farahooda ka sii baxayo dhulkii ay lahaan jireen. In laga gaarey go’aan ah “tashan mayside waa laguu talin!”. Talada laguu hayaana waa xukun dil ah oo laguu qariyey. Dil lagu xukumay qaranimadii Soomaaliya iyo gobanimadii Soomaalida!  Waa xukun si qarsoodi ah loo gaarey in khariidadda ama maabka quruumaha laga saaro dalkii loo yiqiin Soomaaliya. Dadka “Soomaali” loo yaqaanna cawaaqibkoodu ku dambeeyo tilmaantii uu rubuc-qarni ka hor sii oddorosay filosoofka reer Jibuuti Dr. Cumar Cusmaan Raabe, tilmaantaas oo ahyd “midiidin lagu adeegto oo iyagu isa soo garba-duuba” (kor ka eeg).

Digniintaasi ma ahayn belo-sheeg aan anigu iska male-awaalay. Waxay ahyd xaqiiq ka dhex bidhaantay xog fara badan oo aan soo ururiyey, ka dibna soo bandhigay. Qormadaas koowaad waxaan ku soo bandhigay qoraallo xog-ogaal ajnabi ah iyo caddayno muujinaya inuu jiro go’aan sir ah oo ay mar hore meel dhigteen quwado shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa ay maanta gacanta ugu jirto taladii Soomaaliya ee mar hore ka baxday gacanta Soomaalida.

Xogtaas iyo qoraalladaas ay ku caddahay qorshahani inuu yahay mid dhab ah oo jira, waxaan tusaale uga soo qaadannay dhawr lagu faafiyey saxaafadda Keenya ayna qoreen aqoonyahanno iyo xog-ogaal isugu jira Maraykan iyo Keenyan. Waxaan soo xiganey qoraalkii ay jariidadda afka dheer, The East African (30 October 2011 ) ku magacawday “Grand Strategy”, qorshe-weynaha ay Soomaaliya ku qaybsanayaan dalalka la dariska ah oo ah Keenya iyo Itoobiya (eeg qormo 1). Waxaan kaloo qormadii koowaad ku soo bandhignay faahfaahin qayaxan oo ay isla qorshahaan hore uga bixisay jariidad-qarameedda Keenya, Daily Nation (4 October 2008). Waxaan tilmaannay maqaalkii qareenka reer Keenya Donald Kipkorir uu ku tiiq-tiiqsanayey sida ay muhiim u tahay una fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya kala googooyaan ka dibna kala qaybsadaan dhulka Soomaaliya, marka ay gacanta ku dhigaanna iyaga iyo quwadaha waaweyn ee la saaxiibka ah inay iska kaashadaan la-soo-bixidda iyo ka-faai’deysiga khayraadka dabiiciga ah ee uu hodonka ku yahay dhulka Soomaaliyeed. Quwadaha uu tilmaamay, sheegayna inay arrintan gacan ku siinayaan waxaa hormuud ka ah Maraykanka.

Qoraal kale oo aan tix-raacnay wuxuu ahaa kii qorshe-weynahan iyo cawaaqibka ka dhalan doona uu ku falanqaynayey Prof. Michael Weinstein (Kenya News 24, 14/11/11) oo ah hormuudka khubarada Maraykanka ee dasa siyaasadda Soomaaliya, ahna barfasoor culuunta siyaasada ka dhiga JaamPurdue ee Maraaykanka. Warbixintaas Dr. Weinsten wuxuu hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya (Itoobiyana ka daba gashay) ku tilmaamay inuu yahay bilowgii fulinta qorshahaas lagu qaybsanayo dhulka Soomaaliya, laguna soo af-jarayo qaranimadii Soomaalida. Wu

Ma gar bay idin la tahay? 1aad Qalinkii: Murriyo Cali Max’ud
Ugu horrayn waxaan idiin sheegayaa waxaan ahay qof  soomaaliyeed oo ku nool gobolka bari, waxaan aalaaba akhriyaa qoraallada la soo galiyo mareegaha ku ab tirsada baraarugga islaamka soomaaliya, waxaan in badan is waydiiyay dadka mareegaha  qaarkood wax ku qoraa waa ilma ayo, yaa dhalay, xagee lagu dhalay?, dhalmada ulama jeedo tii dhabta ahayd iyo haybtii abtirka aabayaal iyo awoowayaal, waxa aanse ula jeedaa goormay wadaaddo noqdeen, madarasadee ayay ku abtirsadaan, yayse hadda u shaqeeyaan?.

Dhab ahaan intuba waa su’aalo u baahan in si fiican loo dhuuxo, aad iyo aadna loo lafo guro, loona helo jawaabo ku filan in la ogaado dunta iyo  macdanta dadkaas iyaga ah, waxay culimdu yiraahdaan لولا السند لقال من شاء ما شاء ) ( haddaan sanadku jirin qof walbaa wuxuu oran lahaa waxa uu doono, sanadkuna waa abtirka cidda hadalka oranaysa si loo kala hufo warka dadku ay sheegayaan oo midna u noqdo mid nabad galay oo caafimaad qaba midna mid balaysan oo xanuun ka muuqdo, waa wax ay aad u yaqaannaan Culimada xadiisku.

Waxaan is waydiiyaa dadkaani waa summad laawayaal astaan ka dhigtay Abu-hebel, waa waxa luqadda afka carbeed loo yaqaan (كنيه) oo ah in la yiraahdo hebel ama heblaayo aabihiis/aabeheed ama hooyadiis/hooyadeed, waa halka soomaalidu ka jeceshahay ina hebel ama ina´hebel oo gabar ah, laakiin haddii kunyada aan soo sheegay oo ay carabtu jeclayd, Islaamkuna sunneeyay ma lagu kaaftoomi karaa haddaan la aqoon abuugaas ama ummudaas haddii aan la helin aqoon dhamays tiran oo ah mid haybeed, mid dhaqan iyo akhlaaqeed iyo waliba mid caqiidaba, waxay ila tahay in qof walba oo aqoon leh mid diineed iyo mid kaleba in ay jawaabtu tahay maya laguma kaaf toomi karo.

Waxaa intaa ka sii daran waxay ka warramayaan taariikh waxayna oranayaan anigu goob-joog ma ahayne saas ayaa warku igu soo gaaray, haddaan khaldanahayna waa lay sixi karaa, hadalkaas waxaa yiraahda dad badan oo nooca aan ka warramaya ah waxaase la yiri mayd maxaa u dambeeyay saa la yeen kaas la sii sido bal oraahdaan ka eega awga isku naanaysay Abu-Ibraahim ee leh qormada uu ugu gar naqayo Culimo uu u kala bixiyay Culimada Al-shabaab iyo Culimada Al-ictisaam, oo waa yaabe haddii aanay hubin warka ay sheegayaan may soo hubsadaan illeyn Hubsiino hal baa la siistaaye, (كفى بالمرء إثما أن يقول بكل ما سمع) waa oraah laga soo guuriyay Nabigeenna Muxamad ah Salawaatullaahi wa salaamuhu calayhi, macnaheeduna yahay waxaa qofka dambi ugu filan inuu sheego wax walba oo uu maqlo, waxa aanse is leeyahay waxaanu waa baroortu orgiga ka wayn, una malayn maayo  xitaa haddii la saxo in qaarkood ay qaadanayaan.

Sidoo kale waxa ugu horreeya ee ay duminayaan waa Culimadii laga soo aflaxay ee dadka soomaalida ah baray Tawxiidka, ku dhaqanka Qur’aanka iyo Sunnaha, Xijaabka, Akhlaaqda toosan iyo u hardanka in loo hardamo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, gaar ahaan waxay aad ugu dadaalaan inay maryaha ka dhigaan madarasada Salafiga ah Culimadeeda.

Waa yaabe waxay wax walba ka dhalaalinayaan cayda culimada. Waa yaab iyo amakaag markaad akhridid iyagoo mareegahooda ku soo qoraya “gaal fahmay dhagarta lagu hayo muslimiinta iyo Culimada Ictisaam oo gaalada wali daba ordaya”, waxa aan anigu u qaatay in ay tahay hawl ay ka wada shaqaynayaan qofaf, kooxo iyo dawlado, maxaa yeelay kuwaan aan ka hadlayo iyo Gaalada kuwooda sameeya ra’yiga waxay isku waafqsan yihiin in madarasada Salafiga ah ama waxa ay ku naanayseen wahaabiisimka in ay isku si ula wada dagaallamaan.

Waa yaabe maxaa isku hawl ka dhigay ayagoo isu muujinaya inay dirirsan yihiin! bal adba, hadii aysan ahayn sidii ninkii habartu lagaddey ee yiri anoo gunti xun, meeshoo sibsib ahayd iyo habartoo sinsaaryo taqaannay ayaa kulmaye habartu ima lagaddeen, hadda gaaladii oo wahaabiisimka la dirirsan iyo abuuyada oo wahaabiisimka mujaahidiinta ka difaacaya ayaa kulmay malaha.

Intaba waxaa igala yaab badan Abuuyadu iyagoo Halkable miiran ah ayay suugaan isla soo mutuxaan ay gabay u wada baxsheen bal dhagayso mid yiri saar baan tirinayaa laakiin bayd toosani uusan ku jirin marka laga reebo baydka rakaadda ah ama dhextaalka ee ah ma maqasheen maalmahaan, ma aragtay Abuu-Faadumo oo isna yiri tixbaan tirinayaa mise waa mid jaban iyo mid jiis ah, laakiin Cubtan ayaa intay samada ka keentay laf dhabar, biixi iyo addin is dhaaf ah jabisay, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa loola  jeedaa Halkable, Halkable waa eray soomaali guun ah ka haray oo ah kan aan maanso ruugga ahayn laakiin is ka dhiga maansayahan birta calashaday.

Illeen af laba daan lihi hadal kama daalo, waxaa saacad walba la soo qoryaa ama giraan lagu soo qabanayaa hadal aan nuxur lahayn oo iga gee ah, laakiin loo ekaysiinayo loo qaateen inta loo sameeyo cinwaan dhiigu ka da’yo, waxaa lagu soo cayiliyaa war aan la hubin mid been ah oo iska cad haddii aynaan is yeelyeelayn waa wax qof walba oo caqli in yar ka lihi uu garan karo laakiin waxaad mooddaa in aynu noqonay dhagaystayaal iyo waliba akhristyaal diimoon oo ah mooganayaal aan dareen iyo dadnimo lagu ogayn, waayo Abuuyada aan la hayb aqoon iyo Culimada waawayn ee aynu cilmiga ka baranay ee hebellada  aad wada taqaanaan ah ayaynu u nahay dhexdhexaad amaba Abuuyada aynaan aqoon tolow ma caddaan baa mise waa madow ayaynuba la safanahay.

Garta abuuyadu fureen

Gorfaynaayaan ilmuhu

Gabgabta iyo orodka iyo

Hadba geed fuulka iyo

Garnaqsiga kali ahaan

Go’aankay gaarayaan

Gargayrtay caayayaan

Ma gar bay idin la tahay?

Anaa gaylamahayoo

Diintana gargaarayoo

Gaalada hor jooga oo

Gaashaan aan jabin marnaba

Waxaan ahay geesi wayn

Muslinkii i gees marana

Inaan gawracahayoo

Unuunkana aan goyn

Masjidkaba haba galee

Akhyaareey waa gamuur

Ogow mana aan galdi’in

Ma gar bay idin la tahay?

Culimadii waa gaftoo

Dhulkay wada  gooshayaan

Qamiisyay gashan yihiin

Mana gaagaab sadaan

Gaaladay jecel yihiin

Annagana gaaladaa

Garaamahayaga qabtoo

Gurboodkana noo hayoo

Guryo wacan noo dhigoo

Gacal bay noo yihiin

Mana aanaan gafine

Gar baannu ku taagan nahay

Ma gar bay idin la tahay?

La soco qormada xigta.

Murriyo Cali Max’ud

murriyo2@hotmail.com

Boosaaso Somaaliya

Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaadda ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)
Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

Sh. Cali Warsame

Somalimirror.com/halgan.net

Wadahadal nabadeed oo Daalaibaan iyo Mareykan uga furmay Dowxa
Xubno ka tirsan xarakada Daalibaan ee Afgaanistaan iyo dowladda Mareykanka ayaa wadahadal nabadeed uu uga furmay magaalada Dowxa ee xarunta dalka Qadar.

Wafdiga matalaya Daalibaan ayaa ka kooban shan xubnood oo ogolaansho iyo awood buuxda u heysta inay wadahadal la galaan dowladda Mareykanka, kuwaas oo luqada Ingiriisigana si wanaagsan u yaqaan.

Afhayeen u hadlay ku xigeenka madaxweynaha Afgaanistaan ayaa sheegay in aysan xog rasmi ah ka heyn booqashada ay xubnaha xarakada halkaa ku tageen iyo wadahadalka ay la galayaan dowladda Mareaykanka, hase yeeshee waxaa ujeeddada ay madaxda Daalibaan Dooxa u tageen caddeeyay afhayeen xarakadu leedahay, taasoo u ku sheegay inay wadahal la yeeshaan dowladda Maraykanka.

Waxaa la sheegay in dowladda Maraykanka, Jarmalka iyo Qadar ay kal hore isku waafaqeen in xarakada Daalibaan ay xafiis ka furato Dooxa, xilligaas oo lagu jiray kulan ka dhacay magaalada Bonn ee dalka Jarmalka oo ku beegnaa bishii 12aad ee sanadkii lasoo dhaafay.

Go’aanka saddexdaa dowladood isla gaareen ayaa waxaa soo dhoweeyay xukuumadda Afgaanistaan iyo xarakada Daalibaan labadaba.

isha warkan: islamtoday.net

Culumada Dhibkooda Sharaf Laguma Gaaro W/Q: Abdinasir Ahmed Aden ( Garweyne)
Mahad idilkeed Allaah ayaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna nabigeena Allaah dushiisa ha yeelo. Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo dareen Islaamnimo ku jirto uu dareemay xanuun aan la soo koobi karin dilkii dhagar qabayaashu u gaysteen Dr.Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan  Ilaahay janatul firdows al aclaa ha geeyee.

Waxaa sidoo kale dhib weyn oo nagu taagan noqotay aflaagaddada aan loo aabayeelin oo loo gaysanayo culumadeenna Ilaahay ha noo xifdiyee meel kasta oo ay joogaan.

Runtii dadkaan shaqada ka dhigtay culumada waxaan ku arkay in badan oo ka mid ah been aan meel loogu soo gabban. Waxay u dhaqmayaan ayaad mooddaa Ilaahay ayaa xaalka oge sidii qof aysan xisaabtaba ugu jirin aakhiro iyo cabsideeda.

Waxaan la yaabay sida ay nashaadka ugu leeyihiin internetka dhexdiisa ayagoo la baxaya magacyo aan kuwooda ahayn.

Dhacdo la yaab leh ayaan waxaan ku arkay mareegta aadka hadda loo isticmaalo oo facebook, waxay ahayd walaal ayaa wuxuu soo galiyay muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo qiima badan oo uu soo jeedinayo Sh.Maxamad Cabdi Umal xafidahullaah oo ka hadlaysa al walaa’ wal baraa’.  Nin ayaa markaas cay ugu dhaqaaqay sheekhii oo ku leh walaalkii noo soo galiyay khayrkaas war ka saar waxa meesha asagoo isticmaalaya hadallo aflagaaddo ah oo aanan iminka jeclayn dib u qoridooda. Aad ayaan runtii uga xanaaqay waana is hayn waayay oo waxaan usoo qoray hadal runtii habaar ah oo sidaan ahaa”Ilaahay waxaan ka baryaynaa ninkaas Abuu la baxayow in Ilaahay musiibo kaa Muujiyo adiga iyo waxa kula fikirka ah haduusan hanuun la doonin, kollay waxaad ka mid tahay kuwii dilay Dr.Axmed xaaji Abdiraxmaan, sheekh Umalna sidaas oo kale ayaad la jeclaan lahayd. Ilaahow noo xifdi sheek Maxmad Macalin Abdi Umal cilmigiisana nagu anfac. Ilaahow qofka muslimka iyo Islaamka xumaan la doona naftiisa ku mashquuli oo musiibo dag daga ka muuji, aamiin “.

Waxaan kale oo aan ku arkay kuwo sidoo kale culimada aflagaadaynaya oo ku tilmaamay culumaa’u suu’, waan u naseexeeyay, waxayse iigu jawaabeen maxaa daba dhigay mujaahidiinta, oo ay u hilmaansan yihiin gaalada dadka laynaysa oo diyaaradaha ku garaacaysa? Waxaan ku iri Culumadu dadka way u naseexaynayaan oo khaladaadkooda ayay sheegayaan maadama ay Muslim yihiin  oo hadana khaladaad badanna ka galay Muslimkii kale. Waxay Culimadu  ogyihiin in mar kastaba gaal aan khayr laga filayn, balse waxaa la yaab ku noqotay nin Muslim ah oo Muslim kale hagar daamaynaya.

Nin kale oo dhalin yaro ah ayaan si toos ah u wada hadalnay anoo dan ka lahaa, markaas ayuu igu furay mashruuc ah anigu waa necbahay dadka mujaahidiinta neceb asagoo runtii ka baxay wixii aan markaas ka wada hadlaynay oo ila aaday wax aan meesha oolin. Waxaan markaas iska hilmaamay dantii aan ka lahaa oo waxaan go’aansaday inaan tan kala hadlo danta aan ka lahaana ay meesha ku baaba’do.

Waxaan ku iri nimankaas aad sheegayso khaladaad badan ayaa lagu hayaa ee ka warran?

wuxuu iigu jawaabay oo muxuu yahay?

waxaan ku iri qof hal meel ku dilay dad boqol ku dhawaada oo Muslim ah bal ka warran see kula yahay?

Wuxuu ku jawaabay qof walba niyaddiisa ayaa lagu soo bixin, balse ka warran ayuu yiri kufrul acyaan?

Waxaan ku iri horta anigu fatwo ma bixiyo oo aqoonteeda ma gaarin adiguna ma lihid aqoonteeda oo waa arrin culumadu ka jawaabi karto, tan kale  waa run oo qof walba Allaah niyadiisuu kusoo bixin laakiin ka warran kii asagu gaystay dilkaas?

Wuxuu yiri waa Mujaahid. Ka warran ayaan ku iri nimankaas hadday Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan dileen?

Wuxuu igu yiri ma jirto, waxaan ku iri Beeshii sheekhu ka dhashay oo aniga iyo adiguba aan ka dhalanay waxay soo saareen cadayn ay ku cadaynayaa in nimankaas ka dambeeyeen.

Wuxuu igu yiri waa laga soo jawaabay.

Waxaan ku iri qoraal marka la soo qorayo oo la isku bari yeelayo waa inay soo qortaa cidii lagu eedeeyay ee qoraal aan saxiix lahayn oo qof qoray aan la aqoon ayuu ahaa.

Wuxuu igu yiri rumaysan mayno oo waa wax uu isku soo uruuriyay Axmed C/samad oo uu ka wado Sh.Axmed C/samad C/lle xafidahullaah.

Waxaan ku iri oo ma taqaanaa? waa ogaa inuusan waligiis arag oo uusan xataa hadda ka hor maqal.

Wuxuu ku jawaabay haa dad ayaa iiga sheekeeyay.

Waxaan ku iri , qof aadan aqoon see ilaa heerkaas u gaarsiin kartaa?

Wuxu igu yiri qoraal baa jira uu ku soo qoray halgan.net oo uu ku leeyahay maanta waa fursade hadaan reer ictisaam nahay aan dilka sheekha saarno nimankaas(Ashabaab).

Waxaan ugu jawaabay Sh.Axmed maqaalladiisa waan akhriyaa tan iyo xiligii uu bilaabay, hadana wax arintaas ku saabsan halgan kuma jiraan oo anaa og. Waxay ka mid ahaayeen asaga iyo Dr.A/razaaq Maxamuud Takar Ilaahay ha dhowree raggii yiri dilkii sheekha Ilaahay baa oge yaan lagu dagdagin in meel la isaga tuuro, anoo markaas ka waday inuusan xataa qorin xilligaas maqaal nimankaas toos ugu eedaynaya dilka sheekha.

Markuu ogaaday inaan akhriyo maqaaladiisa ayuu yiri sabqu lisaan ayuu ahaa(carrabkaa iga xaday) ee waxaan ka waday email ayuu kusoo qoray, waxaan ku iri email macna maleh oo inta magacaaga wax lagu samaysto ayaa la iska kaa dhigi karaa.

Ugu dambayn ninkaas wuu aamusay oo wuxuu ku hadlo ayuu waayay.

Hadaan usoo noqdo ujeedka qoraalkayga, dadkaani waa dad maanta meel kasta jooga oo maangaabnimo badan hayso. Nin saaxiibkay ah ayaa wuxuu ii sheegay in Shariif Cabdinuur xafidahullaah wiil yar oo aflaagaaddadiisa meel kasta la taagnaan jiray uu hadda wadamadan galbeedka khamriga ku cabo.

Marka dhibka Culumada sharaf lagu gaari mayee waxay ku dhaxalsiin dullinimo iyo habow. Waayo marka aad qof Culuma ah aad dhibayso oo aad wax ka sheegayso ogow in arintaas aysan ku koobnaanayn isaga kaliya ee ay ugudbayso risaalada uu wado.

Ilaahay kaa yeeli mayo marka qof risaaladiisii u khidmaynaya inaad dulmintiisa ku guulaysato, ayaamo ayaad iska had hadli kadibna Allaah ayaa ku qaban hadaadan ka toobad keenin.

Labo qolo ayaa Allaah dagaal u iclaamsaday, qolo waa kuwa ribada cuna oo uu quraanka ku sheegay. Qolada kale waa kuwa la colaytama awliyada Ilaahay, Awliyo wuxuu Alle ku tilmaamay” Kuwii Allaah rumeeyay islamarkaasna ka cabsada” aayad kale ayuu Alle ku tilmaamay”Waxaa Allaah ka cabsada oo kaliya adoomadiisa cilmiga leh” Marka waxaan dhihi lahaa nimankaas war sharaf ku gaari maysaan aflagaaddada iyo dhibka culumadee Ilaahay ka cabsada oo usoo toobad keena.

Wallaahi waxaan marag ka ahay oo aan anigu arkay in wiil kasta oo culumada ku ad adkaa uu ku dambeeyay meel xun oo aan la mahadin.  Waxaan ku noolahay Minneapolis, gabar aan adeer u ahay oo ka mid ah gabdhaha diinta ka barta oo ku xiran Masjidka Abuubakar Assidiiq ee Minneapolis, ayaan habeen ka sheekaysanay Sh.C/raxmaan Sh.Cumar xafidahullaah oo ah sheekhayaga Minneapolis, waxaan u sheegay inaan muxaadaro ka dhagaysan jiray waagii barisamaadkii wadankeennii, waxay la yaabtay hadalkaygii oo aad ayay ugu faraxday waayo dad beenlow yaala ayaa ka siiyay sheekha warbixin khaldan.

Waxaan gabadhaas siday ufaraxday soo xusuustay, maalin Rasuulku scw uu ku farxay ninkii firsooca yaqaanay oo Zeyd ibnu Xaarith iyo Usaama ibnu Zeyd yiri allay lehe Labadaan gomadood way kala ahaadeen. Kuwaas Culumada dhibaya meel xillay ku dambayn doonaan Ilaahay idankiis haduusan khayr la doonin.

Gabagabadii, Dhibka inaku dhacay ee dilka Sheekheennii runtii waa mid xanuun leh balse aan rajaynayo in nasri xagga Rabbi uu ka dambayn doono Ilaahay idankiisa.

Waxaa waxyaalaha aad aan  u dareemay ay ahayd inay soo celisay jacaylkii culumada iyo dadka dacwada loo hayay ee waayo waayo oo boorka laga jafay. Waxaan ku toosnay baraarujin iyo qayladhaan is qabsatay aduunka guudkiisa, taas oo hurdada ka toosisay intayadii hurdada dheer gashay oo dib ugu soo celisay la rafiiqa Culumada iyo dadka diinta jecel.

Khasaarase wuxuu haystaa kuwa meesha looga tagay oo ku caasiyay culumadii la rabay maanta inay u khidmeeyaan oo ay agjoogooda Ilaahay ugu dhawaadaan.

Waxaan ugu dambayntii caddaynayaa in wixii aan asiibay Ilaahay mahadeeda leeyahay, wixii aan gafayna waa naftayda iyo shaydaan oo Ilaahay ayaan ka dambi dhaaf weydiisanayaa. Sidoo kale diyaar ayaan u ahay in la saxo khalad kasta oo ku jira maqaalkaygan.

Abdinasir Ahmed  Aden ( Garweyne)

Minneapolis,Minnesota

contact @:abdinasir-1@hotmail.com

Nadwo xalay ka baxday qolka Somali Islamic Taqwa Network iyo Qolka 114(dhageyso)
Waxaan lagu qabtay qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conference-ka USA / Canada Dawro Cilmiyeed ay ka qayb galayaan culimadda Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ahaa culumadii ka qeyb gashay nadwada xalay:

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Sheekh Ahmed Cabdi Samed

Sheekh Cabdi Qani Qorane

Culimada ayaa waxay ka hadleen mawaadiic kala duwan iyaga oo ka haqab tiray jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo si Live ah nadwada Culimada ugala socday qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conference-ka USA / Canada

Muxaadardii ugu horeysay ayaa waxaa galay Fadiilat Sheekh Al-waalid Cabdul Qaadir Nuur Faarax waxaan uu Sheekhu aad ugu dheeraaday cabsida Alle iyo in Soomaalida ay Alle u laabtaan kana baxaan qabiileysiga iyo kooxeysiga .

Sheekh Al-Waalid C/qaadir Nuur Faarax ayaa kula dardaarmay  in laga shaqeeyo walaaltinimada iyo danta guud ee Ummada Soomaaliyeed oo ay maanta ku habsatay dhibaatooyin badan.

Sheekh Al-waalid  Cabdul qaadir Nuur Faarax ayaa mahad celin iyo duco u gudbiyey walaalaha Maamula qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114  ee  Tele conderenceka USA / Canada kuwaas oo u taagan fidinta iyo wacyi galin dadka ku soo qaxay dhulalka gaalada .

Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

Dardaaran waalid

Muxaadarda labaad ayaa waxaa galay Sheekh Axmed CabdiSamed wuxuuna ka hadlay waxyaabaha ay gaar la tahay diinta Islaamka wuxuuna Sheekh Axmed Cabdi samed aad ugu dheeraaday wanaaga Islaamka iyo sida Islaamka uu kaamil u yahay oo uu alle noogu nimceeyey.

Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. Axmed C/samad

Khasaa’ista Islaamka

Muxaadaradii 3aaad ayaa waxaa isana galay Sheekh Cabdiqani Qorane waxaana uu ka hadlay tilmaamaha lagu yaqaan khawaarijtii hore iyo tan danbe ee casriga ah wuxuuna Sheekh Cabdi qani faahfaahin ka bixiyey khatarta Khawaarijta iyo sida ay u kala dhantaaleen umada Islaamka ah laga soo bilaabo wakhtigii saxaabada ilaa haatan.

Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. C/qani Qorane

Tilmaamaha khawaarijta

Nadwada ayaa waxaa kale oo xalay ka qeyb gali lahaa Sheekh Dr Ahmed Daahir Áweys,Sheekh Yuusuf Aden ,Sh Cabdiraxiim C/Laahi Abul Cayneyn iyo culumo kale balse aysan suurto galin iyada oo laga yaabo in culumo kale ay caawa ka qeyb galaan Nadwada.

somalimirror.com/halgan.net

Tacsi: shabakadda somalimirror oo ka tacsiyeyneysa geeridii alle ha u naxariistee macallin daahir uweys
shabakadda somalimirror waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhamaanba umadda soomaaliyeed gaar ahaan eheladii uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee macalllin daahir xaaji uweys oo dadka ahlu quraanka ahi si weyn u yaqaanaan.

ilaahay wixii uu qaato isagaga iska  leh wixii uu siiyana isaga ayaa iska leh qalbigu wuu murogoonayaa ishuna way ilmeyneysaa wax aan ilaahay raalli galineninna odhan mayno,ilaahayna waxaan macllin daahir uga baryeynaaa inuu jannadiisa firdowsa dajiyo quraankii uu ehelka u ahaana ku karaameeyo,intii uu ka tagay iyo umadda soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

alle ha u naxariistee macallin daahir wuxuu umadda soomaaliyeed uga dagay dad quraanka halkiisii ka sii wada dacwada iyo islaaxinta bulshada soomaaliyeedna dow weyn ka qaatay ilaa haddana u taagan oo ay ka mid yiihiin sh. xasan daahir ,dr. axmad daahir,dr. c/laahi daahir ,sh. muuse daahir iyo akhyaar kale oo saameyn muuqata ku yeeltay faafinta manhajka sunnada ilaahayna waxaan ka baryeynaa annaga iyo iayaga inaanu macallikaka gadaashiis na fitneynin ajirkiisana aanu naga qadinin.

www.somalimirror.com

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax
Desember 06, 2011

QORMADA 1waad

“Dowladaha adduunkow, maxaad nugu dilaysaan?

Ma diinteen Islaamkaa, waxaad nugu dilaysaan?

Barwaaqada dalkaan taal miyaad nugu dilaysaan?

Ma degaanka isteraatiiji ayaad nugu dilaysaan?

Ma dadkeenna firfircoon ayaad nugu dilaysaan?”

(Abwaan Soomaaliyeed, Somalitalk.com, 22/12/08)

“Kenya iyo Itoobiya waa inay jarjaraan Soomaaliya ka dibna labadooda midba jeex qaataa. Mid waliba waxay qayb u heli doontaa 300,000 sq

kilomitir oo ay dhulkeeda ku ballaadhsato iyo ilaa shan million oo qof oo raaciye cusub u noqda. Marka labdayada ciidan qabsadaa dhulka

Soomaaliya, ee aanu ku dhawaaqno inuu ka mid yahay dhulkayaga, xulafadayada Reer Galbeedku way nugu taageeri doonaan, iyagoo u arki

doona arrin iska dhammaatay … Jiboutina Sooma fara galin karto qorshaha lagu gunaanadayo aayaha Soomaalida.”

(Daily Nation [Wargeys-qarameedka Keenya], 4/10/ 2008).

Saddex sano ayaa laga joogaa markii la faafiyey hindisaha kor ku qoran. Maantana waxaa i xasuusiyey waxa imminka dhacaya. Mowduuca qoraalkani ku saabsan yahay waa u fiirsi dhacdooyinkan maalmahaan socda – ee u muuqda ku-tallaabsi qorshihii ay saddex sano ka hor daaha ka rogtey Dhaily Nation. Waxaa igu baraarujiyey iftiimin ay isla maalmaahaan qorshahaas iyo arrimaha socdaba ka qoreen indheer-garad ajnabi

ah, kuwaas oo hadalkaygu u badan doono xigashada iyo iftiiminta wixii ay qoreen oo aan jeclaystay inaan la socodsiiyo Soomaalida aan akhrin afka Ingiriiska, ama ku baraarugsanayn waxa agtooda ka dhacaya ee khuseeya aayohooda dambe.

Balse an ku horreeyo sii-yare iftiiminta qaar ka mid ah qodobbadii hindisaha Daily Nation, hindisahaas oo uu ku saxiixnaa qareen (lawyer) Kenyan ah oo lagu magacaabo Donald Kipkorir. Cinwaanku wuxuu ahaa “Kenya iyo Itoobiya waa inay kala jarjaraan Soonmaaliya mid walibana qaybteeda qaadataa”. Waa hadal cad. Faahfaahintii lagu sababeeyey waxaa ka mid ahaa weedhahaan soo socda:

“Soomaaliya ma aha dowlad maanta jirta oo leh xuduud ay ilaashadto. Keliya waa magac weli isaga dhex qoran khariiddada dunida”.

“Kenya iyo Itoobiya maanta ilbiriqsi way uga fududdahay inay saacadday doonaan madaxda soomaalida ka saxiixdaan dalkiinnii annagaa qaadannaye noo ansixiya. Waqti kasta madaxda iyo xeer-dajiyeyaasha Soomaaliya waxay dhooban yihiin Nairobi. Waqtigii aan doonno ayaan isugu keeni karaynaa hotel Nairobi ku yaal. Halkaas ayaan uga saxiixanaynaa sharciga aan dalkooda ku kala qaybsanayno annaga iyo Itoobiya.” “kharashka nooga baxa hawlgalka aan ku qabsanayno dhulka Soomaalida waxaa bixin doonta Soomaaliya. Waxay la mid noqon doontaa sida berigii xulufado qabsadeen Germany kharashkiina ku dallaceen Jarmalka – Soomaaliya waa dhul hodon ah oo ay ka buuxaan batrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan, iyo weliba khayraadka badda oo aan xisaab lahayn. Isla marka aan la wareegnaba waxaan ku marti-qaadi doonnaa saaxiibbadayada istratejiga ah inay noo soo saaraan khayraadkaas oo aan ka wada faai’deysanno”.

“Maraykanka iyo Ruushku way farxi doonaan wayna noo abaal-gudi doonaan haddaan Soomaaliya qabsanno oo dalkayaga ku darsanno.”

Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa faahfaahintii ay Daily Nation ka bixisay sida ay muhiim u tahay isla markaana u fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya xoog ku qabsadaan Soomaaliya ka dibna ku dhawaaqaan inay kala qaybsadeen.

Markii qoraalkaas la faafiyey dad badan oo Soomaali ah ayaa ka dhiidhiyey. Rag baa uga jawaabey qoraallo caraysan. Haseyeeshee waxay noqotay xumbo kacday haddana iska shuuqday, sida nalaku yaqaan haddaan Soomaali nahay. Haddaan qolo kale ahaan lahayn waxaan isku dayi lahayn tallaabooyin looga gaashaanto musiibada soo guuxaysa. Xitaa raggii damqaday ee jawaabay (oo dabcan intayada kale na dhaamey) jawaabtoodu waxay u badnayd wax u eg ‘bootayn’ aan sii qodnayn oo lagula murmayo nin shakhsi ah oo ay u arkayeen inuu iska bootaynayo ama iska hadlayo. Kuwii madaxda ahaa ee sida aad aragtaan sharafta looga qaaday midkoodna lagama maqal eray uu xitaa asagu isku difaacayo, qaran hadalkiis daaye. Iyagoo maalin walba warbaahinta Keenya waxaas ka qorayso ayay weli ka waantoobi la’yihiin inay u yaacaan oo si fool xun u tubnaadaan Nairobi oo marba qaar laga tarxiilayo, qaar lagu xirxirayo, si joogta ah loo bahdilayo, marba go’aan laga saxiixanayo, iyaguna maalin kasta lacag wixii ay haystaan ku shubayaan jeebabka dal aan abaal ugu hayn. Arrintii iyada ahayd dhawr sano ayaa cagta loo yar-dhigay. Waxaa lagu hoosaasinayey shirar marin-habaabis ah. Waxaa la sugayey inta burburka iyo quusta Soomaalidu sii gaarayaan meel ayan is-difaac haweysan Karin. Hadda ayay muuqataa in la gaarey halkii la sugayey.

Gulufka Cusub

Dhawr toddobaad ka hor ayay warbaahinta Keenya waxay dib u bilowday olole cusub, kaas oo gogol-xaadh iyo garabgal u ah hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya. Tusaale ahaan jariidadda afka dheer, The East African, tirsigeedii 30 Oktoobar waxaa lagu shaaciyey wax lagu magacaabay Qorshe-weynaha (Grand strategy) ay wataan dowladaha Soomaaliya la dariska ah. Jariidaddu waxay tilmaan cad ka bixinaysaa xogtaas muhiimka ah in ay ka heshay ilo xagga sir-doonka iyo diblomaasiyadda ah. Waxay soo bandhigaysaa qorshe nuxur ahaan beegsanaya isla bar-tilmaameeddii maqaalkii hore ee Daily Nation, bartilmaameeddaas oo ahayd in Soomaaliya la kala jarjaro, ka dibna ay kala qaybsadaan labadaas dowladood. Hayeeshee waxaa halka loogu soo bandhigay hab aan u qaawaneyn sidii maqaalkii hore. Wuxuu isticmaalayaa af ka asluubaysan kana cilmiyaysan, taas oo muujinaysa in dhab ahaan laga soo qaatay ilaha diblomaasiyadda iyo sir-doonka ee wargeysku tilmaamay.

Qorshe-weynahaan oo loo fulinayo hab tallaabo-tallaabo ah, tallaabada koowaad waa in gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya loo kala jaro saddex qaybood:

qaybta koowaad waa gobollada bartamaha Soomaaliya, waxayna hoos iman doontaa Itoobiya, sida qorshaha ku qoran; qaybta labaad waa dhulka gobollada koofureed intiisa badan waxaana saami u heli doonta Kenya; qaybta saddexaadna waa Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana gacanta ku hayn doona ciidammada UNISOM. Saddexda qolo ee ajnabiga ah mid waliba qaybta ay gacanta ku qabato waxay maamulkeeda u dhiibi doontaa dad Soomaaliyeed oo iyaga daacad u ah. Intaa waxaa la raacinayaa odhaah ay cid waliba iska fahmi karto inay tahay xeelad hoosaasin ah, taas oo ay leeyihiin, saddexda qaybood mustaqbalka fog waxay ka tirsanaan doonaan “dowlad Soomaaliyeed oo federal ah”. Waa xeelad diblomasiyadeed. Meel kale qorshuhu wuxuu leeyahay, saddexdaas qaybood ee dhulka Soomaalida loo kala gooyey waxay noqon doonaan wax lagu magacaabay “buffer zones” ama aagag lagu ilaaliyo ammaanka Kenya iyo Itobiya.

Daah-furka qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida

Haddaba , gulufka cusub ee ay Keenya ku gashay Soomaaliya, galintaanka Itoobiya iyana soo gashay gobollada dhexe (AFP, 19 Nov. 2011), ansixinta ururka IGAD ay labaduba ka dhammaysteen inuu u sharciyeeyo soo galidda dhulka Soomaaliya (shirkii Addis 25 Nov. 11), Soo dhaweynta Midowga Afrika asna ugu deeqay inay ku gabbadaan koofiyaddiisa (New York Times 18 November, 2011) iyo duulduulka aan ka maqlayno quwadaha waaweyn, intaas oo dhan isu geyntoodu waxay si cad u muujinaysaa qorshahe-weynihii ay shaaca ka qaadday saxaafadda Kenya, mar hore iyo mar dambeba, in aanu ahayn aftahammo warbaahineed ama male-awaal war-fidiyeen, balse uu yahay qorshe beri hore la go’aansaday, sannado badan loo soo gogolxaadhayey, Soomaalida lagu marin-habaabinayey shirar hoosaasin ah, lagu mintidayey in ayan dib u hana-qaadin dowlad Soomaaliyeed oo caqabad ku noqota qorshahaas, la curyaaminayey markii la unkaba, laga ilaalinayey hoggaan hagaagsan, laga takhallusayey masuulkii laga dareemo karti ama waddaniyad, marba hoos ahaan loo abuurayey laba dhinac oo dagaalka sii wadda. Cidda qorshahaan ka dambaysa ee daaha shishadiisa ka hoggaaminaysaana dabcan way ka weyntahay kana diirad fogtahay Kenya iyo Itobiya (eeg Pmbazuka News, Issue 557, 10 Nov. 2011). Cidda ay yihiin iyo ujeeddooyinka ay u adeegsanayaan labadaan dal, waxaa na fahamsiinaya xeel-dheerayaal ajnabi ah oo weliba reer Galbeed u badan.

Qofkii uu ku adagyahay fahamka qorshahaan kor ku xusan, iyo cawaaqibka uu dhaxalsiin doono aayaha dambe ee ubadka Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaa ku filan inuu indho furan ku akhriyo falanqaynta iyo fasiraadda uu ku sameeyey Dr. Michael Weinstein oo ah khabiir caalami ah, barfasoor culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Purdue University ee ku taal Chicago, USA. Waa diraasad uu soo saaray 14 Novmber, 2011 (ka eeg Kenya News 24, iyo shabakado Soomaaliyeed oo dib u daabacay, sida Hiiraanonline, Garoowe Online.) Halkudhegga qoraalku waa Kenya’s Political Failure in Sothern Somalia (Fashal-siyaasadeedka Kenya ee Kofurta Soomaaliya). Markase aad u fiirsato nuxurka qoraalka waxaa kuu muuqanaysa cinwaanka ku habboon inuu ahaan lahaa “Qorshaha Qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida” (ka dib kii Berlin, 1884 -85). Erayga “partition” (qaybin ama qaybsi) ayaa aad u soo noqnoqonaya oo ah udub-dhexaadka qoraalkani ku saynsaabanyahay. Sidaa awgeed, hadduu qoruhu ahaan lahaa qof ay aragtida hoggaaminaysaa tahay aqbalidla’aanta dambiga laga galayo iyo dulmiga dhawr qarni lala daba socdo ummad aan waxba galabsan, hadday fikraddiisu taas ahaan lahayd ayuu cinwaanka ka dhigi lahaa sida aan kor ku sheegay, haseyeeshee taa baddelkeeda Dr. Weinstein, in kastoo uu yahay caalim tilmaamaya xaqiiqda jirta, haddana ugu dambaynta waa nin ka soo jeeda dhinaca kale, dhinaca ay ahayd in si cad loogu yiraahdo ‘waxa aad samaynaysaan waa godob weyn, ee Ilaahiina ka baqa, ama taariikhda ka baqa!’ . Qofka fiirada dheer ee akhriya sadarrada dhexdooda wuxuu fahmi karaa Dr. Weinsteinhaliilo waaweyn u soo jeedinayo Dowladda Keenya, dulucda dhambaalkiisu inay tahay ‘Keenya ma leh karti ay keligeed guul uga soo hoyso hawgalkaan culus, ee yaan lagu hallayn. Gacan ha lala gaadho inta aaney fashilin qorshahe-weynahaas istraatiijiga ah ee lagaga talagalay aayaha Soomaalida’!.

Dr. Weistein wuxuu qoraalkiisa ku bilaabayaa tuduc (paragraph) war oo dhammi ku idil yahay. Wuxuu u qoranyahay sidaan (tarjumad):

“Hawlgalka militari ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya waa calaamad dadka Soomaaliyeed uga digaysa inay ku baraarugaan halka uu ku dambayn doono mustaqbalkooda siyaasadeed: halkaas oo ah qaybin la kala googoyn doono dhulkii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliyeed xornimada ka dib. Waxaa loo kala googoyn doonaa maamullo yaryar oo itaal daran oo kala hoos taga dowladaha dariska ah ee kala ah Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u adeegsan doona danohooda gaar ahaaneed, isla markaana dillaal ama wakiil uga noqon doona quwadaha dibadeed ee waaweyn,

Maraykanka, waddammada Yurubta galbeed iyo waliba Shiinaha oo faragalinteedu isa soo tarayso.”

Cutubka ku xiga Michael Weinstein wuxuu ku sii qeexayaa qota-dheerida qorshahaan iyo sida ay aarintani u tahay kala-bayr taariikhi ah (historical cross-roads) raad-reebkiisu socon doono qarniyo badan oo soo socda. Wuxuu u qoranyahay sida soo socota:

“Muddadii ka dambeysey burburkii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre 1991, waa markii ugu horreysey oo si buuxda loo gaarey go’aan meel cad lagu gunaanadayo halka uu ku dambayn doono dhismaha siyaasadeed (political organization) ee “Soomaaliya” ka dib markii muddo labaatan sano ah la ag marmarayey oo dib loo dhiganayey go’aankan. Gunaanadka aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid ay dusha kaga keenaan quwadaha dibadda oo isticmaalaya xeeladdii ahayd ‘ qaybi oo xukun’, taas oo ku iman doonta inay abuuraan maamullo yaryar oo lagu adeegto, kuwaas oo mid waliba ku dhisan yahay qabiilka u badan degaankaas.”

Qorshaha noocaan ah inuu jiro iyo inuu yahay mid ay muddo ka soo shaqaynayeen una soo gogol-xaadhayeen Maraykanka iyo xulafadiisu ciddii aan hore u fahmi kareyn amase uu weli mugdi kaga jirey waxaan filayaa inuu ku filan yahay marag-furkaan cad ee barfasoorka Maraykanka ah iyo qaar kaloo aan arki doonno. Tan labaad ee muhiimka ah, haddii uu qorshahani hore u ahaa mid lagu ilaaliyo khaanadaha sirdoonka, maanta way caddahay in laga soo saaray lana bilaabay fulintiisii, ka dib mrkii la hubiyey in loo bisleeyey xaaladda Soomaaliya. Weli si rasmi ah looma shaacin,

gunaanadkiina laguma tallaabsan, haseyeeshee, sida uu caddaynayo Dr Weistein, waxaa la qaaday tallaabo wixii wax garan karaa fahmi karaan inay tahay tii ku xigtey ee u gogol-xaadheysey tallaabada gunaanadka iyo ku dhawaaqidda in qabri lagu hubsaday qaranimo Soomaaliyeed. Barfasoorku wuxuu intaa sii raacinayaa eraymurtiyeed farta ku fiiqaya halaagga ay tallaabadani Soomaalida dhaxalsiin doonto. Wuxuu leeyahay,

“Way iska caddahay tallaabadani inay noqon doonto mid si kama-dambays ah god ugu ridda isku day kasta oo ay dadka Soomaaliyeed mustaqbalka haweysan lahaayeen inay aayohooda ka taliyaan (self-determination) ama inay yeeshaan awood ay danohooda kaga difaacdaan fagaarayaasha caalamamka…. Taa micneheedu wuxuu yahay dadka Soomaaliyeed inay noqon doonaan kuwo laga dabar gooyey wax tabar iyo taag ah; dib dambe iyaga uma noqon doonto cidda gaaraysa go’aannada khuseeya aayatiinkooda dambe. … Qaybsigan [Soomaalida la qaybsanayo] micnihiisu waa gumeysi hor leh.”

Ummad DIL lagu Xukumay iyaguna Dareemi la’ – Ila Dhuuxa Erayadan

Xog-warranka iyo falanqaynta cilmiyaysan ee Dr. Weinstein waxaa jira erayo mudan in hoosta laga xarriiqo ama si gaar ah loogu fiirsado. Waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

A) Digniinta Weinstein:

“It is the first time since the collapse of Siyad barre’s dictatorship in 1991, there is a strong possibility that “Somalia” which has existed in political limbo, with decisions on its political organization on hold and deferred will take a more settled political definition.That settlement will be imposed by external powers using the tactic of divide and rule, to create dependent client states loosely based on dominant clans in Somalia’s regions. …[that] scenario … would spell any possibility that the Somali people could regain their self-determination and be able to defend their own  interests on the international stage … the Somali people would be permanently weakened and they would not make the decisions determining their fate.”.

Tuducan kooban erayadiisa an hoosta ka xarriiqay waxay noo tilmaamayaa shan arrimood oo aad u culus:

1. Kow, In labaatankii sano ee dalkan burburku ka socdey aan laga sii jeedin (sida dadku yiraahdaan) balse lagu soo jeedey (si qarsoodi ah) lagu maqnaa, loo tashanayey, la diiddanaa inay Soomaaliya ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, iyadoo dib loo dhiganayey “on hold” fulinta go’aan SIR ah oo meel la dhigtay, kaas oo fulintiisa lala sugayey “deferred” xilli ku habboon, xilli ay Soomaalidu quusatay, lagana dhammeeyey cid caqabad ku noqon karta go’aankan asaga ah ee ah in lagu dhawaaqo soo afjaridda dowladnimo Soomaaliyeed, in Soomaalida laga xayuubiyo

xaqa aaya-ka-talinta “their self-determination” iyo in la kala qaybsado dhulkooda ‘partition:” Tan micneheedu waa DIL tartiib-tartiib ah (gradual killing) oo lagu xukumay ummad dhan oo ah qaran madax bannaan oo xubin buuxda ka ah Qarammada Midoobey. Waa ku-tumasho bareer ah laba qodob oo ka mid ah qodobbada asaasiga ah ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmiga (Universal Declaration of Human Rights), xaqa cid waliba u leedahay go’aaminta aayeheeda iyo nolol sharaf leh. Waa tallaabo ugub ah. Waa halis aan hore loo arag oo ku soo fool yeelatay, Soomaalida uunn ma ahee, idil ahaanba ummadaha xornimada jecel.

2. Arrinta labaad waa yoolka la bar-tilmaameedsaday inuu yahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo maxaysato aan dib dambe awood u yeelan Karin, haweysanna Karin inay ka arrimiyaan aayatiinkoodu waxa uu noqon doono. Taasi waxay ku caddahay erayadaan khabiirku leeyahay: “the Somali people would be permanently weakened and they would NOT make the decisions determining their fate”. Micnhu wuxuu yahay, quwadaha waaweyn oo ay is xulufaysanayaan Keenya iyo Itoobiya ayaa waxay hoos ahaan u go’aansadeen in la DULLEEYO Soomaalida, si dhulkooda hodonka ah loogu tagri-falo sidii la doono. Imminkaba calankii oo weli taagan, labaatankan sano ee u dambeysey cidda ka talinaysey Soomaaliya waxay ahayd huwantaas dulmiga isu gaashaanbuursatey oo ku hoos gabbanaysey koofiyadda Qarammada Midoobedy, ilaa imminka.

3. Arrinta saddexaad, hadalka khabiirku wuxuu daaha ka qaadayaa in fulinta hadafkan loo adeegsanayo xeeshii caanka ahayd ee isticmaarka “devide and rule” (qaybi oo xukun), taas oo Soomaalida lagu kala qaybinayo qabyaaladda la ogaadey inay addoon u yihiin, “loosely based on dominant clans”.

4. Tan afraad wuxuu na tusayaa waxa loo bixiyey “dowlad-goboleedyada” ee beryahaan dambe sida daacuunka u faafaya in ay tahay arrin halkaas ka socota oo qayb ka ah qorshe-weynahaas qaran-burburinta iyo qaybsiga dalka. Xqiiqdaas si cad ayuu u muujinayaa Dr. Weinstein marka uu leeyahay “…external powers using the tactic of divide and rule to create dependent client states, loosely based on dominant clans inhabiting Somalia’s regions”. Tan ka sii daran, waxaa hoos ahaan loo qorshaynayaa maamul-ku-sheegyadaas gumeysteyaashu dhisteen inay noqdaan murashixiinta cusub ee la wareegi doona xilka is-dilka Soomaalida iy joogtaynta dagaalka sokeeye, markii la arkay inay isla sii bas-beelayaan Al Shabaab iyo DKMG ah.

5. Arrinta shanaad, Michael Weinstein wuxuu si aan toos ahayn ugu doodayaa Soomaaliya in ayan imminkaba ahayn dal jira. Taas wuxuu si dadban ugu soo dhigayaa: a) hadalka uu leeyahay “ qaybinta geyigii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliya…” Wuxuu isticmaalayaa erayga “territories”, halkii uu oran lahaa Soomaaliya. b) way jirtaa mar uu isticmaalayo magaca Somalia, laakiinse wuxuu dhex galinayaa bilo rogan (“Somalia”), taas oo micneheedu yahay “waxa lagu sheego Soomaaliya” ama so-called Somalia. Halkan waxaa la yaab leh, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ajnabiga uga xag-jirsan qodobkan ah qiima-tirka magaca “Soomaaliya” iyo weliba diidmada magaca guud ee “Soomaali”. Dad badan oo bilowgii hore u badnaa dhanka Somaliland, haddase cid walba yeeshay ayaad idaacadaha maalin kasta ka maqlaysaa iyagoo leh “wixii la odhan jirey Soomaaliya” ama, tan ka sii daran “dadka af Soomaaliga ku hadla”, iyagoo afka ka dhawraya inay ku tiraabaan “umadda Soomaaliyeed” ama xitaa “Soomaalida”. Heerkaas ayaa durba la gaarsiiyey! Soddon iyo afartan sano ka dib maxaad filaysaa!

B) Jees-jeeskii Kipkorir iyo “madaxda Soomaaliya” ee u marag-furtay:

“For Kenya and Ethiopia, having the Somali legislature to endorse the annexation will be cakewalk. At any given time, most, if not all, Somali legislators are in Nairobi. We will have them convene in one of our hotels and to pass the appropriate statutes dividing their country”.

Saddex sano ka hor ayay ahayd markii uu Kipkorir sidaa qaawan Soomaalida ugu jeesjeesay, madaxdeedana u bahdilay. Dadka Soomaaliyeed berigaas way ka damqadeen. Qaar badan ayaa Kipkorir si kulul ugu jawaabeey, sidaan hore u sheegay.

Waxay is lahaayeen waxa uu ku hadlayaa waa af-la-gaaddo aan dhab noqon karin. Nasiib-darro, manta ah, “meel-ku-gaarka” aad maqlaysaan meesha loogu tala galay in “lagu gaaro”, ma aha (sida dadka loo sheego) dhisme dowlad dhab ah oo dastuuri ah oo ay yeelato Soomaaliya. Meesha dhabta ah ee la doonayo in lagu “gaadho” waa waqtiga si rasmi ah loogu tallaabsan doono go’aanka kama-d ayaan indhahayaga ku aragnaa wixii ninkaasi saddex sano ka hor shaagay oo hortayada ka dhacaya: madaxdii ugu sarreysey Dowladda KMG oo si is daba-joog ah inta marba lagu amro inay iska soo xaadiriyaan Nairobi ama A ddis Ababa lagaga saxiixanayo in lala wareego dalkii ay masuulka ka ahaayeen!! Kolkaa, yaa maanta eray ku celin kara Mr. Kipkorir? Waa wax laga xanuunsado, la-yaabse ma leh.Nimanka Muqdishu midba mar looga yeeranayo cidda saxiixa ku amraysaa waa ciddii markoodii horeba meesha dhigatay, tanina waa ujeeddadii loo dhigtay ee daraaddeed looga takhallusay masuuliintii lagu tuhmay inay ka dhega adaygi karaan waxa kuwani saxiixayaan. Asalkaba waxaan lagu magacaabo TFG ama Dowladda ku- meel-gaarka Soomaalida: xilligaas ayaa loo baahan doonaa cid shaabbad la aqoonsanyahay haysata oo magaca Soomaaliya looga saxiixdo go’aanka lagu aasayo qaranimada Soomaalida. Inta taa ka horraysana waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kale: kow, in Soomaalida lagu sii maaweeliyo; laba, dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa la kala boobayo in in-yar-in-yar hoos-hoos iyo kor-korba looga saxiixdo, berritona saxiixaas lala soo baxo. Waa intaas uun muraadka laga leeyahay DKMG.

Waa sababta muddada dheer loogu hayo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Waa sababta loo leeyahay waa la citiraafsanyaha aqoonsanyahay, haddana hoosta looga curyaaminayo. Waa sababta loo siinayo san-dareerto nafta ku sii haysa loona oggolayn taakulayn iyo gergaar run ah oo ay ku yeelato awood dowlad dhab ah oo dalka hanata. Maalinta laga saxiixdo warqadda ugu dambaysa ayaa sandareertada laga goosan doonaa si ay u qudhbaxdo, sidii qof sakaraad ah oo laga goostay faleebbihii ama lifemachine-kii nafta ku hayey. Maalintaasi aad ayay u soo dhawaatey! Sidaa awgeed, madaxda DKMG waxaan leenahay, kolley waad dhimanaysaane, ma sii joogi doontaane iska ilaaliya inaad ku dhimataan sharaf-darro iyo khiyaano qaran oo inta noloshiinna ka hadhay idinku noqota cambaar aan go’in! Ku dhaqma murtida Soomaaliyeed: “haddaad dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa.”

C) Hoosaasinta UN: Dr. Michael Weinstein dabayaaqada warbixintiisa wuxuu qorayaa falanqayn ka marag-kacaysa hadalka kor ku sheeggan.

Wuxuu leeyahay: “ As it looks ever less probable that the U.N.-managed “transition” of Somalia to a permanent constitutional state will succeed, the alternative remains partition, balkanization,cantonization. Kenya’s operation in Somalia might have been the beginning of thepartition process had it not been for Nairobi’s political incompetence”.

Khabiirku wuxuu qeexayaa, anna aan la qabaa, waxa lagu magacaabo “transition” ama kala-guur, ama u-gudbid dhisme dowlad joogtaysan oo xeer ku dhisan, inay tahay wax ayan ka dhabayn doonin haya’dda Qarammada Midoobey ee arrinta maamulaysa. Marka taasi fashal ku dhammaato, muddo sannad ka yar dhexdeed, waxa lagu beddeli doono ayuu Weinstein tilmaamayaa inay noqon doonaan in si rasmi ah loogu tallaabsan

doono go’aankii qaybsiga dhulka “partition”, “balkanization”, “cantonisation”. Way iska caddahay inay taas gogol-xaadh u tahay tallaabadan cusub ee la-yaabka leh, gulufkan military ee huwanta ah iyo ansixinta magaca IGAD iyo AU lagu sharciyeeyey inay dhulka Soomaaliya qabsadaan ciidammada Keenya iyo Itoobia – waa kan khabiirku ku tilmaamaya hawlgalka Keenya “the beginning of the partition process “ (bilowgii geeddisocodka qaybsiga dhulka). Wuxuu raacinayaa sida keliya ee uu hawlgalkani sidaa ku noqon waayi karaa inay noqon karto uun karti-darro siyaasadeed oo ka timaadda xagga Keenya. (Xilliga warbixintan la qorayey wuxuu ahaa waqti aan weli la shaacin soo galitaanka Itoobiya).

Halkan waxaa muhiim ah inay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Keenya iyo Itoobiya intuba fahmaan tallaabadani inay tahay mid liddi ku ah, Soomaalida keliya ma ahee,

xitaa danaha dhabta ah ee dadka Keenya iyo Itoobiya. Waxay u soo jiidaysa dhibaato hor leh. Waxay ka jeedinaysaa kana curyaaminaysaa wax badan oo tan uga muhiimsan oo uu ka mid yahay geeddi-socdkii bilwga ahaa ee dimoqraaddiyaynta bulshada Keenya. Dadyowgan walaalaha ah ee ku wada nool gayigan Geeska Afrika midkoodna dan uma aha in lagu mashquuliyo colaad joogta ah oo marba kii wax isbidaa kan kale u xoog sheegto. Dantooda dhabta ah waxay ku jirtaa nabad iyo iskaashi walaalnimo oo u dhigma kan ay yeesheen dalalka Yurub, ka dib markay ka koreen qarniyo badan oo ay is dili jireen. Cidda isku kaaya dilaysa, tallaabadan cusubna ka dambaysaa waa quwadaha waaweyn ee gumeysi-doonka ah, kuwaas oo dagaalkan cusub u adeegsanaya danohooda gaarka ah.

D) La-dagaallanka Ashabaab: xaq baaddil loogu gabbanayo: arrin kale oo soo raacaysa arrimaha kore, duullaanka cusub ee Keenya iyo Itoobiya marmarsiinyaha loogu soo gabbaday wuxuu ahaa “waxaan la dagaallamaynaa Ashabaab oo halis ku ah amniga labadan dal”. Keenya taas waxaa u dheer dadka gobollada koofure oo la isku dayayo in lagu sasabo ama lagu seexiyo “aammusa dhulkiina ayaa la idiin barwaaqayn doonaaye!” Waa muran-ma-doonto inuu dal kastaa xaq u leeyahay difaaca amnigiisa. Muran-ma-doonto kalena waa Ashabaab inay yihiin aafo dhibaato culus ku haysa guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed oo ay soo kartay dhibaatada shar-wadeenkan, way jeclaan lahaayeen inay mar uun arkaan Ashabaab oo laga xoreeyey dhulka ay xoogga ku haystaan. Haseyeeshee run ma tahay ujeeddada gulufkani inay tahay in dadka Soomaaliyeed laga xoreeyo Ashabaab? Miyay run ahaan doonayaa in Ashabaab laga takhalluso? Jawaabtu waa maya, ma doonayaan iyaga iyo xulufadooduba, sababtuna aad ayay u fududdahay.

Xarakada Ashabaab waxay qayb ka tahay qorshe-weynaha kor ku tilmaaman ee qarantirka Soomaalida iyo dulleynta dadka Soomaaliyeed. Waxay kaga jirtaa dhinacyo aad muhiim u ah oo ay cid kastoo kale kaga firfircoon yihiin, ugana fara dhuudhuuban yihiin, maadaama ay Soomaalida ku qaldi karaan oo ku beerlaxawsan karaan caaddifadda diinta iyo tan qabiilka. Ashabaab waxaa loogu talagalay, oo Carab nacab ah iyo cafaariiddan kaleba u soo direen, inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah (five combined missions), kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida, iyo laba ujeeddo oo iyana si dadban ugu adeegaya isla qorshahaas. Shanta tooska ah:

1. Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya;

2. Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo (national identity), sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm;

3. Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeehsaan wacyi qaranimo;

4. Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah;

5. Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin.

Qodobkan u dambeeya waxaa Ashabaab la wadaaga ama la fuliya burcad-badeedda oo qudhooda hoos ahaan loo dhiirri-galiyo.

Labadan qolaba waxaa hoos ahaan loogu kobciyaa si looga dhigto sabab loogu soo gabbado qabsashada dhulka Soomaalida, bad iyo berriba.

Maxay ku dhacday in Ashabaab dagaalkan huwanta shisheeye lagu soo qaado xilli ay wiiqmeen ee sii dhimanayeen, waqti ciiddu soo tuftay, dadka Soomaaliyeed karheen, carruurtoodii kala bexeen, meel cidla’ ah dhigeen, ay ku dhex noolaan kari waayeen, wixii ajnabi ahaa lafohooda la baxsadeen, dhexdooda iska horyimaadeen oo kala daateen, ay muuqatey inaan waqti u harsanayn? Iyagoo sidaa u sii burburaya ayaa waxaa soo nooleeyey weerarkii ajnabigu ku soo qaaday. Markaas ayay heleen taageero iyo gurmad xooog leh oo hub, dhaqaale iyo ciidan shisheeye intaba leh, waana sidii la filayey ee lagu talagalay. Dowladahan ajnabigu hadday daacad ka ahaan lahaayeen la-dagaallanka Ashabaab waxay u soo mari lahaayeen waddadii saxdea ahayd ee la wada fahmi karey, taas oo ah in la awoodeeyo ciidanka Dowladda Soomaaliyeed. Wixii ka harsanaa ciidammada Ashabaab waxaa muddo gaaban dalka uga nadiifin karey ciidammada DGMG oo kaashanaya kuwii AMISON ee hore u joogey.

Hayeeshee arrintu waa “oohin orgiga ka weyn”! Waxa loo socdaa ma aha Ashabaab, balse waa bilowgii fulinta qorshe-weynaha qaybsiga dhulka Soomaalida, sidii uu qeexay Dr. Weinstein, horena ay daaha uga rogtey saxaafadda Keenya. Ashabaab iyo DKMG labadaba waa la sii hayn doonaa inta la diyaarinayo laba dhinac oo cusub oo lagu wareejiyo qoriga dabka dagaalka Sokeeye. Waa taas xaqiiqdu.

Maxay ku Dambayn doontaa Durriyadda Soomaalidu?

Haddaba su’aasha weyn ee na hor imanaysa, muxuu ku dambayn doonaa aayatiinka dambe ee dadka maanta loo yaqaan “Soomaali”? Dhawr su’aalood oo soo raaci kara:

Ka sokow inta kor ku qeexan, maxaa kale oo caddaynaya inuu dhab ahaan jiro qorsheweynahan “grand strategy” lagu talagay in la burburiyo qaranimada Soomaalida, dhulkayagana lala wareego? Waa maxay sababaha keenay in Soomaalida si gaar ah loola beegsado shirqoolkan cadowtinimo? Waxa ku dhacay Soomaalida iyo waxa ka daran ee ku soo socda Yaa ka masuul ah, ma Soomaali baa ka masuul ah, mise quwado shisheeye oo ka awood weyn, mise labadaba? Hadday jawaabtu tahay labadaba, waa maxay qaybta mid waliba ku leeyahay? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay gashay ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Daba-qabad ma leeyihiin? Dawo ma yeelan karaan? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo wixii weli harsan?

Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ku falanqayn doonnaa qormada labaad ee gunaanadka ah.

La soco.

M. D. Afrax

Email: Inadaahir2004@hotmail.com

Muxaadaro la magac baxday “Sixidda Afkaarta qalloocan oo uu jeediyay” Sh. Axmed C/Samad (Dhageyso)
Sh. Axmed C/Samad oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku sugan oo Paltalk-ga marti ugu ahaa Qolka Somali  Al-taqwaa Islamic Network iyo khadka telefoonka 114 ee dalalka waqooyiga Ameerika, ayaa ka jeediyay muxaadaro aad u qiima badan oo uu kaga hadlay afkaaraha qalloocan ee muuqaalka diineed loo yeelay iyo nasiixooyin ku aaddan sidii loogu toosnaan lahaa jidkii salafka, loogana badbaadi lahaa inxiraafaatka diineed ee caqiido iyo hab-dhaqanba leh ee dad badan lagu aafeeyay.

Sheekha ayaa muxaadaradiisa isbarbar dhig ku sameynaya tilmaamaha diinteenna xaniifka ah iyo ficillada gurracan ee ay xarakada Alshabaab faraha kula jiraan isagoo nasaa’ix gaar ah u jeediyay da’yarta khayr doonka ah ee ku kadsoomay afkaarahaas qalloocan. Kumannaan dad ah oo ku kala dhaqan dalalka Yurub, Australia iyo waqooyiga Ameerika ayaa ka faa’iideystay muxaadarada Sheekh Amxed kuwaas oo kala socday aaladda Paltalk-ga iyo khadadka telefoonnada.

Halkan hoose ka dhageyso muxaadaradii Sh. Axmed ka jeediyay qolka Altaqwaa iyo khadka 114

Sixidda Afkaarta Khaldan Sh Axmed Cabdisamad

Ciidanka cirka ee Maraykanka oo xoog ku soo furtay Shaqaalihii Hay,adda DDG
Ciidanka cirka ee dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay weerar ku ekeeyey degaan lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Cadaado iyo Gellinsoor, ciidan ka cirka Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha loo yaqaan Helicopterska ayaa xoog ku soo furtay 2-bo shaqaale oo u shaqaynayey Hay,adda DDG  oo ah Hay,adda miino-baaris ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidanka Maraykanka ayaa dilay ilaa 9 burcad badeed ah waxaan ay qabteen ilaa 5 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Burcad badeedka kana mid ahaa koox burcadbadeedah oo afduub u haystay labadaan shaqaale oo magacooda la yiraahdo, Jessica Buchanan oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka iyo Poul Thisted oo ah haweeney u dhalatay wadanka Denmark iyo nin dhalinyaro ah oo u shaqaynayey Hay,adda miino-baarista ee DDG.

Ciidanka Maraykanka ee howl galka fuliyey ayaa labaddii shaqaale oo bad qaba  iyo kooxdii buracdbadeedka ahaa ku soo qaaday diyaarada Helicopter ah , Ciidanka Marykanka ayaa waxaa la sheegayaa in 2-da shaqaale ee ay soo furteen ay geeyeen saldhig weyn oo ay ciidanka Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Labadaan shaqaale ee ka tirsanaa Hay,adda miino-baarista ee DDG ayaaa waxaa 25-kii bishii Oktoobar 2011 waxaa laga afduubay Koonfurta magaalada Gaalkacyo xili ay ku jireen howlahooda shaqo.Odayaasha ,culimada iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ay dhowr jeer ugu baaqeen dhalinyaradii burcadbadeedka ahaa ee afduubka u geystay 2-da shaqaale ee Hay,adda DDG in ay iska soo daayaan balse arrinkaas waa ay diideen.

Somalimirror.com/halgan.net