Author Archive

Sh. C/Raxmaan Abyad oo laga sii daayay xabsiga »

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray caasimadda Dalka Denmark ee Kobenheegan ayaa waxay ku bishaareynayaan in abbaaraha 3dii galabnimo ee maanta ee xilliga Yurubta waqooyi laga soo daayay xabsiga magaalada kobenheegan Sh. C/Raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo muddo 4 usbuuc ah halkaas ku xidhnaa. Sii akhri »

Sh. C/Raxmaan Abyad oo saaka maxkamad lasoo taagay xabsigi u kordhisay »

Waxaa saaka maxkamad ku taal magaalada Kobenheegan ee dalka Denmark la horgeeyey Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee deggan dalka Denmark. Sh. C/raxmaan ayaa labadii usbuuc ee lasoo dhaafay ku jiray mid kamid ah xabsiyada magaalada Kobenheegan iyadoo sababta xariggiisa ay ciidamada ammaanku ka yiraahdeen hadallo is daba marsan.

Sii akhri »

Xumayd Ghul: Daalibaan dhowaan ayey la wareegeysaa talada dalka Afgaanistaan »

Xumeyd Ghul oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha ammaanka, horeyna u ahaan jiray madaxa ugu sarreeya ciidamada sirdoonka dalka Baakistaan ayaa ugu baaqay dowladda Baakistaan in ay la bahowdo xarakada Daalibaan, maadaama ay waqti aad u dhow gudihiis xarakadu kula wareegi doonto talada dalka Afgaanistaan. Sii akhri »

Sh. C/Raxmaan Abyad oo markii ugu horreysay xabsiga lagu soo booqday »

Sh. C/Raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo tan iyo 18kii bishan ku xirnaa xabsiga magaalada Kobenheegan  ayaa maanta markii ugu horreysay loo ogolaaday in ay caa’iladiisu ku booqato xabsiga.

Sii akhri »

Sh. C/Raxmaan Abyad iyo rag kale oo ay booliiska Denmark xabsiga dhigeen »

Sh. C/Raxmaan Abyad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqaan dalka Denmark iyo guud ahaan dalalka Yurub, kuna dhaqan dalka Denmark gaar ahaanna sheekh ka ah markazka Attawxiid ee magaalada kobenheegan iyo rag kale oo Soomaaliyeed ayaa la xirxiray aroornimadii shalay kadib markii ay ciidamada Booliiska dalka Denmark oo ay weheliyaan ciidamada sirdoonka ee isla dalkaas ay ugu soo dhaceen dhaceen guryahooda. Sii akhri »

sheekh maxamad idriis oo socdaal dacwadeed ku soo maray Western Cape »

Waxaan Halkan akhristaha sharafta leh ugu soo gudbinayaa qaybtii sadexaad ee Booqashooyinkii dacwadeed ee Sh. Maxamed Idris Axmed ku yimid Koonfur Afrika, Wexeyna ka koobantahay gobolada sheekhu maray ee Galbeedka Dalkan (Western Cape) sida Cape Town,Bellville,Mitchesplain.

Sii akhri »

Wahsiga Ducaadda (Q.1aad) »

Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?

Jaamac C/llaahi Caydiid

jamyare@yahoo.com

 

Haa, waa ka bixi karnaa weliba si fudud ayaa looga bixi kara waxaanse u baahannahay marka hore inaan ka jawaabno su’aalahan:

1.     Wahsiga inagu dhacay intee le’eg yahay?

2.     Xaggee la inooga yimi?

3.     Xaggee la inooga badanyahay?

4.     Goorma ayaa inoogu horaysey wahsiga?

5.     Calaamado lagu garto ma leeyahay?

Haddii su’aalahan aynu uga jawaabno si dhab ah oo qayaxan oo aynaan waxba qarin, kana xishoon inaynu sheegno meesha ceebtu ka jirto waxaynu helaynaa dawada wahsiga aynu kaga baxayno.

Tusaale sahlan: Ka soo qaad haddii aad xanuun ku haya dhakhtar ugu tagtid shaki ma leh inuu ku waydiinayo su’aalaha kor ku xusan, haddii aad qaar ka mid ah ka xishootid ama kala baqdid inaad dhakhtarka u sheegtid waxaa dhici karta in dawo khaldan oo wax ku yeesha laguu qoro iska daa inaad heshid dawadii kugu munaasibka ahayde!!

Dareenka wahsigu waa jiraa hase ahaatee qof kasta oo ay ku jirto qiiro islaamnimo iyo isxilqaan waxqabad markaad kala sheekaysatid arintan wuxuu ku salaynayaa xalka uu kuu sheegayo sida uu u arko jawaabaha su’aalaha kor ku xusan.

Shirkii dardar gelinta dacwada

Shirka waxaa ka soo qayb galay culimo waaweyn, dhalinyaro dacwada ku soo biiray qaxii ka dib iyo rag ducaad hore ahaa oo shirkan oo kale ay ugu dambaysey sanadkii 2000 ka hor:

Shirku wuxuu ku furmay jawi diiran iyo niyad ay ku dheehantahay xamaasad iyo isbedel-doon, ragga badankoodu suuqa iyo masaajidda waa la isku salaamaa laakiin wada tashi iyo isu imaad noocan oo kale ah goor isugu dambaysey lama xusuusto.

Shirku haddii u furmayba waxaa la guda galay qodobadii ugu muhiimsanaa oo ay ka mid ahayd su’aasha qormadan aan cinwaanka uga dhignay:

Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?

“Xamaasaddii dacwada dhalinyaradu u hayeen ayaa meesha ka baxday” nin culimada waaweyn ka mid ah ayaa ku sababeeyey wahsiga.

 “Aduun iyo xaasas iyo caruur baa lagu mashquulay” waxay ahayd fekrad rag badani cilladda ku sheegeen.

Qaar kale waxay qabeen in khilaafka fikirka iyo manhajka ku salaysan sababay hoos u dhaca xawaarihii dacwadu ku socotay.

 “Cadow baa nagu soo duulay, hay’ado iyo gacmo shisheeye ayaa umadda qasaya” waa fikrad laga yaabo in loo badanyahay.

“Meeshan waa la caajisay shiikh, ninkii aad ugu tagtaa kaalay oo dersi ama muxaadaro dad u soo jeedi waa kaa cudur daaranayaa, kulay ku tahay khudbaddii jimcaha ayaa laga soo taaganyahay” waxaa shirka ku darsaday nin dhalinyaro ah oo isagu raggii dambe ah.

Waxaa kaloo iyadana rag badani tibaaxeen in isku xidhnaantii iyo wadatashigii inay meesha ka baxay.

Maxay ku dhacday in shirkadaheena ganacsigu najaxaan maraakista dacwaduna fashilmaan? Waxaa shirka waydiiyey Sh. Axmed oo ka mid ah ragga weli iyagu ku mashquulsan dacwada.

Shirku haddiiba uu mudo si fiican u socday waxaa la soo gaadhay xilli dambe oo ragga qaarkood ku andacoodeen in shirka la soo gabagebeeyo maadaama laga sugayo inay furaan meherado ay furahooda iyaga keliya hayaan, kuwo kalana waxay sheegteen in xiisado laga sugayo jaamacadaha iyo iskuulada.

Guddoonkii shirka way ku adkaatay inuu shirka sii wado waxaase si degdeg ku jiro la isugu raacay in guddi laga xulo raggii shirka fadhiyey si ay uga soo talo bixiyaan arimihii shirka lagaga dooday.

 

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad) »

 Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

    

Qeybihii koowaad iyo labaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay: qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo la turjumay, ahmiyadda gaar ahaaneed ee qisaani leedahay iyo qeyb ka mid ah faa’iidooyinka qisada gaar ahaan faa’iidooyinka Alle weyne ka hadlaya iyo kuwa cilmiga ku saabsan. Qeybta seddexaadna waxaan ku soo qaadaynaa faa’iidooyinka ka hadlaya aadaabta saaxiibtinimada iyo faa’iidooyinka kale oo caam ah.

 

 

Faa’iidooyinka saaxiibnimada ee qisada:

 

  1. Wiilka (khaadimka) Muuse raacay waa Yuushac Ibnu Nuun, sida ku cad naska xadiiska, waana nabi ka mid ah nabiyaasha reer Banii Israa’iil, waana nabigii Ilaahay qorraxda u joojiyay markii uu magaalada qabsanayay.

  1. Xadiisku wuxuu tusayaa in qof xor ah la adeegsan karo iyo in khaadimku adeeco qofka uu u khidmaynayo iyo, in aysan dhib lahayn in caalimka iyo ninka fadliga leh uu adeegsado qof uu ka fadli badan yahay, mana noqonayso inuu cilmi baristii iyo edbintii ujro ku qaatay ee waa dhaqan wanaagga iyo muruu’ada saaxiibnimada. Muuse khaadimkiisa ayaa cuntada u siday.

  1. Waxaa habboon in khaadimka ama shaqaalaha shaqadiisa loo caddeeyo, taas oo keenaysa in uu xilkiisa garto, hadhowna lagu la xisaabtamo. Muuse wuxuu ku yiri khaadimkiisa: kugu kallifi maayo wax kale in aad ii sheegtid meesha kalluunku kugu faaruqo mooyee.

  1. Diintu way jidaysay in loo khidmeeyo culimada iyo dadka fadliga leh. Yuushac Ibnu Nuun wuxuu u khidmaynayey nabi Muuse, Anas Ibnu Maalik-na nabigeena ayuu khaadim u ahaa. Waxaa kale oo xadiisku tusayaa in loo baahan yahay rafiiq wanaagsan marka la safrayo.

  1. Waxaa sunno ah in ninku khaadimkiisa cuntada wax ka siiyo.Waxaa kale oo habboon in ay labadoodu wax wada cunaan. Wuxuu yiri nabi Muuse: ina soo sii qadadeenii, taas oo tusaysa in ay wada cuni lahaayeen.

  1. Waxaa loo baahanyahay in loo turo khaadimka iyo dadka ku raacsan, khaadimkii Muuse wuxuu hilmaamay in uu u sheego in Ilaahay kalluunkii nooleeyay, hilmaankaasna wuxuu ku kallifay safar dheer oo ka dheeraad ah baahidooda, Muuse-na khaadimkiisa kuma canaanan hilmaankaas. Anas Ibnu Maalik oo nabigeena toban sano u khidmaynayayna wuxuu yiri: waligay nabigu wax aan sameeyay ima oran maxaad u samaysay, wax aanan samayna ima oran maxaad u samayn weyday.

  1. Waxaa habboon in aan ninku saaxiibkiis marna ka tagin ilaa uu cududaar ka gaaro, sidii Khadirba yeelay, kama uu tagin ilaa Muuse qirtay in Khadir cududaar ka gaaray.

  1. In ninku saaxiibkiis ku waafaqo wixii aan mamnuuc ahayn waxay keenaysaa in ay saaxiibnimadii sii joogtowdo, siina xoogaysato.

 

Faa’iidooyinka guud ee qisada:

 

  1. Waxaa loo daliishan karaa qisadaan in qof kale lagu oran karo: Alle ha igu kaa furto.

  1. Beentu waa in shayga looga waramo si ka duwan sida uu dhab ahaan yahay; sidaa darteed been buu sheegay cadawga Ilaahay waxaa looga jeedaa wuxuu sheegay wax khilaafsan xaqiiqada ee laga ma wado in uu been u jeeday. Waxaa laga faa’iidaysanayaa beenintaas in caalimku gar u leeyahay in uu ku beeniyo ciddii cilmi la’aan wax uga sheegta wax uu isagu cilmigiisa hayo, sida nabigeenu (scw) u yiri: been buu sheegay Abuu Alsanaabil (wax aan dhab ahayn buu sheegay).

  1. Diintu way jidaysay in ninku ka waramo daalka iyo dhibta qabsatay, sida nabi Muuse u yiri: safarkayagaan waxaan kala kulanay daal. Waxaa la mid ah in ninku ka waramo xanuunka haya, haddii aanay wehelin Alle ka eedsheegad iyo qadar u carood.

  1. Kaalmaha Ilaahay wuxuu addoonka ugu yimaadaa hadba sida uu u fuliyo amarka Alle, qofka waafaqsan amarka Ilaahayna waxaa loogu kaalmeeyaa si aan loogu kaalmayn kan khilaafsan. Wuxuu yiri nabi Muuse: waxaan kala kulanay safarkayagaan daal, wuxuuna tilmaamayey safarkii uu dhaafay meesha loo socday, horayna uga ma eedsheegan safarkoodii ay ugu socdeen meesha labada badood ku kulmaan.

  1. In sida saxda ah loo soo noqdo gafka ka dib ayaa ka khayr badan in khaladka lagu sii madax adaygo. Muuse iyo Yuushac dib bay ugu noqdeen raadkoodii markii ay ogaadeen in ay meeshii dhaafeen. Si qofku wixii ka khaldama uu uga noqdo ayaana Ilaahay u jideeyay toobada.

  1. Diintu way jidaysay in qofka lagu dhoho: waa kuma?, isagana waxaa laga rabaa in uu sheego magiciisa ama wax kale oo lagu garto ee aanu oran waa aniga iwm. Khadir wuxuu yiri: kuma ayaad tahay?, Muuse na wuxuu ugu jawaabay: waxaan ahay Muuse.

  1. Hilmaanku waa dabci banii aadam, qofkii wax hilmaamana lagu ma canaanto.

  1. Diintu ummadihii hore way u jidaysay salaanta. Muuse wuu salaamay Khadir, Khadirna wuu la yaabay halka salaantu uga timid deegaankii uu markaas joogay.

  1. Wax kasta oo qofku u maleeyo inuu qaban karo ma fulin karo, Muuse wuxuu ku yiri nabi Khadir waan sabri doonaa, mana ku caasin doono, in shaa’ Allaah. Ka dibna waxaa u caddaatay in aanu waxa uu la kulmayo ku sabri Karin.

  1. Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa in qofkii cid shardi la gala ay waajib ku tahay in uu u oofiyo, haddaanu dambi ahayn iyo in culumada ballan lagu la gali karo habka waxbarashada iyo arrimo kale, ninkii khilaafana looga baahan yahay in uu cududaarto, sida Muuse yeelay. Khadirna wuxuu Muuse ku yiri markii uu ballankii seddex goor jabiyey: kani waa kii aan ku kala tagi lahayn, Muusena arrintaas ma inkirin.

  1. Way bannaantahay in doon iwm la kiraysto iyo in dadka karaamaynta laga aqbalo, sida Khadir u yeelay in ay nooli la’aan ku raacaan doonta.

  1. Qofkii ixsaan loo galo waxaa laga rabaa in uu ka abaalgudo. In laga abaaldhacana ma habboona, iska daa in dhib loo gaystee. Muuse wuxuu yiri: dad nooli la’aan nagu soo qaaday baad doontoodii u qasaday oo dillaacisay!.

  1. Miskiinku wuu yeelan karaa xoolo aan ku filnayn, arrintaasna ka bixin mayso tilmaanta miskiinimada. Wuxuu yiri Khadir: doonta waxaa lahaa masaakiin.

  1. Way bannaantahay in badda laga shaqaysto sida berriga looga shaqaysto oo kale. Khadir wuxuu yiri: doonta waxaa lahaa masaakiin badda ka shaqaysata.

  1. Khadir wuu ku dadaalay in aan doontu degin, dadkuna hafan oo wuxuu meeshii uu fujiyay ku dhakabiyay kurtun; si aan biyuhu uga soo galin. Wuxuu sameeyay xeelad ah (sidee xeego loo xagtaa, ilkana ku nabad galaan?).

  1. Diintu waxay jidaysay in xumaha uu raddiyo qofkii ogaada in uu xumaan yahay.

  1. Qofka wax hilmaama dambi looga qori maayo waxa uu hilmaamay ha noqdo xaq Ilaahay ama xaq aadane’e, waxaase dhici kara in laga gudo wixii ka dhasha hilmaankiisa oo xaq aadane ah. Muuse wuxuu yiri: ha ii qaban wixii aan hilmaamay.

  1. Ma habboona in dadka lagu kallifo wax aanay Karin ama mashaqo ku ah; waayo way daalinaysaa, xaqana way ka eryaysaa, waxaase loo baahanyahay in lagu la macaamilo cafis, fududayn iyo wixii ay karaan. Muuse wuxuu yiri: ha igu saarin arrintayda culays. Haddaba waxaa la gudboon dadka in ay qabtaan wixii ay karaan ee aysan isa saarin wax awooddooda ka baxsan.

  1. Arrimaha oo dhan axkaamtooda waxaa lagu socodsiiyaa waxa muuqda, axkaamta adduunyada ee maalka iyo dhiigga iwm waxaa la cuskanayaa waxaas muuqda ee daahirka ah, waxa qarsoona Ilaahay baa loo daynayaa. Nabi Muuse wuu ku raddiyey Khadir dillaacintii doonta iyo dilkii wiilkaba, illaa sida muuqata waa in uu dulmi yahaye, Muuse na uma bilnayn in uu ka aamuso.

  1. Dilku wuxuu ka mid yahay dambiyada ugu waaweyn. Muuse wuxuu ku yiri macallinkiisii: waxaad samaysay wax la inkiro (foolxun). Halkaa waxaa inoo ka muuqanaya in aan cidina sharciga ka weynayn iyo sida marar badan loogaga aamuso dadka jidka ka weecanaya, iyada oo lagu tixgalinayo sheekhnimo ama madaxnimo.

  1. Qisaasta oo ah in qofkii qof dila loo dilo, kii dhib gaystana laga jaro waa wax diintu jidaysay, mana aha munkar. Muuse wuxuu yiri: (iyada oo aan naf dilin), munkarna ma aha dilka qofkii naf si ula kac ah oo xaqdarro ah u dila. Waxaa yaab leh in aan loo danqan tobanaanka ama boqollaalka dulmiga lagu dilayo, lagana qayliyo qisaasta mujrimkii xasuuqay!.

  1. Waa waajib in la martigaliyo ciddii xaq u yeelata, waliba sharci ahaan martida la soori waayo xaq bay u leedahay inay xoog ku qaadato martigalyadeeda.

  1. Way fiicantahay in lagu tabarruco khayr ama hawl iyada oo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo. Khadir si tabarruc ah buu ku toosiyay darbigii dhacayey.

  1. Waxaa sunno ah in uu qofku ducada iyo arrimaha aakhiro naftiisa ka bilaabo, sida nabigeenu u yiri: naxariista Ilaahay ha ahaato korkayaga iyo Muuse korkiisa. Wixii arrimaha adduunka ah se waxaa edeb ah in dadka kale loo dooro, naftaadana aad ka hormarisid.

  1. Si wanaagsan buu Ilaahay awliyadiisa ugu maamulaa wax muuqaalkiisu dhib yahay, laakiin naxariis ah. Eeg wiilka gaalnimada u jiidi lahaa waalidiintiis oo laga diley, mid ka wanaagsana loogu badalay iyo masaakiinta doonta laga jeexay oo Rabbi ugu badbaadiyey.

 

  1. Nabi Khadir doontii wuu dillaacshay, wiilkiina wuu diley, wuxuuna sheegay arrimahaan inuu ku sameeyay amar Ilaahay  iyo doonistiisa, wuxuuna yiri: waa (naxariis xagga Rabbi ka ahaatay, aniguna taladayda kuma samayn). Taas waxay tusaysaa in uu waxyi arrimahaas ku saabsan ku soo degay; sidaa aawadeed uma bannaana qof aan waxyi samada uga imaanayn inuu wax dilo oo wax kharribo, isaga oo ku andacoonaya in ficilkiisa xikmad qarsooni ka dambayso.

  1. Naftu way jeceshay qisooyinka iyo dhagaysigooda. Nabigeenu (scw) wuxuu yiri: waxaan jeclaanay in Muuse sii sabro; si Ilaahay khabarkooda noogaga sii waramo. Haddaba waxaa loo baahanayahay in qisooyinka Qur’aanka iyo xadiiska looga faa’iidaysto hanuuninta, wacdinta, qancinta iyo tarbiyaynta dadka gaar ahaan carruurta.

  1. Waxaa wanaagsan in uu dhoho in shaa’ Allaah qofkii yiraahda waxaas baan mustaqbalka samaynayaa, sidii Muuse u yiri: waad i heli doontaa aniga oo sabraya, haddii Alle idmo. Ilaahayna wuxuu yiri: (shayna ha dhihin berri baan arrinkaas qaban doonaa, (in aad dhahdid) in shaa’ Allaahu mooyee).

  1. Way bannaantahay in labada dhibaato ee aan laga wada fakan karin midda fudud lagu dhoco; si looga fakado tan daran. Sidaa oo kale waa laga indhalaaban karaa munkaraadka qaarkood; si aanu uga dhalan munkar ka dhib badan. Khadir wuu ceebeeyay doontii; si aan doonta oo dhan loo dhicin. Haddii uu ceeb la’aan ku dayn lahaana boqorkii doomaha fiican boobayay ayaa ka dhici lahaa. Laakiin waa inaysan waxaasi khilaafin waxa sharcigu caddeeyay, tusaale ahaan: ma furna in la dilo qof laga filayo in uu dad badan laayo inta aanu ku dhaqaaqin. Khadir isagu wuxuu u dilay Ilaahay baa ogaysiiyay xaqiiqada wiilkaan, isla markaana amray.

  1. Xoolaha qaarkood in la fasaadiyo; si badankooda loo wanaajiyo way furantahay. Khadir doontii qaarkeed buu fasaadiyay; si badankeedu u badbaado, sida dhakhtarku qofka uga jaro xubinta bugta; si intiisa kale u badbaado.

  1. Way bannaantahay in doonyo la fuulo, baddana lagu safro; si cilmi ama dan kale oo bannaan loo gaaro, sida ay Muuse iyo Khadirba yeeleen.

  1. Diintu way jidaysay in safarka sahay loo qaato. Muuse wuxuu ku yiri khaadimkiisa: na sii qadadayada, safarkayagaan daal baan kala kulanaye. Dadka qaar baa yiri: in sahay la qaato gaar ahaan xajka tawakulka ayay ka hor imaanaysaa, arrintaasina sax ma aha oo Ilaahay wuxuu ku amray xujeyda inay sahay qaataan, wuxuuna yiri: sahay qaata, sahay waxaa u khayr badan Alle ka baqa’e.

  1. Diintu way jidaysay in ciddii baahata ay martigalin ama cunto dalbato, haddii aysan magaaladu lahayn meelo cuntada lagu gado.

Shir wax loogu qabnayo xarunta agoonta ee masalaani oo ka dhacay London »

masalaniShir aad u ballaadhan oo ay si habsami leh usoo agaasimeen jaaliyadda Samawadal ee UK ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Southall ee UK markay taariikhdu ahayd 25/10/09. Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dad aad u badan oo ka kala yimid gobolada waddanka UK, waxaa lagaga hadlay arimo isugu jiray warbixino la xiriira Markaska Al-furqaan ee Masalaani, taakulayn dhaqaale oo ay

Sii akhri »

Soomaali miyaanay isir iyo arlaba wadaagin? »

map3 Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

Waxaa jira sifooyin badan oo dadka mideeya ama ay isku kala xigsadaan, waxaana ugu caansan diinta, dhalashada, afka, dalka, midabka, taariikhda iyo danaha.

Sii akhri »

Waraysi :- Maareeyaha Warshada Kalluunka Laasqoray “sanadkana waxaanu rajeynaynaa Inshaa’alaahu Tacaalaa in faa’iido ay ku farxaan dadkii maal gashaday oo aduunka daafihiisa kala jooga in aan xajiiqino Ilaahay idankii” »

dsc01793Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbineysaa Waraysi ay la yeelatay Maareeyaha Warshada Kaluunka Laas Qoray , wuxuuna Maareeyuhu oo faah faafin ka bixinayaa qaabkii lagu aas aasay Warshada heerarkii ay soo martay iyo hormarka ay gaadhay intii ay jirtay wuxuuna waraysigii u dhacay sidan:- Sii akhri »

Ugaarsiga reer Somaali galbeed ma garbaa? »

mapFu’aad Max’ud X.Nuur.

 

Fuadaflow@hotmail.com 

 

 Soomaali galbeed waa dhul ballaaran oo ay dagaan dad soomaaliyeed oo farabadan, waa dhul ku hoosjira isticmaar muddo dheer, waxaa sooyaalkiisa mar walba ka dhex muuqanayay halgan loogu jiro in mar uun gobanimo la gaarsiiyo dhulka iyo dadkaba.

  Sii akhri »

Culimada Magaalada Boosaaso oo si kulul uga hadaly nin loo gacan galiyay Itoobiya »

boosaaso

Culimada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay nin ka soo jeeda Dhulka Soomaali galbeed oo uu Maamulka Puntland sida la xaqiijiyay u gacan galaiyay Gumeysiga Itoobiya, ninkaasi oo  ka  mid ahaa shan nin oo dhulkaa ka soo jeeda oo maalmo ka hor laga qabtay Dekada Magaalada Boosaaso xiligaas oo ay ka soo dagayeen Dooni ay ka soo raacen dalka Yemen.  Sii akhri »

Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa? »

Xasan Maxamed Ibraahim

xasanyare@msn.com

Gumeysiga Itoobiya oo dhib iyo tacadiyo badan oo isugu jira dil, jirdil, dhac, barakicin iyo xabsiba ku hayey dadweynaha reer soomaali galbeed wuxuu baryahaan danbe billaabay tab cusub oo ah inuu heshiis hoosaadyo la galay maamullada ka jira Soomaaliya qaarkood; si ay ugu soo gacangaliyaan dadka ka soo cararay ama u adkeysan waayay dhibaatadii loogu geysanayay deegaankooda. Sii akhri »

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q.2aad) »

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (qeybta 2aad)

 

Axmed C/samed

alwaqaar@hotmail.com  

Qeybtii koowaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo aynu af soomaali ku tarjumnay. Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadaynaa qayb ka mid ah faa’iidooyinka iyo cibrooyinka inoo ku sugan qisadaan qiimaha badan. Qisada waxaa ku jira cilmi iyo faa’iido badan oo aan hal maqaal lagu soo koobi Karin; sidaa darteed waxaan ka dhigaynaa labo qaybood, isla markaasna si fahamka iyo isku xirnaanta macnuhu u xoogaysto waxaan u qaybinay faa’iidooyinka: a) qeyb ka hadlaysa Ilaahay iyo qeyb cilmiga ku saabsan, b) qeyb ka hadlaysa saaxiibnimada iyo qeyb faa’iidooyin guud ah.

Ahmiyadda qisadaan:

Qisooyinka Qur’aanka iyo xadiisku iyaga oo guud ahaan wada leh ahmiyad ballaaran ayaa qisadaani leedahay ahmiyad gaar ah. Dhinacyada ahmiyadda dheeraadka ah ay ku yeelatayna waxaa ka mid ah:

1.    waxaa ka wada warramay Qur’aanka iyo xadiiska.

2.    Waxay ka mid tahay qisooyinka nabigu (scw) ka sheekeeyey kuwa ugu dhaadheer.

3.    Waxay dhexmartay labo nabi oo kala haysta labo cilmi oo kala duwan.

4.    Waxay kulmisay culuum iyo cibrooyin farabadan.

5.    Waa qiso xiiso leh oo dadka qaarkood dhexgaliyaan wax badan oo aan sugnayn, kuwo kalena ay u daliishadaan waxyaabo diinta khilaafsan; sidaa darteed waxay qisadaan saxiixa ah meesha ka saaraysaa waxyaabaha aan sugnayn oo loo nisbeeyey nabi Khadir, waxayna dahaarka ka qaadaysaa siyaabaha qaldan ee dadka qaarkood u daliishadeen.

6.    Nabigeena (scw) ayaa jeclaystay in nabi Muuse sii sabro; si Ilaahay khabarkooda noogaga sii sheekeeyo.

Faa’iidooyinka Alle ka hadlaya ee qisada:

1.    Qeybka (waxa qarsoon) Ilaahay kaliya ayaa og, nabiyaashuna waxba kama oga wax Ilaahay ogaysiiyo mooyee; sidaa darteed Khadir ma aanu garan nabi Muuse ilaa uu weydiiyey, ujeeddada uu ugu yimidna ma ogayn ilaa uu isagu u sheegay. Nabi Muuse na ma ogayn in uu jiro nin ka cilmi badan ilaa uu Ilaahay u sheegay.

2.    Ilaahay wuu awoodaa in uu soo nooleeyo wixii dhintay, Ilaahay wuxuu awooddiisa ku soo nooleeyay kalluunkii meydka ahaa ee la milxiyey. Sidii kalluunku badda ugu dhexsocdayna mucjiso kale ayay ahayd.
3.    Qisadu waxay tusaysaa Cilmiga Ilaahay waasacnimadiisa iyo yaraanta cilmiga dadka marka la barabar dhigo cilmiga Ilaahay. Wuxuu Khadir ku yiri Muuse: cilmigayga iyo cilmigaaga iyo cilmiga khalaa’iqda oo dhan kama aha cilmiga Ilaahay inta uu shimbirkaas afkiisa badda kaga qaatay waxa uu badda ka yahay oo kale mooyee.

4.    Way ka qarsoonaan kartaa addoonka xikmadda ka dambaysa qaddarta Ilaahay ee ku fulaysa addoomadiisa, hadhowna way u caddaan kartaa wixii uu shar iyo balaayo u qaatay inay nicmo iyo khayr u ahaayeen, sida ku dhacday qoladii doonta iyo labadii waalid ee dhalay wiilkii Khadir diley.

5.    Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay ahlu sunnaha aaminsan in Ilaahay ogyahay wixii ahaaday (dhacay), waxa ahaan doona iyo waxa aan ahaan hadday ahaadaan sida ay ahaan lahaayeen, sida uu Alle u yiri: haddii la celin lahaa (gaalada geerida ka dib)  waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Waxaa looga jeedaa haddii adduunka dib loogu soo celiyo dhaqan fiican ma samaynayaan ee xumaantii hore ayay ku noqon lahaayeen.

6.    Waa la arkaa in Ilaahay khayr ugu diyaariyo ilmaha wanaaggii aabbayaashood. Khadir darbigii ayuu toosiyay; si uu ugu xafido kansigii aabbaha fiican uga tagey ilmihiisa, iyada oo ah naxariis xagga Rabbi ka timid. Haddaba qofkii ilmihiisa wanaag la raba waa inuu isagu wanaagsanaado, markaas baa Ilaahay ubadkiisa u xifdinayaaye.

7.    Ilaahay waxa wanaagsan in loo tiiriyo, waxa xuna nafta iyo shaydaanka loo tiiriyo ayaa edebtu keenaysaa, iyada oo labada dhacdaba qaddar Ilaahay ku ahaadeen. Khadir wuxuu yiri (isaga oo Ilaahay khayrka u nisbaynaya): Rabbigaa wuxuu doonay in ay (wiilashu) xoogaystaan oo kansigooda la soo baxaan. Wuxuu kale oo yiri Khadir isaga oo ceebaynta isu tiirinaya: anigu (Khadir) waxaan doonay in aan ceebeeyo doonta. Khaadimkii Muuse na wuxuu yiri isaga oo hilmaansiinta u nisbaynaya shaydaan: (wax aan shaydaan ahayn ima hilmaansiin in aan kuu sheego).

8.    Ilaahay mulkigiisa wixii uu doono ayuu ku sameeyaa, khalqigiisana wixii uu doono ayuu ku xukumaa, caqliguna meel kuma leh Ilaahay afcaashiisa iyo axkaamtiisana caqli lagu ma caaridi karo ee waxaa addoomada laga rabaa raalli noqosho iyo is dhiib.

Faa’iidooyinka cilmiga ku saabsan ee qisada:

9.    Way bannaantahay in cilmiga la isla akhriyo, laguna doodo. Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays waxay isku khilaafeen magaca ninkii uu nabi Muuse u safray, ma Khadir buu ahaa mise nin kale?, waxayna cilmi ka dalbeen ciddii cilmiga haysay, markaas baa Ubayyi Ibnu Kacab Rasuulka (scw) uga wariyey xadiiskaan.

10.    Meel kitaabka iyo sunnada ka sokaysa oo lagu kala boxo ama lagu wada qanco ma jirto. Cabdullaahi Ibnu Cabbaas wuxuu ku yiri Ubayi Ibnu Kacab: aniga iyo saaxiibkay (Alxurru Ibnu Qays) waxaan ku muranay Muuse saaxiibkiis ee ma maqashay Rasuulka (scw) oo arrintiisa xusaya?. Ma uu oran maxay kula tahay iwm ee wuxuu weydiiyay wax uu nabiga ka maqlay uun. Haddaba waa in markii la is khilaafo lagu kala boxo kitaabka Alle iyo xadiiska nabiga (scw), isla markaana wixii adkaada culumada lala kaashado.

11.    Caalimka waxaa laga rabaa in uu dadka ku dhex faafiyo cilmigii uu ogaaday, gaar ahaan haddii cilmiga uu hayo dadka is qabtay kala saarayo. Ubayyi Ibnu Kacab xadiiskaan wuxuu u wariyey Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays, Cabdullaahi Ibnu Cabbaasna xertiisa ayuu u wariyey isaga oo ku raddiyaya Nowf Albikaali oo ku andocooday in aan saaxiibka Khadir ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil.

12.    Way bannaantahay in uu ninka caalimka ah yiraahdo wax i weydiiya, sida Cabdullaahi Ibnu Cabbaas oo kale, nabigeenuna (scw) wuu ku yiri asxaabta i weydiiya waxaad rabtaan, waase markii isla cajabid laga aamin yahay, baahina keento sida in laga cabsado cilmiga dhumitaankiisa.

13.    Muusaha laga hadlayo ee Khadir cilmiga u doontay waa nabi Muusihii reer Banii Israa’iil oo Fircown Ilaahay u diray, sida ku cad xadiiska markii uu Cabdullaahi Ibnu Cabbaas raddiyay Nawf.

14.    Way bannaantahay in la canaanto ama hadalka lagu kululeeyo ciddii waxaysan aqoon dadka cilmi uga dhigta, sida Cabdullaahi Ibnu Cabbaas u yiri: been buu sheegay cadawga Ilaahay, mana uu u jeedin in uu dhab ahaan cadaw Ilaahay yahay ee wuxuu doonayey in uu ka canaanto ku dhiirashada wax aanu aqoon.

15.    Ninka caalimka ah ee nabi Muuse u safray, uuna cilmiga u doontay waa Khadir, sida ku cad jawaabtii Ubayi Ibnu Kacab uu siiyay Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays.

16.    Culumada oo ah kuwii nabiyaasha dhaxlay waxaa laga rabaa inay raacaan dhaqankii nabiyaasha oo ay dadka Rabbigood xusuusiyaan, aayaadkiisana ku dul akhriyaan; si naftoodu ugu sifaysanto, quluubtooduna ugu jilicdo.

17.    Ninka dadka wacdinaya haddii wacdigiisu dadka saameeyo oo ay khushuucaan, ayna ilmeeyaan oo ooyaan waxaa habboon in uu khafiifiyo; si aysan uga daalin, sida nabi Muuse markii ay ilmeeyeen uga tagay.

18.    Ninka u safray cilmi doon ama Jihaad iwm, haddii maslaxadi ku jirto in uu sheego waxa uu doonayo iyo halka uu u socdo, sidaas baa ka fiican in uu qariyo; maxaa yeelay muujintiisa waxaa ku jira faa’iidooyin ay ka mid yihiin u diyaargarow, in hawsha si buuxda loo galo iyo in la muujiyo sharafta cibaadadaasi leedahay, sida nabi Muuse u yiri: waan socon ilaa aan gaaro labada badood kulankooda ama aan samano socdo, nabigeenuna (scw) asxaabtiisa wuu u sheegay halka uu u socdo duullaankii Tabuuk, iyada oo waliba caadadiisu ahayd in uu sarbeebo halka uu duullaanka ku yahay, waana arrin maslaxadda ku jirta ku xiran sheegis iyo qarinba.

19.    Caalimka, daaciga iyo muslimka kaleba waxaa laga doonayaa tawaaduc (in uu hoos isu dhigo) si kasta oo cilmigiisa iyo meekhaankiisu u weyn yahay, waliba in ninka fadliga badani wax ka barto qof ka fadli yar, illaa waa la hubaa in nabi Muuse ka fadli badanyahay Khadir’e, Ilaahayna wuxuu nabigeena (scw) u waxyooday: (war) tawaaduca ilaa aan qofna qof u faanin.

20.    Ninka caalimka ah way ku habboontahay in uu ka barto cilmiga uu ku liito cid aad u taqaan, xataa haddii uu cilmiga kale ka badiyo ama ka fadli badanyahay.

21.    Fadli bay leedahay in loo safro cilmi doon, qofku si kasta ha u cilmi badnaadee. Nabi Muuse wuxuu u safray cid ka cilmi badan, fadligiisa iyo qadarkiisuna kama reebin in uu raaco cid uu cilmi ka rajeynayo. Nabigeena (scw) isagana waxaa lagu amray in uu dhoho: Rabbiyoow cilmi ii kordhi.

22.    Shaqada aan xamaasadda loo hayn way adagtahay, waana lagu daalayaa, sida ku dhacday nabi Muuse iyo khaadimkiisii; waayo hilowgii u hayey meesha ay u socdeen iyo cilmiga ay ka filayeen baa u sahlayey mashaqada safarka, goortii ay dhaafeen meeshii ay u socdeena waxay dareemeen daal. Haddaba xer-cilmigu waa inay cilmigaan ku dalbaan himmad sare iyo xamaasad u sahasha dhibta laga marayo.

23.    Caalimka iyo daaciga waxaa laga rabaa inay si wanaagsan u fahansan yihiin dalka iyo dadka, ayna og yhihiin dhaqankooda, isla markaana ay xiriir wacan la leeyihiin. Khadir dhulkii uu markaas joogay salaan kuma ogayn; sidaa darteed wuxuu yiri: xaggee dhulkayga salaantu uga timid. Markii dadka doonta wata ay la hadleena way aqoodeen oo lacag la’aan bay ku qaadeen.

24.    Waxaa loo baahanyahay in si edeb ah loola dhaqmo macallinka, hadal dabacsan oo ixtiraam lehna lagu la hadlo, sida nabi Muuse u yiri: ma ku raacaa si aad ii bartid hanuun waxa lagu baray ah?, wuxuuna muujiyay inuu baahi u qabo hanuunka iyo cilmiga uu hayo, umana hadlin sida dadka kibirka iyo qallayfku ku jiro oo aan iyagu culimada u muujin inay cilmigooda u baahan yihiin, qaarkoodna ayba sheegaan inay iyaga iyo culimadu iskaashanayaan ama kala faa’iidaysanayaan iwm!.

25.    Cilmiga waxtaraya waa cilmiga khayrka kugu hanuuniya ama kaaga diga sharka iyo waddooyinkiisa, wixii aan intaas ahayna waa cilmi aan faa’iido lahayn ama dhibaato leh.

26.    Qofkii aan ku samri Karin la socoshada caalimka iyo barashada cilmiga waxaa dhaafaya cilmi badan, qofkii aan samir lahayna cilmiga kama salgaaro; waayo Khadir wuxuu kaga cududaartay Muuse in aanu ku samri Karin la socodkiisa.

27.    In uu qofku cilmi u leeyahay ama fahmo waxa loo socdo ama la qabanayo waxay qeyb weyn ka qaadataa in uu ku adkaysto. Qofkii aan ogayn waxa lagu samrayo ama ujeeddada laga leeyahay ama faa’iidada laga helayo ma helayo wax sabarka ku dhiirriya. Khadir wuxuu ku yiri Muuse: sidee ayaad ugu sabraysaa wax aadan cilmi u lahayn.

28.    Haddii uu macallinku maslaxad u arko in uusan ardaygu waxba weydiin ilaa uu isagu wax u sheego gar buu u leeyahay, illeyn isagaa maslaxaddiisa iyo sida uu wax u baran karo ka oge, sida in uu damiin yahay ama ka celinayo waxaan faa’iido lahayn ama uu arrimaha qaarkood oo uusan gaarin uga turayo.

29.    Edebta ardayga marka uu caalimka la jiro waxaa ka mid ah in uu ku samro, amarkiisana uu adeeco, sida Muuse u yiri: waad i heli doontaa aniga oo samraya, arrinna kugu caasiyi maayo.

30.    Qisadu waxay tusaysaa in xadiis hal nin oo lagu kalsoonyahay wariyey loo daliishan karo caqiidada, illaa Ibnu Cabbaas wuu ka aqbalay Ubayi Ibnu Kacab, hal nin buuna ahaa, Isagana xertiisu way ka aqbaleen xadiiska uu u wariyey, isna hal nin buu ahaa, akhbaarta nabiyaashuna masalooyinka caqiidada ayay ka mid tahay.

31.    Waxaa loo baahan yahay in aan lagu degdegin raddinta culimada iyo dadka wanaagga lagu yaqaan. Haddii lagu arko wax munkar u eg ama la fahmi waayayna waxaa habboon in la weydiiyo waxa ay u daliishadeen ama dhinaca ay ka eegeen waxa ay dheheen ama ku keceen. Muuse wuxuu u arkayey waxa Khadir sameeyay in uu khalad ahaa, dhab ahaanna sax buu ahaa.

32.    Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa in ay waajib tahay in aan lagu degdegin raddinta arrimaha wajiyada badan ama siyaabo kala duwan noqon kara, sida masalooyinka aqbali kara hal waji ka badan.

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Culimada gobolka togdheer oo tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Dr.C/qaadir garre »

tacsiyo1culimada iyo ducaadda gobolka togdheer ayaa shabakadda somalimirror soo gaarsiiyay qoraal tacsi ah oo ay u direen eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Dr. cabdulqaadir maxamad cabdullaah, wuxuuna u qornaa sidan

Sii akhri »

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (qeybta 1aad) »

 

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

     Bukhaari iyo Muslim baa ka wariyey Saciid Ibnu Jubeyr in uu yiri: Cabdullaahi Ibnu Cabbaas baan ku iri: Nawf Albikaaliy wuxuu ku andacoonayaa: in Muusaha raacey Khadir uusan ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil, markaas buu yiri Ibnu Cabbaas: been buu sheegay cadawga Ilaahay!.

 

Ubay Ibnu Kacab baa ii sheegay in uu rasuulka (scw) ka maqlay isaga oo leh: Muuse ayaa ka dhex kacay reer Banii Israa’iil isaga oo u khudbaynaya, markaas baa la weydiiyey dadka yaa ugu cilmi badan?, markaas buu yiri: aniga, markaas baa Ilaahay canaantay mar haddii uusan cilmiga isaga u soo celin (uusan oran: Ilaahay baa og).

 

Ilaahay baa u waxyooday (Muuse): waxaan leeyahay addoon ku sugan halka labada badood ku kulmaan oo kaa cilmi badan. Muuse wuxuu yiri: Rabbiyow sidee ayaan u helaa?. Wuxuu yiri (Ilaahay): waxaad qaadataa kalluun, waxaadna ku ridataa dambiil, meeshii aad kalluunka ku weydid isagu halkaas buu ku sugan yahay.

 

Wuxuu qaatay mallay, wuxuuna ku ritay dambiil, wuuna socday, waxaana raacay khaadimkiisii Yuushac Ibnu Nuun, ilaa ay yimaadeen dhadhaabkii (dhagax weyn) oo ay madaxa dhigeen oo seexdeen. Waxaa raftay kalluunkii dambiisha ku jirey, wuuna ka baxay, wuxuuna ku dhacay badda (wuxuuna baddii ka samaystay waddo jeexan). Ilaahay kalluunkii wuxuu ka qabtay qulqulkii biyaha, waxayna u noqdeen sidii daaqad.

 

Markii uu baraarugay buu hilmaamay saaxiibkiis (khaadimkii) in uu u sheego kalluunkii, markaas bay socdeen intii ka dhimanayd maalintooda iyo habeenkooda. Markii ay berri noqotay buu ku yiri Muuse (khaadimkiisii: ina sii qadadeena, safarkeenaan dhib baan kala kulanaye).

 

Wuxuu yiri (nabigeenu): Muuse ma daalin ilaa ay dhaafeen meeshii Alle amray, markaas buu ku yiri khaadimkiisu: (ka waran markii aan u dumanay dhadhaabka waxaan hilmaamay kalluunkiiye, shaydaan mooyee cid kalena ima hilmaansiin in aan kuu sheego, wuxuuna baddii ka samaystay wax lala yaabo). Wuxuu yiri nabigeenu (scw): wuxuu u noqday kalluunkii jeexdin, Muuse iyo khaadimkiisana wax lala yaabo. Markaas buu yiri Muuse: (kaasi waa kii aan doonaynay, markaas bay raadkoodii dib ugu noqdeen iyaga oo raacraacaya).

 

Wuxuu yiri nabigeenu (scw): way noqdeen iyaga oo raadkoodii raacraacaya  ilaa ay gaareen dhadhaabkii, mise nin baa maro ku duuduuban, markaas buu salaamay Muuse, markaas buu yiri Khadir: xaggee bay dhulkaaga salaantu uga timid!?. Wuxuu yiri: anigu Muuse ayaan ahay. Wuxuu yiri: ma Muusihii Banii Israa’iil?. Wuxuu yiri: haa, waxaan kuugu imid inaad iga bartid waxa lagu baray hanuun. Wuxuu yiri: (adigu kuma samri kartid raaciddayda).

 

Muusow anigu waxaan haystaa cilmi ka mid ah cilmiga Ilaahay oo uu I baray, adiguna aadan aqoon, adiguna waxaad haysataa cilmi ka mid ah cilmiga Ilaahay oo Ilaahay ku baray, aniguna aanan aqoon. Markaas buu yiri Muuse: (waad I heli doontaa (in shaa’ Allaah) aniga oo saabir ah, wax talo ahna kugu caasin maayo). Markaas buu khadir ku yiri: (haddii aad i raacdid shayna wax ha iga weydiin ilaa aan wax kaaga sheego).

 

Way bexeen iyaga oo ku socda badda xeebteeda, markaas bay soo martay doon, waxayna kala hadleen inay qaadaan, waxayna garteen Khadir, markaas bay nooli la’aan ku qaadeen. Markii ay doontii fuuleen baa waxaa kadis ku noqotay Khadir oo gudin ku fujiyay loox ka mid ah alwaaxdii doonta, markaas baa Muuse wuxuu ku yiri: dad nagu soo qaaday nooli la’aan baad doontoodii u bareertay in aad dillaacisid; (si aad u hafisid (qarqisid) dadka saaran, waxaad la timid wax weyn. Wuxuu yiri Khadir: soow kuma aanan dhihin kuma samri kartid la socodkayga?. Wuxuu yiri (Muuse): ha ii qaban waxaan hilmaamay, hana igu kallifin arrintayda culays)

 

Wuxuu yiri (Ubayi): Rasuulku wuxuu yiri: tan hore Muuse waxay ka ahayd hilmaan.

 

Wuxuu yiri (nabigu): waxaa yimid shimbir, wuxuuna ku dhacay (fuulay) doonta qarkeeda, markaas buu badda afka ku dhuftay, markaas baa Khadir ku yiri: cilmigayga iyo cilmigaagu kama aha cilmiga Ilaahay waxa shimbirkaani badda ka nusqaamiyey oo kale mooyee.

 

Ka dib way ka bexeen doontii, goor ay labadoodii xeebta ku soconayeen buu arkay Khadir wiil wiilal la cayaaraya, markaas buu Khadir gacantiisa ku qabtay madixiisa, markaas buu gacantiisa ku soo fujiyay, waana diley. Markaas buu ku yiri Muuse: (ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf kale dilin?, waxaad la timid wax la inkiro. Wuxuu yiri (Khadir): soow kugu ma oran adigu kuma samri kartid la socodkayga?. Wuxuu yiri (nabigu): tani way ka adagtahay tii koowaad.

 

Wuxuu yiri (Muuse): haddii aan wax taa ka dambeeya ku weydiiyo ha ila saaxiibin, agtayda cududaar baad ka gaartaye. Way socdeen ilaa ay u yimaadeen ehluqaryo, waxayna dadkeedii waydiisteen cunto, markaas bay diideen inay martigaliyaan. Waxay ka heleen magaalada dhexdeedii darbi dumi raba) wuxuu yiri: janjeera, markaas buu Khadir kacay oo gacantiisa ku toosiyey, markaas buu yiri Muuse: (waa) qolo aan u nimid oo aan cunto na siin, nana soorin (haddii aad doontid mushqaayad baad ka qaadan lahayd. Wuxuu yiri: kani waa kii aan ku kala tagi lahayn, waana kuu sheegi doonaa wixii aad ku samri weyday tafsiirkooda.

 

Doonta waxaa lahaa masaakiin badda ka shaqaysta, waxaana doonay in aan ceebeeyo (waxyeeleeyo), waxaana ka dambeeyay boqor boob ku qaadanaya doon kasta (oo wanaagsan).

 

Wiilka se labadiisa waalid waxay ahaayeen mu’miniin, waxaana ka cabsanay in uu ku kallifo xadgudub iyo gaalnimo, waxaana doonay in Rabbigood ugu badalo (mid) ka khayr badan daahirsanaan, ugana naxariis dhaw.

 

Darbiga se waxaa lahaa labo wiil oo agoon ah oo magaalada ku sugan, waxaana hoostiisa ugu jirey kansi (kayd) ay lahaayeen, aabbohoodna wuxuu ahaa (mid) wanaagsan, Rabbigaana wuxuu doonay inay gaaraan xooggooda, ayna la soo baxaan kansigooda, (sidaasna waxaan u yeelay) naxariis Rabbigaa xaggiisa ka ahaatay, mana u samayn (waxaas) taladayda, kaasina waa tafsiirkii wixii aad ku samri weyday.

 

Rasuulku (scw) wuxuu yiri: waxaan jeclaysanay in uu Muuse sabri lahaa ilaa Ilaahay nooga sii qiseeyo khabarkooda.

 

Saciid Ibnu Jubeyr wuxuu yiri: Ibnu Cabbaas wuxuu akhriyi jirey ( waxaa hortooda jirey boqor boob ku qaata doon kasta oo wanaagsan), wuxuu kale oo akhriyi jirey: (wiilku se wuxuu ahaa gaal, labadiisa waalidna mu’miniin bay ahaayeen).

 

Riwaayad Bukhaari iyo Muslim wariyeen wuxuu ku yiri Saciid Ibnu Jubeyr: annaga oo Ibnu Cabbaas gurigiisa la joogna ayuu yiri: I weydiiya. Waxaan iri: Abuu Cabbaasoow Ilaahay ha igu kaa furtee Kuufa waxaa ku sugan nin sheekeeye (qissa badane) ah oo la dhoho Nowf, wuxuu ku andacoonayaa in aanu ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil.

 

Ibnu Cabbaas wuxuu yiri: Ubayi Ibnu Kacab baa iigu warramay in Rasuulku (scw) yiri: waa Muusihii rasuulka Ilaahay ahaa. Wuxuu yiri (nabigu): maalin buu dadka waaniyey ilaa markii ay ka ilmeeyeen, quluubtuna jilicday uu jeestay. Waxaa ka dabatagay nin, wuxuuna yiri: rasuulka Allow dhulka qof kaa cilmi badan ma joogaa?, markaas buu yiri: maya, markaas buu canaantay (Ilaahay) maadaama aanu cilmigii Ilaahay u celin. Waxaa la yiri: waa jiraa (cid kaa cilmi badan). Wuxuu yiri (Muuse): Rabbiyoow mee?. Wuxuu yiri: halka labada badood isugu yimaadaan.

 

Riwaayaddu waxay sheegtay in kalluunku mayd ahaa calaamadna ay u tahay meeshii ruuxa lagu la afuufo. Khaadimkiisii wuxuu ku yiri: kugu kallifi maayo wax kale in aad ii sheegtid meesha kalluunku kugu faaruqo mooyee. Wuxuu yiri: wax badan igu ma aadan kallifin.

 

Kalluunku wuu fargaday iyada oo Muuse hurdo, markaas buu khaadimkiisii wuxuu yiri: ma toosinayo, markii uu soo toosayna wuu hilmaamay in uu u sheego. Kalluunkii wuu fargaday ilaa uu badda galay, Ilaahayna wuxuu ka joojiyay qulqulkii biyaha, ilaa laga moodo in raadkiisu dhagax ku yaal.

 

Wuxuu ku duuduubnaa (Khadir) maradiisa oo uu madaxa iyo majaha ka meersaday, markaas baa Muuse salaamay, markaas buu wajigiisa fayday , wuxuuna yiri: dhulkayga ma salaam baa ka jirta?, kumaad tahay?. Wuxuu yiri: anigu Muuse ayaan ahay, markaas buu yiri: ma Muusihii reer banii Israa’iil?. Wuxuu yiri: haa. Wuxuu yiri: waa maxay xaalkaagu?. Wuxuu yiri: waxaan u imid in aad iga bartid waxa lagu baray hanuun.

 

Wuxuu yiri: miyaanay kugu filnayn in aad Tawraad haysatid, waxyiguna kuu yimaado?. Muusoow waxaan leeyahay cilmi aysan kuu habboonayn inaad ogaatid, adiguna waxaad leedahay cilmi aanay ii habboonayn in aan ogaado. Markaas baa shimbir afkiisa badda (biyo) kaga qaatay. Wuxuu yiri: wallaahi cilmigayga iyo cilmigaaga marka la barabar dhigo cilmiga Ilaahay inaanu ka ahayn sida shimbirkaani afkiisa badda (biyaha) uga qaatay oo kale mooyee. (wuxuu u jeedaa inta shimbirku afkiisa badda kaga qaatay bay la mid tahay inta aynu labadeenu cilmiga Ilaahay ka qaadanay).

 

Waxaa riwaayadaas ku jira in ay Khadir aqoodeen oo ay dheheen: waa addoonkii Ilaahay ee wanaagsanaa, ka qaadi mayno kiro oo uu jeexay (doontii), uuna (meeshuu jeexay) kurtun ku dhakabiyey.

 

Riwaayad seddexaad waxaa ku jirey in ay ku doodeen Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays Alfazaariyi Muuse saaxiibkiis, markaas baa waxaa soo maray Ubayyi Ibnu Kacab, markaas baa Ibnu Cabbaas u yeeray, wuxuuna yiri: aniga iyo saaxiibkaygaan baa ku muranay saaxiibka Muuse ee uu (Muuse) weydiistay jid uu u maro la kulankiisa, ee ma ka maqashay Rasuulka isaga oo arrintiisa sheegaya.

 

 

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

 

Shiikh Zandaani oo ku dhawaaqay Daawo aay u heleen Cudurka Hargab Doofaarka »

zandani1

Sheekh Cabdul Majiid Alzandaani oo ah sheikh si weyn looga yaqaano dunida Islaamka una dhashay dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in Xarunta Daraasaadka Caafimaadka Nabawiga ah ee hoos tagta Jaamacada Iimaan ee Sheekh Zandaani madaxda ka yahay aay heshay Daawo lagula tacaalo dhamaan xumadaha oo dhan gaar ahaan xumada ama hargab doofaarka u danbeeyay ee Dunidu la dhakafaarsan tahay bilihii tegay oo dhan. Sii akhri »

Sheekh ka mid ah Culimada caanka ah ee Magaalada Burco oo Xafiiskiisa lagu weeraray »

baasheXalay fiidnimadii intii u dhaxaysay Salaadii Makhrib iyo Cishe ayay labo nin oo budad sitaa waxa ay weerer ku qaadeen Sheekh C/laahi Dahir Jaamac “C/laahi Baashe” oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Magaalada Burco isaga oo xilligaas ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla badhtamaha Magaalada .

  Sii akhri »

Waajibka xukuumadaha ka saaran xujeydooda »

Axmad Cabdisasmad

alwaqaar@hotmail.com

 Xajku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee diinta islaamku ku taagantahay, wuxuuna waajib ku yahay qof kasta oo awooda. Waajibka qofka xajka kara gaarka u saaran ka sokow waxaa saaran dowladda muslimka ah in ay gudato xilka ka saaran fulinta tiirkaan weyn. Maadaama aysan jirin hal dowlad oo muslimiinta u wada talisa xilkaas inta badan wuxuu saaranyahay dowladda markaas ka talisa dhulka barakaysan.

 Marka la eego sida muslimiinta loo qaybqaybiyey iyo sida qolo walba ay xilkeeda ugu koobtay intay u taliso kaliya waxaa dawlad kasta gaar ahaan looga doonayaa in ay raciyaddeeda iska xilsaarto cibaadadooda iyo danahooda kaleba. Sidaa darteed ayay dawladuhu u sameeyaan xajka wasaarad u gaar ah ama hay’ad wasaaradda arrimaha diinta hoostimaada; si ay u nidaamiso arrimaha xajka ama wax uga qabato baahiyaha xujeyda.

 Haddaba Soomaalidu maadaama ay dawlad la’aan ahaayeen muddo dheer waxaa adeegyadii bulshada isu xilsaaray dhinac walba dad gaar ah oo intii tabartood ah buuxiyay. Nidaaminta xajka iyo cumraduna waxay noqotay nasiibka shirkadaha diyaaradaha oo qeyb lixaad leh ka qaatay fududaynta gudashada waajibkaas, waxaase mar walba la tabayey maqnaanshaha kaalintii dawladda oo iyadu cid kasta kaga habboon furdaaminta wixii dawlad kale ku xirma, isla markaasna ay ahayd inay si gaar ah u eegto danaha xujeyda, sida: kontoroolidda qiimaha xujeyda laga qaadayo, caafimaadkooda, hoygooda iwm.
Dawladdu maxay u qaban kartaa xujeydeeda?

 Shaki ma leh in aynaan haysan dawlad laga haybaysto oo xaqeeda soo dhacsan karta ama danaha muwaadiniinteeda u dagaalami karta, haddana qofka xambaarsan magac dawladeed wuxuu leeyahay tixgalin uusan helayn qofka caadiga ah.

Waxyaabaha xajka khuseeyana ma aha siyaasado xaajaysi u baahan ama kaalmo dawladda Sucuudiga gaar ahaan looga dalbanayo ee waa xaq ay wada leeyihiin xujeyda oo dhan, xataa kuwa aan dawlado muslim ah ka imaan; sidaa darteed waxbadan bay dawladdu arrintaan ka fududayn kartaa, waxaana ka mid ah:

1. in shirakadaha diyaaradaha ee adeeggaan ku mashquulsan loo fududeeyo wixii dukuminti ah oo aan lagu adkayn ama xoolo dadka hadhow cusleeya lagaga qaadan.

2. in ay hay’adaha xajka ku shaqada leh kala hadlaan wixii si gaar ah ay u tabanayaan xujeyda Soomaalidu oo laga yaabo in dadka ay la dhaqmayaan aysan sidii la rabey ugu adeegin, sida xafiiska wakiilada midoobey oo ku shaqo leh gaadiidka iyo khaymadaha la dagayo.

3. In ay ku daraan xujeyda wufuud rasmi ah oo xajkooda ka sokow ka qaybqaata danaha xujeyda. Wufuuddaasna laga ma doonayo qolo gaar ah ee maamulada dalka ka jira oo dhan way qabataa in ay arrintaan xil iska saaraan.

4. In ay u magacaabaan kormeerista habsami u socodka hawlaha xajka guddi ka kooban culumo iyo masuuliyiin xilkas ah oo la eega shirakadaha diyaaradaha iyo cid kastoo ku lug leh arrimaha xajka sida ugu habboon ee loo fulin karo shaqada.

5. In ay la furdaamiyaan xujeyda ama shirkadaha diyaaradaha wixii caqabada ah ee ka horyimaada gudaha iyo dibadaba.

6. In ay xujeyda ku caawiyaan talo iyo taageero kaleba, sida wacyigalinta iyo la talinta dadka reer miyiga ama waayeelka ah iyo gaar ahaan wixii maamulada khuseeya, sida fududaynta hawlaha Immigration ka iyo dhimista wixii dhaqaale ahaan u cuslaynaya. 

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Page 1 of 13123456»...Last »