Sh. Maxamuud Sh. Shibli oo kitaab ka qoray qiso aan sugneyn oo dhiigga Muslimiinta lagu baneysto. (Akhriso)

Published on December 5, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu xeel dheer cilmiga diinta, in badanna kusoo dhex jiray faafinta diinta iyo barista dadka culuumta sharciga ah ee kala geddisan ayaa dhowaan ebyay kitaab uu ka qoray qiso aanan diinta ku sugneyn oo qolyaha fitneysan ee khawarijta ay u daliishadaan banneysiga daadinta dhiigga muslimiinta.

Sh. Shibli ayaa waqtiyadii dambe aad isugu taxallujiyay ka digidda manhajka qalloocan ee kooxaha caqiidadii salafka ka inxiraafay isagoo doodo dhaadheer oo diini ah la galay qaar kamid ah culimada  jamaacada takfiirka (Khawaarijta), doodahaas oo isugu jira qoraallo ay is weydaarsadeen kooxdaas iyo kuwa fool ka fool ah intaba, si uu uga badbaadiyo halista caqiido  ee ay ku sugan yihiin, xaqana ugu bayaaniyo si aan inxiraafkooda caammadu ugu kadsoomin.

Sheekha oo horayna u ballan qaaday inuu gali doono muxaadaraat uu kusoo kashfin doono inxiraafaadka waaweyn ee diiniga ah ee ay dhex dabaalanayaan qaar kamid ah “Culimada” kooxahaas ayaa dadweynaha soomaaliyeed usoo bandhigay kitaab qeyb ka ah caddeynta waxyaabaha aan diinta aheyn ee kooxahaasi u daliishadaan xasuuqa dadka muslimiinta ah ee ay gumaadkooda ka dhigteen cibaado Alle loogu dhowaado.

Kitaabka sheekha oo ku qoran afka carabiga ayaa xambaarsan cilmi qoto dheer oo uu u baahan yahay qof walba oo muslim ah inuu ogaado kana faa’iideysto.

Kitaabkii sheekh Shibli ka akhriso linkigan hoose

Halkan ku dhufo si aad u akhrisatid kitaabka

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines