Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xassan Sh Maxamuud oo ka badbaaday isku day dil

Published on September 12, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhowayd la weeraray Hotelka Al Jazeera oo uu degan yahay Madaxweynaha Cusub ee DFS waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in afaafka hore ee Hotelka Al Jazeera laga maqlay qarax weyn waxaana sidoo kale burbur uu soo gaaray gawaari Tikniko ah oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo ilaalo ka hayey Hotelka.

Waxaa Hotelka Al Jazeera hortiisa yaala laba nin oo meyd ah kuwaasi oo loo maleynayo kuwii isku qarxiyey afafka hore ee Hotelka .

Ciidanka AMISOM ee waardiyaha ka hayey Hotel Al-Jazeera ayaa furay rasaas badan taas oo sababtay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Wixii soo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dr. Xasan Sh. Maxamuud oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha Soomaaliya
  2. C/raxmaan Maxamuud “faroole “ oo noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland
  3. Cabdi Maxamuud Cumar “ina Iley” oo si ku meel gaadh ah loogu doortay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya
  4. Taliyaha booliska gobalka Mudug ee Puntland oo ka badbaaday qarax miino
  5. Jaamacada Carabta oo codsatay in Ciidamo isku dhaf ah la geeyo Soomaaliya

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr. Xasan Sh. Maxamuud oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha Soomaaliya
  2. C/raxmaan Maxamuud “faroole “ oo noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland
  3. Cabdi Maxamuud Cumar “ina Iley” oo si ku meel gaadh ah loogu doortay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya
  4. Taliyaha booliska gobalka Mudug ee Puntland oo ka badbaaday qarax miino
  5. Jaamacada Carabta oo codsatay in Ciidamo isku dhaf ah la geeyo Soomaaliya

Latest Headlines