Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa maanta saxaafadda u sheegay in la helay burburka laba diyaaradood oo ay lahaayeen ciidamada dalka Uganda. Diyaaradahan ayaa ka mid ah diyaarado axaddii lasoo dhaafay la waayay iyagoo kusii jeeda dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada dalka Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Wararka qaar ayaa tibaaxaya in ujeeddooyinka ay u socdeen ay kamid aheyd inay ka qeyb qaataan duullaanka ay ciidamada huwantu maaggan yihiin in ay ku qaadaan magaalada Kismaayo iyo degaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee ay wali gacanta ku hayaan ciidamada ururka Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay maalintii Axadda ka soo kicitimeen garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Uganda. Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in diyaaradaha la helay iyagoo gubtay walow warar is khilaafsan ka soo baxayaan in ciidankii saarnaa in la badbaadiyey iyo in ay dhinteen dhamaantood.
Afhayeenka Ciidanka dalka Kenya Bogta Ongeri ayaa saxaafada u sheegay in burburka diyaaradahaan laga hellay buuraha la yiraahdo Mount Kenya.
Ilaa shalay ayaa saxaafada dalka Kenya iyo Uganda waxaa ay qorayeen in la helay diyaaradaha iyagoo aan sheegin in diyaaraduhu burbureen iyo in kale, warar hordhac oo soo baxay ayaa sheegay in ilaa 8 askari oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha burburay la soo badbaadiyey loona duuliyey isbitaal Milateri oo ay leeyihiin ciidanka dalka Kenya.
Tirada guud ee diyaaradaha kasoo kicitimay Uganda ayaa lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 4 diyaaradood. Diyaaradahaas mid kamid ah ayaa ku degtay garrisa halka mid kaelna ay si deg deg ah (Emargency landing) u caga dhigatay goob aan la carrifin, halka labada kalena ay burbureen iyadoo aan la sheegay sababta dhabta ah ee ka dambeysay burburkooda.
Wixii war ah oo ku soo kordha diyaaradaha la hellay dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa haddii Alle idmo.
Halgan.net/Somalimirror.com

Related posts: