Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo lagu dilay degmada Dharkenley

Published on August 12, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa saaka lagu dilay degmada Dharkenley ee gobalka BanaadirYuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa wasaarada warfaafinta ee DFKM wuxuuna isku xiri jiray saxaafada madaxa banaan iyo wasaarada warfaafinta.

Koox Hubeysan oo aan la aqoon ayaa ku dishay xaafada Madiino ee degmada Dharkenley Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFKM iyaga oo baaritaano ka sameeyey goobta lagu dilay Yuusuf Farey.

Alaha ha u naxariistee  Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) ayaa wuxuu ahaan saxafi si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho waxaana uu in mudo ah ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho xiligii talada dalka uu hayey Maxamed Siyaad Bare .

Ilaa haatan lama yaqaan cida dishay Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) balse saraakiil ka tirsan DFKM waxay dilka ku eedeeyeen kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab.

Halgan.net/somalimirror.com

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Qaraxyo miino oo khasaare geystay oo ka dhacay degmada Dharkenley
  2. Maamulka degmada Dharkenley oo sheegay inay degmadaasi bandow ku soo rogeen
  3. Askari ka tirsan ciidanka DFKMG oo lagu toogtay Dharkenley
  4. Eng. Cali Xaaji Shirwac oo lagu dilay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
  5. Qarax ka dhacay xalay degmada Dharkenley

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaraxyo miino oo khasaare geystay oo ka dhacay degmada Dharkenley
  2. Maamulka degmada Dharkenley oo sheegay inay degmadaasi bandow ku soo rogeen
  3. Askari ka tirsan ciidanka DFKMG oo lagu toogtay Dharkenley
  4. Eng. Cali Xaaji Shirwac oo lagu dilay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
  5. Qarax ka dhacay xalay degmada Dharkenley

Latest Headlines