Uganda oo Soomaaliya usoo direysa ciidamadeeda cirka

Published on August 8, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Uganda ayaa wadda qorshe ay ku xoojineyso joogitaanka ciidamadooda Soomaaliya iyadoo ku howlan sidii ay Soomaaliya ugu yeelan laheyd saldhigyo ay degaan ciidamada cirka ee dalka Uganda.

Waxaa loo diray magaalada Muqdisho khubaro waaweyn oo ka kooban 28 kuwaas oo aasaaska usoo dhigaya ciidamada cirka ee Uganda ee loosoo wado dalka Soomaaliya.

Madaxa ciidamada cirka ee dalka Uganda Jim Wesigire ayaa sheegay in Soomaaliya loo diray qeyb kamid ah diyaaradaha midowga Afrika si ay gacan uga geystaan dagaalka ay ciidamda Amisom ku jiraan inta aan la gaarin doorashada dhowaan la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Ciidamda dalka Uganda ka jooga Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu horreeyay ciidamada Amisom ee Soomaaliya ku sugan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines