Xildhibaan C/Qaadir Sh. Maxamuud oo saaka lagu dilay magaalada Garoowe

Published on August 6, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Sida ay tibaaxayaan wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland waxaa saaka aroortii lagu dilay magaaladaas xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland, laguna magacaabay C/Qaadir Sh. Maxamuud (Sheybe).

Xildhibaan Sheybe ayaa waxaa dilay nin ku hubeysnaa baastoolad.  Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah xildhibaanka ayaa salaaddii subax ku tukaday mid kamid ah masaajidda magaalada Garoowe, kadibna ku daahay Qur’aan akhris iyadoo markii uu dhammeystay, dadkiina kala yaraadeen uu masjidka albaabkiisa markii uu kabaha ku gashanayay uu nin ku heysan bistoolada uu dhowr xabbadood madaxa kaga dhuftay, halkaana uu ku naf baxay.

Ninka dilay C/Qaadir ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday iyadoo dhanka maamulka Puntland ay ku howlan yihiin sidii lagu soo qaban lahaa gacan ku dhiiglahaas.

Dilalka ceynkan ah ee masaajidda agagaarkooda dadka tukada lagaga ugaarsanayo ayaa in mudda ahba ka jiray gobollada Puntland, iyadoo ay hakad galeen wixii ka dambeeyay dilkii ay Diktoor Axmed Xaaji Axmed C/Raxmaan ugu geysteen dabley ka tirsan Xarakada Alshabaab isagoo soo xajiyay, caashuurana Soomman salaad subxeedna jamaaco kusoo tukaday.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo caawa lagu dilay M. Garoowe
  2. Xildhibaan Caawa lagu dilay Boosaaso
  3. Qarax caawa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe
  4. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DKMG oo xalay lagu dilay Muqdisho
  5. Xildhibaan C/qaadir Caraale oo sheegay in Amisom ay dumineyso Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo caawa lagu dilay M. Garoowe
  2. Xildhibaan Caawa lagu dilay Boosaaso
  3. Qarax caawa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe
  4. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DKMG oo xalay lagu dilay Muqdisho
  5. Xildhibaan C/qaadir Caraale oo sheegay in Amisom ay dumineyso Muqdisho

Latest Headlines