Bayaan ka soo baxay Shirkii Culimada iyo Ducaadda Salafiyiinta ee Kenya

Published on August 6, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Bayaan ka soo baxay Shirkii Culimada iyo Ducaadda Salafiyiinta ee Kenya

August 5- 6, 2012 Ramadaan 17,18, 1433h

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey kulan labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah culimada iyo ducaadda  Soomaaliyeed ee Kenya. Shirkaas waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

  • is waraysi iyo xog kala qaadasho
  • Wada tashi ku wajahan dib u habeynta dacwada
  • Sixidda iyo ka hortaga manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah salafka.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib culimada iyo ducaaddu waxay isku raaceen:

  1. In dibu-habayn lagu sameeyo dacwada oo la dardar galiyo, lana xoojiyo isku xidhnaanta iyo iskaashiga ducaadda iyo culimada.
  2. In laga hortago manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah ee salafu saalix. Sida; kooaxaha takfiirka ah ee faafinaya manhajka khawaarijta, kooxaha banaysanaya dhiigga muslimiinta iyo guud ahaanba  kooxaha kale ee soo noolaynaya caqiidooyinka firqooyinkii lunsanaa.
  3.  In culimadu ay mowqif mideysan ka yeeshaan masalooyinka caamka  ah iyo dhacdooyinka cusub ee hadba soo kordha.
  4. In la xoojiyo kaalinta ay culimadu ku leeyihiin heshiisiinta, hoggaaminta iyo sixidda bulshda Soomaaliyeed.
  5. In culimadu kaalin libaax ku yeeshaan horumarka shacabka iyo u gurmadka meelaha ay ka dhacaan musiibooyinka guud.
  6. In mudnaan gaar ah lasiiyo daryeelka iyo waxbaridda dadka soo islaamaya ee kala duwan, loona sameeyo goobo wax lagu baro.
  7. In looga digo dadka  falalka waxyeelada u gaysanaya Muslimiinta dalka kunool iyo diintooda, sida qarxinta goobaha dadwaynaha, goobaha cibaadada iwm, taas oo keeni karta in lagu ugaadhsado meelaha ay ku yaryihiin ama masaajida la gubo.

Gabagabo:

Waxay culimada iyo ducaadda isu timid ugu baaqayaan ummadda soomaliyeed: Inay Allaah ka baqaan, diintoodana si wada jira u qabsadaan, ayna diintooda ka qaataan culimada lagu kalsoon yahay, kuna dadaalaan walaalnimadooda iyo wadajirkooda, khilaafkoodana ku xalliyaan wada hadal iyo walaaltinimo si waafaqsan shareecada islaamka.

Waxaa kulankan ka soo qayb galay culimo iyo ducaad badan oo ay  ka mid yihiin:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. Sh Maxamed Cabdi Umal
  2. Sh C/Raxmaan Sh Cumar
  3. Sh Xasan Ashkir
  4. Sh Maxamuud Shible
  5. Sh C/Qaadir Boobe
  6. Sh C/Wahaab Isxaaq
  7. Sh Maxamed Ibrahim Shakul
  8. Sh Cismaan Maxamuud
  9. Sh. C/laahi Nuur Abul-fadli
  10. Sh. Axmed Sulub
  11. Sh. Maxamed Cismaan Calasow
  12. Sh Faarax Mire Rooble
  13. Sh Faarax Maxamed Jeenihaar
  14. Sh C/Wahaab Cismaan
  15. Dr. Axmed Xaaji C/ladiif
  16. Dr. Adam Sh Cali Saalax
  17. Dr. Maxamed Maxmuud Cali
  18. Dr. Adam Inshaar
  19. Dr. C/laahi Xasan Ibraahim

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ee UK oo bayaan ka soo saaray dilkii Dr. axmad xaaji
  2. Shirkii Culimada ee M/disho oo la soo xirey & Bayaan ka soo baxey
  3. Culimada ka qeyb gashay Nadwo Cilmiyeedkii ka socday Masjidka Al rowda ee M. Boosaaso oo Bayaan soo saaray
  4. Culimada wadanka Boqortooyada Sucuudiga oo bayaan ka soo saaray mudahaaradyada ka dhacay wadamada Carabta
  5. Bayaan ka soo baxay shir uu qabanqaabiyay Midowga Culimada Muslimiinta oo culimo Soomaaliyeed ka qayb galeen

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ee UK oo bayaan ka soo saaray dilkii Dr. axmad xaaji
  2. Shirkii Culimada ee M/disho oo la soo xirey & Bayaan ka soo baxey
  3. Culimada ka qeyb gashay Nadwo Cilmiyeedkii ka socday Masjidka Al rowda ee M. Boosaaso oo Bayaan soo saaray
  4. Culimada wadanka Boqortooyada Sucuudiga oo bayaan ka soo saaray mudahaaradyada ka dhacay wadamada Carabta
  5. Bayaan ka soo baxay shir uu qabanqaabiyay Midowga Culimada Muslimiinta oo culimo Soomaaliyeed ka qayb galeen

Latest Headlines