Culimada Soomaaliyeed oo Fatwo kasoo saaray Xassaan Xuseen Aadam kuna xukumay inuu kamid yahay khawaarijta, ummaddana uga digay fitankiisa

Published on August 3, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaa maanta soo gaaray somalimirror.com nuqul Fatwo ah oo ay soo saareen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, taas oo ay ku caddeeyeen in Xassaan uusan heysan heysan caqiidadii dhexdhexaadka aheyd ee laga soo gaaray Assalafussaalix ee uu caqiideysan yahay fikirkii gurracnaa ee khawaarijta. Culimada fatwada soo saaray oo ah qeyb kamid ah culimada ugu waaweyn uguna caansan culimada Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka uga digay ninka lagu magacaabo Xassaan Xuseen oo waayahanba ku mashquulsanaa inuu soo saaro qoraallo iyo axkaam lagu dhibaateynayo dadka muslimiinta ah, laguna banneynayo dhiiggooda, sharaftooda iyo maalkooda.  Fatwadan ayaa soo baxday ka dib markii qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigta Jaamacaadka Islaamiga ah ay su’aalo ka weydiiyeen culimada Manhajka Xassaan Xuseen  iyo Aqwaal uu ku khilaafay Manhajkii Ahlusunaha.

Fatwada ay culimada Soomaaliyeed kaga digayaan Manhajka Xassaan Xuseen ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Xassaan Xuseen shacabka Soomaaliyeed shacab, maamul, culimo, kooxo kooxo, deegaan deegaan iyo qabaa’illaba u gaaleysiiyay iyadoo muxaadaraad uu qabtay maalmo ka horna uu ku adkeystay in Jamaacada Ictismaa Bil Kitaabi wasunah ay yihiin Gaalo kuna xukumay koox riddowday, jamaacadaas oo ah tii ugu dambeysay cid uu gaaleysiiyo. Jamaacada Al-Ictisaam Bil-kitaabi Wassunah ayaa ah urur islaami ah oo ay kamid yihiin inta badan culimada Soomaaliyeed ee Salafiyiinta ah, dacwada ka hanaqaadday Soomaaliyana wax badan kasoo qabtay.

Fatwadii culimada oo af-Soomaali ah

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines