MAS’ALOOYIN KU SAABSAN RAMADAANKA Qore: C/raxmaan C/laahi Cali ( Gurey)

Published on July 25, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Mahad oo idil waxaa iskale Allaha na Abuurey oo na quudiya kadib Nabad & Naxariis Allaah ha yeelo Rasuulkeenni Muxammed ahaa dushiisa.

Intaa kadib Maadaama Soonku yahey mid kamid ah Tiirarka Diinta oo leh axkaam u gaar ah oo ka qarsoomi karta bulshadeenna waxaan jecleystey in aan wax  ka qoro arrimaha uusan ka dhammeyn muslim kasta oo raadinaya barashada aqoonta sharciga ah.

Qeexidda Soonka

Soonku waa ka af-heysiga Dhammaan Waxyaabaha Jabiya laga bilaabo dhalashada subaxa ilaa dhicidda qorraxda iyadoo loola jeedo caabudid Allaah.

Xukunka Soomka

Waa waajib Rugni ah, Wuxuuna ku waajibaa qof kasta oo Muslim Qaan-gaar ah Caqli leh Caafimaad qaba Daggan (Musaafir aheyn ).

Muxuu ku waajibaa soonka bisha Ramadaan?

Soomidda Ramadaan Wuxuu ku waa jibaa Sugnaashada Bisha waxeyna bishu ku sugnaataa 2 Arrin middood oo kala ah:-

1-    Aragtida Bisha haddii qof caadil ah uu qiro inuu arkey bishi Ramadaan waa lagu soomayaa balse afuridda ciidda waxaa loo baahan yahey labo marqaati oo caadil ah .

2-    Kaamilista soddonka bisha Shacbaan  maxaa yeelay islaamku ma qabo bil soddon ka badan Nabiguna NNKH wuxuu yiri; (hadii bisha aad aragtaan sooma hadii aad aragtaanna Afura hadii la idinka qariyana buuxiya sodonka bisha Shacbaan)

 

Shuruudda Ansixidda Soonka

1-    Islaamnimo; gaalku soon kama ansaxo hadii uu soomo.

2-    Caqli; qofka waalan ama suuxsan maalinki oo dhan soon kama ansaxo.

3-    Daahir ka ahaasho dhiig Caado & mid Dhalmo; Haweenta haddii ay qabto dhiig caado ama mid dhalmo soon kama ansaxayo haddii ay soonto waa ku danbaabeysaa.

Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu leeyahey tiirar hadii la waayo uusan jireyn soon, waana:-

1-    Af-heysi; Qofka sooman waa inuu ka af-heystaa dhammaan wixi soonka jabiya.

2-    Niyo; waa in qofku niyada galiyaa habeenki in uu soomayo berri.

Waxaana loo shardiyaa niyada afar arin oo kala ah:-

1-     (Jazmi ) oo ah inuu go,aansado inuu soomayo berri ee aysan shaki & laba labeyn soo galin.

2- ( Tacyiin ) oo ah inuu Caddeeyo nooca soonka uu soomayo waajib ama sunno Ramadaan ama mid kale.

3-    ( Tabyiit ) oo ah inaad soonka niyeeysato Waqti habeenki kamida laga bilaabo Dhicidda Qoraxda ilaa Dhalasha Salaadda subax.

4-    ( Tajdiid ) oo ah in habeen walba oo bisha kamid ah uu niyeysto soonka berri ah.

F.G: Niyadu waa u qasadka shey oo ay la socoto sameytiisa Booskeeduna waa Qalbiga mana lagu dhawaaqo oo madhaheysid waxaan niyoodey sidaas balse qalbiga ayaad galineysaa kadibna waa sameyneysaa.

 Waxyaaba soonka jabiya

1-    Cunid ama Cabbid haddii qofka soomman uu wax cuno ama cabbo si kas ah waa ka buraa soonku waxaa la mid ah cunidda in sanka uu wax isaga shubo oo ay gaaraan caloosha ama maskaxda.

2-    Wax walba oo u dhigma cunis ama cabbid oo afka & sanka aan laga qaadan sida faleembada quudinta ah.

3-    Ismatajin hadii qofka kas isku matajiyo waa ka buraa soonka.

4-    Dhiig Caado & mid dhalmo oo ka yimaada qofta dumarka ah.

5-    Qofka oo go,aansada inuu afuro waxba yuusan cunin haduu rabee.

6-    Hadii qofka iska keeno shahwo (mani ) iyadoo uusan wax galmo ah sameyn sida inuu gacan isaga keeno ama xaaskiisa uu taataabto oo manidi katimaado  soonkiisu waa burayaa.

7-    Galmo hadii xubinta taranka Ragga ay gasho farjiga haweenta soonki waa buraa waxaana laga rabaa kafaaro gud oo ah

a-    inuu xureeyo Addoon Hadii uu waayo waxaa laga rabaa;

b-    inuu soomo labo bilood oo xiriir ah hadduu awoodi waayana  waxaa laga rabaa;

c-    inuu quudiyo 60 miskiin halki miskiinba wax ku filan uu hal mar cuno.

8-    Haddii uu tago caqliga sida inuu waasho ama uu suuxsanaado maalinti oo dhan soonki waa buraa.

9-    Riddo hadii qofku uu islaamnimada kabaxo (Alaha naga badbaadiyee ) soonki waa buraa.

Intaas waa waxyaabaha soonka jabiya oo qofkii ku dhaco laga rabo inuu soo qalleeyo soonka, waxaase jira waxyaabo soonka ajarkiisa naaqusiya oo ay habboon tahey qofka in uu iska ilaaliyo waxaana kamid ah:-

1-    Beenta

2-    Xanta

3-    iskudiridda

4-    Dhageysiga Heesaha

5-    Afxumada

6-    Cayda

7-    Iyo Dhamaan wixi shareecada islaamka xarrimtay

Sunnooyinka Soonka

Soonku wuxuu leeyahey Sunnooyin ay habboon tahey qofka soomman in uu ilaaliyo waxaana kamid ah:-

1- Suxuurta waxaa sunna ah qofka soomaya inuu saxuurto waxaana ku filan inuu cabo galaas biyo ah ama xoogaa timir ah inuu cuno Nabigu NNKH wuxuu yiri ( Saxuurta waxey leedahey barakee ) waxaana habboon in la dibdhigo suxuurta, Zayd ibnu Saabit RC wuxuu yiri (waxaan la saxuurannay Nabiga NNKH kadibna wuxuu u kacey salaadda waxaa la weydiiyey Zeyd meeqaa u dhaxeysey saxuurta & Adaaanka wuxuuna yiri inta laga aqriyo 50 aayadood oo qur,aan ah).

2- Afurka oo lagu dhaqsado Qofka soomman waxaa laga rabaa marka ay qorraxda dhacdaba inuu afuro oo uusan daahinin afurka, Nabigu NNKH wuxuu yiri ( Dadka Kheyr lagama waayo inta ay afurka dadajinayaan, saxuurtana dib dhigayaan).

3- Inuu ku Afuro Timir hadii uu waayana biyo.

4- Duco waxaa haboon in qofka sooman uu Alaah weydiisto Kheyr Aduun & mid Aaqiro marka uu afurayo Nabigu wuxuu dhihi jirey marka uu afurayo

( ذهب الظمأ وابتلّت العروق وثبت الأجر ان شاء الله  ) oo macnaheeyu yahey oonki waa tagey xididdadina waa qoyeen ajarkina waa sugnaadey hadii Alle idmo.

5- Sadaqada & qur,aan aqriska oo labadiyo( Nabigeenu NNKH wuxuu ahaa dadka midka ugu deeqsinimada badan Deeqsinimadiisuna waxey ugu badneyd Ramadaan marka uu malakul jibriil lakulmayo wuxuuna u imaan jirey habeen walba oo Ramadaan ah wuxuuna la aqrin jirey qur,aanka Rasuulku NNKH markaas deeqsinimadiisu waxey ka, orad badneyd dabeysha la soo direy).

6- In uu iska ilaaliyo qofka soomman waxyaabaha Soonka ajarkiisa buriya ee macaasida muuqata ama qarsoon ah Nabigeenu NNKH wuxuu yiri (Qofka aan ka tagin hadalka beenta ah iyo ku dhaqanka beenta Alle dan kama laha inuu ka tago Raashinkiisa & cabitaankiisa).

Xadiith kale Rasuulku NNKH (marka qofkiin uu soomman yahay yuusan af xumo ku hadlin yuusan qeylinin oo yuusan xilkasnimo-darroonin hadii qof caayona ama la dagaalo ha yiraahdo waan soomanahey).

7- Inuu ku dadaalo dukashada salaadda taraawiixda & inuu ducada badiyo & dhamaan acmaasha saalixa ah.

Arrimo aan soonka wax u dhimeynin

Waxaa jira arrimo qofka soomman haduu sameeyo aan soonkiisa waxba gaareyn (Jabeyn) oo shareecadu banneysey in la sameyn karo waxaana kamid ah:-

1-    Qubeyska qofka soomman waxaa u bannaan inuu qubeysto xilli kasta uu doonayo ama uu madaxa qabowsado soonka waxba uma dhibeyso oo ma jabayo.

2-    Luqluq & San daarsi waxaa qofka soomman u bannaan inuu luqluqdo ama san daarsado isagoon ku fogaaneyn si aysan ugu gudbin caloosha oo markaas soonku jabo.

3-    Haddii qofka soomman  waagu u baryo isagoo Janaaba ( Qasli ) qaba sida inuu isku junubey habeenki ama xaaskiisa u tagey (Galmoodey ) waa qubeysanayaa soomkiisuna waxba kama dhibeyso Caa,isha RC waxaa laga wariyey iney tiri (Rasuulku NNKH waxaa waagu u baryi jiray isagoo Janaaba qaba oo dhanka Xaaskiisa ah waa qubeysanayey soonkiisa ayuuna wadanayey).

4-    Waxaa qofka soomman u bannaan  in uu Carrabka ku dhadhamiyo raashinka ama wixi la mid ah isaga oo  iska ilaalinayo inuu u gudbo raashinka ama dhacaankiisa dhuunta.

5-    Waxaa u bannaan inuu isticmaalo dawada aan la cuneyn sida inuu masaajo marsado ama kareem saliid iyo wixi la mid ah sidoo kale inuu indhaha dawo ku shubo ama dhagaha sidoo kale cirbadaha inuu isku duro xidid ama muruq waa isku mid hadii aysan aheyn faleenbo quudin ah.

6-    Cadeyga qofka soomman waxaa u bannaan inuu cadeydo xilli kasta uu rabo mana jabiyo cadeyga soonka.

7-    Haddii qofka soomman uu liqo xaako ama Rashinka ku harey ilkaha,  boorka ama waxyaaba aan la iska ilaalin karin sida tixsiga afka kuu gala ama matag soo diriqsada qofka oo uusan iska keenin ama uu iska qaado dhiig ama dhiig uu qof u shubo tabar darrana uu san u keeneyn soonkiisu waxba soo ma gaarayaan oo ma jabayo

Xaalado Gaar ah

1-    Hadii qofka soomman uu jirro fudud qabo aan soomkana uusan  dhibeyn sida hargab madax xanuun gows xanuun fudud IWM uma bannaana inuu afuro ee waa inuu soomaa.

2-    Haddii qofka xanuunsan ee soomku u kordhinaayo xanuun ama daahinaayo caafimaadkiisa dhibna uu ku yahey soomka waxaa habboon inuu afuro oo Rukhsada alle qaato.

3-    Qofka waayeelka ah & qofka aan Rajo laga qabin inuu caafimaado waa afurayaan waxayna quudinayaan maalin kasta miskiin bisha oo dhan waxaana u bannaan in marka ay bishu dhamaato 30 miskiin quudiyaan hal mar Raashin Ceyriin ama Baseyl waa isku mid.

4-    Musaafirka waxaa u bannaan inuu afuro & inuu soomo haddiise soonku dhibayo waxaa habboon inuu afuro oo rukhsada alle qaato soona qalleeyo maalmaha uu afurey.

5-    Haweenta uurka leh & midda nuujineyso Canugga hadii ay canuggooda u cabsadaan ama naftoodaba waxaa u bannaan iney afuraan maalmo kale ayeyna soo qalleynayaan.

Gabagabo

Waxaan intaas ku soo koobayaa qoraalkeyga waana tabarteyda & Aqoonteyda gaaban wixi aan saxey Alle waafajintiisa ayey ku ahaatey wixi aan qaldeyna nafteyda iyo sheydaan ayey ka ahaatay, Allaah ayaana weydiisanayaa Cafis & inuu camalkeyga ka dhigo mid khaalis ah, walaalaheyga luqadda soomaaliga ku hadlana ay ka faa,iideystaan uuna na waafajiyo kheyrka Aduun & midka aakhiro.

Qore: C/raxmaan C/laahi Cali ( Gurey)

gurey24@hotmail.com

 

وبا لله التّوفيق



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  2. Sideen uugu diyaar garoobaa Ramadaanka?
  3. Dr. C/raxmaan Sheekh C/laahi oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa
  4. Sheekh Cali C/laahi “Cali Towxiid” oo caawa ka jeediyay Nadawda ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “Ahmiyada ay leedahay Luuqada Carabiga”
  5. Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen iyo Sheekh C/Raxmaan Maxamed Dhowre ’Bukhaari’ oo si wadajir ah caawa uga jeediya mowduuc cinwaaniisu ahaa (Naseexo Guud oo Umadda ku saabsan) kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M.Boosaaso

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dawro ku saabsan Ramadaanka oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo
  2. Sideen uugu diyaar garoobaa Ramadaanka?
  3. Dr. C/raxmaan Sheekh C/laahi oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa
  4. Sheekh Cali C/laahi “Cali Towxiid” oo caawa ka jeediyay Nadawda ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “Ahmiyada ay leedahay Luuqada Carabiga”
  5. Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen iyo Sheekh C/Raxmaan Maxamed Dhowre ’Bukhaari’ oo si wadajir ah caawa uga jeediya mowduuc cinwaaniisu ahaa (Naseexo Guud oo Umadda ku saabsan) kulan cilmiyeedka 9aad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M.Boosaaso

Latest Headlines