Sheekh Umal oo cadeeyey Sheekh Xassaan qaybtii uu kulahaa dilkii Dr. Axmed Xaaji
Published on July 23, 2012 by SomaliMirror · No Comments ·

Sida aan la wada socono waxaa horaantii bishaan Sheekh Max,ed Cabdi Umal oo kamida culumada soomaaliyeed kuwa ugu caansan looguna jecel yahay waxaa uu kasoo jeediyey masaajidka wayn ee 6
th street ee magaalada Nayrobi silsilad muxaadarooyin ah oo socdey afar cisho oo uu ugu magac daray afkaarta iyo tilmaamaha khaawarijta iyo raadka ay ku leedahay koox diimeedyada hada jira qaar kamida( فكرالخوارج وصفاتهم واثرهم في الطوائف المعاصرة).
Run ahaantii sheekhu wuxuu soo bandhigay macluumaad ay aad ugu qanceen dhamaan dadkii ka qayb galay kulan diimeedkaas wuxuuna si faahfaahsan u qaadaa dhigay mawduucaas cidii danaynaysana waxay ka dhagaysan karaan barta net-ka ee lagu faafiyey. (
http://halgan.net)
Laakiin aniga waxaa gaar iisoo jiitay iguna dhaliyey inaan maqaalkaan ka qoro markii uu ka hadlayey kooxaha faafiya fikirka khawaarijta ee habawsan saamayntana uu ku leeyahay fikirkaasi ayuu kusoo daray Sheekh Xasaan iyo xertiisa Sheekhaasoo fatwooday inay gaalo yihiin qaybo badan oo kamida culumada, qabaailka , iyo shacabka soomaaliyeed ayna banaan tahay in lalaayo hadaba markuu sheekhu ka hadlayey dhibaatooyinka waawayn ee fataawida baadilka ah ee Xassaan ka dhashay ayuu soo qaaday falkii foosha xumaa oo ay shabaabku ku dileen allaah ha u naxariistee Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo muslimoo dhani ka argagaxay waana kuwaan hadaladii sheekha oon sidoodii u soo guuriyey :
(…..ficlana fataawidaasi waxay sabab u noqotay in culumo soomaaliya joogta lagu laayo oo la fuliyo fataawidii nin culumadaa kamida oo ragii ugu caansanaa oo la dilay kamid ah ragii dilay shan nin oo qayb ka qaatay dilkiisa oo qaar kamida aan dhagaystay ayagoo qiraal bixinaya waxay yiraahdeen markii amar nala soo siiyey sheekha dila ayaa ragii qaar kamida qaadan waayeen (oo yiraahdeen) seen ku dillaa!! Markii danbe waxaa naloo shiday bay dheheen cajalad uu sheekh Xasaan leeyahay oo uu leeyahay sheekhu dila kan wax dilayana waa mujaahid kan la dilayna waa shahiid . markaasaan ku qanacnay bay dheheen fatwadaa iyada ah inaan sheekha dilo . maahan la iigama sheekaynayo waa maqal toos ah waaye . maahan dariiq kale iima soo marin . marka fataawidaan la iska tuurayo culumada laaya waa la fulin rag baa fushanaya…)
Waxaa dhacdadaani isoo xasuusisay markii Dr Axmed la dilay oo Sheekh Takar uu yiri waxaa dilay PS-ta puntland iyo shirkada Black water halkii lagu dilayna waxaa joogay niman caddaan ah ayaa waxaa ka daba Hadley sheekh Xasaan oo yiri sheekha waxaa loo dilay arin faamili(qoys)!!!!
Hadaba haduu fatwooday in sheekha la dilo markii la dilayna uu qoys ku masabitay mawaysan mudnayn in qaraabadii sheekhu maxkamad ku furaan ama kala tashadaan looyarada in arintaasi suuragal tahay maadaama uu joogo dhul dawladi ka taliso.
Sheekh Cali Xuseen
Aragtida maqaalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Related posts:
- Dr Axmed Xaaji ,Sheekh Abuu Xasaan iyo Sheekh Axmed Cabdi samed oo muxaadaraad kala duwan ka soo jediyay Jaamacada Bariga Afrika & Masjidka Al-Rowda
- Culimada magaalada Ceerigaabo oo u tacsiyaynaya dilkii loo geystay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Maxamed
- Culumada Kenya oo Bayaan Ka soo saaray dilkii Dr Axmed Xaaji
- Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
- Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan?