Ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Jabuuti oo gaaray gobolka Hiiraan

Published on July 23, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Qeybtii labaad ee ciidamo ka socda dalka Jabuuti ayaa gaaray magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne Axaddii shalay aheyd, si ay u bedelaan ciidamada Itoobiya ee magaaladaas gacanta ku hayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dayuurado milatari oo sida ciidamada dalka Jabuuti ee ka tirsan ciidamada Amisom ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo 332km oo dhanka waqooyi ah u jirta magaalada Muqdisho, si ay xasillooni uga sameeyaan gobolka Hiiraan oo qalalaasooyinku hareeyeen.

 

Saraakiil ka tirsan Milatariga DFKMG ayaa ku soo dhoweeyay ciidamada u yimid xeryihii  ay ka degi lagaayeen magaalada.

Ciidanka DFKMG iyo kumannaan ciidamada Itoobiya ah oo aanan hoos iman ciidamada Amisom ayaa magaalada Beledweyne ka qabsaday iyadoo uusan halkaa ka dhicin wax dagaal ah ciidamada Al-Shabaab 31kii diseembar 2011.

Tegidda ciidamada Jabuuti ee Hiiraan ayaa waxay kusoo beegmeysaa xilli ay ciidamda Al-shabaab banneynayaan goobihii ay ka talin jireen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines