Maamulka iyo shaqaalaha shabakadda Somalimirror waxay akhristayaasheeda ugu bishaareyneysaa uguna hambalyeyneysaa dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo laga arkay dalal oo muslim ah oo ay Soomaaliya kamid tahay. Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uu na waafajiyo gudashada cibaadooyinka kala duwan ee bishan khayrka badan nagana mid dhigo kuwa naarta laga xoreynayo ee loogu dambidhaafo bishan dhexdeeda.
Waxaan Alle ku mahadineynaa in uu nasoo gaarsiiyay bishan khayrka badan, annagoo rajeyneynaa in dhammaan dadka muslimiinta ah ay ka faa`iideystaan bishan, si u helaan abaalmarinaha waaweyn ee laga helo oo isugu jira naxariis, dambi dhaaf iyo naar laga xoroobo.

Related posts: