Been abuur laga sameeyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar W/Q. Xudeyfe Raage

Published on July 17, 2012 by   ·   2 Comments   ·   print

Waxaa saaka war been abuur ah lagu soo daabacay shabakadaha caadeystay beenta iyo xadgudubka waxaana qoraalkaas lagu been abuurtay Sheekh C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar qoraalka been abuurka ah ayaa waxaa lagu soo daabacay Shabakadaha kala ah (Amiirnuur iyo Somalimemo)waxaana cinwaan looga dhigay (Waa Kuma C/Raxmaan Sheikh C/llaahi Cumar maxayse tahay Shaqadiisu?. (WARBIXIN XASAASI AH) inta aan idiin soo gudbin Linksyada Somalimemo iyo AmiirNuur waxaan ka hormarin qoraal yar oo jawaab u ah been abuurkaas.

الحمد لله رب العالمين ، والصلاة والسلام على خاتم الأنبياء والمرسلين ، المبعوث رحمة للعالمين، محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Waxaan saakay mar ay saacadu ahayd 11.30 am ka aqriyay webka la magac baxay Somalimemo qoraal ay wax uga sheegayaan  Fadiilatu Dr Sh C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar Xafidahullah , waxayna ugu magac dareen qoraalkaas (Waa Kuma C/Raxmaan Sheikh C/llaahi Cumar maxayse tahay Shaqadiisu?. (WARBIXIN XASAASI AH) ).

Sidaa darteed waxaan jeclaystey  inaan qoraalkan qoro oo aan ku cadeeyo  waxa ay sheegayaan somalimemo  iyo Amiir Nuur ma runbaa mise waa been iyo been abuurkii lagu yaqaanay? sababka keeney inaan qoraalkan qoro waxa weeye

1-in aan difaaco Sharafka qofka Muslimka waana waajib saran qof kasta oo muslim ah in uu difaaco sharafka walaalkiisa muslimka ah, waxaana kusoo aroorey adilo tilmaamaya arinkaas, waxaana kamid ah  :

من ذب عن عرض أخيه بالغيب كان حقا على الله أن يعتقه من النار) صحيح    قال رسول الله صلي الله عليه وسلم 

1-Waxa ay sheekha ku sheegeen in uu isaga lamagac baxay magaca Dr

2- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu  degan yahay Magaalada Godey.

3- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu u shaqeeyo dowlada Ethoipia.

4- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu yahay Jaajuus.

5- Waxa ay sheekha ku sheegeen in uu had iyo goor wato bistoolad

6- Waxa ay sheekha ku sheegeen inay ONLF hada ka hor ay dhaawaceen isagoo shir kula jira jabhadii Somali Galbeed raadka dhaawaciisana uu ka muuqdo gacanta.

7-waxa ay sheekha ku sheegeen in imaatinkiisa Magaalada Nairobi uu ku soo beegey xili la filayo inuu  Muxaadaraad qabto Sh Xassan Xussein(هداه الله وايانا)Arimahaas iyo kuwa kaleba oo ay somalimemo ku sheegtey sheekha talow  maxaa ka jira ?

Waxaan leeyahay shabakadaas iyo kuwa kaleba waxaa caada u ah in ay duraan oo ay  been abuur badan ka faafiyaan Culimada iyo  Ducaada saxwadan barakeysan , mana ahan markii ugu horeysey ay sidaas ugu been abuurtaan Culimada iyo Ducaada soomaliyeed, dadka ay mar walba wax ka sheegaan waxaa ka mid ah  Fadiilatu Sh C/qadir Nur Farax , Sh Maxmed Cabdi Umal , Sh Maxamuud Shible  iyo Aclaamtii Umadan soomaaliyeed, mana ahan wax lalayaabo ereyada ay soo qorayaan  waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday markii ay culimada ku xukmiyeen in ay yihiin Murtadiin diinta Islaamka ka baxadey.

Hadii aan dib ugu soo laabto jawaabta been abuurkaas, waxaan leeyahay

Dr sh C/raxmaan  Sh C/llaahi Cumar laga soo bilaabo 1994  ilaa maanta lajoogo  waxa uu degenyahay dalka Sacuudi carabiya halkaas buuna ku dhameeyey waxbarashadiisa jaamacadeed ilaa heer uu ka gaaro darajada  Diktooraah waxa uuna macalim ka yahay kana shaqeeyaa jaamacada lagu magacaabo (جامعة طيبة) faraceeda Magaalada Yambuc (جامعة طيبة فرع ينبع) .

Dr Sh C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar isaga isugama yeero magaca Dr, taasina waxaa tusinaya Buxuuthta Cilmiga uu qorey oo ay kamid tahay Risaaladiisa Maajisteerka (جهود سماحة الشيخ بن باز في توضيح العقيدة) waxaana uu ku qoray magaciisa  C/raxmaan Sh C/laahi Cumar , waxaa kale oo kamid ah risaaladiisa uu ku qaatay shahaadada Dr oo ah (مسائل العقديه المتعلقة بالسب) .

Dr sh C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar ma aysan dhaawicin weligiisa ONLF , wax dhaawacna kuma yaalo gacantiisa , waxaana bishaaro ah in caawa uu shiikhu ku leeyahay muxaadaro masjidka Abubakar ee magalada Nairobi xaafada soomalidu degto ee islii qofkii rabana sheekha ha soo arko hana ka raadiyo wax raad dhaawaceed oo sheekha ku yaala, waa been abuur cad oo ay soo dhoob dhoobeen beenaalayaasha

Su,aasha is waydiinta leh waxay tahay halkee somalimemo kusoo aragtay dr sh c/raxmaan oo jooga Goday ama Ethoipia bistooladna labisan ugaadhsanaya ducaada mise  sheekadu  waa tii taxanaha ahayd oo aad ku been abuuranjirteen Culimada iyo Ducaada somaaliyeed.

Maxaa keeney xiligan in qoraalkan ay ka qoraan Dr sh c/raxmaan xafidahullaah iyaga oo ku muujinaya in ay Sh Xassan Xuseen (هداه الله وايانا)  ugu gargaarayaan,  waxaan isleeyahay waxaa gubay quluubtooda Su,aalihii qiimaha badnaa ee Dr C/raxmaan uu soo waydiiyay Sh Xassan .

Waxyaabaha layaabka leh waxaa kamid ah  in laga saaray shabakada somalimemo Qoraalkii lagu caynayay Dr sh c/raxmaan , Talow maxaa kalifay?? Waa su,aal ubaahan in ay kajawaaban qolyaha iska leh shabakada. Halkan ka eeg  Qoraalkii oo PDF ah beentii lagu faafiyey Somalimemo iyo Amiir Nuur

Ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay cayda Culimada iyo Ducaada waxay tahay in laga hortago kheyrka ay umada ugu yeerayaan , maxaa yeeley Culimada oo la caayo waxay ka dhigan tahay Xaqqa ay wadaan in la inkiro oo ladiido, Allaah waxa uu leeyahay Sw (قد نعلم إنه ليحزنك الذي يقولون فإنهم لا يكذبونك ولكن الظالمين بآيات الله يجحدون

Waxaan hadalkeyga ku soo khatimayaa war Allaah intaad ka cabsataan beenta iyo been abuurka iska daaya ilaahayna u towbad keena waxaad ku jirtaana ka baxa ka cafis dalbadaan Dr Sh C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar sida ay horey uga cafis dalbadeen Sheekh C/qaadir Nuur faarax markii aad ku been abuurateen.

اخوكم في الله :حذيفة راجي علي

E-mail Address: Xudeyfa@msn.com

Halgan.net/somalimirror.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warbixin:- Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) & Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar(Madani) oo Olole Dacwadeed ka bilaabay Magaalada Jigjiga
  2. Uur doox Qaybta 3-aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
  3. UURDOOX: Qaybta 5aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
  4. Sheekh C/laahi Cumar Nuur oo u tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur
  5. Sheekh Dr.Axmed Xaaji wuxuu u dhintay Siyaasadda Naceyb-Abuur W/Q Dr. Sadiq Eenoow

Readers Comments (2)

  1. salaxudiin says:

    warkaas xageebaa laga dheehday anigu waayaye ?

    bal ii tilmaama maalintuu qoraalka ku soo

    baxay ?

    halkaana ka daawada sh muxammed cabdi umal xafidahu LLAAH

    http://www.youtube.com/watch?v=lceJAO-CiVA

  2. salaxudiin says:

    FADLAN TII HORE AYAAN KU KHALDAMAY EE WAA TAN http://www.youtube.com/watch?v=f4qvuTrxKcU




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warbixin:- Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) & Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar(Madani) oo Olole Dacwadeed ka bilaabay Magaalada Jigjiga
  2. Uur doox Qaybta 3-aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
  3. UURDOOX: Qaybta 5aad W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
  4. Sheekh C/laahi Cumar Nuur oo u tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur
  5. Sheekh Dr.Axmed Xaaji wuxuu u dhintay Siyaasadda Naceyb-Abuur W/Q Dr. Sadiq Eenoow

Latest Headlines