Sheekh Max’ed Faahiye Ciise oo darsigii 4aad cawaa ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee Degmada Waaciye

Published on July 5, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Nadwo Cilmiyeedka 3aad ay ka bilaabay Masjidka Abu Bakar Sadiiq ee Degmada Waaciye ayaa gashay caawa habeenkii afaraad oo xidhiidh ah waxaana dariga labaad soo jeediyay Sheekh Maxamed Faahiye Ciiise  oo ka  hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa( Nicmadu amnigu leeyahay islaamka dhexdisa  نعمة الامن في إلاسلام – )

Sheekh Maxamed Faahiye waxa uu dariska ku bilaabay qodobeyn uu ku sameeyay qeybaha oo darisku ku kobnaan doono wuxuna ugu horeyn sheegay in dinta Islaamu ay si fiican uga hadashay Amniga iyo faa’iidada uu dadka u leeyahay iyo waxa ka dhalanaya in hadii la waayo Amniga .

Waxa  uu sheekhu faah faahin buuxda ku sameyay micnaha uu xambaarsan yahay erayga Amni iyo waxyaabaha soo hoos galaya wuxuna tilmaamay in dadka Amnigu ay siyaabo kala duwan u fasiraan wuxuuna bidhaamiyay in amnigu uu yahay kan ugu muhiimsan nolosho qofka hadiisan amni heysan uu yahay qof si u wal walsan noloshiisana inteeda badan ay tahay mid qabyo ah.

Sheekhu waxa u dhinaca kale soo qaatay Aayada Quraanka ah ee ka hadleysa sida Alle ugu mano sheegtay reer Qureysh wuxuuna tilmaamay Aayada ka hadleysa ee (الذي أطعمهم من جوع و آمنهم من خوف) , intaa kadib waxa uu xusay in Islaamku uu aad u ilaaliyay amniga.

Sheekhu waxa uu dhinaca kale soo qaatay Aayada ah (الذين أمنو ولم يلبسو إمانهم ألئك لهم أمن و هم مهتدون ) waxa uu sheekhu dhinacyo badan ka tilaamay bayaamiyayna waxa ay Aayadaasi dadka fareyso ,wuxuna carabka ku adkeeyay in dadka waxa looga baahan yahay ay thaay in ay amnigooda ilaashadaan uuna yahay aasaska noloshooda hadii khalal ku yimaadana ay keeneyso in dadku kala cararaan wada jirkoodii iyo wada deganaanshahoodiina sidaa lagu waayo, wuxuuna xusay in aysan habooneyn in dadka lagu xad gudbo

Sheekhu waxa uu sidaa oo kale soo qaatay Xadiis Nabiga CSW ka sugnaaday oo ka hadlaya in aysan bahooneyn in qof Muslim ah la cabsi galiyo ( لا يحل لمؤمن أن يروع مسلما), waxa uu dhinaca kale Sheekhu soo qaaday Axaadiis kale oo arintaa ka hdleysa , waxa uu sidaa oo kale soo qaaday Qiso dhex martay Nabiga CSW iyo Ninkii Yuhuudiga ahaa ee ku saabsaneyn deyntii uu Nabigu ka qaaday ninkaa go’a taasina ay keentay in ninkaa yuhuudiga ahi uu aad u dhawaqay buqna dhaliyay waxa Nabigu CSW arintaa uga jawaabay ay tahay in si degan uu arintaa u xaliyay.

Sheekh Maxamed Faahiye Ciise waxa uu sheegay in Culimadu ay amniga u kala qeybiso Amniga labo qeybood oo kala ah midka aduunka kan aakhrina uu yahay in laga nabad galo cadaabta Alle , sidaa oo kale waxa uu soo qaaday waxyaabaha dadka laga doonayo si Amni loo helo.

Si amni loo helo ayuu yidhi Sheekhu waxaa ugu horeysa in dadku qaataan Kitaabka Alle , in ay cadaalad isku maamulaan , Sheekhu waxa uu halkaa u soo qaatay Qisadii dhex martay Seyd Cali iyo nin yuhuudi ah  ayna  u gar tameen Qaadi lagu magacaabi jiray Shereyx  Seyd Cali-na uu makhraatiyo uu keenay ayna noqdeen kuwo reerkiisa ah sidaana uu Qaadigii u gooyay in Yuhuudiga ahaa siiyay in uu qaato go’ ninkii yuhuudiga ahaana uu la yaabay sida Diintu islaamku cadaalad u tahay uuna Yuhuudiga ahaa sidaa ku islaamo, qodobka xiga waxa uu ku shegay in uu yahay caqiiqada oo la wanaajiyo.

Intaa kadib waxa uu Sheekhu soo hadal qaaday waxyaabaha keenaya in amnigu xumaado wuxuna dadka ku booreyay in  ay lagama maarmaan tahay in ay la dagaalamaan dhaqamada xun xun ayna ka dhalaneyso in amniga la waayo sidaa oo kale waxa uu sheegay in maandooriyaha qeybihiisa kala duwan oo dhami ay keenayaan in amniga la waayo lana doonaya waxyaabahas mukhaadaraadka ah lala dagaalamo.

 

Sheekh Maxamed Faahiye waxa uu soo qaaday Aayada Quraanka ah ee ku jirta Suuratul Naxli ee (وضرب الله مثلا قرية كانت آمنة مطمئنة يأتيها رزقهتا من كل مكان فكفرت بأنعم الله فأذاقها الله لباس الجوع و الخوف … آية ) waxa uu dhinacyo badan ka tilmaamay Aayada Quranka ah iyo waxa ay ka hadleyso iyo waxyaabaha laga qaadanayo ee loo bahan yahay in laga fahmo Aayada , waxaanu dhinaca kale Shekhu xusay in Culimadii Salafku qadiyadda ay Aayadaasi ka hadleyso si fiican uga hadleen .

Sidaa oo kale waxa uu sheegay in tiirarka amniga ay ka mid tahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo maamulku noqdo mid degan si wanagsana bulshadisa ula dhaqmo , sidaa oo kale Sheekh Maxamed Faahiye Ciise waxa uu soo hadal qaaday in la doonayo xasilooni dhaqaale dadkana ay si fican u gacansadaan qiimahana uu noqdo mid degan ama go’an si dadka danyarta ahi aysan mesha uga bixin wuxuna carabka ku adkeeyay in la doonayo in lala dagalamo wixii dhaqalaaha dhibaato u keenaya oo ay ugu horeyso tuugtu.

Dhinaca kale  waxa uu soo hadal qaaday in Warbaahintu ay tahay meelaha ugu weyn ee lagu ilalin karayo amniga dhinaca kalena ay tahay mida ugu dhibka badan hadii aan la xakameyn dadka warbaahinta ka shaqeyana laga doonayo in ay amniga ilaaliyaan ,waxa uu sheegay in arimahad dowladu ay yihiin kuwo ku xidhan sida warbaahntu ay uga hadasho ,waxa uu dhinaca kale Sheekhu carabka ku adkeeyay in dunida Muslimka ah lagu soo fasaxay TV-yo habeen iyo malin hawada ku ku jira  waxa laga faafinayaana ay tahay dhaqan xumo dhac iyo dil  loogu tala galay in lagu badalo dhaqanka iyo amniga fiican ee ay Umadda Muslimka ahi heystaan.

Sheekh Maxamed Faahiye waxa uu darsiga ku soo gaba gabeeyay saxooyin uu u jeedayay dadka ku dhaqan Degmada Waaciye wuxuuna ku booriyay in ay tahay mid wanaagsan in amiga si wada jir ah looga wada shaqeeyo meelna looga soo wada jeedsado wixi amnigooda iyo wada deganaanshahoda wax u dhimi karaya ,wuxuuna xusay in amniga oo la waayaa ay keeneyso in waxbarasho iyo caafimad la waayo deegaankuna uu noqonayo mid faaruq noqda dadkuna ka haajiraan.

Dariga kadib waxa ay Culimadu ka jawabeen su’aad fataawi ahaa oo ay soo weydiiyeen dadka nadwada la socda waxaana caawa si wada jir ah uga  wada jawaabay Culimada kala ah .

Sheekh C/raxmaan Maxamed Dhowre “Bukhaari”

Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale

 

Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Waaciye iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Degmada Waciye sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale oo caawa darsigii koowaad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Degmada Waaciye[SAWIRRO]
  2. Sheekh Xasan Maxamed Muuse oo Darsigii 2aad caawa ka jeediyay Darsiga labaad Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee D. Waaciye[Sawirro]
  3. Sheekh C/raxmaan Bukhaari oo cawa darsigii 3aad ka jeediyay Nadwo cilmiyedka 3aad ee socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee D. Waaciye[Sawirro]
  4. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo caawa Darsigii 3aad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka Tobnaad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M. Boosaaso
  5. Nadwo Cilmiyeedkii 3aad oo caawa si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Magaalada Waaciye

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale oo caawa darsigii koowaad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Degmada Waaciye[SAWIRRO]
  2. Sheekh Xasan Maxamed Muuse oo Darsigii 2aad caawa ka jeediyay Darsiga labaad Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee D. Waaciye[Sawirro]
  3. Sheekh C/raxmaan Bukhaari oo cawa darsigii 3aad ka jeediyay Nadwo cilmiyedka 3aad ee socota Masjidka Abu Bakar Sidiiq ee D. Waaciye[Sawirro]
  4. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo caawa Darsigii 3aad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka Tobnaad ee ka socda Masjidka Al rowda ee M. Boosaaso
  5. Nadwo Cilmiyeedkii 3aad oo caawa si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Magaalada Waaciye

Latest Headlines