Nadwo cilmiyeedka sadexaad ee lagu qabtay Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Degmada Waaciye ayaa cawa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay waxaana xidhitaanka Nadwada ka wada qeybgalay Culimada ka qeyb galeysa Nadwada , Odayaashada Dhaqanka iyo Maamulka Degmada .
Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabadaEngineer Khaliif ayaa sheegay in Nadwada ay mudo qorshaheeda soo wadeen ayna Allihii u suura galiyay qabsoomida Nadwada ayna ku soo gaba gabowdo jawi wanaagsan iyadoo si weyna ay uga faaiideysteen dadka deegaanka qeybahooda kala duwan.
Sidaa oo kale waxa u mahad celiyeen Culimada ka qeyb qaadatay Nadwada intii ay socotay sidoo kalena duruuska ka jeediyay ama ka qeyb qaatay ka jawaabidda su’aalaha fataawida ah .
Nadwo Cilmiyeedkan ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto waxayna soo bilaabay 3 sanadood ka hor waxayna tahay Nadwadani mid kolba lagaga hadlo Mowduuc taagan ama la is dhihi karayo bulshada in loo bayaamiyo ayaa muhiimsan
Nadwo Cilmiyeedyada lagu qabto gudaha iyo dibada Dalka ayaa mudooyinkan dambe sii baahayay waxayna si gaar ah ugu baahayeen deeganada hoos yimaada Maamulka Puntland (Waqooyi Bari )
Nadwo Cilmiyeedka xiga ayaa lagu wadaa in la qabto xiligan oo kale sanadka soo soo socda hadii Alle ka raali noqdo, Nadwo Cilmiyed la mid ah kan caawa la soo gaba gabeeyay ayaa horaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalooyinka Boosaaso , Qardho iyo meelo kale

Related posts: