Aqoon is waydaarsi ku saabsan ‘Hoggaaminta’ oo Garoowe lagu soo gaba-gabeeyey

Published on July 5, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Aqoon  is waydaarsi ku saabsan ‘Hoggaaminta’ oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayey Hotel New Rays, Garoowe, ayaa saaka la soo gabagabeeyey. Aaqoon is waydaarsigaas oo ay daadihinayeen aqoon yahanno ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debeddiisa, oo barayaal ka ah jaamacaddo caalami ah iyo kuwa maxalliga ah, indheer garad iyo culimaa’uddiin ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socotey maammulka Puntland,  sharikaadka waaweyn ee Puntland, dad mas’uuliyado sare ka haya hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala Puntland, odayaal, waxgarad, culimaa’uddiin iyo shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

 

Aqoon is waydaarsigaan oo abaabbulkiisa ay iska kaashadeen Jaamacadda Bariga Afrika, faraca Garoowe iyo shirkadda la talinte ee Buux (Buux Consulting) ayna maalgelisay Hey’adda Al-Manhal ayaa maalmihii uu socday waxaa lagu soo bandhigay daraasado la xiriiray: Hoggaaminta iyo Islaamka; Fahanka hoggaaminta ee Soomaalida; Sidee Carabtii hore u dooran jireen hoggaamiyayaasha; Sidee Soomaalidii hore u dooran jireen hoggaanka;  Sidee dawladaha caalamku u doortaan hoggaankooda; Sida sharikaadka iyo hey’adaha  waaweyn ee ku yaalla waddammada horummaray ay u xushaan una tababbaraan hoggaankooda mustaqbalka; sida qofku u yeesho himmadda ah in uu noqdo hoggaamiye; hilinka loo maro hoggaamiyennimada iyo mawaadiic kale oo fara badan.

 

Saciid Cali Shire, oo ah qoraa ku xeel dheer hoggaaminta, barena ka ah Jaamicadda Bariga Afrika, mas’uulna ka ahaa qabanqaabinta iyo isku dubaridka aqoon is waydaarsigaas ayaa sheegay in mustaqbalka horumar ee ummadeed, sebenka maanta ah, uu ku xiran yahay hal shay: tayada hoggaanka ee ummaddaas. Sidaas si la mid ah, Saciid waxa uu hoosta ka xariiqay, in faa’iidada, koboca, saamiga saylada iyo mustaqbalka sharikaadka iyo hey’adaha kheyriga ah uu ku xiran yahay tayada hoggaanka.

 

Saciid oo ka jawaabayey su’aal ay waydiiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, lana xiriirtay in ay sii wadayaan aqoon is waydaarsiyada noocaan oo kale ah, ayaa xusay in aqoon is waydaarsiyada noocaan oo kale ahi ay qayb ka yihiin ahdaafta Jaamicadda Bariga Afrika ayna sii wadi doonaan. Saciid wuxuu intaas ku daray in mustaqbalka dhow ay bilaabi doonaan seminaaro la xiriira hoggaaminta oo laga qabto dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland.

 

Dr. Maxamed Cumar, oo bare ka ah Jaamicadda Puntland (PSU), ayaa si qoto-dheer uga hadlay ahmiyada diinta Islaamku siisay hoggaaminta iyo muuqaalka hoggaamiyaha saxda ah marka laga fiiriyo dhinaca diinta Islaamka. Dr. Cabdirisaaq Xassan Muuse iyo Inj. Cabdicasiis Guureeye ayaa iyana si cilmiyaysan u soo bandhigay  sida Soomaalidii hore u xulan jireen hoggaamiyayaasha iyo muuqaallada hoggaamiyayaashii hore ee Soomaaliya.

 

Dr. Faarax Maxamed Axmed oo ah qoraa, suugaan yahan, barena ka ah Jaamicadda Bariga Afrika ayaa isna dhinaciisa soo bandhigay sifooyinka hoggaamiyayaashii hore ee Carabta iyo xikmadaha laga qaadan karo sifooyinkaas. Dr. Maxamed Ismaaciil oo ah qoraa iyo xeel-dheere hoggaaminta ayaa isna soo bandhigay sida loo noqdo hoggaamiye.

 

Xassan Yuusuf, xeel-dheere cilmiga qaanuunka, oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii seminaarka ayaa ka hadlaya ahmiyadda ay leeyihiin aqoon is waydaarsiyada noocaan oo kale ah, tilmaamayna in fahankiisii iyo dareenkiisii hoggaaminta wax badani iska beddeleen.

 

Haddii aad danaynaysaan qoraalladii lagu soo bandhigay aqoon is waydaarsiga ama macluumaad la xiriira marka la qaban doono seminaarada dambe, fadlan la soo xiriir Saciid Cali Shire, saidshire@hotmail.com.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Tartan Diini ah oo Loo Qabtey 12 ka Mid ah Gobolada Soomaaliya oo Lagu Soo Gaba gabeeyey Boosaaso.
  2. Wajii labaad ee shirka wada tashiga arimaha Soomaaliya oo shalay galab lagu soo gaba gabeeyay Garoowe
  3. HOGGAAMINTA HABBOON
  4. Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta Garoowe lagu dhaariyay
  5. Aqoon isweydaarisigii ugu balaarnaa ee loo qabto xaafidul Quraanka oo maanta ka furmay Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tartan Diini ah oo Loo Qabtey 12 ka Mid ah Gobolada Soomaaliya oo Lagu Soo Gaba gabeeyey Boosaaso.
  2. Wajii labaad ee shirka wada tashiga arimaha Soomaaliya oo shalay galab lagu soo gaba gabeeyay Garoowe
  3. HOGGAAMINTA HABBOON
  4. Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta Garoowe lagu dhaariyay
  5. Aqoon isweydaarisigii ugu balaarnaa ee loo qabto xaafidul Quraanka oo maanta ka furmay Muqdisho

Latest Headlines