Nadwo Cilmiyeedka 3aad ay ka bilaabay Masjidka Abu Bakar Sadiiq ee Degmada Waaciye ayaa gashay caawa habeenkii labad oo xidhiidh ah waxaana dariga labaad soo jediyay Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh oo ka hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa( xuquuqda dariska حقوق الجار) .
Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh” waxa uu darsiga ku bilaabay tacriif guud oo uu ku sameeyay xuquuda jaarka iyo waxyaabaha waajibaadka ah ee saran shaqsi walba eek u aadan dariskiisa ka warqabkiisa iyo caawintisaba , waxa uu dhinaca kaleba sheegay in dadka waxa ugu horeeya ee laga doonayaa ay tahay in dadku ay noqdaan kuwo Alle ku xidhan noqdana kuwo raaca Sunadii Nabiga SCW uu amray ugana tagay.
Sheekh Xasan Bookh waxa uu tilmaamay in umadda ay lagama maar maan u tahay in la helo qof mar walbaa hormuud u noqda kheyrka iyo wanaagana u horseeda ,waxa uu Sheekhu tilmaamay in Ambiyadda Alle waxa uu usoo dirayi tahay in dadka ay ku hogaamiyaan wadada wanaagsan iyo raali ahaanshaha Alle SW.
Kadib intaa waxa uu Sheekhu u galay in sii fican uga hadlo muhiimada mowduuca wuxuna xusay in darisku uu yahay qofka meel kula dagan marka la qaato sida ay Culimadu ku fasirtay dariskasi waxa uu noqon karaa mid muslim ah ama waxa uu noqon karaa , waxa uu sheegay dariska qofka uu noqon karo afartanka guri ee dhinac kasta , waxa uu sidaa oo kale sheegay in Culimadu ay siyaabo kala duwan ay ku qeexeen ayna ka mid tahay in ay dariska dadka jamaacada masjidka ku wada tukada .
Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay in uu ka hadlo xaquuqda uu darisku leeyahay wuxuuna xusay in afar qodob ay yihiin kan koowaad oo ah inaadan dhibin, in aad ka ilaaliso dhib, inaad u isxaan sameyso, iyo in aad ka celiso wixii dhib u geysanaya .
Intaa kadib waxa uu Sheekhu soo qaday sida uu quraanku ugu hadlay Dariska iyo waajibaadka uu qofku ku leeyahay wuxuuna soo qaaday Aayada ee lagu magacaabo Ayada Tobanka xaquuqood ( ,وأعبدو الله ولا تشركو به شيء و بالوالدين إحسانا ………آية ) , waxa uu Sheekhu dhinaca kale soo qaaday Axaadiis Nabiga CSW ka sugnaatay wuxuuna sidaa oo kale soo qaaday hadaladii ka sugnaaday Saxaabada iyo Culimadii Salafka ee ku aadan xuquuqda dariska.
Sheekh Xasan waxa uu u galay qodobka xiga ee ah in la dhibo darisku wuxuna halkaa u soo qaaday Xadiiska Nabigeena CSW ka sugnaaday ee ahaa (و الله لايؤمن و الله لايؤمن والله لايؤمن ) waxa uu faah faahin badan oo dhinacyo badan ku sameeyay xadiiskaa waxa uu sidaa oo kale tusaaleyn ku sameeyay tusaalayaal ka hadlaya dariska oo la dhibaateeyo, Sheekh Xasan waxa uu sidaa oo kale soo qaday Xadiis kale oo Nabiga CSW ka sugnaaday kuna saab sanaa wuxuuna soo qaaday qiso Saxaabada xiligoodi dhacday oo ahayd in Saxaabada qaar ka mid ah ay u tageen Nabiga CSW ayna ku yidhaadeen gabadhaa hebla ah way cibaado iyo sadaqo badan tahay wayna sadaqo badan tahay balse ay tahay mid dhibta dariskeeda wuxuuna Sheekhu tilamamay in Nabiga CSW uu gabadhaa ku tilmaamay in ay tahay Ahlu naar.
Sheekhu waxa uu tusaale kale u soo qaaday qiso dhacday xiligaa Imaam Abuu Xaniifa ayna jirtay nin dariskiisa ah oo habeenkii kor u qeylin jiray maalinkii dambena ay cidamadu qabteen xabsigana geeyeen Abuu Xanifana uu warkii maqlay kadibna uu Amiirka u tagay kana soo daayay ninkii dariskiisa ahaa uuna weydiyay in askartu ay wax dhib ah u geysteen , waxa uu xusay Sheekhu u Imamka ninkaas dariskiisa ah uu dhibaato ku hayay habeenkii balse dhinaca kale uu Abuu Xaniifa ogaday xuquuda dariskiisa sidaana ku soo daayay , waxa laga qaadanayo dhacdadaasina ay tahay in darisku uu noqdo mid mar walbaa laga war qabo lala socdo xaaladiisa.
Sheekhu waxa uu tilmaamay in mudooyinkii dambe dadka Soomaalida ahi ay dhaqankooda ku soo biirtay in ay noqdaan kuwo is dhagxiya , waxyaabaha lala yaabo ee waaqica hadda ku soo kordhayna ayba tahay in labada guri ee isku xigaa ay yihiin kuwo isku dhibaateynta badan arintaasina ay keentay in dariskii uu noqdo mid xumaan ma ahane wanaagba aan laga helin wax iska sheeg iyo is cey iyo dhibaateyn ma ahane, sidaa oo kale waxa uu sheekhu xusay in is heysiga dariska mudooyinkan dambe ay gaadhay in ilaa heer maxkamad ay gaadho.
Sheekhu waxa uu sidaa oo kale sheegay in dhaqanka xun ee mudooyinkan dambe soo kordhay ay ka mid tahay in wax iska sheega iyo xumaatadu ay badato arintasina ay dhaxalsiisay dadku in ay dhaqan iyo shaqo ka dhigtaan wax ka sheegida qofka kale ayna noqoto shaqadooduba aruutinta ceebaha dariskooda .
Sheekhu waxa uu sidaa oo kale soo qaaday tusaale muujinaya waxyaabaha keeni karaya in darisku isku dhoco ay ugu horeyso in hadalo xun xun la isk yidhahdo ama biyo xal ah hortoda lagu daadiyo iyo waxyaabaha kale ee imana karaya, waxa uu sidaa oo kale xusay in ilmaha ay yihin inta badan kuwa keena in darisku isku dhoco ilamahana la doonayo in la tarbiyadeeyo lana baro xuquuda darisku ku leeyahay waalidka hadii ubadkiisa laga soo dacwoodana uusan noqon mid diida waxa ilmihiisa lagu shegayo balse uu noqdo mid qaata waxa ilmihiisa lagu soo eedeeyay uuna dadka dariska ah u balan qado in dhaqankaa xun uu ubadkiisa kala dagaalamayo.
Intaa kadib Sheekhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha keenaya in Darisku is jeclaado wuxuuna tilmaamay in waxyabaha noocaas ahina ay keeneyso wuxuuna xusay in waxa ugu horeeya ee dariska isku jeclaanayaan ay ka mid tahay in wax isku hadiyadeeyaan , waxaana xusay in dhaqanka wanaagsan oo la is faraa iyo dariska oo kheyrka loo horseedo ay keenayo in darisku is jeclaado sidaa oo kalena ay hormuud ka noqoneyso in bulshadu is jeclaado hormarkana isku hogaamiso.
Waxa u dadka Sheekha ku booriyay in laga shaqeeyo wanaaga iyo la dagaalanka xumaanta bulshadana lagu hogaamiyo wadada toosan ee xaqa ah waxa dadka laga doonayaana ay tahay in si degan wixii kaldan soo soxo.
Gaba gabadii waxa uu Sheekh Xasan Maxamed Muuse waxa uu darsiga ku soo gunanaday in umadda ay wax wada qabsato taasina ay ka dhalaneyso in ay hormar sameeyaan wixii xumaato ahna ay haboon tahay in meel looga soo wada jeedsado , waxaaanu dhinaca kale k dhigay in dadka aan xumaatada loo horseedin , Sheekhu waxa uu xusay in dadka waxa ay ug jecel yihiin ay tahay qabiil waxa ay ugu neceb yihiina uu yahay qabiil waxa ay dadka ku xidhiidhiyaana ay tahay qabiil , waxa uu umada ugu dardaarmay in dadka laga doonayo in cibaadada Alle iyo wanaaga la isku kaalmeysto .
Dariska kadib waxa ay Culimada Nadwada ka qeyb qaadanasa ka jawaabeen su’aalad fataawo ah oo ay soo weydiiyeen dadka Nadwada la socda waxana Nadwada caawa si wada jir ah uga jawaabay Culimada kala ah
Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale
Sheekh Maxamed Faahiye Ciise
Culimada kale ayaa lagu wadaa in ay si wada jir ah habeen dambe uga wada jawaabi doonaan su’aalaha fatawada ah ee dadku soo weydiinayaan culimada
Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Waaciye iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Degmada Waciye sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba

Related posts: