Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale oo caawa darsigii koowaad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka socota Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Degmada Waaciye[SAWIRRO]

Published on July 2, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Sheekh C/rashiid SiciidDucaale ayaa caawa darisgii kowaad ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 3aad ee ka bilowday Degmada Waaciye oo hoos tagta Gobolka Karkaar ,wuxuuna Sheekhu ka hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa (حسن الخلق—dhaqan wanaaga)

Ugu horeyn waxa uu Sheekhu darsiga u kala qaaday dhowr qeybood oo kale ah dhaqan wanaaga iyo waxyaabaha la xidhiidhka leh, waxyaabaha ka dhalanya dhaqanka xag diin iyo xag kaleba , waxaa sidaa oo kale uu Sheekhu xusay in ay tilmaamo uu ka bixin doono dhaqan wanaaga.

Sheekh C/rashiid Siciid Ducaale waxa uu faah faahin ku sameeyay dhaqanka wanagsan iyo dabaacada fiican wuxuuna tilmaamay in xuluqa wanaagsani uu yahay mida qofka u hogaamisa dhinaca wanaagsan,waxa uu xusay sidaa oo kale in waxa qofka wanaagsan laga doonayaa ay tahay in uu Alle isku dhibo.

 

Sheekhu waxa uu sidaa oo kale kala qaaday dhaqanka fican iyo dhaqanka xun waxaanu xusay in labada dhaqan ay qofka u kala hogaamiyaan labo jiho oo lidi isku ah wuxuuna xusay in qofka dhaqanka wanaagsan uu ka dhigayo mid aduun iyo aakhriba wanaagsanaada wuxuna sidaa oo kale dhaqanka xun ku tilmaamay in uu yahay mid qofkka dhinaca xun u hogaamiya .

 

Sheekhu waxa uu tilmaamay in dhaqanka wanaagsan ay ka mid tahay in dadka wanaagsa loo sheego samahana loo hor maro waji furan iyo dabaacada wanaagsanna lagula dhaqmo. Waxa uu sidaa oo kale Shekhu halkaa u soo qaaday Aayado ka hadlay dhaqanka wanaagsan.

 

 

Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay in uu qaada dhig ku sameeyo Aayada quraanka ah ee ka hadleysa dhaqanka Rasuulka ( و أنك لعلى خلق عظيم ) wuxuuna sheegay in waxa Aayada laga fahmayaa ay tahay in Nabigu ahaa mid dhaqan wanagsan dadkana laga doonayo in ay ku deydaan Nabiga iyagoo maanka galinaya Aayada kale ee ah (لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة ) sidaa oo kale waxa uu xusay in Quraanku siyaabo kala duwan uga hadlay dhaqanka wanaagsan ama dabciga wanaagsan ,waxaanu xusay in Quraanka uu ilaa 100 jeer lagag hadlay dhaqanka wanaagsan  halka dhaqanka xun Quraanka lagu sheegay ilaa 300 oo meelood arintaadana ay ka dhalaneyso sida Diintu ula dagaalamayo dhaqanka xun umadadan uga digeyso.

 

 

Kadib intaa Sheekhu waxa uu u galay in uu ka hadlo hadalii ay Saxaabadu weydiiyeen Umul Mu’miniin Caaisha Alle ha ka raali noqdee ee ku aadanaa dhaqanka Rasuulka SCW ayna ugu sheegtay in dhaqankiisu ahaa Quraanka.

 

Sheekhu waxa dhinaca kale soo qaaday Culimadii Salafka iyo wixii ay ka yidhahdeen dhaqanka ama dabciga wanaagsan wuxuuna tilmaamay in Culimadaasu ay kitaabo ka alifeen dhaqanka wanagsan iyo ficilkii iyo dhaqankii haboonaa ee Nabiga CSW  .

 

Sheekh C/rashiid SiciidDucaale waxa uu inta kadib soo qaaday hadalkii uu ka yidhi Anas Bin Maalik dhaqankii rasuulka wuxuna xusay in Anas Alle ha ka raali noqdee uu sheegay in Nabigu CSW uusan waligii dhihin waxaa maxaad u sameysay iyo waxaa maxaad u sameyn weyday , wuxuna Shekhu xusay in Nabigu CSW uu ahaa mid ku sifeysan dhaqan wanaagsan oo dhameystirsan wuxuna dadka ku booriyay in waxa laga doonayaa ay tahay in ay ku deydaan dhaqanka suuban ee ay Nabigooda CSW ka dhaxleen noqdaana kuwo ku dhaqan kun afaana kana shaqeeya faafintiisa iyo gaadhsiintiisa dadka kale

 

Sheekhu waxa uu dhinaca kale tilmaamo ka bixiyay sidii uu Nabigu Umadda ugu hagay dhaqanka wanaagsan uguna tusaaleeyay dhaqanka wanaagsan umadana ugu dardaarmay , waxa dadka laga doonayaan ay tahay in ay ku sifoobaan dhaqan wanaagsan iyagoo Nabiga CSW kaga dayana dhinaca kalena fulinaya amarka Rasuulka ee ah in dhaqanka wanaagsan lagu dadalo.

 

Sheekhu waxa uu xusay in dadka Maalinta qiyaamo dadka wanaagsan ay yihiin kuwo miisan culus waxa halkaa u soo qaaday hadalo ay arintaa ka yidhaahdeen Culimadii Salafka arintaa iyo hadalo sidaa oo kale laga hayo Saxaabadii Nabiga Alle ka ka raali noqdee , sidaa oo kale waxa uu shegay in dadka aakhiro nabiga ugu dhow ay yihiin dadka dhaqanka wanaagsan wuxuuna halkaa u soo qaaday Xadiis Nabiga ka sugnaaday oo arintaa ka hadlaya.

 

Sheekhu waxa uu intaa kadib soo qaaday tilmaamo muujinaya dhaqanka wanaagsan wuxuna halkaa u soo qaaday tusaalooyin laga hayo Saxaabadii Nabiga CSW iyo Culimadii salafka wuxuuna bulshada ku booriyay in ay haboon tahay in ficilka wanaagsan ee lagu sifoobay ay tahay in dhankooda ay ku sifoobaan taariikhduna ay tahay  mid wax reebeysa .

 

Sheekhu waxa uu bulshada ku booriyay in la doonayo in ay noqdaan kuwo dhaqan wanaagsan kana shaqeeya dhaqanka wanaagsan umadana u hormuud ugu noqdaa dhaqankaa fiican faafintiisa sidaa oo kalena ay noqdaan kuwo u taagan la dagaalanka dhaqanka xun ee umada ku dhalinaya xumaatada , sidaa oo kale waxa uu soo qaaday tusaalooyin ka tarjumaya waaqica bulshada ay xiligan ku jirto



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines