Nadwo Cilmiyeedkii 3aad oo caawa si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Abuu Bakar Sidiiq ee Magaalada Waaciye

Published on July 2, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Nadwo Cilmiyeedka sanadlaha ah ee Magaalada ee Degmada Waaciye oo sanadkiiba xiligan oo kale la qabto ayaa sanadkan gashay Sanadkii 3aad waxaana Sanadka lagaga hadli doonaa ciwaanka ah ( الدين النصيحة- Diintu waa naseexo) )

 

Furitaanka nadwada waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xubnaha Maamulka Degmada waaciye waxaana ugu horeyn Nadwada lagu furay Aayaad ka mid ah Quraanka Kariimka ah oo uu akhariyay Arday ka mid ah ardayda wax ka barata Dugisa raacsan Masjidka Abuu Bakar Sidiiq oo ah masjidka ay nadwadu ka socoto.

 

Kadib waxaa hadal kooban oo arimaha dacwada ee Magaalada ka hadlay Sheekh  oo ku hadlayay magaca gudiga Dacwada ee Degmada wuxuna ka warbixiya nashaadadka dacwada ee ka  jira wuxuuna ka warbixiyay heerarka ay soo martay dacwada ugu dambeyna waxa uu u mahad celiyay Culimada ka qeyb galeysa Nadwada wuxuu Alle uga baryay in cilmigooda u barakeeyo.

 

Kadib intaa waxaa hadal kooban soo jeediyay gudoomiyaha Degmada wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay Culimada duruusta ka jeedineysa wuxuuna Alle uga baryay in uu cilmigooda u barakeeyo , wuxuna xusay in ay farxad u tahay in Nadwo cilmiyeed sidan oo kale ah ay nasiib u yeeshaan , waxa uu intaa raaciyay in waxa dadka deegaanka laga doonayaa ay tahay in ay meeleeyaan cilmiga ay culimadu u sheegayso isla mar ahaantaana dhaqan galiyaan .

 

Ismaaciil Xaaji Cartan oo ka mid ah wax garadka Degaanka wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay Alle SW ee suura galiyay in Nadwadu ay qabsoonto wuxuuna intaa kadib u mahad celiyay gudiga culimada ah ee wada arimaha nadwada qeybahooda kala duwan.

 

Nadwada ayaa lagu wadaa in ay socoto ilaa 5 maalmood oo xidhiidh ah waxaana duruus kala duwan ka jedin doonto Culimo kala duwan oo ka kala iman doonto magaaloyin ka mid ah kuwa Puntland .

 

Nadwo Cilmiyedkan ayaa soo bilaabatay xili hadda laga joogo sadex sanadood waxayna tahay nadwadu mid sanadkiiba mar la qabto,

 

Nadwo cilmiyeedyada la qabto xiliga xagaga ayaa mudooyinkii dambe si weyn ugu baahayay guud ahaan gobolada Dalka waxayna si gaar ah ugu baaheen Deegaanada hoos yimaada Maamulka Puntland.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines