Nadwo Cilmiyeedkii 9aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khatab oo caawa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay

Published on July 1, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Nadwo cilmiyeedkii 9aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ayaa cawaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay waxaan xafladeeda xidhitaanka ka soo qeyb galay Nabadoono , Maamulka Puntland xubno ka mid ah , Culimada ka qeyb galeysa Nadwo Cilmiyeedka

Nadwada ayaa ah mid sanadkiiba xiligan oo kale la qabto waxayna soo bilaabatay mudo haatan laga joogo sagaal sanadood , Nadwo cilmiyedka ayaa sanadkiiba lagaga hadlaa Mowduuc markaa taagan ama la dhihi karayo Bulshada in loo bayaamiyo ayaa wanaagsan.

Culimado kala duwan kana kala tilmaada gobolo kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa sanad walbaa xiligan oo kale ka qeyb gasha ,waxaana sanadkan si toos ah uga wada qeyb qaaday Nadwo cilmiyeedka Culimada kala ah

1-      Sheekh C/qaadir Nuur Farax

2-      Sheekh C/naasir Xaaji Axmed

3-      Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen

4-      Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abuu Sheybba”

5-      Sheekh Xasan Maxamed Muuse “ Sheekh Xasan Bookh”

6-      Sheekh Maxamed Macalin Axmed

7-      Sheekh Axmed Yuusuf Daad

8-      Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise

Culimada ayaa isku jirtay kuwo daruus ama muxaadaraad ka jeediyay iyo kuwo ka qeyb qadanayay ka jawaabidda Su’aalaha ka imanayay dadka Nadwada la socday , sidaa oo kale waxaa jiray  Gudi Culimo ah oo ka shaqeynayay habsami u socodka Nadwada .

Kulan cilmiyeedka sanadkan ayaa waxaa ciwaan looga dhigay Aayada quraanka ah ee ( و من أحسن قولا ممن دعا إلى الله و عمل صالحا و قال إنني من المسلمين ), waxyana Culimadu ku qaada dhigeen mowduucyo kala duwan oo Aayada hoos imanaya kuwaas oo ay ka mid tahay midnimada iyo wada jirka Umadda .

Sheekh Axmed Cawaale ayaa akhriyay Bayanka khitaamka ah ee Nadwo Cilmiyedka sanadkan,waxaa sidaa oo kale hadalo ka jeediyay Caaqil ka mid ah waxgaradka Magaalada , Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar ee Puntland.

Nadwo cilmiyeedka ayaa si wanaagsan ku soo gaba gabowday waxaana mida tan xigaa lagu wadaa in la qabto sanadka soo socda xiligan oo kale hadii Alle raali ka noqdo.

Kulan cilmiyeedka ceynkan oo kale ayaa si fiican ugu baahay dhamaan gobolada dalka waxayna Culimada Soomaaliyeedi dadka u turxaan bixiyaan mas’looyin kala duwan dhinaca kalena uga jawaaban su’aaladka heysa dadka wakhti xadirkaa kuwa shaqsi ah iyo kuwo guudba.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Nadwo Cilmiyeedkii 7-aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho oo xalay la soo gaba gabeeyay
  2. Nadwo Cilmiyeedii Lixaad ee lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qardho oo caawa la soo gaba gabeeyay
  3. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo darsigii 5aad Caawa ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 9aad ee ka socota Masjidka Cumar Bin Khatab ee M. Qardho[SAWIRRO]
  4. Nadwo Cilmiyeedkii 6-aad oo lagu wado in caawa ay ka bilaabato Masjidka Cumar Bin Khadab ee M. Qardho
  5. Nadwo cilmiyeedkii 10aad ee sanadlaha ahayd ee lagu qaban jiray Masjidka Al rowda oo caawa si rasmi ah u bilaabtay

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nadwo Cilmiyeedkii 7-aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho oo xalay la soo gaba gabeeyay
  2. Nadwo Cilmiyeedii Lixaad ee lagu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab ee M. Qardho oo caawa la soo gaba gabeeyay
  3. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo darsigii 5aad Caawa ka jeediyay Nadwo Cilmiyeedka 9aad ee ka socota Masjidka Cumar Bin Khatab ee M. Qardho[SAWIRRO]
  4. Nadwo Cilmiyeedkii 6-aad oo lagu wado in caawa ay ka bilaabato Masjidka Cumar Bin Khadab ee M. Qardho
  5. Nadwo cilmiyeedkii 10aad ee sanadlaha ahayd ee lagu qaban jiray Masjidka Al rowda oo caawa si rasmi ah u bilaabtay

Latest Headlines