Nadwo Cilmiyeedkii 9-aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ciwaanka sanadkan lagaga hadlayana uu ahaa Aayada Quraanka ah ee ( و من أحسن قولا ممن دعا إلى الله و عمل صالحا و قال إنني من المسلمين ). Waxaana sanad walbaa Nadwada lagu qabtaa Masjidka Cumar Bin Khataab oo ku yaala badhtamaha Magaalada Qardho.Darsiga shanaad waxa caawa soo jeediyay Shekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka haldey Mowduuc ciwankiisu ahaa ( موقف أهل الستة والجماعة في الفرق المنحرفة- Mowqifka Ahlu Suna Wal Jamacaa eek u aadan Kooxaha Lunsan), ugu horeyn waxa u Sheekhu xusay in darsiga waxa uu uga hadli donaa ay noqon doonto Kooxaha khaldan ama lunsan ee u nisbo sheegtay Islaamnimada sheeganayana in ay yihin kuwo saxan oo manhaj wanaagsan ku taagan.
Waxa uu Sheekh C/qaadir sheegay in erayga sunada ahi uu yahay ku dayashada wadada wanaagsan ama dhaqanka wanaagsan ee Umaddu ay ka soo gaadheen Nabigeena Muxamad ah CSW ,waxanu sii faah faahiyay erayga Sunada ah waxa ay Culimadii salafku ku fasireen oo ah in nabadiga lagaga dayanayo wixii uu sameeyay ee acmaal iyo dhaqamo ah dhinac kastana ay waajib tahay in lagaga deydo iyadoo la raacayo Aayada Quraanka ah ee ( لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة) .
Waxa uu sheekhu u galay sharxida iyo faahfaahinta erayga الجماعة waxaanu tilmaamay in eraygaa looga jeedo midnimada umadda iyo ku toosnaantooda manhajka saxan wuxuuna dhinaca kale bidhaamiyay in kooxada lunsan sida Shicada iyo kuwa kale ee ka ag dhow ama qaba fikirka la xidhiidha Shiicada ay yihiin kuwo ka fog jamacada , wuxuuna dhinaca kale soo qaatay in Umadda Nabigu ay u qeybsameyso ilaa 73 qeybood 72 ka mid ahna ay yihiin kuwo naarta galaya ama khilaafsan wixii uu Nabigu SCW la yimid.
Sheekhu waxaa kale oo uu xusay in uu faah faahin doono qeybaha dambe ee darsiga kooxaha khilaafsan Ahlu suna waljamaca uuna cadeyn doono waxyaabaha ay fakir ahaan qabaan .
Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay in uu dib ugu laabto Ahlu suna wal jamaca iyo kuwa ay yihiin wuxuuna tilmaamay in ay yihiin dadkii hore ee saxaabada ahaa , taabiciintii iyo kuwii xigay iyo kuwii sii xigay , kadib waxa uu Sheekhu tilmamo ka bixiyay sifooyinka ay leeyihiin Ahlu suna wal jamaaca , waxa uu Sheekh C/qaadir is dul tag ku sameeyay Aayada Quraanka ah ee( و السابوقون الأولون من مؤمني….. آية ) , Sheekhu waxa uu Aayada uga sii gudbay Xadiiska Nabiga CSW ka sugnaaday ee ( خير القرون قرني ثم الذين يلونهم صم الذين يلونهم )
Sheekhu waxa uu u galay in kuu la hadlo kooxaha lunsan wuxuuna shegay in yihiin kuwa kala taagan labada dhinac ee diinta kuwo aad ugu xad gudbay iyo kuwo aad uga gaabiyay ,waxanu Sheekhu tilmaamay waxyaabaha ay kooxahaas ku khaldan yihiin wuxuuna carabka ku adkeeyay in Diintu ay tahay mid fudud aysana habooneyn in la isku adkeeyo qofkii diinta isku adkeeyana ay diintu ka awood badaneyso aakhrikana uu noqonayo mid diinta ku xad gudba.
Kadib intaa waxa uu Sheekh C/qaadir Nuur Faarax u galay in uu ka hadlo Aayadka ka hadlaya Diinta iyo sida ay u dhameystiran tahay Rasuulkuna CSW uu cadeeyay ama jideeyay sida iyo qaabka loo cibaadeysanayo iyo cibaado kastaa sida ay noqoneyso .
Sheekhu waxa uu sidaa oo kale soo qaday Axaadiis Nabiga CSW ka sugnaatay oo arimahaas ka hadlaya wuxuuna tibaaxay in Umadda waxa laga doonayaa ay tahay in ay dabaqaan ama dhaqan galiyaan wixii Rasuulka Alle u jideeyay balse aysan habooneyn qof walbaa sida ay wax ula muuqdaan uu u cibaadeysto ama wax u jideyso qofka ceynkaas ahina uu noqonayo qof aamisan in Diintu aysan ahayn mid aan dhameystireyn sidaana ku khilaafaya hadiyga Nabiga CSW .
Dhinaca kale waxa uu Sheekhu mar kale dib ugu laabtay in uu ka hadlo arimaha Ahlu suna wal jaamaca lagu yaqaano ama ay ku sifeysan yihiin wuxuuna xusay in ay yihiin kuwo Asmaada iyo sifaadka Alle u sugay sida ay u yihiin balse aysan ahayn kuwo ku fasira waxa ay la tahay sida ay firaqda kale ama Kooxaha kale aaminsan yihiin ama ku ta’wiiliyaan .
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxa uu u galay in uu kala saaro kooxaha lunsan ama qacoosan hadii si kale loo yidhaahdo iyo waxyaabaha ay koox kastaayi aaminsan tahay ama ay sheeganeyso in ay ku dhaqanto, wuxuuna xusay in kooxahas ay yihiin kuwo dhamantood hareer maray wixii Nabigu SCW iyo Saxabaadiisu ogaayeen Nabiguna CSW umadiisa u jideeyay.
Intaa ka gadaal waxa uu Sheekhu is bar bar dhig ku sameeyay Mahajka ay kala aaminsan yihiin kooxaha lunsan iyo Ahlu suna wal jamaaca wuxuuna soo qaatay waxyaabo badan oo ay ku kala tagsan yihiin dhinaca kale waxa uu xusay in kooxahaas ay wax badan ku khaldan yihiin wuxuna soo qaatay tusaaloyin muujinaya waxa ay kooxahaasi Ahlu suna wal jamaaca ku khilaafsan yihiin iyo lidda midaa oo ah waxa ay Ahlu Suna wal Jaamaca ku khilaafsan tahay wuxuuna gab gabadii farqadani xusay in Ahlu suna wal jamaaca ay tahay mid dhex dhexaad ah oo aan dhinacna u xaglineyn.
Sheekhu waxa uu u galay Iimaanka iyo waxa ay Kooxahasi ka aaminsan yihiin iyo aragtida Iimaanka ee ku aadan Ahlu suna wal jamaaca wuxuuna xusay in Koxahasi ay Iimanka ku sheegayaan in uu yahay qofka waxa uu aaminsan yahay lab ahaan iyo wixii uu afka uga hadlo balse aysan ku dareyn wixii ficil ah ee uu sameeyo, wuxuuna xusay in Ahlu suna wal jamaaca ay Iimaanka ku sheegto Qalbiga oo laga aamino Afka oo lagaga dhawaaqo iyo ficil lala yimaado .
Sheekhu waxa uu darisga ku soo gaba gabeeyay tusaaloyin la xidhiidha waxyaabaha la xidhidha kooxahaas wuxuuna dadka ku booriyay in ay si fican ugu dhagnaadaan Manhajka Ahlu Suna wal jamaaca oo ah midka ugu wanaagsan ee la raaco ,wxuuna dhinaca kale ka digay dadka u hogaansamaya dadka faalaloyada ah ee sheeganaya in ay wax u darayaan dadka ama xauun ka qaadayaan ama ubad siinayaan wuxuna xusay in arintaas ay tahay mid Alle u gaar ah cid kalena aysan arintaa awoodin , sidoo kale waxa uu ka digay arimaha fooxsika , boranaha iyo wixii la xidhidha wuxuun xusay in qofkii waxaa aamina uu yahay qof aan alle ku kalsooneyn , wxuuna carabka ku adkeeyay in dhaqamadasi oo dhami ay yihiin kuwo diinta aan sal iyo raad midna ku lahayn loona baahan yahay in lala dagaalamo.
Darasiga Sheekh C/qaadir kadib waxa ay Culimadu ka jawaabeen su’aalaad kala duwan oo ay soo weydiiyeen dadka Nadwada la socda waxaana caawa si wada jir ah uga wada jawaabay Culimada kala ah :-
1- Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
2- Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abu Sheyba”
3- Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen
4- Sheekh Xasan Mxamed Muuse “Sheekh Xasan Bookh”
Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Magaalada Qardho sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba.

No related posts.
No related posts.