Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada DKMG ah ee ku aadan Dastuurka Cusub

Published on May 3, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Hey’adda Culimada Soomaaliyed ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay hadalada ad adag ee ka imanaya DKMG ah ee la xidhiidha  aragtida ay dadku ka muujinayaan dastuurka cusub ee lagu wado in cod loo qaado wakhtiyada soo socda.

Af hayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh nuur Baaruud Gurxan  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadalkada ka so baxaya Mas’uuliyinta ku hadlaya magaca DKMG ah ee Soomaaliya ay yihin kuwo u muuqda in dadka la khasbayo, wuxuuna dhinaca kale sheegay in Hey’adda Culimadu ay guud ahaanba ka hor imaneyso dastuurka cusub oo u muuqda mid waxyaabo badan oo khaldani ku jiraan.

Waxa uu Shekh Nuur Baaruud carabka ku dhuftay in hadalada DKMG ah ka imanaya qaarkood loo arkayo in ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay dastuurkuna uu yahay wax dad ay qoreeen balse uusan ahayn Kitaab Muqadas ah.

Sheekh Nuur waxa uu tibaaxay in hadafka DKMG ah ee Somaliya uuna ahayn in ay dumuso DKMG ah balse ay tahay waajib saran in dadka Soomaaliyeed ay uga digto wixii dhibaato ah ee ku imanaya .

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa mar sii horeysay gaashaanka ku dhufatay qabyo qoraalka dastuurka cusub ee DKMG ah ay dooneyso meel marintiisa waxa ugu weyn ee ay Hey’adda Culimadu ku diiday ayaa ah in dastuurku uu ka hor imanayo Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee soo jireenka ahaa ee Soomaalida lagu yaqaanay

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shiikh Nuur Baaruud Gurxan “shacabki way daaleen ee fursad hala siiyo waalidiintana Ilaahay haka cabsadeen”
  2. Sh Nuur Baaruud oo ka waramey Shirka Culimada & Kaalintooda Shacabka uga aadan
  3. Sh Nuur Baaruud oo ku baaqey DKMG ah in la taageero
  4. Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta la hor geeyay Dastuurka Cusub ee Puntland Doodina ay ka dhalatay
  5. Sheekh C/laahi Cumar Nuur oo u tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shiikh Nuur Baaruud Gurxan “shacabki way daaleen ee fursad hala siiyo waalidiintana Ilaahay haka cabsadeen”
  2. Sh Nuur Baaruud oo ka waramey Shirka Culimada & Kaalintooda Shacabka uga aadan
  3. Sh Nuur Baaruud oo ku baaqey DKMG ah in la taageero
  4. Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta la hor geeyay Dastuurka Cusub ee Puntland Doodina ay ka dhalatay
  5. Sheekh C/laahi Cumar Nuur oo u tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur

Latest Headlines