Kolonyo ka mid ah Gawaadhida AMISOM oo lagu qarxiyay xaafadda Gupta M.Muqdisho

Published on May 3, 2012 by   ·   1 Comment   ·   print

Ciidamada Amisom ayaa manta qarax lagula bartilmaameedsaday Xaafadda Gupta ee Degamada Deyniile ee Magaalada Muqdisho wuxuuna qaraxaa gaadhsiiyay Amisom khasaare isku jiray burburka gaadhi ,dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Askar saareyd gaadhiga ay miintadu haleeshay.

 

Askarta qaraxa lala eegtay ayaa saaraa gaadhi ka mid ahaa kolonya gawadhi ahayd oo ay wadeen Amisom kuwaas  oo ka yimid dhinaca Degmada Deyniile ee duleedka Muqdisho.

 

Dad ka ag dhawaa halka lagu qarxiyay Amisom ayaa sheegay in ay jireen dhaawac iyo dhimasho soo gaadhay Amisom ayna u dheereyd burburka gaadhigii ay miinadu la kacday , waxayna dadkaasi oo warbaahinta maxaliga ah u waramayi sheegeen in ay jireen baadhitaano ay Amisom sameyeen balse wakhti yar kadib ay gobta ka tageen.

 

Qof goobtaa ka ag dhawaa ayaa sheegay in miinadu ay u muuqatay mid meesha horey loo si dhigay aysan ahayn kuwa meelaha fog fog laga hago.

 

Cidamada Amisom ayaa dhawaan saldhig ka sameystay degmada Deyniile oo ay gacan ku heynteda kala wareegeen Kooxda ay awoodeedu wiiqantay ee Al shabaab .

 

Si cad war buxa loogama helin inta uu la eg yahay khasaaraha halkaa ku gaadhay Amisom , ma jiraan cid sheegatay in ay ka dambeyso qaraxaa , mana jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan khasaaraha soo gaadhay ay ku faah faahinayaan.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (1)

  1. abdalla says:

    idinka iyo amisom waxba isma dhaantaan, dagaalkuna gaalada asliyiinta ah kaliya kuma koobnaan doono.
    kuwa badan oo cimaamado waawayn way galaafan doonta inshaa’allah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines