Sheekh Yusuuf Aadam oo ugu baaqay Shabab in ay mujtamacooda dib ugu soo laabtaan

Published on April 27, 2012 by   ·   2 Comments   ·   print

Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed oo  ah mid ah Culimada ugu waa weyn Dacwada Salafiga ah da’ ahaan cilmi iyo taariikh ahaan ayaa xalay muxaadaro  xalay ka jeediyay  Masjidka weyn ee Al rowda ee Magaalada Boosaaso baaq ugu jeediyay dhalinyarada Ururka Al shabaab ee dagaalka kula jira shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo maamuladooda oo qaarkooda oo dhawaan ka soo cararay gobolada koonfureed ee dalka kadib markii ay ka soo baqdeen ciidamo shisheeye oo ku soo weeraray deeganadii ay ka talin jireen halkaana soo baneeyay dagaal la’aan ayaa waxa ay soo galeen buuraleyda Golis isla markaana iclaamiyay in ay dagaal la gali doonaa Maamulka Puntland gaalnimana ku xakumay maamul iyo ciidanba ayuu Sheekhu waano aad  u xeel dheer u soo jeediyay iyo naseexooyin isagoo xasuusay Alle , Aakhiro iyo camalka ay hayaan in uu yahay mid Alle ka fogeynaya .

Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed ayaa mudooyinkan safar dacwadeed ku joogay Deegaankada Puntland wuxuuna muxaadaraad kala duwan ka jeediyay Masjidka Al rowda iyo Nadwo cilmiyeedkii 10aad ee isla Masjidkaa lagu qabto, Muxaarado u gaar ah dumarka ku dhaqan Magalada Boosaaso iyo habeenkii  Arbacad ahayd oo uu Mumxarado ciwaankiidu ahaa waajibkaadka la doonayo qofka Jaamiciga ah  u jeediyay Ardayda dhigata Jaamacada Bariga Afrika oo ka kooban 9 Kuliyadood

 

Sheekhu waxa uu ugu horeyn sheegay in nimacada amniga qofka dareemaa uu yahay qofka amniga aan heysan sidaa oo kale qofka caafimaadka qabaa uusan dareemeyn xanuunka balse marka meel jidhkiisa ka mid ahi ay xanuunto uu dareemayo nimcada ka maqan , nimacadana sideeda waxaa dareema qofka wayaa, wuxuuna soo qaatay Aayaad iyo Axaadiis ka hadlaya Amniga iyo faa’iidadiisa(رب إجعل هذا البلد آمنا), waxa uu Nabi Ibraahiim waxa uu Alle uga baryay caruutiisa ay tahay in marka hore Alle amni siiyo risiqana uu u sahlo.

Wax uu Sheekh Yuusuf waxa uu sheegay in amni xumo hadii ay timaado aysan suura gal ahayn in la isku yimaado, ganacsi la sameeyo, iskuulo la furto,dukaamo aan la furaneyn , safarkiina uu go’ayo wuxuuna halkaa u soo daliiliyay (وضرب الله مثلا قرية كانت آمنة مطمئنة يأتيها رزقها من كل مكان …….آية)Aayadana ay muujineyso micnaha dhabta ah ee amnigu leeyahay iyo hadii la waaayo waxa ka dhalanaya , sheyga ugu muhiimsan Alle rumentiisa kadib ee uu qofku helaa ay tahay amni, kan xigaana ay tahay risqi la helo kan sadexaadna uu yahay caafimaadka sadexdaa hadii wada jir loo helaana ay tahay noloshu mid wanaagsan aduunyadanu ay tahay mid aan xiligaa kala maqneyn.

Waxa uu Sheekh Yuusuf xusay in wax laga xumaado ay tahay in dad islaam sheeganayaa oo magaca islaamka ku hadlaya oo hadana dadkii u diidan in ay amni ku noolaadaan wuxuuna yidhi “waxaa wax laga noxo ama laga xumaado ah in ay soo baxaan dad magaca islaamka ku hadlaya oo hadana dadkii u diidan in ay amni ku noolaadan ,amnigii islaamku ugu yeedhay ee ilaahay ku amaanay ee Ilaahay diintiisa meel walba ku sheegay nin kaloo magaca islaamkaan ku hadlayaa oo hadana amnigii khalkhal galinaya oo abiriyadii muslimiinta ahayd ee bariga ahayd leynaya oo qaar kaloo muslimiin ah laynaya waa wax runtii laga xumaado ama laga noxo dadkii muslimiinta ahaa naftoodi ayuu la dagaalmayaa diin ahaan iyagoo isku diin ah iyagoo isku walalo ah iyagii isku qaraabo iyo isku ehli ah waxa lala yaabo taa weeye”

 

Sheekh Yuusuf Aadam waxa uu dhinaca kale wax ka tilmaamay in ay jiraan in dhinaca kale ay ka soo baxaan kuwo sheeganaya in ay amniga ka shaqeynayaan iyaguna la dagaalamaya amnigii qof kasta oo diin leh oo gadh ka muuqdo ama gabadh xijaaban oo isku daya in diinta sida ay tahay u qabsado la dagaalamaya kuna dhahaya argagixiso ayaad tihiin ku dhahaya waxaana soo baxay labo mushhkilo , diintuna ay tahay mid dhex dhexaad ah oo labada dhinacba aan la jirin .

 

Waxa uu Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed tilmaamay in Diinta uu Nabigu la yimid ay tahay mid dadka u hogaamineysa dhinaca wanaagsan xumaantana ka horjoogsaneysa una badbaadineysa ridaha Alle iyo Janadiisa ,waxa uu dhanka kale tilmaamay in ay xaaraam tahay in qofka muslimka ah dhiigiisa la daadiyo xoolihiisa la dhoco iyo in sharaftiisa meel loga dhoco ama la caayo ay Dintu diiday arintaa Nabiguna SCW uu arintaa ka hadlay ugana Hadlay khubadiisii ugu dambeysay, sheekhu waxa uu xusay in diintu ay rafeyso in dadku walalo noqdaan dhexdoodana markaa ay ka dhalaneyso in ay amni helaan  waxa imanayaa ay tahay barwaaqo iyo in dadkii noloshodii wanaagsanaato , hadii aan amni la helina ay dacwada iyo diinta fidinteedii ay isataageyso dadkuna ay dalkooda iyo guryahooda ka cararayaan.

 

Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed waxa uu muxaaradiisa ku soo gaba gabeeyay baaq uu u jeediyay Xarakada Al shabaab ee dhaqanka ka dhigtay in ay dadka laayaan, ee ay Culimada laayaan in ay iyagu is qarxiyaan in ay ardaydii laayaan  in ay yidhaahdan wax Alle lagaga fogaanayo Alle ayaan ugu dhawaaneynaa wuxuuna Sheekhu yidhi “waxaan ku soo gaabinayaa baaq aan u jeedinayo inamada dhalinyarada ah ee walalaheen ah ee buuraha galay ama meelahaa ku jira ee ka dhigtay in ay dadka muslimiinta ah laayaan Culimada in ay laayaan in ay iyagu is qarxiyaan in ay ardaydii laayaan in wax Alle lagaga fogaanayo ay yidhaahdaan Alle ayaan ugu dhawaaneynaa arinta caynkaa ah ayaan doonayaa in baaq walaltinimo ah  oo kheyr la jecel ah darted oo walahay kheyr aan la jeclahay darted ah aan u diro  qofka muslimka ah in qofka muslimka ah dilo waa xaaraam hadii uu si xaq daro ah ku dilana naarta ayuu ku galayaa من قتل نفسه عذب بها  wuxuu isku dilay ayaa lagu cadaabayaa waa sida uu Nabigu sheegay haduu naf kale dilana xaq daro ku dilana و من قتل مؤمن متعمدا……… آية  qofku marka uu qof kale dilo oo xaq daro ku dilo awalan waxaa laga cabiray in uu naarta jahanamo galayo oo uu ku waarayo cadii Allahay ku dhacayso nacladii Ilaahay ku dhaceyso in uu cadaabkaas cadiimka ah ku waarayo oo uuna ka soo baxayn C/laahi Binu Cabaas waxa uu sheegay in uusan xataa towbad lahayn in kastoo mufasiriinta sida ay u badan yihiin ay ku khilaafsan yihiin waxaa weeyaan marka maadaama ay arintu sidaa tahay  qofka muslimka ah walalayaal wax sahlan ma aha Nabigu CSW waxa uu yidhi لزوال الدنيا أهون على الله من قتل مسلم  aduunyada oo dhan oo rogmata ayaa Alle uga sahlan qof muslim ah oo la dilo ولو أن أهل السماوات و الارض إجتمعو من قتل مسلم لأكبهم الله في النار  makhluuqaadka aduunka joogoo dhan hadii ay ku heshiin lahaayeen dilka qof muslim ah ilahaay naarta ayuu ku wada guri lahaa ayuu yidhi Nabigu CSW”

 

Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed waxa uu sidaa oo kale ka hadlay falalka ay ku kacayaan Al shabab ee ay isqarxintu ku jirto  wuxuuna yidhi isagoo arintaa ka hadlaya “  kheyrban idinla jeclahay wax wanaagsan ayaana idinla doonayaa maadaama qofka aad dishay aad naar ku galeyso qofkaa muslimka ah maadaama hadii aad adigu is dhisho adigoo noloshii waayay aad naar galeyso oo arintaa ay hubaal tahay oo Alle iyo Rasuulkiisaba inoo sheegeen, arintaa lagaa dhaadhiciyay ee ah marka aad is qarxiso oo dadka isku dhex qarxiso oo qof muslim ah disho Janaad ku galeysaa ama shahiid ayaad noqoneysaa hadii aad is disho noqoneysaa walahay arinkaa waa been waa walahay wa rabul kacba masaajidbaan fadhiyaa qof muslimka ah oo ashaahadanaya oo aad dishay inaadan jano ku galeyn adoo is dilayna inaadan jano ku galeyn naftaadood weyday walalkaa oo aad weyday iyo adoo naar galay ayaa isku kaa darmaya”

 

Sheekh Yusuuf aadam waxa uu sheegay in towbadu ay tahay mid furan wuxuuna yidhi “markaan leenahay towbadu waa furan tahay  soo nqo oo ka tobad keen oo Ilaahay ka boqo oo kaalay  hadii markii hore jahli arintaa ku geeyay ama arintaa kuu geeyay dad kale oo ku lumiyay oo diin kaaga dhigeen war diin ma aha ee waa cadaab waa musiibo balaayo ay kuu sheegeen isaga soo noqo ayaan ku leenahay adeerayaal waan kula talinayaa waa naseexo yomul qiyaamaha ana xujada waan kugu oogayaa hadad i maqli weydo yomul qiyaamaha walahay lagu weydiinayaa dimadeyda waan bari yeelay waan kuu sheegay ma aha qof muslim ah oo ashahaadanaya dilkooda inaad jano ku galeyso  waxaan kuu sheegayaa shacabka Soomaalidu waa muslim madaxdiisa iyo mijihiisa odoyaashiisa habrihiisa dhalinyaradiisa qof aan muslim ahayn oo qarsanayaa hadii uu jiro war uma heyno lakin sidaa aan umadda ku naqaano mee kasta ha joogto tan Itoobiya xukunto  tan kiiniya xukunto  tan koonfur joogta tan Puntland joogta iyo tan Somaliland joogta  tan dibada ku maqan qof Somali ah oo gaaloobay oo aynaan war u heyn mooyaane umadaasi waa umad muslim ah  xukaamtu waa muslim  oo askartu waa muslim oo shaqaalaha dowladu waa muslim oo shacabku waa muslim waxaan leenahay yaan been laguu sheegine khaladka aad galeysaanoo umadada u soo noqo umaduna waxaan ka codsaneynaa in la soo dhaweeyo hadii ay inamadaasu soo noqdaan dowlada waxaan ka codsaneynaa in inamadaa hadii ay soo noqdaan la soo dhaweeyo oo aan waxba dambe loo raacan ee la saamoxo oo la iska daayo kii aan dambe gaar ah loo heysan inta la soo dhaweeyo la ixtiraamo waxaan rajeynayaa marka ay baaqaa maqlaan in ay soo noqon doonaan walalahey aniga xumaan igama aha walahay wanaagbaan la jeclahay waxaan doonaa in cidhiidha iyo buuraha iyo rafaadka  iyo uskagga iyo dhibaatada ay ku jiraan ee aan ajar looga qoreyn inta isaga soo baxaan umadooda soo dhex galaanoo ay shaqeystaan oo kii wax yaqaanay uu ku shaqeysto oo kii ganacsi waday wato kii macalin ahaa macalin noqdo howlihina ku soo noqdaan leeyahay Baarakalaahu Fiikum isaga isaga kaalaya cadaabta iyo dhibaatada aad ku jirtaan ee waliba dambiga la idiin qorayo

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (2)

  1. Ali Guure says:

    Masha Allah yaa sheekh Yusuf Aadam.

  2. cabdicasiis says:

    sheekha maxaa kudhacay amniga iyo diiinta kee horeeya ?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines