Koox ku hubeysay bastooladu ayaa xalay fiidkii gudaha Magaalada Baydhabo meel u dhow xarunta Sharikada Hormuud Telecom waxa ay dil ugu geysteen shaqaale ka tirsanaa Sharikada Hormuud oo halkaa ka so baxay.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Amiin wuxuuna ka mid ahaa shaqaalaha ka howl gali jiray xarunta Sharikadaasu ku laheyd Baydhabo, waxayna dad goob joogayaal ahi ku warameen in nimankii dilkaa geytay ay goobta ka baxsadeen wakhtiga oo habeen ahaana aysan suura galin in heybtooda la raaco.
Ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ah oo ay sameeyeen ciidamada wada jirka isku garabsanaya ee ku sugan Baydhabo oo ay arintaa ka sameeyeen , waxaa sidaa oo kale aan war laga heyn cida ay ka socdeen nimanka dilkaa fuliyay.
Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Sharikada Hormuud Telecom (ex Barakaat Telecom) , mana ahan markii ugu horeysay ee dil loo geysto shaqaale ka tirsan shaqaalaha guud ee Sharikadaa ka howl gala.

No related posts.
No related posts.