Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo darsigii labaad caawa ka jeediyay Nadwo cilmiyeedka 10aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee Magaalada Bosaaso

Published on April 20, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Sheekh Maxamed Macalin Axmed ayaa dariga labaad qeybtiisa labaad ka hadlay waxaanu Sheekhu ka hadlay mowduuc ciwaankiisu ahaa ( Manhajka Ahlu Suna wal Jamaaca ee Xakumadda Dadka  منهج أهل السنة و الجماعة في الحكم على الناس) Shekhu waxa uu mowduuca u kala qaaday ilaa dhowr qodob oo hoos imanaya dhamaantood Mowduuca guud ugu horeyna waxa uu sharxid cilmiyaysan ku sameeyay waxa ay tahay Ahlu suna Wal jamaaca iyo sida ay dadku hadda ka aaminsan yihiin ama ay ka filayaan.

 

Sheekhu intaa kadib waxa uu si hoos u guda galay lafa gurida iyo dul istaaga qeybaha kale ee mowduuca wuxuna sheekhu xusay in qofka hadba wadada uu bilaabo ay tahay mida waareysa ama lagu xasuusan karo hadii ay tahay mid xun iyo hadoo ay tahay mid wanaagsan.

 

Sheekhu waxa uu intaa kadib u soo galay ka hadlida Umada iyo sida ay tahay xaalada hadda lagu jiro iyo xaaladihii hore ee la soo maray Umaduna mar walba ay tahay mid heer joogta.

 

Sheekha waxa uu intaa kadib u soo galay bayaaminta Manhajka Ahlu suna wal Jamacaa wuxuna Sheegay in uu yahay manhaj qadiimi ah oo wakhti soo jiray ee uusan ahayn mid ay keeneen 4-ta Imam ee Shaafici, Axmed  iyo labada Imam ee kale balse manhajkani uu yahay mid wakhtigisa leh mudana.

 

Sheekhu waxa uu Sheegay in dadka qaar ay moodayaan ama ay aaminsan yihin in iyaga oo khaldan ay yihiin kuwo saxan arintaana ay tahay mid ka fiirsi badan u baahan  Diintuna ay arintaa cadeysay sidaa oo kale Nabigeenu CSW uu marar kala duwan arintaa ka hadlay laguna xasuusan karo xasiiskii Saxaabadu ay u maleeyeen inuu u yahay dardaaran..

 

Sheekhu waxa uu Sheegay in umada ay dhibaatooyin kala duwan waxa laga doonayaa mar kastaan ay tahay in ay sunada rasuulka dib ugu noqdaan si ay dhibaatooyinka heystaa ay uga baxaan.

 

Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxa uu xusay in Alle uu awoodo qof walbaa in uu ciqaabta dambigiisa u soo dadajiyo balse alle uu dib ugu dhigay , waxa uu Sheekhu tusaale u soo qaaday in dadka Soomaalida ahi hadii ay wadamada kale ee caalamka waydiiyan qofka Soomaaliga ah waxa ay  dadka Soomaalida ahi isku leynayan aysan garaeyn sababta arintaa iyadoo su’aasha ugu darani ay tahay.

 

Sheekhu waxa  intaa kadib uu u galay ka hadlida arimaha dadka lagu xakumayo  waxa uuna ugu hor mariyay Manhajka Ahlu suna wal jamaca in uu yahay mid dadka nabad galiya sidaa oo kalena aan dadka gaaleysiin sidaa oo kalena aan amaanin , waxa ugu horeeya ee ay Ahlu Suna waljamaca ay cadeysayna ay ugu horeyso Ictiqaadka oo ay ka dhigeen qalbiga qofka waxa uu ka aaminsan yahay camalkiisa iyo hadalkiisa

 

 

Sheekhu waxa uu intaa kadib u guda galay ka hadlida qofa Iimaanka leh iyo heerka uu       joogo iyo sida ay u kala duwan yihiin qofkaa iyo kan aan lahayn iimaanka saxda ah .

 

Sheekh Maxamed Macalin waxa uu ku dheeraday Ictiqaadka ama Iimanka furuucda uu leeyahay wuxuna sheegay in Qofka sida dhabta ah u leh IImaan sax ah uusan marna is badalin si kastaa oo ay dhibaatooyin u soo food saran Ahlu Suna Wal jamaacana ay aaminsan tahay in qofka muslimka ah hadii Iimaankiisu nusqaami uu wali yahay qof muslim ah halka Firqooyinka kale ay aaminsan yihin in qofkii IImaankiisu nusqaamo uu yahay qof ka baxay Diinta Islaamka , Manhajka Ahlu Suna wal jaamacana aysan gaaleysiin qof ka mid ah Umada Nabi Muxamed SCW .

 

Sheekhu waxa uu dhinaca kale tilmaamay Firqooyinka leexsan iyo waxyaabah ay aaminsan yihin oo u wax ka tilmaamay wuxuna xusay in Firqooyinkaasi ay yihin kuwo dhibaato ku sugan kana fog manhajka saxda ah ee ay ku sugnaayeen Nabiga SCW iyo Saxaabadisa iyo Salafkii ka dambeeyay .

 

Sheekhu waxa uu gaba gabadii ku soo aruuriyay in uu aaminsan yahay ay Umadda ka aaminsan tahay Ahlu Suna wal Jamaaca manhajkaa oo ah mid cad oo dhex dhexaad ah salafkuna ay arintaa cadeeyeen umadana u cadeeyeen .

 

Nadwada ayaa waxaa si toos ah u tabinayay Idaacadaha Daljir Iyo Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Al Xikma xarumaheeda kala duwan iyadoo si toos ah loogala socday magaalooyin gaadhaya 15 Magaalada oo ay ka mid ahaayeen Gaalkacyo Qardho iyo Bosaaso laf ahanteeda , sidaa oo kale waxa ay dadku si toos ah u soo wacayeen Tilfoon masjidka lagu xidhay oo ay si toos ah uga dhageysan kareen Nawada oo maqal toos ah , dhanka TV-yada Satellite ka ee Soomaalida waxaa joogay tabinteeda ka qeyb qaatay TV-ga SomaliSat iyo S24(Royal TV) ,sidaa oo kale dhanka Website-yada waxaa wada joogay Raxanreeb , Horseed Media , Somalimirror iyo Halgan net

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines