Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta. W/Q: Maxamed Nuur Shire

Published on February 6, 2012 by   ·   7 Comments   ·   print

Horudhac

Towxiidka waa kalmadda furaha u ah Islaamnimada, macnaheeduna waa, in cid xaq lagu caabudo ayan jirin Illaaha weyn  maahee, qeybta kalena waa, in Nabi Muxamad loo qiro inuu yahay rasuulkiisa. qofku marka uu intaas ku dhawaaqana waa qof  Muslim ah oo Illaahay rumeeyey, wixii intaas ka dambeeyana waxaa laga rabaa inuu la yimaado ficiladii kale ee Muslimiinta laga rabay, sida Salaadda, Zakada, “ciddii awoodda” Soonka, iyo Xajka, qofkii intaas la yimaadana waa Muslim dhiiggiisa iyo maalkiisa in la nabad galiyo la doonayo.

Shareecada Islaamka waa qaanuun dhameystiran oo Illaahay ugu talagalay inay aadanuhu weheshadaan inta ay adduunka saaran yihiin, iskuna dhaqaan, isla markaasna ay ku jirto danta aadanaha adduun iyo aakhiroba.

Muslimiintu waa dadka qiray kalmadda Towxiidka, ka dibna ku daray falalkii kale ee Islaamku amray, sida Salaadda iyo Soonka, Zakada iyo Xajka ciddii awoodda, 5 taas tiirna waa kuwa ay ku taagan tahay Islaamnimada.

Al-Shabaab iyo Taageerayaashoodu Kalmadahaasi sidee u isticmaalaan?

1- Towxiidka

Kalmadda Towxiidka ee furaha u ah Islaamnimada, sidaas waa u yaqaanaan, laakiin waxaa jira macnayaal kale oo ay si gaar ah ugu adeegsadaan, taasoo cidda aan ku raacin ay  ku sheegaan cid aan fahmin towxiidka, waaba haddii ayan diinta Islaamka ka saarine, waxaana ka mid ah:

A- jihaadka

Jiritaanka Jihaadka , ma ‘ahan mid ay doodi ka taagan tahay Muslimiinta dhexdooda, balse waxa muranka ugu badan ka jiraa ee Al-Shabaab iyo ururada la aragtida ah lagu diiddan yahay ayaa ah, noociyadda Jihaadka iyo shuruudihiisa.

Haddii aan taas isla fahanno,   Al-Shabaab  iyo inta ku aragtida ah ayaa waxa ay qabaan, ciddii arimahaasi kala doodda ama ku diidda, in ayan Towxiidka fahmin, marka aad maqashid hebel towxiid ma fahmin ama koox hebla, yeyan kaa hoos bixin Towxiidka la fahmayo ma ahan kii caadiga ahaa ee aad taqaanay ee waa, sida ay Towxiidka u fahansan yihiin  oo ah, noociyada Jihaadka aan lagu raacsaneyn ciddii aan ula fahmin sida ay rabaan.

Sheikh Jaamac C/salaam oo ka mid ah culimada hadda la dhacsan fikirka aan ka hadlayo, ayaa bisihii 4-aad ee sanadkii 2010-kii, mar uu ka hadlayey masaajid ku yaala magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in culimada Ictisaam ayan fahmin towxiidka. isaguna uusan horey u fahansaneyn, taas macnaheeda waxaan filayaa inay caddahay waxa uu Towxiidka ka wado.

B-Col iyo Saaxiib

Marka ay halkaan joogto, Al-Shabaab  iyo ururada la halmaala, mar kale ayey isticmaalaan ereyga ah ” Towxiidka lama fahmin” waxay ka wadaan :ciddii aan col la nahay la colow, ciddii aan saaxiib la nahayna la saaxiib, haddii kale towxiidka ma aadan fahmin: macnahan oo dhameystiran qodobka kale ee Muslimiinta baan ugu tagi  doonaa.

2- Shareecada

Shareecada Islaamka ee aan kor ku soo sharraxnay, taasoo muslimiinta laga rabo inay hirgeliyaan, waa mid dhameystiran, mana ahan shareecada Islaamka in lagu koobo waxyaabo dhowr ah.  Soomaalidu waa Muslimiin waa ku dhasheen shareecada, kuna dhaqmaan in badan, waxna waa ka dhiman yihiin u baahan in la dhaqan geliyo.

Shareecada ay Al-Shabaab u dagaalamayaan hirgelinteeda, waa shareeco ay shuruudo laba ah ku xiran yihiin, waxayna kala yihiin labada shardi:

1- In Shareecada loo hirgaliyo sida ay u fahansan yihiin, looguna dhaqmo.

2- In cidda hirgelineysa ay iyagu noqdaan oo cid kale ayan shareecada wax ku maamulin.

In Shareecada loo hirgeliyo sida ay u fahansan yihiin waxaan ka wadaa, dadka Muslimiinta ah waxaa jira aragtiyo u dhexeysa, gaar ahaan furuucda, ama fahanka, sidaas daraadeed waxaa jira madaahib iyo aaraa culimadu kala qabaan kuwii hore iyo kuwa dambe, mas’alo ijtihaadi ah ayaa noocyo kala duwan loo kala arkaa, marka iyagu waxa ay doonayaan in aragtidooda ay noqoto midda lagu saleynayo Shareecada Islaamka, taas xagga u tuur.

Midda kale Al-Shabaab cid kale lama doonayaan inay Shareecada hirgeliso, waxaana  tusaale u ah:

Xarakada Al-Shabaab cid aan iyaga aheyn ma dooneyso inay Shareeco wax ku maamusho, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa ururkii Xisbul Islaam ee ay arimaha badan isku raacsanaayeen inay ula dagaalameen meelo badan in ay Shabaab ku soo biiraan oo shareecada cidda wax ku xukumeysa ay noqoto oo kaliya Al-Shabaab, haddii la dhaho midnimaa la raadinayey, sax  Muslimiinta waa laga rabaa inay mid ahaadaane maxaa loola dagaalamay iyagaaba diyaar u ahaa midnimada oo ku baaqayaye? haddii la yiraahdo dagaalkii Kismaayo waxaa lala galay Axmed Madoobe oo hadda Kenya la socda, kii Buurhakaba yaa lala galay, mase C/qaadir Kumaandoos baa asna meel kale ku xirnaa?.

3-Muslimiinta

Bulsho ama qof marka Muslim la dhahayo, waan soo marnay oo kuma laabanayo, inta badanna dadku waa yaqaanaan,  balse halka aan u socda adna aad iga dhowreyso waa qolyaha aan ka hadleyno Muslimiin yey ka wadaan? si aad jawaabta su’aashaas iila wadaagto wax yar u dul qaado qormadan:

Ma maqashay ereyadan?

Muslimiintii baa la baabi’iyey.

Muslimiintii baa la dhibaa

Ahlu Towxiidkii baa baxsan la’

Macnaha waxaa weeye iyagaa isku wada, dabcan iyagu Muslimiinta ayey ka mid yihiin, in muslinimadooda loo dhibana sax maaha, balse meel ay muslimiin iyaga ka badan ku nool yihiin oo dhul islaam ah, wax dhib ahna ay muslimiinta guud ku qabin inay dhahaan Muslimiin baa lagu dhibaa macno kale u garan maayo aan ka aheyn in Muslimiinta ay sheegayaan ay iyaga iska wadaan, gaar ahaan  marka loo dhibo arimaha  ay muslimiinta guud isku diiddanaayeen. waxaaba halkaas laga yaabaa in kali-muslinnimo ay  muuqato, laakiin hadda macnahaas uma jeedo, iyagana walow ay ka muuqato haddana waxay sheegaan inayan sidaas aaminsaneyn, in loo tixgeliyana waa ila wanaagsan tahay.

Al-Shabaab, iyagu shareecadii maaha oo ciddii iyaga la colowda shareecada inay col la tahaykamadhalaneyso. sidoo kale iyaga Muslimiinta oo dhan ma matalaan, meel iyaga lagu doortay oo umadda inay hoggaamiyaan loogu wakiishayna majirto, waa dad muslimiinta ka mid ah, sax iyo qaladna leh, su’aalo badanna waxaa ay ka furan yihiin halka ay umadda ku wadaan, wax yar su’aalahan ila fiiri.

1- Koox muslimiinta ka mid ah ma u babac dhigi kartaa gaalo oo dhan iyo inta badan muslimiinta?

2- Gar miyaa in Soomaalida  lagu tijaabiyo arimo culculus oo ayan ka bixi karin,  inta badan dadkuna  ay fashil u arkaan?

3- Intii 20 sano iyo ka badan ka dib laga shalaayi lahaa falal aan faa’iido badneyn, sow gar maaha in marka la nabad qabo aan lagu dhaqaaqin?

4- Haddii dadka diinta bartay badankoodu diinta xagal-daacinayaan yey yihiin dadka koryeelaya?

5- Haddii dhulkii kale ee Soomaalidu deggeneyd la leeyahay halaga soo Hijroodo dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaana ay doodi ka taagan tahay xukunkooda, yey kooxdani dartood u baaba’ayaan ma cid ay gaalo u arkaan iyo dhul ay waddan gaalo u arkaan bay daraadood u dhamaanayaan?

6- Haddii xiligan la leeyahay inta badan umaddu  maanta Towxiid ma fahmin goorma ayaa dadku towxiidka fahmayaan, dad intiisa badan ayan towxiid fahansaneyna sidee Jihaad looga dhaadhicin karaa?

7- Haddii intii saaxiibada ahaa ay isku haystaan arimahaasi masiiriga ah goorma ayaa bulshadii kale sida aad wax u dooneyso uga gadeysaa, goorma ayaase caalam kale u gudubtaa?

8- Qofkii su’aalahaasi keena ma murtad baa, mase waa mufsid dil mudan?

9-Haddii Nabi Muxamad (SCW) kabarinoqonayey qaar ka mid ah ficiladii ay saaxiibadii sameeyeen, maxaa loo maqli waayey Al-Shabaab oo ka cudur daaranaya wax ay haleeyeen?

10- Akhristaha qormadanow waligaa ma maqashay ficil hebel oo ay Al-Shabaab sameeyeen oo ay cambaareynayaan madaxda xarakadu, mase 5 sano iyo ka badan ururku maba qaldamin weli?

11- Qof mulim ah wax ka sheegiis ma lagu gaaloobaa?

12- Koox muslimiinta ka mid ah wax ka sheegeed malagu gaaloobaa?

13- Muxuu yahay waxa u dhexeeya qof muslim ah iyo koox muslimiinta ka mid ah?

Gunaanad

Towxiidku waa albaabkii laga soo galayey Islaamnimada, cid gaar u leh oo gooni uga sheegan karta dadka kalena majirto, Musliinta oo dhan ayuuna u dhexeeyaa haba kala badiyaane, haddii ay sidaas tahay, sax ma ahan in koox gaar ah si ay u fahansan tahay laga dhigo sidii saxda aheyd ee aan la khilaafi karin.

Shareecada Islaamka waa wax laga rabo qof walba inuu isagu ku dhaqmo, waxaana ka mid ah ku dhaqankeeda, salaadda oo la toosiyo, soonka, zakada iyo Xajka oo la guto ciddii awoodda, dhiiga muslimka oo la dhowro, xanta oo laga tago, muslimiinta oo loo turo, cilmiga oo la barto, waaliddiinta oo baarri loo noqdo, wanaagga oo dadka si xikmad leh loogu sheego xumaanta oo dadka laga reebo, “haddii xumaanta la reebayo ayan ka dhalaneynin xumaan ka badan”, dalka oo si guud ay uga muuqato sharaa’irta Islaamka, masaakiinta oo la caawiyo, dadka waaweyn oo la ixtiraamo, dariska oo xaqooda la ilaaliyo, in lagu dadaalo  intii ciqaab laga baqi lahaa in dadku xumaanta qanaacadooda isaga dhaafaan, ka dib marka lagu wacyi geliyo , ciddii intaas oo dhan wax ku qaadan weyda oo sidii shareecadu tiri garab-marta, lana timaadda wax xad keensanayana sidii shareecadu tiri la mariyo, iyadoo aan xadka loo fulineynin anaa kaa xoog weyn, ee maxkamad iyo cadaalad la marayo, loona fulinayo xadka si weliba waafaqsan wanaagga iyo naseexada ee aan  la coleytan iyo ku xumeyn aan laga wadin. arimahaasi iyo kuwa kale oo badan ayaa ka mid ah Shareecada Islaamka ee wanaagga  badan.

Muslimiintana, waa kuwa  intaas rumeysan kuna dhaqma, cid walba meel ha u joogtee, waxaa ka mid ah: mid naftiisa dulmiyey, mid dhexdhexeysta, iyo mid u hormara kheyraadka, Muslimiintuna ma ahan koox gaar ah.

Haddaba akhristaha mudnaanta lahow, waxaan filayaa inaan isla fahannay macnaha laga wado 3-da erey ee aan jeexjeexnay, anigoo ku kalsoon in dad badan oo qormadan akhrin doona ay ku baraarugsanaayeen aniga hortay.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Waxaan uga gol lahaa. 2-aad. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
  2. Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka. W/Q: Maxamed Nuur Shire
  3. Is-fahmi waaye ee aan u kala ergeyno. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
  4. Sheekh Cismaan Maxamed Shire oo Maanta laga soo Dayay Xabsi uu ku jiray 23 Maalmood
  5. Wafdi Culimo ah oo Sheekh Cismaan Maxamed Shire Saaka ku booqday saldhiga Dekada M. Boosaaso

Readers Comments (7)

  1. Abdinasir says:

    Asc,jazaakallaah walaalkay aad ayaan kaaga mahad celinaynaa maqaalkaaga qiimaha leh. Walaal runtii waa dhib weyn jirta in walaalihii dacwadaaan ay dib isugu soo noqdaan oo ay shaqo ka dhigtaan, waxaan isleeyahayna waxaa asal u ah iyadoo wixii ummada ka dhexeeyay ay walaaleheen leeyihiin anaga ayaa wadayna. Xataa waxaan aaminsanaahay Culumada la joogta sida sh.Jaamac cabdisalaan inaysan u ogolayn inay hogaaamiyaan. Waxay ka doorbideen ayaan isleeyahay xaqiiqda Allaa oge mid kale oo aaan sumad lahayni inuu hogaamiyo.Waa runtaa towxiidka iyo diinta cidna lagama xigo oo qof marti uga ah qof kale ama koox kale majir. Markale jazaakallah wa axsanallaahi Ileyka.

  2. Siciid suni says:

    Asc dhaman musliminta qofka qoral kan qoray wu mahadsan yahay wuxu ii cadeyey wax iga qarsona 1. Qof kan iso racin waa gaal taas manta kow maha waxay bilabatay 1972 marki al itixaad dhehen qofan anaga ehen wa gaal sida ahlusuna {suufiyah} waxay dhehen towxiid ka ma taqanan allah wuxu qadaray ragi laha dadki islamka aha towxiid ka ma taqanan in ayagana 40 sano kadib la dhoho ma inan fahmin towxiidka sida umal iyo kuwa la mid ka ah TALO: ragi gaalimada ku xukumay dad islam ah in ayagana ay kuwi ay barbariyen ku xukuman gaalnimo wa jazahoda adunyo waxase kaga daran tan aakhiro waxan ugu baqa culuma manta la baxday ictisam ex itixad inay allah u towbad kenan dadkana u shegan inay gaf weyn ehed inay dad muslimin gaalo ku xukumen sida ahlusuna haday diidan ha ogadeen hadi manta la yiri gaalo aya tihiin barina la oran doono asnaam aya tihiin taasna wa suno alle uu xaqa ku cadaynayo by all

  3. najiib says:

    waxaan kuu sheegayaa qofka qoray hadalkaan 2006 ilaa 2008 kii waxaad lahayih jahaad ayaa lagu jiraa gaaladii aad shagaysay oo aad lahay waa lagu jahaadaa waa joogtaa waxaad iiga jawaabtaa ma jahaad kaad sheegaysay ayaa been ahaa oo meelayaad rabtay inaad kuu gaarto ilaah inaad been ka sheegto oo aad diinta ku been abuurto mise gaaladaad sheegaysid baa is badashay oo muslin noqotay mise diin kalaa soo dagtay shalay warkas kaan waxuu dhihiray mujaahidiintii baa halkaas qabsaday indhcade ayad mujaahid u taqaanay ooo aan naqaan oo dadka wabiga biyhiisa gadijiray udiin shadaanimo ka qabo mujirimkaas ayaa kuu ahaa mujaahid maanta waxaas ayaad ku hadlay saas shalay ictisaam waxay lahaayeen ninkii gaal raaco waa gal maantana gaaladii ayaa gaa laga reebila yahay ma c/laahi yuusuf bay booskii sa rabeen wabarabeena c/laahi yusuf ictisaam oo dhan waa ka fiican yahay diinta kuma been abuuran laakiin xukun ayuu rabay ictisaam beenlowyaal diinta qabiilkoodaad kuga wayin iyo lacag males ayay u shaqeeyaan aduguna iyo wabsay ka kuba khayir malahid

  4. salaxudiin says:

    ASC WR WB WAXAAN ALLAHA RAXMAANKA AH KAAGA BARYAYAA INUU KU SOO HANNUUNIYO MAXAMED NUUR SHIROW .

    WAAYO WAXAAD U MUUQATAA MID XAQA GARAB MARSAN .

    WAANA IGA SU.AALE QODOBADA AAD TAXDAY EE AAD U SAARISAY ALSHABAAB MIYAANAY RUNTOOD AHAYN OO MAANTA AAN MUSLIMIINTA LAGU DHIBAYN TUULO KASTA OO CAALAMKA KA MIDA .

    TANKALE SHAREECADA AAD SHEEGTAY EE AAD TIRI WAA LAGU DHAQMAA ALLE AYAAN KUGU DHAARSHAYE ISLAAMKANA WAYNU HAYSANAYE II SHEEG HAL TUULO OO KAMIDA SOOMAALIYA OOO ALSHABAAB KA HOR LAGA HIR GALIYEY SHAREECO ISLAAM .?!!!!

    MISE ISLAAMKA IYO KU DHAQANKA SHAREECADU WAA SHEEGASHO IYO AFKA BAARKIISA.?!!!!

  5. cali yusuf says:

    al shabaab waxay dabaqayaan manhaj jira oo lagu tarbiyeeyay ,manhajkaa waa in lasaxaa towxiidka ay dabaqayaan waa kan kutaal kutubta qaarkii ,oo loo qaybiyo sedex ,qofkaan raacin waa gaalo ,waa la ogyahay hala daaweeyo manhjkaan qatarta ah ee ku qoran maraajicda qaarkii ay dadka baraan ,jaamac c/salaan waa takfiirka kan ugu daran ee somaliya jooga ,dib haloo saxo manhajkaan salaf ku sheega ah ee ibni taymiya bilaabay qarnigii 7-aad ,ee ah afkar irhaabi ah ,kuna wajahan kala faquuqa islaamka ,al shabaab eed malaha manhajkaan qawaarijka ah ,waxa halaga qabto muslimka ayuu dhib ku yahay intaan gaalo la aadin ,hadana dadka waa ay arkaan xaqiiqda waxa ay tahay ,taa ayaan oran lahaa waxba yaan la eedin nimankaa shabaab

  6. Ali Guure says:

    Juzita khayran.

    Hore ayaan uga hadlay arrimahan. Shabaab waa koox ka been sheegtay arrimo badan oo aad ka shanqarisay

  7. alqaacida says:

    akhayrta ninki rabba ha iska hadlo wale inta uu naga noolyahay mid naga mida inan dhulkayga somaliya galao iyo gaalo raacyo si xarago leh uga talinayn shacabka haday diidan inay diriraan oo nafta jecelaystan waxan leyhaya nafta way baxsa ama idinko meel bbc ku dhegaysanay qarax ku dhinta ama idinko tahiiribya bada kudhinta ama xabad wiifto ha iska kin dhacdo angu dhimashada waxay noo tahay fure an janad iyo ridad allah ku gaarno marka dhimashad iyo halagu wuu soconyaa inta fulaysha nafta jecel iyo cadowga manaxa ah dhulka somliya an ka xoraynayno




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Waxaan uga gol lahaa. 2-aad. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
  2. Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka. W/Q: Maxamed Nuur Shire
  3. Is-fahmi waaye ee aan u kala ergeyno. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
  4. Sheekh Cismaan Maxamed Shire oo Maanta laga soo Dayay Xabsi uu ku jiray 23 Maalmood
  5. Wafdi Culimo ah oo Sheekh Cismaan Maxamed Shire Saaka ku booqday saldhiga Dekada M. Boosaaso

Latest Headlines