Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaadda ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)

Published on January 30, 2012 by   ·   1 Comment   ·   print

Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee Madiin ee magaalada Burco ayaa xusay in  Ciidanka S/lland aysan ku duulin cadow balse ay ku duuleen dad shacab ah oo xigto ehel iyo waxwalba ay ka dhexeeyaan oo aysan sina u kala maarmin.

Shiikh Cabdullaahi Baasha ayaa baaq u jeeiyey Madaxda S/lland iyo salaadiinta waxaan uu ugu baaqay in dagaalka la joojiyo oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo nabad , Dhinac kale dadweyanah ku nool S/lland iyo degaanka Buuhoodle ayuu shiikhu ugu baaqay in ay iska ilaali yaan cid walba oo ka dhex abuuraysa dagaal fidno ah oo lagu mudanayo Naar.

Markii Salaadii Jimce ay dhamaatay ayaa Shiikh Cali Warsame oo tacliiqiyey khudabadii Jimce waxaa uu ku celiyey in aysan u baananay in dad muslin ah ay dhexdooda ka dagaalamaan isagoo Shiikhu uu sheegay in uu u soo joogay dagaalo dhowr ah oo lagu tilmaamay  jihaad oo ka dhexdhacay beelaha arrinkaas oo uu ku tilmaamay wax aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Madaxda dowllada S/lland  iyo  Salaadiinta beelaha in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Shiikh Cali warsame ayaa dhalin yarada uga digay in naftooda ay ku bixiyaan wax ay ku mutaysanayaan Naar iyo in ay ka fogaadaan dagaalada ku salaysan qabiil ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed dagaaladaas oo Shiikh Cali Warsame ku tilmaamay kuwa fidno ah oo la iskaga horkeenayo dadka ehelka iyo xigaalka wadaaga.

Shiilkh Cali Warsame ayaa sheegay in ay jiraan dad markii uu dagaal dhaco markii si xamaasad ah ku gala oo ha dhowna ogaada in khasaaraha ka dhashay dagalka uu saamayn weyn ku yeesho ka dib markii dad badan ay ku dhintaan hanti badana ay ku burburto sidaa darteed aýaa Shiikhu waxaa ku waaniyey dadweynaha in ay iska ilaaliyaan dagaalada qabiilka ah ,Shiikh Cali Warsame ayaa sheegay in uu u soo joogay asagoo wiil yar ah dagaalo qabiil oo beelo u dhexeeya kuwaas oo dhaliyey khasaaro fara badan oo naf iyo maalba lahaa.

Culim,udiinka ku nool S/lland ayaa si wada jir ah uga digay dagaalka ka soo cusuboonaaday degmada Buuhoodle waxaana ay ku baaqeen in colaada jirta lagu dhameeyo wada hadal iyo in Salaadiinta ,waxgarada iyo culimaduna ay u istagaanaa siddii wax looga qaban lahaa colaad aas foosha xun.

Hoos Ka Dhageyso Dardaarankii Sheekh Cali Warsame  Xafidahulaah

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Somalimirror.com/halgan.net



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Waxgaradka Soomaaliyeed oo codsaday in la joojiyo Colaadaha Buuhoodle iyo Mudug
  2. Hay’adda Culimada oo ku Baaqdey Dagaalka in la joojiyo
  3. Wasiirka Wasaaradda Gansiga DKMG ah oo sheegay in Itoobiya ay dhibaataysay dadka Reer Buuhoodle
  4. Dadka magaalada Caabudwaaq oo ku baaqay in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Kalshaale
  5. Culimada iyo waxgaradka gobolka Sool oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka oogan deegaanka Kalshaale

Readers Comments (1)

  1. cali says:

    Inkastuu laguug bir ah
    kufrigu libirta ii saaro
    hadaanan diinta laayicin
    xaqaa lagu labaadaaye
    Waxa igu liLaahi ah
    inaan layga ladhinaynin

    (Seyid Maxamed C. Xasan)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Waxgaradka Soomaaliyeed oo codsaday in la joojiyo Colaadaha Buuhoodle iyo Mudug
  2. Hay’adda Culimada oo ku Baaqdey Dagaalka in la joojiyo
  3. Wasiirka Wasaaradda Gansiga DKMG ah oo sheegay in Itoobiya ay dhibaataysay dadka Reer Buuhoodle
  4. Dadka magaalada Caabudwaaq oo ku baaqay in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Kalshaale
  5. Culimada iyo waxgaradka gobolka Sool oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka oogan deegaanka Kalshaale

Latest Headlines