Waxaan lagu qabtay qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conference-ka USA / Canada Dawro Cilmiyeed ay ka qayb galayaan culimadda Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ahaa culumadii ka qeyb gashay nadwada xalay:
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
Sheekh Ahmed Cabdi Samed
Sheekh Cabdi Qani Qorane
Culimada ayaa waxay ka hadleen mawaadiic kala duwan iyaga oo ka haqab tiray jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo si Live ah nadwada Culimada ugala socday qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conference-ka USA / Canada
Muxaadardii ugu horeysay ayaa waxaa galay Fadiilat Sheekh Al-waalid Cabdul Qaadir Nuur Faarax waxaan uu Sheekhu aad ugu dheeraaday cabsida Alle iyo in Soomaalida ay Alle u laabtaan kana baxaan qabiileysiga iyo kooxeysiga .
Sheekh Al-Waalid C/qaadir Nuur Faarax ayaa kula dardaarmay in laga shaqeeyo walaaltinimada iyo danta guud ee Ummada Soomaaliyeed oo ay maanta ku habsatay dhibaatooyin badan.
Sheekh Al-waalid Cabdul qaadir Nuur Faarax ayaa mahad celin iyo duco u gudbiyey walaalaha Maamula qolka Somali Islamic al-Taqwa Nework iyo qolka 114 ee Tele conderenceka USA / Canada kuwaas oo u taagan fidinta iyo wacyi galin dadka ku soo qaxay dhulalka gaalada .
Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Muxaadarda labaad ayaa waxaa galay Sheekh Axmed CabdiSamed wuxuuna ka hadlay waxyaabaha ay gaar la tahay diinta Islaamka wuxuuna Sheekh Axmed Cabdi samed aad ugu dheeraaday wanaaga Islaamka iyo sida Islaamka uu kaamil u yahay oo uu alle noogu nimceeyey.
Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. Axmed C/samad
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Muxaadaradii 3aaad ayaa waxaa isana galay Sheekh Cabdiqani Qorane waxaana uu ka hadlay tilmaamaha lagu yaqaan khawaarijtii hore iyo tan danbe ee casriga ah wuxuuna Sheekh Cabdi qani faahfaahin ka bixiyey khatarta Khawaarijta iyo sida ay u kala dhantaaleen umada Islaamka ah laga soo bilaabo wakhtigii saxaabada ilaa haatan.
Halkan ka dhageyso muxaadaradii Sh. C/qani Qorane
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Nadwada ayaa waxaa kale oo xalay ka qeyb gali lahaa Sheekh Dr Ahmed Daahir Áweys,Sheekh Yuusuf Aden ,Sh Cabdiraxiim C/Laahi Abul Cayneyn iyo culumo kale balse aysan suurto galin iyada oo laga yaabo in culumo kale ay caawa ka qeyb galaan Nadwada.
somalimirror.com/halgan.net

Related posts:
sal wan idin salamaya walalalayal kuligin khayr alaha idin siyo
mansgha aklaha ilahay ha idin xifdiyo kuliguin walalayal
wabilahi tawfiq
mansha alaha jazakulmulahau khyran wan idin salamaya inta meashaujirta maxa kajira mesha akhi