Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu:
Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture)
Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga
– Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى الله عليه وسلم in uu Ilaahay cilmi kordhin weydiisto
Zheekh Qurdubi wuxuu yiri: hadduu jiri lahaa shay cilmiga ka sharaf badan Ilaahay wuxuu nabigiisa صلى الله عليه وسلم ku amri lahaa in uu kororsiiyo u weydiisto sida uu cilmiga kororsiiyo ii weydiiso u yiri oo kale.
- Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri: qofkii Ilaahay kahyr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa
- Wuxuu kaloo yiri: aadanuhu hadduu dhinto camalkiisu wuu go’aa seddex mooyee ( sadaqo joogto ah, cilmi laga faa’iidaysanayo iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya
- Wuxuu yiri nabigu صلى الله عليه وسلم: waxaa idiin imaan doona qolyo cilmi doon ah ee markaad aragtaan ku dhaha: ku soo dhawaada dardaarankii rasuulka صلى الله عليه وسلم, waxna bara
Baraarujin:
Qeexid iyo ujeedooyin
Ujeeddooyinka loo darsayo thaqaafada islaamka:
Meelaha laga qaatay thaqaafada islaamka (masaadirta)
Masaadir Sharci ah:
Masaadir aqooneed:
Luqada carabiga iyo Soomalida:
Luqada carabigu marka laga soo tago arrimaha aynu kor ku soo xusnay:
a) waxay ka mid tahay luqadaha rasmiga ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
b) Waa luqad aynu u dhalanay oo ku abtirsano
c) Waxay inoo tahay luqad aqooneed; waayo waxbarashada diineed ka sokow ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ka bartaan dalal carbeed.
d) Waa luqad ganacsi; waayo tijaarada ugu badan waxay Soomaalida kala dhexaysaa dalalka carabta.
e) Intaasoo dhan waxaa ka sii daran inta ay ceebtahay nin madax ah ama aqoonyahan ah ama isim ah oo carbeed, isla markaana laga tarjumayo ama walaalihiis kula hadlaya luqado shisheeye.
f) Ragga dhibsanaya luqada carabiga iyo magacyada carbeed, isla markaana luqado shisheeye ku hadaaqaya ama doonaya in carabiga la fogeeyo, luqadaha kalena la soo dhaweysto waxaa habboon in raggaas su’aalo badan la weydiiyo. Ka hortagga duullaan miskexeedkaasna macallimiinta waxaa ka saaran xilweyn.
Waxyaabaha thaqaafada islaamku kaga duwan tahay thaqaafadaha kale:
a) waa thaqaafad cilmi ku qotonta; waayo waxay ka timid Allihii dadkaan abuuray oo og wax kasta oo ay u baahanyihiin xilli kasta, meel kasta iyo xaalad walba, mana jidho cid uga xog-ogaalsan waxa addoomadiisu u baahanayihiin. Eeg warshaddu markay soo samayso qalab waxay soo raacisaa bug ka hadlaya sida loo isticmaalayo, waxyaabaha laga ilaalinayo iwm, dadkuna cidda qalabkaas soo samaysay way uga dambeeyaan oo laguma qabsado, lagumana khilaafo, garna maaha in kitaabkii Ilaahay soo raaciyey addoomadii uu abuurtay loo diido oo lagu dhaqo buug aadanaha qaarkood dajiyeen!.
b) Waxay ku taagantahay caddaalad; waayo Rabbi cid kasta iyo shay walba waxa uu mudan yahay buu ogyahay, mana u kala eexanayo addoomadiisa.
c) Waa la ixtiramayaa, waana laga haybaysanayaa; waayo muslimiintu waxay ogyihiin in Rabbigood sharcigaan dajiyey ee aan aadanuhu lug ku lahayn.
d) Waxaa jira abaalmarin aakhiro oo qofka muslimka ah ku xambaaraysa in uu fuliyo waxa lagu amro, uuna iska ilaaliyo khilaafisteeda; waayo wuxuu ogyahay hadduu khilaafo oo ka baxsado ciqaabta adduunka in aakhiro lagu ciqaabi doono, halka qaanuunka aadanaha khilaafiddiisa aan dadku aakhiro uga baqayn ee ay iska ilaalinayaan ciddii markaas ku shaqada lahayd.
e) Thaqaafada islaamku waxay waafaqsantahay fidrada aadanaha iyo caqliga toosan, mana laha wax iska soo horjeeda iyo wax is burinaya midna.
f) Waa wax fudud oo iska cad, cid walibana ay fahmi karto, lana falgali karto.
a) adduun kaliya kuma saabsana ee waxay xambaarsantahay danaha adduun iyo aakhiro ee addoomada, waxayna ka hortageysaa waxyaabaha dhibaya adduun iyo aakhiroba.
b) Dhinaca axkaamta iyo qawaaniinta kuma gaar aha ee waxay xamabaarsantahay caqiidadii qofku aamini lahaa, cibaadadii uu Alle kula xiriiri lahaa, akhlaaqdii iyo dhaqankii wacnaa ee uu kula dhaqmi lahaa Rabbigiis, naftiisa iyo aadanahaba.
c) Waxaa kaloo ku jira qaybihii qawaaniinta oo dhan, sida: xeerka qoyska, xeerka madaniga, xeerka dawliga, xeerka distuuriga, xeerka maamulka, xeerka ciqaabta, xeerka ganacsiga iwm.
d) Waxay koobaysaa waqtiyada oo dhan (laga bilaabo markii ay soo degtay ilaa qiyaamaha) ee kuma gaar aha xilligii ay soo degtay kaliya. Dadka ku doodaya in diintu duugowdayna waxaa habboon in la weydiiyo: Yuhuuda iyo Kirishtaanka ayaa noogu yeera diimohooda, waxaana hubaal ah in nabiyadii loo soo diray ka horreeyeen nabigayaga ee haddii horrayn diin looga tagayo marka hore labadaas qolo ayaa naga diin horreeyaye iyagu kuwooda ha iska dhaafeen, ka dibna annaga iska dhaafa ha na dheheen, laakiin iyagoo diimo taayada kasii horreeyey haysta inay taayada duug ku sheegaan, tii ka horreyseyna noogu yeeraan ma garbaa?.
Tan kale dadka ku andacoonaya waa la hormaray aynu weydiino diintu ma waxay la hadashaa dadka mise walxaha dadku isticmaalo?. Haddii horumar la sameeyeyse waxa hormaray ma dadkaa mise waa walxaha?. Haddii walxaha iyo qalabkii la siticmaalayey la hormariyey dadkuna miyuu isu badalay sida alaabooyinka la isticmaalayo isu badaleen?, mise dadku waa sidii Alle u abuuray?. Tan kale waatan wax kastoo xasri ah la isugu bishaaraynayo wixii horena la durayee wax kastoo cusub ma wada fiicanyihiin?, wax kastoo horase ma wada xunyihiin?.
e) Waxay koobaysaa goobaha oo dhan ee kuma gaar aha deegaankii carbeed ee ay ku soo degtay.
f) Waxay koobaysaa aadanaha oo dhan ee kuma gaar aha rasuulka صلى الله عليه وسلم qawmkiisii kaliya, waana waxyaabaha rasuulkeenu kaga duwanaa rusushii hore oo iyaga qowmkooda kaliya loo diri jirey.
Tilmaamo:
Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo horumar adduun iyo mid aakhiro.

Related posts:
Waa darsi qiime leh ee ka faa’iidaysi wacan.