Shacabka Soomaaliyeed waxaa haystay dhib aad u farabadan, lagasoo bilaabo burburkii dawladdii dhexe,haseyeeshee, dhibaatooyinka haystay maalinba waji bay lahaayeen, oo kulligood isku wada mid ma ahayn, mid walibana middii ay ka horreysay ayaa ka fududayd, hase ahaatee waxay iska waafaqsan yihiin labo arimood, tan hore, dhibbanuhu mar walba wuxuu ahaa shacabka, tan kalana waxay tahay mar walba waxa loo adeegaa hal Taliye Ibliis.
Maanta marxaladdii ugu dhibka badnayd intii la arkay bay maraysaa hagardaamadii lagu waday dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay jabsatay xuduud kasta oo la yaqaaney, Taliye Ibliiska maanta joogaa waa mid aan waxba xeerinayn.
Mucjisaduse waxay tahay, qolyaha shacabka laynayaa, barakicinayaa, gaajaysiinaya, hantidooda dhacayaa qaarna burburinayaa, qolo waliba magac ay ku dagaal gasho bay leedahay, taliye Ibliis u gaarana waa leedahay, balse miraha kasoo baxa howsha ay qabanayaan hal dhinac baa faa,iidadeeda iska leh waa dhinaca loo wada adeegayo oo ah taliyaha guud ee ciidamadan soo dirsaday.
Waxaa jira xaddiis saxiis ah oo imaam AL-MUSLIM wariyay, duruq kaladuwanna ku yimid macnihiisa guud oo la isu keenay wuxuu ahaa, Ibliis ayaa ciidamadiisa diraya inay dadka soo fasahaadiyaan, fidneeyaan, dhibaateeyaan, kharibaan, iyo wax walba khasaaro nafeed iyo maaleedba keeni kara, Ibliis wuxuu ka dhagaysanayaa warbixin ku saabsan wixii nin waliba soo qabtay, markay shaqadii soo dhammeeyaan . Midbaa oranaya anigu maanta labo qof baan isku diray ilaa ay kala go,een, Taliyuhu(ibliis) wuxuu ugu jawaabayaa waxba maadan soo qaban. Midkalaa soo boodaya wuxuu leeyahay kama tagin ilaa uu waalidii ku caasiyoobey, Ibliis wuxu leeyahay waxba maadan soo qaban, inuu baarri u noqdo ayaa la arkaa, mid kasta oo ciidanka kamida markuu sheego shaqadii uu soo qabtay, Taliyaha jawaabtiisu waxa uun ay noqotaa waxba maadan soo kordhin.
Mid kalaa yiri maanta ina aadan(yacni dadka) kama tagin ilaa aan isaga iyo xaaskiisii kala furay, Taliyihii (ibliiskii waynaa) aad buu u farxay waana soo dhaweeyay sababtu waxay tahay,haddii uu burburo qoysku waxaa imaanaya dayac farabadan, waxayna saamayn iyo dhibba ku keenaysaa mujtamaca guud. Midbaa yiri anigu kama tagin ilaa aan shirki galiyey waa farxay Taliye ibliis wuxuuna yiri: Anta..Anta.
Markii danbe ayaa mid ciidamada ka mid ahi wuxu yiri anigu kama tagin ilaa uu mid kale oo muslim ah diley..Taliyahii aad buu u farxay wuxuuna ku yiri ninkaan rabay oo howsha aan jeclahay soo qabtay waa adiga, wuuna soo dhaweeyay taajkiina waa guddoonsiiyay.
Taajka wuxuu ku mutaystay sababtoo ah dilka qofka muslim ka ah waxa ka imaanaya dunuub waaweyn, marka hore dilkiisu isagaaba ah jariimo weyn ah, tan kale waxa ka dhalanaya riximka ama ehelka oo kala go’a oo iyaduna ah Jariimo. Mid kalena waa in quluubta dadka lagu abuuro nacayb kanaa diley kaasaa diley. Jariimo kale waa albaabka fasaadka iyo fidnada oo la furo markii qofkii qisaasta lahaa uu markiisa dulmiyo mid aan wax danbi ah geysan oo ay noqoto silsilad aan meel la qabto lahayn. Cidkasta oo wax ka geysata dilkaasna waa sunne uu jideeyey kii markii hore bilaabay (qisadii qaabiil iyo haabiil ku garo).
Hadaba bal aynu eegno ciidamada shacabka laynaya dalkiina burburinaya sida ay u kala dhibbadan yihiin uguna kala dhaw yihiin, Taliyaha guud ee ay u adeegayaan.
Ciidamada Ugandha: warbixintoodu waxay noqotay, Taliye madaafiic aan loo meel dayin baan ku garaacnay,naf iyo maal midna maanan badbadin. Taliyuhu wuxuu ku jawaabay waxba maadan soo kordhin sababtoo ah awalba gaalbaad ahayd dadkaanina waa muslimiin wixii aad gaarsiisid gaalo uunba na laysay bay leeyiin waana iska sabrayaan.
Burundi sidoo kale waxay helayaan isku jawaab iyaga Ugaandiisku. Amxaarada, Taliye wadankii gees dhan baan xoraynay, suufiyadii waa hubaynay, AHLU SUNNA WALJAMACA waliba waxaan shardi kula galnay inaysan dowladda la heshiin ee ay madaxbanaanaadaan, hadda kahorna waad ogeyd sidaan ula shaqeeyey qabqablayaalkii dagaalka ee joog iyo jiifba shacabka u diidey,Maxaakiimtii waa taariikh lama illaawaan ah wacdarahaan ka muujinay , marka taliye nin sahlan ma ahi, Taliyuhu wuxuu ugu jawaabi awalba xabashi baad ahayd dhib kasta oo aad u gaysatid soomaali taariikhdii
hore uunbay raaci waxba maadan soo kordhin cidna ku aamini mayso. Kenya,Taliye anigu diyaarado ayaan ku garaacay beerihii waa gubay dadkiina waa xasuuqay yaa iga fiican, Taliyuhu wuxuu ugu jawaabi gaalnimada waxaa kuu dheer horay baad dadkani dhul ay leeyihiin u boobtay marka cadownimadaadii uunbaad sii cadaysay.
Dowladda ku meel gaarka ah, Taliye anagaa idiin ogolaanay oo tiimbaraha idiinku dhufanay inaad wadanka soo gashaan, mar kastana anagaa idin difaacna oo niraahna anagaa u yeeranay waana na caawinayaan ee iyagu wadanka dan kale kama laha, waxaanu nahay qolada kaliya ee fududaysay inaad soomaaliya waxaad doontaan ka samaysaan, oo weliba waxaan lahayn waa (international community) Beesha Caalamka, oo dhiba ma laha dheef mooyee.
Taliyu wuxuu ku leeyahay waxba maydaan soo kordhin cid idin taageersan iyo cid dawlad idiin aqoonsan midna ma jirto waxaana la idiin fahamsan yahay inaan annagu meesha idiin dhiibanay markaan doonana idinka qaadayno kii aan doonnana badalayno,midda kale idinkoon joogin baanu wadankaan ka shaqaysan jirnay waxba maydaan soo kordhin abaalna idiinkuma hayno sababtoo ah waxaad noo diidi kartaanba ma jirto.
AL-SHABAAB, Taliye annagu, dadkaan kuma jiro, muslimnimo ayaan sheeganay diintii islaamkaan ku gabbanay, jihaad baan iclaaminay, quraanbaan daliilsanay, axaadiithtiina waan ku daba gadiney caamadii iyo wax magaradkii, waa iska jidboodeen waana nala aaminay, oo inaan cadowga dadka horjoogno baa la mooday, kaddibna waad aragtaa intaan cadow hoosta ku haysano,(Muhaajiriin) iyo waxa shacab qaylo kayeeraysa, qof aan badbaadinayna maba jiro sheikh iyo shariif, arday, oday, iyo culimo, waxgarad , aqoon yahan iyo siyaasi,mid ciidankii Soomaaliya ahaan jirey, ganacsade,suldaan iyo hantiile meeye?
Sow ma ogid inaan masaajiddii dadkii ka waalinay, laba isu timaadana la waayay, culimadii dadka baraarujin jirtayna aan u samaysannay culimo ibliiseed noo banaysay dhiiggooda, oo waxaa laga qaaday karaamadii waxa lagu sheegay culimaa’ suu’ , wax la dilo iyo wax wadanka ka cararay baan ka dhignay. Waxaanu kale oo haysanaa tiimbare ay ku qoran tahay “MURTAD” daqiiqad naguma qaadato inaan qofkaan doonno diinta bannaanka ka dhigno si aan dhiiggiisa u xalaalaysanno.
Taliye,meel aan ciidamadaada kale gaarin baan dadka ka soo ugaaranaa, wadanka meel aanan dhib ka gaysan ma jirto, xataa waxaan ay sheegaan ee “BIRI MA GEYDO”, qaamuuska nooguma taal, waxna kama waabano, Caalimkii aad ogeyd ee aad ka seexan weydey Sh/Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan biyo uma aanan kabban, liis kalana waa haysanaa, oo fari kama qodna. Waxaa taas kasii daran soomali danbe oo la maqashiin karo diin baa lagugu xukumi ma jirto annagaa u dacaraynay, tan kale waxay tahay taliye annaga ceebi ima karto, xishoodna iskaba daa, sababtu waxay tahay nalama yaqaan caawa allaale waxaan nahay oo madaxaa noo duuban markaan falka fulinayno,marka kalena intaaan iska furo baan dadkayga dhex mushaaxnaa oo shaaha la cabnaa. Taliye xaqiiqadu waxay tahay haddaan la iska abaal dhacayn anagaa sabab u ah inaad wadanka soo gashaan oo idiin sahalnay, ee taajka nagu wareeji.
Taliyihii aad buu u farxay wuxuu yiri ninka ragga ku jira hadaan caddaalada laga boodayn ayaad tahay (ANTA …ANTA YACNI ADIGA …ADIGA) waa AL-SHABAAB waana soo dhaweeyay , taajkiina waa u xiray.
Waxaan la dafiri karin ,meesha dad isu cadow ahi ku dagaalami maayaan,ee waxaa lala dagaalamayaa dad cadow loo wada yahay nin walibana geeskiisa ka cunayo, maadaama loo adeegayo hal TALIYE(USA) oo fadhiya xeebta Jasiira.
Waxaa kuugu daliila, labaatankii sano ee lasoo dhaafay ee dadka dulmiga iyo dilka lagu hayay, kooxaha ku hardamayay dalka wax kala adkaada waa la waayay. Tusaale ahaan, kuwa hadda joogaa laftigoodu wax kala adkaada waa lala,yahay Shabaabku ciidamada huwanka kama adkaan karaan, ciidamada huwantuna shabaab kama adkaan karaan magacaa kala duwan ee taliyuhu waa mid.
Waxyaalaha iga cajabiyay waxa kamida,Ururka al-shabaab uma dhisna qaab xisbi ama ma laha nidaam u dhisan hab maamuleed, waa urur uu xukumo hal nin kaliya oo cid ka daba hadli kartaa aysan jirin,ama wax u sheegi karta,ama khalad ka qaban karta, ama wax la wadaagi karta. Haday tahay maamul, haday tahay dhaqaale, haday tahay ciidan, ninkaas oo kaliya bay gacanta ugu jiraan,ciddii kadaba hadashaa waa dil kooxdiisaba ha ahaadee.
Waxaa dad badani ogsoon yihiin in ninkaani wadanka ka maqnaado sanad walba sadexbilood, kolley waa la hubiyay inuu dubay gaaro oo xaas u deggen yahay, lama yaqaan inuu meel kale kasii aado iyo inuu iyada kasoo noqdo. Waa yaabe basaaboorkee buu ku dhoofaa? Madaarkee ka dhoofaa oo kasoo degaa? Miyuusan ahayn ninku kii gaaladu raadinaysay? Sidee u dhici kartaa inuu meeshuu doono u dhoofo? Arimahaani iyo kuwo kale oo farabadan waxay ka mid yihiin shakiyada lixaadka leh ee ku hareeraysan Amiirka Xarakada Al-shabaab AXMED GODANE. Haddii intaas oo dhammi jirto ma caddahay inuu yahay mid kamida taliyaasha hoosyimaada taliyaha guud ee wadanka kor kahaysta.(USA)
Ninkaasi wuxuu awoodda ku haystaa ciidan ka gaara(Amniyaadka) oo ka madax banaan ciidanka guud oo aan maya aqoon, intooda badanina codkiisa iyo humaaggiisa mooyee aan dadka ka aqoon, sidaa oo ay tahay hadana aan waydiinayn sababta ay u qabanayaan hawlahan,weliba intaa waxaa u dheer inay si fiican ugu tababaran yihiin inay kasoo baxaan howshii loo xilsaaray. Layaab ma leh kaligii talis kasta wuxuu samaystaa ciidankaan oo kale si uu xukunka baaqi ugu noqdo, laakiin badanaa waxaa la arkaa dad kagoostay oo mucaarad ku noqda markay arkaan dulmiga ninkaasi wado, ma aha inaysan jirin kuwo la yaaban sida ninka Xarakada Shabaab xukumaa uu wax u wado, way jiraan oo waa badan yihiin iyagoo nooc walba leh balse su,aashu waxay tahay maxay u cadayn waayeen mowqifkooda iyo figraddooda, oo ninkan maxay isaga beri yeeli waayeen? Waxay ila tahay arimo dhawr ah.
1- Ugu horrayn in la la,yahay qofkii bilaabi lahaa oo geesiga ahaa,arintuna aysan ka duwanayn sidii sadexdii nin ee ninkii Wiilwaal la oran jiray damcay inay ku yiraahdaan Wiilwaal labada cad iskuma heshid , ee markay horyimadeen ka baqay ee yiri “Wiilwaal labada cad,leg laguugu dar”.
2- Waxay quudaraynayaan in meel alle u dhaafiyo oo iyagu meesha qabsadaan gadaashiis.
3- Kuwa mucaaradka ahi iskuma kalsoona oo figrad iskuma raaci karaan nin walbaa armaa lagaaga baxaa oo kaligaa bahal ku cunaa ayay leeyihiin
4- Waxay aaminsan yihiin inaysan heli Karin ciidan u gaara iyo dhaqaale sidaa darteed aysan waxba wadi Karin.
5- Waxay aaminsan yihiin inaysan meel kale aadi Karin sababtoo ah dad badan bay laftigoodu qudha ka jareen oo ma jirto meel ay isku aamini karaan xataa haday isaga tagi lahaayeen meesha.
Ugu danbayntii waxaan dadka inta la khalday ee ujeedadoodu ahayd diin jacayl iyo ikhlaas ee aan ku jirin, waxna ogayn mashruuca socda iyo dhab ahaan cidda uu u adeegayo, ee ilaahay dartiis dagaalka ugu jira, kula talinayaa una sheegayaa, ugu horrayn inay hoos wax u fiiriyaan amarka ay ku shaqaynayaan kama soo fulin Nebi ilaahay u waxyoodo, waxaa waajib ku ah inay iska hubiyaan waxa ay samaynayaan qof walibana wuuxu gaysto isagaa lagala xisaabtamayaa, laakiin ma jiro Ilaahay agtiisa danbi aan toobad lahayn inta ay furan tahay towbaddu, marka waxaan leeyahay is daba qabta oo haku dhimanina jariimooyinka aad diinta, dadka iyo dalkaba ka galaysaan oo gacmo iyo lugo ha u noqonina “Taliyeyaal ibliis “,oo iyagu ujeeddooyin gaara ugu jira shaqada noocan ah, hana ka quusanina raxmadda ilaahay ee waasica ah,inaad hadda kasoo noqotaan waxa aad ku sii socotaan waxay badbaadin kartaa dad aad u farabdan….
Ilaahay xaqa ha ina tuso oo dariiqa toosan ha inagu duwo.
Suleymaan Maxamuud

No related posts.
No related posts.
Salaamun calaa manitabacal huda raginan ictisaam xaqiqdi aniga wan idin aqaana wayo waxad tihin cadow kalkaal oo waligen waxad khiyaami jirten dhiiga mujaahidinta lkin markan wa la idin fashiliyey alahu akbar ku bishaareysta wax idin dhibo insha.alah
WEEL WALIBA WIXII KU JIRA BUU DHIDIDAA
ninkan comentigaan soo qoray waxaa ka muuqata dhiigyacabnimada maqaalkani ka hadlayo waxaa gubay xaqiiqada uu xambaarsan yahay qoraalkani, waxan u sheegayaa cid aad wax qaadi kartid ma jiro KU DHIMO CIILKAAGA iyo CUQDADAADA ictisaam wa kuwii salaadda ku baray hawo raacyahow aan abaalka lahayn jirri baad ahaan lahayd hadaa inkastoo jirri dhiig muslim aan gelin uu ka fiican yahay mid shubho googoysay oo adoo kale ah,dadkana u qaba inay gaalo yihiin oo ku salaamaya sidii kufaarta asliga ah lagu salaami jiray,maxaa wax ku gu kulmay waxaad leedahay calaamad KHAARIJINIMO,MID DHIIGYOCABNIMO,IYO MUNAAFAQNIMO intaba.
Assalaamu Caleykum. Walaalka maqaalka soo qoray Eebbe ha barakeeyo.
Waa yaabe! Walaalaha Shabaab waxa ay wadaan haddii ay diin tahay maxay u garnaqsan waayeen, maxay culimada ula doodi la’yihiin. Sow Qur’aanku ma oran isaga oo nebiga(scw)baraya sida mucaaradka loo qanciyo(واني او اياكم لعى هدى او في ضلال مبين) waa taas dariiqadii anbiyada. Laakiin aniga i garanmaysid oo indhaha ayaan xiranayaa, adiguna indhaha isku qabo oo aniga i raac, oo haddii aad i diido ama wax i weydiiso waa ku dilayaa, oo weliba magaca Eebbe iyo rasuulkiisa ayaan kugu dilaya, oo kolkii aan ku iraahdo: war maxaad igu dishey? jawaabtaadu waxay noqotay: anigu kuma dilin ee Eebbe ayaa ku dilay!
War hooy yaa ka denbi badan axad Eebbe ku been abuurtay?
Walaalayaal qof kasta ha xisaabtamo inta aaney iman maalin aan qof walba iyo Eebbe aan turjumaan u dhaxayn.
Allaah erayga inooku dambeeya nolosheena haka dhigo: لا إله إلا الله محمد رسول الله
Warsan iyo Salaama;
Guuleed