Qabyo kuma Ebyootee Dagaal qoriga noo tiirsha Abwaan Cabdiraxmaan-Shaacir (Dhagayso)

Published on January 25, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb  hub looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashay balaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa ummada Soomaali yeed qayba heeda kala duwan isagoo leh, colaad waan tijaabinay, caga gubyadeediina waan haynaa ee nabad matijaabinaa si mar’uun ehelka kala abaadday kala erdhoobay ay uwada qax weeyaan, qofkastana uu  haasaawa saamigiisa ka qaato 20 sano ee caguhu ummada u koreeyeen wixii uu la kulmay iyo intuu qaarado ka dhacay.

” Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge ” *hadaladaas waa qayb gabayga ka mid ah.  Gabyaagu waa tiriyey Abwaan Cabdiraxmaan Shaacir oo ka mida Gabyaasha da’ada yar ee Soomaaliyeed, markaadse gabaygiisa dhuuxdo, wuxuu ka haray odayaashii hore ee ruug cadaaga ahaa ayaad is oranaysaa.  Gabayga C/raxmaan Shaacir dadbadan mafahmaan maadaama Sarbeebta iyo is barbardhigida qisooyin horay u dhacay iyo kuwa haatan taagan ay u tahay nooca uu gabayga u tiriyo, nasiib wanaagse C/raxmaan Shaacir isagaa gabaygan hordhac usameeyey. kana hadlay sababta ku kaliftay. Waxaanse hubaa hadaad tahay Soomaali xiligan nool, kuna cel celiso dhowr goor in aad nuxurka la bixi. Maah maah horaa ahayd “Dhayda dhan xoorku isagaa kuusoo dhici” Gabygaan Cabdi raxmaan Shaacir wuxuu ku tiriyey Minneapolis 01/10/2012.

Hoos ka Dhagayso gabaygii Abwaan Sh Cabdiraxmaan Shaacir.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shabaabku ma khawaarij baa ?? Shiikh Cabdiraxmaan Abyad
  2. Maraykanka oo Wada Qorshe Qabyo ah oo Burcad badeeda lagula dagalamayo dhulka Soomaaliya
  3. “Shirkada Telesom waa Damal hadhaweyn oo dadku hadhsado” Abwaan Gaariye
  4. Beenta Al-Shabaab iyo Inkiraada Dilkii Dr. Ustaad/Shiekh Axmed X. Cabdiraxmaan. W/Q:Mohamed Ahmed Abdirahman
  5. Sheekh Cali Dheere “Hay’adihii hore loo mamnuucay kuma jiraan kuwa la fasaxay”

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shabaabku ma khawaarij baa ?? Shiikh Cabdiraxmaan Abyad
  2. Maraykanka oo Wada Qorshe Qabyo ah oo Burcad badeeda lagula dagalamayo dhulka Soomaaliya
  3. “Shirkada Telesom waa Damal hadhaweyn oo dadku hadhsado” Abwaan Gaariye
  4. Beenta Al-Shabaab iyo Inkiraada Dilkii Dr. Ustaad/Shiekh Axmed X. Cabdiraxmaan. W/Q:Mohamed Ahmed Abdirahman
  5. Sheekh Cali Dheere “Hay’adihii hore loo mamnuucay kuma jiraan kuwa la fasaxay”

Latest Headlines