Muxaadaro la magac baxday “Sixidda Afkaarta qalloocan oo uu jeediyay” Sh. Axmed C/Samad (Dhageyso)

Published on January 25, 2012 by   ·   3 Comments   ·   print

Sh. Axmed C/Samad oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku sugan oo Paltalk-ga marti ugu ahaa Qolka Somali  Al-taqwaa Islamic Network iyo khadka telefoonka 114 ee dalalka waqooyiga Ameerika, ayaa ka jeediyay muxaadaro aad u qiima badan oo uu kaga hadlay afkaaraha qalloocan ee muuqaalka diineed loo yeelay iyo nasiixooyin ku aaddan sidii loogu toosnaan lahaa jidkii salafka, loogana badbaadi lahaa inxiraafaatka diineed ee caqiido iyo hab-dhaqanba leh ee dad badan lagu aafeeyay.

Sheekha ayaa muxaadaradiisa isbarbar dhig ku sameynaya tilmaamaha diinteenna xaniifka ah iyo ficillada gurracan ee ay xarakada Alshabaab faraha kula jiraan isagoo nasaa’ix gaar ah u jeediyay da’yarta khayr doonka ah ee ku kadsoomay afkaarahaas qalloocan. Kumannaan dad ah oo ku kala dhaqan dalalka Yurub, Australia iyo waqooyiga Ameerika ayaa ka faa’iideystay muxaadarada Sheekh Amxed kuwaas oo kala socday aaladda Paltalk-ga iyo khadadka telefoonnada.

Halkan hoose ka dhageyso muxaadaradii Sh. Axmed ka jeediyay qolka Altaqwaa iyo khadka 114

Sixidda Afkaarta Khaldan Sh Axmed Cabdisamad



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Muxaadaro uu Sh Axmed C/samad u jeediyay Boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.
  2. Sheekh Axmad C\samad oo caawa muxaadaro ka jeediyay masjid jaamica jigjiga
  3. Fatwo loogu Magac daray “Mas’alada 4-aad” oo ka soo baxday Sh. Dr. Cumar Iiman
  4. Sh. Max’ed Gadhle oo Nadwadii Dhaqaalaha ee Hargeysa ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan waxyaabaha aan ku Habooneyn Ganacsiga
  5. Sh. Abuu dalxa oo caawa masjid jaamica Jigjiga muxaadaro ka jeediyay

Readers Comments (3)

  1. hassan says:

    Walaal maantasixid keliya loo majooge waa khalad waa jiraanayaa sax waa jiraanayaa qowl Ayaa la rabaa, waxaa iga su’aal ah ducada waxaa loo duceeyaa juyuusha muslimiinta waxaa la habaraa ama inkaar looga ridaa kufaaryta guud ahaan haddaba waa kuwee juyuusha muslimiinta iyo ku faarta ? Ikhwaanii afka keliya laguma difaacee diinta ficil ayay ui baahan tahay waa khaldantahay keliya looma joogo gaalna marna kuuma fekeraayo dantaada

  2. Jaalle Isticmaal magacaaga says:

    Wa in lo duceyo juyushta musliminta melay joganba, lakin jaysh shaydan o magac islam qatay ducada muslimintu ma ku dhacaysa?. Xasanow ka firso hadada hadalka ula jedo Shabab ma lo duceyo? ogo intay dinta iyo ummada u geysten ba ka badan inta galada kale u geysatay. E labao nin o isku shaqo haya maxa midna logu ducena midna lo habara. Waxay wada mutaysten habaar.

  3. Cali says:

    Marka waxaan salaamayaa qof kasta oo muslim ah: assalaamu calaykum. Walaalayaal allaah ka cabsada kana fogaada inaad wax ka sheegtaan mujaahidiinta. U nasteexeeya markay khalad sameeyaan una duceeya. Midda kale ninkan al-shabaab yir ciidan shaydaan ninkan ma takfiir baa muxuu mujaahidiinta u gaaleysiinayaa. Towbad keen ayaan dhihi lahaa.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Muxaadaro uu Sh Axmed C/samad u jeediyay Boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.
  2. Sheekh Axmad C\samad oo caawa muxaadaro ka jeediyay masjid jaamica jigjiga
  3. Fatwo loogu Magac daray “Mas’alada 4-aad” oo ka soo baxday Sh. Dr. Cumar Iiman
  4. Sh. Max’ed Gadhle oo Nadwadii Dhaqaalaha ee Hargeysa ka jeediyay Muxaadaro ku saabsan waxyaabaha aan ku Habooneyn Ganacsiga
  5. Sh. Abuu dalxa oo caawa masjid jaamica Jigjiga muxaadaro ka jeediyay

Latest Headlines