Ciidanka cirka ee dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay weerar ku ekeeyey degaan lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Cadaado iyo Gellinsoor, ciidan ka cirka Maraykanka oo adeegsanaya diyaaradaha loo yaqaan Helicopterska ayaa xoog ku soo furtay 2-bo shaqaale oo u shaqaynayey Hay,adda DDG oo ah Hay,adda miino-baaris ka waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ciidanka Maraykanka ayaa dilay ilaa 9 burcad badeed ah waxaan ay qabteen ilaa 5 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Burcad badeedka kana mid ahaa koox burcadbadeedah oo afduub u haystay labadaan shaqaale oo magacooda la yiraahdo, Jessica Buchanan oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka iyo Poul Thisted oo ah haweeney u dhalatay wadanka Denmark iyo nin dhalinyaro ah oo u shaqaynayey Hay,adda miino-baarista ee DDG.
Ciidanka Maraykanka ee howl galka fuliyey ayaa labaddii shaqaale oo bad qaba iyo kooxdii buracdbadeedka ahaa ku soo qaaday diyaarada Helicopter ah , Ciidanka Marykanka ayaa waxaa la sheegayaa in 2-da shaqaale ee ay soo furteen ay geeyeen saldhig weyn oo ay ciidanka Maraykanku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.
Labadaan shaqaale ee ka tirsanaa Hay,adda miino-baarista ee DDG ayaaa waxaa 25-kii bishii Oktoobar 2011 waxaa laga afduubay Koonfurta magaalada Gaalkacyo xili ay ku jireen howlahooda shaqo.Odayaasha ,culimada iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ay dhowr jeer ugu baaqeen dhalinyaradii burcadbadeedka ahaa ee afduubka u geystay 2-da shaqaale ee Hay,adda DDG in ay iska soo daayaan balse arrinkaas waa ay diideen.
Somalimirror.com/halgan.net

Related posts: